Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Xubno Al-shabaab Looga Shakisan yahay Oo Gacanta Lagu Dhigay

$
0
0

Afdheer(Cakaaranews) Khamiis, 12ka may 2016. Xubno looga shakisan yahay Al-shabaab balse deegaanka looga yaqaano al-qushaash ayuu sirdoonka deegaanku gacanta kusoo dhigay iyagoo sitay aqoonsiyo kaladuwan oo isugu jira kenya, maraykanka iyo ingiriiska islamarkaana kayimid dhanka Kenya. Kuwaas oo shirar ay ku abaabulayeen falal argagixiso oo kadhan ah deegaaanka iyo wadamada dariska ah kuhayay magaalooyinka buulo-xaawo, salalaw, agagaarka mandheera iyo xagar-dheer oo kamid ah meelaha ay alqushaashtu qorshayaashooda argagixisanimo kusamaystaan iyagoo waliba buulo-xaawo kulan kulayeeshay kooxo alqushaash ah oo halkaa tababar uga socday.

Hadaba xubnahan oo kakooban 6 xubnood ayaa  sida uu wariyahanaga ku sugun jiida hore ee degmada mooyaale noo sheegay inay xubnahani sheeganayaan beesha Guruur.Wuxuuna ka warbixiyay in goobaha ay kamidka yihiin tuulo barwaaqo, dodon-dhowe oo xero tababar ah, ceelcade oo dhanka kenya ah, golwayn oo ay habeen hore kasoo tageen iyo Carmada intaba inay kula kulmeen kooxda al-qushaash iyagoo wacyigalin argagixisanimo waday.

Si kastaba ha ahaatee hay’adaha amniga DDSI ayaa ku hawlan baadhista iyo xaqiijinta xubnahan looga shakisanyahay al-qushaash iyagoo hay’adahani hadh iyo habeenba si balaadhan uga warhaya xadka xuduuda dheer ee wadanka itoobiya uu laleeyahay wadamada dariska la ah.


Tacsi Tiiraanyo Leh. Inaalilaahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun.

$
0
0

Minnesota( cakaaranews ) jimce, 13 may 2016, Jaaliyada DDSI ee North America oo Tacsi tiiraanyo leh udiraysa Qaraabadii iyo qoyskii uu kageeriyoodey marxuun Abdiraxman Mohamud Hussein Dalab (Ilkacase) Samir iyo Iimaan allaha kasiiyo Qoyskii iyo Qaraabadii uu kageeriyoodey Marxuun kana Qabriga Allaha Uwaasiciyo.

Maamulka jaaliyada iyo guud ahaanba jaaliyada DDSI ee kudhaqan North America waxay Siguud tacsi uga dirayaan  geerida Kutimid Marxuun ABDIRAHMAN MOHAMUD HUSSEIN (Ilkacase)oo maanta ku geeriyoodey Abad Hosbital ee kuyaala  magaalada Minneapolis gobolka Minnesota

War Deg-deg ah: Wakaalad Cusub Iyo Magacaabis Cusub

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti, 14ka may 2016. Waxaa saaka maareeyaha wakaalada  diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah ee DDSI oo ah wakaalad cusub loo magacaabay marwo Aamina Ibraahin Ismaaciil  oo ah muwaadinad u dhalatay deegaanka ahna marwo heerka aqoonteedu tahay degree. Lehna karti, khibrad dheer oo shaqo, bisayl siyaasadeed iyo mid hogaamineedba.

Hadaba wakaaladan oo ah wakaalad heer federal laga soo dhaadhiciyay ayaa waxqabad muhiim ah uyeelan doonta deegaankeena.

Gal-mudug Oo Katalaaba-qaaday Maleeshiyaad Waxyeelo Ugaystay Shacabka Gudaha Itoobiya

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews) Sabti, 14ka may 2016. Kadib heshiiskii qoraalka ahaa ee ay dhawaantan kalasixiixdeen dawlada federalka ah ee itoobiya iyo soomaaliya ee ay gaar ahaan wadagaleen dawlada deegaanka soomaalida itoobiya iyo dawlad goboleedka galmudug soomaaliya ee xadka wadaaga ayaa waxaa dhacday in maleeshiyaad kaxun heshiiskaas labada dhinac oo kasoo jeeda dhinaca galmudug inay si gardaro ah kusoo galeen gudaha itoobiya oo ay kudileen 3 ruux oo shacab ah gaadhina kugubeen.

Balse dawlad goboleedka galmudug oo kaxun arintaasi ayaa islamarkiiba gacanta kudhigtay maleeshiyaadkii oo kaga talaabo-qaaday xabsi iyagoo waliba sharciga latiigsan doona.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii labada dhinac ay wadagaadheen oo ahaa heshiis midaynaya nabad kuwada noolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah ayaan ahayn mid marnaba kuburaya shaqsiyaad kaxun walaaltinimada shacabka labada wadan ee xuduuda wadaaga.

Dhanka kalana, dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ayaa soo dhawaysay talaabada deg-dega ah, kaxumaanshaha arintan iyo waliba go’aan qaadashada dawlad goboleedka galmudug oo kutilmaantay mid hirgalisay heshiiskii islamarkaana kuboorisay galmudug inay halkaa kasii wadaan dadaalka nabadaynta labada shacab iyo waliba kamidaysnaanta ladagaalanka cadawga shacabka labada dhinac ee walaalaha ah.

Arintan oo xalkeeda lagu dhameeyay si xeer dhaqameed ah oo raali galinaysa xeerka iyo dhaqanka labada shacab ee walaalaha ah siina xoojinaysa daris wanaaga labada wadan ayaa maalmihiiba waxaa kulan kayeeshay gudiyo kasocday labada dhinac iyadoo dhanka deegaanka soomaalida itoobiya ay kasocdeen: gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamuud Cali, janaralka ciidamada difaaca qaranka ee kifladoorka 13,aad mudane janaraal Khadiir, janaraalka ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska mudane janaraal Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale iyo xubno kale. dhanka galmudugna wasiirka madaxtooyada galmudug mudane xuseen qaasim yuusuf, wasiirka amniga galmudug mudane Cismaan Ciise Nuur, taliyaha nabadsugida galmudug mudane saadiq cumar xasan iyo taliye kuxigeenka ciidanka galmudug qaybta 21,aad mudane cabdulaahi aadan xuseen (ciro).

Abaalmarino Lagudoonsiiyay Shirkadaha Farsamada Gacanta

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews )Axad 15 May 2016. Munaasabad lagu abaalmarinayay waxsoosaarka faaiidada shirkadaha farsamada gacanta oo ay goobjoog ka ahaayeen dhamaan heerarka kaladuwan ee hogaaminta XDSHSI ee heer deegaan, Heer Gobol iyo Heer Degmo oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirudawlayaal heer federal ah iyo marti sharaf kale ayaa caawa kadhacday Hoolka shirarka ee Kaali.

Hadaba mid kamid ah qorshayaasha ay xukuumadu u qaadatay in ay saboolnimada kaga saarto shacabka ayaa ah kor u qaadida waxbarashada farsamada gacanta iyo xirfadaha iyadoo sagaalka gobol ee deegaanka ka samaysay 9 kuliyadood oo lagu barto nooc kasta oo farsamo gacan ah.

Sidaadarteed, ardaydii  kaqalinjabisay kuliyadaha farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha ee gobolka shabeele, Qoraxay iyo jigjiiga ayaa la isugu xidhay shirkado soosaara qalabyada kaladuwan sida kuraasta, miisaska, sabuuradaha, sariiraha, iyo marfashyada kuwaas oo ay kamidyihiin shirkada Halgan, Tayo-wanaag, Bulxan,  Miyir, Daruuri iyo Dahare iyagoo caawa hoolka shirarka ee kaali lagu abaalmariyay kadib markii ay hirgaliyeen qorshihii ay xukuumadu saboolnimda kaga saaraysay shacabkeeda iyo kagudubkii fikirkii cidhiidhyanaa ee mashaqaystenimada.

Sikastaba ha ahaatee, shirkadahan oo isugu jira agoontii ciidanka gaarka ah, hormuudkii nabada qaatay ee horay uga midka ahaan jiray nabad diidkii UBBO, dhalintii deegaanka ee kuliyadaha farsamooyinka ka soo qalinjabisay ayaa waxaa lagu abaalmariyay waxsoosaarkoodii farsamada gacanta iyagoo dugsiyada deegaanka u sameeyay in kabadan 40kun oo kursi iyo miisas. Waxayna faa’iidada ay ka heleen waxsoosaarkoodu uu noqday sidan: shirkada Halgan 1.784,861, Tayowanaag 1.757,251,Bulxan 1,784,861, Miyir 1,512,275, Daruuri 1,092,352, Dahare 1.512,275. Kuwaas Oo wadarta faaiidada ay heleen ay noqonayso 9,443,875.

Abaalmarintan ayaa waxaa gudoonsiiyay shirkadaha wasiiiru dawlaha wasaarada isgaadhsiinta xogaha casriga ah JDFI Marwo ifraax cali muuse, wasiiru dawlaha xafiiska Raisal wasaaraha JDFI marwo farxiya Maxamed Cumar, wasiirka Xafiiska Tababarada Farsamada iyo Xirfadaha DDSI mudane Naasir Xasan Axmed iyo waliba Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad

Ugudanbayna waxaa halkaas iyana lagu abaal mariyay kuliyadaha farsamada gacanta iyo xirfadahada DDSI ee shabeele, Qoraxay, iyo Jigjiga.

Munaasabada Soo Dhawaynta Xuska Sanad-guurada 25aad ee 20ka Ginboot

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Isniin 16ka May 2016. Kadib markii loo qabtay tababar heerarka kala duwan ee hogaaminta XDSHSI islamarkaana uu ka socday hoolka shirarka ee kaali mudo 10 maalmood ah ayaa maanta lagu soo gunaanaday munaasabad lagu maamusayo soo dhawaynta xuska sanad-guurada25aad ee 20ka Ginboot

Hadaba munaasabadan ayaa waxaa khudbad muhiim ah ka soo jeediyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in munaasabadan lagu soo dhawaynayo xuska sanad guurada 25aad ee 20ka Ginboot oo ah maalinkii afka dhulka loo daray  kaligii taliskii dhargiga islamarkaana ay tahay maalin mudan in lasoo dhaweeyo iyadoo munaasabadanina ay tahay tii ugu horaysay ee sidan oo kale u dhacda maadaama oo ay u dhanyihiin guriga dhamaan Heerarka kala duwan ee hogaaminta XDSHSI sida hogaamintii heer-deegaan ilaa iyo heer degmo. Wuxuuna Madaxwaynahu intaa ku daray in xiligii laga takhalusay kaligii taliskii dhargiga 1983 ay xisbiga talada dalka JDFI haya ee  EPRDF qabteen munaasabad soo dhawayna oo ku beegnayd maanta oo ay tahay taariikhdu 8da Ginboot. Wuxuuna hadalkiisii ku soo gunaanaday odhaahyo dhiiri galin ah oo ay kamid ahaayeen dib-u curashadu hawaarto.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa iyaguna dhinacooda ciyaaro wacdaro leh ku soo bandhigay ardayda hooyga agoonta waalidkood nabad diidka UBBO uu laayeey ee magaalada jigjiga. kuwaasoo soo bandhigay ciyaaro aad u farxad galiyay guriga oo ahaa ciyaaraha sarkiska qaybahooda kaladuwan.

Ugudanbayna munaasabadan oo ay u dhanaayeen dhamaan qaab-dhismeedka DDSI qaybahooda kaladawan iyo waliba dhamaan shaqaalaha heer deegaan ayaa waxaa iyana meesha kamaqnayn kooxaha fanka iyo suugaanta oo halkaas  ku soo bandhigay heeso wadani ah oo katurjumaya 20ka Ginboot iyo waliba heeso katurjumaya horumarka balaadhan ee deegaanka ka hanaqaaday.

  

 

Shir video-conference ah oo ay wada yeesheen masuuliyiinta xidhiidhka arimaha dawlada ee Deegaanada JDFI.

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Talaado 17ka May 2016. Kulan video conference lagu yeeshay islamarkaana lagaga wada hadlayey Hawlaha abaabulka guulaha sanad guurada 25aad ee 20ka ginboot ayaa kaqabsoomay Hoolka shirarka ee maqal iyo muuqaalka ee xafiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI. Kaasoo ay kasooqayb galeen wasiiru dawlayaal, madax xafiiseedyo iyo agaasimada xidhiidhka dadwaynaha ee  dawlad deegaanada dalka JDF.I iyada oo ay deegaankeena uga qayb galeen wasiirka xafiiska xidhiidhka arrimaha dawlada, dhaqanka iyo dalxiiska DDSI Mudane eng. idiris ismaacil oo ay wehelinayeen xubnaha xidhiidhka dadwaynaha ee xafiisyada heer deegaan.

Hadaba wasiiru dawlaha Hay'adaha dawlada ee Golaha wakiilada shacabka  JDFI mudane Amanuel oo kulankan Hogaaminayey ayaa sheegay in soo dhawaynta xuska sanad guurada 25aad ee 20ka ginboot ay muhiim tahay in lagu xuso waxqabadyadii ay qabteen deegaanadu isagoo Xukuumada DDSI Ku amaanay waxqabadka wanaagsan ee dhinacyada horumarka iyo maamulka suuban. Wuxuuna carabka ku dhuftay in dimuqraadiyada iyo horumarka dalku uu marayo meeshii ugu fiicnayd ee uu abid soomaro.

Sidookale, waxaa isna dhinaciisa ka hadlay wasiirka xafiiska xidhiidhka arrimaha dawlada, dhaqanka iyo dalxiiska DDSI Mudane eng. idiris ismaacil oo sheegay in shirkan lagaga wada arinsanayay soo dhawaynta iyo abaabulka sanad-guurada 25aad ee 20ka ginboot. Wuxuuna intaa ku daray in xukuumada iyo XDSHSI ay wadaan diyaar garaw adag oo loogu jiro munaasabada 20ka ginboot oo ay kadhimantahay 11 cisho oo kaliya iyadoo shirkana uu ahaa mid ay deegaanada iyo ismaamuladu ay iskula qaada dhigayeen waxqabadkii dawlada 25ka sano dhinacyada horumarka iyo maamulka suuban. Wuxuuna wasiirku xusay inay wakaaladaha wararka ee WAALTA, EBC iyo Wakaalada warbahinta DDSI ay deegaanka kawadaan dukumentry film 20ka ginboot ah xafiskiisuna uu daabici doono documentiyada guulahii lagaadhay 25ka sano.

Ugu danbayna waxaa ka hadlay shirkan gadhwadeenka xidhidhidhka deegaanada ee Wasaarada xidhidhka arrimaha dawlada JDFI Ato yamane Abraham oo ku booriyay dhamaan xubnihii kasoo qaybgalay in door kooda kaga aadan ay kaqaataan horumarka dalka islamarkaana ay baahiyaan bulshadana gaadhsiiyaan wixii laqabtay iyo waliba waxa laqaban doono intaba.

 

 

 

 

 

 

 

 

Shirkii Wada tashiga Dawlada iyo Deeq-bixiyayaasha Oo La Soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Addis-Ababa,(cakaaranews) Arbaca, 18ka May, 2016 ,Waxaa maanta lagu soo gabagabeyay xarunta dalka ee Addis ababa  shirka wadatashiga 6dii  biloodlaha ee Dawladda deegaanada,  iyo deeq-bixiyeyaasha oo socday mudo 3 cisho ah kaasi oo ay    ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka socday wasaaradaha  heer fadaraal , Dawlad Deegaanada dalka iyo  Deeq - bixiyeyaasha caalamka  sida :- World bank, European union, Austerian fund iyo African Dev't bank.

 Waxaana shirkan soo xidhitaankiisii ka hadlay  Wasiiru Dawlaha Wasaaarada Maaliyada iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ( MOFEC ) ee JDFI mudane  Ahmed Shide wuxuuna sheegay in mudadii uu socday shirani lagu qiimaynayay Waxqabadkii Fulinta barnaamijka kor-u-qaadida adeegyada aas - aasiga (PBS III) ee dhinacyada Caafimaadka , waxbarashada, jidadka, beeraha, biyaha, dakhliga & nidaamyada maamulka maaliyadeed ( PFM ) Sidoo kalena lagu soo jeediyay daraasado iyo  Qiimayno laga sameeyay deegaanada dalka.

 

Dhanka deegaanka soomalida itoobiya waxaa shirkan qiimaynta qaybgalay wafti uu hogaaminayo wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin  ka kala socda xafiisyada: Baarlamanka, Biyaha, Maaliyada, Caafimaadka, Beeraha, Waxbarashada iyo Dakhliga.


Imtaxaanaadkii Heer Qaran Oo Loo Diyaar-Garoobay

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Khamiis 19ka May 2016 Imtixaanaadka heer qaran ee fasalada 10aad iyo12aad ee 2008 TI ayaa loo diyaar garoobay kaasoo soo gaadhay xarunta DDSI ee magaalada jigjiga islamarkaana loo siikala qaaday 128 xarumood  oo isagu jira degmooyinka maamul-magaalooyinka iyo qabaleeyada DDSI.

Hadaba Gadhwadeenka/ GS/ Horumarinta Manhajka iyo Imtixaanaadka mudane Cabdulaahi Idiriis Cilmi oo kawaramay imtixaanaadka heer qaran ee loo diyaargaroobay ayaa sheegay  in dhamaan xarumaha deegaanka ee fasalka10 aad iyo 12 ba loo  sii qaaday imtaxaanka heer qaran wuxuuna masuulku intaa ku daray inuu imtixaanka qaybtiisa hore ee 10 aadka la bilaabmi doono 17ka bishan socona doono ilaa 19 ka bishan halka imtixaanka qaybta danbe ee 12aadka uu bilaami doono 22ka bishan ginbood ilaa iyo 25ka bishan ginboot.wuxuuna agaasinku kula dardaarmay munaaqabiinta imtixaanka waday inay si fiican ooga qaadaan ardayda ilaaliyaana nidaamka imtixaanaadka.

Ugu danbayna waxuu masuulku hadalkiisa ku gaba gabeeyay in ardayda degaanka ee qaadanaysa imtixaaanka heer qaran ee fasalada 10aad iyo 12aad  ay imtixaanaadka ooga shaqeyaan si sharci ah oon qish lahayn maadaama si fiican wax la idiin baray waa inaad ooga shaqaysaan sidii wax la idiin baray una diyaargarwdaan  heer jamacadeed.

Shir Loogu Diyaar Garoobayay Xuska 20ka Ginbood Oo ka Qabsoomay Degmada Erer

$
0
0

Erar( cakaaranews ) Khamiis 19ka May 2016. Shir loogu diyaar garoobayay laguna soo dhawaynayay xuska sanad guurada 25aad ee 20ka ginbood oo ay kasoo qayb galeen maamulka degmada erer qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha,dhalinyarta,iyo haweenka ayaa ka qabsoomay degmada Erer ee Gobolka Sitti.

Hadaba kusiisimaha Gudoomiyaha Degmada Erer ahna Maareeyaha Dakhliga Degmada Erer mudane Xasan ismaaciil maxamud oo ugu horayn ka hadlay kulankan ayaa sheegay in shirkan yahay u diyaar garowga iyo soo dhawaynta xuska munaasabada 20ka ginbood ee 25 tan jirsatay taasoo ah maalin qaali ku wada ah dhamaan dalka deegaanadiisa kala duwan maadama oo ay tahay maalinkii xididada loo siibay xukunkii kali taliska ahaa ee dhergiga lana sameeyay nidaamka dimuqraadiyadeed ee deegaan walba isku maamulayo afkiisa iyo diintiisa tasoo sabab unaqotay horumarka manta ka muuqda deegaanka.

Wuxuuna masuulku intaa kudaray inay xuskan gundhig uga dhigneen kuna soo dhawaynaynayaan beerida 150 geed oo lagu beerayo dugsiga hoose ee degmada erer ee gobolka sitti.

Ugu danbayna waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay qaar ka mid ah bulshada degmada erer oo sheegay inay maalinkan tahay maalinkii la helay nolasha qiimaha badan een maanta haysano soona dhawaynayno xuska munaasabada 25aad ee 20ka ginbood una diyaar garoobayno maalinkan qiimaha badan.

Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun: Madaxwaynihii Benishangul Oo Geeriyooday

$
0
0

Adhisababa( Cakaaranews ) Khamiis, 19ka may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi ayaa galabta xarunta deegaanka uga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee adhisababa iyagoo kaqaybgali doona aaska qaran ee allah ha unaxariistee marxuum mudane Axmednaasir madaxwaynihii dawlada deegaanka Benishangul Gumuz oo kugeeriyooday wadanka Hindiya oo uu caafimaad utagay.

Hadaba, xukuumada DDSI iyo XDSHSI oo uu ugu horeeyo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne kuxigeenada, golaha wasiirada, gobolada deegaanka, maamul-magaalooyinka, degmooyinka iyo shacabwaynaha soomaalida itoobiya guud ahaanba ayaa tacsi tiiraanyo leh udiraya dhamaanba shacabwaynaha JDFI gaar ahaana shacabka deegaanka benishangul khaasatan qoyskii, qaraabadii iyo eheladii uu sida gaarka ah ugabaxay marxuumku. Waxayna ilaahay uga baryayaan in samir iyo iimaan uu kasiiyo dhamaanba shacabka dalka kuwa deegaanka iyo qaraabadaba oo uu janatul fardawsa kawaraabiyo.

Allah Ha Unaxariistee Madaxwayne Axmed Naasir Oo Kugeeriyooday 51 Jir

$
0
0

Assosa( Cakaaranews ) Jamce, 20ka may 2016. sida uu sheegay xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada deegaanka benshangul gumuz, allah ha u naxariistee madaxwayne Axmed Naasir  oo shalay kugeeriyooday da’da 51 sano ayaa xilka madaxwaynetinimada dawlad deegaanka Benshangul hayay mudo 7 sano ah.  

Wuxuu kale oo ahaa gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Benshangul Gumuz oo ah xisbiga talada deegaanka haya. Wuxuuna ahaa nin aqoonyahan ah oo usoo halgamay siyaasada wadanka iyo ta deegaankaba isagoo kusifoobay karti badni, aqoonyahanimo, bisayl siyaasadeed iyo khibrad dheer oo dalka iyo deegaankaba ah.

Allah ha unaxariistee, marxuumka ayaa degreega 1,aad kaqaatay Jaamacada Haramaya cilmiga agricultural engineering isagoo Masterkana kaqaatay Jaamacada Hohai ee wadanka Chineseka laga leeyahay oo uu kubartay aqoonta Water Engineering. Wuxuuna soo maray Wasiiru dawlaha Wasaarada Beeraha JDFI iyo waliba wasiir xafiisyo kaladuwan oo heer federal ah.

Marxuumka ayaana ifka kaga tagay xaas iyo hal wiil.

Hadaba Maydka marxuumka ayaa waxaa maanta xarunta dalka ee adhisababa kasii qaaday mas’uuliyiinta ugu saraysa dawlada federaalka ahiyo hogaaminta ugu saraysa dawlad deegaanada dalku kakooban yahay oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaana aas qaran oo loo dhan yahay loogu samaynayaa xarunta dawlada deegaanka benshangul gumuz ee Assosa oo ah meeshuu kasoo jeeday marxuumku. Naxariis waasac allah hasiiyee.

Tababar Ku Saabsanaa Maaraynta Isticmaalka Raashinka La Dhigo

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews ) Jumce 20ka May 2016 Tababar uu soo agaasimay Waaxda Damaana-qaadaka Cuntada ee Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo khayraadka dabiiciiga ah ee DDSI oo ku saabsanaa maaraynta Isticmaalka raashinka la dhigo ayaa ka qabsoomay guriga shirarka ee isla xafiiska horumarinta beeraha Iyo khayraadka dabiiciga ah.

Hadaba Agaasinka Waaxda Damaana-qaadka Cuntada mudane Lubi Axmed Kaariye  oo ugu horayn ka Hadlay furitaankii tababarkan ayaa sheegay in tababarkan loo qabtay 60 xubnood oo ah shaqaalaha Maaraynta raashinka heer degmo  ee barnaamijka badbaadada  waxsoo saarka cuntada (PSNP) iyo xubnaha Maaraynta khataraha (Risk Management) iyo waliba 26 xubnood oo shaqalaaha heer deegaan ah.

Sidoo kale wuxuu agaasinku intaa ku daray in tababarku socon doono mudo 3 cisho ah isla Markaana ay lagama maarmaan tahay in kaqaybgalayaashu ay cashirka si fiican u qaataan mudada uu tababarku socdo ilaaliyaana wakhtiga la Qaadanayo cashirka. wuxuuna agaasinku la dardaarmay tababarayaasha  isagoo sheegay in ay Fahan buuxa kasiiyaan kaqaybgalayaasha sidii loo maarayn lahaa  isticmaalka raashinka la dhigo.

Ugudanbayna waxaa iyana dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qayb galayaasha tababarka oo Sheegay in tababarkani uu yahay mid aad muhiim u ah islamarkaana uu wax wayn ka badli doono aqoontii hore ay ula hayeen barnaamijka badbaadada iyo dabaana-qaadka waxsoo saarka cuntada.

Ogeysiis: Dhamaan Hogaaminta Jaaliyadaha DDSI Ee Qurbaha

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Jamce, 20ka may 2016. Waxay wakaalada xidhiidhka arimaha qurbajoogta ee DDSI ogaysiinaysaa dhamaan hogaaminta jaaliyadaha qurbajoogtu inay liistiga magacyada qurbajoogta kaqaybgalaysa shir-waynaha qurbajoogta ay kusoo diraan emailkan qurboddsi@gmail.com  si loogu sii fudaydiyo nidaaamka kaqaybgalka shir-waynaha.

Aaskii Marxuum Axmed Naasir: Madaxwaynihii DDBG

$
0
0

Assosa( Cakaaranews ) Jamce, 20ka may 2016. Kadib qaabilaadii iyo baroor-diiqdii maydka marxuumka ee saaka ay hogaaminta ugu saraysa xukuumada federaalka ah oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha JDFI mudane Dr. Mulatu Tashome, Raisal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn iyo kuwa dawlad deeganada dalku kakooban yahay oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ay kuqaabileen gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Adhisababa ayaa waxaa allah ha unaxariistee maydka marxuumka loo sii qaaday xarunta dawlad deegaanka benshangul gumuz ee Assosa.

Aaskii marxuumka naxariis waasac ah allah hasiiyee, ayaa waxaa kasoo qaybgalay hogaaminta dawlada dhexe ee dalka, kuwa dawlad deegaanada iyo ismaamulada dalku kakooban yahay, qaraabadii iyo shacabwaynihii deegaanka benshangul gumuz oo uu marxuumku aad ugu dheeraa iyagoo wajiyadooda ay kamuuqato murugo iyo tiiraanyo aad u wayn.

Waxaana si qaran oo loo dhan yahay galabnimadii maanta loogu aasay xarunta deegaankaas ee Assosa iyadoo khudbado tacsi ah oo tiiraanyo leh islamarkaana kawarbixinaya waxqabadkii marxuumka ay mas’uuliyiin kaladuwani halkaa kasoo jeediyeen.

 

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kaqaybgalay aaskii marxuumka ayaa khudbad uu ugu tacsiyaynayo dhamaan shacabwaynaha dalka gaar ahaana shacabka deegaanka benshangul iyo waliba qoyskii iyo qaraabadii marxuumka kasoo jeediyay halkaasi isagoo sheegay in allah ha unaxariistee marxuum Axmed Naasir uu kabaxay dhamaanba shacab-waynaha dalka. Wuxuuna ilaahay kabaryay in uu samir iyo iimaan kasiiyo bulsho-waynta reer itoobiya khaasatan shacabka benshangul iyo qoyskiisiiba. Wuxuuna madaxwaynuhu mar labaad Eebe uga baryay marxuumka in uu janatul fardawsa geeyo isagoo hadalkiisii kusoo xidhay in marxuumku xiliguu shaqada kujiray uu ahaa nin karti badan, aqoonyahan ah oo ay kago’an tahay waxqabadka horumarineed ee shacabka dalka iyo kadeegaankiisaba oo uu had iyo jeer hamigiisu ahaa siduu shacabkiisa uga saari lahaa saboolnimada una gaadhsiin lahaa horumar waara oo aan kasoo noqod lahayn iyo inay wadashaqayn toos ah wada lahaayeen tan iyo xilka hayay oo waliba isbadal dhaxal-gal ah oo dhanka horumarka iyo nabadgelyadaba ah uu gaadhsiiyay deegaankiisa.


Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Sanad Guurada Guusha 25 Jjirsatay ee 20ka Ginbood.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranew) Sabti, 21 ka May,  2016 Waxaa saaka ka dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan dood-cilmiyeed ku saabsan  guulaha horumarineed, nabadgalya iyo  maamulka suuban ee ay soo haysay guulsha 25 jirsatay ee 20ka ginbood iyo jihooyinka horumarineed ee loo sii joogtaynayo guusha 20ka ginbood.

Waxaana ka soo qaybgalay dood-cilmiyeedaasi masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI, dhamaanba shaqaalaha dawlada ee xafiisyada heer deegaan iyo qaarka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada deegaanka ee jigjiga.

Doodcilmiyeedkan waxaa hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar wuxuuna ugu horayntii ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee 20ka ginbood. sidoo kale waxa uu ka warbixiyay madaxwayne ku xigeenku dhibaatooyinkii cabudhiskii  iyo cadaadiskii  maamuladii boqortooyadii iyo tii milatariga ee dhergigu ku hayn jireen qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya intii ka horaysya guusha 20ka ginbood.

Dood cilmiyeedan ayaa siwayn ay masuuliyiinta iyo  shaqaalaha dawlad heerarkooda kala duwan  uga dooden marxaladihii  uu soo maray deegaanka gaar ahaan guulaha ay soo haysay 20ka ginbood ee dhinacyada nabadglayada, horumarka iyo maamulka wanaaga  waxayna hoosta ka xariiqeen masuuliyiintan iyo shaqaalaha dawladu in la sii joogteeyo lana sii xoojiyo xusitaanka iyo waynaynta guula 20ka ginbood laguna xoojiyo horumar waara.

Deeqdii Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia Oo Caasimada jigjiga Soo Gaadhay

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Sabti 21 May 2016. Qurba joogta DDSI ee wadanka Austeralia ayaa kunteendhar deeq ah oo ay ugu talagaleen hooyga agoonta ee magaalada fiiq soo gaadhsiiyay xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga. Deeqdan oo ka kooban Sariiro, Furaashyo, Dhar, Bugaag, Qalimaan, Cumputaro, Agabka-caruurtu ku ciyaarto, iyo agab kale oo kala duwan islamarkaana kasoo degtay dakada Berbera iyadoo si wadajir ah masuuliyiin kasocotay wakaalada Xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI iyo wakaalada ururka horumarinta soomaalida itoopiya kasoo qaadeen dakada berbera wakhti xaadirkana ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyadoo lafilayo in xukuumadu goordhaw kala wareegi doonto.

 

Shir Lagu Qiimaynayo Waxqabadkii Xafiiska Caafimaadka DDSI ee 9kii bilood oo ka furmay xarunta deegaanka.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Sabti, 21ka May, 2016 Waxaa ka fumray  madasha shirarka  ee  xafiiska arimaha haweenka DDSI shir   lagu qiimaynayo  waxqabadka xafiiska  caafimaadka DDSI  ee 9kii bilood ee sanad miinaayiyeedka 2008TI waxaa ka soo qaybgalay dhamaan madax xafiiseedyada caafimaadka 68, xidhiidhiyayaasha  9ka gobol iyo shaqaalaha xafiiska  caafimaadka ee heer deegaan.

Waxaana furitaankii shirkaasi  qiimaynta ah ka hadlay ku simaha wasiirka  xafiiska caafimaadka DDSI ahna agaasinka daawaynta iyo daawooyinka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Nuur Xuseen Xuuble wuxuuna sheegay in . Ujeedada shirkani tahay   in si wadajira loo qiimeeyo wax qabadkii xafiiska caafimaadka ee 9kii bilood ee la soo dhafay  iyad oo laga duulayo xogta ay soo gudbin jireen degmooyinka, cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka (HMIS) ee xafiisyada caafimaadka degmooyinka iyo gobolada DDSI. Wuxuuna masuulku sheegay  in   guusha 20ka Ginbood inoo hor seeday in lahelo adeeg caafimaad oo tayaysan loona siman yahay.

Waxaa kale oo ka hadlay agaasinka qorshaynta xafiiska caafimaad DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo si qoda dheer u faah-faahiyay ujeedada iyo ahmiyada shirkan wuxuuna sheegay    in si cad cadaan ah layskula xisaabtamo waxqabadka. Shirkan ayaa  socondoonaa mudo 3maal-mood ah.

Tababar Loo Qabtay Maamulka 38 Tuulo

$
0
0

Afdheer(Cakaaranews)Axad 22ka May 2016. Tababar ujeedadiisu tahay sii xoojinta nidaamka maamulka suuban iyo ciidanka horumarka ayaa loo qabtay maamulka  tuulooyinka iyo centerada hoosyimaada Afar degmo oo ah degmooyiunka dib-udajinta leh islamarkaana kala hoosyimaada Gobalka Afdheer iyo Shabeele iyadoo si habsami leh uu uga socdo isla degmooyinkaas.

Hadaba tababarkan oo  ay iska kaashadeen fulintiisa xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI iyo wasaarada adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha JDFI ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay Gadhwadeenka G/S Kobcinta awooda fulineed ee hay’adaha Dawliga ah ee xafiiska adeegashacbka iyo kobcinta maamulka DDSI mudane Cabdulaahi Muxumed Qaloonbi isagoo sheegay in tababarkan ay ujeedadiisu tahay kobcinta garaadka aqoomeed ee dhamaan maamulka 38 tuulo oo kala hoosyimaada degmooyinka dajintra leh ee kala ah Raaso, Iimeey-Galbeed, Beercaano iyo Goday kuwaas oo tiradoodu dhantahay 760 xubnood.

Wuxuuna intaa kudaray masuulku in casharada lasiinayo maamulka  tuulooyinka ay yihiin kuwo lagu barayo xilka iyo waajibaadkooda shaqo, nidaamyada maamulka suuban, ciidanka horumarka iyo waliba nidaamka qorshaynta iyo diwaangalinta.

Ugudanabayna wuxuu xusay in tababarkan ay casharada bixinayaan khibiiro xafiiska ah islamarkaan ku xeel dheer casharada ay bixinayaan isagoo carabka kudhuftay in tababarkani faaiido balaadhan u soo kordhin doono maamulada tuulooyinkaas.

Dood-cilmiyeed Lagu Soo Dhawaynayo Rubuc-qarniga Kasoo Wareegtay 20ka Ginboot

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Axad 22ka May 2016. waxaa maanta hoolka shirarka ee Qaryaan Dhoodaan ka dhacay dood-cilmiyeed lagaga hadlayay soo dhawaynta iyo dabaal daga munaasabada rubuc qarniga xuska guusha 20kii ginbood oo 25 jirsatay. Iyadoo  Doodcilmiyeekana ay ka soo qaybgaleen maamulada kuliyadaha DDSI ee xarunta deegaanka shaqaalaha iyo Hogaaminta maamulka magaalada jijiga.

Hadaba, shirkan doodcilmiyeedka ah ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo Farsamada DDSI mudane Naasir Xasan Axmed iyo Wasiir Kuxigeenka Horumarinta Magaalooyinka Dhismaha iyo Warshadaha DDSI mudane Axmed Shurgi. Waxayna masuuliyiintani soo bandhigeen warbixino ku saabsan sooyaalka taariikheed ee guusha 20ka ginbood iyo waliba waxqabadka dawlada ee 25kii sano ee itoobiyada cusub curatay kadib markii kaligiitaliskii dhargiga afka dhulka loodaray. Dhinaca kale shaqaalaha kuliyadaha iyo maamulka magaalada jigjiga ayaa iyaguna dhankooda ka dooday isbadalka balaadhan ee 25ka sano lagaadhay dhinacyada Horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban ee guusha rubuc qarnigii 20ka ginbood.

Sikastaba ha ahaatee, munaasabado iyo doodcilmiyeedyo kala duwan ayaa maalmahanba si isdabajooga ah uga socda caasimada DDSI ee magaalada jigjiga iyo waliba degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI taasoo lagu soo dhawaynayo xuska sanadguurada 25aad ee 20 ka ginboot oo ay kadhiman tahay oo kaliya maalmoyar.

 

 

 

 

 

 

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>