Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Dhiig Ku Deeqida Cusbitaalka Goday

$
0
0

Goday(cakaaranews )Isniin 23ka May 2016. kadib markii Maanta oo ay taariikhdu tahay 15/9/2008 T.I loo aqoonsaday maalinka dhiig ku deeqida Cusbitaalka Goday ayaa waxaa si heer sare ah dhiigooda ugu deeqay maamulka Cusbitaalaka, Shaqaalaha iyo waliba qaarkamid ah bulshada kudhaqan maamulka magaalda Goday.

Hadaba Maareeyaha Guuud ee Hospitaalka Goday mudane Wali Cilmi Shariif oo waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in maanta ay tahay maalinkii loo aqoonsaday maalinka dhiig ku deeqida hospitaalka goday islamarkaana ay ugu horayn bileebeen inay dhiigooda ku deeqaan maamulka hospitaalka iyo waliba shaqaalaha hospitaalka iyo qaarkamida ciidamada qaybahooda kala duwan iyadoo bulshada magaalada goday ku noola ay sifiican ugu dhiiradeen sifiican uga qayb-qaadanayaan ku deeqida dhiigooda.

Ugudanabayna wuxuu maareeyuhu xusay in dhiiga oo lagu deeqo ay faaiidooyin badan leedahay maadaama oo dhiiga lashubo lagu badbaadinayo hooyo dhiig la’aan ah sidookalana ay caafimaad ahaan u fiican tahay qofka shubay iyadoo walibana uu ajir wayna kaga heli xag aakhiro.


Tababar Loo Soo Xidhay Shaqaalaha Xafiisyada Maaliyadaha Degmooyinka

$
0
0

jigjiga(CakaaraNews) Isniin, 23da May, 2016 Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa maanta soo gabagabeeyay Tababar  ay ujeedadiisu ahayd kor u qaadida nidaamka maamulka maaliyadaha Institutional training (all in one) kaasi oo loo hayay shaqaalaha xafiisyada maaliyadaha degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI

Xafladi lagu soo xidhayay tababarkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed, wasiir ku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha mudane Jamaal  Faarax Warmooge iyo maareeye ku xigeenka kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane Ismaaciil Maxamed.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay  wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed wuxuuna sharax dheer ka bixiyay ahmiyada uu lahaa tababarkaasi isaga oo sheegay in uu ka mid yahay qorshayaasha lagu  xoojinayo ka midha dhalinta qorsha isbadalka koboca dhaqaalaha jaan-qaadkiisa 2aad ee dhinaca nidaamka maamulka maaliyadaha iyo meelmarinta shuruucaha maaliyadaha wuxuuna kula dar daarmay wasiirka tababartayaashan in ay sidii loogu talagalay u meelmariyaan cashiradii ay ka barteen tababarkan

Dhankiisa wasiirku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal faarax warwooge ayaa si qoto dheer uga warbixiyay  ujeedooyinka tababarkaa wuxuuna ku booriyay tababartayaasha  in cashiradii ay qaadanayeen noqdaan kuwa wax ka badala adeegyada ay hayaan islamarkaana sii xawaare galiya qorshayaasha horumarineed.

Tababarkan oo socday mudo 15 maalmood ah ayaa waxaa ka mid    ahaa cashirada lagu baranayay  Nidaamka Qorshaynta ku salaysan natiijada ( Result based planning), Diyaarinta iyo Maamulka Miisaaniyada, nidaamka kharashbixinta iyo Maamulka lacagta, Xisaabadka, nidaamka Iibka iyo Maamulka hantida, Hantidhowrka gudaha, Cadcadaanta iyo islaxisaabtanka maaliyadeed (FTA) iyo dhamaan shuruucda Maaliyadeed ee dalka iyo DDSI.

Ugu danbayntii waxa shahaadooyin la gudoonsiiyay tababartayaashii dhamaystay tababarkan 

Shirkii Qiimaynta Lix Bilood Laha Ahaa Ee Mashruuca PSNP

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Isniin 23ka May 2016 Shirkii qiimaynta lix bilood laha ahaa ee ( joint review and implementation support ) ee mashruuca PSNP4 kasoo ka hawl gala 32 degmo ayaa waxaa kasoo qayb Galay madaxafiiseed yada beerah iyo maaliyadaha qaar ka mid ah hawl wadeenada mashruuca PSNP Heer deegaan iyo heer degmo ayaa ka furmay hoolka shirarka ee macadka maaraynta magaalada jigjiga.

Hadaba shirkan qiimaynta jirs ka mashruuca psnp ee 2008 TI ayaa waxaa ugu horayn furay wasiirka Maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi isagoo sheegay in shirkani yahay Qiimayntii lix bilood laha ahayd ee mashruuca PSNP sanadkan 2008 TI tasoo la idinka sugayo inaad soo Dhigtaan waxqabadkii sanadkan loogu tala galay inuu fuliyo mashruuca PSNP ee ka howl gala 32 degmo.

Sidoo kale waxa isana qiimaynta shirkan ka hadlay agaasinka damaanad qaadka cuntada ee xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay in Qiimayntan kasoo qayb galeen dhamaan madaxafiiseed yada beeraha iyo kuwa maaliyadaha ee 32 Degmo uu ka howl galo mashruucu iyo howl wadeenada mashruuca ee heer deegaan iyo heer degmo ba Waxa kale oo uu agaasinku intaa kudaray inay kasoo qayb galeen masuuliyiin wasaarada beeraha Federalka iyo masuuliyiin ka socday( donors ka)  deeq bixiya yaasha .

Ugu danbayna waxa uu agaasinku xusay in jirs kan lagu lafa guri doono waxqabadkii sanadkan 2008 TI ee Mashruuca PSNP sida loo fuliyay mashaaricihii loogu tala galay in la fuliyo sanadkan iyo waliba in sidii Loogu tala galay loo fuliyay isagoo agaasinku intaa ku daray in qiimaytu socon doonto mudo 5 cisho ah Isla markaana kula dardaarmay inay ilaaliyaan saacada inta uu socdo shirku.  

Shirkii Golaha Federeshinka Ee Caadiga ahaa Oo Bilaabmay

$
0
0

Adhisababa( Cakaaranews ) Isniin, 23ka may 2016. Waxaa saaka xarunta dalka ee adhisababa kabilaabmay shirkii 3, aad ee golaha federeshinka ee caadiga ahaa

Waxaana shirka furay afhayeenka golaha federeshinka mudane Yelaw Abate oo usoo bandhigay wakiilada golaha federeshinka ajandayaasha shirka.

Kadibna waxaa warbixinadii 10ka bilood ee sanadkan 2008TI soo jeediyay gudiyadii kaladuwanaa ee kala ahaa: gudiga miisaaniyada kabista iyo arimaha dakhliga dalka oo uu gudoomiye kuxigeen ka ahaa madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, gudiga midnimada dimqraadiyada iyo waajibaadka dastuurka iyo nabadgelyada: oo ay xubin ka ahayd deegaankeena mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska beeraha DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, iyo gudiga turjumida dastuurka iyo codsiyada cabashooyinka qowmiyadaha oo uu xubin ka ahaa afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq.

Ugudanbayna, afhayeenka golaha federeshinka mudane Yelaw Abate ayaa sheegay in go’aamada ay soo dhigeen goluhu ay sii xoojinayaan dastuurka. Waxaana cod buuxa lagu ansixiyay in 33da arimood ee goluhu soo dhigay 29 kamid ah aysan ubaahnayn turjumida dastuurka meesha 4 kamid ahi ay turjumida dastuurka ubaahan yihiin.

Xaflad Lagu Soo Dhawaynayo 20 ka Ginboot

$
0
0

Jigjiga ( cakaaranews ) Talaado 24ka May 2016. Xalfad si heer sare ah uu u soo agaasimay xafiiska arimaha Haweenka iyo caruurta DDSI oo lagusoo dhawaynayay xuska munaasabada rubuc qarniga ee 20 ka ginbood oo ay Kasoo qayb galeen qaar kamid ah ciidanka  qaranka dalkeena itopiya,federal poliska ,pooliska Degaanka masuuliyiin ka socday xafiisyada kala duwan ee deegaanka iyo haweenka degaanka ayaa ka Qabsoomay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Waxaana ugu horayn xafladan ka hadlay wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta marwo raxma Suldaan maxamuud haybe oo sheegtay in xafladan tahay mid lagu soo dhawaynayo maalinka Qaaliga ah ee 20ka ginbood oo ah maalinkii xididada loo siibay xukunkii kaligii taliska ahaa ee dhergiga Kaasoo cadaadis ku hayay dhamaan dalkeena itoopiya balse uu xisbiga EPRDF ka tuuray talada islamarkaana uu Sameeyay nidaam dimuqraadiyadeed oo federalism ah kaasoo deegaan walba isku maamulo afkiisa Waana tan keentay horumarka ka muuqda deegaan keena.

Ugu danbayna waxa uu masuulku sheegay inaan si heer sare ah usoo dhawaynayno xuska sanad guurada 25aad ee 20ka ginbood sidoo kalana waxa iyana dareenkooda kahadlay qaar ka mid ah kasoo qayb galayaasha Xaflada oo sheegay inay aad usoo dhawaynayaan maalinka qaaliga ah ee 20ka ginbood oo ah Maalinkii aan gaadhnay Nabada, Horumarka iyo Xoriyada aan kunaa loonayno maanta.

MW CMC Oo Kusoo Laabtay Xarunta Jigjiga

$
0
0

Jigjiga( Cakaranews ) Arbaco, 25ka may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale ayaa aaskii madaxwaynihii Benishangul Gumuz iyo kaqaybgalkii shirkii golaha federeshinka kadib saaka kasoo ambabaxay xarunta dalka ee adhisababa iyagoo wakhti xaadirkan soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Kulan lagu Qiimaynayay Mashruuca Dhimista Dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka RIF.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Arbaca, 25, May, 2016 kulan lagu qiimaynayay waxqabadka 3dii  bilood ee  mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee marka afka qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano RIF ayaa  ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI  waxaana  ka soo qaybgalay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed masuuliyiinta mashruuca dhimista  dhimashada hooyada iyo dhalaanka RIF, ku simaha maareeyaha ururka horumarinta somalida itoobiya ahna ku xigeenka UHSI  mudane Cabdikhadar Ilyaas Gaaruf  iyo masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka ee heer faderaal oo uu hogaaminayay agaasimaha guud ee waaxda caafimaadka hooyada iyo dhalaanka ee wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr Ephrem Tekle.

Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii loo qiimayn lahaa waxqabadka 3 bilood ee mashruuca RIF ee dhinacyada   fulinta shaqooyinkii qorshaysnaa  gaar ahaan  fudinta adeegyada caafimaadka iyo habsami u isticmaalka miisaaniyada

Waxaana  ugu horayntii  ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid oo ka warbixiyay kaalinta waxqabad ee uu mashruucani ku leeyahay hirgalinta adeegyada caafimaadka gaar ahaan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka. wuxuuna tilmaamay  wasiirku in mudadii koobnayd ee la hirgaliyay  mashruucan uu  guulo waawayn ka soo hooyay fidinta iyo wacyigalinta adeegyada caafimaadka

 

Dhankood masuuliyiinta ka socday wasaarada caafimaadka ee heer faderaal  oo maalmihii ugu danbeeyay u kuurgalayay adeegayad caafimaad ee uu fidiyo mashruucani heer deegaan ilaa degmooyinka ayaa soo jeediyay warbixinta  natiijadii ay ku soo arkeen kuwaasi oo sheegay in ku    faraxsan yihiin waxqabadka iyo geedi socodka mashruucan gaar ahaan dhinaca wacyigalinta bulshada.   

Imtixaankii Heer-qaran Ee Fasalka 10aad Oo Si Rasmi Ah U Bilawday

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews ) Arbaco 25ka May 2016. Inkasta oo uu Imtixaanka heer-qaran ee fasalka 10 aad uu maanta si iskumid ah uu uga wada bilawday dhamaan dalka JDFI ayaa sidookale  128 goobood oo ah DDSI uu si rasmi ah uga bilawday imtixaanka fasalka 10 aad. kaas ooy maanta u fadhiisteen imtixaanka arday tiradoodu ka badan tahay 16,400 oo arday.

Hadaba Gadhwadeenka/ GS/ Horumarinta Manhajka iyo Imtixaanaadka mudane Cabdulaahi Idiriis Cilmi oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in jawi wanaagsan uu imtixaankii fasalka10 aad ku bilawday maanta iyadoo dhamaan goobihii imtixaanku ka dhacayayna uu si iskumid ah uga bilawday. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in imtixaanka fasalka 10aad ay qaadanayso arday tiradoodu dhantahay 16,400 kuwaasoo 11,143 ay yihiin lab meesha 5300 ay yihiin dhadig.

Ugu danbayna wuxuu xusay masuulku in 3 cisho uu soconayo imtixaanka fasalka 10aad kadibna la bilaabi doono imtixaanka heer-qaran ee fasalka 12aad kaasoo iyana dhici doona 4 cisho kadib islamarkaana ay u fadhiisan doonaan imtixaanka 12aadka arday tiradoodu kor u dhaafayso 8254 arday.

 


Kulan-waynaha 7, aad Ee Xukuumada DDSI Iyo Shacabwaynaha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 25ka may 2016. Xukuumada DDSI oo ah xukuumad u aas aasan danaha shacabka, kuna sifawday latashiga iyo kaqaybgalinta shacabkeeda arimaha horumarka iyo nabadgelyada hoostana kaxariiqday in shacabka oo lalatashado ay udub dhexaad utahay taabagalinta horumar iyo nabadgelyo waarta  oo aan dib unoqosho lahayn ayaa sidii caadiga ahayd ee horayba looga bartay maalinta jamcaha ah ee inagu soo aadan qabanaysa kulan-waynaha 7, aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka deegaanka.

Hadaba, kulan-waynahan oo ay xukuumadu qabato sanad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan kahor ayaa waxaa kasoo qaybgalaya in kabadan 2kun oo shaqsi oo isugu jirta: odayaal, hooyooyin iyo dhalinyaro. Kuwaas oo kakala imanaya dhamaanba gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanku kakooban yahay. Waxaana lagaga wada-tashan doonaa hawlaha horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban ee sanadaha soo socda iyadoo waxqabadka sanadkan iyo sanadihii tagay oo ay bulshadu markhaati goob-joog ah ka ahaydna lagu soo bandhigi doono.

 

Ugudanbayna, kulan-waynahan ayaa socon doona mudo 7, aad ah ‘hadii alle idmo’.

Kulan Dood-cilmiyeed Lagu Soo Dhawaynayay Guusha Munaasabada Xuska 20ka Ginbood.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Arbaca, 25ka May, 2016 Waxaa guud ahaanba dalka si meeqaam sare ah loogu soo dhawaynayaa dabaal daga munaasabada  sanad guurada 25 jirsatay ee gush  20ka ginbood taasi oo ay  dalka iyo deegaanada ka socdaan  fagaarayaal lagu soo bandhigayo soonyaalka taariikheed ee guusha 20ka nignood.

Haddaba waxaa maalmihii ugu danbeeya ka socday deegaanka kulamo doodcilmiyeed ah oo lagu soo bandhigayo guulaha ay hor seeday 20ka ginbood. waxaana maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee SMCX  kulan doodcilmiyeed ah oo ay ka soo qaybgaleen  masuuliyiinta iyo shaqaalaha hay’adaha cadaalada DDSI iyo masuuliyiin heer deegaan ah.

Kulankaasi dood-cilmiyeedka ah waxaa hogaaminayay wasiirka xeer ilaalinta guud iyo  cadaalada DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi kaasi oo soo bandhigay qoraal dheer oo ku salaysan soonyaalkii taariikheed ee guusha 20ka ginbood. Wuxuuna sheegay wasiirku in ay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaankuba ay wadaan fagaarayaal loogu diyaar garoobayo xisitaanka guusha 20ka ginbood laguna soo bandhigayo taariikhda iyo guusha 20ka ginbood iyo waliba  jihooyinka lagu sii joogtaynayo  horumarinta guusha 20ka ginbood.

Dood cilmiyaadkaa oo lagu soo bandhigay  warbixin ka hadlaysa soonyaalka taariikheed ee guusha 20ka ginbood ayaa waxaa  Dhankooda ka soo  qaybgalayaashii dood-cilmiyeedkaasi  ay  si qoto dheer u iftiimiyay  guushii iyo natiijooyinkii laga dhaxlay 20ka ginboon  waxayna hoosta ka xariiqeen in ay soo xoojinayaan guusha 20ka ginbood.     

Kulanka 12, aad Ee Golaha Kabineega DDSI

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Khamiis, 26ka may 2016. Waxaa saaka si habsami ah uga bilawday hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha Kulankii 12, aad ee golaha kabineega DDSI.  

Hadaba, kulankan oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayuu u soo bandhigay golaha kabineega ajendayaasha kulanka oo ahaa: in hadhaaga Miisaaniyada degmooyinka lagu dhiso guryo low-cost ah,  ansixinta lacagta daynta ah ee lasiinayo dadka danyarta ah sanadkan, lacagta lagu soo iibinayo xoolaha lasiinayo dadkii kubarakacay abaarihii gobolka sitti, qorshayaasha sanadka 2009TI oo 1 ilaa 3 biyaha ah iyadoo jihooyinka biyo-xidheenada, jidadka  gaar ahaan Buundooyinka iyo waliba iskuxidhida wadooyinka ilaa heer qabalee xooga lasaarayo, guryaynta, Maamulka suuban khaasatan in xafiisyo ay kushaqeeyaan loo sameeyo maamulada tuulooyinka, in laqabto shirwaynaha 7, aad ee wada-tashiga xukuumada iyo shacabka, iyo waliba in tababar lasiiyo shaqaalihii hormuudka ahaa ee degmooyinka lagu shaqaalaysiiyay.

Kadibna, golaha ayaa si qoto-dheer ufalanqeeyay qodobada kulankan ee kor kuxusan. Wuxuuna goluhu codbuuxa ku ansixiyay hirgalinta iyo meel-marinta dhamaan ajandayaasha kulankan.

Ugudanbayna, kulanka ayaa kusoo dhamaaday jawi midho dhal ah oo horumarka deegaanka kor usii wadaya.

Wasiirka Caafimaadka DDSI oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Masuuliyiin Ka Socday Hay'ada Save The Children

$
0
0

Jigjiga, (Cakaaranews) khamiis, 26, May, 2016 Wasiirka caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin sare oo ka  socday hay'ada Save the children international  kuwaasi oo ay hogaaminayaan masuulka u  fadhiya hay'ada save the children  dalkeenan itoobiya mudane  John Graham  iyo  masuulka  hay'adan u qaabilsan wadamada bariga iyo koonfurta qaarada Africa mudane  David Wright  oo  fadhigiisuna yahay dalka koonfur Africa.

 Kulan kaasi dhexmaray masuuliyiintan ayaa waxay ahayd ujeedadiisu  sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay'ada iyo xafiiska caafimaadka DDSI si loo sii tayeeyo  adeeg caafimaad ee gaar ahaan kuwa reer guuraaga ah.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid  oo si qoto dheer ugu  mahad celiyay hay'ada save the children kaalintii ay ka gaysteen  wax ka qabadkii  bulshada ay abaaruhu saameeyeen ee  gobolka Sitti. Waxaakale oo uu ku amaanay hirgalinta mashruuca wayn ee isku dhafka ah ee magaciisa loo soo gaabiyo PDP (Pease and development programme) kaas  oo wax wayn ka qabtay hirgalinta hawlaha horumarka DDSI.

Wasiirka ayaa u soo bandhigay masuuliyeenta hay'ada in ay kala shaqeeyaan xafiiska qorshaha ah sidii loo samayn  lahaa qaab ku  ha boon  sidii reer guuraaga oo lagu gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh qorshahaasi oo ay ka mid yihiin sidii loo samayn lahaa  xarumo caafimaad oo wareega (gaadhi loo sameeyay qaabkii xarun caafimaad oo bixin kara adeegii caafimaad ka ee ay bixin lahayd xarun caafimaad kaas oo u noqda referal point ama goobtii ay u soo gudbin lahaayeen shan kooxood oo ah kooxaha caafimaad ka wareega) iyo in la helo sanduuqada  talaal  (cold boxes and vaccine careir) ku shaqaynaya  solar system   si uuna  talaalku u dhimanin  qaboojiye la'aan islamarkaana loo gaadhsiiyo reer guuraaga ku nool goobaha ka fog xarumaha iyo rugaha caafimaadka.

Dhankooda masuuliyeenta ha'ada ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa ha'ada iyo xafiiska caafimaadka iyo guud ahaan xukuumada DDSI taas oo ay sheegeen in ay ku sii dhiiri galinayso in ay sii balaadhiyaan mashaariicda ay kawadaan deegaanka siina wadi doonaan dadaal kooda ay la garab joogaan xafiiska caafimaadka gaar ahaan xiliyada xaaladaha dag-daga ah (Emergency)

Kulan Lagu Soo Dhawaynayo Munaasabada Xuska 20 ka Ginbood.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 26, May , 2016 Waxaa wali ka socda deegaan kulamada iyo dood-cilmiyeedka lagu soo dhawaynayo munaasabada xuska 25 jirsatay ee  20ka ginbood taasi oo maal-maha food inagu  soo haya looga  dabaal-dagidoono guud ahaanba dalkeena itoobiya.

Haddaba,  xaflad si aad u qurux badan loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayo guusha 20ka ginbood ayaa ka dhacday  madasha shirarka ee Sayid MCX. Waxaana kulankaasi doodcilmiyeeda ah ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiisyada  gaadiidka iyo ganacsiga DDSI, wakaalada dakhliga DDSI iyo dhamaan ganacsatada ku dhaqan xarunta deegaanka ee jigjiga.

Waxaana kulankaasi hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaacil oo ugu horayntii soo bandhigay soonyaalkii taariikheed ee guusha 20ka ginbood sidoo kalena sharax dheerka bixiyay dhibaatooyinkii iyo cadaadiskii ay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ku hayn jireen maamuladii boqortooyadii iyo tii kalidii taliskii dhergiga. Wuxuuna sheegay wasiirku in dimuqoraadiyada, horumarka iyo nabadgalyada ka taamyeeshay guud ahaanba dalka gaar ahaana DDSI ay tahay midhihii laga helay guusha 20ka ginbood.

Maareey ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Yaasiin Cumar ayaa madashaasi ka soo jeediyay warbixin dheer oo ku salaysan guulaha  laga dhaxlay 20ka ginbood, dhibaatooyinkii haysan jiray shacabka itoobiya ka hor guusha 20ka ginbood iyo jihooyinka lagu sii joogtaynayo guusha 20ka ginbood.

Dhankooda ganacsatadii iyo dhaqaalihii ka soo qaybgalay kulankaa dood-cilmiyeeda ah ayaa waxa ay si qoto dheer uga warameen horumarka balaadhan ee ay horseeday guusha 20ka ginbood  iyo guulaha laga gaadhay  dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamul wanaaga iyo sidoo kale guulaha laga gaadhay  dhinacyada horumarinta  ganacsiga xorta.  

MW CMC Oo Soo Kormeeray Xafiisyada Heer Deegaan

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Jamce, 27ka may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo mas’uuliyiin kale ayaa saaka kormeer indho-indhayn ah kusoo maray qaar kamid ah xafiisyada heer deegaan iyo waliba dhismayaasha mashaariicaha kasocda xarunta deegaanka ee magaalada jiigjiga.

Hadaba ujeedada kormeerkan ayaa ahayd mid lagu indho-indhaynayay islamarkaana lagu fiirinayay nidaamyada adeeg-bixinta xafiisyada iyo qaab-shaqeedkooda iyadoo sidoo kalena lala-kulmayay macaamiisha xafiisyada iyo masuuliyiintaba.

Xiligii kormeerkan lagu jiray ayaa wuxuu madaxwaynuhu xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI kula-kulmay shir u socday hawl-wadeenada barnaamijka halbeega waxqabadka isu-dheelitiran(BSC) iyo agaasinada cududa shaqaalaha isagoo bogaadiyay geedi socodkii shirka kadibna fikiro muhiima oo la xidhiidha barnaamijka islamarkaana ay u riyaaqeen hawlwadeenadii shirka.

Sidoo kale madaxwaynaha iyo mas’uuliyiintii wehelinaysay ayaa soo kormeeray dhismaha garoonka wayn ee ciyaaraha kaladuwan oo gabagabo maraya iyo dhismayaal kale oo wali dhismahooda gacanta lagu hayo. 

Kadibna waxaa kormeer lagu sii maray dugsiga Sare ee Sheekh Cabdisalaan iyadoo lagu aaday wakhti uu imtixaankii heer qaran ee fasalka 10, aadku kasocdo. Waxaana labooqday goobtii uu daadku kasaameeyay dugsiga oo ahayd gidaarka kore iyo qaabkuu usaameeyay si loo dhiso loogana gaadho xal waara oo aan soo noqod lahayn.

Xuska Sanadguuradii 25, aad Ee 20ka Ginbood

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti, 28ka may 2016. Waxaa saaka si heer sare ah xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga looga xusay sanadguuradii 25, aad ee 20ka ginbood oo kadhacday hoolka shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada.

Hadaba munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu sarysa DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, Golaha wasiirada, mauuliyiinta ciidamada difaaca qaranka, masuuliyiinta ciidamada gaarka ah ee DDSI oo uu ugu horeeyo generalka ciidamada gaar ka ah mudane cabdiraxmaan cabdulaahi buraale, odayaasha deegaanka oo kakalayimid degmooyinka iyo gobolada, hooyooyinka, shaqaalaha qaybahooda kaladuwan, kooxaha fanka iyo madadaalada DDSI iyo waliba marti sharafkale.

Waxaana ugu horayn munaasabadan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay inay maalintani tahay maalin taariikhi ah islamarkaana sintay dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalku kakoobanayahay. Wuxuuna intaa ku daray inay gaar ahaan 20ka ginboot tahay maalinkii deegaankeenu dhashay ee afka ciida loo daray kaligii taliskii dhergiga ee cadaadiska iyo gumaysiga gaarka ah ku hayay shacabwaynaha deegaankeena. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii ku gabagabeeyay in 20ka ginboot ay tahay maalin mudan in la xuso oo la xasuusto maadaama oo ay tahay maalinkii lahelay sinaanta, cadaalada, dimuqraadiyada iyo dastuur simay dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubaha kaladuwan ee dalku ka koobanyahay.

Sidoo kale, waxaa isna munaasaabadan kahadlay generaalka ciidamada difaaca qaranka qaybta 13aad  mudane general khadiir oo xusay muhiimada ay maalintani u leedahay shucuubaha reer itoobiya islamarkaana kacodsaday shirwaynaha in hal mar loo istaago naftood hurayaashii kugeeriyooday halgankii gumaysigii dhargiga iyo kii UBBOba.

Ugudanbayna, munaasabadan oo ay kooxaha fanka iyo madadaalada deegaanku si heer sare ah u gilgileen islamarkaana soo bandhigeen heeso, madadaalo aad u farxad galiyay ka qaybgalayaasha ayaa ku soo dhamaatay  jawi aad u wanaagsan.

 


MM Qabridahar iyo Munaasabada Guusha 20ka Ginbood.

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews) sabti, 28, May, 2016 Waxaa maanta si wayn looga xusay  maamulka magaalada qabridahar ahna caasimada qobolka qoraxay munaasabada xuska sanad guurada 25 jirsatay ee  guusha 20ka ginbood oo ah maalin qiima wayn u leh dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya gaar ahaan DDSI.

Munaasabadan waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka qoraxay, masuuliyiin heer deegaan ah, maamulka MM Qabridahar, saraakiisha ciidamada qaranka, saraakiisha ciidanka booliska gaarka ah  iyo   dadwayne aad u tiro badan oo ka koobnaa dhamaanba qaybaha bulshada.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan gudoomiyaha gobolka qoraxay mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo  ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan loogu dabaal dagayo xuska maalinta qiimaha badan ee xuska sanad guurada 25 jirsatay ee  20ka ginbood. wuxuuna tilmaamay  midhihii ka dhashay halgankii qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya ee ay hurmuudka u ahaayeen  Ururka EPRDF in ay tahay maalinta 20 ginboot taas oo astaan maguuraan  u ah  shacabweynaha dalka itoobiya islamarkaana laga  dulqaaday taliskii dhiigya cabka ahaa ee Mingiste h/mariam oo cadaadis iyo xasuuq ba'an oon loo aaba yeelin ku hayay qowmiyadaha iyo shucuubaha itoobiya.

Masuuliyiintii kale ee   munaasabadaasi  ka hadashay waxaa ka mid ahaa mareeyaha m.m.qabridahar ahna ku simaha maayirka mm qabridahar  mudane Maxamed Abiib iyo  madaxa arimaha haweenka iyo caruurtaa m.m.qabridahar  marwo Sucaad Khadar kuwaasi oo   tilmaamay soonyaalkii khaariikhed ee munaasabada 20ka ginbood guulaha ay u horeeday shacabwaynaha reer itoobiya gaar ahaan bulshada DDSI

Dhankood qaarka mid ah odayaasha ku dhaqan MM qarbidahar oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin xusitaanka iyo dabaal daga munaasabadan qaaliga ah ee sanad guurada 25aad ee  20ka ginbood waxayna sheegeen in ay tahay maalintii horeeday horumarka nabadgalyada iyo dimuqoraadiyada maanta sida balaadhan uga taamyeeshay dalka gaar ahaana DDSI.

Degmada Mubaarak oo si Balaadhan Looga Xusay Munaasbada 25aad ee 20ka ginbood.

$
0
0

Mubaarak (cakaaranews) Sabti, 28ka May, 2016, Waxaa maanta siwayn looga xusay  guud ahaan deegaanka iyo dalka xuska  munaasabada sanad guurada 25 jirsatay ee 20ka ginbood taasi oo maal-mihii ugu danbaysay siwayn loogu diyaar garoobayay xusitaankeeda.

Haddaba, degmada mubaarig ee gobolka Daawo ayaa maanta siwayn looga dabaal dagay xuska  munaasabda 25aad ee 20ka ginbood  waxaana ka soo qaybgalay munaasabadaasi masuuliyiinta maamulka degmada muwaari, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada mubaarak.

Waxaana munaasabadaasi xuska guusha 20ka ginbood ka hadlay gudoomiyada degmada mubaarak mudane Cabdiraxmaan Maxamed Daahir (Cabdiraxman geerigo’an) oo ugu horayntii ka warbixiyay cadaadiskii iyo cabudhiskii lagu hayn jiray qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya  wixii ka horeeyay 20kii ginbood sanadkii 1983TI. Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in ay maamuladii boqortooyadii iyo tii kalidii talikii dhergigu ay ku guul darnaysteen aqoonsiga sinaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya. Waxa kale oo uu gudoomiyuhu si qoto dheer uga warbixiyay guulaha horumarineed nabadgalyo dimuqoraadiyadeed ee ay u horseeday dhamaanba qoomiyadaha iyo shucuubta itoobiya guusha 20ka ginbood ee sanadguuradii 25aad maanta siwayn looga dabaal dagayo dalkeena itoobiya gaar ahaana DDSI. Waxaa kale oo uu tilmaamay  masuulku in ay tahay maali qiime iyo qadarin u leh dhamaanba shacabwaynaha itoobiya.

Masuuliyiintii kale iyo odayaashii ka hadlay munaasabadaasi ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadani waxayna sheegeen in  tahay maali kuwayn shacabwaynaha itoobiya maadaamo oo ay tahay maalintii xaqiiijisay jiritaanka, sinaanshaha, dimuqoraadiyada  iyo xuquuqaha horumarineed ee  qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena  itoobiya.

isku soo wada duuboo munaasabada 25-guurada 20ka  ginboot ayaa guud ahaan dalka iyo dibadaba si balaadhan looga dabaal dagayaa.

Deg/ Baarey iyo Xuska Munaasabada 25 Jirsatay ee 20ka Ginbood.

$
0
0

Baaray (cakaaranews) Sabti,28ka May, 2016 Waxaa si meeqaam sare ah looga xusay xuska munaasabada sanad guurada 25 jirsatay ee 20ka ginbood  Degmada baaray ee gobolka afdheer taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta degmada baaray, saraakiishii ciidanka qaranka, ciidanka booliska gaarka ah, ardayda waxka barata magaalada baaray, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada baaray.

Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana qaybaha kala duwan ee bulshadu si farxad leh ugu xusayeen barxad balaadhan ee ay ka dhacaysay munaasabadani ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha degmada baaray mudane Axmed Cabdi Iimaan oo ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee xuska 20ka ginbood oo sanadkan 25 jirsatay waxaa kale oo uu gudoomiyuhu ka warbixiyay in guulaha waawayn ee dhinacyada nabadgalyada horumarka ee ay horseeday guusha 20ka ginbood.

saraakiishii ciidanka qaranka ciidanka booliska gaarka ah ee degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada   intuba  hadalo ku saabsan ahmiyada ay leedahay  20ka ginboot ay ka soo jeediyeen fagaarihii  waxaa kale oo xusid mudan  kooxaha fanka ee degmadu ay dhaantooyin iyo ciyaaro kala duwan ku saabsan  munaasabadan  ku  soo bandhigeen.

Ugu danbayntii waxay cid kasta oo degmada baray ku nool cadaynaysaa in xuskani uu yahay kii ugu waynaa ee abid noociisa oo kale kadhaca  degmada xuskan  oo ay bulshadu ku  muujiyeen sida ay ugu wayntahay una qadarinayaan maalintan taariikhiga ah ee guusha 20ka ginbood ee sanadkan 25 jirsatay.

MW CMC Oo Furay Kulan-waynihii 7, aad Ee Wadatashiga Xukuumada iyo Shacabka

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Sabti, 28ka May 2016. Kadib munaasabadii sida heerka sare ah loo xusay saaka ee sanadguuradii 25, aad ee 20ka ginboot ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar furay kulan-waynihii 7, aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo sida caadiga ah sanad walba xukuumadu qabato kahor bisha barakaysan ee ramadaan.

 

kulanwaynahan ayaa waxaa kasoo qaybgalay odayaal, culimo-awdiin, dhalinyaro iyo hooyooyin ay tiradoodu kor udhaafayso 2kun oo shaqsi. Kuwaas oo kakala yimid dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanku kakooban yahay.

 Hadaba furitaankii kulan-waynahan ayuu madaxwaynuhu kahadlay ujeedada kulankan oo ah sidii caadiga ahayd wadatashi xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka ah iyadoo laga wadatashan doono qorshayaasha horumarka, Nabadgelyada iyo maamulka suuban ee sanadaha soo socda lana soo bandhigi doono waxqabadyada sanadihii lasoo dhaafay, iyo waliba in wadatashigan xooga lagu saari doono aragtida cidhiidhyan ee mashaqaystenimada, ladagaalanka argagixisada iyadoo dibna loo eegi doono sooyaalkii taariikheed ee deegaanku soo maray, isbadaladii yimid, halka aan taaganahay maanta iyo higsiga waxqabadka sanadaha soo socda.

Ugudanbayna wuxuu madaxwayanuhu xusay in fikirada, talabixinta iyo dooda kaqaybgalayaasha ladhagaysan doono oo ay muhiim yihiin gashina unoqon doonaan qorshayaasha xukuumada kadib soo jeedinta qorshayaasha iyo waxqabadyada kaladuwan.

 

Degmada Awaare iyo Xuskii 20ka Ginboot

$
0
0

Awaare( cakaaranews )Sabti 28ka May 2016. munaasabada xuska 25aad ee 20ka ginbood ayaa maanta si balaadhan looga xusay degmada awaare ee gobolka jarar. munaasbadaasi oo ahayd mid si qurux badan loo diyaariyay ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamulka degmada awaare, ardayda waxka barata degmada awaare saraakiisha ciidamada heerarkooda kala duwan iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada aware.

Hadaba munaasabadan ayaa Waxaa ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha degmada awaare mudane cabdiwahaab maxamed shurgi oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay munaasabadan xuska 20ka ginbood ee 25 jirsatay wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in maanta ay tahay maalinkii halyeeyda EPRDF ay xukunka katuureen kaligii taliska dhergiga islamarkaana lahelay dimuqraadiyad, cadaalada iyo dastuur ay kudhantahay dhamaan xaquuqihii ay qoomiyad kasta lahayd.

Sidookale waxaa iyana dhankooda kahadlay saraakiisha sarsare ee ciidamada kaladuwan ee kahawlgala  degmada awaare, odayaasha, hooyooyinka, dhalinyarad iyo culumi awdiinka oo dhamaantoodba ay tilmaameen guushii maalinkan timid iyo horumarka ay dhashay.

 

Ugudanbayna munaaasabada ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan oo farxadi ku dheehantahay

 

 

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>