Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Doolo-Cado Iyo Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha PSNP Ee Kahawgala Gobolada Liibaan Iyo Daawa

$
0
0

Dolo-cado(cakaaranews)Isniin, 4ta June 2018. Tababar uu soo agaasimay xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI islamarkaana kuqotama kobcinta garaadka aqoomeed ee shaqaalaha Barnaamijka shabakada waxsoosarka cunada (PSNP) ee kahawlgala degmooyinka hoosyimaada gobolada liibaan iyo daawa ayaa si habsami leh uga bilawday degmada doolo-cado ee katirsan gobolkaasi liibaan.

Hadaba, tababarka ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay khabiirada tababarka fulinaya Mudane Maxamd Shugri Iyo Marwo Xamdi Muxumed oo sheegay in tababarkani yahay mid lagu kobcinayo garaadka aqoomeed ee shaqaalaha barnaamijka PSNP ee kakala shaqeeya  degmooyinka kala duwan ee uu kahwlagalo mashruucu islamarkaana hoosyimaada gobolada liibaan iyo daawa. Waxayna khabiiradu intaas kudareen in tababarkan shaqaalaha lagu siinayo casharo laxidhiidha kahortaga jeex-jeexyada, warraarada iyo caraguurka. Iyo waliba sidii loola tacaali lahaa caraguurka Waxayna xuseen in sidookale shaqaaluhu tababarkan kubaranayaan nidaamyada lagu Horumarinayo dhuldaaqsimeedka iyo waliba uruurinta biyaha iyo faa’iiodooyinkooda.

Dhankakale, khabiiradan tababarka fulinayay ee katirsan  xafiiska beeraha iyo horumarinta khayaraadka dabiiciga ah DDSI ayaa Tilmaamay in tababarkani uu socon doono mudo 15 cisho ah. Waxayna carabka kudhufteen in kadib marki uu tababarku u dhamaado shaqalaha ay kadhaxli doonaan cilmi iyo aqoonbadan.

Iskusoowada duuboo, tababarkan oo ay fulintiisa iyo diyaarintiisaba iskusoodubariday waaxda damaanad qaadka cuntada ee xafiiska beeraha iyo horumarinta khay-dabiiciga ah DDSI ayaa sidookale kasocda gobolada kale ee deegaanka islamarkaana loohaya shaqaalaha barnaamijka PSNP


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>