Addis-ababa(Cakaaranews) Jumce 1da June, 2018. Waxaa kulan casho sharafeed ah wada yeeshay mas’uuliyiinta secterka caafimaadka iyo mas’uuliyiinta deegaanada taageerada gaarka lasiiyo oo ay kasoo qaybgaleen madaxwayneyaasha deegaanada taageerada gaarka ah lasiiyo oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka wasaarada arrimaha federalka iyo horumarinta reer guuraaga mudane Kebede Jaane iyo marti sharaf kale ayaa ka qabsoomay caasimada dalka gaar ahaan Shereton Hotel.
Hadaba kulankan casho sharafeedka ah ayaa waxaa lagusoo bandhigay waxqabadyada kaladuwan ee ay hirgaliyeen mas’uuliyiintan mudadii ugu danbaysay, waxayna wasiirka wasaarada arrimaha federalka iyo horumarinta reer guuraaga mudane Kebede Jaane iyo dhamaan madaxwaynayaashii kale deegaanadu ku amaaneen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo xukuumadiisaba waxqabadka balaadhan ee ay kahirgaliyeen DDSI ee gaar ahaan ay ugu horeeyaan mashaariicaha waaywayn iyo ceelasha dhaadheer ee laga hirgaliyay deegaanka iyo kor uqaadida secterka caafimaadka oo uu taageero joogta ah lagarab taaganyahay islamarkaana uu ku taamayo in shacabka deegaanku aysan u baahanin in loo gudbiyo dal iyo dibad toona.
Ugu danbayna kulankan casho sharafeedka ah ee loo sameeyay mas’uuliyiinta ugu saraysa deegaanada taageerada gaarka lasiiyo iyo mas'uuliyiinta secterka caafimaadka oo la isku waydaarasday fikiro muhiim ah ayaa si wanaagsan ku dhamaaday, iyadoo shirkii qiimaynta waxqabadka deegaanada taageerada gaarka ah lasiiyo uu halkiisii kasii socon doono.