Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

MW CMC Iyo MW Jubba land Oo Booqday Biyo-xidheenka Waaji

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Jamce, 29ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan madaxwaynaha jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan iyo waftiguu hogaaminayay ayaa saaka booqasho indha-indhayn iyo khibrad wadaag isugu jirtay kugaadhay biyo-xidheenka qabalaha Waaji ee degmada koonfurta jigjiga ee dhawaantan xadhiga laga jaray oo buux dhaafsamay.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaana sheegay in biyo-xidheenkani kamid yahay 174 biyo-xidheen oo heer deegaan iyo heer degmo laga dhisay sanadkan oo intooda badan biyo galeen isagoo ilaahay uga mahadceliyay hirgalinta qorshaha guud ee xukuumada.

Dhanka kale, madaxwaynaha dawlad goboleedka jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan oo kahadlay qorshahan ayaa aad ugu hambalyeeyay xukuumada DDSI,XDSHSI iyo hogaaminta deegaanka heerarkooda kaladuwan oo ugu horeeyo madaxwayne CMC isagoo xusay in arintan ay kaqaateen khibrad wayn oo aysan horay ugu lahayn dhanka biyo-xidheenada maadaama uu deegaankoodu leeyahay togog iyo wabiyo kudara badda oo ay badduna dhanaan tahay. Wuxuuna intaa kudaray in biyo-xidheeno ay kasamaysan doonaan togoga iyo wabiyada kahor intaysan badda kudarin oo dhanka waraabka beeraha ay uga faaiidaysan doonaan.

Sidoo kale, Waftiga ayaa aad ugu bogay biyaha intaa le’eg ee laqabtay iyo tabta cilmiyaysan ee loo qabtay iyo waliba fikiradii iyo kartidii xalaasha ahayd ee kadanbaysay qorshahan.

Ugudanbayna, waftiga ayaa duhurnimadii soo hadh-galay guryaha martida ee qaryaan dhoodaan iyadoo uu roobab badani kadayaan xarunta deegaanka ee jigjiga iyo nawaaxigeeda.


MW CMC Oo Soo Dhaweeyay MW Gal-mudug

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Sabti 30ka April 2016,Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan waftigii ka socday Dawlad Goboleedka Jubaland ee uu hogaominayay Madaxwaynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo Masuuliyiin sar-sare oo labada dhinac ah ayaa duhurnimadii maanta si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Gagida Diyaaradaha caalamiga ah ee Garaad Wiil-Waal Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Gal-mudug Mudane Cabdikariim Guuleed iyo wafti uu hogaaminayo.

Waftigan oo booqasho ku yimid xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyagoo saaka kasoo kicitimay xarunta dalka ee adhisababa ayaa ugu horayn waxay indho indhayn ku sii mareen  Xarunta Madaxtooyada DDSI, kadibna waxaa si toosa loogu sii qaaday Guryaha Martida ee Qaryaan Dhoodaan. Halkaas oo qado sharafeed heer sare ah  loogu diyaariyay oo gaar ahaan madaxwaynayaashu si khaas ah ugu wada qadeeyeen.

 

Booqashadii Saaka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti, 30ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa saaka socdaal indha-indhayn ah kusoo maray meelo kamid ah magaalada jigjiga ee xarunta deegaanka iyagoo kashaaheeyay muqaaxi shaah oo kutaala badhtamaha magaalada kana mid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado si ay bulshada ula wadaagaan dareenkooda.

Kadibna waftiga guud oo uu hogaaminayo madaxwayne CMC ayaa booqday xarunta madaxtooyada ee DDSI iyagoo halkaa kusoo indha-indheeyay dhismayaasha kaladuwan ee sida casriga ah loo dhisay oo ay kamid yihiin xafiiska madaxwaynaha, guryaha kaladuwan ee martida, guryaha shirarka ee uu kamidka yahay hoolka shirarka waa wayn ee KALI.

Waftiga ayaana bogaadiyay horumarkan dhismayaasha kaladuwan ee sida casriga ah loo dhisay iyagoo sheegay inay khibrad balaadhan kaqaateen.

Ugudanbayna, waxaa la abaaray dhanka garoonka diyaaradaha si loo soo dhaweeyo wafti lasugayay oo uu hogaaminayay madaxwaynaha ismaamul goboleedka galmudug.

Kulan lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Qorshaha Biyo Xidheenad.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) sabti, 30ka April, 2016 kulan uu soo diyaariyay xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.   kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd  mid lagu kala qaadanayay cashiradii laga bartay hirgalinta qorshihii biyo xidheenada sanadkii 2008TI iyo sidii loogu diyaar garoobilahaa fulinta qorshaha biyo xidheenada 2009ka TI.

Kulankaa oo loo qabtay maamulada degmooyinka iyo gobolada DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay  masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka horumarinta khayraadka biyaha DDSI murwo Fartuun  Mahadi Cabdi, wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed cabdi Maxamed, wasiir ku xigeenka xafiiska madaxtooyada DDSI mudane Ibaahin Aadan mahad (Sacab) iyo wasiir ku xigeenka xafiiska biyaha mudane cabdiraxmaan curaagte.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadashay wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI marwo Fartuun Mahdi Cabdi oo ka warbixiyay qorshihii 2008da ee dhinaca biyo xidheenada guulaha laga soo hooyay iyo cashiradii laga qaatay fulinta qorshahaasi waxayna sheegtay wasiiradu in cilmigii iyo waayo aragnimadii laga bartay fulinta qorshihii hore lagu hirgalindoona qorshahan biyo xidheenada 2009TI.

Intii uu kulankani socday waxay booqdeen masuuliyiinta heer deegaan, maamulada degmooyinka iyo goboladu biyo xidheenka  waaji ee laga hirgaliyay  degmada koonfurta jigjiga halkaasi oo ay siwada jir ah tusaale   uga qaadanayeen.

 

 

Munaasabadii Soo Dhawaynta Martidii Soomaaliya

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti, 30ka April 2016. Munaasabad si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu soo dhawaynayay wufuudii kasocotay dawlada soomaaliya oo ay kamid yihiin: wasiirka boostada iyo isgaadhsiinta dawlada soomaaliya mudane Maxamed Jaamac Mursal, madaxwaynaha ismaamulka Jubbaland mudane  Axmed Maxamed Islaan, madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale oo wehelinaysay ayaa caawa kadhacday xarunta madaxtooyada DDSI.

Hadaba munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, dhamaan martida loo qabtay xafladan soo dhawaynta ah, hogaaminta sare ee xukuumada deegaanka, kabineega DDSI, maamulada gobolada iyo degmooyinka, heerarka kaladuwan ee shaqaalaha xafiisyada heer deegaan,heerarka kaladuwan ee bulshada sida:  odoyaal dhaqameedka deegaanka, hooyooyin, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayn lagu furay casho sharaf si heer sare ah loo soo diyaariyay oo uu madaxwaynuhu ufuray dhamaanba kasoo qaybgalayaasha munaasabadan. Kadibna, waxaa lagalay hoolka shirarka dhexe ee xarunta madaxtooyada iyadoo munaasabadii soo dhawayntu si habsami leh halkaa uga bilaabantay.

Kooxaha fanka iyo suugaanta deegaanka ayaana ugu horayn masraxa kusoo bandhigay heesihii iyo dhaantooyinkii hidaha iyo dhaqanka ee uu deegaanku caanka ku ahaa iyagoo runtii gil-gilay soona jiitay dareenka kasoo qaybgalayaasha munaasabadan.

Waxaana bilawgii furitaanka xafladan lagu soo dhaweeyay wasiirka boostada iyo isgaadhsiinta dawlada soomaaliya mudane Maxamed Jaamac Mursal oo sheegay inuu aad ugu farxay uguna riyaaqaynsoo dhawaynadii iyo booqashooyinkii kaladuwanaa isagoo runtii kamarkhaati kacay inaysan jirin cid haysata maanta  nabadgelyada deegaanka soomaalida kajirta iyo horumarka deg-dega ah ee uu deegaanku gaadhay oo mudan kudayasho. Wuxuuna kubooriyey xukuumada iyo shacabkaba inay sii adkeeyaan nabadgelyada ay haystaan waayo nabadgelyo-daro dhibaatada ay leedahay waxaa tusaale idiinku filan ayuu yidhi wasiirku, ‘‘soomaaliya’’. Wuxuuna mahadcelin balaadhan halkaa uga soo jeediyay dhamaanba xukuumada iyo shacabka DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwayne CMC isagoo ugudanbayna xusay inuu khibrad wayn kakorodhsaday booqashaduu deegaanku kuyimid.

Sidoo kale, madaxwaynaha dawlad goboleedka jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan oo lagu soo dhaweeyay madasha shirka ayaa khudbad dhaxal-gal ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay goobtaasi isagoo kawarbixiyay dhibaatada nabadgelyo-daradu leedahay ee kamuuqata soomaaliya. Xusayna nabadgelyada  iyo horumarka kahanaqaaday deegaanka inay yihiin kuwo in lagaga daydo mudan oo ay markhaati kayihiin isagoo gaar ahaan carabka kudhuftay biyo-xidheenadii, dhismayaashii sida casriga ah loo dhisay iyo booqashadii magaalada jigjiga ay soo booqdeen iyagoo lug iyo baabuurba bilaa istaaf kusoo maray. Sheegayna inay khibrad wanaagsan kaqaateen waxyaabihii ay kusoo arkeen booqashooyinkii kaladuwanaa. Wuxuuna kacodsaday xukuumada iyo shacabka deegaankaba maadaama aan nahay dad walaalo ah oo daris ah laakiin kaladawlad ah inaan waxyaabo badan kacaawino. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay mahadnaq wayn oo uu usoo jeediyay xukuumada DDSI ee uu ugu horeeyo madaxwaynuhu isagoo heerarka kaladuwan ee bulshadana kubooriyay inay sii halkaa kasii wadaan wanaaga ay maanta haystaan ee aysan dib unoqon. Wuxuuna amaan gaar ah usoo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo kubooriyay xukuumada iyo shacabkaba inay garabtaagnaadaan.

Sidoo kale, madaxwaynaha dawlad goboleedka galmudug mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kamahadceliyay xafladan soo dhawaynta qaaliga ah sheegayna inay tahay mid taariikhi ah oo uu aad ugu faraxsan yahay. Wuxuuna madaxwaynuhu si wayn ula dhacay nabadgelyada iyo horumarka uu ku arkay deegaanka oo uu sheegay inuusan marnaba sidan kafilanaynin isagoo kawarbixiyay nabadgelyodarada taala soomaaliya. Wuxuuna hadalkiisii kusoo xidhay inuu diyaar uyahay xalinta khilaafkii xuduuda labada dhinac.

Dhanka kale, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo soo xidhay xaflada ayaa ugu horayn soo dhaweeyay mas’uuliyiinta kasocotay dawlada soomaaliya isagoo sheegay inay faxad utahay in caawa munaasabadan la isugu yimaado sababtoo ah waa halgankii EPRDF ay qawmiyadaha itoobiya usoo gashay ee ay kudhalatay itoobiyada cusub ee maanta ee kudhisan danaha shacabka ee xiligii dhargiga madhici jirin ayuu yidhi in munaasabad noocan ah la isugu yimaado. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in dalka itoobiya uu tusaale u yahay wada noolaanshaha diimaha, dhaqanka, luuqadaha iyo jinsiga intaba iyo in diinta islaamku ay kusoo horaysay dalka itoobiya sida boqorkii caadilka ahaa ee Najaashi ee uu rasuulku (N.N.K.H)sheegay, muhaajiriintii usoo kicitimay itoobiya ee nabada lagu sooray iwm. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in xukuumadiisa iyo shacabkiisuba ay hadh iyo habeen kago’antahay ladagaalanka argagixisada alqushaash iyo kuwa lamidka ah sababtoo ah waa xil, dhaqaale iyo siyaasad doon. Diintana waxba kama yaqaanaan ayuu yidhi isagoo xusay in heshiiska shacabka xuduuda labada dhinac iyo guud ahaanba garab istaaga iyo wada shaqaynta shacabka walaalaheen ah ee soomaaliya aan diyaar unahay. Waxaana tusaale cad u ah ciidamada Amisom-Ethiopia ee gudaha soomaaliya kuladagaalamaya cadawga shacabka soomaaliya ee alqushaash.

Heshiiskii Labada Dhinac Oo Guul Midho-dhal ah Maraya

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Axad, 1da may 2016. Heshiiskii kusaabsanaa dhanka xuduuda ee labada wadan ee Jamhuuriyada Dimoqraadiga Federalka Itoobiya  iyo dawlada fadaralka ah ee soomaaliya ayaa meel fiican maraya iyadoo wadahaladii labada dawladood kadib ay maanta kulan yeesheen madaxda dawlad deegaanada labada dhinac ee khaasatan xuduuda wadaaga madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Hdaba, Heshiiskan oo ay goob-joog ka ahaayeen marti sharaftii dawlada soomaaliya kasocotay ee deegaanka booqashada kuyimid oo uu ugu horeeyo wasiirka boostada iyo isgaadhsiinta dawlada soomaaliya mudane Maxamed Jaamac Mursal, madaxwaynaha dawlad goboleedka jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan iyo hogaaminta dhinaca amniga ee deegaanka oo uu ugu horeeyo wasiirka nabadgelyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Yaasiin Cabdi Waris iyo mas’uuliyiin kale ayaa guul midho dhal ah maraya iyadoo lafilayo inuu soo gabagaboobo maalinta bari ah ee inagu soo aadan.

Wixii kasoo baxana dib ayaan idiinka soo tabin doonaa.

Arsenal Oo Kaalinta 3aad Doonaysa

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Axad 1da May 2016 Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim ah garoonkeeda kagagaadhay kooxda Norwich City, waxaana Guushan Gunners u horseeday Danny Welbeck oo ciyaarta badal ku soo galay isaga oo markii uu Ciyaarta ku jiray saddex daqiiqo oo kaliya kooxdiisa ka dul qaaday culayska Norwich City ay ku Haysay.Jamaahiirta Arsenal ayaa kulankan soo bandhigay cadhada ay u hayaan Wenger waxayna si Wayn uga soo hor jeedsadeen joogitaanka Wenger ee Emirates Stadium.

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawaysay kooxda Norwich City oo u dagaalamaysa sidii ay Baaqi ugu sii ahaan lahayd Premier Leaque-ga, laakiin Arsenal ayaa sidoo kale maanka ku haysay In ay ka sii fogaato kooxda culayska ku soo haysa ee Manchester United oo kaalinta afaraad u Ordaysa.Arsenal ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo 64 dhibcood hore uga soo heshay 34 kulan oo Ay hore u soo ciyaartay waxayna shan dhibcood kahoraysay Manchester United oo kaalinta lixaad Ugu jirta 59 aad dhibcood inkasta oo ay West ham 59 dhibcood ku soo gashay kaalinta shanaad ka Hor kulanka Manchester United. Balse kooxda Red Devils ayaa wali hal kulan gacanta ku haysata Waana sababta ay Gunners walwalka udareemaysay. Arsenal ayaa sidoo kale doonaysay in ay Kaalinta saddexaad soo gasho si Manchester City ugu latar tanto kaalinta saddexaad sidaa Daraadeed kulankan ayaa ahaa kulan aad ugu muhiim ah tababaraha culaysku haysto isla markaana Jamaahiirtiisu ku mudaahaaraadaysay ee Arsene Wenger. Waxayna kulan ciyaartan ay ku Dhamaatay 1-0 oy guushu ku raacday kooxda arsenal.

Kalfadhigii 11aad Ee Golaha Kabineega DDSI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Isniin 2da May 2016, Waxaa saaka si habsami leh uga furmay hoolka shirarka ee Xafiiska Madaxwaynaha kal-fadhigii 11aad ee Golaha Kabineega DDSI.

Hadaba kalfadhigan ayaa waxaa furay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Isagoo ajandayaashii kulankan oo ahaa:- Dagdag u dhamaystirida mashaariicaha waawayn ee kasocda heer deegaan ilaa heer degmo iyo dardar-galinta hawlaha waxbarashada soo hordhigay Golaha Kabineega DDSI.

Golaha Kabineega ayaana si wayn u falanqeeyay ajandayaasha shirkan iyadoo si durba loo dhameeyo mashaariicaha waawayn political leaders dardargaliya oo dabagala lagu kala qoray si mudo bil ka-yar loogu soo gaba-gabeeyo iyo in xooga lasaaro daradar-galinta, dabagalka, iyo hawlgalinta macalimiinta si looga midho dhaliyo qorshihii waxbarashada ee sanadkan.

Ugudanbayna kalfadhigan ayaa waxaa la iskula qaatay in wakhti gaaban gudihii lagaga midho dhaliyo ajandayaashii lasoo bandhigay.


Maamulka Degmada Erar Oo Booqasho ku Tagay Biyo-xidheenka laga dhisay Degmada

$
0
0

Erar( cakaaranews ) Isniin 2da May 2016, Biyo-xidheen wayn oo laga dhisay centerka Casbuli ee degmada Erar ayaa buux dhaafay islamarkaana ay bilaabeen bulshadii aagaas dagnayd inay kafaa’iidaystaan kadib markii raxmadii roobku sifiican uga da’day aagaas.

Gudooiye Kuxigeenka Degmada Erar mudane Saacid Badal oo ay wehelinayaan Madaxa Arrimaha Xisbiga Degmada Erar Mudane Maxamed Dayib Daahir iyo Madaxa Xafiiska Beeraha Degmada Erar mudane Bashiir Xasan ayaa booqasho ku gaadhay goobta uu kuyaalo biyo xidheenku si ay u soo indho indheeyaan cadadka biyaha ah ee galay Biyo xidheenka.

Hadaba Gudoomiye kuxigeenka Degmada Erar mudane Saacid Badal oo uwaramay shabakada wararka ee cakaaranewsayaa sheegay in uu buuxsamay biyo xidheenkii laga dhisay centerka Casbuli ee degmda erar islamarkaana ay bilaabeen abaa-bulkii iyo wacyigalintii dadkii kafaa’iidaysanlahaa. Isagoo xusay in ay arkeen oo ay lakulmeen dad badan oo guda-galay abuurashada beeraha,

Ugudanabyna Gudoomiye kuxigeenka ayaa tilmaamay in shacabka kudhaqan degmada Erar ay uriyaaqeen sida loogu guulaystay hadafkii laga lahaa biyo xidheenka. Taas oo ahayd mid kamida wadooyinka loomarayo kamidho dhalinta qorshaha Kobaca iyo Isbadalka Dhaqaalaha wajigiisa 2aad (GTP2)

Jawaab celintii Deg Dega Ahayd Ee Xafiiska Ka Hortaga Iyo U diyaar Garowga Masiibooyinka Uu Ka Bixiyay fatahaadihii Togaga Iyo Wabiyada

$
0
0

Qabridahar ( Cakaaranews ) Isniin 2da May 2016 Jawaab celin deg deg ah oo xukuumada DDSI uga Talagashay dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ee ku sugnaa agagaarka togaga iyo wabiyada ayaa saaka Qaybintii u horeysay laga bilaabay qabaleeyo kamid ah maamulka magaalada qabridahar iyo kuwo Degmada ahba.

Hadaba wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane maxamed Daahir ismaaciil oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay goobihii ugu horeeyay ay Gaadh siyeen gurmad isugu jira raashin bustayaal iyo teendhooyin wuxuuna wasiirku intaa ku daray inay Gaadhsiin doonaan dhamaan goobaha ay fatahaada togaga iyo kuwa wabigaba sameeyeen tanina aysan Ahayn midi ugu horeysey ee uu xafiisku qabto balse uu xafiisku kasoo qayb qaatay goobaha ay ka Dhaceen masiibooyinka dabiiciga ah .

Ugu danbayna waxa uu wasiirku sheegay  inuu xafiisku shaqadiisii haysto una taaganyahay sidii uu uga Jawaabi lahaa baahida bulshada deegaanka waxa uuna wasiirku xusay in qaybinta agabkan uu kala qayb Qaatay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane yuusuf aadan yuusuf iyagoo siwada jir ah uga bilabaay Xarunta gobolka qoraxey ee degmada qabridahar.

Talaalka isku dhafka ah oo la soo gabagabeeyay qaybtii dabaysha(polio)

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Isniin, 2da May , 2016. xidhiidhiyaha kor uqaadida caafimaadka, nadaafada iyo fayadhowrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdulaahi Axmed oo u waramayay shabakada wararka ee cakaaranews wakhti uu ka soo noqday kormeer shaqo oo uu ku soo maray degmooyinka gobolka Erer  ayaa sheegay in natiijo guul ah lagu soo gabagabeeyay talaalkii isku dhafka ahaa qaybtiisa talaalka ka hortaga cudurka dabaysha (polio)  ee todobaadkii hore laga bilaabay guud ahaanba deegaanka.

Wuxuuna sheegay in talaalkan oo iskugu jiray laba nooc oo kala ah talaalka ka hortaga cudurka dabaysha/polio  oo ahaa nooca  afka qalaad lagu yidhaahdo  trivalent OPV   uu ahaa kii ugu danbeeyay ee la siiyo caruurta da’doodu ka yar tahay shan sano jir kaasi oo    sidii loogu talagalay loo gaadhsiiyay caruur tiradoodu dhan tahay 998,917 oo u dhigan in la gaadhay 99% qorshihii yaalay talaalkan. Wuxuuna   sheegay masuulku in hada ka dib  loo guurayo nooca loo yaqaano Bivalent ,OPV kaasi oo lagu bixindoona goobaha caafimaadka ee barnaamijka talaalka joogtada ah.

Wuxuuna sheegay masuulku in talaalka 2aad oo ahaa talaalka ka hortaga cudurka jadeecada oo laga talaalayay caruurta dadoodu u  dhaxayso lix bilood ilaa shan iyo toban sano  jir in uu wali goobaha qaar ka sii socto si loo gaadhi ilmo kasta oo ay da’diisu ka hoosayso 15 sano jir oo ku dhaqan deegaanka gaar ahaan kuwa ku nool miyiga fog-fog.

 

Ugu danbayntii masulka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay fariin uu u dirayo waalidiinta dhashay  caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano jir in ay ku xidhnaadaan goobaha caafimaadka ee ay xukuumadu ugu diyaarisay talaalka joogtada ah si looga hortaga cudurada dilaaga ah ee talaalka lagaga hortagi karo.

Kulan Lagaga Hadlayay Nidaamka Maamulka Miisaaniyadaha oo la soo gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) isniin, 2da, May , 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka kulan lagaga hadlayay kor u qaadida nidaamka miisaaniyadaha(PFM) kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa waxaa  loo qabtay maamulada degmooyinka sida gudomiyeyaasha degmooyinka , madax xafiiseedyada maaliyadaha , madax xafiiseedyada biyaha & gadhwadeenada qorshaynta iyo miisaaniyada,

Kulankaasi oo socday mudo 2 maalmood ah ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska maaliyada oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed, wasiirka ku xigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed  oo ka hadlay soo gabagabadii  kulankaasi ayaa sheegay  in   mudadii uu socday kulankaasi  lagaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa kor u qaadida  nidaamka maamulka maaliyadeed ( PFM ) kaasi oo aas aas u ah gaadhida hiigisa horumar waara oo dhinac kasta leh. Wuxuuna sheegay wasiirku in deegaankeenu uu safka hore kaga jiraa kor u qaadida maamulka  nidaamyada maaliyadeed ee degaanada dalka taas oo ku timid Dadaal  iyo  ka go’naansho dhanka hogaaminta ugu saraysa deeganka  iyo shaqooyin lagu Diirsaday  ee  ay qabteen heerarka kala duwan ee qaabdhismedka DDSI, haddaba si loo joogteeyo guulahaas  kor-u- qaadida nidaamka maaliyadeed Waxa lagama marman ah in marwalba laga wada tashado halka la marayo nidaamka miisaaniyadaha.

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa ka  soo baxay fikir midaysan oo ah sidii loo sii xoojin lahaa nidaamyada maamulka maaliyadeed ( PFM ) ee dhinacyada : shuruucaha maaliyadeed, qorshaynta miisaaniyada, Dakhli ururinta, kharash bixinta, maaraynta lacagaha, xisaabaadka, Iibka iyo maamulka hantida, hanti dhawrka gudaha iyo barnaamijka cadcadaanta iyo islaxisabtanka maaliyadeed ( FTA ).

MW CMC Oo Furay Shirka Qorshaha Horumarinta Xoolaha ee GTP2

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco, 4ta may 2016. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ka furay shir lagaga wada hadlayay qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wajigiisa labaad ee dhanka horumarinta xoolaha ee heer qaran iyo heer deegaan. Kaas oo socon doona mudo sadex maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiiru dawlayaasha wasaarada Horumarinta xoolaha iyo Kaluumaysiga JDFI, marwo Dr Misraaq Mokonon iyo mudane Dr Gabre-isgaaber yohanis, Madaxwayne kuxigeenada DDSI, Golaha Kabineega, Maaamulka Degmooyinka iyo dhamaanba heerarka kaladuwan ee shaqaalaha xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer miyiga DDSI.
Furitaankii shirka ayaa waxaa madaxwaynaha madasha kusoo dhaweeyay wasiiru dawlaha wasaaraha horumarinta xoolaha iyo kaluumaysiga JDFI marwo Dr. Misraaq Mokonen.

Hadaba madaxwaynaha DDSI oo furay shirkan ayaa kahadlay muhiimada uu qorshahan horumarinta xoolo dhaqatada wajiga 2aad uu u leeyahay dalka iyo deegaankaba isagoo gaar ahaan xusay in isha kaliya ee nolosha bulshada Deegaanku ay kutiirsan tahay dhaqashada xoolaha. Wuxuuna madaxwaynuhu guriga kubooriyay in mudada uu socdo shirku ay si dhugleh u dhagaystaan soo-jeedinta qorshaha kadibna ay si cilmiyaysan uga doodaan qorshaha iyagoo waliba wakhtiga ilaalinaya.

Shirkan ayaa waxaa lagu maamusay halku-dhagyo ay kamid yihiin: anagoo raacayna habka casriga ah ee dhaqashada xoolaha waxaan xaqiijinaynaa in shaqooyinka laga qabanayo dhinaca xoolaha iyo waxsoosaarkooda ay noqdaan kuwo saldhig u ah Horumarka Cagaaran, iyo waliba hirgalinta yoolasha qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha, doorka hogaaminta iyo xirfadlayaasha heerarkooda kaladuwan waa mid muhiim ah.

Ugudanabayna shirka ayaa ku sii soconaya jadwalkii loogu talagalay ee soo jeedinta qorshaha iyo ka doodistiisa.

Dajinta Iyo Wax-soosaarka Beeraha 9kii Bilood Ee U Danbeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Khamiis 5ta May 2016, Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Dooxooyinka DDSi mudane Suldaan Maxamed (suldaankhayre) oo xafiiskiisa ugu waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa ka warbixiyay waxsoosaarka 9kiibilood ee u danbeeysay dhinaca dib-u dajinta gaarahaan gobolada laga hirgaliyay dib-udajinta. Wuxuuna sheegay wasiirku in 9kii bilood guulo waawayn laga soo hooyiyay qorshihii u dajisnaa xukuumada ee dhinacyada dajinta ee bulshada xoolodhaqatada ah loogu badalayo xoolodhaqato-beeraleey. Taasi oo looga faa’iidaynayo waxsoosaarka beeraha si ay u noqdaan bulsho wax soosaar leh oo iskufilaansho gaadha.

Sidookale wuxuu masuulku kawarbixiyay gobolada Afdheer , Shabeele iyo liibaan in ay 9 kii bilood ee u danbaysay ee sanadkan ladajiyay qoysas tiradoodu dhantahay 5,534 qoys oo markii horeahaa xoolo dhaqato hadana loo badalay xoolo dhaqato beeraleey. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in lagu guulaystay in labeero dhulbeereed dhan 119,695.50 hecter taas oo laga soosaaray dalag dhan 3,227,413.60 oo kiintaal islamarkaana ay kafaa’iidaysanayaan qoysas tiradoodu kor u dhaafayso144,093

 

 

 

Shirkii Qorshaha Horumarinta Xoolaha Oo La soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)  jimce, 6da May, 2016, Waxaa  hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunga deegaanka  lagu soo gabagabeeyay shir   lagaga hadlayay qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaah GTP2 qaybtiisa dhinaca horumarinta xoolaha oo mudo 3maalmood ah socday.

shirkaa  oo loo hayay hogaaminta heerar keeda kala duwan ayaa  waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed faarax, wasiirka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga mudane Cabdinuur Colow iyo masuuliyiin heer faderaal ah oo uu ugu horeeyo  wasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka JDFI mudane Selashe  Getaye,

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo xidhitaankii shirkaa ka soo jeediyay khudbad uu kaga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee ay soo mareen xoolaha deegaanka iyo bulshada xoolo dhaqatada ah  gaar ahaan  dhibaatooyinkii ku xeernaan jiray bulshada  xoolo dhaqatada  deegaanka. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in dadaal dheer oo loogalay sanadihii ugu danbeeyay lagu guulaystay in kor looqaato tayada xoolaha deegaanka islamarkaana la hirgaliyay suuqgaynta xoolaha deegaanka, madaxwaynaha ayaa sheegay in qorshahan isbadalka  koboca dhaqaalaha qayntiisa 2aad  ee dhinaca xoola xooga  la saarayo sidii loo sii awood siinlahaa  tayada xoolaha deegaanka iyo suuqgayntooda gaar ahaan wax soo saarka xoolaha sida hilibka, caanaha iyo  subaga taasi oo lagaga faa’iidaysandoona dhinaca warshadaha  maadaamo oo ay bulshada deegaanku u badan tahay xoolo dhaqato.

wasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka  JDFI mudane Selashe Getaye oo ka hadlay gabagabadii kulankaasi ayaa sheegay in deegaanka soomalida itoobiya hodan ku yahay xoolaha nool iyo dhul  ku haboon saaqsinta xoolaha wuxuuna sheegay wasiirku in hadda loo furay albaabadii suuqgaynta xoolaha deegaanka. Waxa kale oo uu tilmaamay   wasiirku in kulankan mudadii uu socday lagaga wada hadlayay  hirgalinta qorshaha GTP2ga  ee dhinaca horumarinta xoolaha iyo ka faa’iidaysiga xoolaha.   Wuxuuna sheegay in kulanka noocan oo kale ah laga hirgalinayo dhamaanba deegaanada dalka wasiirka ayaa kula dar-daarmay hogaaminta heerarkeeda kala duwan in ay sii wadaan dadaalka ay ku horumariyeen xoolaha deegaanka.

 

 


Mashruuca Dhismaha Maxjarka Ee Centerka Harre Oo Gabogabo maraya

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews )Axad 8da May 2016, Mashruuca dhismaha ee maxjarka oo ay fulinayso Wakaalada dhismaha iibka iyo adeegyada gaar ka ah ee booliska DDSI ayaa maraya 92%. Kaasoo dhismihiisu ku fadhiyo 4 km2  islamarkaana loogu talagalay in uu adeega siiyo 100,000 oo neef oo isagujira Geel, Adhi iyo lo’a.

Hadaba maxjarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha iibka iyo adeegyada gaarka ah ee Booliska mudane Cabdishugri Maxamuud Odowaa oo sheegay in maxjarkan dhismihiisu uu meel wanaagsan oo gabogabo ah  marayo islamarkaana ay rajaynayaan in maalin dhaw  xadhiga laga jari doono. Wuxuuna intaa kudaray maareeyuhu in maxjarkani uu faa iido balaadhan ku soo kordhin doono Dalka iyo deegaankaba maadaama uu yahay maxjar aad u wayn oo qaadi kara 100,000 oo neef. Kaasoo siin doona xoolaha adeeg caafimaad iyo waliba adeegii calafka iyo naaxinta. Ugudanabayna wuxuu xusay masuulku in maxjarkani uu dabooli doono in badan oo ah baahidii dhanka maxjar la’aanta ee bulshada DDSI.

Sidookale waxaa isna dhinaciisa kawarbixiyay  Site-managerka Mashruuca Dhismaha Maxjarka mudane Cabdinaasir Huruufe oo sheegay in mashruucani uu ka kooban yahay qaybo badan  oo kaladuwan kuwaas oo kala ah xerooyinkii xoolaha, baraagihii biyaha, Guryihii jiifka ee dhakhaatiirta xoolaha, guryihii jiifka ee shaqaalaha maxjarka iyo goobihii dawaynta iyo naaxinta xoolaha. Wuxuuna intaa kudaray in maxjarkani markuu dhamaado uu dad farabadan oo deegaanka ah shaqo abuur u samayn doono.

 

MW CMC Oo Furay Tababarkii Hogaaminta XDSHSI

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin, 9ka may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee Kali kafuray tababarka hogaaminta XDSHSI heerarkiisa kaladuwan oo soconaya mudo 10 bari ah.

Furitaankii tababarkan hogaaminta XDSHSI ayuu madaxwaynuhu sheegay casharada lagu qaadanayo oo ay kamid yihiin: sooyaalkii taariikheed ee deegaanka dhinaca siyaasada, horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban iyo ladagaalanka aragtida dulsaarnimada sida: musuqa, qabyaalada, eexda, nin jeclaysiga iyo argagixisada.

Waxaana tababarkan kasoo qaybgalay heerarka kaladuwan ee hogaaminta XDSHSI ee heer deegaan, heer gobol iyo heer degmo oo tiradoodu kor udhaafayso 1,500 oo xubnood.

Casharada tababarkan ayaa waxaa bixinaya hogaaminta ugu saraysa XDSHSI oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiye kuxigeen XDSHSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xil-dhibaanada mudane Maxamedrashiid isaaq iyo mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo waliba mas’uuliyiin kale.

Madaxwaynaha ayaana casharkii ugu horeeyay ee tababarkan kubilaabay dhanka nabadgelyada iyadoo galikii hore ee maanta halkaa kusoo xidhmay. Niska danbana lagalayo doodii casharkii saaka.

Dood Cilmiyeedkii Casharkii Saaka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin, 9kii may 2016. Kadib casharkii saaka uu madaxwaynuhu siiyay hogaaminta XDSHSI heerarkooda kaladuwan kuna saabsanaa sooyaalkii dhanka nabadgelyada deegaanka ee kadhacaa kadagta ahaan jiray iyo isbadalka nabadgelyo ee maanta ayay galinkii danbe kooxihii, kooxo-hoosaadyadii iyo unug-kooxeedyadii isugu xidhnaa 120, 60, 30 iyo 1 ilaa 5 xubnood ay si cilmiyaysan ugadoodeen islamarkaana ay fikiradoodii dooda oo qoraal ah u gudbiyeen horjoogayaashoodii iyadoo iskuhabayn kadibna ay horjoogayaasha kooxuhu guriga usoo jeedin doonaan ururinta fikirada doodaas si aqoon korodhsi, waayo aragnimo iyo talaba looga faaiido.

Hadaba dood cilmiyeedka casharka nabadgelyada ayaa kusalaysnayd xaaladihii kalagadisnaa ee ay nabadgelyada deegaanku soo martay, hogaamintii iyo ururadii wakhtiyadaas ladaalaa dhacaysay marxaladahaas nabadgelyo daro, nolol daro iyo jiritaan la’aaneed iyo tabaha cilmiyaysan ee lagaga gudbay laguna gaadhay nabadgelyada taamka ah ee maanta cid walba oo deegaanka ahi kunaaloonayso.

Soo Jeedintii Fikirada Dooda Kooxaha

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) talaado 10ka May 2016, tababarkii hogaaminta XDSHSI oo galay maalinkiisii labaad ayay saaka 9kii kooxood ee ka koobnaa 120ka xubnood  ee isugu xidhnaa 60,30,1 ilaa 5 xubnood ay bilaabeen soo jeedintii fikirada doodii casharkii shalay iyadoo ay fikirada oo urursan ay horjoogayaasha hogaaminta  kooxuhu soo jeedinayeen.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaaminta kale ee XDSHSI ayaa ka dhagaysanayay  soo jeedinta fikirada kala duwan ee dooda kooxaha islamarkaana ay ka talo-bixinayeen kadib dhagaysashada soo jeedinta fikirada kooxaha hogaaminta.

Waxaana ilaa hada dooda fikiradoodii la dhagaystay koxdii 9aad iyo kooxdii 8aad iyadoo 7bada koxood ee hadhayna laga dhagaysan doono galinka danbe ee maanta .

MW CMC Oo Lakulmay Mas'uuliyiin Heer Federal iyo Bangiga Aduunka Kasocotay

$
0
0

jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 11ka may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo-dhaqatada mudane Cabdifataax ayaa saaka lakulmay mas'uuliyiin kasocotay bangiga aduunka oo uu hogaaminayay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada mudane Kaadhiyaki Gezahun oo ay kamidyihiin: maamulaha bangiga aduunka ufadhiya itoobiya marwo Carolyn Turk iyo maareeyaha sanduuqa horumarinta caalamiga ah ee beeraha.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigan bangiga aduunka ayaa kawada hadlay dhinaca horumarka deegaanka iyo sidii loo sii xoojin lahaa gaar ahaan mashaariicaha ay maal-galiyaan bangiga aduunku ee PCDP.

Waxayna waftigani ka marag-kaceen horumarka laxaadka leh ee guud ahaan kahanaqaaday deegaanka iyagoo bogaadiyey deg-degsiinyaha horumarku usocdo. Waxayna sheegeen inay dhankooda si dar-dargalin ah ay taageera buuxda kagaysan doonaan horumarkan talaabsaday.

Ugudanbayna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa bogaadiyay la kulankan masuuliyiintan isagoo halkaa kugudoonsiiyay hadiyaddo kaladuwan oo katarjumaya dhaqanka deegaanka. 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>