Jigjiga(Cakaaranews) Jumce, 1da june, 2018. Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad ayaa sheegay inuu imtixaankii heer qaran ee fasalka 10aad si nabadgalyo ah ku dhamaaday wasiirka ayaana ugu horayn umahadceliyay xubnihii komond postiga ee heer deegaan, heer gobol iyo heer degmo oo run ahaantii dadaal dheer u galay sidii uu imtixaankani si heer sare ah ugu qabsoomilahaa guud ahaanba deegaanka, wasiirka ayaana xusay in ardayda deegaanku natiijo fiican ka keeni doonaan imtixaanka heer qaran ee fasalka 10aad maadaama uu xafiiska waxbarashada DDSI uu mudadii ugu danbsay juhdi iyo dadaal badan galiyay sidii ay ardayda deegaanku natiijo fiican uga keeni lahayeen imtixaanaadka kala duwan ee heer qaran,wasiirka oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in uu imtixaanka fasalka 12aad ee heer qaran uu bilaaban doono 27ka bishan ginbood islamarkaana loo baahanyahay in ay xubnaha comond postiga udiyaar garoobaan una fuliyaan sidii quruxda badnayd ee ay u fuliyeen imtixaankii heer qaran ee fasalka 10aad.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah ardaydii qaatay imtixaankii fasalka 10aad oo sheegay inuu imtixaankii si fiican oogu dhamaaday islamarkaana ay natiijo wax ku ool ah ka keeni doonaan maadaamo oo ay waxbarasho tayaysan barteen.