Jigjiga(Cakaaranews) Isniin, 28ka May,2018. Xuska Munaasabadii 27aad ee 20ka Ginbood oo si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha baarlamaanka mudane Maxamedrashiid Isaaq, Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, goloha wasiirada, wasiiro kuxigeenada, maareeyayaasha, saraakiisha ciidanka qaranka, saraakiisha ciidanka gaarka ah ee DDSI, odayaal dhaqameedka,qaybaha kaladuwan shaqaalaha deegaanka, culimo owdiinka dhalinyarta, kooxaha fanka iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada ku dhaqan xarunta deegaanka ayaa ka qabsoomay caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga.
Hadaba munaasbadan xuska 27aad ee 20ka ginbood ooh al ku dhag looga dhigay halka aan maanta ku suganahay waxaa gundhig u ah 20ka ginbood ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar oo ugu horyn deegaanka ugu hambalyeeyay sanadguurada 27 jirsatay islamarkaana si kooban usoo dhigay sooyaalkii taariikheed ee nabadgalyo daro iyo horumar la’aaneed ee uu dalka iyo deegaanku soomaray, madaxwaynaha ayaana intaana kudaray in kadib markii laga gudbay nidaamkii dulsaarnimadka ahaa uu deegaanku ka hanaqaaday isbadal nabadgalyo, mid horumarineed iyo maamul suuban oo salka udhigay nidaamka hada ka jira deegaanka ee lagu badhaadhay.
Madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa carabka ku dhuftay in adeeg bixinta caafimaadka deegaanka mudo bilaha ah gudohood la gaadhsiin doono heer lamid ah adeegbixinta caafimaadka ee ka jirta wadamada horumaray lana keeni doona hospitalka wayn ee meles momerial hospital dhakhaatiir ajaanib ah oo tayo leh iyo qalab lamid ah qalabka caafimaad ee yaala wadamada jarmalka iyo Thailand, madaxwayanaha ayaana xusay in dhalinyarada deegaanka dhamaan la shaqaalaysiinayo islamarkaana degmo kaste laga shaqaalaysiinayo 300 oo dhalinyaro ah.
Sidoo kale madaxwaynaha ayaa sheegay in nidaamkan uusan ahayn mid ku yimid dheel dheel balse uu yahay halgan iyo eed loo galay in shacabka laga samata bixiyo dhibaatooyinkii ay ku jireen. Madaxwaynaha ayaana carabka ku adkeeyay in xukuumadu ay dadaal dheer ugashay la halganka aragti xumidii jirtay ee nabadiidnimo qabyaaladeed, argagixisonimo, dulsaarnimo iyo iskudul noolaanshihii jirijiray dhamaantoodna ay xukuumadu xididada usaartay islamarkaana aysan maanta deegaanka ka jirin wax soomaalinimo ka hooseeya.
Ugu danbayana waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah odayaal dhaqameedka deegaanka oo sheegay mugdigii iyo marxaladihii adkaa ee ay bulshada deegaanku soomartay iyo sidoo kale isbadalada lama ilaawaanka ah ee ay maalintani dhaxalsiisay bulshada deegaanka, waxayna odayaal dhaqameedka inta ku dareen in maalintan ay tahay maalintii afka ciida loodaray kaligii taliskii macangaga ahaa ee dhergiga.