Qabridahar(Cakaaranews) Talaado, 22ka May, 2018. Xukuumada DDSI ayaa dadaal dheer oogu jirta sidii shacabka deegaanka loo gaadhsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah iyo kuwa kaabayaasha dhaqaalaha ee ay kamidka yihiin jidadka iskuxidha gobolada deegaanka iyo waliba noocyada kaladuwan ee jidadka maamul magaalooyinka deegaanka si bilicda magaaladu usoo baxdo.
Hadaba, maamulka magaalada qabridahar ayaa xadhiga kajaray 12 wado oo kuwa kobol stoneka ah waxaana xadhig kajarka 12ka wado xadhiga kajaray islamarkaana kawarbixiyay maayarka maamulka magaalada qabridahar mudane Yuusuf Xasan oo sheegay inay 12 wado oo nooca kobol stoneka ah la dhamaystiray si tayaysana loo dhisay islamarkaana ay xadhiga kajareen, wuxuuna maayarku intaa kudaray inay 12ka wadooyin ku baxday lacag dhan 9.5 milyan oo birr islamarkaana ka faaiidaysteen oo ay shaqo abuur ka heleen in kabadan 520 qof oo shacab ah oo isugu jiray shaqaalaha dhagaxa qora, kuwa gogla iyo keenayay. Maayarka ayaana xusay in wadooyinkan ay wax wayn ka badali doonaan bilicda magaalada qabridahar.
Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah shacabka shaqo abuurka ka helay 12ka wado iyo shacab ku faraxsan wadooyinkan qurxoon ee laga hirgaliyay magaalada qabridahar waxayna sheegeen inay aad oogu faraxsanyihiin wadooyinkan laga hirgaliyay magaalada qabridahar islamarkaana shaqo abuur fiican ka heleen, waxayna intaa ku dareen inay wadooyinakan yihiin kuwo iyaga loo sameeyay islamarkaana iyagu sameeyeen.