Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

President CMC and Delegation continue BBC Journey of Launching Long Boreholes at Ciid Area

$
0
0

Danod(Cakaaranews) Sunday 24thSeptember 2017. ESRS president mr. Abdi Mohamoud Omar and delegation who last night slept at Marsin woredas are continuing their Journey named BBC of launching second round range land water supply project of Birqod, Gunagado, Dig,Marsin,Danood and Gashamo. Regarding to this, his excellence President Mr. CMC and delegation launched three boreholes drilled in high level elevation area of Ciid. These new boreholes are contained one borehole drilled at Marsin woreda, one CeelBaxay Kebele of Gashamo woreda and the other borehole constructed inside Gashamo woreda. During drilling and construction of these boreholes more than 11 million Birr of budget was expended to finish the work of the boreholes. However, this is first time in history that ever drilled long boreholes at Ciid area.

So the president and delegation marked the official commencement of the construction of supply water at Ceelbaxay,Gashamo and Balijano or an area of 150 KM. it has been allocated 200 million Birr to implement this water supply project and complete with in two years of this project life span.  Finally, the delegation remained to sleep Danod woreda where they are expecting to launch 600 M long borehole tomorrow.

 

 


Deeq Raashin ah Oo La Gaadhsiiyay bulshada DDSI Ee Ka Soo Barakacday deeganka Oromiya.

$
0
0

Qolaji,(cakaaranews),Isniin,  25ka September, 2017.  Hay’adan wadiniga ah ee Donjanmariya oo ka mid ah hay’adaha wadaniga ah ee ka  hawlgala deegaanka  kana shaqeeya hawlaha horumarinta bulshada ee  dhinacyada waxbarshada ,biyaha, caafimaada iyo kaalin ka gaysashada hawlaha gar-gaarka bulshada deegaanka ayaa maanta deeq  isugu jirta raashinka noocyadiisa kala duwan gaadhsiisay bulshadii deegaanka  ee ka soo barakacday deegaanka oromiya ee did u dajinta xukuumada DDSI ugu samaysay tuulada qoloji

Waxaana deegtay raashinka kala wareegay hayadan masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska ka hortaga iyo u diyaar  garowga masiibooyinka DDSI waxaana  ugu horayntii  deeqdan la gaadhsiiyay bulshada ka soo baracaday deegaanka oromiya ka hadlay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed xasan oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu dajinta  bulshada  deegaanka soomalida itoobiya ee ka soo baracaday gudaha deegaanka oromiya   isaga oo uga mahadnaqay ha’yadani donjamariya ee  raashinkan muga leh soo gaadhsiiyay bulshada soo barakacday  sida wanaagsan ee ay iskaga xilqaantay in ay  deeqdan raashinka ah soo gaadhiisyo wasiirka ayaa sheegay in tahay arin ku dayasha mudan islamarkaana  looga baahan yahay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hayadaha aan dawliga ahayn in ay ka qayb-qaataan dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii kor loogu qaadilahaa nolosha bulshada soo barakacday gaar ahaan gar -gaarka la gaadhsiinayo bulshada deegaanka ee ka  soo barakacay gudaha deegaanka oromiya.

Dhankiis maareeyaha guud ee hay’ada wadaniga ah ee donjanmariya mudane Fu’aad Alamire ayaa sheegay in haayadu iyada oo ka jawaabaysa baaqii xukuumada deegaanka ay ka qayb-qaadan doonaan taageera siinta dajinta dadka soo barakacay isaga oo ka warbixiyay raashinka noocyadiisa kala duwan ee ay wakhtixaadirkan soo gaadhsiiyeen bulshada soo barakaday kuwaasi oo kala ah buu yidhi bariis, sonkor, daqiiq, saliid, boorash, digir iyo buskud.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo barakacday gudaha deegaanka oromiya ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin sida ay xukuuamda DDSI ugarab qabatay islamarkaana ka dhigtay kuwo ay  noloshoodu dagan tahay  oo haysta nolol wanaagsan waxayna ugu mahad naqeen hay'ada maanta soo gaadhsiisay deeqdan raashinka ah.

Ugu dambayntii Xukuuamda DDSI ayaa tan iyo intii ay ka soo barakacday bulshada deegaanku gudaha deegaanka oromiya xilwayn iska saartay sidii bulshada loogu samayn lahaa deganaansho iyo nolol dhamaystiran. 

MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 25ka September 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee kuguda jiray socdaalkii BBC ee xadhiga lagaga jarayay mashraaciiha horumarineed ee dhanka biyaha oo uu ugu horeeyay mashruuca balaadhan ee biyo-galinta wajiga labaad ee birqod,Gunagado,Dig,Marsin,Danood iyo gaashaamo iyo waliba mashruucyada qodida ceelasha dhaadheer ee laga fuliyay dhulka uu joogiisu sareeyo ee ciid, Dhagax dhiga biyo-galinta banka dheer ee xaguuga ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka magaalada jigjiga, kadib markuu usoo dhamaaday socdaalkii ay ku guda jireen maalmihii ugu danbeeya. Wuxuuna madaxwaynuhu wakhti xaadirkan ku suganyahay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Wasiirka Arrimaha Dibada Dalkeena Itoobiya Oo Booqasho Kuyimid Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 25ka September 2017. Wasiirka wasaarada arrimaha dibada ee dalkeena itoobiya Dr. Worqineh Gebayu oo soo gaadhay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa kulan layeeshay odayaal dhaqameedka deegaanka oo ay weheliyaan qaar kamid ah hoogaaminta sare ee deegaanka. Waxayna  kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wanaagsan ee uu dalkeenu laleeyahay  wadamada aan dariska nahay.

Wasiirka ayaana dhankiisa amaan usoo jeediyay xukuumada iyo shacabwaynaha deegaanka kaalinta wanaagsan ee ay kaqaateen haynta qaxootiyada faraha badan ee uu dalkeenu gacanta hayo isagoo gaar ahaan xusay sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen islamarkaana uqaabileen dadkii itoobiyaanka  ahaa ee kasoo barakacay wadamada aan dariska nahay iyo sidii gobanimada lahayd ee ay u ilaaliyeen xaalada nabagelyada ee bulshadii ladaganayd isagoo wasiirku kulan laqaatay baracakacayaasha lagu hayo magaalada wajaale islamarkaana soo indha indheeyay martigalinta iyo qaabilaada wacan ee ay xukuumada deegaanku siinayso iyagoo barakacayaashuna dhankooda uga warbixiyay inay helaan adeeg kawanaagsan  kii ay kuhaysteen wadamadii ay laajiga ku ahaayeen ee laga soo barakiciyay.

Ugu danbayna odayaasha deegaanka iyo mas’uuliyiinta ayaa Wasiirka uga mahad celiyay imaanshihiisa iyo kulankii uu laqaatay waxayna balan qaadeen inay sii wadi doonaan nabad kuwada noolaanshaha qoomiyadaha itoobiya iyo wadamada aan dariska nahayba.  

የኢ.ፌ.ደ.ሪ.የወጭ ጉዳይ ሚኒስተሪ ሚኒስተር በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ጎበኙ፡፡

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) መክሰኞ መስከረም 15/2010ዓ.ም የኢ.ፌ.ደ.ሪ.ወጭ ጉዳይ ሚኒስተር ዶ/ር ወርቅነህ ገበየሁ ከኢትዮጲያ ሶማሌ ክልል አገር ሽማግሎችና የክልሉ መንግስት ከፍተኛ አመራር በፀጥታና ከጎረቤት አገራት ጋር ያላት መልካም ግንኙነት ዙሪያ ትናንት ውይይት አደርጓል፡፡

የኢ.ፌ.ደ.ሪ ውጪ ጉዳይ ሚኒስቴር ዶ/ር ወርቅነህ ገበየሁ በውይይቱ ላይ እንደተናገሩት ኢትዮጵያ ከጎረቤት ሶማሊያና ከሌሎች ሀገራት ለተሰደዱ በርካታ ስደተኞች በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መጠሊያ በመስጠት የቆየ የህዝቦች ወዳጅነት ለማጠናከር እየሰራች ከመሆኑ ባሻገር የክልሉ መንግስትና ህዝብ በሰላምና በእንዳተቀባይነት በተላይ ለዓመታት በሶማሊያ የዘለቀው እርስ በእርስ ጦርነት ለተሰደደዱ የሶማሊያ ዜጎች በኢትዮጵያ ሶማሊ ክልል በሚገኙ የመጠሊያ ጣቢያዎች ያለምንም ችግር እንዲኖሩ የክልሉ ህብረተሰብ ሀገር ሽማግሎችና የመንግስት  አካላት ላበረከቱት አስተዋኦም አመስግኗል፡፡ እንዲሁም በቅርቡ ከጎረቤት ሀገራት የተፈናቀሉ የኢትዮጵያ ዜጎች በክልሉ መንግሰትና ህዝብ የተደረገለት ያለው ወገናዊ ድጋፍ አበረታች መሆኑን ገልፀዋል፡፡

በሌላ በኩል ውጪ ጉዳይ ሚኒስቴሩ በቶግውጫሌ ከተማ የሚገኙና ከጎረቤት ሶማሊላንድ የተሰደዱ የኢትዮጵያ ዜጎች ያሉበትን ሁኔታ ተመልክቶ በሰላም እንደሚኖሩና አስፈሊገውን ድጋፍ ሁሉ እንደተሞላለትም አረጋግጧል፡፡

በተጨማሪም የአትየጵያ ሶማሊ ክልል ሀገር ሽማግሎች የውስጥ ሰላማችን ለማደፍረስ ብሄር ብህረሰቦች ለማጋጨት ለሚፈልጉ ኃይሎች የሚያስተጋቡትን አሉባልታ ሳይደናገሩ የቆዩ የሕዝቦች አንድነትና መቻቻል እንዲያጠናክሩ ቃል ከመግባታቸው ባሻገር ውጭ ጉዳይ ሚኒስተሩ ዶ/ር ወርቅነህ ገበየሁ በጎቢኝታቸው ምስገና አቀርቧል፡፡ 

ዘጋቢ፡-አብዱረዛቅ ካፊ

Maareeyaha Guud Ee Shirkada Dhismaha Jidadka DDSI Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Shirkada.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 26ka September, 2017. Maareeyaha guud ee shirkada  dhismaha jidadka DDSI mudane mudane Cabdilaahi Wali Xasan oo xafiiskiisa ugu waramayay  warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in shirkada oo ka duulaysa   fulinta  iyo hirgalinta qorshayaasha ee u dajisan  xukuumada DDSI ay xooga  saartay sanadkii tagay ee 2009TI hirgalinta dhismayaasha jidadka, mashaariicaha waraabka iyo taaba galinta buundooyinka  hal-bawlaha  u ah horumarka bulshada deegaanka.  

maareeyaha ayaa  sheegay  in shirkadu   dadaal xoogan  ugu jirto  fulinta qorshayaasha  horumarineed oo isugu jira dhismayaasha jidadka oo sahlaya isku socodka bulshada deegaanka, hirgalinta   hawlaha  horumarka nabadgalyada iyo koboca dhaqaalaha dalka iyo deegaanka, mashaariicaha,biyo xidheenada waraabka looga faa’iidaysanayo    maareeya  ayaa sheegay in qorshayaasha ay shirkadu gacanta ku haysay ee la soo gabagabeeyay sanadkii 2009TI  ay ka  mid yihiin mashruuca waraabka Baka kaasi oo ka  kooban dhismayaal kala duwan  oo suurta galinaya in uu waraabiyo mashruucu, dhulbeereed dhan 600,000 oo Higter  islamarkaana ay shirkadu dhamays tirtay  gacanka dheer  ee  biyaha  qaada,  sidoo kale la dhamays tiray 17 barkadaha biyaha qaybiya iyo 4 Boondhiyada biyaha kaydiya   kuwaasi oo ay shirkadu dhamays tirtay sanadkii tagay ee 2009TI.

maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkadu sanadkii 2009TI  hirgalisay mashaariico kale oo mugwayn kuwaasi oo wakhti xaadirkan bixinaya adeegyadii loogu talagalay  gaar ahaan  dhinaca dhismayaasha jidadka iyo buundooyinka sahlaya  isku socodka bulshada deegaanka, dadka, duunyada iyo gaadiidka u kala goosha gobolada iyo degmooyinka  DDSI. maareeyaha ayaa tilmaan dheer ka bixiyay dhibaatooyinkii hore uga haysan jiray bulshada deegaanka dhinaca jidadka ee isku socodka degmooyinka deegaanka balse markii ay xukuumada DDSI dajisay ayuu yidhi maareeyuhu qorshayaal cilmiyaysan in  laga guul gaadhay xal u helida jidadka isku xidha gobolada iyo degmooyinka deegaanka.

Maareeyaha ayaa  intaasi ku daray in ay wakhtixaadirkan shirkadu gacanta ku hayso mashaariico waawayn oo muhiim u ah taaba galinta qorshayaasha horumarika kuwaasi oo ay ka mid yihiin, buundooyin, mashaariicaha dhinaca biyo xidheenada   waraabka  looga faa’iidaysanayo iyo mashaariico dhinaca jidadka ah kuwaasi oo wakhti kooban lagu soo gabagabayn doono, maareeyaha ayaa ug dambayntii sheegay in shirkada dhismaha jidadka DDSI leedahay awood fulineed oo suurta galinaya taaba galinta iyo ka midho dhalinta qorshaha  u dajisan shirkada sanadka 2010TI.

 

 

Tababar Kor Loogu Qaadayay Garaadka Aqooneed Madaxiiseedada Maaliyada Iyo Beeraha Ee 15ka Degmo Ee Cusub Ee Kusoo Biiray Barnaamijka PSNP Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 26ka September 2017. Tababar lagu kordhinayay garaadka aqooneed ee madaxafiiseedyada maaliyada iyo kuwa beeraha ee barnaamijka shabakada badbaadada waxsoosaarka PSNP ee 15ka degmo ee cusub ee kusoo biiray barnaamijka PSNP ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI.

Hadaba tababarkan kor loogu qaadayay garaadka aqooneed ee madaxfiiseedyada maaliyada iyo beeraha ee 15ka degmo cusub ee kusoo biiray barnaamijka ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay inuu tababarkan yahay sidii fahan buuxa looga siin lahaa qaab shaqeedka qorshaynta iyo waxqabadka kala duwan ee 5ta qaybood ee uu barnaamijku ka koobanyahay. Waxayne madaxwayne kuxigeenku kula dardaarantay madaxfiiseedyada inay ku shaqeeyaan nidaamka lagu tababaray mudada uu tababarku socdey islamarkaana si ficil ah u fuliyaan qorashayaasha iyo qaab shaqeedka fahanka buuxa laga siiyay mudad uu tababarku socday.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka faaiideen mudada uu tababarku socday islamarkaana ay ku shaqayn doonaan nidaamkan qorshaynta iyo fulinta waxqabadka kala duwan ee 5ta qaybood uu ka koobanyahay barnaamijku.

Sikastaba ha ahaatee barnaamijka shabakada badbaadada waxsoosaarka EE PSNP oo horay ugu hawlgali jiray 31 degmo oo deegaanka ah ayaa hada ka hawlgala 46 degmo oo kakooban 11ka gobol ee deegaanku ka kooban yahay.

Tababar Loo Qabtay Dhalinyarta Shaqo-abuurka Loo Sameeyay

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Talaado, 26ka September 2017. Tababar kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee dhalinyaradii iskaashatooyinka iyo shirkadaha la isugxidhay oo ku aadan nidaamka wax soosaarka , hal abuurka ganacsiga iyo waliba maaraynta iyo kaydsiga lacagaha  islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhamaan dhalinyartii xukuumadu u samaysay shaqo abuurka ayaa  ka furmay magaalada jigjiga.

Hadaba, tababarkan oo uu soo agaasimay wakaalada horumarinta shirkadaha yaryar, dhexe, shaqo abuurka iyo damaanad qaata cuntada ee magaalooyinka ayaa waxaa furitaankiisii  hadalo muhiim ah kasoojeediyay Lataliyaha Madaxwaynaha Dhanka Saxaafada ahna Wasiirka Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha mudane Maxamed Bile Xasan iyo waliba Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Shirkadaha Yaryar, Dhexe, Shaqo-abuurka iyo Dabaanad-qaaka Cuntada ee Magaalooyinka DDSI mudane Cabdi Muxumed Cismaan oo sifiican uga warbixiyay ujeedooyinka laga leeyahay shaqo abuurka loosameeyay dhainyaradan. Waxayna tilmaameen in si loo gaadho hadfyada iyo yoolasha ay higsanayso xukuumada DDSI ay lagama maarmaan tahay in latirtiro shaqo la’aanta dhalinyarada islamarkaana shaqo abuur loosameeyo dhalinyarada si loo afjaro shaqo la’aanta iyo saboolnimada. Waxayna xuseen masuuliyiintu in nidaamka iskaashigu uu yahay nidaamka ugu fiican shaqo abuurka islamarkaana ay tahay nidaam midnimo ah oo wax wada qabsi ah. waxayna masuuliyiintu kula dardaarmeen in waajibaadkooda iskaashatanimo iyo ka shaqsi ahaanba ay siduu ahaa uga soobaxaan oo ay noqdaana dhalinyar kamidho dhalisa shaqooyinkooda.

Dhankakale, tababarkn ayaa waxaa dhalinyarta lagu barayaa casharo laxidhiidha dhamaan noocyada shaqooyinka ama waxsoosaarkooda kaladuwan ee ay iskaashatooyinku kutacaluqayaan iyo waliba nidaamka maaryayneed sida istaartijiyadaha horumarinta shirkadaha yaryar, warshadaha yaryar, kaydsiga lacagaha, diyaarinta qorshaha ganacsiga iyo nidaamka xisaabaadka.

Iskusoowada duuboo,tababarkan oo aan ahayn markii ugu horaysay ayaa waxaa casharada ka bixinaya khabiiro u xeeldheer casharada ay bixinayaan.

 


Ogaysiis: Ogaysiis.

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaca 27ka September 2017. Waxaa la ogaysiinayaa cid kasta oo soomaali ah oo kunool gudaha dalkeena itoobiya iyo dibadiisaba inay kaqaybqaataan gargaarka iyo caawimaada lagaadhsiinayo eheladii iyo qaraabadii dadkii soomaalida ahaa ee xasuuqa loo gaystay iyo waliba dadkii kasoo barakacay deegaanka oromiya iyadoo arintan gargaarka ah loo xilsaaray gudi iskudhaf ah oo isugu jira Shacab, Qurba-joog, xukuumada iyo xafiiska xidhiidhka Arrimaha Qorba-joogta DDSI .

Waana kuwan hoos kuxusan magacyada gudiga loo xilsaaray gargaarka iyo caawinta dadka soo barakacay iyo telefoonada lagala xidhiidhayo:

1.      Mudane Khadar Macalin Cali  0912602550

2.      Mudane Jamaal Dheere 0915051983

3.      Mudane Cabdiqani Faarax 0973139284

4.      Mudane Badri Yusuf Omas 0915744710

Hadaba waxaa Accountiyo aad kusoo dirtaan gargaarkiina la idiinka furay xawaalada Kaah, xawaalada Dahabshiil, somali micro finance iyo bangiga ganacsiga Itoobiya (Commercial Bank of Ethiopia)

Waana kuwan accountiyadii la idiin furay:

1.    .   Commercial Banka Of Ethiopia: Account number: 1000220167511

2.      . Xawaalada Kaah: Account number: 29171

3. Somali micro finance: Account number 1101511

4. Xawaalada Dahabshiil: Account number 1696

Sidaadarteed waxaa mar labaad la ogaysiinayaa cid kasta oo soomaali ah oo kadamqanaya dhibaatada dadkaas gaadhay meel kasta oo uu dunida kajoogo inay kaalintooda kagaystaan.

Wixii faah-faahin ah ama dheeri ah kala-xidhiidh numberada gudiga ee sare kucad

 

 

Kulan Lagaga Hadlayay Xaalada Horumarka Deegaanka Iyo Taakulaynta Dadkii Soo Barakacay Oo Ka Dhacay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaca 27ka September 2017. Kulan balaadhan oo lagaga hadlay xaalada horumarka deegaanka iyo taakulaynta dadkii soomalida ahaa ee ka soo barakacay deegaanka oromada ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kaali 1 ee xarumta madaxtooyada DDSI.

Kulankan oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamauud Cumar oo uu wehelinayo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan masuuliyiinta  heer deegaaka, dhamaan shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee heer deegaan, ganacsatada, hogaaminta odayaal dhaqamedka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana ugu horayntii kulankan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  sheegay in ujeedada kulankani  tahay sidii looga tashan lahaa   taakulanta iyo gar-gaarka la gaadhsiinayo  dadkii soomalida ahaa ee ka soo barakacay deegaanka oromiya madaxwaynaha ayaa sheegay in qofkasta oo soomaliya oo jooga gudaha dalkeena itoobiya  iyo dibadaba looga baahan yahay in ay kaalin mug leh ka gaystaan gar-gaarka la gaadhsiinayo dadkii soomalida ahaa  ee iyaga oo aan  waxba galabsan dambina aan galin  kaliya lagu soo barakiciyay magaca soomalinimada taasi oo loo baahan yahay in shaqaalaha dawlada, ganacsatada, qurba, maamulada degmooyinka gobolada iyo shaqsi kasta oo soomaliya looga baahan yahya in  si muwaadin-nimo leh uga gaystaan  gar-gaar mug leh.  Madaxwaynaha ayaa sheegay in isku dhacyada labada shacab ee wada dega xuduuda labada deegaan ee soomalida iyo oromadu  ka abuur-mijiray wakhtiyadii hore  horumar la aantii dhinaca jidadka iyo isku socodka degmooyinka iyo gobolada oo aad u leetay  balse maanta guulo waawayn laga gaadhay dbinaca isku socodka deegaanka gudihiisa oo laga baxay kala qoqobnaantii iyada oo   deegaanka laga suurta galiyay buundooyin iyo wadooyin sahlaya isku socodka bulshada deegaanka iyo gobolada DDSI  madaxwaynaha ayaa carabka ku adkeeyay cadawkasta lagaga guulaysan karo hirgalinta hawlaha horumarka.

madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata aayaa sheegay in    xukuumada DDSI qaadatay qorshayaal lagu tir tirayo fikirada xun xun ee mashaqaystenimada  iyada oo la sameeyay shirkada tabac iyo maal (TM) taasi oo suurtagalinaysa sidii bulshada deegaanku u noqonlahaayeen kuwa isku filnaansho dhinackasta leh gaadha taasi  oo xooga saaraysa abuuritaanka xirfadlayaasha dhiig joojinta saboolnimada madaxwaynaha yaa sheegay in xukuumada DDSI xooga saartay hirgalinta qorshayaasha horumarka waara iyada oo hadda xadhiga laga soo jaray  mashruuca biyo galinta masaafada dheer iyo horumarinta dhul daaqsimeedka birqod, gunagado, dig, marsin,  iyo gaashaamo kaasi oo fulintiisa ka dib bulshada xoolo dhaqatada ee dhul-daasimeedka deegaanadu ku tilmaameen mashruuca filan-waa

dhankooda waxaa ka hadlay kulankan odayaal dhaqameedka deegaanka ganacsatada iyo shaqaalaha xafiisyada heer deegaan kuwaasi oo sheegay in ay kaalin mug leh ka qadanayaan gar-gaarka la gaadhsiinayo shacabka soomalida ee ka soo barakacay deegaanka oromada waxayna hoosta ka xariiqeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan taaba galinta qprshayaasha horumarka.  

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Tababar Usoo Xidhay 40 Xubnood Oo Tababar Usocday In Mudo Ah.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Khamiis 28ka September 2017. xafiiska caafimaadka DDSI ayaa tababar u sooxidhay 40 xubnood oo in muda ahba qaadanaysay tababar laxidhiidha adeega daawaynta iyo xakamaynta cudurka qaaxada  ee laqabsatay daawada ee loo yaqaano MDR-TB iyadoo xubnahana laga soo kala xulay qaar kamid ah cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka Deegaanka.

Hadaba, Tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI mudane Xasan  Ismaaciil Cali oo sheegay in xirfadlayaashan tababarka qadanayay labaray arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin in ay xaqiijiyaan dawada loogu talagay qofka cudurka qaaxada qaba ee laqabsatay daawada iyo sidii bukaanku wakhtigii loogu talagalay ugu qaadan lahaa iyo waliba sidii uu bukaanku si habsamileh ugu isticmaali lahaa si uu uga bogsado cudurka. Wuuuna intaa kudaray wasiirku in dadaal badan lagu bixinayo adeega baadhista cudurka qaaxada iyo daawayntiisaba islamarkaana lagaadhsiinayo dhamaan xarumaha caafimaadka. Wuxuuna kula dardaarmay in ay si fiican uga soobaxaan waajibaadkooda islamaarkaana xirfadlayaashan tababarka qaatay xaqiijiyaan oo ay yareeyaan tirada dadka qaba cudurka qaaxada laqabsaday daawada.

Ugudanbayna, kasooqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in mudo shan cisho ah ay baranayeen cudurka qaaxada ee laqabsatay daawada. Waxayna tilmaameen in si wanaagsan ay u barteen xeeladaha kaladuwan ee lagula tacaalayo qaaxada laqabsatay dawada ee looyaqaano (MDR-TB) islamarkaana ay ugu adeegayaan bulshadooda sidii loogu talagalay.

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል ፕሬዚዳንት ከተለያዩ ህብረሰብ ክፍሎች ጋር በወቅታዊ ክልላዊና ሀገራዊ ጉዳዮች ተወያዩ፡፡

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) ሀሙስ  መስከረም18 2010 ዓም.  በኢትዮጵያ ሶማሌና ኦሮሚያ አዋሳኝ አከባቢዎች የሚፈጠሩ ግጭቶችን ከመነሻው ለመፍታት የመሰረተ ልማት አቅርቦት ችግር ለማስወገድ ትኩረት ሰጥቶ መስራቱን የክልሉ ፕሬዚዳንት ተናገሩ፡፡

የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግሰት ፕሬዝዳንት ክቡር አቶ አብዲ መሀሙድ ኡመር እና የክልል ምክር ቤት አፈጉባኤ ክቡር አቶ መሀመድረሽድ ኢሣቅ ከአገር ሸማግሌዎች፣ ከንግድ ማህበረሰብ አባላት የመንግስት አመራሮችና ሰራተኞች በተገኙበት መድረግ በጅግጅጋ ከተማ አካሄደዋል፡፡

በመድረኩ ላይ የክልሉ ርእሰ መስተዳደር ክቡር አቶ አብዲ መሐሙድ በሰጡት መብራሪያ የኢትዮጵያ ሶማሊና በኦሮሚያ ክልሎች አዋሳኝ አከባዎች ለተፈናቀሉ ዜጎች መንግስት ከሚያደርግላቸው የምግብ፣የመጠሊያና የህክምና ድጋፍ ጉን ለጉን የህብረተሰቡን ተሳትፎ አስፈላጊ ነው፡፡

ለተፈናቀሉ ወገኖች ድጋፍ ለማሰባሰብ መላው የክልሉ ነዋሪዎች እና የዲያስፖራ አባላት ተሳትፎ እንዲያደርጉም ጠይቋል፡፡ተፈናቃዮችን መልሶ እንዲቋቋሙ ልዩ ድጋፍ በማድረግ ከጎናቸው መቆም ከሁሉም ህብረተሰብ ክፍል እንደሚጠበቅ ነው የተናገሩት፡፡

ተፈናቃዮችን በዘላቂነት መልሶ ለማቋቋም ክልላዊ የድጋፍ አሰባሳቢ ኮሚቴ በመድረኩ የተመረጠ ሲሆን ለድጋፍ አገልግሎት በኢትዮጵያ ንግድ ባንክና በሀዋላ አካውንት መከፈቱንም ተገልጸዋል፡፡

ክቡር ፕሬዝዳንቱ እንዳብራሩት አዋሳኝ የኢትዮጵያ ሶማሌና የኦሮሚያ ክልሎች ነዋሪዎች ለአመታት የነበረባቸው መሰረታዊ ልማት እጥረት ምክንያት ሲፈጠር የቆዩ ግጭቶችን ለማስወገድ አስተዋፅኦ የሚያደርጉ በርካታ የገጠር መንገዶችና ድልድሎች በእነዚሁ አከባቢዎች መገንባታቸውን ነው የተናገሩት ፡፡

የክልሉ ፕሬዚዳንት ባለፈው ሳምንት በጀረር፣ቆራሓይና ዶሎ ዞኖች ያካሄዱትን ግዙፍ የውሃ ፕሮጅክቶች ምረቃ የህዝቡ የልማት ጥያቄዎች ምላሽ የሰጡን እጅጉን የአርብቶ አደሩን የውሃ ችግር ያስወገዱ መሆናቸውን አብራርተዋል፡፡

በዚህም የክልሉ መንግስት የውሃ እጥረትን ለመቅረፍ ባለፈው ሳምንት ሦስት ዞኖች የሚያስተሳስርና ከመነሻው ቢርቆድ፣ ጉነገዶ፣ ዲግ፣ መርስንና ጋሻሞ ወረዳዎች በማገናኘት 250 ኪሎ ሜትር ጥልቅ ጉድጓዶችና የውሃ ቧንቧ የተዘረጋ ሲሆን በየ5ኪሎ ሜትሩ የእንስሳት ውሃ መጠቀሚያ ገንዳና ማህበረሰቡ ውሃ የሚያገኝበት 36 ቦኖዎች ተገንብቷል፡፡

በጀረር ዞን ጋሻሙ ወረዳ በተፈጥሮ መሬት አቀማመጥ ምክንያት በቅርብ ርቀት ውሃ የማይገኝባቸው አከባቢዎች መካከል ባን-ሀጉጋ፣ ኤልበሓይና በሊ-ጀኖ ጋሻሞ ከተማ 150 ኪ.ሜ.ርዝመት ለሚገነቡ የውሃ ፕሮጀክቶች በርእሰ መስተዳደሩ የመሰረት ድንጋይ ተቀምጠዋል፡፡

የመድረኩ ተሳታፊዎች በበኩላቸው ለተፈናቃዮች መልሶ ለማቋቋም ለሚደረገው ድጋፍ የበኩላቸውን እንደሚወጡ ቃል ገብቷ፡፡

የተፈናቃዮች ችግር የወገኖቻቸው ችግር በመሆኑ የራሳቸው አስፈላጊው ድጋፍ እንደሚያደርጉት ቃል ገቡ፡፡ የክልሉ መንግስት ዘርፋ ብዙ የልማት፣ የሰላምና የመልካም አስተዳደር ስራዎችን ስኬታማ ለማድረግ በቁርጠኝነት እንደሚሰሩም አረጋግጠዋል፡፡

MW CMC Oo Amba Baxay Dhanka Gobolka Erer

$
0
0

Fiiq(Cakaaranews) Jumce 29ka September 2017. Madaxwanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa dhanka xarunta deegaanka ooga ambabaxay dhanka gobolka erer, Iyagoo Hlakaas xadhiga kagasoo jaridoona mashaariico waawayn oo  horyumarineed oo isugu jira Biyogalin  iyo jidad.

Kulan Kusaabsan Ladagaalanka Kontrobaanka Oo Kadhacay Degmada Shiniile

$
0
0

Shiniile(cakaaranews)Jumce 29ka, September 2017. Kulan balaadhan oo ay kasooqaybgaleen bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmada shiniile islamarkaana lagagawada hadalay sidii  loola dagaalami lahaa ganacsiga sharci darada ah ayaa kaqabsoomay degmada shiniile.

Hadaba kulankan wacyigalina ah ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiye-kuxigeenka Gobolka Siti mudane Cabdi-shakur Aadan Faarax oo sheegay in ganacsiga sharcidarada ahi uu yahay mid an u fiicnayn bulshad iyo deegaankaba. Wuxuuna intaa kudaray in dhamaan nooc kasta oo laga ganacsado oo sharci ah lakeeno degmada isagoo LC ah oo sharci ah. Wuxuuna tilmaamay in kotrobaanku yahay mid khatar ku ah dhamaan bulshada.

Sidookale, Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Shiniile mudane Deeq Cumar Cabdulaahi ayaa isna dhankiisa si cilmiyayasan uga hadlay ganacsiga sharcidarada ah isagoo sheegay in ka ganacsiga kontrobaanku uu yahay mid dhibaato ku ah bulshada dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan iyo walliba shaqo ahaan oo khatar ku ah.

Dhankakale, mudane Cabdulaahi Qorane oo ah xubin kamid ah koox kasoctay xafiska gaadiidka ganacsiga iyo warshadaha DDSI ayaa isna dhankiisa soojeediyay in dhamaan bulshada ganacsatada ahi ay kawaantoobaan ganacsiga sharci darada ah islamarkaana ay u ganacsadaan si sharci ah.

Ugudanbayna, bulshadii kasooqaybgashay shirkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay balanqaadayaan in ay ladagaalamaan kotrobaanka islamarkaana ay hal meel uga soowada jeedsanayaan ladagaalanka ganacsiga sharci daroda ah.

                                                                         

MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Oo Gaadhay Magaalada Fiiq Ee Xarunta Gobolka Erer

$
0
0

Fiiq(Cakaaranews) Jumce 29ka September 2017. Madaxwanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa wajigii 2aad ee socdaalkii lamagcbaxay BBC uga ambabaxay  dhanka xarunta deegaankadhanka gobolka erer, Iyagoo Hlakaas xadhiga kaga kasoo jari doona mashaariico horumarineed oo waawayn   oo ay kamid yihiin buundada isku xidha degmada fiiq iyo degmada mayo’maluuqo, Biyo-galinta mugwayn, fiiq iyo  xamaro. Wadada iskuxidha magaalada fiiq iyo degmada mayu ee dhexmarta buuraha dhaadheer ee erereed iyo xadhig kajarka kuliyada farsamada gacanta ee magaalada fiiq.

Madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminyay ayaa inta ay dhexda kusii jireen waxaa si diiran loogusoo dhawaynayay tuulooyinka ay sii marayeen. Wuxuuna madaxwaynhu ubalan qaaday bulshada ku dhaqan inta udhexaysa tuulada itaashaale ilaa cobasha oo isu jira 70km in laga fulin doono biyo-galin balaadhan oo ay ka faaiidaystaan bulshada ku dhaqan tuulooyinkaas islamrakaana 5km ama 10 km loo samayn doono goob biyood ay ka cabaan dadka iyo duunyadaba.

Sidoo kale madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka aqbalay shacabka ku dhaqan tuulada cobasha codsi kood ah oo ahaa in loo sameeyo dugsi sare iyo in loo qalabeeyo xarunta caafimaadka ee tuulada isagoo madaxwaynuhu ka aqablay codsigoodii ay waydiisteen bulshada ku dhaqan tuulada cobasha ee degmada dhadhamane. Madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee hogaaminayay oo kulamo la qaadanayay bulshada ayaa ku baraarujinayay shacabka inay ka faaiidaystaan khayraadka di’han ee dhulkeena sameeyana waxsoosaarka beeraha si aynu usoo ceshano isku filnaanshaheenii.

Ugu danbayna madaxwaynaha iyo wafti ayaa booqday wadada isku laamiga ah ee iskuxidhaysa jigjiga, fiiq iyo xamaro oo dhismaheedu bilowday iyagoo sidoo kale booqday ceel biyood lagu dhisay lacagta mashruucan oo laga fuliyay tuulada dudumacad ee degmada fiiq. Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu wakhti xaadirkan ku suganyihiin magaalada fiiq ee xarunta gobolka erer.


Xaflad Lagu Daah-Furayay Ol-olaha Talaalka Ka Hortaga Cudurka Dabaysha Oo Ka Dhacday Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), jumce, 29ka, September, 2017. Waxaa guud ahaanba maanta  ka bilowday deegaanka wareegii 1aad  ee sanadka 2010TI ee   ol olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha (polio)  oo laga talaalayo caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano jir.

Haddaba xaflada   lagu daah furayay ol olaha talaalka ka hortaga iyo cidhib tirka   cudurka dabaysha(polio) oo uu si meeqaam sare ah u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa ka dhacday jigjiga taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiin ka socday xafiisyada iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI,  culimo awdiinka, iyo hooyooyinka loo talaalayay caruurta.

Waxaana, furitaankii  xafladii lagu daah-furayay ol-olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali  oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu  leeyahay  talaalkan lagaga hortagayo cudurka dabaysha ee laga talaalayo caruurta dadoodu ka yartahay 5sano jir wasiirka ayaa sheegay in guud ahaanba maanta gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka laga bilaabay ol olaha wareega 1aad ee sanadka 2010TI  kaasi oo lagu talaalayo dhamaanba caruurta deegaanka ee da’doodu ka ya r tahay 5sano jir wasiirka ayaa ku booriyay dhamaanba waalidiinta, hooyooyinka in ay si mug leh uga qayb-qaataan hirgalinta talaalkan lagaga hortagayo cudurka dabaysha si looga midho dhaliyo ujeedooyinka iyo ahmiyada laga leeyahay talaalkan.

Qaarka mid ah culimo awdiinka ka soo qayb-galay xafladii daah-furka  taalaalka ka hortaga cudurka dabaysha oo ka hadlay ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talaalka ka hortaga cudurka dabaysha waxayna sheegeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan ka culimo ahaan hirgalinta talaalka iyaga oo ku booriyay dhamaan waalidiinta caruurta in ay kaalin fir-fircoonka qaataan taaba galinta wareegan 1aad ee talaalka cudurka dabaysha.

dhankiisa xidhiidhiyaha kor u qaadita adeega caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdilaahi ayaa si qoto dheer  uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talaalkani lagaga hortagayo cudurka dabaysha (polio). isaga oo ka  warbixiyay dadaalada xoogan ee xukuumada DDSI iyo xafiiska caafimaadkuba ugu jiraan sidii loo joogtayn lahaa qorshaha lagaga hortagayo dhamaanba cudurada faafa, gaar ahaan ka hortaga iyo tir tiritaanka  cudurka dabaysha(polio Wuxuuna sheegay in  talaalkan ka hortaga cudurka dabaysha ee wareega 1aad guud ahaanba deegaanka laga talaalayo caruur dhan 1,055,662.  Oo ah caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano jir isaga oo  ku booriyay bulshada deegaanka in ay ka  qayb’qaataan ol olaha talaalka cudurka dabaysha una diyaariyaan caruurta  maadaamo oo ay  xirfadlayaasha caafimaadka guri’guri  u gaadhayaan.

Gabagabadii xafladan ayaa wasiirka caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali waxa uu  dhib-cihii ugu horeeyay wareegan 1aad ee talaalka ka hortaga iyo tir tirida cudurka dabaysha  ku tiixiyay/dhib-ciyaya caruurtii da-doodu ka yarayd 5 jirka ee ka soo qayb-galay xafladan furitaanka.

 

 

Abaabulka Waxbarashada Oo Si Balaadhan Uga Qabsoomay Degmada Dhagaxmadaw

$
0
0

Dhagaxmadaw(Cakaaranews)Sabti 30ka September 2017.Shirar kaladuwan oo kusaabsan abaabulka waxbarashada iyo sidii loodiwaangalin lahaa ardayda da’da waxbarashada gaadhay  ayaa kaqasoomay degmada dhagaxmadaw iyo waliba qaar kamid ah tuulooyinka hoosyimaada degmada iyadoo abaabulkana ay fulinayeen Koox kasocotay xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, shirarkan abaabulka ah ayaa waxaa kawarbixiyay marwo Maryan  Cabdulaahi Warsame oo ah madax kooxdka kooxda fulinaysay shirarkan abaabulka ah ee kasoctay xafiiska waxbarashada DDSI ayaa sheegtay in sifiican ugu qabsoomeen shirarka kusaabsan abaabulka waxabarashada islamarkaana ay isugu yimaadeen dhamaan waalidiinta iyo maamulka degmada dhagaxmadaw iyo waliba qaarkamid ah tuulooyinka hoosyimaada oo kasoo sameeyeen shirar kaladuwan. Waxayna xustay in shirarkan si wayn loogaga hadlayay dhanka diwaangalinta waxbarashada  ardayda dadoodu gaadhay, diwaangalinta waxbarashad dadka waawayn, iyo waliba diwaangalinta ardayda baahida gaarka ah qabta.

Sidookale, mudane Cabdulaahi  Muxumed Cabdi oo isna kahadlay kulamadan ayaa sheegay in kooxdani ay kasocoto xafiiska waxabarashada DDSI islamarkaana ujeedadoodu tahay in dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka jarar ay kasmeeyaan abaabul balaadhan oo ah dhanka waxbarahsda ee sanad dugsiyeedkan 2010. wuxuuna intaa kudaray in kooxdu ay tababar uqabatay macalimiinta degmada dhagax madaw kaasoo kusaabsan tayaynta waxbarashad iyo diwaangalinta ardayda.

Iskusoowada duuboo, waxaa dhamaan gobolada kasocda shirar kaladuwan oo ah abaabulka waxbarashada sanad dugsiyeedkan 2010.

MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Wadada Wayn Ee Iskuxidha Fiiq Iyo Mayu Iyo Buundada Udhexaysa Mayu Iyo Xarunta Gobolka Erer

$
0
0

Haarjano(Cakaaranews) Sabti 30ka September 2017.  Madaxwaynaha DDSI mudane  Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa saaka magaalada fiiq uga ambabaxay dhanka buuraha dhaadheer ee gobolka erer isagoo madaxwaynuhu halkaas xadhiga kaga jaray wadada wayn ee laga hirgaliyay buuraha dhaadheer ee gobolka erereed ee udhexeeya fiiq iyo mayu islamarkaana iskuxidhaysa shacabka xarunta gobolka erer ee degmada fiiq iyo degmada mayamuluuqo.

Wadadan oo dhererkeedu dhanyahay 60km ayaana ah mid suurtagalinaysa islamarkaana sahlaysa isu socodka dhinacyada ganacsiga, gaadiidka, bulshada iyo xoolaha ee degmooyinka fiiq iyo mayu. Sidoo kale wuxuu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar  uu xadhiga kajaray buundada wayn ee lasaaray togga erereed oo taariikhda abid markii 1aad kadhigaysa inay shacabka degmada mayumuluqo oo Gabi ahaanba ilaa nabi-aadam kago'naa deegaanka inay maanta kuxidhmaan deegaanka. Taas oo hada kahor marka laga baxo xarunta deegaanka ee magaalada jijiga ee loo socdo degmada mayu loo sii Mari jiray deegaanka hararida, deegaanka oromada, canfarta islamarkaana looga soo wareegi jiray ismaamulka addisababa, deegaanka shucuubta koonfureed iyo qaybo kamid ah deegaanka oromada masaafo dhan 600 oo km. Waxayna masaafadaas intaa le'eg ay xukuumadu maanta usoo gaabisay 60km oo kali ah. 

Hadaba MW CMC oo xadhigkajarka buundadan kula hadlay qaybaha kaladuwan ee bulshada ayaa sheegay inay xukuumada deegaanku wado dadaalo balaadhan oo ku aadan dhanka isu socodka bulshada deegaanka iyadoo xukuumadu hirgalisay wadooyin iyo buundooyin tiro badan tayana leh taariikhdana galay oo iskuxidhaya gobolada iyo degmooyinka deegaanka ee hada kahor kala qoqobnaa islamarkaana iskufilaanshaheena dhanka jidadka ladhamaystiray wakhti xaadirkan 100% .

Iskusoo wada duuboo, xadhigkajarkan kadib ayaa waxay madaxwaynaha iyo waftigiisu ugudbeen dhanka degmada mayumuluqo iyagoo kulan xog iswaydaarsi ah layeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada mayu.

Ugudanbayna, madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa degmada mayumuluqo uga socdaalay dhanka galbeed ee degmadaasi si loo soo darso togga udhexeeya mayu iyo qubi iyo inay suurtagal tahay in lahelo goob sahlaysa in buundo lasaaro. Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu ay wakhti xaadirkan kusugan yihiin haarjano oo ah dhul buuralay ah oo joogiisu aad usareeyo oo udhaxeysa degmada mayu iyo qubi.

 

Kulan balaadhan Oo inka badan 40, Millyan Loogu Ururiyay Dadkii Soo Barakacay Ayaa Ka Dhacay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Sabti, 30ka September, 2017. Kulan balaadhan oo  deeqo iyo taakulayn   loogu uririnayay dadkii soomalida ahaa ee ka soo barakacay deegaanka oromada ee ay xukuumada DDSI dib u dajinta ugu samaysay tuulada qoloji  ayaa ka qaybsoomay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan ee caasimada deegaanka ee jigjiga.

Kulankaasi oo ay hogaaminayeen madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta reer guuraga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxa arimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI mudane cumar maxamed, iyo gudoomiyaha gudiga abaaraha iyo soo barakacayaasha  mudane Khadar Macalin cali ayaa waxaa ka soo qaybgalay, golaha wasiirada DDSI,masuuliyiinta wakaaladaha iyo shirkadaha DDSI,  ganacsatada kala duwan ee heer deegaan iyo hantiiyalaasha deegaanka.

Waxaana, ugu horayntii ka hadashay kulankaasi madaxwayne ku xigeen ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI marwo Sucaad Axmed faarax oo ka warbixisay ahmiyada kulankan iyada oo sheegay in ay tahay sidii deeqo, taakulayn iyo gar-gaar  loo gaadhsiin  lahaa dadkii soomalida ahaa ee ka soo baracakay gudaha deegaanka oromiya kuwaasi oo ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka dadaal xoogan ugu jiraan sidii loo taakulayn lahaa bulshadan  soo barakacday islamarkaana  hab nololeed-kooda looga dhigilahaa mid tagan madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay ganacsatada, hantiilayaasha shirkadaha kala duwan ee deegaanka,  ha’yadaha dawlada iyo shaqaalaha  dawlada looga baahan yahay in ay kaalin mug leh ka gaystaan gargaarka iyo taakulanta la gaadhsiinayo bulshada soomalida ah ee ka soo barakacday deegaanka oromada.

Sidoo kale waxaa ka hadlay kulankan madaxa arimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI  mudane cumar maxamuud iyo gudoomiyaha gudiga abaaraha iyo soo barakacayaasha mudane khadar macalin cali ayaa ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay kulankani waxayna sheegaan in loo baahan yahay in siwada jir ah layskaga kaashado gar-gaarka iyo taakulaynta la gaadhsiinayo bulshada soomalida ah ee ka soo barakacday deegaanka oromada.

Kulankan ayaa intii uu socday waxay masuuliyiinta ka socotay laamaha dawliga ah, wakaaladaha, shirkadaha, ganacsatada iyo hantiilayaasha DDSI ugu deeqaan dadkan soomalida ah ee ka soo barakacay deegaanka oromada islamarkaana ku uririyeen intii uu kulankani socday  in ka badan aduun lacageed oo dhan  40 millyan oo birr.   

MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Kuliyada Farsamada Gacanta Ee Magaalada Fiiq

$
0
0

Fiiq(Cakaaranews) Axad 1da October 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee ay ku wahelinayeen mas’uuliyiin heer deegaan ah ee ku gudajiray socdaalkii BBC2 ee xadhiga lagaga jarayay mashaaricaha horumarineed ayaa kadib markay madaxwaynaha waftigu kasoo laabteen socdaalkii ay ku tageen degmada mayu ayaa wuxuu xadhiga kajaray kuliyada farasamada gacanta ee magaalada fiiq oo kamid ah kuliyadaha dhiig joojinta saboolnimada ee ay xukuumadu ka fulisay magaalada fiiq.

Hadaba xadhig kajar kadib ayaa wuxuu madaxwaynuhu kulan la yeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada islamarkaana ku baraarujyay inay ka faaiidaystaan horumarka laga fuliyay magaalada fiiq soona ceshadaan isku filnaanshaheenii. Wuxuuna madaxwaynu intaa ku daray inay kuliyadani tahay mid kamid ah dhiig joojinta saboolnimada ee ay xukuumadu ugu talagashay bulshada deegaanka loona baahan yahay inaad ka faaiidaysataan. Isagoo intaa kudaray inay bulshadu ka faaiidaystaan khayraadka dhulka kuna foorarsadaan khayraadka dhulkeena ee di’han islamarkaana soo saartaan waxsoosaarka dhulka.

Dhankooda waxaa ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xarunta gobolka erer ee magaalada fiiq oo sheegay Inay aad oogu faraxsanyihiin kuliyadan dhiig joojinta ah ee maanta uu madaxwaynuhu  xadhiga laga jaray islamarkaana si fiican ooga faaiidaysan doonaan. Waxayna bulshadu carabka ku dhufteen inay taageersanyihiin guud ahaanba mashaariicaha horumarineed ee uu madaxwaynaha iyo waftigiisu xadhiga kagajarayaan gaar ahaan mashaaricaha dhaxal galka ah ee laga fuliyay jidka udhaxeeya mayu iyo fiiq iyo buundada iskuxidha mayu iyo fiiq. Iyagoo sidoo kale xusay inay garab istaagi doonaan horumarka ay xukuumadu kawado guud ahaanba deegaanka islamarkaana ku foorarsan doonaan wax soosaarka dhulka.  

Ugu danbayna madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa u amba baxay dhanka xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga oo ay wakhti xaadirkan ku sugan yihii.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live