Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 4ta December 2018. Waxaa si rasmi ah ooga furmay cusbitaalka wayn Ee jaamacada jigjiga ee Meles Memorial referal hospital ol-olihii Daawaynta Iyo Qaliinka Indhaha ee bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan boqolaal shacabka maamulka magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda.
Hadaba madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim oo kawarbixiyay ol-olahan adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha ee bilaashka ah ayaa sheegay inuu adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha bilaashka ah ee looga faaiidaynayo dhamaan bulshada ku dhaqan MMJ iyo nawaaxigeeda uu si rasmi ah ubilawday islamarkaana uu socon doono muda 7 cisho ah. Wuxuuna intaa ku daray in markii uu 7aadkan dhamaado ol-olaha adeega qaliinka iyo daawaynta bilaashka ah uu Hospitaalku si rasmi ah usii wadi doono bixinta adeega qaliinka iyo daawaynta indhaha maadaama oo aysan waaxdani horay uga shaqayn jirin hospitaalka.
Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan maamulka magaalada jigjiga iyo naawaaxigeeda oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.