Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 6da March 2017. Tababar kusaabsan nidaamka ilaalinta deegaanka schoolada iyo guud ahaanba nadaafada dugsiga iyo ardayda ee deegaanka islamarkaana ay kasoo qaybgleen , kormeerayaasha, maamulayaasha, macalimiinta, iyo gudida waalidiinta ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.
Hadaba, Tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay wasiir kuigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmednuur oo ugu horayn umahadceliyay dhamaan kaqaygalayaasha sida wanaagsan ay uga sooqaybgaleen islamarkaanaa ay casharada u qaadanayeen mudadii uu socday cashirku, Wuxuuna wasiir kuxigeenku intaa kudaray in tababarkan ay kaqaybgalaayshu kubarteen casharo muhiim ah oo kuqotama nidaamka ilaalinta deegaanka schoolada iyo guud ahaanba nadaafada dugsiga iyo ardayda ee deegaanka, Wuxuuna kuladardaarmay kaqaybgalaaysha in sifaacan loo hirgaliyo islamarkaana laga dhaqan galiyo goobihii ay ka yimaadeen.
Ugudanbayna, kaqaybgalayaashii tababarka oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in tababarkan ay kafaaiideen casharo muhiim ah oo ku qotama nidaamka ilaalinta deegaanka schoolada iyo guud ahaanba nadaafada dugsiga iyo ardayda ee deegaanka islamarkaana ay ka dhaqan galindoonaan goobihii ay kala yimaadeen.