Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Tababar ku Saabsan Ka Hortaga Cudurka HIV/AIDISKA.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) sabti 23, April, 2016 Waxaa maanta ka furmay xarunta deegaanka ee jigjiga  tababar ku saabsan jihooyinka looga hortaga cudurka  HIV/AIDIS, waxaana tababarkaasi soo diyaariyay xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDISKA  ee DDSI.

Tababarkaasi oo  loo qabtay xubnaha hormuudka ah ee xaafadaha  maamulka magaalada jigjiga ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii  xubnahani fahan buuxa looga siin lahaa  nidaamka looga hortago loona xamakeeyo cudurka HIV/AIDISKA.

 

Waxaana  furitaankii tababarkan  ugu horayn  ka hadashay wasiirka  xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS KA Marwo Kaamil Axmed Nuur oo sheegtay in ujeedada tababarku yahay sidi fahan buuxda looga siin lahaa xubnaha ka soo qaybgalayaasha tababarka nidaamka ka hortaga iyo xakamaynta HIVAIDIS ka,  Iyadoo wasiradu kula dardaarantay xubnihii ka soo qaybgalayaasha in mudada uu socdo tababarkani ka faa-iidaystaan  iyada oo tidhi”  si uuna qofna si cusub u qaadin HIV/AIDIS ka aan ka soo baxno masuuliyada inaga saaran ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDISka.


MW CMC Oo Furay Shirkii Qiimayntii Gobolada iyo Degmooyinka Ee Xarunta

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti, 23ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa galinkii danbe ee maanta shirkii qiimaynta gobolada iyo degmooyinka kafuray hoolka xarunta madaxtooyada DDSI.

Hadaba shirkan qiimaynta ah oo ay kasoo qaybgaleen maamulada gobolada iyo degmooyinka ayuu madaxwaynuhu u sheegay in ujeedadiisu tahay qiimayn si gaar ah loogu eegayo biyo-xidheenadii ay degmooyinka deegaanku sameeyeen iyadoo qiimaynta lagu cabirayo baaxada, dhererka, balaca, goobta laga xushay, awooda uu uleeyahay biyo-xidheenku inuu biyo aad u badan kaydin karo iyo in kale, sida loo tashiilay miisaaniyadii loo qabtay iyo waliba biyaha galay haatan inta ay le’egyihiin. Wuxuuna madaxwaynuhu tilmaamay inuu gobol kasta warbixinta degmooyinkiisa projector kusoo jeediyo una soo dhigaan warbixintooda si itus oo taabsii ah oo cad-cadaani kudheehan tahay iyadoo gudigii dabagalkuna ay halkaa kasoo jeedinayaan warbixinta wixii ay kusoo arkeen qiimayntii ay kusoo mareen biyo-xidheenada.

Waxaana ilaa haaatan lasoo afmeeray qiimaynta labada gobol ee afdheer iyo sitti iyadoo halkaa kasii socon doonto maalinta bari ah. Hadii alle idmo.

Shirwaynihii Qiimaynta Waxbarashada Dalka Oo Maalintii 2aad galay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Axad, 24, April, 2016, Waxaa maalintii labaad ka socda hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan shirwaynihii qiimaynta waxbarashada heer qaran ee waxqaadka  sagaalkii bilood ee ugu danbeeyay  waxaana qiimayntan  diirada lagu  saarayaa nidaamka fulineed ee  qorshihii  waxqabadka 9kii bilood ee u yaalay  xafiisyada waxbarashada deegaanada iyo wasaarada waxbarashada  dalka.

Shirkan qiimaynta ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane Shiferaw Shiguteayaa waxa lagu soo bandhigayaa warbixinada waxqabadka xafiisyada deegaanada dalka iyada oo uu deegaan kastaaba soo jeedinayo waxqabadkii iyo guulihii uu ka soo hooyay qorshihii u yaalay xafiisyada deegaanada iyo wasaarada waxbarshada dalkeena itoobiya.

waxaana maanta ilaa shalay la dhagaystay warbixinada qaar ka mid xafiisyada waxbarashada deegaanada dalka taasi oo ay ka muuqatay guulaha laga soo hooyay fulinta qorshihii u yaalay xafiisyada waxbarashada deegaanada shirkan qiimaynta ah ayaa sii socon-doona ilaa maalinta barito ah.

Tababar Ku Saabsan Dabargoynta Caadooyinka Xun-xun.

$
0
0

Hudhet(cakaaranews) axad, 24ka, April, 2016   tababar loo qabtay qaybaha kala duwan ee haweenka sida ururada haweenka iyo hooyooyinka ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee degmada hudhat ee gobolka Daawa.  Waxayna ujeedadiisu ahayd sidii loo dabargoyn lahaa caadooyinka xun xun ee ay ka mid yihiin gudniinka fircooniga ah, guurka deg dega ah ee hablaha yar yar iyo guud ahaanba wixii la xidhiidhka caadooyinka xun xun.

 

Waxaana furitaankii tababarkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada hudhat mudane Axmed Ibraahin Xuseen oo sheegay ahmiyada uu tababarkani leeyahay isaga oo sheegay in ay xukuumada DDSI dadaal  balaadhan u gashay sidii loo tir tiri lahaa caadooyinka xun xun ee bulshada saamaynta ku keenaya. Gudoomiyaha ayaa kula dar-daarmay ka soo qaybgalayaasha tababarka in ay  sidii loogu talagalay uga faa-iidaystaan  mudada uu socda.  

Dood Cilmiyeed Ku Salaysan Ka Hortaga Cudurka HIV/AIDISKA.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) axad, 24ka, April, 2016 dood cilmiyeed uu soo diyaariyay xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDISKA  DDSI ayaa ka dhacay caasimada deegaanka ee jigjiga. Dood cilmiyeedkaa ayaa waxa loo qabtay culimo awdiinka ku dhaqan caasimada deegaanka ee jigjiga.

Dood cilmiyeedkan ayaa waxay ujeedadiisu ahayd doorka ay culimo awdiinku ku leeyihiin ka hortaga iyo  la dagaalanka cudurka HIV/ADISKA gaar ahaan ka wacyigalinta  qaybaha kala duwan ee bulshada

Waxaana ugu horayntii ka hadashay dood cilmiyeedkaa wasiirka xafiiska ka hortaga iyo  xakamaynta cudurka HIV/AIDISKA marwo Kaamila Axmed Nuur waxayna soo jeedisay warbixin qoto dheer oo ku salaysan kaalinta ay culimo awdiinku ku leeyihiin xakamaynta iyo ka hortaga cudurka HIV/AIDISKA  wasiirada ayaa sheegtay in dood cilmiyeedkani yahay  mid sii xoojinaya qorshayaasha lagaga hortagayo cudurka HIV/ADISKA.

Isku soo wada duub oo xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA ee DDSI ayaa dadaal xoogan ugu jira  wacyigalinta bulshada iyo dood ciliyeedada lagaga doodayo  siyaabaha looga hortaga cudurkan si  loo helo bulsho ka nadiif ah cudurkan oo aanu qofka u dhiman cudurka HIV/AIDISKA.  

MW CMC Oo Soo Gunaanaday Qiimayntii Gobolada Iyo Degmooyinka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin, 25ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Kadib qiimayntii 3da maalmood u socotay gobolada iyo degmooyinka deegaanka ee kusalaysnayd biyo-xidheenadii ay sameeyeen oo lagu kalasaarayay degmooyinka qaab dhismeedkii ay u sameeyeen ayuu maanta soo gunaanaday.

Qiimayntan oo ahayd mid si cad-cadaani kudheehan tahay loo qabtay oo lagu xulanayay degmooyinka biyo-xidheenada ugu wanaagsan sameeyay iyo kuwa kagaabiyay islamarkaana loo diyaariyay abaal-marin gawaadhi ah degmooyinka darajada 1,aad kuguulaysta iyo waliba abaal-marin kale degmooyinka darajada 2,aad gala ayaa hoolka xarunta madaxtooyada lagu soo xidhay.

Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay gabagabada qiimayntan ayaa sheegay in dhamaan degmooyinku ay qabteen shaqo wanaagsan oo bilaw ah laakiin ay kukala horeeyaan dhinaca waxqabadka shaqo badan oo dhimana ay jirto isagoo kadib hoolka usoo bandhigay inay iyagu kudhawaaqaan degmooyinka kaalmaha hore galay maadaama oo ay goob joog u ahaayeen qiimaynta.

Guriga ayaana cod buuxa ku ansixiyay degmooyinka biyo-xidheenada ugu wanaagsan sameeyay ee darajada 1, aad oo kala ah:

1.       Degmada Godey biyo-xidheenka qabalaha Hadhaawe

2.       Degmada Awbare biyo-xidheenka qabalaha Dilaaca Sheekh Cali

3.       Degmada Dhagaxbuur biyo-xidheenka qabalaha Hoodaale

Waxaana biyo-xidheenada darajada 2, aad loo qaatay biyo-xidheenada shilaabo, jigjiga iyo hudhat oo iyana loo diyaariyay shilimaadyo kale iyadoo si guudna xaflad gunaanad ah loo qabanayo habeen danbe dhamaanba gobolada iyo degmooyinka.

MW CMC Oo Sagootiyay Mudane Shiferaw Shigute Iyo Waftigii Wehelinayay

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Isniin, 25ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir Xasan ayaa duhurnimadii maanta gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Garaad Wiil-waal kusii dhaweeyay wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI mudane Shiferaw Shigute iyo waftigii wehelinayay kadib markii ay xarunta deegaanka kusoo gabagabeeyeen shirkii qiimaynta waxqabadka waxbarashada 9kii bilood ee sanadkan 2008TI.

Madaxwaynaha ayaana halkaa Wasiirka ku gudoonsiiyay hadiyad dhaqameed muujinaysa hidaha iyo dhaqanka uu shacabwaynaha deegaanku leeyahay isagoo wasiirka iyo waftigiisu halkaa uga dhoofeen xarunta dalka ee adhisababa.

Qiimaynta Mashaariicaha Biyo-xidheenada Waawayn Oo Lasoo af-meeray Iyo Arimaha Kontarabanka Oo Laga wada hadlay

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Talaado, 26ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane  Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka soo afmeeray shirkii qiimaynta mashaariicaha biyo-xidheenada waa wayn ee kala ah: baka, goomaar, wiji-waaji iyo maraacaato isagoo kubooriyay in mudo 10 cisho ah lagu dhamaystiro waxa dhiman.

Hadaba shirkadaha iyo engineerada gacanta kuhaya mashaariicahan ayaa dhankooda balanqaaday inay kaga soo bixi doonaan mudada loo cayimay dhamaystirka waajibaadka shaqooyinka uyaala.

Dhanka kalana, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa gobolada iyo degmooyinka deegaanka kalahadlay arimaha kontarabanka sharci darada ah ee deegaanka soo gala. In kasta oo kontarabanka sharci darada ah aad loo yareeyay 5tii sano ee u danbaysay marka loo eego sanadihii hore. Wuxuuna madaxwaynuhu xusay in mas’uuliyiinta gobolada iyo degmooyinka deegaanku ay wada-shaqayn layeeshaan hay’adaha kuhawlan kahortaga kontarabanka sharci darada ah ee waxyeelaynaya nolosha iyo ganacsiga xorta ah ee kajira guud ahaan dalka.

Sidoo kale, wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa kawarbixiyay isbadalka waxkaqabad ee uu xafiisku kakeenay dhinaca ladagaalanka kontarabanka sharci darada ah isagoo wada shaqayn toos ahna laleh jibriyada. Wuxuuna wasiirku kula dar-daarmay gobolada iyo degmooyinka inay kasoo dhalaalaan shaqooyinka kaga aadan ladagaalanka kontarabanka.

 Ugudanbayna, gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa balanqaad balaadhan kasameeyay arintaasi.


Tababar Ku Saabsan Mashruuca JEG

$
0
0

Adama(Cakaaranews) Talaado 26ka April 2016. Tababar uu soo agaasimay Wasaarada Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha JDFI islamarkaana ujeedadiisu ahayd  Ka doodida Mashruuca qiimaynta iyo darajaynta Shaqada Ee Job and Evaluation Grade (JEG) iyo waliba daradar galinta shaqooyinka maamulka suuban oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta xidhiidhka dadwaynaha iyo masuuliyiinta warbaahinta ee Fadaraalka, deegaanada Dalka iyo labada ismaamul magaalo ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay  Ayu International Hotel ee magaalada Adama ee Deegaanka Oromiya.

HadabaTababarkan oo socday mudo sadex cisho ah ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay Wasiiru-dawlaha Wasaarada Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha mudane Tamasgan Tilahun  oo sheegay in tababarkan lagu soo bandhigayay faa’iidooyinka uu leeyahay  mashruuca qiimaynta iyo darajaynta shaqada ee looyaqaano (JEG) iyo waliba in shaqooyinkiisii ay soo dhamaadeen islamarkaana larabo in laga hirgaliyo dhamaan dalka sanadka soo socoda ee 2009 T.I. isagoo mashruucani muhiimadiisu ay tahay midaynta dhamaan mushaarka shaqaalaha dawliga ah ee shaqooyinka isku midka ah qabta. Wuxuuna suurta galinayaa in darajooyinka iyo shaqooyinka isku midka ahi ay mushaar iskumid ah noqdaan.

Sikastaba ha ahaatee mashruucan oo shaqooyinkiisa iyo daraasaadkiisu ay soo socotay mudo 4 sono ah ayaa si balaadhan ay uga doodeen masuuliyiintii tababarka qaadanaysay islamarkaana lagu soo gunaanaday si aad u heer saraysa iyadoo masuuliyiintu ay kalaqateen jahooyinkii iyo sidii uu deegaan kasta uga hirgali lahaa sanadka sooscoda ee 2009 T.i.

MW CMC Oo Xadhiga kajaray Mashruucii Biyo-Xidheenka Qabalaha Waaji

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Talaado, 26ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta xadhiga kajaray mashruucii biyo xidheenka qabalaha waaji ee Degmada koonfurta jigjiga  ee dhawaan ladhagax dhigay.

Hadaba madaxwaynaha ayaa waxaa booqashadan xadhig kajarka ah ku wehelinayay marti sharafka khaaska ah ee Madaxwaynaha dawlada deegaanka Canfarta Mudane Xaaji Siyon oo khibrad kaqaadasho uyimid deegaanka, Afhayeenka Golaha Xildhibaanda DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq madaxwayne kuxigeenada DDSI, Golaha kabineega, Maamulada Gobolada iyo degmooyinka iyo waliba marti sharaf kale.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay xafladan xadhig kajarka ah ayaa sheegay in baahida koobaad ilaa ta shanaad ee deegaanku ay tahay biyo islamarkaana ay xukuumada DDSI xooga saartay sidii ay shacabwaynaha deegaanka uga haqab-tiri lahayd baahida biyaha iyadoo man-power, Machinery iyo Budget kufilan usamasay si ay uga midho dhaliso yoolasheeda ku aadan baahida biyaha. Waxayna xukuumadu samaysay wakaalada Dabagalka Daraasaadka iyo Naqshadaynta. Taasoo guulo waa wayn kasoo hoyisay dhanka daraasaadka, Naqshadaynta iyo dabagalka ee khaastan biyaha si biyo looga helo dhulka hoostiisa gaar ahaan ceelasha dhaadheer. Sidaasdarteed ayay biyo xidheenadu waxay qayb ka yihiin qorshaha ay xukuumadu qaadatay si biyo la’aanta looga baxo. Wuxuuna intaa kudaray in biyaha galay biyo xidheenkan waaji ay u dhigmaan in kabadan 800 oo Barkadood biyahood oo looga faaiidaysan doono dhanka waraabka beeraha, bulshada iyo xoolahaba. Madaxwaynaha ayaana hadalkisii kusoo xidhay hambalyo iyo bogaadin ku aadan Maamulada Gobalada, Degmooyinka iyo dhamaan shacabwaynaha deegaanka isagoo carabka ku dhuftay in qorshahani yahay midkii lagaga qalin-jabin lahaa saboolnimida ee uu dalku kaga mid noqon lahaa wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Sidookale waxaa xafladan kahadlay Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Canfarta, Madaxwayne Kuxigeenka DDSI ahna wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax iyo waliba kusimaha Gudoomiyaha Gobalka faafan ahna Gudoomiye kuxigeenka Gobolka oo dhamaantood bogaadiyay 174ka biyo-xidheen ee deegaanka laga dhisay ee uu kamidka yahay biyo-xidheenkan qabalaha waaji.

Ugudanbayna munaasabadan xadhig kajarka ah ayaa waxaa lagu soo afmeeray qado sharafeed si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay.

 

Xaflad Lagu Abaalmarinayay Degmooyinkii Hormuudka U Noqday dhinaca biyo xidheenada.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Talaado, 26ka April 2016. Xaflad balaadhan oo si meeqaam sare ah loo soo agaasimay ayaa caawa ka dhacday  barxada wayn ee xarunta madaxtooyada cusub taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI, afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, golaha wasiirada DDSI,gudoomiyayaasha gobolada, gudoomiyeyaasha degmooyinka, shaqaalaha dawlada, kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI  iyo marti sharaf kale oo uu ka mid yahay madaxwaynaha deegaanka canfarta mudane Xaaji Siyon.

Xafladan  casho sharafta ah ayaa waxay ahayd mid lagu abaalmarinayay hogaamintii degmooyinka ee hormuudka noqotay islamarkaana  sida dhabta ah uga midho dhalisay fulinta qorshihii ay dajisay xukuumadu ee dhinaca biyo xidheenada  degmooyinka deegaanka. Xafladan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii la soo gabagabeeyay shirkii qiimaynta degmooyinka deegaanka ee diirada lagu saarayay dhinaca biyo xidheenada taasi oo lagu soo kala baxay darajada 1aad iyo 2aad.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo jeediyay xafladan khudbad ay ahmiyadeedu tahay qorshayaasha ay dajisay xukuumada ee ku salaysan ka jawaabida baahiyaha bulshada iyo fulinta qorshayaashaa. Wuxuuna sheegay madaxwaynuhu in ay xafladani tahay mid lagu abaalmarinayo gudoomiyayaashii sidii loogu talagalay u fuliyay qorshihii la kala qaatay ee dhinaca biyo xidheenada degmooyinka deegaanka. Waxaa kale oo uu sheegay madaxwaynuhu in ay xukuumada DDSI dadaal culus   ugu jirto sidii shacabka looga faa’iidayn lahaa  qabashada biyaha wabiyada, kaydinta biyaha cirka iyo soo saarida biyaha dhulka hoostooda si loo gaadho horumar waara.

Haddaba  waxaa caawa lagu abaalmariyay xafladan oo noqday hormuudka degmooyinka deegaanka ee biyo xidheenada ugu wanaagsan sameeyay darajada 1aad waxaa kaalinta 1aad biyo xidheenka degmada goday kaalinta 2aad biyo xidheenka degmada Awbare kaalinta 3aad biyo xidheenka degmada Dhagaxbuur. Waxaana gudoomiyayaasha sadexdaasi degmo caawa la gudoonsiiyay abaalmarino ah mid kiiba   hal baabuur oo cusub iyo shilimaad ay ka mid yihiin  laabtoobyo, moobilo, booto/jago dhul ah iyo waliba  jeeg lacageed.

Dhanka kale degmooyinka darajada 2aad loo qaatay waxaa ka mid ahaa degmada shilaabo, jigjiga iyo  hudhat waxaana gudoomiyayaasha sadexdaasi degmo la gudoonsiiyya shilimaad ay ka mid yihiin laabtoobyo, moobilo iyo bilado.

 

 

Shirkii Golaha Amaanka Oo Ka Furmay Xarunta

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 27ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee xafiiskiisa kafuray shirkii golaha amaanka ee xiliilaha ahaa.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka oo ay kamid yihiin janaralka ciidanka difaaca qaranka qaybta koonfur bari mudane janaraal Abraham woldemariam, janaraalka guud ee ciidanka gaarka ah ee Liyuu booliska mudane Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, hogaamada nabadgelyada iyo taliska kifladoorada deegaanka iyo waliba komishineerada komishinka booliska DDSI.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn furay shirkan ayaa kahadlay ajandaha shirka oo ahaa sii adkaynta iyo xoojinta xaalada nabadgelyada xuduudaha dalka iyo ladagaalanka ururada argagixisada ah sida al-qushaash isagoo sheegay in al-qushaash marka laga eego xaga diinta ay gabbaadka kadhiganayaan ee islaamka aysan waxba ka aqoonin oo kooda ugu sareeya uu dhinaca quraanka kagaadhay innaa ac-dhayn oo ay yihiin dad maskaxda laga guumaysto oo faataxada kali ah warqad loogu qoray iyagoo dhinaca dagaalkana ah fullayo markaba dhabarka jeediya oo aan udulqaadan karin xabbada ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka labadaba. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa raaciyay in gawraca alqushaash ay kusamayso shacabka soomaaliya ay katahay hala idinka cabsado oo kali ah ee aysan ka ahayn geesinimo waayo waxay iska celin lahaayeen ciidamada dagaalada fool kafoolka ah lagala ee ay markaba dhabarka uduwayaan. Wuxuuna madaxwaynuhu hadalkiisa kusoo xidhay in alqushaash iyo dadyawga garabka la ah ee kuriyoonaya dhul aysan lahayn ay yihiin cadaw si cad ugu soo gardarooday deegaanka soomaalida. Cidii kusoo gardaroota deegaankana markaaba looga jawaabi doono gardarada sharci darada ah sidii hada kahorba dhacday.

Shirkan ayaana lagu gorfeeyay xaalada nabadgelyada xuduudaha dalka guud ahaan iyagoo halkaana lagu soo bandhigay tabaha taagta daran ee al-qushaash iyo qaabdhismeedkooda oo baryahan danbe qabiilo kuxidhmay. Waxaana lagu soo gabagabeeyay in ladagaalanka argagixisada al-qushaash ee damaaciday meelo kamid ah deegaanka lasii xoojiyo si aysan mar danbe u hawaysaninba.

Ugudanbayna, madaxwaynaha ayaa mahadcelin balaadhan udiray ciidamada qaranka iyo ciidanka gaarka ah ee kusugan xuduudaha dalka guulihii ay kasoo hoyiyeen ladagaalanka argagixisada. Wuxuuna kubooriyay inay halkaa kasii wadaan wadaniyada difaaca iyo naf uhurida dalkooda.

 

 

 

 

 

 

Maxaa kala Qabsaday Man City iyo Real Madrid

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Arbaco 27ka April 2016. Kooxaha Manchester City iyo Real Madrid ayaa barbaro gool laaan ah ku kala baxay kulankii lugta hore ee Etihad Stadium ka dhacay waxayna labada kooxood ku kala bixi doonaan kulanka lugta danbe ee Santiago Bernabue. Inkasta oo ay Real Madrid qaybtii danbe ee kulakan ay heshay fursado goolal cadaan ah loo fishay oo ay kala heleen Casemiro iyo pepe haddana goolhaye Joe Hart ayaa Sky Blues ka bad baadiyay in garoonkooda wax gool ah looga dhaliyo halka Navas uu dhamaadkii kualnkan badbaadiyay fursadii ugu halista badnayd ee City.

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhawaysay Real Madrid kulanka lugta hore ee Champions Leaque-ga wareegiisa afar dhamaadka.Manchester City ayaa ku fikiraysay in ay ka faa iidaysato jamaahiirteeda iyo garoonkeeda waxayna maanka ku haysay culayska ay Santiago Bernabue kaga horeeya ee kulanka lugta labaad. Ugu danbayna waxay labada koxoodba isku mari waayeen barbaro 0-0 ah iyadoon wada sugi doono wareega lugta 2aad ee garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabue.

.

 

 

 

Barnaamijka loo yaqaano KEIZAN oo lagu tababarayo qaar kamida shaqaalaha DDSI

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Arbaco 27ka April 2016, Tababar kusaabsan aalada looyaqaano KEIZAN islamarkaana ah Aalad cusub oo kor loogu qaadayo nidaamka maaraynta qalabyada kala duwan ee dawlada ayaa maanta loo qabtay qaarkamaida shaqaalaha Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI kaaso ka qabsoomay isla xafiiska.

Tababarkan oo uu soo agaasimay xafiiska tababarada iyo kor uqaadida xirfadaha TVET ayaa waxaa fulinayay macahadka KEIZAN eeJDFI (Ethiopia KEIZAN Institute). Wuxuuna mid lamid ahi tababarkan uu ka socdaa Kuliyada Macalimiinta DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa shabakada cakaaranews uga waramay Gadh/Wadeenka G/S Kobcinta Awooda Fulineed ee Haayadaha Dawliga ah ee Xafiiska Adeega shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Cabdulaahi Muxumed Qaloonbi oo sheegay in tababarkani uu yahay mid muhiim u ah shaqaalaha xafiiska. Maadaama oo uu xafiisku u taaganyahay ka shaqaysiinta iyo hirgalinta barnaamij kasta oo ku aadan dhanka shaqada, shaqaalaha, iyo waliba qalabyada shaqooyinka Lagu fuliyo oo dhan. Wuxuuna intaa kudaray in baranaamijkan KEIZAN uu yahay barnaamij sahlaya dhanka habasami u isticmaalka qalabyada technolojiga, Documentiga archive-yada iyo waliba qalabyada kale ee  iska caadiga ah.

Wuxuuna agaasinku hadal kiisii kusoo gabagabeeyay in marka uu tababarku dhamaado ay guda galayaan sidii ay deegaanka uga hirgalin lahaayeen barnaamijkan cusub ee KEIZAN.

MW CMC Oo Soo Dhaweeyay MW Jubba land

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Khamiis, 28ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo waliba wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa gagida diyaaradaha caalamiga ah ee garaad wiil-waal duhurnimadii maanta si heer sare ah ugu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha dawlad goboleedka jubba-land mudane Axmed Maxamed Islaan oo uu kamid yahay wasiirka boostada iyo isgaadhsiinta dawlada soomaaliya mudane Geele Jaamac.

Hadaba Waftigan oo booqasho deegaanka kusoo gaadhay ayaa waxaa socdaalkooda kuwehelinayay mudane Dr. Gurey Fidaariyagoo saaka kasoo kicitimay xarunta dalka ee adhisababa.

Kadibna, waftiga ayaa waxaa si toos ah loogu sii qaaday guryaha martida ee Qaryaan Dhoodaan. Halkaas oo uu kusoo dhaweeyay madaxwayne kuxigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyadoo goobtaasna qado sharafeed loogu sii diyaariyay.


Wada Tashi Ku Saabsan Mashruuca JEG

$
0
0

Adama(Cakaaranews) Khamiis 28ka April 2016. wadatashi uu soo agaasimay Wasaarada Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha JDFI islamarkaana ujeedadiisu ahayd  sidii looga wada tashan lahaa Mashruuca qiimaynta iyo darajaynta Shaqada Ee Job and Evaluation Grade (JEG) iyo waliba daradar galinta shaqooyinka maamulka suuban oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta xafiisyada adeega shacabka iyo waliba agaasimada Geedisocodyada muhiimka ah ee maaraynta cududa shaqaalaha ee Fadaraalka, deegaanada Dalka iyo labada ismaamul magaalo ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay Ayu International Hotel ee magaalada Adama ee Deegaanka Oromiya.

HadabaTababarkan oo socon doona mudo 3 cisho ah ayaa waxaa DDSI uga qaybgalay Gadh/Wadeenka G/S Muhiimka ah ee Kobcinta Awooda-fulineed ee Haayadaha Dawliga ah ee Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Cabdulaahi Muxumd Qaloonbi iyo Gadh/Wadeenka G/S muhiimka ah ee Maaraynta cududa shaqaalaha ee Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Maxamed Cabdikariim  oo sheegay in tababarkani yahay mid wada tashi ah oo ku aadan Mashruuca qiimaynta iyo darajaynta Shaqada Ee Job and Evaluation Grade (JEG)  islamarkaana lagu kala qaadanayo jihooyinkii looga hirgalin lahaa dhamaan haayadaha dawliga ah ee kajira JDFI. Waxayna intaa ku dareen in tababarkan ay kasoo qaybgaleen dhamaan agaasinada dhigooda ah ee xafiisyada dawlad deeganada dalka. Iyagoo  tilmaamay  in doorka kaga aadan ka deegaan ahaan ay soo bandhigeen islamarkaana ay diyaar u yihiin hirgalinta barnaamijkan sanadka soo socoda ee 2009 T.I.

ugudanbayna waxay xuseen in mashruucani uu dalka kasoo socday mudo 4 sono ah islamarkaana larabo in dhamaan dalka laga hirgaliyo. Waxayna carabka ku dhufteen in mashruucani uu leeyahay faa’iidooyin farabadan oo ay ka mid yihiin midaynta dhamaan mushaarka shaqaalaha dawliga ah ee shaqooyinka isku midka ah qabta (equal job equal payments),  iyo waliba in mashruucani uu midaynayo qaabdhismeedka shaqaalaha dalka oo dhan. Wuxuuna suurta galinayaa in darajooyinka iyo shaqooyinka isku midka ahi ay mushaar iskumid ah noqdaan. Iyo waliba in shaqo kasta ay yeelan doonto mushaar u dhigma shaqadaas.

 

 

 

 

Madaxwayne Ku Xigeenka DDSI Ahna Wasiirka Waxbarashada oo Kulan La Yeeshay Maamulada Gobolada Faafan iyo siti.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 28, April, 2016, Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashad  DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan  ayaa kulan xafiiskiisa kula yeeshay gudoomiye yeesha Gobolada iyo Degmooyinka ee  gobolada Faafan iyo Siti waxayna kulankaasi ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa fahan buuxana looga siin lahaa maamulada  barnaamijka quutinta gudsiyada  oo ah mid ay dawlada deegaanka gaar ahaan xafiiska waxbarashadu fulinayo.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada laga leeyahay barnaamijka quutinta caruurta dugsiyada waxka barata  wuxuuna tilmaamay madaxwayne ku xigeenku in loogu talagalay dugsiyada ku yaala meelaha ay abaaraha cimilada isbadashay keentay saamaysay gaar ahaana gobolka siti iyo faafan si uuna hal arday ah  uga habsaamin isguulka saamaynta abaarta darteed.  Wuxuuna  madaxwayne ku xigeenku maamulada gobolada iyo degmooyinka kula dar dar-daarmay  in ay fahan buuxa ka qaataan barnaamijkan si loogu fuliyo sidii  loogu talagalay.

MW CMC Iyo MW Jubba land Oo Booqday Biyo-xidheenka Waaji

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Jamce, 29ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan madaxwaynaha jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan iyo waftiguu hogaaminayay ayaa saaka booqasho indha-indhayn iyo khibrad wadaag isugu jirtay kugaadhay biyo-xidheenka qabalaha Waaji ee degmada koonfurta jigjiga ee dhawaantan xadhiga laga jaray oo buux dhaafsamay.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaana sheegay in biyo-xidheenkani kamid yahay 174 biyo-xidheen oo heer deegaan iyo heer degmo laga dhisay sanadkan oo intooda badan biyo galeen isagoo ilaahay uga mahadceliyay hirgalinta qorshaha guud ee xukuumada.

Dhanka kale, madaxwaynaha dawlad goboleedka jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaan oo kahadlay qorshahan ayaa aad ugu hambalyeeyay xukuumada DDSI,XDSHSI iyo hogaaminta deegaanka heerarkooda kaladuwan oo ugu horeeyo madaxwayne CMC isagoo xusay in arintan ay kaqaateen khibrad wayn oo aysan horay ugu lahayn dhanka biyo-xidheenada maadaama uu deegaankoodu leeyahay togog iyo wabiyo kudara badda oo ay badduna dhanaan tahay. Wuxuuna intaa kudaray in biyo-xidheeno ay kasamaysan doonaan togoga iyo wabiyada kahor intaysan badda kudarin oo dhanka waraabka beeraha ay uga faaiidaysan doonaan.

Sidoo kale, Waftiga ayaa aad ugu bogay biyaha intaa le’eg ee laqabtay iyo tabta cilmiyaysan ee loo qabtay iyo waliba fikiradii iyo kartidii xalaasha ahayd ee kadanbaysay qorshahan.

Ugudanbayna, waftiga ayaa duhurnimadii soo hadh-galay guryaha martida ee qaryaan dhoodaan iyadoo uu roobab badani kadayaan xarunta deegaanka ee jigjiga iyo nawaaxigeeda.

MW CMC Oo Soo Dhaweeyay MW Gal-mudug

$
0
0

Jigjiga( cakaaranews )Sabti 30ka April 2016,Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan waftigii ka socday Dawlad Goboleedka Jubaland ee uu hogaominayay Madaxwaynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi iyo Masuuliyiin sar-sare oo labada dhinac ah ayaa duhurnimadii maanta si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Gagida Diyaaradaha caalamiga ah ee Garaad Wiil-Waal Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Gal-mudug Mudane Cabdikariim Guuleed iyo wafti uu hogaaminayo.

Waftigan oo booqasho ku yimid xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga iyagoo saaka kasoo kicitimay xarunta dalka ee adhisababa ayaa ugu horayn waxay indho indhayn ku sii mareen  Xarunta Madaxtooyada DDSI, kadibna waxaa si toosa loogu sii qaaday Guryaha Martida ee Qaryaan Dhoodaan. Halkaas oo qado sharafeed heer sare ah  loogu diyaariyay oo gaar ahaan madaxwaynayaashu si khaas ah ugu wada qadeeyeen.

 

Booqashadii Saaka

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Sabti, 30ka April 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa saaka socdaal indha-indhayn ah kusoo maray meelo kamid ah magaalada jigjiga ee xarunta deegaanka iyagoo kashaaheeyay muqaaxi shaah oo kutaala badhtamaha magaalada kana mid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado si ay bulshada ula wadaagaan dareenkooda.

Kadibna waftiga guud oo uu hogaaminayo madaxwayne CMC ayaa booqday xarunta madaxtooyada ee DDSI iyagoo halkaa kusoo indha-indheeyay dhismayaasha kaladuwan ee sida casriga ah loo dhisay oo ay kamid yihiin xafiiska madaxwaynaha, guryaha kaladuwan ee martida, guryaha shirarka ee uu kamidka yahay hoolka shirarka waa wayn ee KALI.

Waftiga ayaana bogaadiyay horumarkan dhismayaasha kaladuwan ee sida casriga ah loo dhisay iyagoo sheegay inay khibrad balaadhan kaqaateen.

Ugudanbayna, waxaa la abaaray dhanka garoonka diyaaradaha si loo soo dhaweeyo wafti lasugayay oo uu hogaaminayay madaxwaynaha ismaamul goboleedka galmudug.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>