Qabridahar,(cakaaranews),arbaca, 17ka, January, 2018. Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay oo xadhiga lagaga jaray jaamacada qabridahar oo ay ka soo qaybgaleen Madaxwaynaaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI dr Dilaaye Gete, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI ee dhinaca waxbarashada sare Dr Sameel kifle, madaxwaynaha jaamacada qabridahar mudane Dr yuusuf maxamed masuliyiin isugu jira heer faderaal iyo heer deegaan, hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka, dufcada 1aad ee waxbarashada ka bilowday jaamacada qabridahar iyo marti sharaf kale ayaa si qurux badan uga qabsoontay madasha shirarka ee jaamacada qabridahar.
Jaamacada qabridahar oo ka mid ahayd 11kii jaamacadood ee dhawaan lagu soo daray jaamacadaha dalka ayaa waxaa dhismaheeda lagu soo gabagabeeyay muda 2 sanadood ah Waxaana si wada jir ah xadhiga uga jaray jaamacada qabridahar maanta Madaxwaynaaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI dr dilaye gete, wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada JDFI ee dhinaca waxbarashada sare samawel kifle.
Haddaba, waxaa ugu horayntii ka hadlay xafladan xadhig ka jarka jaamacada qabridahar madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ugu horayntii u mahad celiyay dhamaanka masuuliyiinta ,odayaal dhaqameedka deegaanka iyo ardayda dufcada 1aad ee waxka barata jaamacada qabridahar, madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay ahmiyada jaamacadan u leedahay shacabwaynaha itoobiya gaar ahaana bulshada deegaanka madaxwaynaha ayaa sheegay in dalkeena itoobiya wixii ka dambeeyay xiligii maamulkii kaligii taliskii macangaga ahaa uu ka hirgalay hormar laxaad leh oo aan kalago' lahayn sidoo kale waxa uu tilmaamay madaxwaynuhu in ay maamuladii hore ee wadanka ka soo talin jaray ku guuldaraysteen in ay wadanka ka hirgaliyaan jaamacahado iyo tacliinta sare ee waxbarashada gaar ahaana deegaanka soomalida itoobiya ahaa meelaha aan laga hirgalin habayaraatee xarumaha waxbarashada marka laga beero hal dugsi sare oo ay waxka baran jireen ciyaalka ay dhaleen ciidankii dhargigu
Madaxwaynaha DDSI ayaa intaasi ku daray in dadaalkii dheeraa ee ay sanadihii la soo dhaafay sameeyeen xukuumada faderaalka iyo xukuumada DDSI lagu guulaystay in deegaanka soomalida itoobiya laga hirgaliyo mashaariicaha waawayn ee wax kabadalaya nolosha bulshada kuwaasi oo ay ka mid yihiin jaamacadan maanta xadhiga laga jarayo sidoo kalena la hirgaliyay mashaariico kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ahaan jiray lagana dhigayo xoolo dhaqato beeralay si bulshada deegaanka looga saaro saboolnimada islamarkaana loogu biiro wadamada dhaqaala hoodu meel dhexaadka yahay iyada oo laga faa’iidaysanayo khayraadka hidin ee deegaanku hodanka ku yahay madaxwaynaha DDSI ayaa ku booriyay ardayda dufcada 1aad ee hadda waxka barata jaamacada qabridahar, hogaaminta jaamacada qabridahar iyo bulshada agagaarka jaamacada qabridahar ay siwada jirka uga shaqeeyaan kor u qaadista tayada jaamacada qabridahar.
Dhankiisa wasiirka wasaarada waxbarashada JDFI Dr tilaaye gete oo xafladan ka hadlay ayaa sheegay faa’iidooyinka ay bulshada deegaanka u leedahay jaamacadan qabridahar wuxuuna cadeeyay wasiirku in jaamacadihii kale ee ay isku wakhtiga ahaayeen jaamacada qabridahar ay dib u dhaceen oo ayna wali bilaabin waxbarashadii sanadkan balse in jaamacadan qabridahar xadhiga laga jaro ay ku timiday dadaalka xukuumada DDSI iyo ka go’naanshiyaha ay leeyihiin hogaaminta xukuumada DDSI ay tahay tan suurta galisay in maanta xadhiga laga jaro wasiirka ayaa sheegay in jaamacadan qabridahar ee maanta xadhiga laga jaray islamarkaana bilwoday adeegii bixinta waxbarashada ay tahay mid xaqiijinaysa dadaalka loogu jiro gaadhsiinta adeega waxbarashada dalka iyada oo dhinaca kalena looga faa’iidaysana soo saarida cududa waxbarasho ee deegaanka iyo dalkaba .
Waxaa kale oo ka hadlay intii ay socoday xaflada xadhig ka jarka jaamacada qabridahar madaxwaynaha jaamacada qabridahar mudane Dr yuusuf maxamed oo tilmaamay in dhismaha jaamacada qabridahar ku baxday 740 milyan oo birr wakhti xaadirkana waxka baranayaan 1500 oo arday oo ah dufcadii 1aad ee waxbarashada ka bilowday jaamacada qabridahar kuwaasi oo ka kala yimiday deegaanada dalka islamarkaana ay si diiran u soo dhaweeyeen bulshada ku dhaqan gobolka qabridahar oo soo dhawayn ku caan baxdy.
Sidoo kale waxaa ka hadlay xafladan xadhig ka jarka jaamacada qabridahar hogaaminta odayaal dhaqameedka deegaanka iyo qaarka mid ah hogaaminta diimaha kala duwan ee dalka itoobiya kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee ay jaamacadan u leedahay qaybaha ka duwan ee bulshada deegaanka iyo dalkaba.
Ugu dambayntii jaamacada qabridahar ayaa noqonaysa jaamacadii 3aad ee xadhiga laga jaray 11kii jaamacadood ee lagu daray jaamacadihii dalka waxaana gabagabadii xafladan xadhig ka jarka jaamacada lagu abaalmariyay xafiisyadii heer deegaan,wasaaradaha feer faderaal iyo shirkadii sida hagar la aanta ah uga shaqeeyay hirgalinta dhismaha jaamacada qabridahar..