Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Qiimayn Ah Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Dugsiga Hoyiga Agoonta Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 30ka January 2017. Shir qiimayn ah oo ay kasoo qaybgaleen dhamaan shaqaalaha Geedisocodyada kaladuwan, Iyo macalimiinta ee  dugsiga hoyiga agoonta magaalada jigjiga  oo uu shir gudoominayay maareeyaha dugsiga hoyiga agoonta magaalada jigjiga mudane Maxamuud Cumar Nuur ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee isla boordhanka.

Hadaba shirkan qiimaynta ah oo uu shir gudoon ka ahaa maareeyaha dugsiga hoyiga agoonta magaalada jigjiga mudane Maxamuud Cumar Nuur ayaa sheegay inuu ujeedada qiimayntan tahay isla xisaabtanka shaqada ilaalinta saacadaha shaqada, Dhanka aragtida, Musuqa, xilka iyo waajibaadka shaqo ee qof walba loo idmay siduu oogasoo baxay iyo waliba in shaqsi walba lasoo dhigo siduu shaqada ku yahay haduu ku fiicanyahay iyo haduu ku xunyahayba.

Sidoo kale maareeyaha ayaa xusay inay qiimaynta  lagu bilaabo qodobadaas islamarkaana la isu qiimeeyo si cadaalad ah oo ka reeban eex iyo nin jeclaysiba, Si kastaba ha ahaatee qiimayntan loo hayay shaqaalaha kala duwan ee schoolka boordhanak magaalada jigjiga ayaa kadib markii la isu qiimeeyay shaqsi shaqsi lana saxay cidii dhaliil loosoo dhigay kusoo dhamaatay jawi fiican, Iyadoo maareeyuhu tilmaamay in qiimayntani noqon doonto mid joogta ah islamarkaana shaqsi walba lagu abaal marin doono sida losoo dhigay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>