Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 4ta December 2018. Waxaa si rasmi ah ooga furmay cusbitaalka wayn Ee jaamacada jigjiga ee Meles Memorial referal hospital ol-olihii Daawaynta Iyo Qaliinka Indhaha ee bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan boqolaal shacabka maamulka magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda.

Hadaba madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim oo kawarbixiyay ol-olahan adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha ee bilaashka ah ayaa sheegay inuu adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha bilaashka ah  ee looga faaiidaynayo dhamaan bulshada ku dhaqan MMJ iyo nawaaxigeeda uu si rasmi ah ubilawday islamarkaana uu socon doono muda 7 cisho ah. Wuxuuna intaa ku daray in markii uu 7aadkan dhamaado ol-olaha adeega qaliinka iyo daawaynta bilaashka ah uu Hospitaalku si rasmi ah usii wadi doono bixinta adeega qaliinka iyo daawaynta indhaha maadaama oo aysan waaxdani horay uga shaqayn jirin hospitaalka.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan maamulka magaalada jigjiga  iyo naawaaxigeeda oo  sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.


የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲያዊ ፓርት በራሶ ከተማ ከህዝቡ ጋር ሰፊ የጋራ መግባባት መድረክ የአካሄዳል

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)hሀመሙስ ታህሳስ 26/2010ዓ.ም.በቀጣዩ ሳሚንት በአፍዴር ዞን በራሶ ወረዳ መቀመጪያ በራሶ ከተማ የክልሉ መሪ ድርጅት ኢ.ሶ.ህ.ዴፓ. ከክልሉ ህዝብ ጋር ክልሉ ባለፈው 7አመታት ባሳለፈው የልማት፤የመልካም አስተዳደርና የዴሞክራሲ እንድሁም የታዩ ተግዳሮትና በቀጣይ የልማት፤የጸጥታና የመልካም አስተዳዳር ትክረት አቅጣጫዎችን የሚወያይበት ሰፊ መድረክ ያካሄዳል።

በሌላ በኩል እንደሚታወቀው ከቅርብ አመታት በፊት ራሶ መንደር እንደነበረች ይታወቃል ይህ ደግሞ በክልሉ መንግስት ቁርጠኝነት የትላንትናው ራሶ ቀበሌ ወረዳ በማድረጉና ከተሟ ከእለት እለት እደገች በመምጣቷ ዛሬ በሺዎች የሚቆጠሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲያዊ ፓርትና ህዝብ በሚወያይበት መድረክ ለሚካፈሉ ታሳታፊዎች ለሚያስፈልገው ጉዳዮች ሁሉ አሟልታ እንድታስተናግድ ምክንያት ሆኗል።

War Deg-deg Ah

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Khamiis 4ta January 2018. Xisbiga EPRDF ayaa maanta shaaca ka qaaday markii ugu horaysay taariikhda abid inay ka doodeen sidii ay ururad bah-wadaagta ah ee sida XDSHSI ay EPRDF uga mid noqon lahaayeen. Waxayna sheegeen inay ku jiraan daraasaadkii ay kaga midnoqon lahaayeen EPRDF. Iyadoo ugu danbayn shirwaynaha EPRDF ee dhici doona bisha Hamle 2010TI lasoo hor dhigi doono daraasaadka.

Sidoo kale shirkii maanta ay yeesheen xisbiga EPRDF iyo ururada bah-wadaata ah ayaa waxay ku sheegeen in ay wakhti xaadirkan ay jiraan qaar kamid ah  ururada bah-wadaagta ah oo aad ugu talaabsaday isbadal dhan walba ah sida XDSHSI oo kale. Iyadoo Qodobadii shirkii EPRDF kasoo baxay ay kamid ahaayeen sida ururada bah-wadaata ah loogu darilahaa xisbiga EPRDF.

Ugu danbayn xisbiga EPRDF ayaa sheegay inay ururada bah-wadaagta ah sida XDSHSI uu ku biiradoona xisbiga EPRDF ilaa bisha hamle 2010TI

ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት በጅግጅጋ ከተማ ተጀመረ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews) አርቢ ታህሳስ 27/2010.በጅግጅጋ ከተማ አስተዳደርና በአከባቢው የሚገኙና የተለያዩ የአይን በሽታ ችግር ያለባቸው ዜጎች ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት የሚያገኙበት ፖሮግራም በዛሬ እለት በጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ የመለስ ዜናዊ መታሰቢያ ሪፊራል ሆስፒታል ተጀመረ

የጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ ፕሬዝዳንት ዶር አብዱልአዚዝ ኢብራህም  ይህ ነፃ የአይን ህኪምና አገልግሎት ለአንድ ሳሚንት ያህል የሚሰጥ ፖሮግራም ሲሆን በጅግጅጋ ከተማ አስተዳደርና በአከባቧ ለሚኖሩና በሺዎች የሚቆጠሩ የተለያዩ የማየትና የአይን ብርሃን በሽታ ያለባቸው ዜጎች ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት ተጠቃሚ የሚሆኑበት ፖሮግራም ነው ብሏል።በተጨማሪም የጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ መለስ ዜናዊ መታሰቢያ ሪፊራል ሆስፒታል ከአሁን በፊት ይህንን የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና አገልግሎች የሚሰጥ ዲፓርትመንት ስላልነበረ ከወዲሁ ይህንን የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና አገልግሎት በቋሚነት እንደሚሰጥ ዲፓርትመንት ማቋቋምም ዶር አብዱልአዚዝ ገልጿል።

በመጨረሻም ከጅግጅጋ ከተማ አስተዳደርና ከጅግጅጋ አከባቢ መጥቶ ይህንን ነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ሕክምና ተደርጎለት የአይነ-ብርሃናቸው የተመለሰላቸው ዜጎች በበኩላቸው ባገኙት የአይን ህኪም አገልግሎቱን እጅግ ደስተኛ መሆናቸውን ገልጿል።በተጨማሪም የክልሉ መንግስት ይህንን ነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ሕክምና አገልግሎትን ለማብቃትና የአይነ-ብርሃናችን ለማስመለስ ባደረገው ጥረት አበረታች ነው ብሏል።

Gudiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Shacabka DDSI Oo Kormeer Qiimayn Iyo Dabagalka Ah Ku Soo Maray Mashaariicaha Horumarineed Ee Laga Hirgaliyay Gobolada Jarar iyo Qoraxey

$
0
0

Qabridahar (cakaaranews)Jumce, 5ta January 2018.Gudiga joogtada ah ee golaha wakiilada shacabka DDSI ee qaabilsan dhanka qiimaynta iyo dabagalka mashaariicaha ayaa kormeer qiimayn iyo dabagal ah ku soomaray  mashaariicaha horumaineed ee laga hirgaliyay gobolada jarar iyo qoraxey.

Hadaba, gudigan ayaa kormeerkoodii dabagalka ahaa ka bilaabay mashaariicaha laga hirgaliyay magaalada dhagaxbuur iyadoo kormerkana ay kuwahelinayeen gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo waliba masuuliyiinta magaalada dhagaxbuur waxayna ugu horeen booqdeen mashruuca dhimaha ee Kuliyada xirfadaha farsamada gacanta ee magaalada dhagaxbuur, mashruuca xarunta quwada korontada ee magaalada dhagaxbuur, dhismaha dugsi sare oolaga fuliyay, fulinta qorshaha BBC, heerka iyo nidaamka shaqo ee dhalinyartii shaqo abuurka loo sameeyay, iyo waliba mashaariicaha kale ee magalada dhagaxbuur laga fuliyay sida wadooyinka.

Sidookale, gudiga oo kormeerkooda sii wata ayaa gaadhay mashaariicaha waawayn ee magalaada qabridahar sida jaamacada qabridahar, adeegyada kaabayasha dhaqaale ee magaalada qabridahar, qaab socodka shaqo ee dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyay ee magaalada qabridahar iyo waliba adeegyada horumarka ee magaalada qabridahare.

 

Ugudanbayna, gudigan ayaa waxay kormeerkooda ku mareen dhamaan mashaariicaha laga hirgaliyay goboladaas iygoo soo taabtay mashaaricaha waraabka ee baka, goomaar- wijiwaaji, iyo maraacato.

Shirkada Maalgashiga Wayn Ee Dangote Group Ayaa Sheegtay In Ay Sii Laban Laabayso Maalgashiga Dalka Ethhiopia

$
0
0

Adhisababa (cakaaranews)Jumce, 5ta January 2018.Dangote Group oo ah shirkadaha Afrika ee hogaaminaya shirkadaha iyo warshadaha qaarada ayaa ku dhawaaqday in qorshayaal lagu kordhinayo maal-gashigooda ku aadan dalkeenan Itoobiya. iyadoo Shaacinta labajibaarka maalgalintooda ay timid ka dib wadahadaladii dhaxmaray Raisal Wsaaraha JDFI mudane Haile-Mariam Desalegn iyo milkiilaha Dangote Group mudane Aliko Dangote islamarkaasna ay xafiiska Raisal wasaaraha kuwada hadleen.

Hadaba, Raisal wasaaraha iyo Dangote ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa maalgashiga kooxda ee Itoobiya. Iyadoo Ra'isal Wasaaruhu sheegay in dawladda Ethiopia ay ka go'an tahay sidii ay u bixin laheyd taageerada ay u baahan yihiin ee dhanka maalgashiga, wuxuuna intaa kudaray in wixii dhibaato ah ee ka jiray dalka xalkeeda lagu gudajiro, xalbadana ay gaadheen islamarkaana wadanka oo dhan lagu soo dabaalay nabadgalyo. Hada wixii kadanbeeyana la adkayn doono nabadgalyada dalka. Isagoo tilmamay Raisal-wasaaruhu in kooxdu ay leedahay qorshe lagu dhisayo warshad samaysa kaydka waxsoosaarka sibidhka taasoo ah warshad awood uleh islamarkaana ay ku garab taaganyihiin.

Sidookale, Milkiilaha Dangote Group mudane Aliko Dangote ayaa u mahadceliyay raisal wasaarha kadibna sheegay in uu doonayo in uu laba jibaaro maalgashigiisa mustaqbalka qaybta warshadaha sibidhka. Wuxuuna farta kufiiqay in maalgashigoodani uusan ahayn maalgalin hal mar ah "Ma ahan maal-gashi hal-mar ah,", isaga oo intaa ku daray in ay xaqiijinayaan in labada dhinacba ay ka wada faa'iideysan doonaan. isagoo carabka kuddhuftay in si wadajir  loola dagaallamo wixii caqabad ah ee soo food saarta."

Dhanka kale, Sida laga soo xigtay ENA, ayaa sheegaya in maal-gashiga Dangote ee Itoobiya wakhti xaadirkan uu galiyay dhanyahay 600 milyan oo Dollar. Isaga oo furay warshad sibidhka ah oo ku taala Itoobiya sannadkii 2015-ka oo lagu qiimeeyay 480 milyan oo doolarka Mareykanka ah warshadaasoo  85km u jirta Addis Ababa. Iyadoo Warshadaasina ay  awood uleedahay inay soosaarto 2.5 milyan tan oo ah sibidhka sanadkiiba.

Iskusoowada duuboo,  Mulkiilaha shirkadan dangote group  ayaa ah ninka  ugu taajirsan Africa iyo ganacsatada Nigeria. Waxaana laxaqiijiyay in Itoobiya ay tahay suuqa ugu faa'iidada badan ee sibidhka Dangote kahesho, Waxayna iibisay 1.7 malyan sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2017’’.

 

 

Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta khayraadka Biyaha DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii Xafiiska 6dii Bilood Ee La Soo Dhaafay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), sabti, 6da January, 2018 Wasiirka ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa warbixiyay guulaha laga soo hooyay  waxqabadkii 6dii bilood ee la soo dhaafay gaar ahaan taaba galinta qorshayaasha lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha deegaanka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumada DDSi ay qorshaha 1aad ilaa 5aad u qaadatay horumarinta khayraadka biyaha  si looga jawaabo baahida bulshada deegaanka ee dhinaca helitaanka biyaha nadiifta ah islamarkaana xooga la saaray ka faa’iidaysiga  biyaha bulka hoostooda, kaydinta biyaha cirka iyo ka faa’iidaysiga biyaha wabiyada deegaanka sidoo kalena ay xukuumada DDSI suurta galisay mashaariicaha biyo galinta masaafada fog oo la gaadhsiiyay dhulkii hore u ahaan jiray oomahana dhinaca kalena ay xukuumada DDSI soo  iibisya bilihii ugu dambeeyay 58 booyadood oo si casri ah loo sameeyay oo ah booyado loo isticmaali karo dhanka dabdamiska  iyo biyo dhaamiska  iyada oo dhinaca kale meelaha laga sameeyo biyo dhaanka la garab wado qoditaanka ceelasha biyaha dhaadheer. si guud ahaanba deegaanka xawlaara looga gaadho helitaanka biyaha,

Wasiir kuxigeenka mar uu ka waramayay guulaha laga gaadhay qorshihii xafiiska biyaha ee 6dii bilood ee ugu dambeeyay  ayaa  waxa uu sheegay in heer daboolka biyaha deegaanka laga qaaday 6dii biloog ee ugu dambeeyay  66.7%  lana gaadhsiiyay  73.6% sidoo kale heer daboolka magaalooyinka laga qaaday   64.5% lana gaadhsiiyay  70.2 halka heer daboolka biyo galinta miyiga laga qaaday  66.7% lana gaadhsiiyay   73.6%,  wasiir ku xigeenka oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay in la dhamays tiray 25 ceelalka dhaadheer  (riig ah) halka ay socdaan 12 ceel oo ah kuwa dhaadheer, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in shaqooyinka ku dayashada mudane ee laga hirgaliyay deegaanka ay tahay  xal u helida ceelasha dhaadheer ee marka laga soo saaro biyaha ay qadhaadh noqdaan taasi oo ay xukuumada DDSI oo iibisay 11 mishiinada ah kuwa biyaha macaaneeya taasi oo lagu guulaystay lana macaaneeyay meelihii laga qotay ceelasha biyaha qadhaadh.

Ugu dambayntii waxa uu  sheegay wasiir ku xigeenku  in xafiiska horumarinta khayraadka biyuhu isaga oo ka duulaya taaba galinta geediga horumarka xukuumada DDSI ee ku salaysan ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha uu dadaal xoogan ugu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha horumarinta khayraadka biyaha deegaanka.

 

 

   

M.M Qabridahar Iyo Tababar Kusaabsan Nidaamka Beerashada Casriga Ah Oo Loo Qabtay Khabiirada Fidinta Beeraha Ee Gobolada Qoraxey, Shabeele, Doolo Iyo Jarar

$
0
0

Qabridahar(cakaranews)Sabti, 6da January 2017.Waxaa Magaalada qabaridahar ee xarunta gobolka qoraxey lagu soo gabagabaeeyay Tababar uu soo agaasimay xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI islamarkaana loo hayay khabiirada fidinta beeraha ee dhamaan degmooyinka Gobolada Qoraxey, Shabeele, Doolo Afdheer Iyo Jarar. Tababarkaasoo kusaabsanaa nidaamka beerashada casriga ah.

Tababarkan ayaa waxaa casharada bixinayay khabiiro sare oo kasocday xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI islamarkaana aqoon durugsan uleh casharada ay bixinayaan. Iyadoo intii uu socday tababarkanina kaqaybgalayaasha si practical ah loo geeyay beeraha waawayn ee sida casriga ah looga beeray mashruuca waraabka ee maraacato kaasoo si ficil loohu tusay beeraha sida casriga ah loo beeray.

Hadaba, tababarkan ayaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Degmada Qabridahar Mudane Cabdulaahi Shekh Axmed Iyo Waliba  Agaasinka Waaxda Fidinta Beeraha Ee Xafiiska Beeraha Iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga Ah Mudane Axmednuur oo sheegay in tababarkani kusaabsanaa nidaamka beerista casriga ah iyo waliba waxsoosaarka tayada leh. Wuxayna tilmaameen in khabiiradan lakeenay beeraha sida casriga ah loo beeray si ay ficil ahaan ugu arkaan oo ay ugu daydaan. Waxayna xuseen in tababarkan ay kafilayan in horumar badani kayimaado kadib markii khabiiradani ay ku laabtaan goobohoodii iyo degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Ugudanbayna, dhankooda khabiiradii tababarka qaatay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in tababarkan ay kafaa’iideen cilmi badan oo kuwajahan xirfadooda. Waxayna xuseen in ay uga sii faaiidaynayaan bulshadii iyo degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.


Adeegii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa Oo Maalintii 3aad Galay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 7da January 2018. Waxaa maalintii 3aad galay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa oo ka socda cusbitaalka wayn  Ee jaamacada jigjiga ee Meles Memorial referral hospital. kaas oo ay ka faaiidaysanayaan dhamaan shacabka ku dhaqan deegaanka gaar ahaan shacabka gobolka faafan.

Hadaba adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo looga faaiidaynayo shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga ayaa waxaa kawarbixiyay Mudane Cabdulaahi Xambali oo ah hogaamiyahan kooxda wareegta ee qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee waaxda ka hortaga iyo xakamayta cudurada indhaha ee xafiiska caafimaadka DDSI oo sheegay in qalintaanka iyo daawayntu si fiican usocoto islamarkaana uu maalmahan kasii socondoono isla cusbitaalka iyadoo looga faaiidaynayo guud ahaanba shacabka deegaanka.

Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay shacbkii looga faaiidaynayay adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa oo si farxadi ku dheehantahay usheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan ay aragoodii indhaha ee sanado ka maqnaa loogu soo celiyay. Waxayna umahad celiyeen xukuumada hirgalisay adeegan.

Gudiga Qabanqaabada Ee Shirwaynaha Raaso

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 7da January 2018. Shirwaynaha wadatashiga XDSHSI iyo shacabwaynaha deegaanka oo ay kasoo qaybgalayaan in kabadan 2,500 oo shaqsi oo isugu jira ergooyinka xisbiga, qaybaha kaladuwan ee  bulshada, Odayaal dhaqameedka iyo heerarka kaladuwan ee mas’uuliyiinta deegaanka ee ka dhicidoona xarunta degmada raaso ee gobolka af dheer ayaa loo dhisay gudigii qabanqaabada iyo abaabulka shirwaynaha oo ubaxaya degmada raaso iyo gudashada shaqooyinkii loo xilsaaray.

Hadaba Waa kuwan magacyadii gudiga qabanqaabada shirwaynaha Raaso.

1.       Mudane Axmed Maxamed Koore wasiirka Xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSI-Gudoomiyaha Gudiga qabanqaabada

2.       Mudane Cabdulaahi Maxamuud Cabdi (Garbo) wasiir kuxigeenka  xafiiska jidadka ee  DDSI-Xubin

3.       Mudane Cabdrashiid Sheekh Cumar Maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI-Xubin

4.       Mudane Cabdi Bari Macalin Maxamed maareeye ku xigeenka kuliyada caafimaadka ee DDSI-Xubin

Kulanka Wadatashiga Xukuumada DDSI iyo Beesha Gabooye

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Axad, 7da January, 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadhici doona kulan wadatashi iyo wacyigalin isugu jira oo ay xukuumada deegaanku la yeelanayso beesha sharafta leh ee gabooye oo ah beel isku kalsoon sharaf iyo sumcad aad ubalaadhana leh islamarkaana ixtiraamka ka mudan soomaalida geeska africa si meesha looga saaro nidaamka dhaqan gumaysiga dhaqamada qaarkood loogana tanaasulo yasida iyo takoorka kadhex jira beelaha bulshada deegaanka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya heerarka kaladuwan ee mas'uuliyiinta deegaanka, odayaal dhaqameedka deegaanka, waxgaradka, cuqaasha, aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha gabooye ee magaalada jigjiga iyo ergooyin kasocda beesha gabooye ee gobolada, maamul-magaalooyinka iyo degmooyinka deegaanka.

Haddaba, kulankan ayaa kadhacaya xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga 7aadka fooda inagu soo haya ka hor shirwaynaha wadatashiga xisbiga iyo shacabka deegaanka ee kadhacaya xarunta degmada raaso.

La taliyaha MW Oo Ka Warbixiyay kaalinta Ay qurba joogta DDSI ku leedahay taaba galinta qorshayaasha horumarka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 8da, January, 2018. La taliyaha madaxwaynaha DDSI ee Dhinaca Xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay kaalinta balaadhan ee qurba joogta DDSI ee ku nool  dacalada aduunku  ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka taaba galay deegaanka.

wasiirka ayaa sharax dheerka bixiyay isbadalka horumarineed nabadgalyo, maamulka suuban iyo xidhiidhka qurba joogta DDSI wakhtiyadii hore sida uu ahaan jiray iyo heerka uu taagan yahay eega  isaga oo sheegay wasiirku in sanadihii in xukuumada DDSI iyo XDSHSI ay xooga saareen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen taaba galinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada maamulka suuban iyo wanaajinta  xidhiidhka ka dhexeeya xukuumada DDSI iyo qurba joogta DDSI ku nool dacalada aduunka .wasiirka ayaa sheegay in qurba joogta DDSI ay kaalin miisaan culus ku leeyihiin higalinta hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka saxarka tiran ee ka taamyeelay deegaanka.

Ugu dambayntii wasiirka ayaa si xoogan carabka ugu dhuftay in qurba joogta DDSI ee ku nool dunidu ay meel saareen halgankii ay kula jireen fikirada cidhiidhiga ah ee mashaqaystenimada, dulsaarnimada, qabyaalada, nin jeclaysiga, soomaliwaynimada iyo wixii la mid ah wuxuuna kula dar-daarmay in ay sii waddaan dadaalada kor loogu qaadayo hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban.

War Naxdin Leh Oo Ka Imanaya Soomaalida Dagan Galbeedka Harargee.

$
0
0

Balbalayti(Cakaaranews) Isniin 8da January 2018. War xaqiiq ah oo naga soo gaadhaya galbeedka harargee ee deegaanka oromada ayaa waxaa dhacday in Dadkii soomaalida ahaa ee daganaa galbeedka harargee ka dib markii iyaga iyo xoolahoodiiba ay xero oo teen xoogaga ciidanka oromadu islamarkaana u diideen inaysan meelna u dhaqaaqin oo ay raashin biyo yo baadba midna helin mudadaas ay xero oodnaayeen ayaa waxaa maalintii shalay ahayd bilaabmay inay macaluul u dhinteen ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay in kabadan 20 caruurta ay da.doodu ka yartahay 10 sano ayaa macaluul u dhimatay iyadoo tirada dhimashadu ay wali kor usii socoto.

Dhinaca kale ururka argagixisada ah ee qeerroo ayaa tuulada Hoyadeey ee degmada hawii gudiinaa ilaa hadda ku dilay ku dhawaad afar ruux oo shacab ah oo ay bilaa sabab ku dileen waxaana bilaabmay xasuuq ay marlabaad u gaysanayaan dadka soomalida ah ee la dagan taasi oo ay kaga soo horjeedaan islamarkaana ay ku xumaynayaan war murtiyeedkii ka soo baxay qiimayntii qotoda dheerayd ee uu xisbiga EPRDF mudada 17 moolmod ahayd u socoday ee ay ku meel mariyeen sugida amniga, saraynta sharciga, xalinta khilaafaadka xadka iyo balanqaadkii nabad kuwa noolaanshaha qoomiyadaha dalka.

 

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Tababar U Soo Gabagabeeyay Shaqaalaha Xafiiska.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 8da January, 2018. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa tababar ku saabsan taaba galinta iyo hirgalinta barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee loo yaqaano Balanced Score Card (BSC) u soo gabagabeeyay shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI.

Waxaana soo xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka laga lahaa tababarkan oo ah shaqaalaha lagu tababaro sidii ay fahan buuxa uga yeelan lahaayeen hirgalinta barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheeli tiran, xoojinta maamulka suuban, axdiga muwaadiniinta iyo ciidanka horumarka . wasiiirka oo sii wada hadalkiia ayaa ka warbixiyay jihooyinka uu xooga saaraya barnaamijkan waxqabadka isku dheeli tiran oo ah qancinta macaamiisha, adeegsiga miisaaniyada iyo hantida, geedi socodka shaqada xafiiska iyo kobcinta awooda shaqaalaha xafiiska wasiirka ayaa sheegay in fulintiisu tahay barnaamij lagaga midho dhalinayo geediga shaqooyinka lagaga midho dhalinayo horumarka  si gaar ahna u tilmaamayo  tabaha iyo xeeladaha lagu fulinayo  qorshaha GTP2ga wasiirka ayaa shaqaalaha kula dar-daarmay in ay sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan cashiradii ay ka barteen tababarkan si loo gaadho natiijada

 

Dhankooda qaarka mid ah shaqaalaha xafiiska ee loo soo gabagabeeyay tababarkan  oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay faa’iidooyinka ay ka heleen mudadii uu socday tababarku waxayna balan qaadeen in ay sidii loogu talagalay u taabagalinayaan islamarkaana guulo waawayn ka soo hoynayaan ujeedooyinkii laga lahaa tababarkan. 

አስደንጋጭ ዜና፤ በምዕራብ ሐረርጌ ዞን በሚገኙ የኢትዮ-ሶማሌ ንጹሃን ዜጎች ላይ በተደረገው የምግብ ማቀቡ ለዜጎች ሞትና እልቅት አዳረገ

$
0
0

ከምዕራብ ሐረርጌ(cakaaranews)ሰኞ፤ታህሳስ 30 ቀን/2010..አሁንየደረሰንመረጃ እንደሚያረጋገጠው፤በኦሮሚያክልልምዕራብሐረርጌዞን በዳሩለቡና በሀዊ ጉዲና ወረዳዎች የሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጅ ንጹሃን ዜጎች በኦሮሚያ ክልል ውስጥ የሚገኙና እራሳቸው ቄሮ ብሎ የሚጠሩ አሸባሪ ቡዱን በሶማሌ ንጹሃን ተወላጆች ከነ እንስሳት ሀብታቸው ለበርካታ ቀናት በተወሰኑ አከባቢዎች አሰባስቦ፤ በንጹሃን ዜጎችሁ ላይ የጣሉበት የምግብ፤የዉሃ፤የመድሃኒትና ለሰው ልጅ አስፈላጊ ነገሮች ሁሉ ባደረጉት እገዳና ማቀቡ ባስከተለው ችግር ውስጥ ለረጅም ቀናት በመቆየታቸው ከትላንትና ጀምሮ እድሜያቸው ከ10 አመት በታች ለሆኑት 20 የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጅ ህጻናት በተደረገባቸው በኢ-ሰብኣዊ ድርጊት በመሞታቸውና አሁንም አሸባሪ ቄሮ ቡዱኑ በንጹሃን ዜጎቹ ላይ እየፈጸሙባቸው ባለው የምግብ፤የመድሃኒትና አስፈላጊ እርዳታን ማቀብ በመጣሉ ምክንያት በዜጎችሁ ላይ ለከፋ ርሃብና ሞት እያጋለጠ መሆኑን የአከባቢው ምንጮች አረጋግጧል።

በሌላ በኩል አሸባሪው ቄሮ ቡዱን እስካሁን 4 ንጹሃን የሶማሌ ተወላጅ ዜጎች በሀዊጉዲና ወረዳ በሆየዴ ቀበሌ መግደላቸው ተሰምቷል።ይህ ችግር ደግሞ በቅርቡ የኢህአዴግ ስራ አስፈጻሚ ኮሚቴ ለ17ቀናት ያህል የካሄዱት ጥልቅ ግምገማ ላይ በሰለም፤በህግ የበላይነትና በህዝቦች አብሮ የመኖር እሴቶች ለማረጋገጥ  ሲባል መሪ ድርጅቱና የኢህአዴግ አባል የሆኑት ቤሔራዊ ድርጅቶቹ በጋራና በተናጠል ባወጡት መመሪያ ነጥቦች፤በኢ.ፈ.ዴ.ሪ. ቤሔራዊ የጸጥታ ም/ቤቱና በፈዴራል ፖሊስ ኮሚሽን የወጣ መመሪያዎችሁ እንዳይሳካ ጸረ-ሰላሙ ቄሮ  የሚያደርጉት መሰናከልና እንቅፋት መሆኑን በግልጽ ያሳያል።

 


Another New Massacre of Somalis

$
0
0

Balbalayti(Cakaaranews) Sunday 8th January 2018 . Avery horrific and scared news from West Hararghe Zone that 4 innocent Somalis were killed no means today by Qerroo and Oromo police in Hoyade and Kore localities of Hawi Gudina district in West Hararghe Zone of Oromo Region.  

Meanwhile, there are also 20 children who have been perished as a result of long starvation campaign by Oromo Police, Qeerroo and an ethnic mob in Oromo Region.

These horrific and inhumane concentrations and stranding of innocent Somalis is happening as we speak in Wartadara, Haroo Algee, Milqaayee, Sorooro, Dhaaba in Daru Lebu district and Koorker, Gamoole, Hoyade, Kora, Ta’oo Ibsaa in Hawi Gudina district.

After this long starvation campaign of Somalis in West Hararghe, now the perishing of 20 children who are all under the age of 10 won’t come as a surprise.

This is an unfolding humanitarian catastrophe; the issue urges from the Federal, Oromo administration and Somali Regional governments to act quickly so as to put this humanitarian mess that has dragged far too long to an end.

Although theFederal Army was in hoyade and Kore localities there is no clear why they didn’t act to prevent this to occur and only showed up after the massacre of these innocent Somalis.

 This is against the decisions from EPRDF’s Meeting and the federal policy’s campaign of investigation on the current issue.

 

OGEYSIIS: DHAMAAN QURBAJOOGTA DDSI EE WAQOOYIGA AMERICA

$
0
0

Minneapolis(Cakaaranews) Isniin 8da January 2018. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan qurbajoogta DDSI ee kunool wadanka maraykanka inuu jiri-doono shirwayne balaadhan oo kadhici doona Mineapolis maalinta jamcaha ah galabnimadeeda 5:00pm ee habeenka sabtidu soo galayso. Goobta shirka dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa.
FG: Fadlan wixii faah-faahin ah kalaxidhiidh gudiga qabanqaabada iyo xubnaha hogaaminta.

FG: Faahin-faahin dheeri ah kalasoco: www.cakaaranews.com

 

Raysul Wasaaraha JDFI Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socday Sudaan.

$
0
0

Addis-ababa,(cakaaranews), talaado, 9ka January, 2018. Raysul-wasaaraha JDFI mudan Hailemaraim Dessaleng  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday wadanka suudaan oo uu hogaaminayay  abaanduulaha ciidamada difaaca dalka sudan litenal general Emad Aldin mustafa raysli wasaaraha ayaa ugu horayntii waftigan ku soo dhaweeyay dalka itoobiya islamarkaana sheegay in itoobiya iyo wadanka suudaan uu u  dhexeeyo xidhiidh wanaagsan oo  ku salaysan iskaashiga labada dal islamarkaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashigaasi

Dhankiida abaanduulaha ciidamada difaaca dalka suudan Litenal General Emad Aldin Mustafa ayaa gudoonsiiyay raysal wasaaraha JDFI  dhambaal warqadeed oo uu uga siday madaxwaynaha dalka sudan cumar xasan albashiir wuxuuna u mahad naqay raysil wasaaraha JDFI sida meeqaamka sare ah ee uu u qaabilay  wuxuuna ka sheegay xidhiidhka qotoda dheer ee wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo jihooyinka lagu sii xoojinayo iskaashigaasi isaga oo intaasi ku daray in itoobiya iyo sudan ay yihiin  laba dal oo wadaaga  istaraatiji mug wayn   sii adkayn doonaan iskaashi gooda  si dookalana ka wada hortagi doonaan caqabadaha imankara.

Madaxa Xafiiska Raysul wasaaraha JDFI  ee  Waaxda Adeegyada  Warbaahinta iyo isgaadhsiinta lehna awood wasiir  mudane Sadig Abraha  oo  warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay mudadii uu socday kulanka Raysil wasaaraha JDFI iyo waftigan ka socday suudaan  si qoto dheer uga  wada hadleen  arimo ku aadan iskaashiga laba geesoodka ah ee arimaha qaarada, mandaqada geeska iyo xaaladaha caalamka. Islamarkaana  diirada  lagu saarayay  sii xoojinta iskaashiga labada dhinaca isaga oo  intaasi ku dareen in  Raysalwasaaruhu u xaqiijiyay waftigan  sida ay itoobiya  uga go-antahay sidii  loo sii xoojin lahayd iskaashiga muga wayn   labada dal ka soo dhexeeyay guyaal badan,

Ugu dambayntii waxaa xusid mudan in mudaddii uu kulankani socday  labada dhinac ku heshiiyeen sidii ay u sii karaar galinlahaayeen iskaashiga  ku qotoma arimo kaladuwan oo heer qaaradeed ah iyo caalamba ah sidii faaiidooyinka  gaarka ah u gaadhaan itoobiya  iyo dalka sudan si looga midho dhaliyo  xidhiidhka  xoogan ee ku salaysan  arimo bulsho,siyaasadeed, iyo dhaqaale. loona joogteeyo kor u qaadista iskaashiga millatariga iyo nabadgalyada  ee ay labada dal si wada jir ah u gaga hortagayaan  argagixisada.

 

 

 

 

 

 

Hanti-dhawrka Xafiisyada Oo Tababar Loo Qabtay

$
0
0

jigjiga(cakaaranews)Talaado,9ka January 2018. Tababar uu soo agaasimay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa tababar uqabtay 75 xubnood oo dhawaan lagu meelayay hantidhawrka gudaha ee xafiisyada heerdeegaan iyo waliba qaar kamid ah hantidhawrka gobolada iyo degmooyinka. tababarkaasoo kor loogu qadayay garaadkooda  aqoomeed ee ku aadan nidaamka iyo shuruucda maaliyada.

Tababarkan ayaa waxaa casharada bixinayay khabiiro Katirsan xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI kuwaasoo aqoonsare u leh casharada ay bixinayeen ee sida nidaamka hantidharka iyo waliba shuruucda maaliyadeed.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa kawarbixiyay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warnmooge oo sheegay in xafiiska ay ka go'antahay in uu kor uqaado cududa shaqaale iyo waliba sidii loo kobcinlahaa garaadkooda aqoomeed si loogu dhaqmo shuruucda maaliyadeed yaasina ay  ujeedadeedu tahay in khayraadka aan haysano lagu qabto baahiyaha aan leenahay. wuxuuna kula dardaarmay kaqaybgalayaasha  in casharadan ay barteen ay dhaqangaliyaan islamarkaana ay bulshadooda ugu adeegaan si daacad ah oo wadaniyadi ku dheehantahay.

 

Ugudanbayna, qaarkamid ah kaqaybgalayaashii tababarkan ee ahaa hantidhawrka xafiisyada kaladuwan ee heer deegaan iyo qaarkamid ah xafiisyada gobolada iyo degmooyinka ayaa sheegay in ay qateen tababar aad u wanaagsan oo ay kafaaiideen aqoon iyo cilmi badan oo kusaabsan  kudhaqanka shuruuda maaliyadeed iyo waliba barnaamijyada maaliyadeed ee loogutalagalay shaqooyinka maaliyadeed.

Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Doxooyinka DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Dhinaca Dib U Dajinta Bulshada

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 9ka January, 2018.Wasiirka xafiiska horumarinta  waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay guulaha horumarineed ee sanadihii ugu dambeeyay laga soo hooyay dib u dajinta bulshada xoolo dhaqatada ah ee laga dhigayo xoolo dhaqato beeralay

Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo  laga faaiidaysanayo  khayraaadka deegaanku  hodanka ku yahay  sida 4ta  wabi ee waa wayn ee kala ah Shabeele, Weeb, Dawa, iyo Ganaale kuwaasi oo looga  faa’iidaynayo bulshada ku dhaqan   28 degmo  oo ka mid ah degmooyinka deegaanka iyo 198 tuulo islamarkaana dib u dajin loo sameeyay   199,852 qoys sanadihii ugu dambeeyay kuwaasi oo  rabitaan kooda ku soo dagay si ay iskufilaansho u gaadhaan wasiirka ayaa sheegay in sanadkan qorshaysan tahay in dib u dajin loo sameeyo   15,000 oo qoys halka qorshaha ay xukuumadu u qaadatay isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa ee beer, biyo iyo  caafimaad   uu yahay in la dajinayo 4900 oo qoys sanadkan.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay wasiirku bilowgii iyo hirgalinta mashaariicaha waawayn ee biyo xidheenada deegaanka gaar ahaan kuwa togoga deegaanka loogaga faa’iidaysanayo kaydinta biyaha  si   bulshada xoolo dhaqatada ah ee ay togagu maraan looga faa'iideeyo looguna badalo xoolo dhaqato beeralay islamarkaana kor loogu soo qaado hab nololeedkooda laga gaadhay guulo waawayn oo midho dhalay.

Wasiirka oo siiwata hadalkiisa ayaa sharax dheerka bixiyay faa’iidooyinka laga gaadhay dib u dajinta taasi oo ah in  bulshadii xoolo dhaqatada ahaan jiray ee reer guuraaga ah  heleen nolol deegaanka  ka dib markii dib u dajin loo sameeyay bulshada  xoolahoodana ku dhaqdaan  hab casri ah oo ka faa’iidoyin  badan hababkii hore ee ay xoolahooda u dhaqan jireen si doo kale heleen baad iyo biyo aan kala fogayn  joogto ah kuwaas oo xoolahoodi ay ka heleen cad iyo caano  taya leh oo aysan hada ka hor ka heli jirin  iyada oo dhinaca kale loo dhamays tiray ayuu yidhi  wasiirku  bulshada dib u dajinta loo sameeyay adeegyadii aas aasiga ahaa ee ay ka mid ka yihiin helitaanka biyaha nadiifta ah, adeega caafimaadka oo taya leh, waxbarashada iyo guud ahaanba adeegyada horumarka

 

 

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>