Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Ismaamulka Magaalada Diredhaba Oo laga Xusay 20ka Ginboot

$
0
0

Diredhaba(cakaaranews )Axad 29ka May 2016.Waxaa si balaadhan looga xusay ismaamulka magaalada Diredhaba xuska sanadguurada 25aad ee 20 ka Ginboot. Iyada ooy kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin mayorka ismaamulka diredhaba, madaxa arimaha XDSHSI laantiisa Diredhabe, saraakiisha ciidanka qaranka JDFI iyo waliba masuuliyiin kale.

Hadaba munaasabadan xuska 20 ka Ginboot oo ahayd mid siwada jir ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay maayorka ismaamulka diredhaba mudane ibraahin cusmaan, madaxa arimaha XDSHSI laantiisa deridhaba mudane suubane cabdi axmed oo sheegay in aad ay ugu faraxsanyihiin kasooqaybgalka munaasabada 20 ka Ginboot ee 25jirsatay.Waxayna tilmaameen masuuliyiintu in maalinkani ay tahay maalin farxad u ah dhamaan shucuubaha iyo qoomiyadaha dalka maadaama oo ay tahay maalinkii ay heleen xuquuqahoodii aasaasiga ahaa iyo waliba xaquuqihii dasturiga ahaa.

Ugu danbayna munaasabada ayaa lagu soo bandhigay ciyaar dhaqameedyo iyo madadaalooyin kaladuwan islamrkaana jawi wanaagsan kusoo gabagabawday.

 

 

 

 

 

 


Deeq Agab ah Oo Lagu Wareejiyay Ardayda Dugsiga Hoyga Agoonta Fiiq.

$
0
0

Fiiq, (cakaaranews) Isniin, 30ka May, 2016  Wafti  uu Hogaaminayo Wasiir Ku xigeenka Qurbajoogta DDSI Ahna Ku simaha Xafiiska Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Khaliif Buraale (dhoombe) oo ay  ku Wehlinayo  Mareeye Ku xigeenka ururka  Hormarinta Somalida itoobiya Ahna Ku simaha UHSI  Mudane Cabdikhadar Ilyaas Gaaruf  ayaa gaadhsiiyay dugsiga hoyga agoonta ee magaalada fiiq koonteenar deeq ah.

Deeqdaasi  oo ka timiday Jaaliyadda DDSI ee wadanka Australia ayaa waxa  ahayd  Konteenar Agab kala duwan sida aaladaha cumputerka, Sariiro, Furaashyo, Dhar, Buugaag, Qalimaan, Agabka-caruurtu ku ciyaarto, iyo agab kale oo kala duwan. xaflada lagula kala wareegayo deeqan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta gobolka Erar, kuwa degmada fiiq iyo masuuliyiinta dugsiga hoyga aqoonta ayaa ka dhacday dugsiga hoyga aqoonta ee fiiq.

Waxaa Xaflada ugu Horeyn ka Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Erer Mudane Axmed Xaaji Adan oo uga Mahad Celiyay dhamaan masuuliyiinta, qurbajoogta iyo Jaaliyadda DDSI Ee Australia oo Deeqdan Soo gaarsiisay. Wuxuuna  Sheegay in ay tahay Arrin aad u Farxad galineyso Caruurta Agoonta Ah ee Wax Barta Dugsiga Hoyga Agoonta Ee magaalada Fiiq oo ah arday ay waalid koodii dileen hadhaagii UBBO.

Waxaa kaloo halkaasi ka Hadlay  Maareeyaha Dugsiga Hoyga Agoonta Magaalada Fiiq Marwo Ubax Mursal oo uga Mahadcelisay jaaliyadda DDSI Ee Australia ay Yihiin jaaliyad Kaalinteedi kaga Aadan Taageerada dugsiga Hoyga Agoonta ee Magaalada Fiiq ay ka soo baxeen Kaalintoodii.

Ugu danbayntii Waxaa Halkaasi Ka Hadlay Wasiir Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdi Khaliif Buraale  ( Dhoombe) oo Sheegay in Markii Hore Qurbajoogta Ay Aaminsanaayeen Fikirado Khaldan Markey Xukuumadda DDSI uu Hogaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar u Sheegay Xaqiiqada Ka Jirta Deegaanka ay Garowsadeen  taasina ay tahay tan  Maanta Qurbajoogta DDSI u Taagan sidii Shacabka Deegaanka ay Deeq iyo Taageero ay u Garab Taagan Yihiin.

 

 

 

 

 

 

Imtixaanka Heer Qaran ee Fasalka 12aad Oo Dib Loo Dhigay.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Isniin, 30ka May, 2016, Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo si toos ah ugu waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in guud ahaanba imtixaankii heer qaran ee fasalka  12aad dib loo dhigay.

Wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in go’aan ka soo baxay wasaarada waxbarashada JDFI uu ahaa in imtixaanka fasalada 12aad  oo maanta ka bilaabmayay guud ahaanba dalka dib loo dhigo  ujeedada dib loogu dhigayna  tahay sidii loo adkayn lahaa tayada waxbarashada  taasi oo   xoojinaysa  tayada cudud waxbaratay oo kaqayb qaadata isbadalka kobaca dhaqaalaha dalka. waxaa kale oo uu sheegay  madaxwayne ku xigeenku  in muddo kooban gudaheed la bilaabidoono imtixaankan.

 

 

MW CMC Oo Soo Xidhay Kulan-waynihii 7aad Ee Wada-tashiga Xukuumada iyo Shacabka DDSI

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Talaado 31 may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta soo xidhay kulanwaynihii 7aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo socday mudo 5 maalmood ah.

kulanwaynahan oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 2kun oo shaqsi ayaa xidhitaankii kahor lagu soo bandhigay tartan faneed heesaha halalaasiga ah ee kaladuwan oo si live ah ay ugu tartamayeen kooxaha kaladuwan ee fanka deegaanku iyadoo xubnihii kaalinta 1aad, 2,aad iyo 3,aad galay lashilimaaday islamarkaana lasoo jeediyay magacyada xubnihii halgan faneedka kaga qaybqaatay xiligii xaalada deegaanku ugu xumayd ee lasoo dhaafay oo iyana la abaal-marin doono.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xidhitaankii kulanwaynahan usoo bandhigay qodobo muhiim ah oo ay tahay in si fiican loo hirgaliyo. Waxaana kamid ah: in dhulka seeraha ah lajoojiyo gabi ahaanba oo cid dhul-daaqsimeed seero ah samaysan karta aysan jirin, in cidda dhulbeereed leh ay beerato hadii ay beeran waydana canshuur dheeraad ah lasaari-doono kadib hadii ay beeran waydana lagawareejin doono oo cidbeerata lasiin doono, in dumaasha, dhaxalka iyo magtaba lawaafajiyo sida shareecada diinteena islaamku dhigayso.

Ugudanbayna odayaashii, culimo-awdiinkii, Hooyooyinkii iyo marti sharaftii kale ee kasoo qaybgashay kulanwaynahan ayaa cod buuxa oo ay gacanta uwada taageen ku ansixiyay qodobada muhiimka ah ee uu madaxwaynuhu soo bandhigay. Kadibna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa duco balaadhan oo meel kasta taabanaysa kusoo xidhay kulanwaynihii.

Jabkii Cabdiraxmaan Maadey iyo Al Jazeera

$
0
0

Jijiga ( cakaaranews ) Talaado, 31 may 2016. Telefishinka caalamiga ah ee Aljazeera ayaa UBBO dhulka ladhacay kadib markuu soo bandhigay xaqiiqada dhabta ah ee deegaanka kajirta ee uu Cabdiraxmaan maadey beenta kasheegay.

Sida lawa ogsoon yahay, Hogaamintii hore ee UBBO iyo qab-qablayaashii soomaaliya gaar ahaan C/raxmaan Maadey oo ah nin aan dhanayn dhakhaatiirta caalamkuna uqortey inuu markasta dhageysto muusiqa nooca shucaaca leh ee lagu daweeyo qayb kamid ah waalida ayaa wuxuu wareysi been abuur ah oo deegaanka khuseeya bilihii lasoo dhaafay siiyay Aljazeera isagoo xaalada dhabta ah ee deegaanka ogaa. wuxuuna baryahanba wadnaha farta kuhayay xiliga lagaga daba-iman doono ee lafashilin doono beentiisii ahayd "Dibi baa sac dhalay".

Hadaba wariyeyaasha TVga caalamiga ah ee Aljazeera oo baryahanba kusugnaa deegaanka soomaalida itoobiya si ay uxaqiijiyaan xaalada dhabta ah ee kajirta deegaanka ayaa been abuur cad kutilmaamay waraysigii Maadey iyagoo sheegay inay aad ugaxumaadeen beenta intaa le'eg ee xataa sumcada TVga wax u dhimaysa. waxayna UBBO ugarwaaqsadeen inay yihiin urur argagixiso ah kadib markay arkeen ardeyda Agoonta ah ee kuxaraysan dugsiyada Hoyga ee waalidkood UBBOdu laysay islamarkaana ay xukuumada deegaanku gacanta kuhayso.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoon wax jawaab ah laga bixinin wareysigiisii hore ee beenta ahaa ee uu siiyay Aljazeera ayay ugu horaynba dhamaan dadka afka soomaaliga kuhadla iyo caalamkuba layaabeen been abuurka cad ee uu kasheegay horumarka iyo nabadgelyada deegaanka soomaalida kajira ee isaga dib ugu noqotay.

Aduunow futa-xume, C/raxmaan Maadey ayaa markuu fashilaada wareysigiisii maqlay waali kudhuftay oo dibna dhagaha ugashaday muusiqiisii shucaaca lahaa ee lagu yaqaanay. waxaase wax aad loogu farxo ah sida ay Aljazeera isula doonatay beentiisii iyo xaqiiqada, iyo waliba jawaabta ay wiilashii shalay fikirka laga khalday bixiyeen. Taas oo aan wax loo dhigo jirin.
Horaa loo yidhi "dawaco meesha ay macal uga baratay ayay macaluul ugu dhimataa". Taas oo kadhigan in Maadey uu wali ka samri la'yahay dhiigii iyo dhicii umada oo uu qaadan la'yahay wiilasha yaryar ee ka afqabtay. Arintan ayaana ah mid ay shacabka deegaanka iyo qurbajoogtuba aad ulayaabeen. 

Tababar Ku Saabsan Barashada Aaladaha Casriga ah ICT.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) talaado, 31, May , 2016 Tababar  ay fulintiisa iska kaashadeen  xafiska adeega shacabka iyo horumarinta cudada shaqaalaha DDSI  iyo shirkada isgaadhsiinta itoobiya ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee jigjiga.

Tababarkan oo looqabtay 22 iskaashato oo ka kala socday  gobolada  Afdheer, Shabeele,Faafan, Qoraxay iyo Jarar  ayaa waxay dulucda ujeedadiisu ahayd in xubnahan ka socday iskaashadooyinkaasi fahan buuxa laga siiyo nidaamka adeegsiga aaladaha casriga ah ICT.

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay maareeyaha shirkada isgaadhsiinta ee laanta deegaanka harar mudane Adnew Gabre kaasi oo ka warbixiyay ahmiyada tababarkan wuxuuna sheegay in mudada uu socto tababarkani lagu qaadan doono casharo kor loogu qaadayo aqoonta xubnahan iskaashatooyinka gaar ahaan barashada aaladaha casriga ah ee ICT.

 

Waxaa kale ka hadlay furitaankii tababarka agaasinka waaxda  ICT  ee  xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqalah  DDSI  Mundane Cabdikhadar Caaqil Colaad oo sheegay muhiimada uu leeyahay tababarkani wuxuuna ku booriyay xubnahan qaadanaya tababarka in ay mudda uu socdo ka faa’iidaystaan is ay uga faa’iideeyaan iskaashatooyinka ay ka socdaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu socon doona tababarkani mudo 5 maal-mood ah.

Wasiirka Caafimaadka DDSI Oo Tababar u Soo Xidhay Xubno Ka mid ah Shaqaalaha Caafimaadka DDSI.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Arbaca,  1da  June 2016 Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid ayaa maanta tababar mudo 3 maalmood ah socday u soo xidhay  khabiiro, gadhwadeenada geedi socodka xafiiska caafimaadka DDSI iyo xubna ka socday hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI.

Tababarkaasi  oo ahaa tababarka tababarayaasha  ayaa waxay ujedadiisu ahayd in fahan buuxa laga siiyo xubnahan nidaamka diyaarinta qorshaha sanadlaha ah ee xafiisyada caafimaadka degmooyinka iyo maamuada magaalooyinka si looga midho dhaliyo qorsha la diyaariyay.

Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid  oo ka hadlay soo xidhitaankii tababarkaasi ayaa sheegay in xooga lagu saarayo istaarajiyadaha lagaga  midho dhalinayo dajinta qorshe ku salaysan natiijo. Wasiirka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay qorshayaal kor loogu qaadayo tayada adeegyada caafimaadka oo uu fulinayo xafiiska caafimaadku  tababarkana uu yahay mid ka duwan tababaradii hore maadaamo oo uu yahay mid degmooyinka ka caawinaya sida looga guul gaadho qorshaha la dajiyay ee ku salaysan dhinaca adeegyada caafimaadka. Wasiirka ayaa ku booriyay xubnahan qaatay tababarka tababarayaasha  in ay sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan.

Qaarka mid ah xubnihii qaaday tababarkaasi ayaa sheegay in ay mudadii uu socday tababarku ka faa’iidaysteen aqoon ay kaga midho dhalinayaan dajinta qorshe leh natiijo iyo guul.  

Imtixaanka Fasalka 8aad Oo Loo Diyaar-Garoobay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)khamiis 2da june 2016. Imtixaanka fasalka 8aad ee heer-deegaan ayaa maanta loosii qaaday dhamaan deegaanka oo dhan kaasoo ka dhici doona 447 goobood islamarkaana bilaabmi doona1 sane hadii alle idmo.

Hadaba G/GS/ Horumarinta Manhajka iyo Imtixaanaadka ee Xafiiska waxbarashada DDSI mudane cabdulaahi idiris cilmi oo ka waramay imtixaankan heer deegaan ee faslaka 8aad ayaa sheegay in maanta dhamaan deegaanka loosii wada qaaday imtixaankii heer deegaan ee fasalka 8aad iyadoo imtaxaankuna uu si rasmi ah uga dhici doono 447 goobood.

Ugu danbayna agaasinka ayaa la dardaarmay hawl-wadeenada imtixaanka qaadaya inay ilaaliyaan nidaamka anshaxa imtixaanka islamarkaana ay aad uga taxadaraan qishka iwm. sidookale wuxuu agaasinku ka hadlay in ardayda qaadanaysa imtixaanka fasalka 8aad ay iyana ilaaliyaan anshaxa imtixaanka si fiicana uga shaqeeyaan maadama oo si fiican wax loosoo baray.

 


Waxbarashada M.M Dhagaxbuur

$
0
0

Dhagaxbuur (Cakaaranews )khamiis 2da June 2016. Madaxa xafiiska waxbarashada Maamulka magaalada dhagaxbuur oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in meel fiican ay marayso heerka waxabarashada maamulka magaalada dhagaxbuur islamarkaana loo diyaargaroobay imtaxaankii fasalka 8aad ee heer deegaan.

Hadaba Madaxa Xafiiska Waxbarashada Maamulka Magaalada Dhagaxbuur mudane Faysal Cabdiqaadir Sulub  ayaa sheegay in Tirda dugsiyada mm dhagaxbuur marayaan 11dugsi oo 10 kamid ahi ay dawli yihiin meesha midka soo hadhay uu yahay dugsi gaarlooleeyahay. waxayna kala yihiin 4 Dugsiyada hoose, 4 dugsiyada hoose/dhax iyo 2 dugsiyada sare ah. Wuxuuna intaa kudaray in Tirada guud ee ardayda m.m dhagax buur ay yihiin 8583 Arday oo 5262 ay yihiin lab meesha 3321 ardayna ay tahay dhadig. Iyadoo Macaliminta dugsiyaduna ay tiradoodu kabadntahay 251 macalin oo heerka aqoontooduna kala tahay 5  macalin waa Mastert, 30 macalina waa degree, 68macalina waa Diplome, iyo waliba 147 macalin oo  T.T.I. ah.

Sidookale madax xafiiseedka ayaa xusay in kor loo qaaday nidaamka baris barasho iyadoo la raacayo qorshayaashii iyo yoolasha siyaadeed ee xafiiska waxbarashada iyo XDSHS ee ah Kor u qaadida tayada waxbarashada, kaqaybgalka dadwaynaha, sii adkaynta nidaamka xisbinimo iyo mamulka suuban ee dhanka xafiiska, baraayaasha aradaydaba, dhiirigalinta gabdhaha, iyo waliba dhisida akhlaaqda iyo ladagaalanka fikirada xunxun ee argagixisanimo.

Wuxuuna intaa kudaray in ka xafiis ahaan ay ka midho dhaliyeen islamarkaana ay kor  u qaadeen dhanka kaqaybgalka dadwaynaha iyo ladagaalanka fikirada xunxun ee aragagixisanimada maadaama oo kaqaybgalka bulshadu ay tahay muhiimada ugu horaysa ee waxbarashada.

Ugudanbayna  wuxuu xusay in kulan joogta ah ay layeeshaan dhaaman waalidiinta ardayda waxkabarata dugsiyada maamulka magaala dhagaxbuur, islamarkaana ay sameeyeen iskuxidhka ardayda ee 1-5 iyo sidookale barayaasha kahawlgala M.M Dhagaxbuur iyadoo gudiyada waxbarashaduna ay si toosa u shaqeeyaan.

 

Xaflad Casha Sharaf ah oo Loo Sameeyay Jaaliyada DDSI ee Australia.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) khamiis, 2da, June, 2016 Ururka horumarinta soomalida itoobiya ayaa xaflad  casho sharaf ah oo si  aad u qurux badan loo soo diyaariyay u qabtay jaaliyada DDSI ee wadanka  Australia ee xubnaha ka ah UHSI. Xafladaasi oo ka dhacay huteelka Nogob ee magaalada jigjiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay maareeye ku xigeenka ururka horumarinta somalid itoobiya ahna ku simaha UHSI mudane Cabdikhadar Ilyaas Gaaruf, masuuliyiin heer deegaan ah, jaaliyada loo sameeyay xaflada iyo xubno ka mid ah qurba joogta DDSI ee ku sugan caasimada DDS.

Waxaana xafladaasi casho sharafta ah ugu horyntii ka hadlay ku simaha maareeyaha UHSI ahna maareeye ku xigeenka UHSI mudane Cabdikhadar Llyaas Gaaruf oo ugu hoyntii ka warbixiyay taariikhda iyo waxqabadka ururka horumarinta soomalida. Wuxuuna sheegay in tan iyo intii la hirgaliyay UHSI uu wax wayn ka qabtay guulna  ka soo hooyay dhinacyada adeegyada aas aasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, helitaanka biyaha nadiifta ah iyo  wacyigalinta bulshada.

Waxaa kale oo uu ku simaha maareeyuhu ka warbixiyay ujeedada iyo ahmiyada xaflada casho sharafta ah taasi oo uu sheegay in ay dulucdeedu tahay  mid lagu casuumay   xubnaha jaaliyda DDSI ee wadanka  Australia  ee xubnaha ka ah UHSI waxaana loogu mahad celinayaa ayuu yidhi masuulku  kaalinta ay ka gaysteen ka qayb-qaadashada hawlaha horumarka deegaanka gaar ahaan koonteenarkii agabka kala duwan ahaa ee ay dhawaan gaadhsiiyeen jaaliyadani dugsiga hoyga agoonta ee magaalada fiiq.

Dhankooda xubnihii qurba joogta ahaa ee loo sameeyay xaflada casha sharafta ah ayaa siwayn ugu mahad naqay masuuliyiinta UHSI. waxayna ka  warbixiyeen dadaalka ay xukuumada DDSI  ee dhinaca kor u qaadida xidhiidhka qurba joogta DDSI  iyo guulaha ay ka soo hoysay dhinaca hirgalinta qorshaasha horumarineed waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan ka qaybgalka hawlaha horumarka deegaanka.

Gabagabadii xafladaa  casho sharafta ah ayaa masuuliyiinta ururka horumarinta soomalida itoobiya waxay shahaadooyin sharaf gudoonsiiyeen jaaliyada DDSI ee Australia ee xubnaha ka ah UHSI.  

 

  

MW CMC Oo U Ambabaxay Qabridahar

$
0
0

Qabridahar ( Cakaaranews ) Jamce, 3da june 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti aad ubalaadhan oo ay kamidyihiin mw-kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, mw-kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, mw-kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan ayaa saaka socdaal gaadiid ah xarunta deegaanka uga ambabaxay dhanka wadada dheer ee laamiga magaalada qabridahar.

Hadaba, ujeedada socdaalkan oo ah in maalinta bari ah xadhiga laga jaro garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar ayaa wax lasii socdo oo lasii maro gobolo, maamul magaalo, degmooyin iyo tuulooyin farabadanba waxaa xili gaaban lagaadhay qabridahar iyadoo islamarkiiba loo sii gudbay qabalaha maraacaato oo uu kasocdo dhismaha mashruuca biyo-xidheenka wayn. Halkaas oo kormeer iyo indha-indhayn lagu soo sameeyay qaab-shaqeedka mashruuca iyadoo kadibna loo soo dheelmaday xarunta gobolka qoraxey ahna maamulka magaalada qabridahar ee qabridahar.

Xadhig-kajarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar bari kalasoco www.cakaaranews.com

Imtixaanka Xaqiijinta Xirfada Ardayga Oo Goday Ka Furmay

$
0
0

Goday(cakaaranews) sabti, 4ta June 4, 2016, Waxaa maanta ka bilowday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI qaybteeda  Goday  imtixaanka xaqiijinta tayad ardayga  ee loo yaqaano COC kaasi oo ay u fadhiisteen imtixaankan  121 oo  arday kuwaasi oo  hore u soo dhamaystay waxbarashada level 1ka ee kuliyada  gaar ahaan cilmiga ganacsiga iyo dhaqaalaha (business and finance)

Waxaana imtixaankan soo diyaariyay xarunta   Xaqiijinta Tayada Xirfadlayaasha DDSI (COC) waana mid loogu  talagalay in lagu xaqiijiyo  tayada ardayga iyo waliba hubinta ardayga aqoontii, xirfadiisa  iyo cilmigii uu bartay heerka uu gaadhsiisan yahay. 

Imtixaankan ayaa ah mid sanad kasta laga qaado ardayda waxka soo baratay kuliyadaha kala duwan ee deegaanka waana mid lagu xoojinayo laguna xaqiijinayo  tayada aqoonta iyo xirfada ardayga.

 

 

 

Munaasabada Xadhig-kajarka Garoonka Caalamiga ah Ee Qabridahar

$
0
0

Qabridahar ( Cakaaranews ) Sabti 4ta june 2016. Munaasabad si heer qaran, heer deegaan, heer gobol iyo heer maamul magaalo ah  loo soo agaasimay oo xadhiga lagaga jarayay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar ayaa kadhacday isla qabridahar gaar ahaan gagida diyaaradaha cusub ee magaalada qabridahar iyadoo waftigii heer federaal  ee kaqaybgalayay munaasabadan oo uu hogaaminayo Dr. Debretsion Gebremichael oo leh awood raisal-wasaare kuxigeen ahna iskuduwaha kalastarka dhaqaalaha iyo maaliyadaha si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonkan cusub. Taasoo ahayd diyaaradii ugu horaysay ee soo cagadhigatay islamarkaana kaduushay garoonkan heer caalam ee deegaanku dakhligiisa dheeriga kudhisay.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin kamid ah hogaaminta dawlada dhexe iyo xukuumada DDSI oo ay kamidyihiin: Dr.Debretsion Gebremichael oo leh awood raisal wasaare kuxigeen ahna iskuduwaha kalasterka maaliyadaha iyo dhaqaalaha, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka gaadiidka dalka Dr. Warqineh Gebeyaw, wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyada dalka mudane Axmedshide, maareeyaha guud ee shirkada diyaaradaha dalka Engineer Tewodros, madaxwayne kuxigeenada DDSI, hogaaminta gobolada deegaanka, odoyaal dhaqameedka deegaanka, dhalinyarada, hooyooyinka, shacabka magaalada qabridahar iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Hadaba, munaasabadan oo ahayd mid taariikhi ah ayaa waxaa ugu horayn furay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf isagoo shacabwaynaha dalka gaar ahaan shacabka DDSI ugu hambalyeeyay xadhigkajarka garoonkan cusub oo noqonaya kii 3,aad kadeegaan ahaan kadibna wuxuu madasha kusoo dhaweeyay maareeyaha guud ee shirkada diyaaradaha dalka Engineer Tewodros oo runtii qiray awooda waxqabadka iyo kago’naanshiiyaha xukuumada ee ay kudhistay garoonkan dakhligeedii dheeriga ahaa iyadoon waxba laga caawinin marka laga reebo tusaalooyin dhanka farsamada ah. Wuxuuna xaqiijiyay in xukuumada dhexe ay garoonkan u aqoonsatay mid heer caalami ah isagoo shacab waynaha dalka ugu hambalyeeyay adeeg bixinta garoonkani siin doono khaasatan shacabka Ddsi.

Sidoo kale, ayaa waxaa madasha hadalo dhaxalgal ah kasoo jeediyay wasiirka gaadiidka dalka Dr. worqineh Gebeyahu oo sheegay in deegaanka soomaalidu yahay hormuud mudan in deegaanada kale ee dalku ay kudaydaan maadaama oo ay noqdeen taariikhda markii 1, aad ee deegaan kamid ah  dalku sameeyo iskuday noocan ah oo ah ka aan maanta midhihiisii ufadhino.

Dhanka kalana, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kahadlay munaasabadan oo sheegay in dhicitaankii dhargiga kadib oo ahayd in isbadal yimaado uu deegaanku soo maray marxalado farabadan oo dib udhac dhanka horumarka iyo nabadgelyadaba ah. Balse, sanadihii udanbeeyay uu deegaanku kutalaabsaday horumar laxaad leh oo dhankasta  ah oo uu kamidyahay xadhig-kajarka garoonkan oo ah midhihii 20ka ginbood. Wuxuuna xusay faaiidada uu garoonkani uleeyahay dalka iyo deegaankaba. Kadibna, wuxuu madaxwaynuhu madasha kusoo dhaweeyay marti sharafka khaaska ah Dr. Debretsion Gebremichael oo leh awood raisal wasaare kuxigeen ahna iskuduwaha kalasterka maaliyadaha.

Dr. Debretsion ayaana si wayn ugu hambalyeeyay waxqabadka kago’naanshiinyaha leh ee xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo fahanka waxqabsi ee shacabka deegaanka isagoo sheegay in dhisida garoonkan miisaaniyad ahaan, shaqaale ahaan iyo qalab ahaanba ay fulisay xukuumada deegaanku. Taasi oo ah runtii arin kudayasho mudan oo aan horay dalka uga dhicin. Wuxuuna umahadceliyay xukuumada iyo shacabkaba isagoo kuladardaarmay in siday udhiseen ay u ilaashadaan.

 Ugudanbayna, Dr. debretsion, madaxwaynaha iyo wasiirka wasaarada gaadiidka dalka ayaa xadhiga kajaray garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee qabridahar. madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaana Engineer Tewodros-maareeyaha guud ee shirkada diyaaradaha dalka gudoonsiiyay xujadii lahaanshiiyaha garoonka iyadoo Dr. Debretsiona uu madaxwaynaha gudoonsiiyay shahaado sharaf iyo abaal-marino khaas ah oo uu soo diyaariyay Engineerka shirkada diyaaradaha dalku. Kadibna, waxaa lasoo indha-indheeyay qaybaha kaladuwan ee groonku kakooban yahay iyadoo ugu danbaystiina qado sharaf si heer sare ah loo diyaariyay lagu soo gabagabeeyay munaasabadii xadhig-kajarka garoonka.

 

Duulimaadkii Ugu Horeeyay Garoonka Caalamiga ah Ee Qabridahar

$
0
0

Adhisababa  ( Cakaaranews ) sabti, 4tii june 2016. Kadib xadhig-kajarkii garoonka caalamiga ah ee qabridahar ayay waftigii dawlada federaalka ah ee uu hogaaminayay Dr. Debretsion Gebremichael oo leh awood raisal wasaare kuxigeen ahna iskuduwaha kalasterka dhaqaalaha iyo maaliyadaha  oo uu weheliyo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar u ambabaxeen  dhanka xarunta dalka ee adhisababa iyagoo casar gaabadka niskii danbe ee maanta soo gaadhay caasimada dalka ee adhisababa.

Hadaba, duulitaankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee garoonka cusub oo ay diyaaradi kaduusho iyadoo cagadhigadkii ugu horeeyayna samaysay saaka markay keentay waftiga heer federal. wuxuuna duulimaadka caadiga ahi si rasmi ah ubilaabmayaa todobaadkan.

Dufcadii 5aad Oo Ka Qalin-Jabisay Kuliyada Caafimaadka Goday.

$
0
0

Goday(cakaaranews) Axad, 5ta, may, 2016, Xaflad si  meeqaam sare loo soo agaasimay oo ay ku qalin-jabiyeen dufcadii 5aad ee kuliyada caafimaadka magaalada goday arday dhan 251 ayaa maanta ka dhacday  maamulka magaalada goday.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladan qalin-jabinta masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska tababarata xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Naasir Xasan, wasiirka waraabka iyo horumarinta Dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed, maareeyaha kuliyada caafimaadka goday mudane Amiin maxamed xaaji,  gudoomiyaha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun iyo   marti sharaf kale.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamad TVETKA DDSI mudane Naasir xasan kaasi oo ugu horaynitii ugu hanbalyeeyay ardaydan maanta ka qalinjabinaysa waxbarashadii ay mudada soo baranayeen gaar ahaan cilmiga caafimaadka  wuxuuna ka warbixiyay muhiimada ay leedahay waxbarashadu gaar ahaan cilmiga caafimaadka. Wuxuuna ku booriyay wasiirku in ay  Bulshada uga hagar baxaan  Siinta Adeeg Caafimaad oo Hufan.

 

Masuuliyiintii kale ee ka hadashay xafladaasi oo ay ka mid  ahaayeen maareeyaha kuliyada mudane aamiin maxamed xaaji, wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane suldaan maxamed iyo gudoomiyaha gobolka shabeele mudane farxaan cabdi maajuun ayaa dhamaantood ka warbixiyay muhiimada ay leedahay waxbarashadu kuwaasi oo ku booriyay in ay ardaytan maanta qalin jabisay  ay si hagar la aan ah uga qayb-qaataan hirgalinta qorshayaasha horumarineed.


Xuska Maalinta Ilaalinta Deegaanka oo lagu xusay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) axad, 5ta, may 2016, Waxaa guud ahaanba caalamka sanadkasta bisha may 5teeda lagu xusaa maalinta ilaalinta deegaanka taasi oo deegaanka maanta laga xusay sanad guuradii 44aad ee maalinta ilaalinta deegaankav iyada oo lagu xusay dhirbeeris.

Haddaba xaflad lagu xusayay  munaasabadan sanad guurada 44aad ayaa ka dhacday kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin maareeyaha wakaalada ilaalinta deegaanka, kaymaha, macdanta iyo tamarta DDSI mudane Axmed xabiib, maareeye ku xigeenka wakaalada mudane cabdirisaaq dayib, shaqaalaha xafiiska iyo marti sharaf kale oo lagu maamuusay

Munaasabadan oo lagu xusayay dhirbeeris kadhacaday kuliyadaasi ayaa  waxaa ugu hortayntii ka hadlay maareeyaha wakaalada  ilaalinta deegaanka mudane Axmed Xabiib  oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay xuska maalintani ilaalinta deegaanku isaga oo sheegay in deegaanku dadaalo balaadhan kasameeyay hirgalinta siyaasada cagaaran ee dalkeenan itoobiya islamarkaana uu  horumar balaadhan ka  hirgalinta qorshayaashii qaraaradii shirwaynihii caalami ee cimilada aduunka sidii looga hortagilahaa isbedelka cimilada iyo wasakhawga hawada ee qiiqa  sababo taas oo lagaga hortagi karo in ladaryeelo lana ilaaliyo deegaanka iyo dhirta oo labeero lana cagaariyo bay ada aynukunoolnahay taas oo  sharax dheer ka bixiyay  nidaamka loo ilaaliyo deegaanka.

Musaasabadan oo halku dhig looga dhigay   AAN LADAGAALANO KAGANACSIGA SHARCIDARADA AH EE DUURJOOGTA ayaa waxaa  Dhankiisa  isna  ka hadlay ku xigeenka wakaalada ilaalinta deegaanka  mudane Cabdirisaaq Dayib oo si qoto dheer u  iftiimiyay ahmiyada ay maalintani  u leedahay deegaanka  iyada oo uu xusay in maanta ka deegaan ahaan qaateen in ay ku muujiyaan munaasabadan dhirbeerid kaasi oo ka qayb ah qorsha horumarinta cagaaran ee dalka iyo deegaankaba

 

 

Barnaamijka loo yaqaano KEIZAN oo lagu tababarayo qaar kamida shaqaalaha DDSI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Arbaco 27ka April 2016, Tababar kusaabsan aalada looyaqaano KEIZAN islamarkaana ah Aalad cusub oo kor loogu qaadayo nidaamka maaraynta qalabyada kala duwan ee dawlada ayaa maanta loo qabtay qaarkamaida shaqaalaha Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI kaaso ka qabsoomay isla xafiiska.

Tababarkan oo uu soo agaasimay xafiiska tababarada iyo kor uqaadida xirfadaha TVET ayaa waxaa fulinayay macahadka KEIZAN eeJDFI (Ethiopia KEIZAN Institute). Wuxuuna mid lamid ahi tababarkan uu ka socdaa Kuliyada Macalimiinta DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga waramay Gadh/Wadeenka G/S Kobcinta Awooda Fulineed ee Haayadaha Dawliga ah ee Xafiiska Adeega shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Cabdulaahi Muxumed Qaloonbi oo sheegay in tababarkani uu yahay mid muhiim u ah shaqaalaha xafiiska. Maadaama oo uu xafiisku u taaganyahay ka shaqaysiinta iyo hirgalinta barnaamij kasta oo ku aadan dhanka shaqada, shaqaalaha, iyo waliba qalabyada shaqooyinka Lagu fuliyo oo dhan. Wuxuuna intaa kudaray in baranaamijkan KEIZAN uu yahay barnaamij sahlaya dhanka habasami u isticmaalka qalabyada technolojiga, Documentiga archive-yada iyo waliba qalabyada kale ee  iska caadiga ah.

Wuxuuna agaasinku hadal kiisii kusoo gabagabeeyay in marka uu tababarku dhamaado ay guda galayaan sidii ay deegaanka uga hirgalin lahaayeen barnaamijkan cusub ee KEIZAN.

MW CMC Oo Soo Dhaweeyay MW Jubba land

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Khamiis, 28ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo waliba wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa gagida diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiil-waal duhurnimadii maanta si heer sare ah ugu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlad goboleedka jubba-land mudane Axmed Maxamed Islaan oo uu kamid yahay wasiirka boostada iyo isgaadhsiinta dawlada soomaaliya mudane Geele Jaamac.

Hadaba Waftigan oo booqasho deegaanka kusoo gaadhay ayaa waxaa socdaalkooda kuwehelinayay mudane Dr. Gurey Fidaariyagoo saaka kasoo kicitimay xarunta dalka ee adhisababa.

Kadibna, waftiga ayaa waxaa si toos ah loogu sii qaaday guryaha martida ee Qaryaan Dhoodaan. Halkaas oo uu kusoo dhaweeyay madaxwayne kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyadoo goobtaasna qado sharafeed loogu sii diyaariyay.

Wada Tashi Ku Saabsan Mashruuca JEG

$
0
0

Adama(Cakaaranews) Khamiis 28ka April 2016. wadatashi uu soo agaasimay Wasaarada Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha JDFI islamarkaana ujeedadiisu ahayd  sidii looga wada tashan lahaa Mashruuca qiimaynta iyo darajaynta Shaqada Ee Job and Evaluation Grade (JEG) iyo waliba daradar galinta shaqooyinka maamulka suuban oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta xafiisyada adeega shacabka iyo waliba agaasimada Geedisocodyada muhiimka ah ee maaraynta cududa shaqaalaha ee Fadaraalka, deegaanada Dalka iyo labada ismaamul magaalo ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay Ayu International Hotel ee magaalada Adama ee Deegaanka Oromiya.

HadabaTababarkan oo socon doona mudo 3 cisho ah ayaa waxaa DDSI uga qaybgalay Gadh/Wadeenka G/S Muhiimka ah ee Kobcinta Awooda-fulineed ee Haayadaha Dawliga ah ee Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Cabdulaahi Muxumd Qaloonbi iyo Gadh/Wadeenka G/S muhiimka ah ee Maaraynta cududa shaqaalaha ee Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Maxamed Cabdikariim  oo sheegay in tababarkani yahay mid wada tashi ah oo ku aadan Mashruuca qiimaynta iyo darajaynta Shaqada Ee Job and Evaluation Grade (JEG)  islamarkaana lagu kala qaadanayo jihooyinkii looga hirgalin lahaa dhamaan haayadaha dawliga ah ee kajira JDFI. Waxayna intaa ku dareen in tababarkan ay kasoo qaybgaleen dhamaan agaasinada dhigooda ah ee xafiisyada dawlad deeganada dalka. Iyagoo  tilmaamay  in doorka kaga aadan ka deegaan ahaan ay soo bandhigeen islamarkaana ay diyaar u yihiin hirgalinta barnaamijkan sanadka soo socoda ee 2009 T.I.

ugudanbayna waxay xuseen in mashruucani uu dalka kasoo socday mudo 4 sono ah islamarkaana larabo in dhamaan dalka laga hirgaliyo. Waxayna carabka ku dhufteen in mashruucani uu leeyahay faa’iidooyin farabadan oo ay ka mid yihiin midaynta dhamaan mushaarka shaqaalaha dawliga ah ee shaqooyinka isku midka ah qabta (equal job equal payments),  iyo waliba in mashruucani uu midaynayo qaabdhismeedka shaqaalaha dalka oo dhan. Wuxuuna suurta galinayaa in darajooyinka iyo shaqooyinka isku midka ahi ay mushaar iskumid ah noqdaan. Iyo waliba in shaqo kasta ay yeelan doonto mushaar u dhigma shaqadaas.

 

 

 

 

Madaxwayne Ku Xigeenka DDSI Ahna Wasiirka Waxbarashada oo Kulan La Yeeshay Maamulada Gobolada Faafan iyo siti.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 28, April, 2016, Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashad  DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan  ayaa kulan xafiiskiisa kula yeeshay gudoomiye yeesha Gobolada iyo Degmooyinka ee  gobolada Faafan iyo Siti waxayna kulankaasi ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa fahan buuxana looga siin lahaa maamulada  barnaamijka quutinta gudsiyada  oo ah mid ay dawlada deegaanka gaar ahaan xafiiska waxbarashadu fulinayo.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada laga leeyahay barnaamijka quutinta caruurta dugsiyada waxka barata  wuxuuna tilmaamay madaxwayne ku xigeenku in loogu talagalay dugsiyada ku yaala meelaha ay abaaraha cimilada isbadashay keentay saamaysay gaar ahaana gobolka siti iyo faafan si uuna hal arday ah  uga habsaamin isguulka saamaynta abaarta darteed.  Wuxuuna  madaxwayne ku xigeenku maamulada gobolada iyo degmooyinka kula dar dar-daarmay  in ay fahan buuxa ka qaataan barnaamijkan si loogu fuliyo sidii  loogu talagalay.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>