Jigjiga(Cakaaranews) Sabti, 26ka May,2018.Tababar ay ujeedadiisu ahayd Sidii loo tayeyn lahaa adeeg bixinta gaadiidka maamulka magaalada jigjiga,islamarkaana looga jawaabi lahaa baahida shacabka loona siin lahaa adeeg hufan oo leh qiimo bulshadu kuqanacdo iyadoo laga duulayo bayaanka dib loo habeeyey ee adeeg bixinta gaadiidka yar yar iyo kuwa magaalooyinka deegaanka ukala goosha ayaa ka qabsoomay hooka shirarka ee isla xafiiska.
Hadaba tababarkan ayaa Waxaa ugu horayn ka hadlay agaasinka badbaadada jidadka iyo dhisida iskaashatooyinka gaadiidka mudane maxamed Cabdiraxmaan iyo khabiirka sare ee dabagalka, xaqiijinta tayada gaadiidka iyo qaadida imtixixaanka mudane qarane siyaad oo sheegay in loo baahanyahay inay xirfadlayaasha dabagalka gaadiidku bulshada ugu adeegaan si daacadnimo iyo cadcadaan kudheehantahay islamarkaana ay bulshada siiyaan adeeg hufan.
Uga danbayna waxay tababar qaatayaasha kula dardaarmeen in mudada uu tababarku socdo la ilaaliyo saacada uu cashirku baxayo maadaama oo uu tababarkan yahay mid muhiim islamarkaana loo baahanyanay inaad sii gudbisaan kuna shaqaysaan.