Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Waynaha Caafimaadka Deegaanka Oo Kaqabsoomay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis, 30ka may 2018. Waxaa hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan si habsami leh uga bilawday shirwaynaha caafimaadka deegaanka kaasoo lagaga wada arrinsanayay heerka ay marayaan adeegyada caafimaadka  DDSI iyo waliba sidii loo sii xoojinlahaa tayada adeega caafimaadka. Iyadoo kulanwaynahana ay kasooqayb galeen Mas'uuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI, xubno kasocday wasaarada caafimaadka, shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI, madax xafiiseedada xafiiska caafimadka ee Degmooyinka, maareye-yaasha xarumaha caafimaadka, wakiilada arrimaha caafimaadka gobolada iyo waliba hay’adaha bahwadaagta la ah xafiiska.

Hadaba, Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Caydaruus Axmed oo ka warbixiyay kulanwaynahan ayaa sheegay in kulankani yahay mid lagaga wada arrinsanayo meesha ay marayaan adeega caafimaadka iyo waliba in dhamaan bulshada deegaanka ee kudhaqan degmo ilaa tuulo hoosaad la gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh islamarkaana ah mid loo siman yahay. Wuxuuna xusay in kulankan lagu soo bandhigayay heer daloolka caafimaadka meesha uu gaadhay 10 kii sano ee  udanbaysay isagoo carabka kudhuftay in marba hadii 10 kii sano ee udanbaysay lagu dhaqaaqay xawraare aad usaraysa oo ah kor uqaadista tayada iyo tirada adeega caafimaadka deegaanka ay hay'adaha bahwadaadta la ah xafiiska,iyo wasaarada caafimaadka JDFI ay aamini karaan in xawaare intaas kasiibadan lagu sii dhaqaaqi karo, iyadoo waliba xukuumada DDSI ay uqorshaysatahay sanadadan soosocda sii xoojinta iyo sii labo jibaarka kor uqaadista adeega caafimaadka Deegaanka.     

Waasiir-kuxigeenka oo hadalkisa sii wata ay tilmaamay In dhamaan hay’adaha bahwadaagta la ah xafioiska iyo wakiilada caafimaadka heer fedraal ee kasooqaybgalay kulan-waynahn ay aad ugu riyaaqeen islmarkaana sheegay in Kagonaanshaha ay xukuumadu samaysay ee kuaadan adeega caafimaadka 10kii  sano ee udanbaysay  uu yahay mid hersare ah oo kudhaqaqay xawaare aad aad uheersareeysa.

Dhanka kale, qaarkamdi ah madax xafiiseedadii kasooqaybgaly kulan-waynahan o dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in kulankani yahay mid sanadle ah islamarkaana lagu soo bandhigayo guud ahaan adeega caafimaadka deegaanka, startijiyadaha iyo qorshayaasha cafimaadka ee lagu sii xoojinayo tirade iyo tayada caafimaadka deegaanka.

Iskusoowada duuboo , shirwaynahan ayaa markuu sood hamaado laga filayaa inay kasoobaxaan natiijooyin horumarineed oo kor loogu sii qaado tayada caafimaadka deegaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>