Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Mac'hadka Cilmi Baadhista DDSI Iyo Masuuliyiinta Hay’ada GIZ Oo Kulan Yeeshay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 5ta June 2018. Waxaa booqasho ku yimid machadka cilmibaadhista xoolaha iyo beeraha DDSI Safiirka Switzerland u fadhiya dalkeenan itoobiya mudane Daniel iyo madaxa hay’ada GIZ marwo Elizabeth islamarkaana kulan layeeshay mas’uuliyiinta machadka. Iyagoo kadibna si wada jir ah usoo indho-indheeyay Mashaariicaha ay wada fulinayaan macahadka cilmi baadhista DDSI iyo hay’ada GIZ.

Hadaba, Maareeye Kuxigeenka Macahadka Cilmi Baadhista Xoolaha Iyo Beeraha DDSI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Aadan oo lahadlay warbaahinta aya asheegay in masuuliyiin kasocda hay’ada GIZ ay soo booqdaeen machadka islamarkaana ay ujeedada booqashadoodu tahay inay indho indheeyaan mashaariicaha ay wada fulinayaan macahadka cilmi baadhista DDSI iyo hay’ada GIZ . Iyadoo si gaar ah ay u indho indhaynayaan mashruuca balaadhan ee  kaydinta casriyaysan ee dhirta deegaanka. Kuwaas oo ah dhir ama geedo laga  uruuriyay deegaanka 20 sano kahor, tiradooduna dhan tahay ilaa 6000 oo geed oo kaladuwan islamarkaana si casri ah loodiyaarinayo laguna kaydinayo softwero kala duwan.

Sidookale, agaasimayaasha iyo xirfadlayaasha macahadka cilmi baadhista DDSI ayaa iyana dhankooda kawarbixiyay waxqabadka iyo natiijooyinka mashrriicaha ay wada fulinayaan machadka iyo hay’ada GIZ. Waxayna kawarbixiyeen nidaamkan kaydinta casriga ah ee dirta la uruuriyay iyo faaiidooyinka ay yeelan doonto

Dhankakale, mas’uuliyiintan iskudhafka ah ee kasocda hay’ada GIZ ayaa si qoto dheer usoo indho indheeyay noocyada kalduwan ee dhirta kuwaas oo ay  ka midka yihiin dacar-cadayda, dacar-caarayda , abaabinta iyo waliba geedaha dhirta ah ee erginta, gabawga, haadaynta,  xaskulka,  xiga iyo dhagwaynta kuwaaso oo dhamaantood loo isticmaalo arimo kalduwan.

Iskusoowada duuboo, masuuliyiintan ajnabiga ah ayaa si wayn ugu riyaaqay hawlaha shaqo ee macahadka cilmi baadhista DDSI iyagoo sheegay in meel fiican oo heersare ah la gaadhsiiyay shaqooyinka ay wada fulinayaan macahadka cilmi baadhista iyo hayada GIZ.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>