Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Kulanka Wadatashiga Xukuumada DDSI iyo Beesha Gabooye

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Axad, 7da January, 2018. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadhici doona kulan wadatashi iyo wacyigalin isugu jira oo ay xukuumada deegaanku la yeelanayso beesha sharafta leh ee gabooye oo ah beel isku kalsoon sharaf iyo sumcad aad ubalaadhana leh islamarkaana ixtiraamka ka mudan soomaalida geeska africa si meesha looga saaro nidaamka dhaqan gumaysiga dhaqamada qaarkood loogana tanaasulo yasida iyo takoorka kadhex jira beelaha bulshada deegaanka.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalaya heerarka kaladuwan ee mas'uuliyiinta deegaanka, odayaal dhaqameedka deegaanka, waxgaradka, cuqaasha, aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha gabooye ee magaalada jigjiga iyo ergooyin kasocda beesha gabooye ee gobolada, maamul-magaalooyinka iyo degmooyinka deegaanka.

Haddaba, kulankan ayaa kadhacaya xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga 7aadka fooda inagu soo haya ka hor shirwaynaha wadatashiga xisbiga iyo shacabka deegaanka ee kadhacaya xarunta degmada raaso.


La taliyaha MW Oo Ka Warbixiyay kaalinta Ay qurba joogta DDSI ku leedahay taaba galinta qorshayaasha horumarka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 8da, January, 2018. La taliyaha madaxwaynaha DDSI ee Dhinaca Xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa si qoto dheer uga warbixiyay kaalinta balaadhan ee qurba joogta DDSI ee ku nool  dacalada aduunku  ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka taaba galay deegaanka.

wasiirka ayaa sharax dheerka bixiyay isbadalka horumarineed nabadgalyo, maamulka suuban iyo xidhiidhka qurba joogta DDSI wakhtiyadii hore sida uu ahaan jiray iyo heerka uu taagan yahay eega  isaga oo sheegay wasiirku in sanadihii in xukuumada DDSI iyo XDSHSI ay xooga saareen sidii ay uga midho dhalin lahaayeen taaba galinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada maamulka suuban iyo wanaajinta  xidhiidhka ka dhexeeya xukuumada DDSI iyo qurba joogta DDSI ku nool dacalada aduunka .wasiirka ayaa sheegay in qurba joogta DDSI ay kaalin miisaan culus ku leeyihiin higalinta hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka saxarka tiran ee ka taamyeelay deegaanka.

Ugu dambayntii wasiirka ayaa si xoogan carabka ugu dhuftay in qurba joogta DDSI ee ku nool dunidu ay meel saareen halgankii ay kula jireen fikirada cidhiidhiga ah ee mashaqaystenimada, dulsaarnimada, qabyaalada, nin jeclaysiga, soomaliwaynimada iyo wixii la mid ah wuxuuna kula dar-daarmay in ay sii waddaan dadaalada kor loogu qaadayo hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban.

War Naxdin Leh Oo Ka Imanaya Soomaalida Dagan Galbeedka Harargee.

$
0
0

Balbalayti(Cakaaranews) Isniin 8da January 2018. War xaqiiq ah oo naga soo gaadhaya galbeedka harargee ee deegaanka oromada ayaa waxaa dhacday in Dadkii soomaalida ahaa ee daganaa galbeedka harargee ka dib markii iyaga iyo xoolahoodiiba ay xero oo teen xoogaga ciidanka oromadu islamarkaana u diideen inaysan meelna u dhaqaaqin oo ay raashin biyo yo baadba midna helin mudadaas ay xero oodnaayeen ayaa waxaa maalintii shalay ahayd bilaabmay inay macaluul u dhinteen ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyay in kabadan 20 caruurta ay da.doodu ka yartahay 10 sano ayaa macaluul u dhimatay iyadoo tirada dhimashadu ay wali kor usii socoto.

Dhinaca kale ururka argagixisada ah ee qeerroo ayaa tuulada Hoyadeey ee degmada hawii gudiinaa ilaa hadda ku dilay ku dhawaad afar ruux oo shacab ah oo ay bilaa sabab ku dileen waxaana bilaabmay xasuuq ay marlabaad u gaysanayaan dadka soomalida ah ee la dagan taasi oo ay kaga soo horjeedaan islamarkaana ay ku xumaynayaan war murtiyeedkii ka soo baxay qiimayntii qotoda dheerayd ee uu xisbiga EPRDF mudada 17 moolmod ahayd u socoday ee ay ku meel mariyeen sugida amniga, saraynta sharciga, xalinta khilaafaadka xadka iyo balanqaadkii nabad kuwa noolaanshaha qoomiyadaha dalka.

 

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Tababar U Soo Gabagabeeyay Shaqaalaha Xafiiska.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 8da January, 2018. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa tababar ku saabsan taaba galinta iyo hirgalinta barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee loo yaqaano Balanced Score Card (BSC) u soo gabagabeeyay shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI.

Waxaana soo xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka laga lahaa tababarkan oo ah shaqaalaha lagu tababaro sidii ay fahan buuxa uga yeelan lahaayeen hirgalinta barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheeli tiran, xoojinta maamulka suuban, axdiga muwaadiniinta iyo ciidanka horumarka . wasiiirka oo sii wada hadalkiia ayaa ka warbixiyay jihooyinka uu xooga saaraya barnaamijkan waxqabadka isku dheeli tiran oo ah qancinta macaamiisha, adeegsiga miisaaniyada iyo hantida, geedi socodka shaqada xafiiska iyo kobcinta awooda shaqaalaha xafiiska wasiirka ayaa sheegay in fulintiisu tahay barnaamij lagaga midho dhalinayo geediga shaqooyinka lagaga midho dhalinayo horumarka  si gaar ahna u tilmaamayo  tabaha iyo xeeladaha lagu fulinayo  qorshaha GTP2ga wasiirka ayaa shaqaalaha kula dar-daarmay in ay sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan cashiradii ay ka barteen tababarkan si loo gaadho natiijada

 

Dhankooda qaarka mid ah shaqaalaha xafiiska ee loo soo gabagabeeyay tababarkan  oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay faa’iidooyinka ay ka heleen mudadii uu socday tababarku waxayna balan qaadeen in ay sidii loogu talagalay u taabagalinayaan islamarkaana guulo waawayn ka soo hoynayaan ujeedooyinkii laga lahaa tababarkan. 

አስደንጋጭ ዜና፤ በምዕራብ ሐረርጌ ዞን በሚገኙ የኢትዮ-ሶማሌ ንጹሃን ዜጎች ላይ በተደረገው የምግብ ማቀቡ ለዜጎች ሞትና እልቅት አዳረገ

$
0
0

ከምዕራብ ሐረርጌ(cakaaranews)ሰኞ፤ታህሳስ 30 ቀን/2010..አሁንየደረሰንመረጃ እንደሚያረጋገጠው፤በኦሮሚያክልልምዕራብሐረርጌዞን በዳሩለቡና በሀዊ ጉዲና ወረዳዎች የሚኖሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጅ ንጹሃን ዜጎች በኦሮሚያ ክልል ውስጥ የሚገኙና እራሳቸው ቄሮ ብሎ የሚጠሩ አሸባሪ ቡዱን በሶማሌ ንጹሃን ተወላጆች ከነ እንስሳት ሀብታቸው ለበርካታ ቀናት በተወሰኑ አከባቢዎች አሰባስቦ፤ በንጹሃን ዜጎችሁ ላይ የጣሉበት የምግብ፤የዉሃ፤የመድሃኒትና ለሰው ልጅ አስፈላጊ ነገሮች ሁሉ ባደረጉት እገዳና ማቀቡ ባስከተለው ችግር ውስጥ ለረጅም ቀናት በመቆየታቸው ከትላንትና ጀምሮ እድሜያቸው ከ10 አመት በታች ለሆኑት 20 የኢትዮጵያ ሶማሌ ተወላጅ ህጻናት በተደረገባቸው በኢ-ሰብኣዊ ድርጊት በመሞታቸውና አሁንም አሸባሪ ቄሮ ቡዱኑ በንጹሃን ዜጎቹ ላይ እየፈጸሙባቸው ባለው የምግብ፤የመድሃኒትና አስፈላጊ እርዳታን ማቀብ በመጣሉ ምክንያት በዜጎችሁ ላይ ለከፋ ርሃብና ሞት እያጋለጠ መሆኑን የአከባቢው ምንጮች አረጋግጧል።

በሌላ በኩል አሸባሪው ቄሮ ቡዱን እስካሁን 4 ንጹሃን የሶማሌ ተወላጅ ዜጎች በሀዊጉዲና ወረዳ በሆየዴ ቀበሌ መግደላቸው ተሰምቷል።ይህ ችግር ደግሞ በቅርቡ የኢህአዴግ ስራ አስፈጻሚ ኮሚቴ ለ17ቀናት ያህል የካሄዱት ጥልቅ ግምገማ ላይ በሰለም፤በህግ የበላይነትና በህዝቦች አብሮ የመኖር እሴቶች ለማረጋገጥ  ሲባል መሪ ድርጅቱና የኢህአዴግ አባል የሆኑት ቤሔራዊ ድርጅቶቹ በጋራና በተናጠል ባወጡት መመሪያ ነጥቦች፤በኢ.ፈ.ዴ.ሪ. ቤሔራዊ የጸጥታ ም/ቤቱና በፈዴራል ፖሊስ ኮሚሽን የወጣ መመሪያዎችሁ እንዳይሳካ ጸረ-ሰላሙ ቄሮ  የሚያደርጉት መሰናከልና እንቅፋት መሆኑን በግልጽ ያሳያል።

 

Another New Massacre of Somalis

$
0
0

Balbalayti(Cakaaranews) Sunday 8th January 2018 . Avery horrific and scared news from West Hararghe Zone that 4 innocent Somalis were killed no means today by Qerroo and Oromo police in Hoyade and Kore localities of Hawi Gudina district in West Hararghe Zone of Oromo Region.  

Meanwhile, there are also 20 children who have been perished as a result of long starvation campaign by Oromo Police, Qeerroo and an ethnic mob in Oromo Region.

These horrific and inhumane concentrations and stranding of innocent Somalis is happening as we speak in Wartadara, Haroo Algee, Milqaayee, Sorooro, Dhaaba in Daru Lebu district and Koorker, Gamoole, Hoyade, Kora, Ta’oo Ibsaa in Hawi Gudina district.

After this long starvation campaign of Somalis in West Hararghe, now the perishing of 20 children who are all under the age of 10 won’t come as a surprise.

This is an unfolding humanitarian catastrophe; the issue urges from the Federal, Oromo administration and Somali Regional governments to act quickly so as to put this humanitarian mess that has dragged far too long to an end.

Although theFederal Army was in hoyade and Kore localities there is no clear why they didn’t act to prevent this to occur and only showed up after the massacre of these innocent Somalis.

 This is against the decisions from EPRDF’s Meeting and the federal policy’s campaign of investigation on the current issue.

 

OGEYSIIS: DHAMAAN QURBAJOOGTA DDSI EE WAQOOYIGA AMERICA

$
0
0

Minneapolis(Cakaaranews) Isniin 8da January 2018. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan qurbajoogta DDSI ee kunool wadanka maraykanka inuu jiri-doono shirwayne balaadhan oo kadhici doona Mineapolis maalinta jamcaha ah galabnimadeeda 5:00pm ee habeenka sabtidu soo galayso. Goobta shirka dib ayaan idiinka soo sheegi doonaa.
FG: Fadlan wixii faah-faahin ah kalaxidhiidh gudiga qabanqaabada iyo xubnaha hogaaminta.

FG: Faahin-faahin dheeri ah kalasoco: www.cakaaranews.com

 

Raysul Wasaaraha JDFI Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socday Sudaan.

$
0
0

Addis-ababa,(cakaaranews), talaado, 9ka January, 2018. Raysul-wasaaraha JDFI mudan Hailemaraim Dessaleng  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday wadanka suudaan oo uu hogaaminayay  abaanduulaha ciidamada difaaca dalka sudan litenal general Emad Aldin mustafa raysli wasaaraha ayaa ugu horayntii waftigan ku soo dhaweeyay dalka itoobiya islamarkaana sheegay in itoobiya iyo wadanka suudaan uu u  dhexeeyo xidhiidh wanaagsan oo  ku salaysan iskaashiga labada dal islamarkaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashigaasi

Dhankiida abaanduulaha ciidamada difaaca dalka suudan Litenal General Emad Aldin Mustafa ayaa gudoonsiiyay raysal wasaaraha JDFI  dhambaal warqadeed oo uu uga siday madaxwaynaha dalka sudan cumar xasan albashiir wuxuuna u mahad naqay raysil wasaaraha JDFI sida meeqaamka sare ah ee uu u qaabilay  wuxuuna ka sheegay xidhiidhka qotoda dheer ee wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal iyo jihooyinka lagu sii xoojinayo iskaashigaasi isaga oo intaasi ku daray in itoobiya iyo sudan ay yihiin  laba dal oo wadaaga  istaraatiji mug wayn   sii adkayn doonaan iskaashi gooda  si dookalana ka wada hortagi doonaan caqabadaha imankara.

Madaxa Xafiiska Raysul wasaaraha JDFI  ee  Waaxda Adeegyada  Warbaahinta iyo isgaadhsiinta lehna awood wasiir  mudane Sadig Abraha  oo  warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay mudadii uu socday kulanka Raysil wasaaraha JDFI iyo waftigan ka socday suudaan  si qoto dheer uga  wada hadleen  arimo ku aadan iskaashiga laba geesoodka ah ee arimaha qaarada, mandaqada geeska iyo xaaladaha caalamka. Islamarkaana  diirada  lagu saarayay  sii xoojinta iskaashiga labada dhinaca isaga oo  intaasi ku dareen in  Raysalwasaaruhu u xaqiijiyay waftigan  sida ay itoobiya  uga go-antahay sidii  loo sii xoojin lahayd iskaashiga muga wayn   labada dal ka soo dhexeeyay guyaal badan,

Ugu dambayntii waxaa xusid mudan in mudaddii uu kulankani socday  labada dhinac ku heshiiyeen sidii ay u sii karaar galinlahaayeen iskaashiga  ku qotoma arimo kaladuwan oo heer qaaradeed ah iyo caalamba ah sidii faaiidooyinka  gaarka ah u gaadhaan itoobiya  iyo dalka sudan si looga midho dhaliyo  xidhiidhka  xoogan ee ku salaysan  arimo bulsho,siyaasadeed, iyo dhaqaale. loona joogteeyo kor u qaadista iskaashiga millatariga iyo nabadgalyada  ee ay labada dal si wada jir ah u gaga hortagayaan  argagixisada.

 

 

 

 

 

 


Hanti-dhawrka Xafiisyada Oo Tababar Loo Qabtay

$
0
0

jigjiga(cakaaranews)Talaado,9ka January 2018. Tababar uu soo agaasimay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa tababar uqabtay 75 xubnood oo dhawaan lagu meelayay hantidhawrka gudaha ee xafiisyada heerdeegaan iyo waliba qaar kamid ah hantidhawrka gobolada iyo degmooyinka. tababarkaasoo kor loogu qadayay garaadkooda  aqoomeed ee ku aadan nidaamka iyo shuruucda maaliyada.

Tababarkan ayaa waxaa casharada bixinayay khabiiro Katirsan xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI kuwaasoo aqoonsare u leh casharada ay bixinayeen ee sida nidaamka hantidharka iyo waliba shuruucda maaliyadeed.

Hadaba, tababarkan ayaa waxaa kawarbixiyay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warnmooge oo sheegay in xafiiska ay ka go'antahay in uu kor uqaado cududa shaqaale iyo waliba sidii loo kobcinlahaa garaadkooda aqoomeed si loogu dhaqmo shuruucda maaliyadeed yaasina ay  ujeedadeedu tahay in khayraadka aan haysano lagu qabto baahiyaha aan leenahay. wuxuuna kula dardaarmay kaqaybgalayaasha  in casharadan ay barteen ay dhaqangaliyaan islamarkaana ay bulshadooda ugu adeegaan si daacad ah oo wadaniyadi ku dheehantahay.

 

Ugudanbayna, qaarkamid ah kaqaybgalayaashii tababarkan ee ahaa hantidhawrka xafiisyada kaladuwan ee heer deegaan iyo qaarkamid ah xafiisyada gobolada iyo degmooyinka ayaa sheegay in ay qateen tababar aad u wanaagsan oo ay kafaaiideen aqoon iyo cilmi badan oo kusaabsan  kudhaqanka shuruuda maaliyadeed iyo waliba barnaamijyada maaliyadeed ee loogutalagalay shaqooyinka maaliyadeed.

Wasiirka Horumarinta Waraabka iyo Doxooyinka DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Dhinaca Dib U Dajinta Bulshada

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 9ka January, 2018.Wasiirka xafiiska horumarinta  waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay guulaha horumarineed ee sanadihii ugu dambeeyay laga soo hooyay dib u dajinta bulshada xoolo dhaqatada ah ee laga dhigayo xoolo dhaqato beeralay

Wasiirka ayaa sheegay in iyada oo  laga faaiidaysanayo  khayraaadka deegaanku  hodanka ku yahay  sida 4ta  wabi ee waa wayn ee kala ah Shabeele, Weeb, Dawa, iyo Ganaale kuwaasi oo looga  faa’iidaynayo bulshada ku dhaqan   28 degmo  oo ka mid ah degmooyinka deegaanka iyo 198 tuulo islamarkaana dib u dajin loo sameeyay   199,852 qoys sanadihii ugu dambeeyay kuwaasi oo  rabitaan kooda ku soo dagay si ay iskufilaansho u gaadhaan wasiirka ayaa sheegay in sanadkan qorshaysan tahay in dib u dajin loo sameeyo   15,000 oo qoys halka qorshaha ay xukuumadu u qaadatay isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa ee beer, biyo iyo  caafimaad   uu yahay in la dajinayo 4900 oo qoys sanadkan.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay wasiirku bilowgii iyo hirgalinta mashaariicaha waawayn ee biyo xidheenada deegaanka gaar ahaan kuwa togoga deegaanka loogaga faa’iidaysanayo kaydinta biyaha  si   bulshada xoolo dhaqatada ah ee ay togagu maraan looga faa'iideeyo looguna badalo xoolo dhaqato beeralay islamarkaana kor loogu soo qaado hab nololeedkooda laga gaadhay guulo waawayn oo midho dhalay.

Wasiirka oo siiwata hadalkiisa ayaa sharax dheerka bixiyay faa’iidooyinka laga gaadhay dib u dajinta taasi oo ah in  bulshadii xoolo dhaqatada ahaan jiray ee reer guuraaga ah  heleen nolol deegaanka  ka dib markii dib u dajin loo sameeyay bulshada  xoolahoodana ku dhaqdaan  hab casri ah oo ka faa’iidoyin  badan hababkii hore ee ay xoolahooda u dhaqan jireen si doo kale heleen baad iyo biyo aan kala fogayn  joogto ah kuwaas oo xoolahoodi ay ka heleen cad iyo caano  taya leh oo aysan hada ka hor ka heli jirin  iyada oo dhinaca kale loo dhamays tiray ayuu yidhi  wasiirku  bulshada dib u dajinta loo sameeyay adeegyadii aas aasiga ahaa ee ay ka mid ka yihiin helitaanka biyaha nadiifta ah, adeega caafimaadka oo taya leh, waxbarashada iyo guud ahaanba adeegyada horumarka

 

 

 

OGAYSIIS: DHAMAAN QURBA-JOOGTA DDSI EE WAQOOYIGA AMERICA

$
0
0

Minneapolis(Cakaaranews) Arbaco 10ka January 2018. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan qurbajoogta DDSI ee kunool wadanka maraykanka inuu jiri-doono shirwayne balaadhan oo kadhici doona Mineapolis maalinta jamcaha ah galabnimadeeda 5:00pm ee habeenka sabtidu soo galayso. Goobta uu shirku ka dhicidoonana waa 2141 Lindau Ln, Bloomington, MN 55425.
FG: Fadlan wixii faah-faahin ah kalaxidhiidh gudiga qabanqaabada iyo xubnaha hogaaminta.

MW CMC IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO KA DAGAY MAQALE.

$
0
0

Maqale (Cakaaranews),Arbaca, 10ka January,2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayay oo ka koobnaa 25ka xubnood ee mudadii  ugu dambaysay  ku jiray  shirarkii muhiimka ahaa ee Xisbiga EPRDF iyo xisbiyada bahwadaagta ah uga socday caasimada dalka ee Addis-ababa ayaa maanta xarunta dalka uga  kicitimay dhanka xarunta deegaanka tigray ee maqale.

madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa wakhti xaadirkan ku sugan magaalada maqale ee xarunta deegaanka tigray halkaasi oo ay kaga qaybgalidoonaan shirwayne muhiim ah oo lagu soo bandhigayo  war murtiyeedkii ka soo baxay qiimayntii xisbiga EPRDF ku jireen mudada 17ka maalmood ah.

Mashruuca Dhismaha Guryo-Wadareedka Garabcase Oo Gabo-Gabo Maraya

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 10ka January 2018. Xukuumada DDSI oo dadaal oogu jirta siday bulshada iyo shaqaalaha deegaanka ooga haqabtiri lahayd dhanka guryaha ayaa waxay aas-aastay wakaalada horumarinta guriyaynta DDSI oo mudadii ay shaqaynaysay wakaaludu fulisay mashaariico badan oo guryo kala duwan ah Islamarkaana dabooshay baahiyo badan oo ka jiray dhanka guryaha.

Hadaba maareeyaha wakaalada Horumarinta guriyaynta DDSI Marwo Raxma Riyaale Cumar oo ka warbixisay waxqabadka iyo mashaariicaha kaladuwan ee ay wado wakaaladu ayaa sheegtay in mashruuca dhismaha guryowadareedka garabcase oo ah mashruuc balaadhan oo ka kooban 100 Gibi uu meel gabo-gabo ah marayo islamarkaana si loo dhisayo si si tayaysan oo cimri leh, waxayna maareeyuhu intaa ku dartay in guryowadareedkan 100ka gibi ah ay wakaaldu wado mudo 2 bilood ah islamarkaana ay waxkhti xaadirkan gabo-gabo marayaan.

Ugu danbayna maareeyaha ayaa sheegtay in mashruucan guryowadareedka garabcase  mudada uu socdo ay dad badan oo deegaanka ah shaqo abuur ka heleen islamarkaana ay mashruucan dhismihiisu looga faaiideeyay mas’uuliyiintii hore ee deegaanka, Ugaasyo, Suldaamo iyo odayaal kale oo kamid ah odayaal dhaqameedka deegaanka. Waxayna maareeyuhu ugu danbayn carabka ku dhufatay in mashruucan mudo gaaban gudaheed lagusoo gabagabaynayo.

Qiimayntii Waxqabadkii Rubucii 2Aad Ee Degmooyinka Gobolka Faafan Oo ka furmay awbare

$
0
0

Awbare,(cakaaranews), Arbaca, 10ka January, 2018. Shir lagu qiimaynayay waxqabadka rubuca 2,aad ee sanadka 2010TI ee degmooyinka maamulka iyo maamul magaalooyinka   gobolka faafan  ayaa ka furmay  madasha  shirarka magaalada awbare ee xarunta degmada awbare

shirkan qiimaytan oo  diirada lagu saarayo hirgalinta qorshayaasha  horumarka, maamulka suuban ee u dajisnaa degmooyinka gobolka faafan  gaar ahaan hirgalinta qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshan karaa  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta  gobolka faafan  oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka faafan mudane cabdiwali maxamed iyo hogaaminta maamulada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka gobolka faafan.

Furitaankii shirkan  qiimaynta ah  ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay mudane Cabdiwali Maxamed si fiican ugu qeexay maamulada degmooyinka ujeedooyinka iyo ahmiyada shirkan  qiimaynta ah isaga oo sheegay in  qiimayntan xooga la saarayo fulinta qorshyaashii u dajisnaa maamulada degaayinka gobolkan faafan  oo ah kuwii heer deegaan laga soo dhaadhiciyey iyo kuwii degmada  u qorshaysnaa labadaba sida:  qorshaha dhinaca wax soo saarka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo ah nidaam casriya oo lagu hirgalinayo  qorshaha isku filnaanshaheena waan soo ceshan karnaa  islamarkaana ka mid ah qorshayaasha ugu muhiimsan ee sanadkan ee ka deegaan ahaan xooga la saarayo   iyo wacyigalinta bulshada, dakhliga, nidaamka cad-cadaanta iyo islaxisaabtanka miisaaniyada, nidaamka gudi kushaqaynta isagoo gudoomiyuhu tilmaamay inay degmooyinku ku saleeyaan warbixintooda qotobada  sare kucad si ay wakhtiga uga faaiidaystaan.

Waxaana la guda galay dhagaysiga warbixinada waxqabadka rubuca 2aad  degmooyinka gobolka  faafan taasi oo saaka lagu bilaabay dhagaysiga warbixinta waxqabadka rubucii  2aad ee degmada awbare oo uu soo jeediyay gudoomiyaha degmada awbare mudane maxamed cabdi faarax.

 

 

ገረብ አሴ የጋራ መኖሪያ ቤቶች ግንባታ በማጠናቀቅ ላይ ይገኛል

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)እሮብ፤ጥር 2/2010.የኢ.ሶ.ክ.መ.በክልሉ ማህበረሰብ የሚያጋጠሙ የመኖሪያቤቶች እጥረት በዘላቂነት ለመፍታት የክልሉ መንግስት የቤቶች ልማት ኢንተርፕሬዝ ማቋቋሙ ይታወሳል። ኢንተርፕሬዙ ደግሞ በክልሉ ርዕስመዲና የሚኖሩ የማህበረሰብ ክፍሎች በመኖሩያ ቤቶች በኩል የነበረውን ችግር በመቅረፍና ባርካታ የመኖሪያቤት ፖሮጀክቶች በመገንባት ኢንተርፕሬዙ በአጭር ጊዜ ውስጥ አመርቂ ስራዎች ሰርቷል።

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት የቤቶች ልማት ኢንተርፕሬዝ ዋና ዳይረክተር ወ/ሮ ራህማ ሪያሌ ኡመር በጅግጅጋ ከተማ በገረብአሴ ሰፈር አከባቢ እየተሰራ ያለው የጋራ መኖሪያቤቶች ግንባታ ፖሮጀክት በማጠናቀቅ ላይ እንደሚገኝ ገልጿል።በተጨማሪ ፖሮጀክቱ ከሁለት ወራት በፊት የተጀመረ ሲሆን ግንባታው  አንደ መቶ የጋራ መኖሪያ ቤት ግቦች እንደሆነና ፖሮጀክቱ በጥራትና በፍጥነት እየተሰራ ነው ብሏል ዳይረክተሩ።

 

በመጨረሻም በፖሮጀክቱ ግንባታ ላይ በርካታ የክልሉ ወጣቶች በቋሚነትና በጊዜያዊ የስራ እድል ከመፈጠሩና ተጠቃሚ ከማድረጋቸው ባሻገር የፖሮጀክቱ ግንባታ በክልሉ አገር ሽማግሌዎች ኮንስተራክሽን ድርቶች የተገነባ  ፖሮጀክት መሆኑን ነው ሃላፏ የገለጸች።


Shirwaynihii 7aad Ee Xisbiga TPLF Oo Si Rasmi ah Ufurmay

$
0
0

Maqale(Cakaaranews) Khamiis 11ka January 2018. Waxaa si rasmi ah xarunta deegaanka tigray ee magaalada maqale uga furmay shirwaynihii 7aad ee xisbiga TPLF ee deegaanka tigray oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 2,500 oo xubnood oo kakala socda 4ta xisbi ee kumidoobay xisbiga EPRDF iyo 5ta xisbi ee bahwadaagta la ah islamarkaana lagu martiqaaday hogaaminta sare ee xisbiyada EPRDF kubahoobay iyo xisbiyada bahwadaagta la ahba.  

Hadaba wafti balaadhan oo kakooban 25 xubnood oo ay hogaaminayaan gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo uu kuweheliyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka Iyo Dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo mas'uuliyiin kale ayaa uga qaybgalay XDSHSI shirwaynahan 7aad ee xisbiga TPLF. Waxaana xusid mudan inuu XDSHSI uu shirwayne balaadhan oo lamid ah shirwaynahan xisbiga TPLF uu 7aadkan soo socda kuqabanayo degmada raaso ee gobolka afdheer ee DDSI.  

Ugudanbayna, ujeedada shirarkan balaadhan ayaa ah kuwo lagu dhaadhicinayo qiimayntii qotoda dheerayd ee ay galeen xisbiyada kumidoobay xisbiga EPRDF islamarkaana kor loogu qaadayo geedi-socodyada horumarineed, nabadgelyo iyo nidaamka maamulka suuban ee dhamaan xisbiyada dalka si uu dalku uga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay.

Wareegii 2aad Ee Daahfurka Kahortaga Ololha Talaalka Cudurka Poilioda Oo Kabilawday Deegaanka

$
0
0

Jigjiga (cakaarenews)khamiis 11ka January 2018. Waxaa madasha shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI lagu qabtay kulan lagu daahfurayay wareega 2aad ee daahfurka kahortaga ololaha talaalka ee cudurka dabaysha Ee sanada 2010 T.I  iyadoo ololaha wareegana lagu talaali doono caruur tiradoodu kabadan tahay 1 milion iyo 1 hal boqol oo kun kuwaasoo da’doodu  ka yartahay 5 sano.

Hadaba, kulankan daahfurka ah ayaa waxaa kahadlay  Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Xasan Ismaaciil oo sheegy  in ololahan talaalku uu qayb kayahay sidii loo tirtirilahaa cudurka dabaysha islamarkaasna waaydanba laga soo waday dalkeena oo dhan. Wuxuuna kula dar daaramay dhamaan hooyooyinka deegaanka in caruurtooda 5ta sano kayar ay ka talaalaan cududrka dabaysha.

Sidookale, waxaa isna daahfurkan talaalka kahadlay Gudoomiyaha Golaha Sarre Ee Arrimaha Islamaka DDSI Mudane Sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen oo sheegay in ay muhiim tahay in caruurta 5 sano kayar ee kunoo deegaanka laga talaalo cudurka dabaysha kaasoo ah cudur caruurta naafo kadhigo islamarkaana ay7 lagama maarmaan tahay in laga hortago.

Ugudanbayna, mas’uuliyiiintiii kasooqayb gashay kulankan daahfurka polioda ayaa furay dhibcihii ugu horeeyay ee talaalka caruurta lasiinayay islamarkaasna kushubay caruurtii laga sooqaybgaliyay kulankan

GOBOLADA DAAWA IYO LIIBAAN OO TAARIIKHDA ABID MARKII UGU HORAYSAY KU XIDHMAY DEEGAANKA

$
0
0

Leey,(cakaaranews),khamiis, 11ka January, 2018. Waxaa maanta markii ugu horaysay taariikhda deegaanka abid lagu soo xidhay deegaanka gobolada daawo iyo liibaan oo gabi ahaanba deegaanka intiisa kale ka go’naan jiray, waxayna  xukuumada DDSI oo ka duulaysa  taaba galinta qorshayaasha horumarineed gaar ahaan dhinaca sahlida isku xidhka gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa waxaa maanta la kahirgalisay oo la dhamaystiray wabiga daawo gaar ahaan tuulada Galuun ee degmada dhakaasufti  buundada isku xidhaysa gobolada daawo , liibaan iyo afdheer  taasi oo ka dhigan in maanta lagu soo xidhay gobolada liibaan, Daawa iyo gobolada kale ee deegaanka.

Haddaba,  waxaa xusid mudan in maanta waa cusub u baryay guud ahaanba shacabka DDSI ee ku dhaqan gobolada daawo iyo liibaan kuwaasi oo dhibaatooyin xoog leh ka haysan jirtay dhinaca isku socodka deegaanka intiisa kale taas oo ay markay ka tagayaan caasimada deegaanka ee jigjiga ee ay tagayaan gobolada daawo iyo liibaan ay sii dhexmari jireen deegaano kaladuwan oo ay kamid yihiin deegaanka oromada, deegaanka hararida, maamulka Dire-dawa, Maamulka magaalada addis-ababa iyo deegaanka shucuubta koonfureed islamarkaana u socon jiray masaafo dhan  3000 kun oo KM   qaadan jirtay in ay socdaan ugu yaraan afar maalmood  daal iyo rafaad badana u dheeraa. Waxaa kale oo dhibaatooyin badan ka haysatay dhinaca isusocodka ganacsiga oo ay ka xanibnaayeen inay ku xidhmaan gobolada kale ee deegaanka.

 balse waxay maanta xukuumada DDSI ka hirgalisay buundo iskuxidhaysa goboladaas iyo deegaanka intiisa kale oo  qofka  aroornimad ka ambabaxa caasimada deegaanka ee jigjiga isaga oo aan  sii marin  tuula kale oo ka tirsan deegaanada kale ee dalka uu si toos ah  ugu dheelmanayo xarunta gobolka daawo ee  le’yi. Waxaase intaa dheer in buundadan iskuxidhaysa gobolada Daawa, Liibaan , Afdheer  iyo deegaanka intiisa kale oo ay dhismihiisa hirgalisay wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI  ay tahay mid hirgalinteedu ku baxday miskax, maal iyo muruqba islamarkaana buundadan la saaray wabiga daawo ay tahay buundadii ku meelgaadhka ahayd ee waangay oo kadib markii la dhamaystiray buunadadii rasmiga ahayd ee waangey laga soo qaaday waangey islamarkaana intii taayiro iyo ekselo si cilmayaysan loogu sameeyay oo lamid ah sidii markii horeba looga qaaday dhagaxle ee loo geeyay waangey oo kale loo geeyay wabiga daawa islamarkaana hirgalinteeda lagu guulaystay maanta.

Ugu danbayna gobolada daawa iyo liibaan oo waligoodba go’doon ka ahaa deegaanka intiisa kale ayaa buundo la’aan darteed  ugu xidhnaan jiray deegaanada dariska ah ee oromada iyo deegaanka shucuubta koonfureed.

 

 

MW CMC Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 12ka January 2018. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa kadib markay ka qaybgaleen furitaankii shirwaynihii 7aad ee xisbiga TPLF dib ugusoo laabtay xarunta dalka islamarkaan xarunta dalka ugasoo duulay dhanka xarunta ee deegaanka magaalada Jigjiga. Madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaana wakhti xaadirkan ku sugan xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga

የህወሓት 7ተኛ ድርጅታዊ ኮንፈረንስ በመቐለ ከተማ ተጀመረ

$
0
0

መቐለ(Cakaaranews)አርቢ፤ጥር 3ቀን/2010.የህወሓት7ተኛድርጅታዊኮንፈረንስ  በትግራይ ክልል ርዕስመዲና በመቐለ ከተማ  በሚገኘውየሰማእታትሐውልትየመሰብሰቢያአደራሽተጀምሯል።በኮንፈረንሱ  ከ2500 በላይ የሚሆኑ የ4ቱ ኢህአዴግእህት ድርጅቶችና5ቱ አጋርድርጅቶችተወካዮችተገኝቷል፡፡

በዚህኮንፈረንስለመሳተፍ ከሶማሌ ክልል በኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ም/ሊቃመንበርና የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዝዳንት በክቡር አቶ መሀሙድ ኡመር የሚመራ 25 የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.ከፍተኛ አመራር አባላት የያዘ ልዑካን ቡዱን ይገኛሉ።ከልዑካን ቡዱኑ መካከል የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ. ም/ሊቃመንበርና የኢ.ሶ.ክ.መ.ፕሬዝዳንት አቶ መሀሙድ ኡመር፤ የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.ሊቀመንበርና የክልሉ ም/ቤት አፈጉባኤ አቶመሀመድረሺድ ኢሳቅና የክልሉ ም/ፕሬዝዳንትና የከተማ ልማትና ኮንስተራክሽን ቢሮ ሃላፊ አቶ አብዲሀኪም ኢጋል ኡመርተጠቃሽናቸው። በተጨማሪም ይህ የህወሓትድርጅታዊኮንፈረንስ በቀጣዩ ሳምንት ኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.በአፍዴር ዞን ፤በራሶ ከተማ በሚያካሄደው ድርጅታዊኮንፈረንስ ወሳኝ ግብዓት ይሆናል ተብሎ ይጠበቃል  

በመጨረሻም በጉባኤው ከኢህአዴግ ስራ አሰፈጻሚ ኮሚቴ ጥልቅ ግምገማ የወጡት የልማት፤የሰላምና የመልካም አስተዳደር ትክረት አቅጣጫዎች ወደ ታች ለማውረድና ተግባራዊ የሚደረግበት የለውጥ አቅጣጫዎች ይወጣሉ ተብሎ ይጠበቃል።

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>