Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Degmada Waqooyiga Jigjiga Ee Harorays Oo Laga Qoday Ceel Riig Ah Oo Cusub

$
0
0

Haroorays(cakaaranews)Isniin, 21ka, May, 2018. Xukuumada DDSI oo mudnaanta siisay fulinta qorshayaasha biyaha 1aad ilaa 5aad si bulshada deegaanka wakhtigaaban gudahood looga haqabtiro baahida biyaha. Waxaana ceel riig ah oo cusub laga qoday degmada waqooyiga jigjiga ee haroorays kaasoo laqoday in kabadan 300 Miter islamarkaana halkii ilbidhiqsiba sootuuraya 8 liter oo ah biyo macaan. Iyadoo ceelkaasna ay kormeer kutageen masuuliyiin uu horkacayo wasiir kuxigeenka xafiiska Hor-Khayraadka Biyaha oo ay waheliso kusimaha gudoomiyaha degmada haroorays.

Hadaba, ceelkan cusub ee laqoday ayaa waxaa siwayn u soo dhaweeyay bulshada kudhaqan degmada haroorays. Waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin islamarkaana uu ceelkani yahay mid aad ubiyo badan. Waxayna tilmaameen in uusan ku filayn ceelkii hore ee uqodnaa, balse kani uu yahay mid wada kaafinaya dadka iyo duunyada degmada haroorays iyo waliba waxsoosaarka beeraha. Waxayna xuseen in ay kaga raysanayaan aroorkii dheeraa ee ay u aroori jireen gidhibka. Bulshada ayaana  mahadcelin balaadhan usoojeediyay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Mxamuud Cumar, sida dhakhsaha ah ee daacadnimadu ku dheehan tahay ee uu uga jawaabay baahidoodii iyo codsigii ay ugudbiyeen mudayar gudaheed. Waxayna xuseen in 24ka saacba duco iyo taageero lagarab taagan yihiin xukuumada DDSI.

Sidookale, Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Cabdixaliim Cabdi Ismaaciil oo isna kahadlay ceelkan cusub ee laga qoday degmadaasi ayaa sheegay in ceelkani uu yahay mid uu qoday xafiiska horumarinta khayaraadka biyaha islamarkaana ah mid ay xukuumadu kaga jawaabayso codsigii bulshada. Wuxuuna tilmaamay in ceelkani yahay mid aad ubiyo badan islamarkaana ah biyo macaan soona tuuraya halkii ilbidhiqsiba 8 liteer oo biyo ah. Wuxuuna xusay in bulshadu aad usoo dhawaysay ceelkan islamarkaana ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI ee uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Mxamuud Cumar.

Dhankakele, Kusimaha Gudoomiyaha Degmada  Ahna Madaxa Xafiiska Maaliyada Iyo Hor-Dhaqaalaha Degmada Haroorays Marwo Ayaan Siyaad oo iyadna kahadashay ceelkan cusub ee riiga ah ayaa sheegtay in ceelakni yahay ceelkii ugu biyo badnaa ee laga qodo degmada abidkeed islamarkaana ah ceelkii 2aad ee laga qodo. Iyadoo ceelakn laqoday kadib markii degmada uu kufilaanwaayay ceelkii hore islamarkaan bulshada degmadu ay xukuumada kacodsatay in ceelkale looqodo. waxayna tilmaantay inceelkale laga qodi doono degmada.

Iskusoowada duuboo,  ceelkan oo ay gacanta kuhayso shrkada qodista ceelasha ee Tanaad ayaa maraya meel gabogabo ah wuxuuna ceelkani noqonaya ceelkii 2aad ee biyo macaan ee laga hirgaliyo degmada walaw ceelalkalana dhawaan laga qodi doono senterada hoosyimaada degmada ee kala ah tuurwacad iyo yoosle


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>