Dolo-cado(cakaaranews)Isniin, 21ka May 2018. Mas’uuliyyiin uu horkacayo madaxa arrimaha siyaasada Xarunta dhexe ee XDSHSI islamarkaana ay waheliyaan mas’uuliyiin heer deegaan ah iyo waliba mas’uuliyiinta Gobolka liibaan ayaa kormeer indho indhayn ah kutagay kuliyada tababarka macalimiinta (TTC) ee degmada doolo-cado.
Hadaba, maareeyaha kuliyada macalimiinta ee doolo cado Mudane cabdiqafaar xasan oo kawarbixiyay kuliyada ayaa sheegay in kuliyadu ay kutaalo meel istaaraatii ah islamarkaana ay tahay kuliyad adeegii looga baahnaa si rasmi ah u bilawday sanadkan 2010. Iyadoo kuliyadu ay adeegsiisoo 268 arday kuwaasoo 100 arday oo kamid ah ay siiso adeega jiifka, cuntada iyo waxabarshada. Meesha 168 ardayna ay dibada kadhigtaan waxbarashada oo ay siiso kali ah waxbarashada.
Sidookale, Madaxa Siyaasada Xarunta Dhexe Ee XDSHSI Mudane Cumar Maxamuud Cabdi oo isna ka warbixiyay ujeedada kormeerkooda ayaa sheegay in kormeerkoodani yahay mid ay ku indho indhaynayeen nidaamka adeegbixinta kuliyada. Wuxuuna intaas kudaray in kuliyadu ay si habsamileh uwado nidaamka adeegbixinta islamarkaana ay waxwayn katari doonto dhanka tababarada macalimiinta maadaama oo ay wakhtixaadirkan ay adeegsiiso 268 arday islamarkaana ay tahay kuliyad aad uqurux badan si tayo lehna loo dhisay.
Iskusoowada duuboo kuliyadan ayaa ah kuliyadii 3aad ee dhanka tababarada macalimiinta islamarkaana wakhti xaadirkan si habsami leh u wada tababarada macalimiinta.