Jigjiga(cakaaranews)Isniin, 28ka may 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga uga anba baxay dhanka xarunta dalka ee magaalada adhisababa iyagoo madaxwaynaha iyo waftigiisuba ay halkaas kaga qaybgali doonaan shirka deegaanada ee boordhiga Horumarinta gaarka ah.