Addis ababa (cakaaranews) Khamiis 4ta,January 2018. Afarta gudoomiye ee xisbiyada kubahoobay xisbiga EPRDF ayaa cadeeyey inay shacabka ugu shaqaynayaan fikirka midaysan ee ay urarada xisbigu hada gaadheen.
Afarta gudoomiye ee ururada xisbiga EPRDF ayaa maanta shir saxaafadeed ay ku qabteen xafiiska R/wasaaraha kucadeeyey natiijada kasoobaxday shirkii qiimaynta qotadheer ee gudiga fulinta xisbiga EPRDF kujireen mudada 17ka cisho ah.
Hadaba gudiga fulinta oo shir saxaafadeedkan Kubilaabay Hal kudhag odhanaya “wax cirka kahooseeya oo qiimaynta looga tagay majirin” ayaa sheegay inay shirkii qiimaynta EPRDF ee 17ka cisho socday uu dhaliyey Fikir midaysan oo waara, islamarkaana laga soosaaray jihooyinka kakooban Sideed qodab oo mustaqbalka dhow lahirgelinayo.
Sidoo kale Gudigaayaa cadeeyyey in qiimaynta loogu talagay inay “noqoto mid taar iikhi ah” xisbiyada oo dhanina ay si waxku oola iskuxil qaamaan, dhibaatooyinkii wakhtiyadan dambe wadanka kadhacay oo urur walba oo xisbiga kamid ah si adag iskugu qiimeeyey masuuliyadeedina si wada jir ah u qaadateen .
Dhanka kale Gudiga ayaa xaqiijiyey in dhibaatadii wadanka ka dhacday iyo carqaladaha yar-yar ee kasiimuuqda ay gudiga fulintu mas’uuliyadeeda qaadeen islamarkaana ay dhibaatooyinkii dhacay kagaadheen xal waara.
Sidookale gudiga fulinta ayaa cadeeyey in iyadoo laga duulayo nidaamka fikirka iyo ficilka midaysan ee qiimayntii Hadda kasoobaxday ay xubnaha gudiga fulintu si dhakhsa ah ubilaabayaan kalasaarida dhibaatooyinka iyo xalinta dhibaatooyinkaba.
Gudiga ayaa shaaca kaqaaday in kalashakigii iyo is aaminaad la’aantii kadhex dhelatay xaliyadan dambe oo ahayd mid isasootaraysay,ururada xisbiga,in kadib markii si qotadheer looqiimayey laga gaadhay aragtidii midaysnayd ee xisbiga lagu yaqaanay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbiga EPRDF ahna gudoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfureed mudane Hailemaryam Deselagn ayaa sheegay inay gudiga fulintu isku qiimeeyeen oo ay qiimaynta uga gayb qaateen qaab ay xoriyad iyo cadcadaan kudheehan tahay islamarkaana la abuuray fikir iyo aragti midaysan.
Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka xisbiga EPRDF ahna Gudoomiyaha xisbiga dhaqdhaqqaqa dimuqraadiyadeed ee qoomiyada amxaarada mudane Dembeke Mokanin Xuseen ayaa cadeeyyey inaysan dhibaatooyinku kukoobnayn oo kaliya Hal urur siyaasadeed lakiin ay ururada oo dhani ay dhibaatooyinka ka sinaayeen.islamarkaana qiimaynta lagu keenay fikir midaysan si dag dag ahna ficil loogu badalayo.
Waxaa isaguna dhankiisa kahadlay gudoomiyahaya ururka dimuqraadiga shacabka oramada lemma megarsa ayaa dhankiisa sheegay inay guul tahay in laxaliyo caqabadihii jiray,islamarkaana ladhigo jihooyin abuura geedisocodka siyaasadeeed ee caafimaadka qaaba.
Dhanka kale Gudoomiyaha ururka TPLF Dr debretsion G/Michael ayaa isna dhankiisa Tilmaamay in qiimayntii hada si xeel dheer loogu qiimeeyey xaalada iyo arrimo aan Hadda kahor lagu qiimayn jirin kulamada xisbiga,wuxuuna intaa kudaray in gaar gaar iyo gooni gooniba si cad oo qoto dheer loo qiimeeyey dhibaatooyinkii dalka suaasha geliyey ee ururada.in waxaana meesha laga saaray ayuu yidhi dhibaatadii dimuqraadi la’aaneed ururada xisbiga kadhex abuurmay,oo xisbiga iyo wadankaba khatar ku ahaa,iyadoo ladejiyey jihooyinka xal waara unoqda dalka iyo dalkaba.
Wuxuuna gudoomiyaha ururka TPLF carabka kudhuftay in dhibaatooyinkii jiray ay ahaayeen kuwo albaabada ufuraya kooxaysi iyo kalafaa’iidaysi aan barnaamijyada iyo xidhiidhka wanaagsan ee xisbiga kusalaysnayn.
Waxayna gudumiyeyaashu cadeeyeen inay xisbiga kadhexjireen aragtiyo odhanaya "anaa saxan iyo anaa saxan."waxayna arrintani abuurtay qaladaad kusalaysan dareen shaqsiyeed iyo mid kooxeedba.Taasoo iyaduna horseeday cillado kadhashay nidaamka dimuqraadiyadeed eetastuuriga ah iyo balaadhinta siyaasadaba.
Iskusoo wada duuboo guddoomiyaha EPRDF mudane Hailemariam Desaleyn, ayaa cadeeyey in ka qayb gelinta siyaasada ee xisbiyada mucaaradku ay muhiimadwayn uleedahay xaqiijinta midnimada nidaamka xisbiyada badan(multi party system).wuxuuna gudoomiyuhu carabka ku adkeeyay in lasii xoojiyo nidaamyada balaadhinta siyaasada iyo nidaamka xisbiyada badan.waxayna gudigu dajiyeenjihooyin xaqiijinaya islamarkaana sugaya mawqifka siyaasadeed ee saraynta sharciga kusalaysan.