Adhisababa(cakaaranews)jumce, 1da, June 2018. Waxaa si rasmi ah uga furmay xarunta dalka ee magaalada adhisababa shirkii deegaanada bourdhiga ee horumarinta gaarka ah lasiiyo islamarkaana ay shir gudoon ka ahaayeen Raisal-wasaare-kuxigeenka JDFI mudane Damake Mukonon iyo wasiirka wasaarada arrimaha federaalka JDFI mudane Kebede Jane. Iyadoo kulankana ay kasoo qaybagaleen Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wasiiro heer Deegaan ah.
Hadaba, shirkan ayaa ujeedadiisu tahay mid lagu qimeynayo islamarkaana lagu soobandhigayo waxqabadka 10kii bilood ee lasoo dhaafey ee 2010 T.I ee deegaanada taageerada horumarineed ee gaarka ah lasiiyo iyo waliba falanqaynta qorshaha sanad miisaanayadeedka 2011 TI.