Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Qaar Ka Mid ah Agoonta Deegaanka Oo Si Bakhtiyaa Nasiib Ah Loogu Qaybiyay lacag.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 15ka January, 2018. waxaa jirta in  xukuumada DDSI hayso agoon tiro badan oo  waalidkoodii ay laayeen  ururkii nabadiidka ahaa  ee  UBBO  iyaga oo difaacaya islamarkaana sugaya amniga shacabka deegaanka iyo kan dalkaba Iyo  qaar ku waayay  waalidkoodii nidaamka dawliga ah ee ay ku jireen darteed.

haddaba, xukuumada DDSI oo taa ka duulaysa ayaa si ay kor ugu soo qaado nolosha agoonta deegaanka  waxay caruurtii waalidkood laayeen  nabadiidku u  samaysay hoy ay ku daryeesho oo leh waxbarsho heer sare ah taasi oo keentay in arday tiro badan  oo agoon  ah oo ka qalin jabiyay  dugsiyada hoyga ay waxka bartaan jaamacadaha kala duwan ee  dalka.  iyada dhinaca kale xukuumada DDSI  ay hirgalisay shirkado iskood uga shaqaysta wax soo saarka beeraha, xanaanada xoolaha iyo noocyada kala duwan ee ganacsiga  kuwaas oo faa’iidada ay sanadkiiba  soo saaraan hal mar  lagu caawiyo agoonta kala duwan ee deegaanka .

haddaba waxa maanta si siman iyo si bakhtiyaa nasiib ah madasha kulamada ee qaryaan dhoodaan loogu qaybiyay lacag aad u tiro badan  1,336  agoon ah  oo laga soo kala xulay 11ka gobol ee deegaanka iyada oo la eegayo sida ay noloshoodu u kala liidato ayaa faa’iidada ay soo saareen sanadkan shirkadaha ku bahoobay agoonta deegaanka oo dhan 80 millyan loogu qaybiyay si bakhtiyaa nasiib ah  waxaana  lacagta sida  bakhtiyaa nasiibka  loogu qaybiyay isugu  jirtay  50,000kun,  200,000kun 500,000 kun , 750,000kun,  1millyan ilaa 3millyan.

Waxaa kale oo  236 agoon ah si   guud  loo dhex dhigay  bakhtiyaa nasiib ah  3 millyan  oo uu hal qof oo ka mid ah agoonta uu  qaadanayay waxaana, ku guulaysatay bakhtiyaa nasiibkaasi dhan 1ka millyan  marwo Layla faarax oo ka timiday degmada Qubi Tuulada Fooqdheere  tuulo  hoosaadkeeda Qarari  waxayna  sheegtay in ay tahay gabadh uu ninkeedu ahaa maleeshiyada degmada islamrakaana uu ku shihiiday isaga oo difaacaya shacabwaynaha qaranka  itoobiya.

Isku soo wada duub oo dadaalka ay xukuumadu ugu jirto kor u qaadiska nolosha agoonta uu waalidkoodii laayay nabaddiidku ayaan hayn markii koowaad iyo markiilabaad toona ee waa mid joogta ah oo sanad walba faa’iidada ay soo saaraan shirkadaha ku bahoobay agoonta deegaanka sanadkasta halmar loogu deeqo malaayiin lacag ah kumaan  agoonta laga soo kala xulay guud ahaanba deegaanka iyada oo loo eegaya sida ay noloshoodu u kala liidato.


Barnaamijkii Darajosiinta Dugsiyada Deegaanka Ee Gobolada Faafan, Sitti, Qoraxey iyo Doollo Oo Si Fiican Loosoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 16ka January 2018. Xafiiska waxbarashada DDSI uu koox darajo siinta dugsiyada deegaanka ee dabagalka waxbarashada guud ah udiray gobolada Faafan, Sitti, Qoraxey iyo Doollo ayaa soo gaba-gabeeyay shaqooyinkii Darajosiinta dugsiyada goboladaas kor ku xusan.

Hadaba Agaasinka Dabagalka waxabarashada guud ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Muxiyodiin  sheikh Cabdiraxmaan Xasan oo kawarbixiyay kooxdan soo gaba-gabeeyay darajosiinta dugsiyada deegaanka ayaa sheegay in kooxdu shaqadoodii si fiican ugusoo dhamaatay islamarkaana ay boqolkiiba boqol kasoo hirgaliyeen gobolada Faafan, Sitti, Qoraxey iyo Doollo . Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in ujeedada uu barnaamijkani yahay sidii kor loogu qaadi lahaa darajosiinta dugsiyada oo looga gol-leeyahay in dhamaan dugsiyada deegaanka oo ay ugu horeeyaan 4tan gobol ee ay kooxdu hada shaqadooda soo gabagabeeyeen islamarkaana shaqadani tahay sidii dugsiyada deegaanka loo gaadhsiin laahaa  darajada qaan gaadhka oo ah darajada 3aad iyo darajada 4aad.

Ugu danbayna agaasinka ayaa xusay in barnaamijka darajosiinta dugsiyada oo looga goleeyahay in dhamaan dusiyada la gaadhsiiyo heerka qaangaadhka ee darajada 3aad iyo darajada 4aad oo ku qotoma qiimaynta gashiyada waxbarashada ee geedisocodka baris-barasho iyo natiijda ardayada ee 4tan gobol ee ay kooxdu shaqadoodu soo gabagabeeyeen ayaa waxuu agaasinku sheegay in  degmo walba laga dhisay gudiga qiimaynta barnaamijka darajosiinta dugsiyada . iyadoo kuwa kalana loo bixidoona maalmahan fooda inagusoo haya.

 

Tababar Kusaabsan Kahortaga Caadooyinka Xunxun Oo Kadhacay Degmada Ceelwayne

$
0
0

Ceelwayne(cakaaranews)Talaado, 16ka January 2018 Waxaa xarunta gobolka nogob ee degmada ceelwayne kaqabsoomay tababar kusaabsan kahortaga caadooyinka xunxun ee sida gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ah islamarkaana ay kasooqaybgaleen hooyoooyinka iyo culimo awdiinka degmaasi.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Kusimaha Gudoomiyaha Ahna Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Ceelwayne Mudane Khaliif Baytufure oo sheegay in tababarkani yahay mid lagu soo bandhigayo casharo laxidhiidha dhibaatooyinka caadooyinka xunxun ee sida gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ah. Wuxuuna tilmaamay in tababartayaashu ay siwanaagsan uga qaybqaataan inta uu tababarku socdo.

Sidookale, Madaxa Xafiska Arrimaha Haweenka Iyo Caruurta Degmada Ceelwayne Marwo Ardo Macalin bashiir oo iyadana tababarkan kahadashay ayaa sheegatay in tababarkani yahay mid si wayn loogu falanqaynayo dhaqamada xunxun iyo sidii halmeel looga soo wada jeedsanlahaa dhamaan bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmada ceelwayne. Waxayna xustay in gudniinka fircawniga ah iyo guurka degdega ahi ay yahiin kuwo saamayn xun kuyeesha bulshada.

Ugudanbayna, qaarkamid ah bulshadii kasooqaybgashay tababarkan oo dareenkooda kahadashay ayaa sheegatay in tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana ay ladagaalamayaan dhamaan caadooyinka xunxun.

 

 

MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Ee Uu Hogaaminayay Ayaa Soo Booqday Beeraha BBC Ee Mashruuca Waraabka Maraacato.

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Arbaco 17ka January 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay waheliyaan mas’uuliyiin isugujirta heer deegaan heer gobol iyo heer degmo ayaa soo kormeeray mashruuca waraabka ee maraacato kaasoo wakhti xaadirkan ay bulshadu si habsami leh uga faa’iidaysanayso islamarkaana uu waxsoosaar kaladuwani ka soogo’ay.

Hadaba, Madaxwaynaha iyo mas’uuliyiintii kale ee wahelinaysay  ayaa tijaabiyay waxsoosaarka kala duwan ee ka soogo’ay beeraha mashruuca waraabka maraacato sida dalagyada Galayda iyo Hadhuudh yaryaraha. Iyadoo madaxwaynaha iyo dhamaan waftiguba u riyaaqeen waxsoosaarkan balaadhan iyo waliba sida ay bulshadu uga faaiidaysanayso mashruucan maraacato.

Dhankakale, bulshada kafaa’iidaysanaysa mashruucan oo ka warbixiyay noocyada waxsosaarkooda ayaa sheegay in waxsoosaarka beerahoodu ay  isugujiraan Hadhuudh yaryaraha,  Galayda, calafka xoolaha oo ah noocyo kalduwan, basasha iyo waliba noocyo kale oo kamid ah khudaarta.

Sidookale, madaxwaynaha iyo mas'uuliyiintii kale ee la socotay ayaa booqashada beeraha kadib kulan xog waraysi ah laqaatay bulshada kudhaqan maraacato islamarkaasna si wada jir ah isugu xogwaraystay.

Iskusoowada duuboo, MW CMC iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa caawa ku dheelmaday xarunta gobolka shabeele ee magaalada goday islamarkaana uga sii anba bixi doona degmada Raaso ee katirsan Gobolka Afdheer.

MW CMC iyo Wafti Isugu Jira Heer Faderaal Iyo Heer Deegaan Oo Xadhiga Ka Jaray Jaamacada qabridahar.

$
0
0

Qabridahar,(cakaaranews),arbaca, 17ka, January, 2018. Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo xadhiga lagaga jaray jaamacada qabridahar oo ay ka soo qaybgaleen Madaxwaynaaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI dr Dilaaye Gete, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI ee dhinaca waxbarashada sare Dr Sameel  kifle, madaxwaynaha jaamacada qabridahar mudane Dr yuusuf maxamed masuliyiin isugu jira heer faderaal iyo heer deegaan, hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka, dufcada 1aad ee waxbarashada ka bilowday jaamacada qabridahar  iyo marti sharaf kale ayaa si qurux badan uga qabsoontay madasha shirarka ee jaamacada qabridahar.

Jaamacada qabridahar oo ka mid ahayd 11kii jaamacadood ee dhawaan lagu soo daray jaamacadaha dalka ayaa waxaa dhismaheeda lagu soo gabagabeeyay muda 2 sanadood ah Waxaana si wada jir ah xadhiga uga jaray jaamacada qabridahar maanta  Madaxwaynaaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI dr dilaye gete, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI ee dhinaca waxbarashada sare samawel kifle.

Haddaba, waxaa ugu horayntii ka hadlay xafladan xadhig ka jarka jaamacada qabridahar madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ugu horayntii u mahad celiyay dhamaanka masuuliyiinta ,odayaal dhaqameedka deegaanka iyo ardayda  dufcada 1aad ee waxka barata jaamacada qabridahar, madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay ahmiyada jaamacadan u leedahay shacabwaynaha itoobiya gaar ahaana bulshada deegaanka madaxwaynaha ayaa  sheegay in dalkeena  itoobiya wixii ka dambeeyay  xiligii maamulkii kaligii taliskii macangaga ahaa uu ka hirgalay  hormar laxaad leh oo aan kalago' lahayn sidoo kale waxa uu tilmaamay madaxwaynuhu in ay maamuladii hore ee wadanka ka soo talin jaray ku guuldaraysteen in ay wadanka ka hirgaliyaan jaamacahado iyo tacliinta sare ee waxbarashada gaar ahaana deegaanka soomalida itoobiya ahaa meelaha aan laga hirgalin habayaraatee xarumaha waxbarashada marka laga beero hal dugsi sare oo ay waxka baran jireen ciyaalka ay dhaleen ciidankii dhargigu

Madaxwaynaha DDSI ayaa intaasi ku daray in dadaalkii dheeraa ee ay sanadihii la soo dhaafay sameeyeen xukuumada faderaalka iyo xukuumada DDSI lagu guulaystay in deegaanka soomalida itoobiya laga hirgaliyo mashaariicaha waawayn ee wax kabadalaya nolosha bulshada kuwaasi oo ay ka mid yihiin jaamacadan maanta xadhiga laga jarayo  sidoo kalena la hirgaliyay mashaariico kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ahaan jiray lagana dhigayo xoolo dhaqato beeralay si bulshada deegaanka looga saaro saboolnimada islamarkaana loogu biiro wadamada dhaqaala hoodu meel dhexaadka yahay iyada oo laga faa’iidaysanayo khayraadka hidin ee deegaanku hodanka ku yahay madaxwaynaha DDSI ayaa ku booriyay ardayda dufcada 1aad ee hadda waxka barata jaamacada qabridahar, hogaaminta jaamacada qabridahar iyo bulshada agagaarka jaamacada qabridahar ay siwada jirka uga shaqeeyaan kor u qaadista tayada jaamacada qabridahar.

Dhankiisa wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI  Dr tilaaye gete oo xafladan ka hadlay ayaa sheegay faa’iidooyinka ay bulshada deegaanka u leedahay jaamacadan qabridahar wuxuuna cadeeyay wasiirku in jaamacadihii kale ee ay isku wakhtiga ahaayeen jaamacada qabridahar ay dib u dhaceen oo ayna wali bilaabin waxbarashadii sanadkan balse in jaamacadan qabridahar xadhiga laga jaro ay ku timiday dadaalka xukuumada DDSI iyo ka go’naanshiyaha ay leeyihiin hogaaminta xukuumada DDSI ay tahay tan suurta galisay in maanta xadhiga laga jaro wasiirka ayaa sheegay in jaamacadan qabridahar ee maanta xadhiga laga jaray islamarkaana bilwoday adeegii bixinta waxbarashada ay tahay mid xaqiijinaysa dadaalka loogu jiro gaadhsiinta adeega waxbarashada dalka iyada oo dhinaca kalena  looga faa’iidaysana soo saarida cududa waxbarasho ee deegaanka iyo dalkaba .

Waxaa kale oo ka hadlay intii ay socoday xaflada xadhig ka jarka jaamacada qabridahar madaxwaynaha jaamacada qabridahar mudane Dr yuusuf maxamed  oo tilmaamay in dhismaha jaamacada qabridahar ku baxday 740 milyan oo birr wakhti xaadirkana  waxka baranayaan 1500 oo arday oo ah dufcadii 1aad ee waxbarashada ka bilowday jaamacada qabridahar kuwaasi oo ka kala yimiday deegaanada dalka islamarkaana ay si diiran u soo dhaweeyeen bulshada ku dhaqan gobolka qabridahar oo soo dhawayn ku caan baxdy.

Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladan xadhig ka jarka jaamacada qabridahar hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka iyo qaarka mid ah hogaaminta diimaha kala duwan ee dalka itoobiya kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee ay jaamacadan u leedahay qaybaha ka duwan ee bulshada deegaanka iyo dalkaba.

Ugu dambayntii jaamacada qabridahar ayaa  noqonaysa jaamacadii 3aad ee xadhiga laga  jaray  11kii jaamacadood ee lagu daray jaamacadihii dalka waxaana gabagabadii xafladan xadhig ka jarka jaamacada lagu abaalmariyay xafiisyadii heer deegaan,wasaaradaha feer faderaal iyo shirkadii  sida hagar la aanta ah uga shaqeeyay hirgalinta dhismaha jaamacada qabridahar..

MW CMC OO KULAN BALAADHAN LA YEESHAY SHACABKA MAGAALADA QABRIDAHAR

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Khamiis 18ka January 2018. Kulan balaadhan oo uu kasoo qaybgaley madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, odayaal dhaqameedka deegaanka, odayaal dhaqamedka magaalada qabridahar, Dhalinyarta iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada qabridahar islamarkaana lagaga hadlayay xadhig kajarka iyo soo dhawaynta ardayda cusub ee jaamacada qabridahar ayaa ka qabsoomay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxey.

Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in uu horumarka deegaanka gaar iyo kan magaalada qabridahar ku talaabsatay  uu yahay mid aan la dafari Karin oo ay mucaarad iyo muxaafidba qirayaan islamarkaana loo baahanyahay in halkaas lagasii wado. Wuxuuna Madaxwaynuhu intaa kudaray  in jaamacadan qabridahar ay tahay mid taariikhi ah oo isbadal horumarineed ku samayndoonta guud ahaan deegaanka gaar ahaan magaalada qabridahar, Iyadoo shacabka qabridahar ay jaamacadan u horseedi doonto waayo aragnimo iyo ilbaxnimo dhinaca isdhexgalka bulshada ah maadaama oo ay jaamacadu qaabilayso arday ka kooban dhamaan qoomiyadaha kala duwan ee dalka. Madaxwaynaha ayaana shacabka ku adkeeyay  oo kula dardaarmay inay si hagar la’aan ah usoo dhaweeyaan ulana dhaqmaan ardayda ay jaamacadu qaabishay maadaama oo ay ardaydan tirade badan ay magaalada kusoo kordhin doonaan horumar balaadhan oo kala duwan. Wuxuuna madaxwaynuhu xusay in ay radaydan markii ay imanayeen jaamacada ay la tashadeen waalidoontood islamarkaana ay sidaas ku yimaadeen, Loona baahan yahay in si wanaagsan loosoo dhaweeyo.

Dhankooda waxaa iyana kulankan ka hadalay odayaal dhaqameedka deegaanka, odayaal dhaqameedka mm qabridahar iyo dhalinyarta mm qabridahar ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin xadhig kajarka jaamacadan taariikhi ah ee qabridahar islamarkaa ay si hagar la’aan ah usoo  dhawayn doonaan ardayda ay jaamacadu qaabishay ee kakala yimaaday deegaanada dalka.

Ugu danbayn madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa u hoyday magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele oo ay wakhti xaadirkan ku suganyihiin.      

 

Shaqaalaha Xafiiska Beeraha Iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga Ah Oo Loo Furay Tababar.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), khamiis, 18ka January, 2018. Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee  DDSI ayaa tababar ku saabsan taaba galinta iyo hirgalinta barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee loo yaqaano Balanced Score Card (BSC) u  furay shaqaalaha iyo hawl wadeenada xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah.

Tababarkan oo ay furitaankisii ka soo qaybgaleen dhamaan shaqaalaha xafiiska iyo agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska ayaa waxaa kala soo qaybgalay wasiir ku xigeenka xafiiska adeega shacabka iyo cududa shaqaalaha DDSI mudane Xasan Adan Xasan oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka Laga leeyahay   tababarkan kaasi oo ah buu yidhi sidii  shaqaalaha fahan buuxa uga yeelan lahaayeen hirgalinta barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheeli tiran, xoojinta maamulka suuban, axdiga muwaadiniinta iyo ciidanka horumarka wasiir ku xigeenka  oo sii wada hadalkiia ayaa ka warbixiyay jihooyinka uu xooga saaraya barnaamijkan waxqabadka isku dheeli tiran oo ah qancinta macaamiisha, adeegsiga miisaaniyada iyo hantida, geedi socodka shaqada xafiiska iyo kobcinta awooda shaqaalaha xafiiska.

 

Dhankiisa ku simaha wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI ahna gadhwadeenka geedi socodka khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI mudane Bedal Kanadiid oo ka hadlay furitaankii tababarkan ayaa sheegay in hirgalinta iyo fulinta barnaamijkan halbeega waxqabadka isku dheelitiran tahay mid lagaga  midho dhalinayo geedi socodka  shaqooyinka lagu gaadhayo horumar waaro oo joogtaysan   si gaar ahna u tilmaamayo  tabaha iyo xeeladaha lagu fulinayo  qorshaha GTP2ga ku simaha wasiirka  ayaa shaqaalaha kula dar-daarmay in ay sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan cashiradii ay ku qaadanayaa mudada uu  tababarkan socdo  si loo gaadho natiijada ujeedada tababarka.

በኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ ሞሀሙድ የሚመራ የፈዴራልና የክልሉ ልዑካን ቡዱን የቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ በጋራ አስመርቋል

$
0
0

ቀብሪደሀር(cakaaranews)ሀሙስ፤ጥር 10ቀን/2010ዓ.ም.በኢ.ሶ.ክ.መ.በቆራሔይ ዞን፤በቀብሪደሀር ከተማ በኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ አብዲ ሞሀሙድ ኡመር የሚመራ የፈዴራልና የክልል ልዑካን ቡዱን በአማሬ መልኩ የቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ  በጋራ  አስመርቋል።በምርቃት ስነ-ሥርዓቱ ላይ የኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ ሞሀሙድ፤የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.ትምህርት ሚንስተሪ ሚንስተር ዶር ጥላየ ጌጤ፤የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.ትምህርት ሚንስቴሪ የከፍተኛ ትምህርት ተቋማት ሚንስተር ዴታ ዶር  ሳሙኤል ኪፍሌ፤የቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ ፕሬዝዳንት ዶር ዩሱፍ መሀመድ አሊ፤የቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ የመጀመሪያ አመት ተማሪዎች፤የአከባቢው አገር ሽማግሌዎችና የእምነት አባቶች፤እንድሁም ሌሎች የፈዴራልና የክልል ክቡር እንግዶችም ተገኝቷል።

በ2008ዓ.ም በሚንስተሮች ም/ቤት በሀገሪቷ እንድገነቡ ከጸደቁት 11 አዳዲስ ዩኒቬርሲቲዎች መካከል አንዷ ቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ ናት፤የዩኒቬርሲቲው ግንባታ ከ2 አመታት ባነሴ ጊዜ በ11 አገር አቋራጭ ድርጅቶች የተገነባ ሲሆን ዩኒቬርሲቲው በትላንትና እለት በኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ አብዲ መሀሙድና በኢ.ፈ.ዴ.ሪ.የትምህርት ሚንስተሪ ሚንስተር ዶር ጥላየ ጌጤ በጋራ  ተመርቋል።

በዩኒቬርሲቲው ምርቃት ሥነ-ስርዓት ላይ ንግግር ያደረጉት የኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ  ኡመር በመድረኩ ላይ ታካፋይ የነበሩት የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.ትምህርት ሚንስተር ዶር ጥላየ ጌጤና በትምህርት ሚንስቴሪ የከፍተኛ ትምህርት ተቋማት ሚንስተር ዴታ ዶር  ሳሙኤል ኪፍሌ፤የቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ ፕሬዝዳንት ዶር ዩሱፍ መሀመድና የዩኒቬርሲቲው ቦርድ አመራር፤የክልሉ ከፍተኛ አመራር አባላት እንድሁም ለአከባቢው አገር ሽማግሌዎችና የእምነት አባቶችን ለዩኒቬርሲቲው ግንባታ በወቅቱ ለማጠናቀቅ ላደረጉት ጥብቅ  ክትትልና ቆራጥነትን በማመስገን ፤ከደርግ አገዛዝ ውድቀት በኃላ በሀገሩቱ ከፍተኛ ኢኮኖሚክ እድገት ከማስመዝገቡ ባሻገር የሀገራችን ኢኖሚክ ላውጡ ፍትሃዊና ህዝቡን ተጠቃሚ ያደረገ ነው ብሏል።በተጨማሪም የሀገራችን ቀድሞ መንግስታት ለኢትዮጵያ ሶማሌ አርብቶአደሩ ማህበረሰብ አይደለም ከፍተኛ ትምህርት ተቋማት መገንባትና የቀለም ትምህርት ማዕከላት ሳይገነቡላትና ህብረተሰቡ በፊደልና ቁጥር መጻፍ ሳያስችሉ፤እንድሁም ለክልሉ ህዝብ ትምህርት ተደራሽና ተጠቃሚ ሳያደርጉ ያለፉት ሥርዓቶች እንደነበሩም ፕሬዝዳንቱ ጠቆሟል።

በሌላ በኩል ባለፉት 26 አመታት በተላይ በመጨረሻው አስርተ-አመታት የክልሉ ህዝብና መንግስት ከፈዴራል መንግስት ጋር በመሆን የክልሉ ህዝብ ኑሮ ለማሻሽልና የአርቢቶአደሩ ማህበረሰብ አኗኗር ወደ ከፊልአርቢቶአደርነት የሚያሸጋገሩ በርካታ ሜጋ ፖሮጀክቶች ከመፈጸማቸው ባሻገር በዛሬ እለት በታሪካዊዯ የምስራቅ መዲና በቀብሪደሐር ከተማ በሚናስመርቀው ቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ የልማቱ ትልቅ ማሳያናት ብሏል ክቡር ፕሬዝዳንቱ።በክልሉ አከባቢ ለሚገኙ የኪርሰ ምድርና ከምድር ባላይ ያለው ውሃ ለማውጣትና በክልሉ ሆነ በሀገሩቷ ለሚገኙ ያልተነካ ተፈጥሮ ሀብቶቻችን ትክክለኛ ጥናትና ምርምሮች ለማካሄድ ዩኒቬርሲቲው ትልቅ አስታዋጸኦ እንደሚኖረውም ፕሬዝዳንቱ አብራርቷል።

በተጨማሪም የኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ የቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ የመጀመሪያ አመት ትምህርታቸውን እየተከታተሉ ላሉ አዲሰ ተማሪዎች፤በተለያዩ የዩኒቬርሲቲው የሥራ እርኪኖች ለሚገኙ ሰረተኞች፤የዩኒቬርሲቲው ከፍተኛና መካከለኛ አመራር አባላት፤የአከባቢው አገር ሽማግሌዎችና የእምነት አባቶችና እንድሁም ሌሎች የፈዴራልና የክልል ባላድርሻ አካላቱ በዩኒቬርሲቲው ትምህርት ጥራት በባላቤትነት በጋር እንድሰሩ አሳስቧል

በሌላ በኩል የኢ.ፈ.ዴ.ሪ.ትምህርት ሚንስተር ዶር ጥላየ ጌጤ በበኩላቸው በርካታ የቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ አቻ ዩኒቬርሲቲዎች ግንባታ ባታቀደው ጊዜ እንዳልተጠናቀቀ ከመግለጻቸው ባሻገር የቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ ግንባታ ከዘገዩ ዩንቨርስቲዎች መካከል አንዱ የነበረ ሲሆን የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልላዊ መንግስት ከፍተኛ አመራር በወሰዱት ቆራጥ የአመራር ውሳኔ ለዩኒቬርሲቲው አስፈላጊ የሆኑትን ግብዓቶች ክልሉ ከራሱ በጀት በሟሟላት ዩኒቬርሲቲው ለመጀመሪያ ዙር 1500 አዲስ ተማሪዎች እንድመቀበልና ሁሉም የመማር ማስተማር አገልግሎትን እንድሰጥና በዛሬ እለት ለምርቃት እንድበቃ ምክያት ሆኗል ብሏል።

በመሳሳይም የቀብሪደሀር ዩኒቨርሲቲ ፕሬዝዳንት ዶር ዩሱፍ መሀመድ እስካሁን ለዩኒቬርሲቲው የመጀመሪ ምዕራፍ ግንባታ 740 ሚሊዮን ብር የወጣበት ሲሆን ከተለያዩ የሀገራችን ክፍሎች የተወጣጡ 1500 የመጀመሪያ አመት አዲስ ተማሪዎች በመቀበልና ተቋሙ ሁሉም የመማር ማስተማር አገልግሎትን ከመጀመሩ ባለፈ ለተማሪዎቹ በእንግዳ ተቀባይነት የሚታወቁ የአከባቢው ማህበረሰብ ደማቅ አቀባበል አደርጎላቿል።

በሌላ በኩል የቀብሪደሀር ከተማ አስተዳደር ሀገር ሽማግሎችና እምነት አባቶች ዩኒቬርሲቲው ለአከባቢው ማህበረሰብ፤ለክልሉና ብሎም ለአገሪቱ ህዝብ ከፍተኛ ጠቀሜታ እንዳለው አስረድቷል።በመጨረሻም በ11ዱ አዳዲስ ዩኒቬረሲቲዎች እንካሁን ከተመረቁት መካከል ቀብሪደሀር ዩኒቬርሲቲ 3ተኛ ከመሆኗ ባለፈ በዩኒቨርሲቲ ግንባታ ከልባቸው አስተዋጸኦ ላደረጉት የክልልና ፈዴራል ተቋማትና ግለሰቦችም በክልሉ መንግስትና በኢ.ፈ.ዴ.ሪ.ትምህርት ሚንስቴር ሽልማት ተበርኪቶላቿል።

 


MW CMC Iyo Wafti Balaadhan oo uu hogaaminayay Ayaa Si Meeqaam Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Raaso.

$
0
0

Raaso,(cakaaranews), jumce, 19ka January, 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayay oo habeenkii xalay u hoyday magaalada Goday ee xarunta gobolka Shabeele  islamarkaana kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Goday ayaa maanta uga kicitimay dhinaca magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso.

Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa waxay intii ay ku sii jireen socdaalkooda sii booqdeen mashruuca wayn ee waraabka looga faa'iidaysanayo wax soo saarka beeraha ee degmada beer-caano,  degmada iimay bari iyo degmada abaaqorow  sidoo kale madaxwaynaha ayaa tuulo kasto oo ay sii marayaan  kula hadlayay qaybaha kala duwan ee bulshada kuna  boorinayay in xooga saaraan wax soo saarka beeraha sidoo kalena ka faa’iidaystaan mashaariicaha ay xukuumada DDSI hirgalisay.

Ugu dambayntii madaxwaynaha DDSI iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa  galabta ku dheelmaday magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo oo ka qaybgalaya shirwaynaha wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI oo maalinta barito ah ka furmaya magaalada Raaso  ayaa markii ay gaadheen magaalada raaso waxaa halkaasi  si balaadhan oo meeqaam sare  ugu soo dhaweeyay  kumanaan ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Raaso.  madaxwaynaha iyo waftigan uu hogaaminayo ayaa wakhtixaadirkan ku sugan  magaalada Raaso.

SHEYGOOSH IYO ADEEGII QALIINKA IYO DAAWAYNTA INDHAHA EE BILAASHKA AHAA OO SI RASMI AH UFURMAY

$
0
0

Sheygoosh(Cakaaranews) Jumce 19ka January 2018.  Waxaa si rasmi ah ooga furmay xarunta caafimaadka ee  Degmada sheygoosh ee gobolka qoraxey adeegii Daawaynta Iyo Qaliinka Indhaha ee bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan dhamaan shacabka Degmada  sheygoosh  iyo nawaaxigeeda .

Hadaba  marwo Dr Agebi yohanis oo kamid ah dhakhaatiirta kooxda wareegta ee qaliinka iyo daawaynta indhaha  ee xafiiska caafimaadka ee DDSI oo kawarbixisay  adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha  bilaashka ah ayaa sheegtay inuu adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha bilaashka ah  ee looga faaiidaynayo dhamaan bulshada ku dhaqan degmada sheygeesh  iyo nawaaxigeeda uu si rasmi ah ubilawday islamarkaan maalmahan kasii socon doona xarunta caafimaadka ee degmada sheygoosh . Waxayna intaa ku dartay inuu adeegu  si fiican ugu socdo islamarkaana ay sidii uu qorshuhu ahaa ugu dhamaadoono.  

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada sheygoosh iyo naawaaxigeeda oo  sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan qalitaanka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ የሚመራ ከፍተኛ የመንግስት ልዑካን ቡዱን በራሶ ከተማ ደማቅ አቀባበል ተደርጎላቿል

$
0
0

ራሶ(cakaaranews)አርቢ፤ጥር 11/2010ዓ.ም.በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልላዊ መንግስት ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የሚመራ ከፍተኛ የመንግስት ልዑካን ቡዱን ከጎዴ ከተማ አስተዳደር ማህበረሰብ ጋር በአከባቢው ልማት ዙሪያ ካወያዩ በኃላ በነጌ እለት በአፍዴር ዞን፤በራሶ ወረዳ የሚጀመረው የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ድርጅታዊ ኮንፈሬንስ ለማካፈል ወደ ራሶ ወረዳ አቀንቶ፤ ዛሬ ከሳዓት በኃላ በራሶ ከተማ ህዝብ ደማቅ አቀባበል ተደርጎላቿል።

የፕሬዝዳንቱ ልዑካን በመንገድ ላይ በሚገኙ የቤርኣኖ፤የምስራቅ ኢሜይና በአባቆሮው ወረዳዎች የተሰሩ የመስኖ ልማት ፖሮጀክቶች የመስኪ ምልከታ ጉቡኝት በማድረግ፤ፕሬዝዳንቱ የአከባቢው ህዝብ በተፋሰስ አከባቢያቸውን የተሰሩ የመስኖና ግብርና ልማት ፖሮጀክቶች በይቻላል መስፈስ እንድሳተፉና ተጠቃሚ እንድሆኑ አሳስቧል።

በመጨረሻም የፕሬዝዳንቱ ልዑካን ቡዱን በጉዞኣቸው ወቅት በመንገዱ ዳር  ላይ ለሚገኙ የማህበረሰብ ክፍሎች በአከባቢው ልማት ዙሪያ ውይይት ከደረጉ በኃላ በነጌ እለት በራሶ ከተማ የሚጀመረው የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ድርጅታዊ ኮንፈሬንስ ለማካፈ ወደ ራሶ ወረዳ አቀንቶ ዛሬ ከሳዓት በኃላ በሺዎች የሚቆጠሩ የራሶ ከተማ ነዋሪዎች ደማቅ አቀባበል ተደርጎላቿል።

 

Gobolka Doolo Iyo Qiimayntii Waxqabadka Rubuca 2aad Ee SM 2010 T.I

$
0
0

Wardheer(cakaaranews)Sabti, 20ka January 2018 T.I. Waxaa si habsamileh xarunta gobolka doolo ee magaalada wardheer ka bilawday Shirkii Qiimaynta waxqabadka rubuca 2ad ee sanad miisaaniyadeedkan 2010 T.I. Kaasoo ay kasooqaybgaleen dhamaan maamulada degmooyinka hoosyimaada gobolkaasi.

Hadaba, shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii kahadlay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Doolo Mudane Axmednuur Siyaad Cabdi oo sheegay in shirkani uu yahay shirkii caadiga ahaa ee qiimaynta waxqabadka rubuca 2aad ee sanad miisaaniyadeedka 2010 T.I. wuxuuna intaa kudaray masuulku in shirkan si qoto dheer loogu eegayo waxqabadka ama fulinta qorshayaashii u yiilay xafiisyada horumarka ee kala ah  Beeraha, Biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada iyo waliba wakaalada dakhliga ee dhamaan dagmooyinka gobolka doolo. Iyadoo sidookalana degmo kasta ay soo jeedinayso warbixinteeda ku aadan dhanka fulinta qorshaha BBC ee xukuumadu dajisay.

 

Iskusoowada duuboo, qiimaynta iyo islaxisaabtanka ayaa kamid ah nidaamyada maamulka suuban ee lagu xoojiyo qanaca bulshada islamrkaana lagu ogaado kamidho dhalinta qorshayaasha rubuclaha ah iyo waliba sixida caqabadihii horistaagay fulinta qorshayaashaasi. 

Shirwaynihii 11aad Ee Wada Tashiga Xukuumada DDSI Iyo Shacabka Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Raaso

$
0
0

Raaso(Cakaaranews) Sabti 20ka January 2018. Shirwanihii 11aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo  shacabka deegaanka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar mas’uuliyiin heer deegaan ah, Mas’uuliyiinta gobolada deegaanka, kuwa  degmooyinka iyo in ka badan 3000 oo qof oo ergooyin  ka kala  socda dhamaanba gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa si rasmi ah uga furmay degmada raaso ee gobolka afdheer .

Hadaba kulan waynahan 11aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka deegaanka  ayaa waxaa ugu horayn furay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in shirwaynahani yahay mid lagaga wada tashanayo  ayaaha iyo horumarka deegaanka islamarkaana lasoo dhigo doono waxqabadk xukuumada ee  10kii sano ee ugu danbeeyay iyadoo la barar dhigayo sidii uu deegaanku ku sugnaa 10 sano ka hor iyo walibaSida looga faaiidaystay Mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka.Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in shirwaynahan lagaga hadli doono nidaamkii dhaqan is gumaysiga ah ee ka dhexjira qabiilada soomaaliyeed iyo sidii loo baabiin lahaa Gaar ahaan cadaadis dhaqameedka loo gaystay beesha sharafta leh ee gabooye.

Ugu danbayn shirwaynahan 11aad ee xukuumada iyo shacabka deegaanka ayaa maalmahan kasii socondoona degmada raaso ee gobolka afdheer.

Maalintii 2aad Iyo Shirwaynihii Raaso.

$
0
0

Raaso,(cakaaranews),Axad, 21ka January, 2018. Waxaa maalintii labaad galay shirwaynihii wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacab waynaha DDSI oo maalintii shalay ahayd si rasmiya uga furmay magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso ee Gobolka Afdheer.

Shirwaynahan ayaa waxaa  ka soo qaybgaley mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar mas’uuliyiin heer deegaan ah, in ka badan 3000 oo qof oo ergooyin  ka kala  socda dhamaanba gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo isugu jira masuuliyiinta gobolada, deegaanka masuuliyiinta degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI.

Waxaana, maanta galinkii hore la soo bandhigay waxqabadkii xukuumada 10kii sano ee ugu dambeeyay ee dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban gaar ahaan taaba galinta mashaariicaha waawayn ee dhinaca horumarka, sida la dagaalanka saboolnimada, shaqo abuurka. Waxaana si wayn looga doodi-doonaa halkii uu deegaank taagnaa wixii ka horeeyay 10bkii kii sano ee  lasoo dhaafay halka uu eega taagan yahay iyo jihooyinka horumarineed ee loo socdo.

ugu dambayntii shabakada wararka cakaaranews ayaa waxay si joogta ah idiinku soo tabin-doontaa wararka shirwaynaha wadatashiga shacab-waynaha DDSI iyo  xukuumada DDSI ee ka socda Raaso.

BEENTA IYO BOROBOGAANDADA RTN TV

$
0
0

Nairobi(Cakaaranews) Axad, 21ka January 2018. RTN TV oo mudo dhaw uun la aas-aasay islamarkaana uu leeyahay nin lagu magacaabo axmednaasir cabdulaahi oo ah shaqsi nabadiid ah oo xidhiidh laleh ururada argagixisada ah ee alqushaash, daacish, UBBO, alqaacida, boko-xaaraam iwm  oo kudhuumalaysta gudaha dalka Kenya  ayaa kadib markuu iska bixin waayay lacagtii kirada  hawada ayaa waxa uu mulkiiluhu is yidhi xageed borobogaandaysaa oo ay  lacagi kaasoo gali kartaa maanta gaar ahaan dawladaha soomaaliyeed.

Hadaba mulkiilaha RTN TV axmednaasir cabdulaahi oo kusifoobay xoolo cirdoonimo, danayste, calooshii ushaqayste, Iimaanlaawe, Nabadiidnimo al qushaashnimo, Sirqaanimo, Beenaalenimo IWM  ayaa been iyo borobagaando cad oo aan sal iyo raad toona lahayn oo uu kudoonayo in lagu guneeyo kubilaabay maalmahan danbe TVgiisa inuu wax kasheego Horumarka DDSI isagoo meel kaga dhacay xeerkii, Anshixii iyo shuruucdii saxaafada ee caalaamiga ahayd islamarkaana warar bilaa source  iyo sawiro aan islahayn kasii daaya RTN TV. Taas oo ay keentay hunguri doon maadaama oo uu iska bixin waayay lacagtii kirada hawada(Satellite)

Sidoo kale Mulkiilaha RTN TV ayaa sheer kulajira hogaaminta kooxaha argagixisada ah sida alshabaab (alqushaash), daacish, UBBO, alqaacida, boko-xaaraam iwm. Wuxuuna TVgiisa  u isticmaalaa qaaciidada ah ‘‘farihii dufan leh baa wax duuga’’ taas oo cadayn u ah in uu lacagta ugu badan ee TVga uu kahelo ururada argagixisada ah si uu ugu meelmariyo mabaadiidooda. Isagoo ay ciidamada Kenya ay hada kahor habeen badh udhaceen gurigiisa kalana baxeen  kadib markii ay xaqiijiyeen in uu xidhiidh toos ah laleeyahay hogaaminta sare ee ururada argagixisada ah oo uu ku lug lahaa wareerkii ay 70ka qof ku xasuuqeen argagixisadu ee West gate mall .

Dhanka kale shaqaalo badan oo ka shaqayn jiray RTN TV ayaa iskacasilay kadib markii ay u adkaysan waayeen dhaqan xumada mulkiilaha oo ay kamid tahay cadiifad qabiil, tabinta buunbuuninta wararka aan sal iyo raadka toona lahayn ee iskahorkeenaya qabiilada soomaaliya ee walaalaha ah. Waxaa intaa dheer oo uu mulkiilaha RTN TV kucaanbaxay kaganacsiga iyo xaalad abuurka beenta ah ee kuwajahan xasilooni darida kataagan soomaaliya islamarkaana wuxuu aaminsan yahay in xasilooni iyo nabad kadhalata soomaaliya ay lid kutahay ganacsigiisa taas oo kadhigan in hadii soomaaliya nabad kadhalato uu soo afjarmayo qandaraaskii uu kulajiray ururada argagixisada ah.

Hadaba  mulkiilaha RTN TV ayaa kusifoobay dhaqan xumo kadhan ah Diinta Islaamka oo ay kamid tahay tumashada, fasahaadinta dumarka isagoo kaameero qarsoon kaduubanaya, isticmaalka balwadaha xaaraanta ah sida kumaydhashada khamriga iyo waliba kukhamaarka nafta biniaadamka..

Ugu danbayn waxaan usheegaynaa bulshada soomaalida inay ogaadaan in RTN TV uu yahay mid ku taagan lacagaha barobogaanadada ah ee uu kahelo gunada lagu siiyo barobogaandada iyo xidhiidhka uu leeyahay ururada argagixisad ah.


MW CMC OO RAASHIN IYO AGABYO KALADUWAN GAADHSIIYAY DADKII SOOMAALIDA AHAA EE OROMADA KASOO BARAKACAY

$
0
0

Raaso(Cakaaranews) Axad 21ka January 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisii ayaa markii ay gaadheen magaalada raaso  waxay raashinka noocyadiisa kaladuwan oo ka kooban Bariis, Sonkor, Caano, Buskut  iyo waliba agabyo bustayaal ah gaadhsiiyeen Dadkii soomaalida ahaa ee kasoo barakacay deegaanka oromada ee ku sugnaa magaalada raaso oo ka kooban kumanaan qoys . Waxaana deeqdan ka kooban raashinka noocyadiisa kaladuwan iyo agabka gacantiisa ugu qaybinayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Waftigiisa

Hadaba dadkan soomaalida ah ee kasoo barakacay deegaanka oromada ayaa bogaadiyay una mahad celiyay xukuumada deeqdan ka kooban raashinka noocyadiisa kaladuwan iyo agabkan ay xukuumad soo gaadhsiisay.

Ugu danbayna deeqdan ayaan ahayn markii  koobaad ay xukuumadu soo gaadhsiiso  dadkan barakacayaasha ah ee raaso  balse waa mid joogta ahayd oo  ay xukuumadu soo  gaadhsiin jirtay goob walba oo ay barakacayaasha soomaalidu ahi ku suganyhiin.

11ኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት የጋራ ህዝባዊ ኮንፌረንስ በራሶ ከተማ ተጀመረ

$
0
0

ራሶ(Cakaaranews) አሁጥ ጥር 13/2010ዓ.ም. 11ኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ህዝብና መንግስት የጋራ ህዝባዊ  ኮንፌረንስ በአፍዴር ዞን በራሶ ወረዳ መቀመጪያ የሆነችው ራሶ ከተማ በደማቅ ሁኔታ ተጀምሯል።በመድረኩ ላይ የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት አቶ  አብዲ ሞሀሙድን ጨምሮ የክልሉ ከፍተኛ አመራር አባላት፤በኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. የድሬ ደዋ ከተማ አስተዳደር ከፍተኛ አመራር አባላት፤እንድሁም ከ11ዱ የኢ.ሶ.ክ.መ. ዞኖች፤ከክልሉ 93 ወረዳዎችና 6ቱ ከተማ መስተዳደሮች የተወጣጡ ከ3000 ባላይ የሚሆኑ ታዳሚዎች ተገኝቷል።

በኮንፌረንሱ ላይ የመክፈቻ  ንግግር ያቀረቡት የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንትክቡርአቶ አብዲ ሞሀሙድ ኡመር ጉባኤ ዋና አላማ ባለፍው 10 አመታት በክልሉ መንግስትና ህዝብ የተከናወኑ የልማት፤የሰላም፤የመልካም አስተዳደር፤ እንድሁም የዴሞክራሲ ሥርዓት ግንባታና በባህርማዶና ሀገር ውስጥ የተረሰሩ የኮሙኒኬሽንና የህዝብ ግንኙነት  ሥራዎቻችን ውጤት የሚገመገምበትና ከ10አመታት በፊት ክልሉ የነበረበት ሁኔታዎች አሁን ክልሉ የደረሰበት ዘርፈብዙ የልማት ስራዎች  የሚነጻፀርበትና እንድሁም የቀጣይ ትክረት አቅጣጫዎች የሚመክርበት ታላቅ የህዝብ ኮንፌረንስ ነው ብሏል።በተጨማሪም በመድረኩ ላይ በሶማሌ ቤሔረሰብ ውስጥ የሚገኙ ጎሳዎች መካከል በተላይም በአናሳ የገቦየ ማህበረስብ ላይ የሚደረገው ትርጉም አልባ ንቀት፤ ጭቆናናሁሉም  በገቦያ ማህበረሰብ ላይ የሚደረጉ ጎጂ ልማዳዊ  ድርጊቶች በዚህ ጉባኤ ላይ ይወገዳል ክቡር ፕሬዝዳንቱ ተናግሯል ።

 

በመጨረሻም 11ኛው የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት የጋራ ህዝባዊ ኮንፌረንሱ በአፍዴር ዞን በራሶ ከተማ እንሚቀጥል መንግስት አረጋግጧል።

Degmada Sheygoosh Iyo Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Sheygoosh(Cakaaranews) Axad, 21ka January, 2018. Waxaa degmada Sheygoosh  ee gobolka qoraxey  lagusoo gabagabeeyay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ahaa oo maalmihii udanbeeyayba looga faaiidaynayay boqolaal bulshada ku dhaqan degmada sheygoosh iyo nawaaxigeeda.

Hadaba adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo looga faaiidaynayo shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga gaar ahaan shacabka ku dhaqan degmada sheygoosh iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa kawarbixiyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta degmada sheygoosh oo sheegay in adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa lasoo gabagabeeyay islamarkaana ay ka faaiidaysteen boqolaal shacabka ku dhaqan degmada  sheygoosh iyo nawaaxigeeda ee wax ka qabay dhanka araga. Wuxuuna mas’uulku intaa ku daray inuu adeegani yahay mid muhiim ah islamarkaana ay bulshadu si dareen leh ubogaadiyeen iyagoo u mahad celinaya xukuumada iyo cid walba oo soo diyaariyay adeegan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada sheygoosh  iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin  adeegan qalitaanka iyo daawaynta indhaha loo sameeyay ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga  uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanka gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.

Sikastaba ha ahaatee kooxdan wareegta ee adeega qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ah ayaa degmada sheygoosh ugasii gudbi doona dhanka magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele. Iyagoo maalmahan fooda inagusoo haya halkaas ka bilaabi doona adeegan.

Tartan Aqoomeed Loo Qabtay Ardayda Dugsiga Sare Ee MM Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Axad, 21ka January 2018. Tartan aqoomeed si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta maamulka magaalada qabridahar,  ardayda fasalada 9aad iyo 12aad, gudigii soo diyaariyay iyo waliba marti sharf kale ayaa si habsami leh uga qabsoomay magaalada qabridahar.

Hadaba, taratankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Kusimaha Maayorka Ahna Maareeyaha Wakaalada Biyaha MMQ Mudane Maxamed Isaaq oo sheegay in tartankan ujeedadiisu tahay kor uqadista aqoonta ardayda dugsiga sarre ee MM Qabridahar. Wuxuuna intaas kudaray masuulku in tartankani yahay mid lagu dhiirigalinayo ardayda si ay udardargaliyaan aqoontooda ku aadan casharada ay bartaan.

Sidookale, waxaa isna kahadlay Kusimaha Madaxa Xafiiska Waxbarashada MMQ Mudane Ibraahim Cabdi Maxamed oo sheegay in tartankani uu yahay mid uu soo diyaariyay xafiiska waxbarashada MM qabridahar islamarkaana larabo in lagu xoojiyo geedi soocdka waxbarashada ee ardayda dugsiga sare gaar ahaan  fasalada 9aad iyo 12aad. Kuwaasoo ku tartamayay culuumta Nutural Science. Wuxuuna xusay in tartankani ahaa mid sifiican ardaydu ay ubilaabeen akhris badan oo kuaadan casharadooda islamarkaana waxwayn kataray dhanka fahanka iyo aqoontooda.

 

Iskusoowada duuboo, tartankan ayaa waxaa gabagabadiisii ku guulaystay ardayada fasalka 9aad ee maamulka magaalada qabridahar islamarkaana abaal marin lagu gudoonsiiyay.

የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ ከኦሮሚያ ክልል የተፈናቀሉ የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጆች የእህልና የቤት ቁሳቁስ እርዳታ አበረከቱ

$
0
0

ራሶ(Cakaaranews) አሁድ ጥር 13/2010ዓ.ም.  በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የሚመራ የክልሉ መንግስት ከፍተኛ  ልዑኳን  ቡዱን በአፍዴርዞን፤ራሶወረዳየመልሶማቋቋምመጠሊያጣቢያለሚገኙከኦሮሚያ ክልል የተፈናቀሉ የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጅ ወገኖች  በርካታ አልሚ የምግብ አይነቶችና የተለያዩ የቤት ማገልገያ ቁሳቁስና የአልባሳት ድጋፍ አበርኪቶላቿል።በተያያዜም በሺዎች የሚቆጠሩ ከኦሮሚያ ክልል  የተፈናቀሉ የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጅ ወገኖች የተሰጣቸው የእህል ድጋፍ የተለያዩ አልሚ የምግብ አይነቶች እንደ ሩዝ፤ሱኳር፤ወተት፤ቡስኩትና የመሳሰሉት ይገኙበታሉ።በተጨማሪም ለተፈናቃይ ወገኖች የተለያዩ ቤት ማገልገያ ቁሳቁስና በርካታ የአልባሳት አይነቶች እንደ ብርድ ልብስና አጎበርና ወዘተ በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት የሚመራ ልዑኳን  ቡዱን ተበርኪቶላቿል።

በሌላ በኩል በራሶ መጠሊያጣቢያ ለሚገኙ ከኦሮሚያ ክልል  የተፈናቀሉ የኢትዮ- ሶማሌ ተወላጅ ወገኖች የተለያዩ የምግብ አይነቶችና ቁሳቁስ እርዳታ ላደረሱ የክልሉ መንግስት አመራር የላቀ ምስገና አቀርቧል።

 በመጨረሻም በተለያዩ የክልሉ አከባቢዎች  ለሚገኙና ከኦሮሚያ ክልል የተፈናቀሉ የኢትዮ- ሶማሌ ቤሔር ተወላጆች የሚደረግላቸውን ድጋፍና እርዳታ ለመጀመሪያ ወይም ለመጨረሻ  ጊዜ ሳይሆን የማይቋረጥ ርብርብ ነው ብሏል አመራሩ።

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>