Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Ganacsade Xaaji Maxamed Xaaji Ismaaciil Oo deeq Raashin ah Gaadhsiiyay Degmada Gaashaamo

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Gaashaamo(cakaaranews)Isniin 30ka January 2017. Iyadoo baryahanba ay socotay deeqda lagaadhsiinayo bulshada xoolodhaqatada ah ee ay saamaysay isbadalka cimaladu ee keentay roobyaraanta  ayaa sidookale ganacsade u dhashay deegaanka oo lagu magacaabo xaaji maxamed xaaji ismaaciil uu deeq raashin ah gaadhsiiyay bulshada kudhaqan degmada gaashaamo ee gobolka jarar.

Hadaba deeqdan raashin ka ah  oo  isugujirta bariis, bur iyo caano ayaa waxay dhanayeen 6 gaadhi oo kuwa xamuulka ah iyadoo halkaasna maamulka iyo ciidamada gaarka ah ee deegaanku ay ugu qaybiyeen bulshada kudhaqan degmada.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Qaarkamid ah bulshadii deeqda lagaadhsiiyay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin islamarkaana ay u mahadcelinayaan ganacsadahan soo gaadhsiiyay deeqda raashin ka ah iyo ciidamada gaar ka ah ee liyuupolice iyagoo xusay in ciidaamadu markasta lagarabtaagan yihiin taageero hiil iyo hooba leh.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Ugudanbayna, bulshada ayaa tilmaantay in deeqo farabada oo kaladuwan ay xukuumadu soo gaadhsiisay islamarkaana ay aad ugu mahadcelinyaan dhamaan xukuumada DDSI iyo XDSHSI.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>