Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

በኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ የሚመራ ከፍተኛ የመንግስት ልዑካን ቡዱን በራሶ ከተማ ደማቅ አቀባበል ተደርጎላቿል

$
0
0

ራሶ(cakaaranews)አርቢ፤ጥር 11/2010ዓ.ም.በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልላዊ መንግስት ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የሚመራ ከፍተኛ የመንግስት ልዑካን ቡዱን ከጎዴ ከተማ አስተዳደር ማህበረሰብ ጋር በአከባቢው ልማት ዙሪያ ካወያዩ በኃላ በነጌ እለት በአፍዴር ዞን፤በራሶ ወረዳ የሚጀመረው የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ድርጅታዊ ኮንፈሬንስ ለማካፈል ወደ ራሶ ወረዳ አቀንቶ፤ ዛሬ ከሳዓት በኃላ በራሶ ከተማ ህዝብ ደማቅ አቀባበል ተደርጎላቿል።

የፕሬዝዳንቱ ልዑካን በመንገድ ላይ በሚገኙ የቤርኣኖ፤የምስራቅ ኢሜይና በአባቆሮው ወረዳዎች የተሰሩ የመስኖ ልማት ፖሮጀክቶች የመስኪ ምልከታ ጉቡኝት በማድረግ፤ፕሬዝዳንቱ የአከባቢው ህዝብ በተፋሰስ አከባቢያቸውን የተሰሩ የመስኖና ግብርና ልማት ፖሮጀክቶች በይቻላል መስፈስ እንድሳተፉና ተጠቃሚ እንድሆኑ አሳስቧል።

በመጨረሻም የፕሬዝዳንቱ ልዑካን ቡዱን በጉዞኣቸው ወቅት በመንገዱ ዳር  ላይ ለሚገኙ የማህበረሰብ ክፍሎች በአከባቢው ልማት ዙሪያ ውይይት ከደረጉ በኃላ በነጌ እለት በራሶ ከተማ የሚጀመረው የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ድርጅታዊ ኮንፈሬንስ ለማካፈ ወደ ራሶ ወረዳ አቀንቶ ዛሬ ከሳዓት በኃላ በሺዎች የሚቆጠሩ የራሶ ከተማ ነዋሪዎች ደማቅ አቀባበል ተደርጎላቿል።

 


Gobolka Doolo Iyo Qiimayntii Waxqabadka Rubuca 2aad Ee SM 2010 T.I

$
0
0

Wardheer(cakaaranews)Sabti, 20ka January 2018 T.I. Waxaa si habsamileh xarunta gobolka doolo ee magaalada wardheer ka bilawday Shirkii Qiimaynta waxqabadka rubuca 2ad ee sanad miisaaniyadeedkan 2010 T.I. Kaasoo ay kasooqaybgaleen dhamaan maamulada degmooyinka hoosyimaada gobolkaasi.

Hadaba, shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii kahadlay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Doolo Mudane Axmednuur Siyaad Cabdi oo sheegay in shirkani uu yahay shirkii caadiga ahaa ee qiimaynta waxqabadka rubuca 2aad ee sanad miisaaniyadeedka 2010 T.I. wuxuuna intaa kudaray masuulku in shirkan si qoto dheer loogu eegayo waxqabadka ama fulinta qorshayaashii u yiilay xafiisyada horumarka ee kala ah  Beeraha, Biyaha, Caafimaadka iyo waxbarashada iyo waliba wakaalada dakhliga ee dhamaan dagmooyinka gobolka doolo. Iyadoo sidookalana degmo kasta ay soo jeedinayso warbixinteeda ku aadan dhanka fulinta qorshaha BBC ee xukuumadu dajisay.

 

Iskusoowada duuboo, qiimaynta iyo islaxisaabtanka ayaa kamid ah nidaamyada maamulka suuban ee lagu xoojiyo qanaca bulshada islamrkaana lagu ogaado kamidho dhalinta qorshayaasha rubuclaha ah iyo waliba sixida caqabadihii horistaagay fulinta qorshayaashaasi. 

Shirwaynihii 11aad Ee Wada Tashiga Xukuumada DDSI Iyo Shacabka Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Raaso

$
0
0

Raaso(Cakaaranews) Sabti 20ka January 2018. Shirwanihii 11aad ee wadatashiga xukuumada DDSI iyo  shacabka deegaanka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar mas’uuliyiin heer deegaan ah, Mas’uuliyiinta gobolada deegaanka, kuwa  degmooyinka iyo in ka badan 3000 oo qof oo ergooyin  ka kala  socda dhamaanba gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa si rasmi ah uga furmay degmada raaso ee gobolka afdheer .

Hadaba kulan waynahan 11aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka deegaanka  ayaa waxaa ugu horayn furay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay in shirwaynahani yahay mid lagaga wada tashanayo  ayaaha iyo horumarka deegaanka islamarkaana lasoo dhigo doono waxqabadk xukuumada ee  10kii sano ee ugu danbeeyay iyadoo la barar dhigayo sidii uu deegaanku ku sugnaa 10 sano ka hor iyo walibaSida looga faaiidaystay Mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay deegaanka.Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in shirwaynahan lagaga hadli doono nidaamkii dhaqan is gumaysiga ah ee ka dhexjira qabiilada soomaaliyeed iyo sidii loo baabiin lahaa Gaar ahaan cadaadis dhaqameedka loo gaystay beesha sharafta leh ee gabooye.

Ugu danbayn shirwaynahan 11aad ee xukuumada iyo shacabka deegaanka ayaa maalmahan kasii socondoona degmada raaso ee gobolka afdheer.

Maalintii 2aad Iyo Shirwaynihii Raaso.

$
0
0

Raaso,(cakaaranews),Axad, 21ka January, 2018. Waxaa maalintii labaad galay shirwaynihii wadatashiga xukuumada DDSI iyo shacab waynaha DDSI oo maalintii shalay si rasmiya uga furmay magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso ee Gobolka Afdheer.

Shirwaynahan ayaa waxa  ka soo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar mas’uuliyiin heer deegaan ah, in ka badan 3000 oo qof oo ergooyin  ka kala  socda dhamaanba gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo isugu jira masuuliyiinta gobolada, deegaanka masuuliyiinta degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI.

Waxaana, maanta galinkii hore la soo bandhigay waxqabadkii xukuumada 10kii sano ee ugu dambeeyay ee dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban gaar ahaan taaba galinta mashaariicaha waawayn ee dhinaca horumarka, sadagaalanka saboolnimada, shaqo abuurka. Waxaana si wayn looga doodi-doonaa halkii uu deegaank taagnaa wixii ka horeeyay 10ban kii sano ee saan soo dhaafnay halka uu eega taagan yahay iyo jihooyinka horumarineed ee loo socdo.

ugu dambayntii shabakada wararka cakaaranews ayaa waxay si joogta ah idiinku soo tabin-doontaa wararka shirwaynaha wadatashiga shacab-waynaha DDSI iyo  xukuumada DDSI ee ka socda Raaso.

BEENTA IYO BOROBOGAANDADA RTN TV

$
0
0

Nairobi(Cakaaranews) Axad, 21ka January 2018. RTN TV oo mudo dhaw uun la aas-aasay islamarkaana uu leeyahay nin lagu magacaabo axmednaasir cabdulaahi oo ah shaqsi nabadiid ah oo xidhiidh laleh ururada argagixisada ah ee alqushaash, daacish, UBBO, alqaacida, boko-xaaraam iwm  oo kudhuumalaysta gudaha dalka Kenya  ayaa kadib markuu iska bixin waayay lacagtii kirada  hawada ayaa waxa uu mulkiiluhu is yidhi xageed borobogaandaysaa oo ay  lacagi kaasoo gali kartaa maanta gaar ahaan dawladaha soomaaliyeed.

Hadaba mulkiilaha RTN TV axmednaasir cabdulaahi oo kusifoobay xoolo cirdoonimo, danayste, calooshii ushaqayste, Iimaanlaawe, Nabadiidnimo al qushaashnimo, Sirqaanimo, Beenaalenimo IWM  ayaa been iyo borobagaando cad oo aan sal iyo raad toona lahayn oo uu kudoonayo in lagu guneeyo kubilaabay maalmahan danbe TVgiisa inuu wax kasheego Horumarka DDSI isagoo meel kaga dhacay xeerkii, Anshixii iyo shuruucdii saxaafada ee caalaamiga ahayd islamarkaana warar bilaa source  iyo sawiro aan islahayn kasii daaya RTN TV. Taas oo ay keentay hunguri doon maadaama oo uu iska bixin waayay lacagtii kirada hawada(Satellite)

Sidoo kale Mulkiilaha RTN TV ayaa sheer kulajira hogaaminta kooxaha argagixisada ah sida alshabaab (alqushaash), daacish, UBBO, alqaacida, boko-xaaraam iwm. Wuxuuna TVgiisa  u isticmaalaa qaaciidada ah ‘‘farihii dufan leh baa wax duuga’’ taas oo cadayn u ah in uu lacagta ugu badan ee TVga uu kahelo ururada argagixisada ah si uu ugu meelmariyo mabaadiidooda. Isagoo ay ciidamada Kenya ay hada kahor habeen badh udhaceen gurigiisa kalana baxeen  kadib markii ay xaqiijiyeen in uu xidhiidh toos ah laleeyahay hogaaminta sare ee ururada argagixisada ah oo uu ku lug lahaa wareerkii ay 70ka qof ku xasuuqeen argagixisadu ee West gate mall .

Dhanka kale shaqaalo badan oo ka shaqayn jiray RTN TV ayaa iskacasilay kadib markii ay u adkaysan waayeen dhaqan xumada mulkiilaha oo ay kamid tahay cadiifad qabiil, tabinta buunbuuninta wararka aan sal iyo raadka toona lahayn ee iskahorkeenaya qabiilada soomaaliya ee walaalaha ah. Waxaa intaa dheer oo uu mulkiilaha RTN TV kucaanbaxay kaganacsiga iyo xaalad abuurka beenta ah ee kuwajahan xasilooni darida kataagan soomaaliya islamarkaana wuxuu aaminsan yahay in xasilooni iyo nabad kadhalata soomaaliya ay lid kutahay ganacsigiisa taas oo kadhigan in hadii soomaaliya nabad kadhalato uu soo afjarmayo qandaraaskii uu kulajiray ururada argagixisada ah.

Hadaba  mulkiilaha RTN TV ayaa kusifoobay dhaqan xumo kadhan ah Diinta Islaamka oo ay kamid tahay tumashada, fasahaadinta dumarka isagoo kaameero qarsoon kaduubanaya, isticmaalka balwadaha xaaraanta ah sida kumaydhashada khamriga iyo waliba kukhamaarka nafta biniaadamka..

Ugu danbayn waxaan usheegaynaa bulshada soomaalida inay ogaadaan in RTN TV uu yahay mid ku taagan lacagaha barobogaanadada ah ee uu kahelo gunada lagu siiyo barobogaandada iyo xidhiidhka uu leeyahay ururada argagixisad ah.

MW CMC OO RAASHIN IYO AGABYO KALADUWAN GAADHSIIYAY DADKII SOOMAALIDA AHAA EE OROMADA KASOO BARAKACAY

$
0
0

Raaso(Cakaaranews) Axad 21ka January 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisii ayaa markii ay gaadheen magaalada raaso  waxay raashinka noocyadiisa kaladuwan oo ka kooban Bariis, Sonkor, Caano, Buskut  iyo waliba agabyo bustayaal ah gaadhsiiyeen Dadkii soomaalida ahaa ee kasoo barakacay deegaanka oromada ee ku sugnaa magaalada raaso oo ka kooban kumanaan qoys . Waxaana deeqdan ka kooban raashinka noocyadiisa kaladuwan iyo agabka gacantiisa ugu qaybinayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Waftigiisa

Hadaba dadkan soomaalida ah ee kasoo barakacay deegaanka oromada ayaa bogaadiyay una mahad celiyay xukuumada deeqdan ka kooban raashinka noocyadiisa kaladuwan iyo agabkan ay xukuumad soo gaadhsiisay.

Ugu danbayna deeqdan ayaan ahayn markii  koobaad ay xukuumadu soo gaadhsiiso  dadkan barakacayaasha ah ee raaso  balse waa mid joogta ahayd oo  ay xukuumadu soo  gaadhsiin jirtay goob walba oo ay barakacayaasha soomaalidu ahi ku suganyhiin.

Nuxurka Kasoo Baxay Shirkii 18ka Cisho Usocday Ururada Kubahoobay Xisbiga EPRDF

$
0
0

addisababa(Cakaaranews) Sabti 30ka December, 2017. Shirkii qiimaynta ahaa ee usocday ururada kubahoobay xisbiga EPRDF 18kii maalmood ee lasoo dhaafay oo lagu qiimaynayay xaalada guud ee dalka gaar ahaan jihooyinka waxqabadka horumarineed, nabadgelyo iyo kuwa maamulka suuban si gaar ahna diirada loogu saarayay xalinta dhibaatooyinkii kadhacay dalka sanadihii udanbeeyay ayaa wuxuu xisbigu ugu horayn islaqaatay inuu wadanku kutalaabsaday horumar xawli ah dhinacyada kor-uqaadida kaabayaasha dhaqaalaha, nabad kuwada noolaansha qowmiyadaha iyo shucuubaha dalka iyo hirgalinta nidaamka maamulka suuban.

Waxaa kale oo uu xisbigu islaqaatay inay iyana dhanka kale ay jireen dhibaatooyin lidi ku ah horumarka iyo nabadgelyada baaxada leh ee uu dalku kutalaabsaday laga soo bilaabo 2007TI oo keensaday khasaare naf iyo maalba leh gaar ahaan: nabadgelyo-daro, qalalaaso siyaasadeed, burbur dhaqaale, is-aamin-daro kadhex dhalatay qowmiyadaha dalka oo keentay xasuuq, dhac iyo barakac intaba.

Hadaba, hadaan soo qaadano nuxurka go'aamada kasoo baxay qiimaynta sal iyo baar ay iskuqiimeeyeen ururada kubahoobay xisbiga EPRDF maadaama uu qoraalka go'aanku dheer yahayna aan dib idiinka soo tabin doono isagoo dhamaystiran waa kuwan qaar kamid ah nuxurka go'aamadii kasoo baxay qiimaynta

1.       Waxay qiimayntu dusha kasaartay dhamaan dhibaatooyinkii dhacay gudiga fulinta gaar ahaan hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF maadaama oo xiligii dhibaatooyinku dhacayeen aysan daraasaad kusamaynin markay dhacdayna aysan xal kakeenin.

2.       Wuxuu xisbigu sidoo kale cadeeyay inay xisbiga EPRDF kadhex dhalatay koox bilaa hogaamin ah oo kumidawday danaysi iyo aragti xumo kadhan ah jihooyinka ay EPRDF kumidawday

3.       Waxay hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF gaar ahaan gudiga fulintu ay qaadatay dhaliisha dhamaan dhibaatooyinkii dhacay islamarkaana ay raalin galin kawaydiisteen guud ahaan shacabwaynaha dalka, xubnaha EPRDF iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF

4.       Wuxuu xisbiga EPRDF balanqaaday in dhamaan khaladaadkii dhacay ay saxayaan oo ay sugayaan saraynta sharciga, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka.

5.       Waxaa kale oo uu xisbigu go'aamiyay in ururada katirsan xisbiga EPRDF ay si gooni ah isugu qiimeeyaan dhibaatooyinka maamul xumo ee laqiimeeyay cidii kulug-lahaydna talaabo laga qaado

6.       Wuxuu xisbigu ku amaanay ciidamada difaaca qaranka shaqooyinka muhiimka ah ee ay kaqabteen dhibaatooyinkii dhacay isagoo bogaadin usoo jeediyay

7.       In dhibaatooyinkii kajiray dhanka xadka ee gaar ahaan soomaalida iyo oromada oo qayb ka ahaa xumadii siyaasadeed ee guud ahaan kajirtay dalka xal waara laga gaadho.

Iskusoo wada duuboo, waxaa wax lagu farxo ah in ururka EPRDF oo lagu yiqiinay islahalgan iyo isasixitaan uu soo saaro khaladaadku meeshu kajiray oo uu iskula halgamay isuna saxay islamarkaana lagu soo noqday jihooyinkii EPRDF lagu yaqaanay.

Ugudanbayna, XDSHSI oo bahwadaag la ah xisbiga EPRDF ayaa soo dhaweeyay islamarkaana bogaadiyay qiimaynta xisbiga EPRDF iyo awaamirtii kasoo baxday.

 

Bulshada Iyo Maamulka Degmada Waqooyiga Jigjiga Ayaa Sheegay In Sarac Kabadan Waxsoosaarka Sanadihii Hore Uu U Soo Go’ay Sanadkan.

$
0
0

Haroorays(cakaaranews)Axad, 31ka December 2017. Bulshada kudhaqan degmada waqooyiga jigjiga ee horoorays  ayaa sheegay in sanadkan uu u soo go’ay sarac kabadan waxsoosaarka sanadihii hore kaasoo isugujira qamandi, heed, Galay, iyo waliba hadhuudh yaryare. Iyadoo sidookalena maamulka degmadu uu seegay in meel fiican uu marayo fulinta qorshaha BBC ee larabo in looga faaiideeyo bulshada kudhaqan degmadaasi.

Hadaba, kusimaha gudoomiyaha ahna madaxa xafiiska maaliyada degmada waqooyiga jigjiga marwo Ayaan Siyaad oo u warantay warbaahinta deeganka ayaa sheegtay in dadaal balaadhan ay ugu jiraan goynta iyo soo xaraynta saraca u soo go ay sanadkan iyo waliba fulinta qorshaha BBC ee kuqotama waxsoosaarka dhulka. Waxayna xustay marwadu in sanadkan ay soogo’een sarac badan oo kaladuwan oo isugujira qamandi, heed, galay iyo waliba hadhuudh yaryare kaasoo kabadan waxsoosaarka sanadihii hore. Waxayna tilmaantay in ka maamul ahaan ay bulshada kudhaqan 17 senter ee degmada waqooyiga jigjiga ay siinayaan wacyigalin ku’aadan kafaaiidaysiga dhulka. Iyo waliba kamidho dhalinta qorshaha sanadkan ay xukuumadu qaadatay ee loogu magac daray Biyo, Baad, Bee,r Cilmi iyo caafimaad (BBC) 

 

Ugudanbayna, qaarkamid ah bulshada kudhaqan degmadaasi oo kahadlay dareenkooda ku aadan waxsoosaarka sanadkan ayaa sheegay in sanadkan uu u soogo’ay sarac  kabadan waxsoosaarka sanadihii hore, waxayna tilmaameen in dadaalkooda ku aadan waxsoosaarka ay sii labo jibaarayaan islamarkaana ay kafaaiidaysanayaan qorshaha xukuumadu sanadkan qaadatay ee BBC. 


MM Qabribayax Iyo Dhalinyarada Oo Lasiiyay Lacagihii Daynta Ahaa Ee Shaqo Abuurka Loogu Samaynayay

$
0
0

Qabribayax(cakaaranews)Isniin, 1da January 2018. Kulan balaadhan oo ay kasooqaybgaleen wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarhaha DDSI ahna lataliyaha Madaxwaynaha ee dhanka saxaafada, kusimaha maayorka MM Qabribayax iyo waliba dhamaan dhalinyarada iskaashatooyinka laisugu xidhay ee MM Qabribayax. Kulankaa oo ujeedadiisu tahay gudoonsiinta lacagaha daynta ah ee loogu talagalay shaqo abuurka dhalinyarada maamulka magaalada qabribayax ayaa si ahbasamileh uga qabsoomay MMQ.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Dhalinyarada Iyo Ciyaarhaha DDSI Ahna Lataliyaha Madaxwaynaha ee Dhanka Saxaafada Mudane Maxamed Bile Xasan oo sheegay in kulankani yahay mid dhalinyarada Magaalada qabribayax lagu gudoonsiinayo lacagihii daynta ahaa ee ay xukuumadu ugu talagashay islamarkaana shaqo abuurka loogu samyanayay dhalinyarada. Wuxuuna wasiirku xusay in dhalinyaradan la gudoonsiinayo lacago farabadan. taasoo loogu talagalay in lagu tirtiro shaqo la’aanta  dhalinyarada. Iyadoo tanina ay kamid tahay qorshayaasha dalka iyo deegaankuba qaatay ee ah tiririda saboolnimada. Wuxuuna dhalinyarada kula dardaarmay in sifiican ay uga midho dhaliyaan shaqooyinka iyo xirfadaha ay barteen si wadaniyad lehna uga soo baxaan waajibaadkooda si iyagu isugufilaadaan bulshadoodana wax utaraan.

Dhankakale, kusimaha Maayorka Maamulka Magaalada Qabribayax Marwo Samsam Xuseen Cabdi oo iyadna kulankan kahadashay ayaa sheegtay in dhalinyaradnani ay yihiin kuwo isugu xidhan iskaashatooyin kuwaasoo kutacaluqa shaqooyin kaladuwan sida  isaakashatada naaxinta-xoolaha, iskaashatada wax soosaarka beeraha, iskaashatada digaaga iyo waliba shirkado iyo warshado yarayar oo kala duwan. Waxayna dhalinyarada ku boorisay in ay kamidho dhaliyaan shaqooyinkooda.

 

Ugudanbayna. Qaarkamid ah iskaashatooyinka dhalinyarada MMQ oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin lacagahan lagudoonsiiyay ee shaqo abuurka loogu smaeeyay. Waxayna balan qaadeen in ay kasoobaxayaan waajibaadka saaran ee ah in ay layimaadaan waxsoosaar wanaagsan si ay uga baxaan saboolnimada. Waxayna u mahadceliyeen xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI.

Dhalinyarada Gobolka Faafan Oo Yeeshay Kulan Lagu Dar-dargalinayo qorshayaasha horumarka

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),isniin, 1da January, 2018. Xukuumada DDSI  ayaa sanadihii ugu dambeeyay Dajisay  istiraatijiyadaha iyo xeeladaha cilmiyaysan oo   lagu gaadhayo hadafka iyo himilada deegaanka ee lagu  tir tirayo saboolnimada iyo shaqo la aanta  islamarkaana kor loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaanka  kuwaasi oo laga gaadhay guulo waawayn oo gashi u noqday  bulshada deegaanka.

Dhalinyaradu waa lafdhabarta bulshada iyo cududa hirgalisa qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban  sidaasi darteed Waxaa maanta  dhacay magaalada jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee SMCX  kulan balaadhan oo ay yeesheen dhalinyarada iyo aqoon yahanka  gobolka faafan waxayna ujeedada kulankaasi ahayd  mid lagu sii xoojinayo dar dargalinta tiirarka horumarka deeganka, doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin, sidoo kale waxaa kulankan lagu taageerayay shirwaynihii wadatashiga xukuumada DDSI iyo qurba joogta deegaanka ee north America ee ka dhacay magaalada Minneapolis, iyada oo dhinaca kale ay ku cambaareeyeen shaqsiyaadka lidka ku ah hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka

Waxayna, kulankaasi ku gorfeeyeen dhalinyaradu isbadalka horumarineed nabadgaliyo iyo maamulka suuban ee sanadihii ugu dambeeyay ka hirgalay deegaanka haddii ay tahay hirgalinta adeegyada horumarka aas aasiga ah kor u qaaditaanka koboca dhaqaalaha deegaanka horumarinta magaalooyinka, samaynta jidadka iyo buundooyinka isku xidhaya gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka.sidoo kale waxay dhalinyaradu si qoto dheer uga hadleen sidii uu shalay deegaanku ahaa iyo heerka uu taagan yahay maanta waxayna, tusaale u soo qaateen sida ay ahaan jiray sanadihii hore caasimada deegaanka ee jigjiga iyo heerka ay maanta taagan tahay dhinacyada bilicda, baaxada, nadaafada, adeeg bixinta, wadooyinka waxayna sheegeen in maanta caasimada deegaanka ee jigjiga la tartamayso caasimadaha ugu horeeya deegaanada dalka.

Ugu dambayntii waxay dhalinyaradu isla qaateen in guulo waawayn oo dhaxal gal ah laga gaadhay taaba galinta qorshayaasha horumarineed deegaanka, in ay dhalinyaradu sii xoojiso dar-dargalinta kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarineed, in ay ku dhaqmaan islamarkana hirgaliyaan  qorshayaasha, barnaamijyada iyo jihooyinka xukuumada DDSI waxayna siwayn u taageereen shirwaynihii wadatashiga xukuumada DDSI iyo qurba joogta north america sidoo kale waxay cambaareeyeen shaqsiyaadka lidka ku ah taaba galinta qorshayaasha horumarka ee ka soo jeeda gobolka faafan.

 

 

Kulan Balaadhan Oo Dood Cilmiyeed Ah Ayaa Ka Furmay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 1da January, 2018. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka golaha baarlamaanka ahna gudoomiyaha XDSHI mudane Maxamedrashiid Isaaq , Qaar kamid ah kaabaneega deegaanka, Agaasimayaasha iyo heerarka kaladuwan ee shaqaalaha heer deegaan odayaal dhaqameedka deegaanka culimo owdiinka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee madaxtooyada ee Kaali1.

Hadaba kulankan Dood cilmiyeedka ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn si kooban uga warbixiyay sooyaalka taariikheed ee horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban islamarkaana  sheegay in uu ujeedada kulankan yahay dood cilmiyeed ku suubsan la dagaalanka dhaqan isgumaysiga ah ee ku salaysan yasida qaabiilaadka qaar, in laga doodo Cadooyinka xunxun sida gudniinka fircooniga ah, Shaqo abuurka  iyo xalinta dhibaatooyin kajira teesaraha deegaanka.

Wuxuuna Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlaya dhaqan is gumaysiga qabiilaadka soomaaliyeed ka dhexjira ee ku salaysan yasida qabiilaadka qaar. Isagoo madaxwaynuhu tusaale ahaan usoo qaatay erayga  midgaan oo uu madaxwaynuhu ku tilmaamay eraygaas micnihiisa in loo isticmaali jiray ugaadhsigii oo noqonaysa MID GAN oo ah FALAADHA MID GAN. Micnaha Erayga gabooyana yahay bahasha lagu rito falaadha. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale qeexay macnaha erayga tumaal oo uu ku sheegay inuu yahay ah TUM OO MAAL ama TUN MAAL . Wuxuuna madaxwaynuhu ku dhaliilay qabiilaadkaas in ay ku khaldameen isyasitaanka ay is yaseen islamarkaana ay joojiyaan is yasitaankaas maadaama dadku simanyahay oo uusan jirin mid mid ka fiican.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa soo dhigay ka doodida cadooyinka xun xun oo uu ugu horeeyo gudniinka fircooniga ah oo haboon in lagu saleeyo deegaanka lagu suganyahay oo madaxwaynuhu tusaale ahaan usoo qaatay deegaanada axmaarada iyo dhabuub oo maraya inay ka doodaan in xubinta aan waxba laga jirin iyo in waxyar laga jaro meesha deegaankeenu marayo in xubinta tolitaanka iyo qalitaanka  laga daayo. Madaxwaynaha ayaana culimo owdiinka u xilsaaray inay soo cadeeyaan qodobkan cadooyinka xun-xun eek amid yahay gudniinka fircooniga ah.

Sidoo kale madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in dhibaato ka jirto bixinta teesaraha  islamarkaana ay jiraan degmooyin aan lahayn goob sawir lagu qaado, Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in dhibaatooyinkaas sida ugu dhaqsadi baadan lagu xalin doona iyadoo hal qaab loo dhigi doono teesaraha oo  xog uu buuxiyo shaqsiga lagusiin doono. Dhanka degmooyinka aan lahay goob sawirna loo samayn doono iyadoo lasiin doono dhalinyaro shaqo abuur loogu samaynayo.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay ka soo qaybgalayaashii dood cilmiyeedka oo ay kamdi ahaayeen culimo owdiinka oo sheegay in dhaqan isagumaysiga ku salaysan yasida qabiilada qaar iyo cadooyinka xun=xun oo uu kamid yahay gudniinka fircooniga uu yahay mid diiniyan aan haboonayn islamarkaana aysan jirin aayad quraan ah oo ka hadlaysa iyo xadiis midnaba.

Sikastaba ha ahaatee kulankan dood cilmiyeedka ah ayaa maalmahan soo socda kasii socon doona madasha shirarka kaali1 ee xarunta  madaxtooyada DDSI.

በክልሉ ርዕስመዲና በጎጂ ልማዶች የሚትኮር የሲምፖዝየም መድረክ ተጀመረ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሰኞ ታህሳስ 23ቀን/2010ዓ.ም.በክልሉ ርዕስመዲና በመስተዳደር ጽ/ቤት ጊቢ በሚገኘው በካሊ1 አደራሽ በጎጂ ልማዳዊ ድርግቶች የሚወያይበት የሲምፖዝየም መድረክ  ተጀመረ።በምክክር መድረኩ ላይ የክልሉ ከፍተኛ አመረር አባላት የክልሉ ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድና የክልሉ ም/ቤት አፈጉባኤ አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅን ጨምሮ የክልሉ ካቢኔ አባላት፤አገር ሽማግሌዎች፤የሃይማኖት አባቶችና የክልሉ ሴክተር መ/ቤቶች ሰረተኞችና ሌሎች እንግዶችም ተገኝቷል።

በመድረኩ መፍቻ ላይ በክልሉ ልማት፤ሰላምና በክልሉ መልካም አስተዳደር ህደቶች ዙሪያ አጭር ርፖርት ያቀረቡት የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የሲምፖዝየሙ አላማ “በክልሉ የሚኖሩ ጎሳዎችን መካከል በአንዳንድ ጎሳ ላይ የሚደረገው ጎጂ ንቀቶችን ለማስወገድ፤በክልሉ ማህበረሰብ ውስጥ የሚታዩ ጎጂ ልማዳዊ ድርቶች እንደ የሴት ልጅ ግርዛትና ስራን የመናቅ፤ እንድሁም የነዋሪ ማተወቅያ ዙሪያ ያሉ ችግሮችን ለማጥፋት የሚወያይበት ሲምፖዝየም መሆኑን ገልጿል።

በተጨማሪም በክልሉ የሚኖሩ የማህበረሰብ ክፍሎች ለሚጠቀሙት የንቀትና ጸያፍ ቃላት መቆም አለባቸው በማለት ለምሳሌ ያህል በአንዳንድ ማህበረሰብ ላይ የሚጠረው ስያሜዎችና በሶማለኛ ቋንቋ “ሚድጋን” የሚለው ቃል በድሮ በእንስሳት አደን ጊዜ ሲጠቀሚበት የነበረ ቃል ሲሆን ትርጉሙ “ቀስት ማስቀየስ”ሲሆን “ገቦያ” የሚለውም “የቀስት መያዣያ” እንደሆ “ቱማል”የሚለው ቃልም “ተከሻ ተጠቀሞ የበላ ወይም ቀጥቃጭ” የሚል ትርጉም የሚሰጡ  የንቀት ቃላት ከመሆናቸው ባሻገር እንደዚህ አይነት የንቀት ተግባራት ተቀብሎ እራሳቸው ዝቅ ያደረጉት ጎሳዎች ከመሰረቱ እራሳቸው የናቁና የበታች ያደረጉ እራሳቸው ናቸውና የሰው ልጅ ሁሉ እኩል እስከሆነ ድረስ መቀበል አልበረባቸውም  ብሏል የክልሉ ፕሬዝዳንት።

ፕሬዝዳንቱ እንደ የሴት  ልጅ ግርዛት ያሉ ጎጂ-ልማዳዊ ድርቶች በአማራና በደቡብ ክልሎች የሴትልጅ ግርዛት በፍጹም የሴቷ ብልት ጭራሽ አይነካና በጫፉ ትንሽ ይጨረፍ ላይ ሲከራከሩ በክልላችን ደግሞ ሴቷ ሙሉ በሙሉ ትገረዝ ወይም ትሰፋ በሚል ላይ እንከራከራለን ሲሉ ተናግሯል።በተጨማሪም የክልሉ እምነት አባቶች በሴት ልጅ ግርዛት ዙሪያ ያለው ተጨባጭና ግልጽነት ያለው እምነታዊ ማስረጃ እንድያቀርቡ ፕሬዝዳንቱ አሳስቧል።

በሌላ በኩል የክልሉ ርዕስመስተዳደር በነዋሪ ማታወቅያ መስጠት ዙሪያ ችግሮች እንዳሉ ከመግለጹ ባሻገር በአንዳንድ የክልሉ ወረዎች ላይ ፎቶቤት እንደለሌና ችግሮቹ በቅርብ ጊዜ በአንድ ወጥነት ያለው መንገድ እንደሚፈቱ ጠቆሟል በተጨማሪም ፎቶቤት የሌላቸው ወረዳዎች ለአከባቢው ወጣቶች የፎቶቤት መሳሪያዎች ተገስቶለት የስራ እድል እንደሚፈጠርላቸው እና ማህበረሰቡም ተጠቃሚ እንደሚሆኑ ፕሬዝዳንቱ አብራርቷል።

በመጨረሻም የክልሉ የሃይማኖት አባቶች በበኩላቸው የአንድ ጎሳ/የማህበረሰብ ክፍል የመናቅም ሆነ በጎጅ ልማዳዊ ድርግቶች እንደ የሴት ልጆቻችን ግርዛት በእስልምና ሃይማኖት በቁርዓንም ሆነ በሀዲሲን የማይፈቀድ ምንጭ አልባ ተግባራት መሆናቸውን ገልጿል።የሲምፖዝምየም ውይይቱ ለቀጣይ ቀናት እንደሚቀጠልም ተገልጿል።

 

MW CMC OO U AMBABAXAY XARUNTA DALKA EE ADHISABABA

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Talaado, 2dii january 2018. Wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kakooban 25 xubnood ayaa saaka magaalada jigjiga uga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada adhisababa iyagoo madaxwaynaha iyo waftigiisu ugasii gudbi doona dhanka xarunta deegaanka tigray ee magaalada maqale halkaas oo ay kaga qaybgali doonaan shir balaadhan oo kadhici doona maalmaha fooda inagu soo haya. Shirkaas oo 5ta xisbi ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF ee Soomaalida, Canfarta, Benishangul, Hararida iyo Gambella loogu soo bandhigi doono qiimayntii qotoda dheerayd ee 18ka maalmood usocotay xisbiga EPRDF siday dhacday, nidaamkii iyo geedi-socodkii qiimaynta, cid walba oo kamid ah xisbiga EPRDF iyo sidii loo qiimeeyay, cidii laga talaabaqaaday iyo waliba go'aamadii kasoo baxay si ay khibrad uga qaataan islamarkaana ay hoos ugu dhaadhiciyaan.

ፕሬዝዳንት አብዲ መሀሙድ ኡመር ወደ አገሪቱ ርዕስመዲና አመሩ

$
0
0

አዲስ አበባ(Cakaaranews)መክሰኞ፤ታህሳስ 24ቀን 2010ዓ.ም.በኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የሚመራና 25 የክልሉ ካቢኔ አባላት ያቀፈ ከፍተኛ ልዑካን ቡዱን ከክልሉ ዋና ከተማ ወደ የሀገሪቷ ርዕስመዲና የሆነችው አዲስ አበባን አቀኑ። ልዑካን ቡዱኑ ከአዲስ አበባ ወደ መቀሌ ከተማ እንደሚያልፉም ተውቋል።በሌላ በኩል ለሚቀጥለው ቀናት በትግራይ ክልል ርዕስ ከተማ በመቀሌ ለሚካሄደው የ5ቱ ኢህአዴግ አጋር ድርጅቶች ማላትም የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.፤የአ.ብ.ዴ.ፓ.፤ሐ.ብ.ሊ.የጋህዴንና የቤ.ጉ.ሕ.ዴ..አ.ግ. ድርጅቶች ባለፈው 18 ቀናት የፈጀው የኢህአዴግ ስራ አስፈጻሚ ኮሚቴ ጥልቅ ተሀድሶ ግምገማ ህደት፤በግምገማው ላይ የነበረው ሂስና ግለ ሂስ፤በግምገመው የተወሰዱት እርምጃዎችና እንድሁም ከኢህአዴግ ስራ አስፈጻሚ ኮሚቴ ግምገማ የወጡት የትክረት አቅጣጫዎችን ወደ ታች ለማውረድ የሚመክርበት ጉባኤ ይሳተፋሉ።

 

 

Tababar ku saabsan BSC Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxabarshada DDSI Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 2da January, 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa dhamaan shaqaalihiisa u qabtay tababar ku saabsan taaba galinta iyo hirgalinta barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee loo yaqaano Balanced Score Card (BSC) kor u qaadista xidhmaha maamulka suuban

Tababarkan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI   ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasir Ku xigenka Xafiiska Waxabarshada DDSI mudane Maxamud Axmed Nuur (Heeryo) oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in uu yahay mid  fahan buuxa laga siinayo shaqaalaha xafiiska waxbarashada  geedi socodka barnaamijka halbeega waxqabadka isu dheelitiran ee cudada shaqaale ee ciidanka horumarineed ee iskuxidhka nidaamka maamulka suuban (balanced Score Card) oo ah barnaamij lagu shaqayn doono oo ah qaab ku salaysan qancinta macaamiisha, iskuxidhka halbeega nidaamka maamulka suuban iyo ka midho dhalinta qorshayasha xafiiska.

Ugu danbayna Wasir Ku xigenka ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay mudada uu cashirku socdo si fiican uqaataan casharada ilaaliyaana saacada cashirka maadaama uu tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahanyahay in aad ku shaqaysaan marka barnaamijkan ku shaqayntiisa la bilaabo.


MMQ Iyo Bulshada Kunool Oo Soo Dhawaysay Ardayda Cusub Ee Lagu Soo Qoray Jaamacada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Arbaco, 3da January 2018. Waxaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxay ardaydii ugu horaysay ee nasiibka uyeelatay jaamacada qabridahar islamarkaana ay qaabishay jaamacadu kuwaasoo isugujira qoomiyadaha kaladuwan ee dalkeena kana ka kala yimid 9ka dawlad deegaan iyo labada ismaamul ee uu dalku koobanyahay.

Hadaba, ardaydan cusub ayaa waxaa duleedka magaalada kusoodhaweeyay shacabka qaybihiisa kaladuwan ee ku nool magalaada qabridahar kuwaasoo ay wahelinayaan masuuliyiin isugijirta heer gobol heer maamul magaalo, heer degmo iyo waliba qaarkamid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha jaamacada Qabridahar.

Dhanka kale, qaarkamid ah bulshada ree qabridahar ee soo dhawaynaysay ardaydan cusub ee jaamacada qabridahar lagu soo qoray oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida diiran ee qalbiga furan ee ay usoo dhawaynayaan ardaydan cusub ee isugujirta dhamaan qoomiyadaha dalka ee kakala yimid dhamaan dalka oo dhan. Waxayna tilmaameen in ay taageero dhankasta ah lagarbtaagnaanayaan ilaa inta ay waxbarashada wataan.

Sidookale, qaarkamid ah ardayada lasoodhaweeyay ee kakalatimid deegaanada dalka iyo 2da ismaamul ayaa sheegay in maanta aysan dareenkooda qiyaasikarin islamarkaana aysan filanaynin in soodhawayn noocan ah waxayna u mahadceliyeen dhamaan bulshadii soodhawaysay.

 

Iskusoowada duuboo, jaamacada qabridahar ayaa kamid ah 11 jaamacadood oo cusub kuwaasoo laga kaladhisay qaarkamid ah deegaanada dalka. Iyado jaamacadanina ay tahay jaamacada 2aad ee deegaanka soomaalida Itoobiya. Waxayna sanadkan 1aad ee ugu horeeya qaabishay 1200 oo arday islamarkaana ay u diyaarisay adeegyadii jiifka cuntada iyo waliba waxabarshadii iyo agabkeedii.

Tareenka Ethio-Djibouti Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Safarkiisii iyo waliba Qiimaha Rakaabka Iyo Rarka Oo La Shaaciyay

$
0
0

Addis Ababa, (cakaaranews) Arbaco, 3da January 2018 shirkada isgaadhsiinta  tareenada ayaa sheegatay in uu si rasmi ah tareenku u bilaabay adeegii safarka ee Ethio-Djibouti iyadoo shirkaduna ay shaacisay qiimaha ama sicirka rakaabka goobaha oo sii maro ilaa jabuuti iyo waliba qiimaha  rarka xamuulka.

Hadaba, agaasimaha Guud ee Shirkada Isgaadhsiinta Tareenka ee Ethio-Djibouti mudane Tilahun Sarka,ayaa sheegay in uu tareenku shaqadiisii si rasmi ah u bilaabay maanta oo arabaco ah qiimaha rakaabka waa 0.68 sentir halkii kilomitirba.Sidaa daraadeed, qiimaha adeegga ah ee halka kursi ee AddisAbaba ilaa Adama uu yahay 68birr. Dadka safarka ku jira qololka jiifka ah waxay bixin doonaan 91 birr sariirta sare, 125birr sariirta dhexe iyo waliba 137birr oo ah sariirta hoose.

Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qiimaha Safarka ka yimaada Addis Ababa ilaa Jabuuti ee kursiga caadiga ahi uu yahay 503birr, halka kuwa safarka ku jira ee qololka jiifka ah ee korka sare ay bixin doonaan 671 birr ,qaybta dhexda ahna ay tahay 922 birr, meesha qaybta hoose ay qiimaheedu tahay 1,006 birr.

Sidookale, Eng tlahun ayaa wuxuu tilmaamay in qiimaha noolka ee kuwa ka safri doona Addis Ababa ilaa Dire Dawa uu yahay 308 birr oo ah kuwa kursiga caadiga ah, iyadoo qiimaha sariirta sare uu yahay 410birr, qiimaha sariiraha dhexena ay yihiin 564 birr meesha qiimaha sariirta oo sariirta hoose uu yahay 618birr.Iyadoo qiimaha noolka ee Kuwa ka safri doona Addis Ababa ilaa Jabuuti ee isticmaalaya qolol gaar ah laga filayo inay bixiyaan 1,258 birr sariirta sare iyo 1, 341 oo sariiraha hoose ah.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya, mudane Axmed Shide oo isna warbaahinta u waramay ayaa shegay in mashruucan dhamaaday ee wadada tareenka ee Etio-Djabuti uu yahay mid adeegii safarkiisa si rasmi ah ubilaabay islamarkaana uu yahay guul weyn oo usoo hooyotay wadankeenan Itoobiya. Iyadoo adeegbixinta uu tareenkanina wax wayn kusoo kordhin doono dhaqaalaha dalka. Wuxuuna qayblibaax kaqaadan dhanka ganacsiga iyo iskuxidhka dalkeena iyo wadanka jabuuti.

Waxaa kale oo iyana kahadlay mashruucan Danjiraha Shiinaha U Fadhiya Ethiopia, Tan Jian, Iyo Waliba Dr Berhanu Bashah oo ah Madaxa Sare Ee Shirkadda Tareenka Ee Itoobiya,kaasoo sheegay in waddada tareenka, ama guud ahaanba mashruucani uu yahay mid kor uqaaday sumcadda qaranka ee Itoobiya, iyadoo mashruucanina uu waxkabadali doono bulsho badan oo ku kala nool dalkeena iyo dalka jabuuti labadaba haday tahay shaqo abuur iyo haday tahay kafaaiidaysiga ganacsiga. Wuxayna xuseen in adeega tareenkan casriga ahi uu dalka ka caawin doono dadaallada loo samaynayo islamarkaana si fudud ay uga soo qaadaan qalabka kala duwan ee dekedaha, kuwaas oo loo isticmaali karo gashiga xarumaha waawayn  ee warshadaha ee Itoobiya.

Iskusoowada duuboo, Mashruucan cusub ee casriga ah ayaa ahaa mid xadhiga looga jaray bishii October 2016waxaana si wadajir ah u leh wadamada Itoobiya iyo Jabuuti waxaana dhisey shirkada Shiinaha china Railway Group iyo China Engineering Corporation (CCECC).

 

 

Gudoomiyeyaasha xisbiyada ku bahoobay xisbiga EPRDF ayaa sheegay in midnimada iyo fikirka midaysan ee xisbiga ugu shaqaynayaan shacabka dalka.

$
0
0

Addis ababa (cakaaranews) Khamiis 4ta,January  2018. Afarta gudoomiye ee xisbiyada kubahoobay xisbiga EPRDF ayaa cadeeyey inay shacabka ugu shaqaynayaan fikirka midaysan ee ay urarada xisbigu hada gaadheen.

Afarta gudoomiye ee ururada xisbiga EPRDF ayaa maanta shir saxaafadeed ay ku qabteen xafiiska R/wasaaraha kucadeeyey natiijada kasoobaxday shirkii qiimaynta qotadheer ee gudiga fulinta xisbiga EPRDF kujireen mudada 17ka cisho ah.

Hadaba gudiga fulinta oo shir saxaafadeedkan Kubilaabay Hal kudhag odhanaya “wax cirka kahooseeya oo qiimaynta looga tagay majirin” ayaa sheegay inay shirkii qiimaynta EPRDF ee 17ka cisho socday uu dhaliyey Fikir midaysan oo waara, islamarkaana laga soosaaray jihooyinka kakooban  Sideed qodab oo mustaqbalka dhow lahirgelinayo.

Sidoo kale Gudigaayaa cadeeyyey in qiimaynta loogu talagay inay  “noqoto mid taar iikhi ah” xisbiyada oo dhanina ay si waxku oola iskuxil qaamaan, dhibaatooyinkii wakhtiyadan dambe wadanka kadhacay oo urur walba oo xisbiga kamid ah si adag iskugu qiimeeyey masuuliyadeedina si wada jir ah u qaadateen .

Dhanka kale Gudiga ayaa xaqiijiyey in dhibaatadii wadanka ka dhacday iyo carqaladaha yar-yar ee  kasiimuuqda ay gudiga fulintu mas’uuliyadeeda qaadeen islamarkaana ay dhibaatooyinkii dhacay kagaadheen xal waara.

Sidookale gudiga fulinta ayaa cadeeyey in iyadoo laga duulayo nidaamka fikirka iyo ficilka midaysan ee qiimayntii Hadda kasoobaxday ay xubnaha gudiga fulintu si dhakhsa ah ubilaabayaan kalasaarida dhibaatooyinka iyo xalinta dhibaatooyinkaba.

Gudiga ayaa shaaca kaqaaday in kalashakigii iyo is aaminaad la’aantii kadhex dhelatay xaliyadan dambe oo ahayd mid isasootaraysay,ururada xisbiga,in kadib markii si qotadheer looqiimayey laga gaadhay aragtidii midaysnayd ee xisbiga lagu yaqaanay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbiga EPRDF ahna gudoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfureed mudane Hailemaryam Deselagn ayaa sheegay inay gudiga fulintu isku qiimeeyeen oo ay qiimaynta uga gayb qaateen qaab ay xoriyad iyo cadcadaan kudheehan tahay islamarkaana la abuuray fikir iyo aragti midaysan.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka xisbiga EPRDF ahna Gudoomiyaha xisbiga dhaqdhaqqaqa dimuqraadiyadeed ee qoomiyada amxaarada mudane Dembeke Mokanin Xuseen ayaa cadeeyyey inaysan dhibaatooyinku kukoobnayn oo kaliya Hal urur siyaasadeed lakiin ay ururada oo dhani ay dhibaatooyinka ka sinaayeen.islamarkaana qiimaynta lagu keenay fikir midaysan si dag dag ahna ficil loogu badalayo.

Waxaa isaguna dhankiisa kahadlay gudoomiyahaya ururka dimuqraadiga shacabka oramada lemma megarsa ayaa dhankiisa sheegay inay guul tahay in laxaliyo caqabadihii jiray,islamarkaana ladhigo jihooyin abuura  geedisocodka siyaasadeeed ee caafimaadka qaaba.

Dhanka kale Gudoomiyaha ururka TPLF Dr debretsion G/Michael ayaa isna dhankiisa Tilmaamay in qiimayntii hada si xeel dheer loogu qiimeeyey xaalada iyo arrimo aan Hadda kahor lagu qiimayn jirin kulamada xisbiga,wuxuuna intaa kudaray in gaar gaar iyo gooni gooniba si cad oo qoto dheer loo qiimeeyey dhibaatooyinkii dalka suaasha geliyey ee ururada.in waxaana meesha laga saaray ayuu yidhi dhibaatadii dimuqraadi la’aaneed ururada xisbiga kadhex abuurmay,oo xisbiga iyo wadankaba khatar ku ahaa,iyadoo ladejiyey jihooyinka xal waara unoqda dalka iyo dalkaba.

Wuxuuna gudoomiyaha ururka TPLF carabka kudhuftay in dhibaatooyinkii jiray ay ahaayeen kuwo albaabada ufuraya kooxaysi iyo kalafaa’iidaysi aan barnaamijyada iyo xidhiidhka wanaagsan ee xisbiga kusalaysnayn.

Waxayna gudumiyeyaashu cadeeyeen inay xisbiga kadhexjireen aragtiyo odhanaya  "anaa saxan iyo anaa saxan."waxayna arrintani abuurtay  qaladaad kusalaysan dareen shaqsiyeed iyo mid kooxeedba.Taasoo iyaduna horseeday cillado kadhashay nidaamka dimuqraadiyadeed eetastuuriga ah iyo balaadhinta siyaasadaba.

Iskusoo wada duuboo guddoomiyaha EPRDF mudane Hailemariam Desaleyn, ayaa cadeeyey in ka qayb gelinta siyaasada ee  xisbiyada mucaaradku ay muhiimadwayn uleedahay xaqiijinta midnimada nidaamka xisbiyada badan(multi party system).wuxuuna gudoomiyuhu carabka ku adkeeyay in lasii xoojiyo nidaamyada balaadhinta siyaasada iyo nidaamka xisbiyada badan.waxayna gudigu dajiyeenjihooyin xaqiijinaya islamarkaana sugaya mawqifka siyaasadeed ee saraynta sharciga kusalaysan.

 

Shirkii Ururada Kubahoobay Xisbiga EPRDF Iyo Xisbiyada Bahwadaagta la ah Oo Kafurmay Xarunta Dalka

$
0
0

Addis-ababa,(cakaaranews), khamiis, 4ta January,, 2018, Kulan ay yeesheen 4ta xisbi ee kubahoobay xisbiga EPRDF iyo 5ta xisbi ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF ee soomaalida, canfarta, benishangul, gambella iyo hararida ayaa kaqabsoomay xarunta dalka ee magaalada adhisababa.

Kulankan ayaa xisbiyada bahwadaagta la ah xisbiga EPDRF waxaa loogu soo bandhigay warbixintii qiimayntii qotoda dheerayd ee 18ka maalmood usocotay ururada kubahoobay xisbiga EPRDF si kafaah-faahsan siday warbaahintu usoo dhigtay gaar ahaan geedi-socodkii qiimaynta, dhibaatooyinkii dhacay iyo sidii la isugu qiimeeyay iyo waliba natiijadii kasoo baxday. Kadibna xisbiyada ayaa si qotodheer uga dooday. Waxaana la islaqaatay dood dheer kadib in qiimayntan hoos loo dhaadhiciyo inkastoo ay XDSHSI iyo xukuumada DDSI ay shirkan kahorba sii bilaabeen islamarkaana dhaadhiciyeen qiimayntan.

Hadaba, Xisbiga EPRDF ayaa waxaa kamid ahaa khaladaadka uu hoosta kaxariiqay fikir aad loo buunbuuniyay oo ahaa inay jirto sarayn ah qawmiyada tigray arinkaas oo in badan dhex socday xisbiga EPRDF ilaa iyo labadii sano ee udanbaysay balse bayaan ay shirkii qiimaynta EPRDF kasoo saareen ayay kusheegeen in arinkaasi uu ahaa been iyo barobagando aan sal iyo raad lahayn wax cadayn ahna loo waayay.

Sidoo kale, hogaaminta XDSHSI ayaa soo dhigay in arinkaas ay iyagu horayba ugu arkeen inuu yahay been iyo barobagando larabay in lagu dumiyo nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka laguna xasuusto inay shacabka soomaalidu ay si cad uga soo horjeedsadeen beentaas iyo barobagandadaas larabay in lagu dumiyo dastuurka iyo federalismkaba.

  Dhanka kale, XDSHSI ayaa kutilmaamay qiimayntii iyo islahalgankii shirkii 18ka cisho magaalada adhisababa uga socday xisbiga EPRDF talaabo sax ah oo ay EPRDF qaaday.

Ugudanbayna, kulankan ayaa waxaa kasoo baxay go'aamo muhiim ah oo waxtar uleh guud ahaanba shacabwaynaha dalka oo udhignaa sidan:

1.  Waxay qiimayntu dusha kasaartay dhamaan dhibaatooyinkii dhacay gudiga fulinta gaar ahaan hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF maadaama oo xiligii dhibaatooyinku dhacayeen aysan daraasaad kusamaynin markay dhacdayna aysan xal kakeenin.

 2.  Wuxuu xisbigu sidoo kale cadeeyay inay xisbiga EPRDF kadhex dhalatay koox bilaa hogaamin ah oo kumidawday danaysi iyo aragti xumo kadhan ah jihooyinka ay EPRDF kumidawday

 3.   Waxay hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF gaar ahaan gudiga fulintu ay qaadatay dhaliisha dhamaan dhibaatooyinkii dhacay islamarkaana ay raalin galin kawaydiisteen guud ahaan shacabwaynaha dalka, xubnaha EPRDF iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF

4.   Wuxuu xisbiga EPRDF balanqaaday in dhamaan khaladaadkii dhacay ay saxayaan oo ay sugayaan saraynta sharciga, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka.

5. Waxaa kale oo uu xisbigu go'aamiyay in ururada katirsan xisbiga EPRDF ay si gooni ah isugu qiimeeyaan dhibaatooyinka maamul xumo ee laqiimeeyay cidii kulug-lahaydna talaabo laga qaado

 6.  Wuxuu xisbigu ku amaanay ciidamada difaaca qaranka shaqooyinka muhiimka ah ee ay kaqabteen dhibaatooyinkii dhacay isagoo bogaadin usoo jeediyay

 7.  In dhibaatooyinkii kajiray dhanka xadka ee gaar ahaan soomaalida iyo oromada oo qayb ka ahaa xumadii siyaasadeed ee guud ahaan kajirtay dalka xal waara laga gaadho.

 8.       In laceliyo dib udajina loo sameeyo barakacayaashii labada dhinac

Shirwaynaha Wadatashiga XDSHSI Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Lagu Qaban Doono Magaalada Raaso.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis , 4ta, January, 2018. Waxaa magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso ee gobolka afdheer lagu qabandoonaa todobaadka soo socda haddii alleh-idmo shirwayne balaadhan oo ay yeelan doonaan XDSHSI iyo shacabwaynaha DDSI kaasi oo lagaga hadli doona dhibaatooyinkii la soo maray, waxqabadkii 7dii sano ee la soo dhaafay  xukuumada DDSI  iyo jihooyinka horumarineed, Nabadgalyo iyo maamulka suuban mustaqbalka soo socdo.

Haddaba, degmada Raaso oo sanado ka hor uun ahayd tuulo ayaa wakhti xaadirkan qaabilaysa kumanaan qof oo ka qaybgalaya shirwaynahan taasi oo tusaale cad u ah horumarka deegaanka ka hanan qaaday iyo in ay tuuladii hore loo odhan jiray Raaso ay maalinba maalinta ka dambaysa sii balaadhanayso iyada oo ugu dambayn maanta gaadhay heer ay marti galinayso shirwaynaha XDSHSI  iyo shacabwaynaha DDSI taasi oo ah wax illahay lagu mahad celiyo.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>