Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 30ka January 2017. Deegaanka tigrayga oo maalmihii udanbeeyay deeqo kala duwan soo gaadhsiinayay deegaankeena ayaa maanta soo gaadhsiiyay 14 gaadhi oo ah gaawaadhida waawayn ee xamuulka qaadi oo calafka xoolaha ah, 2 booyadoo, Dawada xoolaha, iyo ta dadka islamarkaana oogu talagalay abaarta saamaysay qaar kamid ah gobolada deegaanka.
Hadaba deeqdan 14ka gaadhi iyo dawooyinka isugu jira ayaa waxaa ka gudoomay xukuumada DDSI iyo XDSHSI oo bogaadin iyo mahadnaq usoo jeediyay deegaanka tigray oo runtii ka damqaday abaarta ku timid isbadalka cimilada ee saameeyay qaar kamid ah gobolada deegaanka, Waxayna masuuliyiintu xuseen in deegaanka tigray ay deeqahan kaladuwan soo gaadhsiiyeen xili loo baahnaa.