Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Talaalka isku dhafka ah oo la soo gabagabeeyay qaybtii dabaysha(polio)

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Isniin, 2da May , 2016. xidhiidhiyaha kor uqaadida caafimaadka, nadaafada iyo fayadhowrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdulaahi Axmed oo u waramayay shabakada wararka ee cakaaranews wakhti uu ka soo noqday kormeer shaqo oo uu ku soo maray degmooyinka gobolka Erer  ayaa sheegay in natiijo guul ah lagu soo gabagabeeyay talaalkii isku dhafka ahaa qaybtiisa talaalka ka hortaga cudurka dabaysha (polio)  ee todobaadkii hore laga bilaabay guud ahaanba deegaanka.

Wuxuuna sheegay in talaalkan oo iskugu jiray laba nooc oo kala ah talaalka ka hortaga cudurka dabaysha/polio  oo ahaa nooca  afka qalaad lagu yidhaahdo  trivalent OPV   uu ahaa kii ugu danbeeyay ee la siiyo caruurta da’doodu ka yar tahay shan sano jir kaasi oo    sidii loogu talagalay loo gaadhsiiyay caruur tiradoodu dhan tahay 998,917 oo u dhigan in la gaadhay 99% qorshihii yaalay talaalkan. Wuxuuna   sheegay masuulku in hada ka dib  loo guurayo nooca loo yaqaano Bivalent ,OPV kaasi oo lagu bixindoona goobaha caafimaadka ee barnaamijka talaalka joogtada ah.

Wuxuuna sheegay masuulku in talaalka 2aad oo ahaa talaalka ka hortaga cudurka jadeecada oo laga talaalayay caruurta dadoodu u  dhaxayso lix bilood ilaa shan iyo toban sano  jir in uu wali goobaha qaar ka sii socto si loo gaadhi ilmo kasta oo ay da’diisu ka hoosayso 15 sano jir oo ku dhaqan deegaanka gaar ahaan kuwa ku nool miyiga fog-fog.

 

Ugu danbayntii masulka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay fariin uu u dirayo waalidiinta dhashay  caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano jir in ay ku xidhnaadaan goobaha caafimaadka ee ay xukuumadu ugu diyaarisay talaalka joogtada ah si looga hortaga cudurada dilaaga ah ee talaalka lagaga hortagi karo.


Kulan Lagaga Hadlayay Nidaamka Maamulka Miisaaniyadaha oo la soo gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) isniin, 2da, May , 2016. Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka kulan lagaga hadlayay kor u qaadida nidaamka miisaaniyadaha(PFM) kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa waxaa  loo qabtay maamulada degmooyinka sida gudomiyeyaasha degmooyinka , madax xafiiseedyada maaliyadaha , madax xafiiseedyada biyaha & gadhwadeenada qorshaynta iyo miisaaniyada,

Kulankaasi oo socday mudo 2 maalmood ah ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska maaliyada oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed, wasiirka ku xigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed  oo ka hadlay soo gabagabadii  kulankaasi ayaa sheegay  in   mudadii uu socday kulankaasi  lagaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa kor u qaadida  nidaamka maamulka maaliyadeed ( PFM ) kaasi oo aas aas u ah gaadhida hiigisa horumar waara oo dhinac kasta leh. Wuxuuna sheegay wasiirku in deegaankeenu uu safka hore kaga jiraa kor u qaadida maamulka  nidaamyada maaliyadeed ee degaanada dalka taas oo ku timid Dadaal  iyo  ka go’naansho dhanka hogaaminta ugu saraysa deeganka  iyo shaqooyin lagu Diirsaday  ee  ay qabteen heerarka kala duwan ee qaabdhismedka DDSI, haddaba si loo joogteeyo guulahaas  kor-u- qaadida nidaamka maaliyadeed Waxa lagama marman ah in marwalba laga wada tashado halka la marayo nidaamka miisaaniyadaha.

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa ka  soo baxay fikir midaysan oo ah sidii loo sii xoojin lahaa nidaamyada maamulka maaliyadeed ( PFM ) ee dhinacyada : shuruucaha maaliyadeed, qorshaynta miisaaniyada, Dakhli ururinta, kharash bixinta, maaraynta lacagaha, xisaabaadka, Iibka iyo maamulka hantida, hanti dhawrka gudaha iyo barnaamijka cadcadaanta iyo islaxisabtanka maaliyadeed ( FTA ).

MW CMC Oo Furay Shirka Qorshaha Horumarinta Xoolaha ee GTP2

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Arbaco, 4ta may 2016. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ka furay shir lagaga wada hadlayay qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wajigiisa labaad ee dhanka horumarinta xoolaha ee heer qaran iyo heer deegaan. Kaas oo socon doona mudo sadex maalmood ah.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiiru dawlayaasha wasaarada Horumarinta xoolaha iyo Kaluumaysiga JDFI, marwo Dr Misraaq Mokonon iyo mudane Dr Gabre-isgaaber yohanis, Madaxwayne kuxigeenada DDSI, Golaha Kabineega, Maaamulka Degmooyinka iyo dhamaanba heerarka kaladuwan ee shaqaalaha xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer miyiga DDSI.
Furitaankii shirka ayaa waxaa madaxwaynaha madasha kusoo dhaweeyay wasiiru dawlaha wasaaraha horumarinta xoolaha iyo kaluumaysiga JDFI marwo Dr. Misraaq Mokonen.

Hadaba madaxwaynaha DDSI oo furay shirkan ayaa kahadlay muhiimada uu qorshahan horumarinta xoolo dhaqatada wajiga 2aad uu u leeyahay dalka iyo deegaankaba isagoo gaar ahaan xusay in isha kaliya ee nolosha bulshada Deegaanku ay kutiirsan tahay dhaqashada xoolaha. Wuxuuna madaxwaynuhu guriga kubooriyay in mudada uu socdo shirku ay si dhugleh u dhagaystaan soo-jeedinta qorshaha kadibna ay si cilmiyaysan uga doodaan qorshaha iyagoo waliba wakhtiga ilaalinaya.

Shirkan ayaa waxaa lagu maamusay halku-dhagyo ay kamid yihiin: anagoo raacayna habka casriga ah ee dhaqashada xoolaha waxaan xaqiijinaynaa in shaqooyinka laga qabanayo dhinaca xoolaha iyo waxsoosaarkooda ay noqdaan kuwo saldhig u ah Horumarka Cagaaran, iyo waliba hirgalinta yoolasha qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha, doorka hogaaminta iyo xirfadlayaasha heerarkooda kaladuwan waa mid muhiim ah.

Ugudanabayna shirka ayaa ku sii soconaya jadwalkii loogu talagalay ee soo jeedinta qorshaha iyo ka doodistiisa.

Dajinta Iyo Wax-soosaarka Beeraha 9kii Bilood Ee U Danbeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Khamiis 5ta May 2016, Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Dooxooyinka DDSi mudane Suldaan Maxamed (suldaankhayre) oo xafiiskiisa ugu waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa ka warbixiyay waxsoosaarka 9kiibilood ee u danbeeysay dhinaca dib-u dajinta gaarahaan gobolada laga hirgaliyay dib-udajinta. Wuxuuna sheegay wasiirku in 9kii bilood guulo waawayn laga soo hooyiyay qorshihii u dajisnaa xukuumada ee dhinacyada dajinta ee bulshada xoolodhaqatada ah loogu badalayo xoolodhaqato-beeraleey. Taasi oo looga faa’iidaynayo waxsoosaarka beeraha si ay u noqdaan bulsho wax soosaar leh oo iskufilaansho gaadha.

Sidookale wuxuu masuulku kawarbixiyay gobolada Afdheer , Shabeele iyo liibaan in ay 9 kii bilood ee u danbaysay ee sanadkan ladajiyay qoysas tiradoodu dhantahay 5,534 qoys oo markii horeahaa xoolo dhaqato hadana loo badalay xoolo dhaqato beeraleey. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in lagu guulaystay in labeero dhulbeereed dhan 119,695.50 hecter taas oo laga soosaaray dalag dhan 3,227,413.60 oo kiintaal islamarkaana ay kafaa’iidaysanayaan qoysas tiradoodu kor u dhaafayso144,093

 

 

 

Shirkii Qorshaha Horumarinta Xoolaha Oo La soo Gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)  jimce, 6da May, 2016, Waxaa  hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ee xarunga deegaanka  lagu soo gabagabeeyay shir   lagaga hadlayay qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaah GTP2 qaybtiisa dhinaca horumarinta xoolaha oo mudo 3maalmood ah socday.

shirkaa  oo loo hayay hogaaminta heerar keeda kala duwan ayaa  waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed faarax, wasiirka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga mudane Cabdinuur Colow iyo masuuliyiin heer faderaal ah oo uu ugu horeeyo  wasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka JDFI mudane Selashe  Getaye,

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo xidhitaankii shirkaa ka soo jeediyay khudbad uu kaga warbixiyay soonyaalkii taariikheed ee ay soo mareen xoolaha deegaanka iyo bulshada xoolo dhaqatada ah  gaar ahaan  dhibaatooyinkii ku xeernaan jiray bulshada  xoolo dhaqatada  deegaanka. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in dadaal dheer oo loogalay sanadihii ugu danbeeyay lagu guulaystay in kor looqaato tayada xoolaha deegaanka islamarkaana la hirgaliyay suuqgaynta xoolaha deegaanka, madaxwaynaha ayaa sheegay in qorshahan isbadalka  koboca dhaqaalaha qayntiisa 2aad  ee dhinaca xoola xooga  la saarayo sidii loo sii awood siinlahaa  tayada xoolaha deegaanka iyo suuqgayntooda gaar ahaan wax soo saarka xoolaha sida hilibka, caanaha iyo  subaga taasi oo lagaga faa’iidaysandoona dhinaca warshadaha  maadaamo oo ay bulshada deegaanku u badan tahay xoolo dhaqato.

wasiirka wasaarada xoolaha iyo Kaluunka  JDFI mudane Selashe Getaye oo ka hadlay gabagabadii kulankaasi ayaa sheegay in deegaanka soomalida itoobiya hodan ku yahay xoolaha nool iyo dhul  ku haboon saaqsinta xoolaha wuxuuna sheegay wasiirku in hadda loo furay albaabadii suuqgaynta xoolaha deegaanka. Waxa kale oo uu tilmaamay   wasiirku in kulankan mudadii uu socday lagaga wada hadlayay  hirgalinta qorshaha GTP2ga  ee dhinaca horumarinta xoolaha iyo ka faa’iidaysiga xoolaha.   Wuxuuna sheegay in kulanka noocan oo kale ah laga hirgalinayo dhamaanba deegaanada dalka wasiirka ayaa kula dar-daarmay hogaaminta heerarkeeda kala duwan in ay sii wadaan dadaalka ay ku horumariyeen xoolaha deegaanka.

 

 

Mashruuca Dhismaha Maxjarka Ee Centerka Harre Oo Gabogabo maraya

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews )Axad 8da May 2016, Mashruuca dhismaha ee maxjarka oo ay fulinayso Wakaalada dhismaha iibka iyo adeegyada gaar ka ah ee booliska DDSI ayaa maraya 92%. Kaasoo dhismihiisu ku fadhiyo 4 km2  islamarkaana loogu talagalay in uu adeega siiyo 100,000 oo neef oo isagujira Geel, Adhi iyo lo’a.

Hadaba maxjarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha iibka iyo adeegyada gaarka ah ee Booliska mudane Cabdishugri Maxamuud Odowaa oo sheegay in maxjarkan dhismihiisu uu meel wanaagsan oo gabogabo ah  marayo islamarkaana ay rajaynayaan in maalin dhaw  xadhiga laga jari doono. Wuxuuna intaa kudaray maareeyuhu in maxjarkani uu faa iido balaadhan ku soo kordhin doono Dalka iyo deegaankaba maadaama uu yahay maxjar aad u wayn oo qaadi kara 100,000 oo neef. Kaasoo siin doona xoolaha adeeg caafimaad iyo waliba adeegii calafka iyo naaxinta. Ugudanabayna wuxuu xusay masuulku in maxjarkani uu dabooli doono in badan oo ah baahidii dhanka maxjar la’aanta ee bulshada DDSI.

Sidookale waxaa isna dhinaciisa kawarbixiyay  Site-managerka Mashruuca Dhismaha Maxjarka mudane Cabdinaasir Huruufe oo sheegay in mashruucani uu ka kooban yahay qaybo badan  oo kaladuwan kuwaas oo kala ah xerooyinkii xoolaha, baraagihii biyaha, Guryihii jiifka ee dhakhaatiirta xoolaha, guryihii jiifka ee shaqaalaha maxjarka iyo goobihii dawaynta iyo naaxinta xoolaha. Wuxuuna intaa kudaray in maxjarkani markuu dhamaado uu dad farabadan oo deegaanka ah shaqo abuur u samayn doono.

 

MW CMC Oo Furay Tababarkii Hogaaminta XDSHSI

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin, 9ka may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee Kali kafuray tababarka hogaaminta XDSHSI heerarkiisa kaladuwan oo soconaya mudo 10 bari ah.

Furitaankii tababarkan hogaaminta XDSHSI ayuu madaxwaynuhu sheegay casharada lagu qaadanayo oo ay kamid yihiin: sooyaalkii taariikheed ee deegaanka dhinaca siyaasada, horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban iyo ladagaalanka aragtida dulsaarnimada sida: musuqa, qabyaalada, eexda, nin jeclaysiga iyo argagixisada.

Waxaana tababarkan kasoo qaybgalay heerarka kaladuwan ee hogaaminta XDSHSI ee heer deegaan, heer gobol iyo heer degmo oo tiradoodu kor udhaafayso 1,500 oo xubnood.

Casharada tababarkan ayaa waxaa bixinaya hogaaminta ugu saraysa XDSHSI oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiye kuxigeen XDSHSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xil-dhibaanada mudane Maxamedrashiid isaaq iyo mw kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo waliba mas’uuliyiin kale.

Madaxwaynaha ayaana casharkii ugu horeeyay ee tababarkan kubilaabay dhanka nabadgelyada iyadoo galikii hore ee maanta halkaa kusoo xidhmay. Niska danbana lagalayo doodii casharkii saaka.

Dood Cilmiyeedkii Casharkii Saaka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin, 9kii may 2016. Kadib casharkii saaka uu madaxwaynuhu siiyay hogaaminta XDSHSI heerarkooda kaladuwan kuna saabsanaa sooyaalkii dhanka nabadgelyada deegaanka ee kadhacaa kadagta ahaan jiray iyo isbadalka nabadgelyo ee maanta ayay galinkii danbe kooxihii, kooxo-hoosaadyadii iyo unug-kooxeedyadii isugu xidhnaa 120, 60, 30 iyo 1 ilaa 5 xubnood ay si cilmiyaysan ugadoodeen islamarkaana ay fikiradoodii dooda oo qoraal ah u gudbiyeen horjoogayaashoodii iyadoo iskuhabayn kadibna ay horjoogayaasha kooxuhu guriga usoo jeedin doonaan ururinta fikirada doodaas si aqoon korodhsi, waayo aragnimo iyo talaba looga faaiido.

Hadaba dood cilmiyeedka casharka nabadgelyada ayaa kusalaysnayd xaaladihii kalagadisnaa ee ay nabadgelyada deegaanku soo martay, hogaamintii iyo ururadii wakhtiyadaas ladaalaa dhacaysay marxaladahaas nabadgelyo daro, nolol daro iyo jiritaan la’aaneed iyo tabaha cilmiyaysan ee lagaga gudbay laguna gaadhay nabadgelyada taamka ah ee maanta cid walba oo deegaanka ahi kunaaloonayso.


Soo Jeedintii Fikirada Dooda Kooxaha

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) talaado 10ka May 2016, tababarkii hogaaminta XDSHSI oo galay maalinkiisii labaad ayay saaka 9kii kooxood ee ka koobnaa 120ka xubnood  ee isugu xidhnaa 60,30,1 ilaa 5 xubnood ay bilaabeen soo jeedintii fikirada doodii casharkii shalay iyadoo ay fikirada oo urursan ay horjoogayaasha hogaaminta  kooxuhu soo jeedinayeen.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo hogaaminta kale ee XDSHSI ayaa ka dhagaysanayay  soo jeedinta fikirada kala duwan ee dooda kooxaha islamarkaana ay ka talo-bixinayeen kadib dhagaysashada soo jeedinta fikirada kooxaha hogaaminta.

Waxaana ilaa hada dooda fikiradoodii la dhagaystay koxdii 9aad iyo kooxdii 8aad iyadoo 7bada koxood ee hadhayna laga dhagaysan doono galinka danbe ee maanta .

MW CMC Oo Lakulmay Mas'uuliyiin Heer Federal iyo Bangiga Aduunka Kasocotay

$
0
0

jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 11ka may 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan mw kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo-dhaqatada mudane Cabdifataax ayaa saaka lakulmay mas'uuliyiin kasocotay bangiga aduunka oo uu hogaaminayay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada mudane Kaadhiyaki Gezahun oo ay kamidyihiin: maamulaha bangiga aduunka ufadhiya itoobiya marwo Carolyn Turk iyo maareeyaha sanduuqa horumarinta caalamiga ah ee beeraha.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigan bangiga aduunka ayaa kawada hadlay dhinaca horumarka deegaanka iyo sidii loo sii xoojin lahaa gaar ahaan mashaariicaha ay maal-galiyaan bangiga aduunku ee PCDP.

Waxayna waftigani ka marag-kaceen horumarka laxaadka leh ee guud ahaan kahanaqaaday deegaanka iyagoo bogaadiyey deg-degsiinyaha horumarku usocdo. Waxayna sheegeen inay dhankooda si dar-dargalin ah ay taageera buuxda kagaysan doonaan horumarkan talaabsaday.

Ugudanbayna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa bogaadiyay la kulankan masuuliyiintan isagoo halkaa kugudoonsiiyay hadiyaddo kaladuwan oo katarjumaya dhaqanka deegaanka. 

MW CMC Oo Kahadlay Dhibaatadii Kadhacday Gambella

$
0
0

Adhisababa( Cakaaranews ) Talaado, 19ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa Gardaro aan geed loogu soo gabanin kutilmaamay dagaalkii ay dablayda hubaysan ee South sudan kasoo duushay kuqaadeen dad masaakiin ah oo beeralay ah ee ay kudileen 200 oo ruux islamarkaana ku qafaasheen 100 ruux oo gambella ah.

Hadaba dagaalkan oo kadhacay goob dhinaca xadka ah maalintii jamcaha ahayd ee lasoo dhaafay ayuu madaxwaynuhu kutilmaamay arin sharci daro ah oo argagixisanimo oo aan marnaba loo dulqaadan karin isagoo sheegay in dadka ay dablaydu dishay iyo kuwa ay qafaasheen ay isugu jireen caruur, hooyooyin iyo dad da’ ah oo beerahoodii iska dhex joogay oo habayaraatee aan wax hub ah sidanin meesha uu deegaanka Gambellaha si nabadgelyo ah oo ixtiraam mudan ugu nool yihiin una martigaliyeen 284,000 oo qaxooti south sudan kasoo qaxay dagaaladii sokeeye ilaa 2013 oo ah dad masaakiin ah.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar  ayaana maadaama aysan dhibaatadani ahayn mid loo dulqaadan karo ugu mahadceliyay ciidamada difaaca qaranka talaabadii ay qaadeen ee gurmadkii deg-dega ahaa. Taas oo ay kudileen 60 budhcadii dablayda south sudan kamid ah ee dhibaatada gaysatay. Madaxwaynaha ayaa intaa raaciyay, in lasii wado si aysan dib danbe ugu dhicin iyo in waliba lagalo sidii dib loogu soo celin lahaa dadkii ay dablaydu qafaalatay.

Mustaxiil Oo Laga Xusay Sanadguurada 6,aad Ee maalinta Cadaalada DDSI

$
0
0

Mustaxiil( Cakaaranews ) Talaado, 19ka April 2016. Waxaa maanta si balaadhan oo heer sare ah looga xusay degmada mustaxiil sanadguurada 6,aad ee maalinta cadaalada Ddsi oo kadhacday guriga shirarka ee degmada.

Xuska sanadguuradan oo uu hogaaminayay kusimaha xafiiska maamulka degmada ahna madaxa xafiiska beeraha mudane Mukhtaar Muxumed Nuur ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaanba hay’adaha cadaalada iyo xeer ilaalinta degmada, laamaha amniga laxidhiidha, hay’adaha garsoorka, ururada kaladuwan ee bulshada iyo maamulka degmada.

Waxaana xuska maalintan kahadlay Kusimaha Gudoomiyaha Degmada ahna Madaxa Xafiiska Beeraha mudane Mukhtaar Muxumed Nuur, Gudoomiyaha Maxkamada Degmada mudane Wali Cabdulaahi, Madaxa Xafiiska Xeer-ilaalinta iyo Cadaalada mudane Maxamed Cabdulaahi Yuusuf iyo waliba Taliyaha Booliska Degmada Mustaxiil marwo Qaali Cabdikariin Maxamuud oo dhamaantood kahadlay muhiimada cadaaladu leedahay iyagoo xusay in cadaalada la’aanteed aysan waxba suurtagalin. Waxay intaa kudareen in cadaaladu tahay furaha iyo bilowga horumarka, nabadgelyada iyo nidaamka maamulka suuban iyo inay waliba sal-dhig u tahay horumar waara oo aan soo noqosho lahayn sida deegaankeenu horay ugu kutalaabsaday.

Ugudanbayna, ururada bulshada ee kaqaybgalay xuska maalinta cadaalada DDSI ee degmada mustaxiil ayaa si wayn usoo dhaweeyay iyagoo kamarkhaati kacay in cadaalada sida wayn uga hanaqaaday deegaanka uu kuyimid horumarka iyo nabadgelyada aan maanta kunaaloonayno.

Ganacsatada Adhisababa Oo Deeq Raashin ah Gaadhsiisay Sitti

$
0
0

Sitti( Cakaaranews ) Arbaco, 20ka April 2016. Ganacsatada dagan xarunta dalka ee adhisababa ayaa yidhi kama hadhayno caawinta shacabkanaga kutabaaloobay abaartii ay keentay isbadalka cimilada ee gaar ahaan saamaysay shacabka gobolka sitti iyagoo ugu deeqay 1 milyan oo birr. Taas oo ay ugu soo badaleen raashin kakooban bariis, bur, saliid iyo timir.

Hadaba wasiir kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI iyo xubno kamid ah maamulka gobolka oo ay weheliyaan ganacsatadii deegaanka ee adhisababa ayaa kaqaybiyey raashinkii qabaleeyada fadhato iyo xaariso.

Dhanka kalana, shacabka qabaleeyadaas ayaa bogaadiyay deeqda walaalahood oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dareenka iyo kadamqashada xukuumada iyo shacabka iyo waliba garab istaagooda joogtada ah.

MW CMC Oo Sheraton Hotel Kulan Qado Sharaf ah Kulayeeshay MW Puntland

$
0
0

Adhisababa( Cakaaranews ) Khamiis, 21ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha JDFI mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi ayaa maanta kulan qado sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay Madaxwaynaha Puntland mudane Cabdiwali Maxamed Cali gaas ugu sameeyay huteelka caalamiga ah ee Sheraton ee kuyaala xarunta dalka ee adhisababa.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen mudane Dr. Guray Fidaar, mudane Bashiir Cabdulaahi Caydaruus, iyo waliba xubno kale oo labada dhinac wehelinayay ayay ujeedadiisu ahayd ugu horayn soo dhawayn uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar dalka kusoo dhawaynayay madaxwaynaha Puntland mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo waliba in laga wada hadlo hawlaha argagixisada al-qushaash.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo dhawayn iyo qado sharaftii kadib madaxwaynaha puntland kalahadlay xaaladaha argagixisada isagoo tilmaamay in argagixisada ay si cilmiyaysan ugala dagaalamaan dhanka istaratiijiyada iyo in guud ahaan shacabka soomaaliya ay uguntadaan sidii ay gacantooda iskaga celin lahaayeen ugulana dagaalami lahaayeen dhamaanba ururada argagixisada. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa raaciyay in xukuumada DDSI iyo shacabka deegaankeeduba ay hadh iyo habeenba utaagan yihiin ladagaalanka argagixisada iyo garab istaaga shacabka soomaaliya isagoo xukuumada puntland uga mahadceliyay guulaha ay kakeeneen dagaaladii ay lagaleen argagixisada kuna booriyay inay halkaa kasii wadaan.

Dhinaca kalana, madaxwaynaha puntland mudane Cabdiwali Maxamed Cali iyo xubnihii weheliyay ayaa mahadnaq balaadhan halkaa uga soo jeediyay JDFI ee uu hogaanka uhayo raisal wasaare Hailemariam Desalegn, xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwayne CMC iyo guud ahaan shacabka dalka gaar ahaana shacabka DDSI iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin kulankan iyo waliba inay khibrad dhaxal-gal ah kaqaateen.

Ugudanbayna, kulan sharafeedkii ayaa kusoo gabagaboobay guul iyo in si wadajir ah loola dagaalamo ururada argagixisada ee gabbaadka kadhiganaya diinteena islaamka.

Degmada Hadhagaala Oo Ku Guda Jirta Goynta Beerihii Hore IyoTab-cashada Beero Cusub

$
0
0

Hadhagaale(Cakaaranews )Khamiis 21ka April 2016, Gudoomiyaha Degmada Hadhagaala Ee Gobolka Siti mudane khadar Abiib Cimsmaan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in lagu guulaystay qorshihii cagaarinta, tabicii beeraha iyo waliba kafaa’iidaysiga Biyo-xidheenkii Degmada Hadhagaale oo bilaabay adeegii loogu talagalay kadib markii ay raxmadihii roobku buux dhaafiyeen.

Gudoomiyaha oo hadalkiisii sii wata ayaa cadeeyay In biyo xidheenkii degmada uu si fiican u buuxsamay kadibna uu bilaabay adeegii shacabka oo ahaa in looga faaiidaysto beeraha. Wuxuuna  intaa kudaray in ka maamul ahaan ay guda galeen inay shacabka ku abaabulaan sidii ay beero uga qodan lahaayeen islamarkaana qaar kamida bulshada ay bilaabeen qodoshada10kii hector ee ugu horeeyay.

Dhinaca kale wuxuu gudoomiyuhu xusay in lagu guulaystay qorshihii cagaarinta iyo wax soosaarka beerihii qorshaysnaa islamarkaana calafkii xoolaha ee lagu beeray dhulbeereed dhan 300 hector qabalaha Gabi uu sifiican usoo baxay. Wuxuuna hadalkiisii ku gabagabeeyay in lagu guda jiro goyntii calafka xoolaha iyadooy  garab socoto qaybintii calafka xoolaha ee loogu talagalay shacabka ay saamaysay abaartu.


MW CMC Oo Wakhti Xaadirkan Soo Gaadhay Xarunta

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) jamce, 22ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib markay usoo xidhmeen shirarkii kaladuwanaa ee todobaadyadanba uga socday xarunta dalka ee lagaga wada hadlayay xaaladaha guud ee horumarka dalka iyo higsiga sanadaha xiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga isagoo wakhti xaadirkan soo gaadhay xarunta.

Waxaana madaxwaynaha socdaalkan kuwehelinaya wafti balaadhan oo uu kamid yahay wasiiru Dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI mudane Dilaye Getu maadaama oo shirka waxbarashada heer qaran oo ay kasoo qaybgalayaan dhamaan dawlada deegaanada dalka iyo ismaamuladuba lagu qabanayo xarunta deegaanka ee magaalada jigjjiga.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigan weheliya ayaa kusoo beegmay xili ay deegaanka kabilaabmeen roobabkii gugu oo dhulku wada cagaaran yahay islamarkaana aad ugu riyaaqay raxmada roobka. Wuxuuna madaxwaynuhu si wayn eebe uga mahadceliyay raxmada roobka ee sida balaadhan deegaanka uga curatay.

Wareega 8, aad Ee Talaalka Cudurka Dabaysha Oo Laga Bilaabay Gobolka Afdheer

$
0
0

Hargeele( Cakaaranews ) Jamce, 22ka April 2016. Waxaa maanta xarunta gobolka afdheer ee magaalada hargeele kabilaabmay ol-olihii talaalka cudurka dabaysha wareegiisa 8, aad oo uu weheliyo talaalka cudurka jadeecada ee carruurta da'doodu kahoosayso 5ta sano iyo waliba diwaangalinta hooyooyinka isufuranku kudhacay.

Hadaba daah-furkii ololahan ayaa waxaa kahadlay gudoomiye kuxigeenka gobolka afdheer mudane Cabdi Maxamed Ibraahin oo ay weheliyaan kusimaha xafiiska maamulka degmada hargeele mudane Isaaq cabdulaahi qayliye, madaxa xafiiska caafimaadka ee degmada mudane axmed soocane iyo waliba focalka personka caafimaadka gobolka afdheer oo dhamaantoodba bulshada usheegay inay caruurtooda katalaalaan cudurada dilaaga ah sida: cudurka dabaysha iyo jadeecada iyagoo kuwacyigaliyay inay dawadoodu tahay cudurada noocan ah talaalkan oo kali ah. Halkaas oo uu dhibicdii ugu horeysay gudoomiyuhu kuxigeenka gobolku kudhibciyay ilmihii 1,aad.

Talaalkan oo guud ahaanba kabilaabmay deegaanka ayaa si habsami ah uga socda gaar ahaan degmooyinka gobolku kakooban yahay iyadoo ay kafulinayaan xirfadlayaal caafimaad goob kasta.

Dhanka kalana, hooyooyinka degan dhamaan degmooyinka gobolka afdheer oo si fiican ugu baraarugsan waxtarka uu talaalkani leeyahay ayaa soo dhaweeyay bilawga talaaladan iyaggoo caruurtoodana udiyaariyay inay katalaalaan cudurada dilaaga ah.

Talaalka Isku Dhafka ah Oo Ka Bilowday Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) jimce, 22 April 2016, Waxaa guud ahaanba maanta deegaanka ka bilowday ol-olaha isku dhafka ah ee talaalka ka hortaga  cudurka dabaysha iyo jadeecada haddaba Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu daah'furayay ol'olaha talaalka isku-dhafka ah ee ka hortaga cudurada Jadeecada iyo Dabaysha/Polio  ayaa maanta ka qabsoontay hoolka Shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI.

Xafladan   ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin  sare   oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada  mudane Mawliid Haayir Xasan,  wasiirka caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid maxamed, masuuliyiin heer deegaan ah, shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI iyo qaarka mid ah  bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaana   ugu horayn ka hadlay daah-furkii xafladan wasiirka  caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed oo si kooban u soo jeediyay ujeedada iyo ahmiyada uu leeyahay talaalka isku dhafka ah ee ka hortaga cudurada Jadeecada iyo Dabaysha ee laga talaalayo caruurta dadoodu ka yar tahay 5 sano jir halka cudurka jadeecadana laga talaalayo caruurta da,doodu ka yar tahay 15 sano jir.Wasiirka ayaa fariin u diray dhamaan masuuliinta heer deegaan, gobol, degmo, heer tuulo, xirfadlayaasha caafimaadka iyo waliba waalidiinta dhashay caruurta in laga wada shaqeeyo sidii ilmo kasta u  heli lahaa talaalka isku dhafka ah ee dabaysha iyo  jadeecada

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada  mudane Mawliid Haayir ayaa wakhti ay masuuliyiintani ku guda jireen socdaal  xaafadaha u dhaw goobta ay xaflada ka dhacaysay gacantiisa ku talaalay  qaarka mid ah caruurta joogtay  guryahaasi  madaxwayne ku xigeenka oo la hadlay warbaahinta deegaanka  ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talaalkani isaga oo  u mahad celiyay xafiiska caafimaadka dadaalka uu ugu jiro sidii loo gaadhsiin lahaa talaalkan dhamaan caruurta ay tahay da,doodu in la talaalo. Wuxuuna kula dar-daarmay waalidiinta u badka dhalay inay uga faa'iideeyaan u badka si looga guulaysto ka hortaga  cudurka dabaysha iyo jadeecada.

Dhankiisa  ku simaha  gadhwadeenka geedi socodka ka hortaga cudurada, kor uqaadida caafimaadka iyo fidinta caafimaadka ahna xidhiidhiyaha kor uqaadida caafimaadka, nadaafada iyo fayadhowrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdulaahi ayaa u sheegay warbaahinta deegaanka  in  talaalkan isku dhafka ah lagu talaalidoono caruur tiradoodu dhan tahay 3,813,724 ilmood. isaga oo tilmaamay masuulku  in uu talaalkani ka socon doono guud ahaanba deegaanka  muddo 7ba maalmood ah.

War Deg-deg ah: Hogaanka Nabadgelyada DDSI Oo Sheegay in Maleeshiyaadkii Al-qushaash Iyo Gal-mudug Indhaha Loo Shiday

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti, 23ka April 2016. Hogaanka nabadgelyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Yaasiin Cabdi Waris ayaa sheegay in maleeshiyaad isugu jiray al-qushaash iyo galmudug oo si qabiil ah uwada socday oo ay hogaaminayeen hogaaminta gal-mudug  ay ciidamada sida raha ubooda ee liyuu boolisku  indhaha ugu shideen cashar lama ilaawaan ahna kusiiyeen qabalaha Daac-dheer ee degmada Galaadi ee gobolka doolo kadib markii ay dhawr jeer iskudayeen inay si xoog ah calankooda ugataagaan qabalahaas iyagoo weerar gardaro cad ah maanta kusoo qaaday maleeshiyo qabalee iyo shacabkii deganaa daac-dheer oo waliba baryahanba warbaahinada kalagadisan kasheegayay inay weerar qaadi doonaan. Dhinaca kalana iskadhigayay kuwo dacwo, waan-waan iyo wada hadal kula jira xukuumada DDSI.

Weerarkan xaq-darada ah oo ahaa shirqool argagixisonimo oo ay baryahanba maleegayeen maleeshiyaadka al-qushaash iyo galmudug rabeena inay kuwaxyeeleeyaan shacabka rayidka ah ee degan qabalaha Daac-dheer ayay kufashilmeen iyagoo halkaa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee liyuu boolisku talaabo sharci ah oo aysan dib danbe u hawaysanin gudaha xadka deegaanka kaga qaadeen. Tiknikadii ay wateena kugubeen islamarkaana kaga furteen goobtaas hubkii ay wateen. Shacabkii iyo deegaankii ay kusoo duuleena halkaa kaga bad-baadiyey.

Ugudanbayna, hogaanka ayaa xusay inay layaab tahay dharaar kuriyoodka maleeshiyada al-qushaash iyo galmudug ay kudamceen inay tuulooyinka ay kamid tahay daac-dheer ay kataagaan calankii al-qushaash iyagoo si dhab ah u og kana dharagsan inay tuulooyinkaasi kamid yihiin deegaanka soomaalida itoobiya.

   Wixii dib kasoo kordha kala soco www.cakaaranews.com

MW CMC Oo Soo Dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada JDFI Iyo Furitaankii Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Waxbarashada Heer Qaran

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Sabti, 23ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Gagida diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiil waal si heer sare ah saaka ugu soo dhaweeyay wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane Shiferaw Shigute.

Soo dhawayn kadibna, waxaa wasiirka loo sii qaaday hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan oo ay diyaar ku ahaayeen dhamaan xafiisyada waxbarashada dawlad degaanada dalka iyo ismaamulada ee ka qayb Qaadanaya shirwaynaha qiimaynta waxqabadka waxbarashada 9ka bilood ee sanadkan 2008TI isagoo sii indha-indheeyay dhismayaasha xarunta madaxtooyada ee cusub.

Hadaba shirwaynaha qiimaynta waxqabadka waxbarashada ee 9ka bilood ayaa waxaa si rasmi ah u  furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu masraxa kusoo dhaweeyay Mw kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan. Madaxwayne CMC ayaana halkaa kasoo jeediyay khudbad uu kaga waramayay isbadalka guud ee deegaanka ka hanaqaaday isagoo si gaar ah xooga usaarayay isbadalka guud ee xaalada waxbarashada deegaanka. Wuxuuna cadeeyay in si loo tayeeyo waxbarashada la isu dheelitiray saamiga ardayga iyo macalinka, ardayga iyo buuga, ardayga iyo fasalka, iyo ardayga iyo kursiga. Waxaana arintan tusaale cad u ah ayuu yidhi madaxwaynuhu in sanadkan gudihiisa lasoo daabacay buugaag dhan 4 milyan iyo dheeraad.

 

Dhanka kalana wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane shiferaw shigute oo  isna furitaankii  shirwaynaha qiimaynta ka hadlay ayaa sheegay in uu shirwaynuhu sidaa ugu furan yahay oo ay guda gali doonaan qiimayntii waxqabadka waxbarashada 9kii bilood ee lasoo dhaafay iyo waliba qorshaha higsiga sanadaha xiga.

Kala soco wararka shirwaynahan www. Cakaaranews.com

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>