Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Kulan Balaadhan Oo Dood Cilmiyeed Ah Ayaa Ka Furmay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 1da January, 2018. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka golaha baarlamaanka ahna gudoomiyaha XDSHI mudane Maxamedrashiid Isaaq , Qaar kamid ah kaabaneega deegaanka, Agaasimayaasha iyo heerarka kaladuwan ee shaqaalaha heer deegaan odayaal dhaqameedka deegaanka culimo owdiinka ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee madaxtooyada ee Kaali1.

Hadaba kulankan Dood cilmiyeedka ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn si kooban uga warbixiyay sooyaalka taariikheed ee horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban islamarkaana  sheegay in uu ujeedada kulankan yahay dood cilmiyeed ku suubsan la dagaalanka dhaqan isgumaysiga ah ee ku salaysan yasida qaabiilaadka qaar, in laga doodo Cadooyinka xunxun sida gudniinka fircooniga ah, Shaqo abuurka  iyo xalinta dhibaatooyin kajira teesaraha deegaanka.

Wuxuuna Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlaya dhaqan is gumaysiga qabiilaadka soomaaliyeed ka dhexjira ee ku salaysan yasida qabiilaadka qaar. Isagoo madaxwaynuhu tusaale ahaan usoo qaatay erayga  midgaan oo uu madaxwaynuhu ku tilmaamay eraygaas micnihiisa in loo isticmaali jiray ugaadhsigii oo noqonaysa MID GAN oo ah FALAADHA MID GAN. Micnaha Erayga gabooyana yahay bahasha lagu rito falaadha. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale qeexay macnaha erayga tumaal oo uu ku sheegay inuu yahay ah TUM OO MAAL ama TUN MAAL . Wuxuuna madaxwaynuhu ku dhaliilay qabiilaadkaas in ay ku khaldameen isyasitaanka ay is yaseen islamarkaana ay joojiyaan is yasitaankaas maadaama dadku simanyahay oo uusan jirin mid mid ka fiican.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa soo dhigay ka doodida cadooyinka xun xun oo uu ugu horeeyo gudniinka fircooniga ah oo haboon in lagu saleeyo deegaanka lagu suganyahay oo madaxwaynuhu tusaale ahaan usoo qaatay deegaanada axmaarada iyo dhabuub oo maraya inay ka doodaan in xubinta aan waxba laga jirin iyo in waxyar laga jaro meesha deegaankeenu marayo in xubinta tolitaanka iyo qalitaanka  laga daayo. Madaxwaynaha ayaana culimo owdiinka u xilsaaray inay soo cadeeyaan qodobkan cadooyinka xun-xun eek amid yahay gudniinka fircooniga ah.

Sidoo kale madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in dhibaato ka jirto bixinta teesaraha  islamarkaana ay jiraan degmooyin aan lahayn goob sawir lagu qaado, Wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in dhibaatooyinkaas sida ugu dhaqsadi baadan lagu xalin doona iyadoo hal qaab loo dhigi doono teesaraha oo  xog uu buuxiyo shaqsiga lagusiin doono. Dhanka degmooyinka aan lahay goob sawirna loo samayn doono iyadoo lasiin doono dhalinyaro shaqo abuur loogu samaynayo.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay ka soo qaybgalayaashii dood cilmiyeedka oo ay kamdi ahaayeen culimo owdiinka oo sheegay in dhaqan isagumaysiga ku salaysan yasida qabiilada qaar iyo cadooyinka xun=xun oo uu kamid yahay gudniinka fircooniga uu yahay mid diiniyan aan haboonayn islamarkaana aysan jirin aayad quraan ah oo ka hadlaysa iyo xadiis midnaba.

Sikastaba ha ahaatee kulankan dood cilmiyeedka ah ayaa maalmahan soo socda kasii socon doona madasha shirarka kaali1 ee xarunta  madaxtooyada DDSI.


በክልሉ ርዕስመዲና በጎጂ ልማዶች የሚትኮር የሲምፖዝየም መድረክ ተጀመረ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews)ሰኞ ታህሳስ 23ቀን/2010ዓ.ም.በክልሉ ርዕስመዲና በመስተዳደር ጽ/ቤት ጊቢ በሚገኘው በካሊ1 አደራሽ በጎጂ ልማዳዊ ድርግቶች የሚወያይበት የሲምፖዝየም መድረክ  ተጀመረ።በምክክር መድረኩ ላይ የክልሉ ከፍተኛ አመረር አባላት የክልሉ ፕሬዝዳንት አቶ አብዲ መሀሙድና የክልሉ ም/ቤት አፈጉባኤ አቶ መሀመድረሺድ ኢሳቅን ጨምሮ የክልሉ ካቢኔ አባላት፤አገር ሽማግሌዎች፤የሃይማኖት አባቶችና የክልሉ ሴክተር መ/ቤቶች ሰረተኞችና ሌሎች እንግዶችም ተገኝቷል።

በመድረኩ መፍቻ ላይ በክልሉ ልማት፤ሰላምና በክልሉ መልካም አስተዳደር ህደቶች ዙሪያ አጭር ርፖርት ያቀረቡት የክልሉ ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የሲምፖዝየሙ አላማ “በክልሉ የሚኖሩ ጎሳዎችን መካከል በአንዳንድ ጎሳ ላይ የሚደረገው ጎጂ ንቀቶችን ለማስወገድ፤በክልሉ ማህበረሰብ ውስጥ የሚታዩ ጎጂ ልማዳዊ ድርቶች እንደ የሴት ልጅ ግርዛትና ስራን የመናቅ፤ እንድሁም የነዋሪ ማተወቅያ ዙሪያ ያሉ ችግሮችን ለማጥፋት የሚወያይበት ሲምፖዝየም መሆኑን ገልጿል።

በተጨማሪም በክልሉ የሚኖሩ የማህበረሰብ ክፍሎች ለሚጠቀሙት የንቀትና ጸያፍ ቃላት መቆም አለባቸው በማለት ለምሳሌ ያህል በአንዳንድ ማህበረሰብ ላይ የሚጠረው ስያሜዎችና በሶማለኛ ቋንቋ “ሚድጋን” የሚለው ቃል በድሮ በእንስሳት አደን ጊዜ ሲጠቀሚበት የነበረ ቃል ሲሆን ትርጉሙ “ቀስት ማስቀየስ”ሲሆን “ገቦያ” የሚለውም “የቀስት መያዣያ” እንደሆ “ቱማል”የሚለው ቃልም “ተከሻ ተጠቀሞ የበላ ወይም ቀጥቃጭ” የሚል ትርጉም የሚሰጡ  የንቀት ቃላት ከመሆናቸው ባሻገር እንደዚህ አይነት የንቀት ተግባራት ተቀብሎ እራሳቸው ዝቅ ያደረጉት ጎሳዎች ከመሰረቱ እራሳቸው የናቁና የበታች ያደረጉ እራሳቸው ናቸውና የሰው ልጅ ሁሉ እኩል እስከሆነ ድረስ መቀበል አልበረባቸውም  ብሏል የክልሉ ፕሬዝዳንት።

ፕሬዝዳንቱ እንደ የሴት  ልጅ ግርዛት ያሉ ጎጂ-ልማዳዊ ድርቶች በአማራና በደቡብ ክልሎች የሴትልጅ ግርዛት በፍጹም የሴቷ ብልት ጭራሽ አይነካና በጫፉ ትንሽ ይጨረፍ ላይ ሲከራከሩ በክልላችን ደግሞ ሴቷ ሙሉ በሙሉ ትገረዝ ወይም ትሰፋ በሚል ላይ እንከራከራለን ሲሉ ተናግሯል።በተጨማሪም የክልሉ እምነት አባቶች በሴት ልጅ ግርዛት ዙሪያ ያለው ተጨባጭና ግልጽነት ያለው እምነታዊ ማስረጃ እንድያቀርቡ ፕሬዝዳንቱ አሳስቧል።

በሌላ በኩል የክልሉ ርዕስመስተዳደር በነዋሪ ማታወቅያ መስጠት ዙሪያ ችግሮች እንዳሉ ከመግለጹ ባሻገር በአንዳንድ የክልሉ ወረዎች ላይ ፎቶቤት እንደለሌና ችግሮቹ በቅርብ ጊዜ በአንድ ወጥነት ያለው መንገድ እንደሚፈቱ ጠቆሟል በተጨማሪም ፎቶቤት የሌላቸው ወረዳዎች ለአከባቢው ወጣቶች የፎቶቤት መሳሪያዎች ተገስቶለት የስራ እድል እንደሚፈጠርላቸው እና ማህበረሰቡም ተጠቃሚ እንደሚሆኑ ፕሬዝዳንቱ አብራርቷል።

በመጨረሻም የክልሉ የሃይማኖት አባቶች በበኩላቸው የአንድ ጎሳ/የማህበረሰብ ክፍል የመናቅም ሆነ በጎጅ ልማዳዊ ድርግቶች እንደ የሴት ልጆቻችን ግርዛት በእስልምና ሃይማኖት በቁርዓንም ሆነ በሀዲሲን የማይፈቀድ ምንጭ አልባ ተግባራት መሆናቸውን ገልጿል።የሲምፖዝምየም ውይይቱ ለቀጣይ ቀናት እንደሚቀጠልም ተገልጿል።

 

MW CMC OO U AMBABAXAY XARUNTA DALKA EE ADHISABABA

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Talaado, 2dii january 2018. Wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kakooban 25 xubnood ayaa saaka magaalada jigjiga uga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada adhisababa iyagoo madaxwaynaha iyo waftigiisu ugasii gudbi doona dhanka xarunta deegaanka tigray ee magaalada maqale halkaas oo ay kaga qaybgali doonaan shir balaadhan oo kadhici doona maalmaha fooda inagu soo haya. Shirkaas oo 5ta xisbi ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF ee Soomaalida, Canfarta, Benishangul, Hararida iyo Gambella loogu soo bandhigi doono qiimayntii qotoda dheerayd ee 18ka maalmood usocotay xisbiga EPRDF siday dhacday, nidaamkii iyo geedi-socodkii qiimaynta, cid walba oo kamid ah xisbiga EPRDF iyo sidii loo qiimeeyay, cidii laga talaabaqaaday iyo waliba go'aamadii kasoo baxay si ay khibrad uga qaataan islamarkaana ay hoos ugu dhaadhiciyaan.

ፕሬዝዳንት አብዲ መሀሙድ ኡመር ወደ አገሪቱ ርዕስመዲና አመሩ

$
0
0

አዲስ አበባ(Cakaaranews)መክሰኞ፤ታህሳስ 24ቀን 2010ዓ.ም.በኢ.ሶ.ክ.መ. ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር የሚመራና 25 የክልሉ ካቢኔ አባላት ያቀፈ ከፍተኛ ልዑካን ቡዱን ከክልሉ ዋና ከተማ ወደ የሀገሪቷ ርዕስመዲና የሆነችው አዲስ አበባን አቀኑ። ልዑካን ቡዱኑ ከአዲስ አበባ ወደ መቀሌ ከተማ እንደሚያልፉም ተውቋል።በሌላ በኩል ለሚቀጥለው ቀናት በትግራይ ክልል ርዕስ ከተማ በመቀሌ ለሚካሄደው የ5ቱ ኢህአዴግ አጋር ድርጅቶች ማላትም የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ.፤የአ.ብ.ዴ.ፓ.፤ሐ.ብ.ሊ.የጋህዴንና የቤ.ጉ.ሕ.ዴ..አ.ግ. ድርጅቶች ባለፈው 18 ቀናት የፈጀው የኢህአዴግ ስራ አስፈጻሚ ኮሚቴ ጥልቅ ተሀድሶ ግምገማ ህደት፤በግምገማው ላይ የነበረው ሂስና ግለ ሂስ፤በግምገመው የተወሰዱት እርምጃዎችና እንድሁም ከኢህአዴግ ስራ አስፈጻሚ ኮሚቴ ግምገማ የወጡት የትክረት አቅጣጫዎችን ወደ ታች ለማውረድ የሚመክርበት ጉባኤ ይሳተፋሉ።

 

 

Tababar ku saabsan BSC Oo Loo Qabtay Shaqaalaha Xafiiska Waxabarshada DDSI Ayaa Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 2da January, 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa dhamaan shaqaalihiisa u qabtay tababar ku saabsan taaba galinta iyo hirgalinta barnaamijka  halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee loo yaqaano Balanced Score Card (BSC) kor u qaadista xidhmaha maamulka suuban

Tababarkan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI   ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Wasir Ku xigenka Xafiiska Waxabarshada DDSI mudane Maxamud Axmed Nuur (Heeryo) oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in uu yahay mid  fahan buuxa laga siinayo shaqaalaha xafiiska waxbarashada  geedi socodka barnaamijka halbeega waxqabadka isu dheelitiran ee cudada shaqaale ee ciidanka horumarineed ee iskuxidhka nidaamka maamulka suuban (balanced Score Card) oo ah barnaamij lagu shaqayn doono oo ah qaab ku salaysan qancinta macaamiisha, iskuxidhka halbeega nidaamka maamulka suuban iyo ka midho dhalinta qorshayasha xafiiska.

Ugu danbayna Wasir Ku xigenka ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay mudada uu cashirku socdo si fiican uqaataan casharada ilaaliyaana saacada cashirka maadaama uu tababarkani yahay mid muhiim ah islamarkaana loo baahanyahay in aad ku shaqaysaan marka barnaamijkan ku shaqayntiisa la bilaabo.

MMQ Iyo Bulshada Kunool Oo Soo Dhawaysay Ardayda Cusub Ee Lagu Soo Qoray Jaamacada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Arbaco, 3da January 2018. Waxaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada qabridahar ee xarunta gobolka qoraxay ardaydii ugu horaysay ee nasiibka uyeelatay jaamacada qabridahar islamarkaana ay qaabishay jaamacadu kuwaasoo isugujira qoomiyadaha kaladuwan ee dalkeena kana ka kala yimid 9ka dawlad deegaan iyo labada ismaamul ee uu dalku koobanyahay.

Hadaba, ardaydan cusub ayaa waxaa duleedka magaalada kusoodhaweeyay shacabka qaybihiisa kaladuwan ee ku nool magalaada qabridahar kuwaasoo ay wahelinayaan masuuliyiin isugijirta heer gobol heer maamul magaalo, heer degmo iyo waliba qaarkamid ah masuuliyiinta iyo shaqaalaha jaamacada Qabridahar.

Dhanka kale, qaarkamid ah bulshada ree qabridahar ee soo dhawaynaysay ardaydan cusub ee jaamacada qabridahar lagu soo qoray oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida diiran ee qalbiga furan ee ay usoo dhawaynayaan ardaydan cusub ee isugujirta dhamaan qoomiyadaha dalka ee kakala yimid dhamaan dalka oo dhan. Waxayna tilmaameen in ay taageero dhankasta ah lagarbtaagnaanayaan ilaa inta ay waxbarashada wataan.

Sidookale, qaarkamid ah ardayada lasoodhaweeyay ee kakalatimid deegaanada dalka iyo 2da ismaamul ayaa sheegay in maanta aysan dareenkooda qiyaasikarin islamarkaana aysan filanaynin in soodhawayn noocan ah waxayna u mahadceliyeen dhamaan bulshadii soodhawaysay.

 

Iskusoowada duuboo, jaamacada qabridahar ayaa kamid ah 11 jaamacadood oo cusub kuwaasoo laga kaladhisay qaarkamid ah deegaanada dalka. Iyado jaamacadanina ay tahay jaamacada 2aad ee deegaanka soomaalida Itoobiya. Waxayna sanadkan 1aad ee ugu horeeya qaabishay 1200 oo arday islamarkaana ay u diyaarisay adeegyadii jiifka cuntada iyo waliba waxabarshadii iyo agabkeedii.

Tareenka Ethio-Djibouti Oo Si Rasmi Ah U Bilaabay Safarkiisii iyo waliba Qiimaha Rakaabka Iyo Rarka Oo La Shaaciyay

$
0
0

Addis Ababa, (cakaaranews) Arbaco, 3da January 2018 shirkada isgaadhsiinta  tareenada ayaa sheegatay in uu si rasmi ah tareenku u bilaabay adeegii safarka ee Ethio-Djibouti iyadoo shirkaduna ay shaacisay qiimaha ama sicirka rakaabka goobaha oo sii maro ilaa jabuuti iyo waliba qiimaha  rarka xamuulka.

Hadaba, agaasimaha Guud ee Shirkada Isgaadhsiinta Tareenka ee Ethio-Djibouti mudane Tilahun Sarka,ayaa sheegay in uu tareenku shaqadiisii si rasmi ah u bilaabay maanta oo arabaco ah qiimaha rakaabka waa 0.68 sentir halkii kilomitirba.Sidaa daraadeed, qiimaha adeegga ah ee halka kursi ee AddisAbaba ilaa Adama uu yahay 68birr. Dadka safarka ku jira qololka jiifka ah waxay bixin doonaan 91 birr sariirta sare, 125birr sariirta dhexe iyo waliba 137birr oo ah sariirta hoose.

Masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qiimaha Safarka ka yimaada Addis Ababa ilaa Jabuuti ee kursiga caadiga ahi uu yahay 503birr, halka kuwa safarka ku jira ee qololka jiifka ah ee korka sare ay bixin doonaan 671 birr ,qaybta dhexda ahna ay tahay 922 birr, meesha qaybta hoose ay qiimaheedu tahay 1,006 birr.

Sidookale, Eng tlahun ayaa wuxuu tilmaamay in qiimaha noolka ee kuwa ka safri doona Addis Ababa ilaa Dire Dawa uu yahay 308 birr oo ah kuwa kursiga caadiga ah, iyadoo qiimaha sariirta sare uu yahay 410birr, qiimaha sariiraha dhexena ay yihiin 564 birr meesha qiimaha sariirta oo sariirta hoose uu yahay 618birr.Iyadoo qiimaha noolka ee Kuwa ka safri doona Addis Ababa ilaa Jabuuti ee isticmaalaya qolol gaar ah laga filayo inay bixiyaan 1,258 birr sariirta sare iyo 1, 341 oo sariiraha hoose ah.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Itoobiya, mudane Axmed Shide oo isna warbaahinta u waramay ayaa shegay in mashruucan dhamaaday ee wadada tareenka ee Etio-Djabuti uu yahay mid adeegii safarkiisa si rasmi ah ubilaabay islamarkaana uu yahay guul weyn oo usoo hooyotay wadankeenan Itoobiya. Iyadoo adeegbixinta uu tareenkanina wax wayn kusoo kordhin doono dhaqaalaha dalka. Wuxuuna qayblibaax kaqaadan dhanka ganacsiga iyo iskuxidhka dalkeena iyo wadanka jabuuti.

Waxaa kale oo iyana kahadlay mashruucan Danjiraha Shiinaha U Fadhiya Ethiopia, Tan Jian, Iyo Waliba Dr Berhanu Bashah oo ah Madaxa Sare Ee Shirkadda Tareenka Ee Itoobiya,kaasoo sheegay in waddada tareenka, ama guud ahaanba mashruucani uu yahay mid kor uqaaday sumcadda qaranka ee Itoobiya, iyadoo mashruucanina uu waxkabadali doono bulsho badan oo ku kala nool dalkeena iyo dalka jabuuti labadaba haday tahay shaqo abuur iyo haday tahay kafaaiidaysiga ganacsiga. Wuxayna xuseen in adeega tareenkan casriga ahi uu dalka ka caawin doono dadaallada loo samaynayo islamarkaana si fudud ay uga soo qaadaan qalabka kala duwan ee dekedaha, kuwaas oo loo isticmaali karo gashiga xarumaha waawayn  ee warshadaha ee Itoobiya.

Iskusoowada duuboo, Mashruucan cusub ee casriga ah ayaa ahaa mid xadhiga looga jaray bishii October 2016waxaana si wadajir ah u leh wadamada Itoobiya iyo Jabuuti waxaana dhisey shirkada Shiinaha china Railway Group iyo China Engineering Corporation (CCECC).

 

 

Gudoomiyeyaasha xisbiyada ku bahoobay xisbiga EPRDF ayaa sheegay in midnimada iyo fikirka midaysan ee xisbiga ugu shaqaynayaan shacabka dalka.

$
0
0

Addis ababa (cakaaranews) Khamiis 4ta,January  2018. Afarta gudoomiye ee xisbiyada kubahoobay xisbiga EPRDF ayaa cadeeyey inay shacabka ugu shaqaynayaan fikirka midaysan ee ay urarada xisbigu hada gaadheen.

Afarta gudoomiye ee ururada xisbiga EPRDF ayaa maanta shir saxaafadeed ay ku qabteen xafiiska R/wasaaraha kucadeeyey natiijada kasoobaxday shirkii qiimaynta qotadheer ee gudiga fulinta xisbiga EPRDF kujireen mudada 17ka cisho ah.

Hadaba gudiga fulinta oo shir saxaafadeedkan Kubilaabay Hal kudhag odhanaya “wax cirka kahooseeya oo qiimaynta looga tagay majirin” ayaa sheegay inay shirkii qiimaynta EPRDF ee 17ka cisho socday uu dhaliyey Fikir midaysan oo waara, islamarkaana laga soosaaray jihooyinka kakooban  Sideed qodab oo mustaqbalka dhow lahirgelinayo.

Sidoo kale Gudigaayaa cadeeyyey in qiimaynta loogu talagay inay  “noqoto mid taar iikhi ah” xisbiyada oo dhanina ay si waxku oola iskuxil qaamaan, dhibaatooyinkii wakhtiyadan dambe wadanka kadhacay oo urur walba oo xisbiga kamid ah si adag iskugu qiimeeyey masuuliyadeedina si wada jir ah u qaadateen .

Dhanka kale Gudiga ayaa xaqiijiyey in dhibaatadii wadanka ka dhacday iyo carqaladaha yar-yar ee  kasiimuuqda ay gudiga fulintu mas’uuliyadeeda qaadeen islamarkaana ay dhibaatooyinkii dhacay kagaadheen xal waara.

Sidookale gudiga fulinta ayaa cadeeyey in iyadoo laga duulayo nidaamka fikirka iyo ficilka midaysan ee qiimayntii Hadda kasoobaxday ay xubnaha gudiga fulintu si dhakhsa ah ubilaabayaan kalasaarida dhibaatooyinka iyo xalinta dhibaatooyinkaba.

Gudiga ayaa shaaca kaqaaday in kalashakigii iyo is aaminaad la’aantii kadhex dhelatay xaliyadan dambe oo ahayd mid isasootaraysay,ururada xisbiga,in kadib markii si qotadheer looqiimayey laga gaadhay aragtidii midaysnayd ee xisbiga lagu yaqaanay.

Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbiga EPRDF ahna gudoomiyaha ururka dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfureed mudane Hailemaryam Deselagn ayaa sheegay inay gudiga fulintu isku qiimeeyeen oo ay qiimaynta uga gayb qaateen qaab ay xoriyad iyo cadcadaan kudheehan tahay islamarkaana la abuuray fikir iyo aragti midaysan.

Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka xisbiga EPRDF ahna Gudoomiyaha xisbiga dhaqdhaqqaqa dimuqraadiyadeed ee qoomiyada amxaarada mudane Dembeke Mokanin Xuseen ayaa cadeeyyey inaysan dhibaatooyinku kukoobnayn oo kaliya Hal urur siyaasadeed lakiin ay ururada oo dhani ay dhibaatooyinka ka sinaayeen.islamarkaana qiimaynta lagu keenay fikir midaysan si dag dag ahna ficil loogu badalayo.

Waxaa isaguna dhankiisa kahadlay gudoomiyahaya ururka dimuqraadiga shacabka oramada lemma megarsa ayaa dhankiisa sheegay inay guul tahay in laxaliyo caqabadihii jiray,islamarkaana ladhigo jihooyin abuura  geedisocodka siyaasadeeed ee caafimaadka qaaba.

Dhanka kale Gudoomiyaha ururka TPLF Dr debretsion G/Michael ayaa isna dhankiisa Tilmaamay in qiimayntii hada si xeel dheer loogu qiimeeyey xaalada iyo arrimo aan Hadda kahor lagu qiimayn jirin kulamada xisbiga,wuxuuna intaa kudaray in gaar gaar iyo gooni gooniba si cad oo qoto dheer loo qiimeeyey dhibaatooyinkii dalka suaasha geliyey ee ururada.in waxaana meesha laga saaray ayuu yidhi dhibaatadii dimuqraadi la’aaneed ururada xisbiga kadhex abuurmay,oo xisbiga iyo wadankaba khatar ku ahaa,iyadoo ladejiyey jihooyinka xal waara unoqda dalka iyo dalkaba.

Wuxuuna gudoomiyaha ururka TPLF carabka kudhuftay in dhibaatooyinkii jiray ay ahaayeen kuwo albaabada ufuraya kooxaysi iyo kalafaa’iidaysi aan barnaamijyada iyo xidhiidhka wanaagsan ee xisbiga kusalaysnayn.

Waxayna gudumiyeyaashu cadeeyeen inay xisbiga kadhexjireen aragtiyo odhanaya  "anaa saxan iyo anaa saxan."waxayna arrintani abuurtay  qaladaad kusalaysan dareen shaqsiyeed iyo mid kooxeedba.Taasoo iyaduna horseeday cillado kadhashay nidaamka dimuqraadiyadeed eetastuuriga ah iyo balaadhinta siyaasadaba.

Iskusoo wada duuboo guddoomiyaha EPRDF mudane Hailemariam Desaleyn, ayaa cadeeyey in ka qayb gelinta siyaasada ee  xisbiyada mucaaradku ay muhiimadwayn uleedahay xaqiijinta midnimada nidaamka xisbiyada badan(multi party system).wuxuuna gudoomiyuhu carabka ku adkeeyay in lasii xoojiyo nidaamyada balaadhinta siyaasada iyo nidaamka xisbiyada badan.waxayna gudigu dajiyeenjihooyin xaqiijinaya islamarkaana sugaya mawqifka siyaasadeed ee saraynta sharciga kusalaysan.

 


Shirkii Ururada Kubahoobay Xisbiga EPRDF Iyo Xisbiyada Bahwadaagta la ah Oo Kafurmay Xarunta Dalka

$
0
0

Addis-ababa,(cakaaranews), khamiis, 4ta January,, 2018, Kulan ay yeesheen 4ta xisbi ee kubahoobay xisbiga EPRDF iyo 5ta xisbi ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF ee soomaalida, canfarta, benishangul, gambella iyo hararida ayaa kaqabsoomay xarunta dalka ee magaalada adhisababa.

Kulankan ayaa xisbiyada bahwadaagta la ah xisbiga EPDRF waxaa loogu soo bandhigay warbixintii qiimayntii qotoda dheerayd ee 18ka maalmood usocotay ururada kubahoobay xisbiga EPRDF si kafaah-faahsan siday warbaahintu usoo dhigtay gaar ahaan geedi-socodkii qiimaynta, dhibaatooyinkii dhacay iyo sidii la isugu qiimeeyay iyo waliba natiijadii kasoo baxday. Kadibna xisbiyada ayaa si qotodheer uga dooday. Waxaana la islaqaatay dood dheer kadib in qiimayntan hoos loo dhaadhiciyo inkastoo ay XDSHSI iyo xukuumada DDSI ay shirkan kahorba sii bilaabeen islamarkaana dhaadhiciyeen qiimayntan.

Hadaba, Xisbiga EPRDF ayaa waxaa kamid ahaa khaladaadka uu hoosta kaxariiqay fikir aad loo buunbuuniyay oo ahaa inay jirto sarayn ah qawmiyada tigray arinkaas oo in badan dhex socday xisbiga EPRDF ilaa iyo labadii sano ee udanbaysay balse bayaan ay shirkii qiimaynta EPRDF kasoo saareen ayay kusheegeen in arinkaasi uu ahaa been iyo barobagando aan sal iyo raad lahayn wax cadayn ahna loo waayay.

Sidoo kale, hogaaminta XDSHSI ayaa soo dhigay in arinkaas ay iyagu horayba ugu arkeen inuu yahay been iyo barobagando larabay in lagu dumiyo nidaamka federalismka ah iyo dastuurka dalka laguna xasuusto inay shacabka soomaalidu ay si cad uga soo horjeedsadeen beentaas iyo barobagandadaas larabay in lagu dumiyo dastuurka iyo federalismkaba.

  Dhanka kale, XDSHSI ayaa kutilmaamay qiimayntii iyo islahalgankii shirkii 18ka cisho magaalada adhisababa uga socday xisbiga EPRDF talaabo sax ah oo ay EPRDF qaaday.

Ugudanbayna, kulankan ayaa waxaa kasoo baxay go'aamo muhiim ah oo waxtar uleh guud ahaanba shacabwaynaha dalka oo udhignaa sidan:

1.  Waxay qiimayntu dusha kasaartay dhamaan dhibaatooyinkii dhacay gudiga fulinta gaar ahaan hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF maadaama oo xiligii dhibaatooyinku dhacayeen aysan daraasaad kusamaynin markay dhacdayna aysan xal kakeenin.

 2.  Wuxuu xisbigu sidoo kale cadeeyay inay xisbiga EPRDF kadhex dhalatay koox bilaa hogaamin ah oo kumidawday danaysi iyo aragti xumo kadhan ah jihooyinka ay EPRDF kumidawday

 3.   Waxay hogaaminta sare ee xisbiga EPRDF gaar ahaan gudiga fulintu ay qaadatay dhaliisha dhamaan dhibaatooyinkii dhacay islamarkaana ay raalin galin kawaydiisteen guud ahaan shacabwaynaha dalka, xubnaha EPRDF iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF

4.   Wuxuu xisbiga EPRDF balanqaaday in dhamaan khaladaadkii dhacay ay saxayaan oo ay sugayaan saraynta sharciga, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka.

5. Waxaa kale oo uu xisbigu go'aamiyay in ururada katirsan xisbiga EPRDF ay si gooni ah isugu qiimeeyaan dhibaatooyinka maamul xumo ee laqiimeeyay cidii kulug-lahaydna talaabo laga qaado

 6.  Wuxuu xisbigu ku amaanay ciidamada difaaca qaranka shaqooyinka muhiimka ah ee ay kaqabteen dhibaatooyinkii dhacay isagoo bogaadin usoo jeediyay

 7.  In dhibaatooyinkii kajiray dhanka xadka ee gaar ahaan soomaalida iyo oromada oo qayb ka ahaa xumadii siyaasadeed ee guud ahaan kajirtay dalka xal waara laga gaadho.

 8.       In laceliyo dib udajina loo sameeyo barakacayaashii labada dhinac

Shirwaynaha Wadatashiga XDSHSI Iyo Shacabwaynaha DDSI Oo Lagu Qaban Doono Magaalada Raaso.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis , 4ta, January, 2018. Waxaa magaalada Raaso ee xarunta degmada Raaso ee gobolka afdheer lagu qabandoonaa todobaadka soo socda haddii alleh-idmo shirwayne balaadhan oo ay yeelan doonaan XDSHSI iyo shacabwaynaha DDSI kaasi oo lagaga hadli doona dhibaatooyinkii la soo maray, waxqabadkii 7dii sano ee la soo dhaafay  xukuumada DDSI  iyo jihooyinka horumarineed, Nabadgalyo iyo maamulka suuban mustaqbalka soo socdo.

Haddaba, degmada Raaso oo sanado ka hor uun ahayd tuulo ayaa wakhti xaadirkan qaabilaysa kumanaan qof oo ka qaybgalaya shirwaynahan taasi oo tusaale cad u ah horumarka deegaanka ka hanan qaaday iyo in ay tuuladii hore loo odhan jiray Raaso ay maalinba maalinta ka dambaysa sii balaadhanayso iyada oo ugu dambayn maanta gaadhay heer ay marti galinayso shirwaynaha XDSHSI  iyo shacabwaynaha DDSI taasi oo ah wax illahay lagu mahad celiyo.

Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Furmay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 4ta December 2018. Waxaa si rasmi ah ooga furmay cusbitaalka wayn Ee jaamacada jigjiga ee Meles Memorial referal hospital ol-olihii Daawaynta Iyo Qaliinka Indhaha ee bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan boqolaal shacabka maamulka magaalada jigjiga iyo nawaaxigeeda.

Hadaba madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahim oo kawarbixiyay ol-olahan adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha ee bilaashka ah ayaa sheegay inuu adeegan daawaynta iyo qaliinka indhaha bilaashka ah  ee looga faaiidaynayo dhamaan bulshada ku dhaqan MMJ iyo nawaaxigeeda uu si rasmi ah ubilawday islamarkaana uu socon doono muda 7 cisho ah. Wuxuuna intaa ku daray in markii uu 7aadkan dhamaado ol-olaha adeega qaliinka iyo daawaynta bilaashka ah uu Hospitaalku si rasmi ah usii wadi doono bixinta adeega qaliinka iyo daawaynta indhaha maadaama oo aysan waaxdani horay uga shaqayn jirin hospitaalka.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan maamulka magaalada jigjiga  iyo naawaaxigeeda oo  sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲያዊ ፓርት በራሶ ከተማ ከህዝቡ ጋር ሰፊ የጋራ መግባባት መድረክ የአካሄዳል

$
0
0

ጅግጅጋ(cakaaranews)hሀመሙስ ታህሳስ 26/2010ዓ.ም.በቀጣዩ ሳሚንት በአፍዴር ዞን በራሶ ወረዳ መቀመጪያ በራሶ ከተማ የክልሉ መሪ ድርጅት ኢ.ሶ.ህ.ዴፓ. ከክልሉ ህዝብ ጋር ክልሉ ባለፈው 7አመታት ባሳለፈው የልማት፤የመልካም አስተዳደርና የዴሞክራሲ እንድሁም የታዩ ተግዳሮትና በቀጣይ የልማት፤የጸጥታና የመልካም አስተዳዳር ትክረት አቅጣጫዎችን የሚወያይበት ሰፊ መድረክ ያካሄዳል።

በሌላ በኩል እንደሚታወቀው ከቅርብ አመታት በፊት ራሶ መንደር እንደነበረች ይታወቃል ይህ ደግሞ በክልሉ መንግስት ቁርጠኝነት የትላንትናው ራሶ ቀበሌ ወረዳ በማድረጉና ከተሟ ከእለት እለት እደገች በመምጣቷ ዛሬ በሺዎች የሚቆጠሩ የኢትዮጵያ ሶማሌ ህዝብ ዴሞክራሲያዊ ፓርትና ህዝብ በሚወያይበት መድረክ ለሚካፈሉ ታሳታፊዎች ለሚያስፈልገው ጉዳዮች ሁሉ አሟልታ እንድታስተናግድ ምክንያት ሆኗል።

War Deg-deg Ah

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Khamiis 4ta January 2018. Xisbiga EPRDF ayaa maanta shaaca ka qaaday markii ugu horaysay taariikhda abid inay ka doodeen sidii ay ururad bah-wadaagta ah ee sida XDSHSI ay EPRDF uga mid noqon lahaayeen. Waxayna sheegeen inay ku jiraan daraasaadkii ay kaga midnoqon lahaayeen EPRDF. Iyadoo ugu danbayn shirwaynaha EPRDF ee dhici doona bisha Hamle 2010TI lasoo hor dhigi doono daraasaadka.

Sidoo kale shirkii maanta ay yeesheen xisbiga EPRDF iyo ururada bah-wadaata ah ayaa waxay ku sheegeen in ay wakhti xaadirkan ay jiraan qaar kamid ah  ururada bah-wadaagta ah oo aad ugu talaabsaday isbadal dhan walba ah sida XDSHSI oo kale. Iyadoo Qodobadii shirkii EPRDF kasoo baxay ay kamid ahaayeen sida ururada bah-wadaata ah loogu darilahaa xisbiga EPRDF.

Ugu danbayn xisbiga EPRDF ayaa sheegay inay ururada bah-wadaagta ah sida XDSHSI uu ku biiradoona xisbiga EPRDF ilaa bisha hamle 2010TI

ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት በጅግጅጋ ከተማ ተጀመረ

$
0
0

ጅግጅጋ(Cakaaranews) አርቢ ታህሳስ 27/2010.በጅግጅጋ ከተማ አስተዳደርና በአከባቢው የሚገኙና የተለያዩ የአይን በሽታ ችግር ያለባቸው ዜጎች ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት የሚያገኙበት ፖሮግራም በዛሬ እለት በጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ የመለስ ዜናዊ መታሰቢያ ሪፊራል ሆስፒታል ተጀመረ

የጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ ፕሬዝዳንት ዶር አብዱልአዚዝ ኢብራህም  ይህ ነፃ የአይን ህኪምና አገልግሎት ለአንድ ሳሚንት ያህል የሚሰጥ ፖሮግራም ሲሆን በጅግጅጋ ከተማ አስተዳደርና በአከባቧ ለሚኖሩና በሺዎች የሚቆጠሩ የተለያዩ የማየትና የአይን ብርሃን በሽታ ያለባቸው ዜጎች ነጻ የአይን ህኪምና አገልግሎት ተጠቃሚ የሚሆኑበት ፖሮግራም ነው ብሏል።በተጨማሪም የጅግጅጋ ዩኒቬርሲቲ መለስ ዜናዊ መታሰቢያ ሪፊራል ሆስፒታል ከአሁን በፊት ይህንን የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና አገልግሎች የሚሰጥ ዲፓርትመንት ስላልነበረ ከወዲሁ ይህንን የአይን ቀዶ ጥገና ህኪምና አገልግሎት በቋሚነት እንደሚሰጥ ዲፓርትመንት ማቋቋምም ዶር አብዱልአዚዝ ገልጿል።

በመጨረሻም ከጅግጅጋ ከተማ አስተዳደርና ከጅግጅጋ አከባቢ መጥቶ ይህንን ነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ሕክምና ተደርጎለት የአይነ-ብርሃናቸው የተመለሰላቸው ዜጎች በበኩላቸው ባገኙት የአይን ህኪም አገልግሎቱን እጅግ ደስተኛ መሆናቸውን ገልጿል።በተጨማሪም የክልሉ መንግስት ይህንን ነጻ የአይን ቀዶ ጥገና ሕክምና አገልግሎትን ለማብቃትና የአይነ-ብርሃናችን ለማስመለስ ባደረገው ጥረት አበረታች ነው ብሏል።

Gudiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Shacabka DDSI Oo Kormeer Qiimayn Iyo Dabagalka Ah Ku Soo Maray Mashaariicaha Horumarineed Ee Laga Hirgaliyay Gobolada Jarar iyo Qoraxey

$
0
0

Qabridahar (cakaaranews)Jumce, 5ta January 2018.Gudiga joogtada ah ee golaha wakiilada shacabka DDSI ee qaabilsan dhanka qiimaynta iyo dabagalka mashaariicaha ayaa kormeer qiimayn iyo dabagal ah ku soomaray  mashaariicaha horumaineed ee laga hirgaliyay gobolada jarar iyo qoraxey.

Hadaba, gudigan ayaa kormeerkoodii dabagalka ahaa ka bilaabay mashaariicaha laga hirgaliyay magaalada dhagaxbuur iyadoo kormerkana ay kuwahelinayeen gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo waliba masuuliyiinta magaalada dhagaxbuur waxayna ugu horeen booqdeen mashruuca dhimaha ee Kuliyada xirfadaha farsamada gacanta ee magaalada dhagaxbuur, mashruuca xarunta quwada korontada ee magaalada dhagaxbuur, dhismaha dugsi sare oolaga fuliyay, fulinta qorshaha BBC, heerka iyo nidaamka shaqo ee dhalinyartii shaqo abuurka loo sameeyay, iyo waliba mashaariicaha kale ee magalada dhagaxbuur laga fuliyay sida wadooyinka.

Sidookale, gudiga oo kormeerkooda sii wata ayaa gaadhay mashaariicaha waawayn ee magalaada qabridahar sida jaamacada qabridahar, adeegyada kaabayasha dhaqaale ee magaalada qabridahar, qaab socodka shaqo ee dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyay ee magaalada qabridahar iyo waliba adeegyada horumarka ee magaalada qabridahare.

 

Ugudanbayna, gudigan ayaa waxay kormeerkooda ku mareen dhamaan mashaariicaha laga hirgaliyay goboladaas iygoo soo taabtay mashaaricaha waraabka ee baka, goomaar- wijiwaaji, iyo maraacato.


Shirkada Maalgashiga Wayn Ee Dangote Group Ayaa Sheegtay In Ay Sii Laban Laabayso Maalgashiga Dalka Ethhiopia

$
0
0

Adhisababa (cakaaranews)Jumce, 5ta January 2018.Dangote Group oo ah shirkadaha Afrika ee hogaaminaya shirkadaha iyo warshadaha qaarada ayaa ku dhawaaqday in qorshayaal lagu kordhinayo maal-gashigooda ku aadan dalkeenan Itoobiya. iyadoo Shaacinta labajibaarka maalgalintooda ay timid ka dib wadahadaladii dhaxmaray Raisal Wsaaraha JDFI mudane Haile-Mariam Desalegn iyo milkiilaha Dangote Group mudane Aliko Dangote islamarkaasna ay xafiiska Raisal wasaaraha kuwada hadleen.

Hadaba, Raisal wasaaraha iyo Dangote ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa maalgashiga kooxda ee Itoobiya. Iyadoo Ra'isal Wasaaruhu sheegay in dawladda Ethiopia ay ka go'an tahay sidii ay u bixin laheyd taageerada ay u baahan yihiin ee dhanka maalgashiga, wuxuuna intaa kudaray in wixii dhibaato ah ee ka jiray dalka xalkeeda lagu gudajiro, xalbadana ay gaadheen islamarkaana wadanka oo dhan lagu soo dabaalay nabadgalyo. Hada wixii kadanbeeyana la adkayn doono nabadgalyada dalka. Isagoo tilmamay Raisal-wasaaruhu in kooxdu ay leedahay qorshe lagu dhisayo warshad samaysa kaydka waxsoosaarka sibidhka taasoo ah warshad awood uleh islamarkaana ay ku garab taaganyihiin.

Sidookale, Milkiilaha Dangote Group mudane Aliko Dangote ayaa u mahadceliyay raisal wasaarha kadibna sheegay in uu doonayo in uu laba jibaaro maalgashigiisa mustaqbalka qaybta warshadaha sibidhka. Wuxuuna farta kufiiqay in maalgashigoodani uusan ahayn maalgalin hal mar ah "Ma ahan maal-gashi hal-mar ah,", isaga oo intaa ku daray in ay xaqiijinayaan in labada dhinacba ay ka wada faa'iideysan doonaan. isagoo carabka kuddhuftay in si wadajir  loola dagaallamo wixii caqabad ah ee soo food saarta."

Dhanka kale, Sida laga soo xigtay ENA, ayaa sheegaya in maal-gashiga Dangote ee Itoobiya wakhti xaadirkan uu galiyay dhanyahay 600 milyan oo Dollar. Isaga oo furay warshad sibidhka ah oo ku taala Itoobiya sannadkii 2015-ka oo lagu qiimeeyay 480 milyan oo doolarka Mareykanka ah warshadaasoo  85km u jirta Addis Ababa. Iyadoo Warshadaasina ay  awood uleedahay inay soosaarto 2.5 milyan tan oo ah sibidhka sanadkiiba.

Iskusoowada duuboo,  Mulkiilaha shirkadan dangote group  ayaa ah ninka  ugu taajirsan Africa iyo ganacsatada Nigeria. Waxaana laxaqiijiyay in Itoobiya ay tahay suuqa ugu faa'iidada badan ee sibidhka Dangote kahesho, Waxayna iibisay 1.7 malyan sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2017’’.

 

 

Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta khayraadka Biyaha DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii Xafiiska 6dii Bilood Ee La Soo Dhaafay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), sabti, 6da January, 2018 Wasiirka ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa warbixiyay guulaha laga soo hooyay  waxqabadkii 6dii bilood ee la soo dhaafay gaar ahaan taaba galinta qorshayaasha lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha deegaanka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xukuumada DDSi ay qorshaha 1aad ilaa 5aad u qaadatay horumarinta khayraadka biyaha  si looga jawaabo baahida bulshada deegaanka ee dhinaca helitaanka biyaha nadiifta ah islamarkaana xooga la saaray ka faa’iidaysiga  biyaha bulka hoostooda, kaydinta biyaha cirka iyo ka faa’iidaysiga biyaha wabiyada deegaanka sidoo kalena ay xukuumada DDSI suurta galisay mashaariicaha biyo galinta masaafada fog oo la gaadhsiiyay dhulkii hore u ahaan jiray oomahana dhinaca kalena ay xukuumada DDSI soo  iibisya bilihii ugu dambeeyay 58 booyadood oo si casri ah loo sameeyay oo ah booyado loo isticmaali karo dhanka dabdamiska  iyo biyo dhaamiska  iyada oo dhinaca kale meelaha laga sameeyo biyo dhaanka la garab wado qoditaanka ceelasha biyaha dhaadheer. si guud ahaanba deegaanka xawlaara looga gaadho helitaanka biyaha,

Wasiir kuxigeenka mar uu ka waramayay guulaha laga gaadhay qorshihii xafiiska biyaha ee 6dii bilood ee ugu dambeeyay  ayaa  waxa uu sheegay in heer daboolka biyaha deegaanka laga qaaday 6dii biloog ee ugu dambeeyay  66.7%  lana gaadhsiiyay  73.6% sidoo kale heer daboolka magaalooyinka laga qaaday   64.5% lana gaadhsiiyay  70.2 halka heer daboolka biyo galinta miyiga laga qaaday  66.7% lana gaadhsiiyay   73.6%,  wasiir ku xigeenka oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay in la dhamays tiray 25 ceelalka dhaadheer  (riig ah) halka ay socdaan 12 ceel oo ah kuwa dhaadheer, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in shaqooyinka ku dayashada mudane ee laga hirgaliyay deegaanka ay tahay  xal u helida ceelasha dhaadheer ee marka laga soo saaro biyaha ay qadhaadh noqdaan taasi oo ay xukuumada DDSI oo iibisay 11 mishiinada ah kuwa biyaha macaaneeya taasi oo lagu guulaystay lana macaaneeyay meelihii laga qotay ceelasha biyaha qadhaadh.

Ugu dambayntii waxa uu  sheegay wasiir ku xigeenku  in xafiiska horumarinta khayraadka biyuhu isaga oo ka duulaya taaba galinta geediga horumarka xukuumada DDSI ee ku salaysan ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha uu dadaal xoogan ugu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha horumarinta khayraadka biyaha deegaanka.

 

 

   

M.M Qabridahar Iyo Tababar Kusaabsan Nidaamka Beerashada Casriga Ah Oo Loo Qabtay Khabiirada Fidinta Beeraha Ee Gobolada Qoraxey, Shabeele, Doolo Iyo Jarar

$
0
0

Qabridahar(cakaranews)Sabti, 6da January 2017.Waxaa Magaalada qabaridahar ee xarunta gobolka qoraxey lagu soo gabagabaeeyay Tababar uu soo agaasimay xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI islamarkaana loo hayay khabiirada fidinta beeraha ee dhamaan degmooyinka Gobolada Qoraxey, Shabeele, Doolo Afdheer Iyo Jarar. Tababarkaasoo kusaabsanaa nidaamka beerashada casriga ah.

Tababarkan ayaa waxaa casharada bixinayay khabiiro sare oo kasocday xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah DDSI islamarkaana aqoon durugsan uleh casharada ay bixinayaan. Iyadoo intii uu socday tababarkanina kaqaybgalayaasha si practical ah loo geeyay beeraha waawayn ee sida casriga ah looga beeray mashruuca waraabka ee maraacato kaasoo si ficil loohu tusay beeraha sida casriga ah loo beeray.

Hadaba, tababarkan ayaa warbaahinta deegaanka uga waramay Gudoomiyaha Degmada Qabridahar Mudane Cabdulaahi Shekh Axmed Iyo Waliba  Agaasinka Waaxda Fidinta Beeraha Ee Xafiiska Beeraha Iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga Ah Mudane Axmednuur oo sheegay in tababarkani kusaabsanaa nidaamka beerista casriga ah iyo waliba waxsoosaarka tayada leh. Wuxayna tilmaameen in khabiiradan lakeenay beeraha sida casriga ah loo beeray si ay ficil ahaan ugu arkaan oo ay ugu daydaan. Waxayna xuseen in tababarkan ay kafilayan in horumar badani kayimaado kadib markii khabiiradani ay ku laabtaan goobohoodii iyo degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Ugudanbayna, dhankooda khabiiradii tababarka qaatay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in tababarkan ay kafaa’iideen cilmi badan oo kuwajahan xirfadooda. Waxayna xuseen in ay uga sii faaiidaynayaan bulshadii iyo degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Adeegii Qaliinka Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa Oo Maalintii 3aad Galay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 7da January 2018. Waxaa maalintii 3aad galay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa oo ka socda cusbitaalka wayn  Ee jaamacada jigjiga ee Meles Memorial referral hospital. kaas oo ay ka faaiidaysanayaan dhamaan shacabka ku dhaqan deegaanka gaar ahaan shacabka gobolka faafan.

Hadaba adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah oo looga faaiidaynayo shacabka deegaanka ee wax ka qaba dhanka araga ayaa waxaa kawarbixiyay Mudane Cabdulaahi Xambali oo ah hogaamiyahan kooxda wareegta ee qalitaanka iyo daawaynta indhaha ee waaxda ka hortaga iyo xakamayta cudurada indhaha ee xafiiska caafimaadka DDSI oo sheegay in qalintaanka iyo daawayntu si fiican usocoto islamarkaana uu maalmahan kasii socondoono isla cusbitaalka iyadoo looga faaiidaynayo guud ahaanba shacabka deegaanka.

Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay shacbkii looga faaiidaynayay adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ahaa oo si farxadi ku dheehantahay usheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan ay aragoodii indhaha ee sanado ka maqnaa loogu soo celiyay. Waxayna umahad celiyeen xukuumada hirgalisay adeegan.

Gudiga Qabanqaabada Ee Shirwaynaha Raaso

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 7da January 2018. Shirwaynaha wadatashiga XDSHSI iyo shacabwaynaha deegaanka oo ay kasoo qaybgalayaan in kabadan 2,500 oo shaqsi oo isugu jira ergooyinka xisbiga, qaybaha kaladuwan ee  bulshada, Odayaal dhaqameedka iyo heerarka kaladuwan ee mas’uuliyiinta deegaanka ee ka dhicidoona xarunta degmada raaso ee gobolka af dheer ayaa loo dhisay gudigii qabanqaabada iyo abaabulka shirwaynaha oo ubaxaya degmada raaso iyo gudashada shaqooyinkii loo xilsaaray.

Hadaba Waa kuwan magacyadii gudiga qabanqaabada shirwaynaha Raaso.

1.       Mudane Axmed Maxamed Koore wasiirka Xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ee DDSI-Gudoomiyaha Gudiga qabanqaabada

2.       Mudane Cabdulaahi Maxamuud Cabdi (Garbo) wasiir kuxigeenka  xafiiska jidadka ee  DDSI-Xubin

3.       Mudane Cabdrashiid Sheekh Cumar Maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka ee DDSI-Xubin

4.       Mudane Cabdi Bari Macalin Maxamed maareeye ku xigeenka kuliyada caafimaadka ee DDSI-Xubin

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>