Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

OGAYSIIS: DHAMAAN QURBA-JOOGTA DDSI EE WAQOOYIGA AMERICA

$
0
0

Minneapolis(Cakaaranews) Arbaco 10ka January 2018. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan qurbajoogta DDSI ee kunool wadanka maraykanka inuu jiri-doono shirwayne balaadhan oo kadhici doona Mineapolis maalinta jamcaha ah galabnimadeeda 5:00pm ee habeenka sabtidu soo galayso. Goobta uu shirku ka dhicidoonana waa 2141 Lindau Ln, Bloomington, MN 55425.
FG: Fadlan wixii faah-faahin ah kalaxidhiidh gudiga qabanqaabada iyo xubnaha hogaaminta.


MW CMC IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO KA DAGAY MAQALE.

$
0
0

Maqale (Cakaaranews),Arbaca, 10ka January,2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayay oo ka koobnaa 25ka xubnood ee mudadii  ugu dambaysay  ku jiray  shirarkii muhiimka ahaa ee Xisbiga EPRDF iyo xisbiyada bahwadaagta ah uga socday caasimada dalka ee Addis-ababa ayaa maanta xarunta dalka uga  kicitimay dhanka xarunta deegaanka tigray ee maqale.

madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa wakhti xaadirkan ku sugan magaalada maqale ee xarunta deegaanka tigray halkaasi oo ay kaga qaybgalidoonaan shirwayne muhiim ah oo lagu soo bandhigayo  war murtiyeedkii ka soo baxay qiimayntii xisbiga EPRDF ku jireen mudada 17ka maalmood ah.

Mashruuca Dhismaha Guryo-Wadareedka Garabcase Oo Gabo-Gabo Maraya

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 10ka January 2018. Xukuumada DDSI oo dadaal oogu jirta siday bulshada iyo shaqaalaha deegaanka ooga haqabtiri lahayd dhanka guryaha ayaa waxay aas-aastay wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI oo mudadii ay shaqaynaysay wakaaludu fulisay mashaariico badan oo guryo kala duwan ah Islamarkaana dabooshay baahiyo badan oo ka jiray dhanka guryaha.

Hadaba maareeyaha wakaalada Horumarinta guriyaynta DDSI Marwo Raxma Riyaale Cumar oo ka warbixisay waxqabadka iyo mashaariicaha kaladuwan ee ay wado wakaaladu ayaa sheegtay in mashruuca dhismaha guryowadareedka garabcase oo ah mashruuc balaadhan oo ka kooban 100 Gibi uu meel gabo-gabo ah marayo islamarkaana si loo dhisayo si si tayaysan oo cimri leh, waxayna maareeyuhu intaa ku dartay in guryowadareedkan 100ka gibi ah ay wakaaldu wado mudo 2 bilood ah islamarkaana ay waxkhti xaadirkan gabo-gabo marayaan.

Ugu danbayna maareeyaha ayaa sheegtay in mashruucan guryowadareedka garabcase  mudada uu socdo ay dad badan oo deegaanka ah shaqo abuur ka heleen islamarkaana ay mashruucan dhismihiisu looga faaiideeyay mas’uuliyiintii hore ee deegaanka, Ugaasyo, Suldaamo iyo odayaal kale oo kamid ah odayaal dhaqameedka deegaanka. Waxayna maareeyuhu ugu danbayn carabka ku dhufatay in mashruucan mudo gaaban gudaheed lagusoo gabagabaynayo.

Qiimayntii Waxqabadkii Rubucii 2Aad Ee Degmooyinka Gobolka Faafan Oo ka furmay awbare

$
0
0

Awbare,(cakaaranews), Arbaca, 10ka January, 2018. Shir lagu qiimaynayay waxqabadka rubuca 2,aad ee sanadka 2010TI ee degmooyinka maamulka iyo maamul magaalooyinka   gobolka faafan  ayaa ka furmay  madasha  shirarka magaalada awbare ee xarunta degmada awbare

shirkan qiimaytan oo  diirada lagu saarayo hirgalinta qorshayaasha  horumarka, maamulka suuban ee u dajisnaa degmooyinka gobolka faafan  gaar ahaan hirgalinta qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshan karaa  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta  gobolka faafan  oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka faafan mudane cabdiwali maxamed iyo hogaaminta maamulada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka gobolka faafan.

Furitaankii shirkan  qiimaynta ah  ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay mudane Cabdiwali Maxamed si fiican ugu qeexay maamulada degmooyinka ujeedooyinka iyo ahmiyada shirkan  qiimaynta ah isaga oo sheegay in  qiimayntan xooga la saarayo fulinta qorshyaashii u dajisnaa maamulada degaayinka gobolkan faafan  oo ah kuwii heer deegaan laga soo dhaadhiciyey iyo kuwii degmada  u qorshaysnaa labadaba sida:  qorshaha dhinaca wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo ah nidaam casriya oo lagu hirgalinayo  qorshaha isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa  islamarkaana ka mid ah qorshayaasha ugu muhiimsan ee sanadkan ee ka deegaan ahaan xooga la saarayo   iyo wacyigalinta bulshada, dakhliga, nidaamka cad-cadaanta iyo islaxisaabtanka miisaaniyada, nidaamka gudi kushaqaynta isagoo gudoomiyuhu tilmaamay inay degmooyinku ku saleeyaan warbixintooda qotobada  sare kucad si ay wakhtiga uga faaiidaystaan.

Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinada waxqabadka rubuca 2aad  degmooyinka gobolka  faafan taasi oo saaka lagu bilaabay dhagaysiga warbixinta waxqabadka rubucii  2aad ee degmada awbare oo uu soo jeediyay gudoomiyaha degmada awbare mudane maxamed cabdi faarax.

 

 

ገረብ አሴ የጋራ መኖሪያ ቤቶች ግንባታ በማጠናቀቅ ላይ ይገኛል

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)እሮብ፤ጥር 2/2010.የኢ.ሶ.ክ.መ.በክልሉ ማህበረሰብ የሚያጋጠሙ የመኖሪያቤቶች እጥረት በዘላቂነት ለመፍታት የክልሉ መንግስት የቤቶች ልማት ኢንተርፕሬዝ ማቋቋሙ ይታወሳል። ኢንተርፕሬዙ ደግሞ በክልሉ ርዕስመዲና የሚኖሩ የማህበረሰብ ክፍሎች በመኖሩያ ቤቶች በኩል የነበረውን ችግር በመቅረፍና ባርካታ የመኖሪያቤት ፖሮጀክቶች በመገንባት ኢንተርፕሬዙ በአጭር ጊዜ ውስጥ አመርቂ ስራዎች ሰርቷል።

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት የቤቶች ልማት ኢንተርፕሬዝ ዋና ዳይረክተር ወ/ሮ ራህማ ሪያሌ ኡመር በጅግጅጋ ከተማ በገረብአሴ ሰፈር አከባቢ እየተሰራ ያለው የጋራ መኖሪያቤቶች ግንባታ ፖሮጀክት በማጠናቀቅ ላይ እንደሚገኝ ገልጿል።በተጨማሪ ፖሮጀክቱ ከሁለት ወራት በፊት የተጀመረ ሲሆን ግንባታው  አንደ መቶ የጋራ መኖሪያ ቤት ግቦች እንደሆነና ፖሮጀክቱ በጥራትና በፍጥነት እየተሰራ ነው ብሏል ዳይረክተሩ።

 

በመጨረሻም በፖሮጀክቱ ግንባታ ላይ በርካታ የክልሉ ወጣቶች በቋሚነትና በጊዜያዊ የስራ እድል ከመፈጠሩና ተጠቃሚ ከማድረጋቸው ባሻገር የፖሮጀክቱ ግንባታ በክልሉ አገር ሽማግሌዎች ኮንስተራክሽን ድርቶች የተገነባ  ፖሮጀክት መሆኑን ነው ሃላፏ የገለጸች።

Shirwaynihii 7aad Ee Xisbiga TPLF Oo Si Rasmi ah Ufurmay

$
0
0

Maqale(Cakaaranews) Khamiis 11ka January 2018. Waxaa si rasmi ah xarunta deegaanka tigray ee magaalada maqale uga furmay shirwaynihii 7aad ee xisbiga TPLF ee deegaanka tigray oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 2,500 oo xubnood oo kakala socda 4ta xisbi ee kumidoobay xisbiga EPRDF iyo 5ta xisbi ee bahwadaagta la ah islamarkaana lagu martiqaaday hogaaminta sare ee xisbiyada EPRDF kubahoobay iyo xisbiyada bahwadaagta la ahba.  

Hadaba wafti balaadhan oo kakooban 25 xubnood oo ay hogaaminayaan gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo uu kuweheliyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka Iyo Dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo mas'uuliyiin kale ayaa uga qaybgalay XDSHSI shirwaynahan 7aad ee xisbiga TPLF. Waxaana xusid mudan inuu XDSHSI uu shirwayne balaadhan oo lamid ah shirwaynahan xisbiga TPLF uu 7aadkan soo socda kuqabanayo degmada raaso ee gobolka afdheer ee DDSI.  

Ugudanbayna, ujeedada shirarkan balaadhan ayaa ah kuwo lagu dhaadhicinayo qiimayntii qotoda dheerayd ee ay galeen xisbiyada kumidoobay xisbiga EPRDF islamarkaana kor loogu qaadayo geedi-socodyada horumarineed, nabadgelyo iyo nidaamka maamulka suuban ee dhamaan xisbiyada dalka si uu dalku uga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay.

Wareegii 2aad Ee Daahfurka Kahortaga Ololha Talaalka Cudurka Poilioda Oo Kabilawday Deegaanka

$
0
0

Jigjiga (cakaarenews)khamiis 11ka January 2018. Waxaa madasha shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI lagu qabtay kulan lagu daahfurayay wareega 2aad ee daahfurka kahortaga ololaha talaalka ee cudurka dabaysha Ee sanada 2010 T.I  iyadoo ololaha wareegana lagu talaali doono caruur tiradoodu kabadan tahay 1 milion iyo 1 hal boqol oo kun kuwaasoo da’doodu  ka yartahay 5 sano.

Hadaba, kulankan daahfurka ah ayaa waxaa kahadlay  Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Xasan Ismaaciil oo sheegy  in ololahan talaalku uu qayb kayahay sidii loo tirtirilahaa cudurka dabaysha islamarkaasna waaydanba laga soo waday dalkeena oo dhan. Wuxuuna kula dar daaramay dhamaan hooyooyinka deegaanka in caruurtooda 5ta sano kayar ay ka talaalaan cududrka dabaysha.

Sidookale, waxaa isna daahfurkan talaalka kahadlay Gudoomiyaha Golaha Sarre Ee Arrimaha Islamaka DDSI Mudane Sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen oo sheegay in ay muhiim tahay in caruurta 5 sano kayar ee kunoo deegaanka laga talaalo cudurka dabaysha kaasoo ah cudur caruurta naafo kadhigo islamarkaana ay7 lagama maarmaan tahay in laga hortago.

Ugudanbayna, mas’uuliyiiintiii kasooqayb gashay kulankan daahfurka polioda ayaa furay dhibcihii ugu horeeyay ee talaalka caruurta lasiinayay islamarkaasna kushubay caruurtii laga sooqaybgaliyay kulankan

GOBOLADA DAAWA IYO LIIBAAN OO TAARIIKHDA ABID MARKII UGU HORAYSAY KU XIDHMAY DEEGAANKA

$
0
0

Leey,(cakaaranews),khamiis, 11ka January, 2018. Waxaa maanta markii ugu horaysay taariikhda deegaanka abid lagu soo xidhay deegaanka gobolada daawo iyo liibaan oo gabi ahaanba deegaanka intiisa kale ka go’naan jiray, waxayna  xukuumada DDSI oo ka duulaysa  taaba galinta qorshayaasha horumarineed gaar ahaan dhinaca sahlida isku xidhka gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa waxaa maanta la kahirgalisay oo la dhamaystiray wabiga daawo gaar ahaan tuulada Galuun ee degmada dhakaasufti  buundada isku xidhaysa gobolada daawo , liibaan iyo afdheer  taasi oo ka dhigan in maanta lagu soo xidhay gobolada liibaan, Daawa iyo gobolada kale ee deegaanka.

Haddaba,  waxaa xusid mudan in maanta waa cusub u baryay guud ahaanba shacabka DDSI ee ku dhaqan gobolada daawo iyo liibaan kuwaasi oo dhibaatooyin xoog leh ka haysan jirtay dhinaca isku socodka deegaanka intiisa kale taas oo ay markay ka tagayaan caasimada deegaanka ee jigjiga ee ay tagayaan gobolada daawo iyo liibaan ay sii dhexmari jireen deegaano kaladuwan oo ay kamid yihiin deegaanka oromada, deegaanka hararida, maamulka Dire-dawa, Maamulka magaalada addis-ababa iyo deegaanka shucuubta koonfureed islamarkaana u socon jiray masaafo dhan  3000 kun oo KM   qaadan jirtay in ay socdaan ugu yaraan afar maalmood  daal iyo rafaad badana u dheeraa. Waxaa kale oo dhibaatooyin badan ka haysatay dhinaca isusocodka ganacsiga oo ay ka xanibnaayeen inay ku xidhmaan gobolada kale ee deegaanka.

 balse waxay maanta xukuumada DDSI ka hirgalisay buundo iskuxidhaysa goboladaas iyo deegaanka intiisa kale oo  qofka  aroornimad ka ambabaxa caasimada deegaanka ee jigjiga isaga oo aan  sii marin  tuula kale oo ka tirsan deegaanada kale ee dalka uu si toos ah  ugu dheelmanayo xarunta gobolka daawo ee  le’yi. Waxaase intaa dheer in buundadan iskuxidhaysa gobolada Daawa, Liibaan , Afdheer  iyo deegaanka intiisa kale oo ay dhismihiisa hirgalisay wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI  ay tahay mid hirgalinteedu ku baxday miskax, maal iyo muruqba islamarkaana buundadan la saaray wabiga daawo ay tahay buundadii ku meelgaadhka ahayd ee waangay oo kadib markii la dhamaystiray buunadadii rasmiga ahayd ee waangey laga soo qaaday waangey islamarkaana intii taayiro iyo ekselo si cilmayaysan loogu sameeyay oo lamid ah sidii markii horeba looga qaaday dhagaxle ee loo geeyay waangey oo kale loo geeyay wabiga daawa islamarkaana hirgalinteeda lagu guulaystay maanta.

Ugu danbayna gobolada daawa iyo liibaan oo waligoodba go’doon ka ahaa deegaanka intiisa kale ayaa buundo la’aan darteed  ugu xidhnaan jiray deegaanada dariska ah ee oromada iyo deegaanka shucuubta koonfureed.

 

 


MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 12ka January 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa kadib markay ka qaybgaleen furitaankii shirwaynihii 7aad ee xisbiga TPLF dib ugusoo laabtay xarunta dalka islamarkaan xarunta dalka ugasoo duulay dhanka xarunta ee deegaanka magaalada Jigjiga. Madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaana wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga

የህወሓት 7ተኛ ድርጅታዊ ኮንፈረንስ በመቐለ ከተማ ተጀመረ

$
0
0

መቐለ(Cakaaranews)አርቢ፤ጥር 3ቀን/2010.የህወሓት7ተኛድርጅታዊኮንፈረንስ  በትግራይ ክልል ርዕስመዲና በመቐለ ከተማ  በሚገኘውየሰማእታትሐውልትየመሰብሰቢያአደራሽተጀምሯል።በኮንፈረንሱ  ከ2500 በላይ የሚሆኑ የ4ቱ ኢህአዴግእህት ድርጅቶችና5ቱ አጋርድርጅቶችተወካዮችተገኝቷል፡፡

በዚህኮንፈረንስለመሳተፍ ከሶማሌ ክልል በኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ም/ሊቃመንበርና የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ መሀሙድ ኡመር የሚመራ 25 የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.ከፍተኛ አመራር አባላት የያዘ ልዑካን ቡዱን ይገኛሉ።ከልዑካን ቡዱኑ መካከል የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ም/ሊቃመንበርና የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት አቶ መሀሙድ ኡመር፤ የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.ሊቀመንበርና የክልሉ ም/ቤት አፈጉባኤ አቶመሀመድረሺድ ኢሳቅና የክልሉ ም/ፕሬዝዳንትና የከተማ ልማትና ኮንስተራክሽን ቢሮ ሃላፊ አቶ አብዲሀኪም ኢጋል ኡመርተጠቃሽናቸው። በተጨማሪም ይህ የህወሓትድርጅታዊኮንፈረንስ በቀጣዩ ሳምንት ኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.በአፍዴር ዞን ፤በራሶ ከተማ በሚያካሄደው ድርጅታዊኮንፈረንስ ወሳኝ ግብዓት ይሆናል ተብሎ ይጠበቃል  

በመጨረሻም በጉባኤው ከኢህአዴግ ስራ አሰፈጻሚ ኮሚቴ ጥልቅ ግምገማ የወጡት የልማት፤የሰላምና የመልካም አስተዳደር ትክረት አቅጣጫዎች ወደ ታች ለማውረድና ተግባራዊ የሚደረግበት የለውጥ አቅጣጫዎች ይወጣሉ ተብሎ ይጠበቃል።

 

Komoshineerka Komishinka Baadhista Iyo Xalinta Cabashooyinka DDSI Oo ka Warbixiyay Hanaanka Badhista cabashooyinka

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Jumce, 12ka January, 2018. Komoshineerka komishinka qaabilaada, baadhista iyo xalinta cabashooyinka DDSI mudane Shaafi Cashir Cabdi oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay waxqabadkii komishinka qaabilaada, baadhista iyo cabashooyinka deegaanka ee lixdii bilood ee ugu dameeyay.

Komoshineerka ayaa sharax dheerka bixiyay  ujeedooyinka iyo ahmiyada loo aas aasay ee loo hirgaliyay  komishinka qaabilaada, baadista  iyo  xalinta cabashooyinka DDSI iyo waxqabadkii tan iyo intii la aas aasay komishinka gaar ahaan lixdii bilood ee ugu dambaysay wuxuuna sheegay komoshineerku in si loo turxaan tiro loona xaliyo cabashooyinka ka jira ha’yadaha dawlada loo aas aasay komishinka islamarkaana waxbadan ka qabtay dhinaca qaabilaada xalinta cabashooyinka ka jiray hay’adaha dawlada komoshineerka ayaa sheegay in komishinka qaabilaada, baadhida cabashooyinku uu fuliyay tababaro badan oo kor loogu qaadayo fahanka bulshada ka haysato hanaanka loo gudbiyo cabashooyinka iyo heerarka kala duwan ee cabashooyinka  komishineerka ayaa  tilmaamay in lixdii bilood ee ugu dambeeyay uu komishinka qaabilay oo uu baadhay islamarkaana xaliyay kiisas badan  badan oo soo gaadhay.

Ugu dambayntii waxa uu komoshineerku sheegay in komishinka qaabilaada, baadhida iyo xalinta cabashooyinka DDSI isaga oo ka duulaya ka midho dhalinta istaraatajiyadaha  jihooyinka loo aas aasay uu sii dar-dargalinayo taaba galinta iyo meel marinta hanaanka qaabilaada, baadhista iyo xalinta cabashooyinka deegaanka isaga oo ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka dalka iyo dibadaba meelkasta oo ay joogaan in komishinka qaabilaada, baadhista iyo xalinta cabashooyinku u aas aasan yahay bulshada deegaanka cidkasta oo cabasho ka qabta ha’yadaha dawladana uu ku xalindoona hanaanka qaabilaada, baadhida iyo xalinta cabashooyinka.

Tuulada Qoloji Iyo Xubno Kamid Ah Golaha Wakiilada Shacabka Ee JDFI Oo Deeq Taakulayn Ah Soo Gaadhsiiyay

$
0
0

Qoloji (cakaaranews)Jumce, 12ka January 2018. Xubno kamid ah Golaha Wakiilada Shacabka JDFI gaar ahaan xildhibaanada dumarka ah ayaa deeq soo gaadhsiiyay bulshada kasoo barakacday deegaanka oromada islamarkaasna ay xukuumadu dajisay tuulada qoloji iyadoo deeqdaasani ay ahayd  dhar ay ugu talagaleen haweenka iyo caruurta.

Deeqdan Ayaa waxa ay xildhibaanadu bulshada barakacayaasha ah u soo mariyeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI. Iyadoo masuuliyiinta xafiiska iyo xildhibaanaduna ay si wadajir ah ugu wareejiyeen bulshada barakacayaash ah ee kudhaqan tuulooyinka qoloji1 iyo qoloji2  

Hadaba,  Marwo Xildhibaan Saxarla Cabdulaahi Iyo Marwo Ababayo Gizahun oo kamid ah xubnaha deeqda waday ee kasocday xildhibaanada dumarka ah ee JDFI ayaa kawarbixiyay deeqdan iyagoo sheegay in deeqdani ay tahay dhar kala duwan oo ay ugu talagaleen bulshada barakacayaasha ah. Waxayna xuseen in deeqdani ay tahay markii ugu horaysay ee ay soo gaadhsiiyaan barakacayaasha islamarkaansna ay tahay mid ka timid xildhibaanada dumarka ah ee JDFI. Waxayna xuseen in haduu allaha awooda lihi ogalaado ay sii wadayaan gargaarkooda ku aadan bulshadaasi.

 

Dhanka kale, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta Marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo iyadna deeqdan kahadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu mahadcelinayso gudiga xildhibaanada dumarka ah ee JDFI sida wanaagsan ee wadaniyada leh ee ay isu xilqaameen islamarkaasna ay deeqdan dharka ah u soo gaadhsiiyeen bulshada barakacayaasha ah ee ladajiyay tuulooyinnka qoloji.

Ugudanbayna, qaarkamid ah bulshada barakacayaasha ah oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin deeqdan lasoo gaadhsiiyay islamarkaasna ay u mahadcelinayaan xildhibaanada JDFI gaar ahaan xildhibaanada dumarka ah. 

QIIMAYNTII WARBIXINTA WAXQABADKA RUBACA 2AAD EE DEGMOOYINKA GOBOLKA QORAXEY OO KA FURMAY QABRIDAHAR

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Jumce 12ka January 2018. Shir lagu qiimaynayay waxqabadka rubuca 2,aad ee sanadan 2010TI ee dhamaan degmooyinka   gobolka qoraxey   ayaa ka furmay  xarunta gobolka qoraxey ee magaalada qabridahar.

shirkan qiimayta waxqabadaka rubaca 2aad oo  diirada lagu saarayo hirgalinta qorshayaasha  horumarka, maamulka suuban ee u dajisnaa dhamaanba degmooyinka gobolka qoraxey  gaar ahaan hirgalinta qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa ee baabaca( BBC) biyo, baad, calaf. ama beer, biyo, cilmi, caafimaad,  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta gobolka qoraxey oo uu ugu horeeyo kusimaha gudoomiyaha gobolka qoraxey ahna hogaanka nabadgalyada gobolka qoraxey mudane Maxamed Axmednuur oo uu ku wahelinayo madaxa arrimaha siyaasada ee gobolka qoraxey mudane Axmed Yaasiin iyo maamulada degmooyinka gobolka qoraxey.

Hadaba kusimaha gudoomiyaha gobolka qoraxey ahna hogaanka nabadgalyada gobolka qoraxey mudane Maxamed Axmednuur oo ugu furay shirkan ayaa sheegay inuu shirkan yahay mid lagu qiimaynayo waxqabadkii rubaca 2aad ee u dajisanaa degmo walba gaar ahaan qorshihii baabaca (BBC) ee ay xukuudu usoo dhaadhicisay inay fuliyaan degmooyinka islamarkaana xooga lagu saarayay wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo ah nidaam casriya oo lagu hirgalinayo  qorshaha isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa  ah oo ka mid ah qorshayaasha ugu muhiimsan ee sanadkan ee ka deegaan ahaan xooga la saarayo  iyo wacyigalinta bulshada, dakhliga, nidaamka cad-cadaanta iyo islaxisaabtanka miisaaniyada, nidaamka gudi kushaqaynta isagoo gudoomiyuhu tilmaamay inay degmooyinku ku saleeyaan warbixintooda qodobada  sare kucad si ay wakhtiga uga faaiidaystaan.

Ugu danbayna  Waxaa la guda galay dhagaysiga warbixinada waxqabadka rubuca 2aad ee degmooyinka gobolka qoraxey oo degmo waliba soo jeedinayso warbixinta waxqabadkii rubaca 2aad ee sanadan 2010TI

Kulan Wadatashiya Oo Ay Yeesheen Xukuumada DDSI Iyo Qurba Joogta North America Ayaa ka dhacay Minneapolis.

$
0
0

Minneapolis, (cakaaranews), sabti, 13ka, January, 2018. Kulan balaadhan oo wadatashiya oo ay yeesheen masuuliyiin ka socday xukuumada  DDSI ee ay hogaaminasay wasiirka horumarinta xoolaha iyo reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud ee ay ku wehelinayeen wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI muddane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo wasiirka madaxtooyada DDSI mudane cabdimahad maxamed cabaase,  masuuliyiinta safaarada dalkeena itoobiya ee wadanka maraykanka oo ugu horeeyo safiirka  dalkeena itoobiya u fadhiya maraykanka  mudane Kase Tegle Burhan  islamarkaana ka soo qaybgaleen hogaaminta jaaliyada DDSI ee north America qaybaha kala duwan ee jaaliyada north sida odayaasha , aqoon yahanada, dhalinyarada iyo  haweenka ayaa ka dhacay magaalada Minneapolis ee cariga marakaykanka.

Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii looga wadatashan lahaa dar dargalinta iyo kor u qaadista qorshayaasha horumarka ,ka qaybgalsha mashaariicaha heer qaran ay ku leeyihiin qurba joogta DDSI iyo waliba sidii ay qurba joogta DDSI u sii xoojin lahaayeen kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maalgashiga.

Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay masuuliyiintii ka socotay xukuumada DDSI ee ay hogaaminasay wasiirka horumarinta xoolaha iyo reer-guuraaga DDSI marwo maajida maxamed maxamuud ee ay ku wehelinayeen wasiirka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI muddane khadar cabdi ismaaciil iyo wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed cabaase kuwaasi oo ugu horayntii ugu mahad celiyay qurba joogta DDSI sida meeqaamka sare ah ee ay uga soo qaybgaleen kulanka waxayna si qoto dheer uga warbixiyeen isbadalka horumarineed ee sida xawliga ah uga taaba galay deegaanka iyo sidii loo sii xoojin lahaa qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban iyo doorka ay ku leeyihiin qurba joogta DDSI hirgalinta qorshayaasha horumarka iyo maalgashiga waxayna ku amaaneer qurba joogta DDSI sida balaadhan ee ay uga qayb-qaadeen taaba galinta hawlaha horumarka iyo nabadgalyada ka hirgalay deegaanka .

Dhankiisa waxaa kulankaasi ka hadlay safiirka dalkeena itoobiya u fadhiya  dalka maraykanka mudane Kase Tegle Burhan  oo ugu horayntii sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in uu kala soo qaybgalo qurb joogta DDSI kulankan wadatashiga ah wuxuuna qurba joogta DDSI ku amaanay sida wadaniyada leh ee ay uga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka nabadgalyada,  maalgashiga  iyo ka qaybgalka mashaariicaha heer qaran ee ka hirgalay dalka sanadihii ugu dambeeyay safiirka ayaa ku booriyay qurba joogta DDSI in ay sii wadaan dadaalkooda wadaniyadeed ee ay kaga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maalgashiga wuxuuna intaasi ku daray in ay si fiican uwada shaqayn-doonaan qurba joogta DDSI iyo safaarada dalka itoobiya ee dalka marakaykanka.

Sidoo kale qurba joogt DDSI ee waqooyinga america oo ka hadlay kulankaasi ayaa uga mahad naqay masuuliyiinta DDSI iyo safiirka dalka dalka itoobiya u fadhiya maraykanka sida ay uga soo qaybgaleen kulankan jaaliyada ay soo diyaarisay waxayna sheegeen in ay sii xoojinayaan kaalinta ay ku leeyihiin dar-dargalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo hirgalinta mashaariicaha heer qaran waxayna sheegeen in ay siwayn ugu faraxsan yihiin kana marxaatikacayaan hirgalinta mashaariicaha muga way nee sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka iyo dalkaba.

Kulan Qiimayn iyo Tababar Isugujira Oo Loo Qabtay Kuliyadaha Dawliga Ah Ee DDSI Iyo Kuwa Gaarka Loo leeyahay

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Sabti, 13ka January 2017. Kulan qiimayn iyo tababar isugujira oo uu soo agaasimay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI  islamarkaana ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta wakaalada COC, dhamaan mas’uuliyiinta kuliyadaha dawliga ah iyo kuwa gaar ka loo leeyahay ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, kulanka qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Tababarada Xirfadha Iyo Farsamada Gacanta DDSI Mudane Naasir Xasan Cabdi oo sheegay in ujeedada kulankani yahay mid lagu qiimaynayo waxqabadyadii kuliyadaha ee bilihii udanbaysay. Wuxuuna xusay in laisku qiimayanayo qorshayaashii la kalaqaatay in lafuliyo islamarkaana laiskula xisaabatamayo. Sidookale wasiirka ayaa tilmaamay in kulankani yahay mid lagu baranayo nidaamka adeeg-bixinta ee loo yaqaano shaqo natiijo kusalaysan (deliver ology ) kaasoo ah nidaam shaqaalaha lagula xisaabtamo oo ah nidaam shaqsi kasta loogu tirnayo shaqadiisa. Iyadoo nidaamkanina uu yahay mid ay fulinayaana sectorka waxabarashada

Sidookale, waxaa isna dhankiisa kahadlay kulankan Wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Tababarada Xirafadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta DDSI Mudane Badri Yuusuf oo sheegay in kulankani yahay mid qiimayn ah kaasoo xafiiskastaa uu soo bandhigayo waxqabadkiisii 6da bilood wixii u qabsoomay iyo waxii aan qabsoomin iyo sababta uusan u qabsoomin.

 

Iskusoowada duuboo, kulankan ayaa ahaa mid masuuliyiinta kuliyaduhu ay khibrad ku kalaqaaadanayaan dhankooda adag ee kamidho dhalinta iyo fulinta qorshayaasha kuliyadaha. Iyadoo kulankanina uu soconayo mudo 6 cisho ah.


Kulan Balaadhan OO Wadatashi Iyo Waciygalin Isugujira Oo Ay Yeesheen Xukuumada Iyo beesha Gabooye Ayaa Ka Qabsoomay Xarunta Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 14ka January 2018. Kulan Balaadhan OO Wadatashi Iyo Waciygalin Isugujira Oo Ay Yeesheen Xukuumada Iyo beesha Gabooye Ayaa Ka Qabsoomay Xarunta Deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba Kulan oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay kasoo qaybgaleen, Suldaamada, Odayaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Haweenka Dhalinyarada Qurb-joogta iyo dhamaan beesha gabooye ee MMJ iyo xubno ka socday gobolada, MM iyo degmooyinka deegaanka ayaa waxaa ugu horayn kulankan furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kala hadlay beesha gabooye qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin nidaamka dhaqan gumaysiga ah ay soomaalidu isku hayso iyo is yasida dhaqamada qabiilada soomaalida ah qaarkood ka dhexjira.

Madaxwaynaha ayaana sheegay in fikirkan ka doodista dhaqan gumaysiga uusan ahayn mid ay xukuumadu maanta un bilawday balse uu yahay mid soo socdey ka doodistiisa in muda ah. Madaxwaynaha ayaana dhawr tusaale usoo qaatay. Madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa cadeeyay inaysan taariikhda soomaalida meelna kagajirin cid soomaali ah oo bakhti cuntay islamarkaana ay tahay nidaam dhaqan gumeysi ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin marnaba waxaysan soomaalida kale samaynin oo ay samayso beesha gabooye iyo inay jirto arrinta ah inay soomaalida kale ay xaqirto beesha gabooye.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa beesha gabooye ku adkeeyay inay isku kalsoonaadaan xoogana saaraan barashada culuunta diiniga ah iyo tan maadiga ahba islamarkaana iyaga loo baahdo. Wuxuuna madaxwaynuhu carabka ku adkeeyay in farsamooyinka iyo xirfadaha kala duwan ee ay beeshu caanka ku yihiin ay tahay aas-aaskii nidaamka warshadaha iyo technologyada casriga ah ee uu maanta caalamku ku hormaray.

Dhanka kale suldaamada waxgaradka hooyooyinka iyo dhalinyarada kasoojeeda beesha gabooye ee kasoo qaybgalay kulankan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay xukuumada deegaanka abaabulka fagaarahan lagaga tashanayo jabinta fikirka dhaqan gumaysiga iyagoo ka marag kacay horumarka iyo nabadgalyada baaxada wayn ee deegaanka ka hanaqaaday. Waxayna intaa ku dareen inuu kulankan ku yimid halgankii dheeree ay xukuumad u ku tirtirtay ururadii nabadiidka ahaa ee ka dhaqdhaqaaqi jiray deegaanka islamarkaana loo gudbay in laga shaqeeyo horumarka kulankana uu kamid yahay horumarka deegaanka.

Ugu danbayna salaadiinta, cuqaasha, iyo waxgaradka beesha gabooye ayaa hadiyad sharafeed heer sare ah gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana halkaas kaga gudoomay.

MW CMC IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO AMBABAXAY DHANKA DEGMADA RAASO

$
0
0

Qabridahar (Cakaaranews) Isniin 15ka January 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa dhanka xarunta deegaanka ooga ambabaxay dhanka wadada dheer ee iskuxidha jigjiga ilaa godey. Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaana inatay dhexda sii socdaan sii indhaindhayn doona mashaariicaha waawayn ee Baka. Goomaar wijiwaaji iyo maraacaato islamarkaana madaxwaynaha iyo wafti heer federal ah ayaa maalinta bari ah si wadajir ah xadhiga ooga jaridoona JAAMACADA QABRIDAHAR . Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu oogausii gudbi doona degmada raaso ee gobolka afdheer oo lagu qabanayo  shirwaynaha wadatashiga  xukuumada iyo shacabka.

በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የሚመራ ከፍተኛ የመንግስት ልዑካን ቡዱን ወደ ራሶ አመሩ

$
0
0

ቀብሪደሀር(Cakaaranews) ሰኞ፤ጥር 7ቀን/2010ዓ.ም.በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የሚመራ ከፍተኛ የመንግስት ልዑካን ቡዱን ከክልሉ ዋና ከተማ በመነሳትና ከጅግጅጋ እስከ ጎዴይ በሚዘልቀው የአስፋልት መንገድ ይዞ ተጓዟል።ልዑካን በዱኑ በመሀል የሚገኙ የመስኖ ልማት ሜጋ ፖሮጀክቶች እንደ በካ፤ጎማር፤ወቸዋቺና መረኣቶ ሀፈር ዳሞችን ይጎበኛሉ።የፕሬዝዳንቱ ልዑካን ቡዱን ከፈዴራል ልዑካን ቡዱን ጋር በመሆን በነጌ እለት ቀብሪደሀር ዩኒቨርሲቲ ያስመሪቃሉ። በተጨማሪም በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት የሚመራ ልዑካን ቡዱኑ ለሚቀጥለው ቀናት በአፍዴር ዞን ራሶ ወረዳ በኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓና በክልሉ ህዝብ መካከል ለሚካሄደው የጋራ ኮንፈረንስ ለመካፈል ከቀብሪደሀር ወደ ራሶ ከተማ ያመራሉ ተብሎ ይጠብቃል።

Odayaal Dhaqameedka Deegaanka Oo Go’aamiyay In La Isu Dhiso 100 Gabdhood Oo Beesha Gabooye Ah Iyo 100 Wiil Oo Qabaa’iilada Kale Ee Soomaalida Ah .

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 15ka January 2018. Kadib dood cilmiyeedyo badan iyo daraasaadyo badan oo ay sameeyeen odayaasha deegaanka ayaa Kulan ay maanta yeesheen odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa waxay ku go’aamiyeen in la isu arooso 100 gabdhood oo kasoo jeeda beesha gabooye iyo 100 wiil oo kasoo jeeda beelaha kale ee soomaalida ah ee dega deegaanka soomaalida itoobiya Shuruuda kali ah ee looga baahanyahayna ay tahay inay is jecelyihiin. Waxayna odayaashu sheegeen in laga caawin doono dhamaan kharashyada ku baxaya guurkooda. Iyadoo loo samayn doono Find Riasing taas oo ay xukuumada deegaankuna ay la qaadatay. Iyadoo loo dhisi doono guryo fiilo ah oo heer sare ah oo ka kooban 3 qol iyo suuligii lamaane walba islamarkaana loo samayndoono shaqo abuur lanasiin doono qoyskiiba 50 neef oo geel ah iyo 50 neef oo adhi ah.

 

 

 

 

Degmada Shiniile Iyo Kulan Kusaabsan Meel Marinta Qorshaha Dakhliga Ee Sanadkan 2010 T.I

$
0
0

Shiniile(cakaaranews)Talaado, 15ka January 2018. Waxaa madasha shirarka ee dagamada shiniile kaqabsoomay kulan wacyigalin ah oo lagagawada hadlayay meelmarinta qorshaha dakhliga ee sanadkan 2010T.I iyo sidii Maamulada senterada shiniile iyo Ganacsataduba uga qaybqaadan lahaayeen islamarkaana fahan uga qaadan lahaayeen meelmarintiisa.

Hadaba, kulankan oo ay kasooqaybgaleen maamulka degmada, maamulada senterada hoosyimaada degmada shiniile iyo waliba ganacsatada magaalada shiniile ayaa waxaa  furitaankiisii kahadlay Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Shiniile Ahna Madaxa Xafiiska Biyaha Degmada Shiniile Mudane Deeq Cumar Cabdulaahi oo sheegay in shirkani kusaabsan yahay meel marinta qorshaha dakhliga ee sanadkan 2010. Wuxuuna xusay in maamulka iyo shacabkuba ay si wada jir ah uga qaybqaataan meel marinta qorshaha dakhli xarayn ee u yaala degmada shiniile si loo xoojiyo horumarka iyo kaabayaasha dhaqaale ee dagmada. Wuxuuna sheegay masuulku in dakhligu uu yahay mid lagu fuliyo danaha guud ee bulshada qofwalbaana uu doorka kaga aadan ka qaato dakhliga.

Sidookale, maareeyaha deakhliga degmada shiniile oo iyadna kulankan kahadshay ayaa sheegtay in wacyigalintani ay tahay mid sanadla ah islamarkaasna lasiiyo bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmada shiniile. Waxayna xustay in shirkani yahay mid fahan buuxa lagaga qaadanayo siinayo waajibaadyada dakhliga.

 

Ugudanbayna, waxaa kulankan shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay xubnihii ganacsatada ahaa ee bixinta dakhliga si wanaagsan uga qaybqaatay taasoo lagu dhiiri galinayay. Si ganacsatada kale ugu dayato isaguna usiiwato kaqaybqaadashadiisa.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>