Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Dhismaha Buundo Si Casri Ah Loo Dhisayo Oo Laga Wado Magaalada Dhagaxbuur

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Talaado, 22ka, May 2018. Waxaa si habsami leh u socda dhismaha buundo si casri ah loo dhisayo islamarkaana laga dul-dhisayo laagta wayn ee biyo mareenka ah ee dhaxmarta magaalada dhagaxbuur. Iyadoo buundadana dheerarkeedu dhan yahay 27 miter iyo 8 miter oo balac ah meesha joogeeduna yahay 7 miter. Waxayna  buundadani faaiido balaadhan u yeelan doontaa guud ahaan magaalada dhagaxbuur gaar ahaan xaafadaha  4aad, 5aad, 6aad iyo 7aad.

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka jarar Mudane Muxumed Xasan Suufi oo warbaahinta lahadlayayaa sheegayin si rasmi ah loobilaabay dhisamaha bunadada islamarkaana ay shaqadii dhismaheedu uu si fiican usocdo. Wxuuna intaas kudaray in buundadan  laga duldhisayo laagta wayn ee  biyo mareenka ah ee dhaxmarta magaalada dhagaxbuur. Iyadoo laagtanina ay ahayd mid bulshada kala xidhijirtay wakhtiroobaadka oo aysan isu gudbijirin xaafadaha iyo magaaladu. Wuxuuna tilmaamay inbuundadan balaceedu yahay 8 miter islamrkaana dheerarkeedu yahay 27 miter. Iyadoo joogga buundadanina uu yahay 7 miter.sidookale gudoomiyahaa ayaa xusay in dhismaha buundadani ay waxwayn katari doonto dhanka adeega bulshada. Wuxuuna carabka kudhuftay in buundadan ay dhisayaan  injineero aqoon durugsan u leh dhanka dhisida buundooyinka islamarkaana ay shaqo abuur kahelayaan dhalinyaro badan oo danyar ah.

Dhankakale, bulshada kudhaqan xaafadaha 4aad 5aad 6ad iyo 7aad oo dareenkooda kahadlay ayaa soodhaweeyay dhismaha buundadan islamarkaana sheegay in buundadani ay tahay codsigoodi ay kacodsadeen madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar markii uu socdaal kusoomaray dhawaan. Waxayna xuseen inbuundani ay faaiido balaadhan uleedahay hadaytahay isticmaalka buundada iyo haday tahay shiirkada iyo shaqalahan shaqada  fulinaysa oo ah dhalinyara reer dhagaxbuur.

 

Iskusoowada duuboo, dhismaha buundadan ee laga wado magaalada dhagaxbuur ayaa qayb ka ah horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee deegaanka iyo waliba kajaawaabida baahiyaha shacbka deegaanka. Iyadoo buundaninia ay faaiido balaadhan uleedahay shacabka magaalda dhagaxbuur islamarkaan ay door kaqaadanayso bilicda magaalada dhagaxbuur.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>