Adhisababa(Cakaaranews)Arbaco, 30ka May, 2018. Kulankii khaaska ahaa ee qaabilaada iyo afur-sharafeedka isugu jiray oo uu Raisal wasaaraha dalka Dr. Abiy Axmed uu xarunta madaxtooyada dalka ugu qabtay wafti kakooban 200 oo xubnood oo kasocotay deegaanka soomaalida oo ay kamid ahaayeen hogaaminta sare ee DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwayne Cabdi Maxmuud Cumar, Odayaal dhaqameedka deegaanka iyo dhalinyarada ayaa soo soo dhamaaday.
Hadaba, kulankan oo ahaa kulan xog iswaydaarsi ah islamarkaana ahaa mid ay albaabadu uxidhan yihiin warbaahintana aan laga qaybgalinin si uu qof walba si iskii ah oo aan is ilaalin lahayn ugu hadlo ayaa waxaa ugu horayn furay Raisal wasaaraha dalkeena JDFI Dr. Abiy Axmed isagoo ugu horayn si diiran u soo dhaweeyay waftigan labada boqol ee xubnood kakooban sheegayna inuu aad ugu faraxsan yahay kulankooda.
Kadibna, raisal wasaaraha ayaa kahadlay muhiimada ay leedahay iskaashiga iyo nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha kaladuwan ee dalkeenu inuu yahay ka kali ah ee aynu kaga guulaysan karo cadawgeena 1aad oo ah saboolnimada. Wuxuuna bogaadiyay horumarka, nabadgalyada, dimuqraadiyada iyo nidaamka maamulka suuban ee kahanaqaaday guud ahaanba deegaanka soomaalida itoobiya sanadihii ugu danbeeyay. Raisal wasaaraha ayaana si cad udhigay inaan loo dulqaadanaynin cid kastoo dhibaato ku ah horumarka, nabadgelyada, nidaamka maamulka suuban iyo midnimada shacabka soomaalida itoobiya uu maanta haysto iyo waliba cid kasta oo iskahorkeenaysa labada shacab ee walaalaha ah ee soomaalida iyo oromada. Wuxuuna rasial-wasaaruhu cadeeyay in talada deegaanku ay kago’do oo kali ah XDSHSI ee talada deegaanka haya islamarkaana ay xukuumada federaalku tahay mid taageero guud siisa dhamaan deeganada dalka.
Rasial-wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu amaan usoo jeediyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo ku amaanay kasakaw shaqooyinka uu madaxwaynuhu kaqabtay nabadgalyada, horumarka, maamulka suuban iyo xidhiidhka dadwaynaha ee dal iyo dibadba waxqabadka uu ahmiyada gaarka ah siiyay ee gaar ahaan dhanka daboolida guud ahaan baahida biyaha deegaanka ee deegaanka daashatay oo ahayd caqabada dhibaato walba kadanbaysay. Wuxuuna sheegay in deegaanka soomaalidu uu guud ahaanba dalka itoobiya ahmiyad gaar ah iyo lafdhabarba u yahay isagoo xusay in cidii kala qaybqaybisa shacabka soomaalida ama carqalad kadhex abuuraysa labada qoomiyadood ee oromada iyo soomalida inay tahay cid duulimaad ku ah nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha dalka iyo waliba midnimda iyo jiritaanka dalka.
Raisal wasaaraha ayaana kula dardaarmay shacabwaynaha soomaalida itoobiya meelkasta oo ay joogaanba inay wax kuyihiin oo kali ah midnamada aan soomaalinimo kasakoynin ee ay muujiyeen 8dii sano ee u danbaysay taasoo uhorseeday heerka ay maanta gaadheen loogana baahan yahay inay halkaas horay uga sii socdaan oo aysan marnaba dib ugu noqonin isjiidjiidadkii qabyaalada iyo cadiifada kusalaysnaa ee ay wadajirka kaga soo baxeen.
Ugudanbayna raisalwasaaraha ayaa guriga kacodsay in maadaama oo lagu jiro bishii barakaysnayd ee ramadaan in la iswada cafiyo isagoo soo daliishaday axaadiis diini ah iyadoo dhamaan hogaaminta iyo kaqaybgalayaashuba intay hal mar wadakaceen ay halkaas isku wada cafiyeen midnimana kumuujiyeen.
Hadaba iscafiska kadib, ayaa waxaa guriga kasoo dhex kacay nin lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Kare oo halkaas iskufashiliyay islamarkaana guriga kacodsaday in sigaar ah isaga loo cafiyo sir culus iyo xogo badana qarxiyay lana wadaagay guriga iyadoo intaas kadib uu gurigu cod buuxa kucafiyay.
Intaas kadib, Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kulankaasi kahadlay ayaa Raisal wasaaraha dalka uga mahadceliyay laga bilaabo socdaalkiisii taariikhda galay ee uu ugu horayn isagoo lix maalmood uun laga joogo intii xilka loo dhaariyay uu deegaanka soomaalida kutagay, balanqaadyadii uu fuliyay iyo waliba qaabilaada iyo kulanka quruxda badan ee uu waftigan DDSI kasocday uu kuqaabilay xarunta madaxtooyada dalka. Wuxuuna raisal wasaaraha ku amaanay bisaylka siyaasadeed, kartida iyo waayo-aragnimada uu leeyahay taasoo uu tilmaamay in laga dareemayo nidaamka geedi-socodkiisa shaqada uu kuwado gaar ahaan socdaaladii dal iyo dibadba uu kutagay mudadii yarayd ee uu joogay. Wuxuuna madaxwaynuhu balanqaaday in XDSHSI, xukuumada deegaanka iyo shacabka oo gacmaha is haysta ay kazoo bixi doonaan kaalintooda kaga aadan kamidho dhalinta qorshayaasha dalku kaga mid noqonayo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay.
Sidoo kale, waxaa iyana dhankooda kahadlay odayaal dhaqameedka deegaanka oo ay ugu horeeyaan Suldaanka Guud Ee Beelwaynta Abasguul Suldaan Cabdikariim qalinle iyo Ugaas Cabdi ioo ugu horayn uga mahadceliyay raisal wasaaraha socdaalkii taariikhiga ahaa ee uu deegaanka soomaalida kusoo booqday iyo waliba qaabilaadan quruxda badan ee uu qasriga madaxtooyada kuqaabilay iyagoo sheegay inay farxad gooni utahay inay mudo 4 saac kabadan kusugnaadaan qasriga madaxtooyada dalka oo ay halkaas kutukadeen salaadihii maqribka iyo cishaa’iga. Waxayna faahfaahiyeen shaqsiyaadka magafayaasha iyagoo kutilmaamay inay yihiin shaqsiyaad ducfi ah oo wata fikirkii soomaali-wayn ee kusalaysnaa qabyaalada kala-qaybqaybinta, aragtida cidhiidhyan, kooxaysiga, nabadiidnimada, xoolo cirdoonimda, kabaayac-mushtarka dhiiga shacabka iyo iskahorkeenka bulshada soomaalida ah dhexdeeda iyo bulshooyinka dariska la ahba. Waxayna odayaal dhaqameedku balan qaadeen inuu shacabka soomaalida itoobiya uusan marnaba ogalaanaynin kalaqaybqaybinta iyo iskahorkeenka shacabwaynaha soomaalida iyo deegaamada dariska la ahba islamarkaana ay utaagan yihiin ilaalinta, xasiloonida, nabad kuwadanoolaanshaha iyo midnimada qoomiyadaha kaladuwan ee dalka.
Ugudanbayna, Raisal wasaaraha Dr Abiy Axmed oo soo xidhay kulankan ayaa umahadceliyay Hogaaminta sare ee DDSI iyo guud ahaanba odayaal dhaqameedka deegaanka iyo dhalinyaradaba. Wuxuuna kacodsaday inay uduceeyaan xukuumada DDSI iyo MW CMC, xukuumada federaalka ah iyo waliba shaqsiyan inay isaga Dr. Abiy ahaan ay si gaar ah ugu duceeyaan in xilka ilaahay ku asturo, midnimada iyo horumarka shucuubaha dalkuna sii adkaato maadaama oo ducadooda la aqbalayo. Wuxuuna kuladardaarmay in midnimada, magaca iyo maamuuska ay soomaalinimo kugaadheen ay tahay inay sii adkaystaan islamarkaana aysan marnaba dib ugu noqonin kalaqaybqaybsanaantii qabiilka ee ay midnimada soomaalinimo kaga soo gudbeen. Wuxuuna carabka kudhuftay in horumarka, daganaanshaha iyo xasiloonida dalku uu kuxidhan yahay deegaanka soomaalida itoobiya. Raisal wasaaraha ayaana fariin udiray dadka fikirada khaladka ah aaminsan isagoo ucadeeyay in deegaanka soomaalida itoobiya taladiisa iyo go’aankiisuba ay utaalo oo kali ah xisbiga iyo xukuumada DDSI. Sidaadarteedna, cidii cabasho qabta inay si sharciga waafaqsan ugala xidhiidho deegaankooda maadaama oo ay dawlada fadaraalku tahay dalad guud oo taageero ah oo ay deegaanada dalku wada hoos tagaan. Wuxuuna hadalkiisii kusoo afmeeray inay sii xoojinta nabad kuwada noolaanshaha labada qoomiyadood ee soomaalida iyo oromadu ay utaalo labada madaxwayne ee deegaanada DDSI iyo oromada.
Iskusoowada duuboo, cakaara oo xuquuqda qoraalkan iskaleh waxay hadalkeeda ku afmeeraysaa boqalaal gu'yaal dabadood bay garan doonaan