Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Lacago si Aan-Sharci ahayn Kaga Baxayay Dalka Oo La Qabtay.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Axad, 22ka October, 2017, Wakaalada jibriga dalka  laanteeda DDSI ee xarun-teedu tahay magaalada jigjiga ee caasimada DDSI  oo kaashanaysa hay’yadaha amniga   ayaa gacanta ku soo dhigtay  lacago qalaad oo u badan doolar oo laga soo qaatay caasimada dalka ee addis-ababa taasi oo la rabay in si sharcidaro ah looga saaro dalka iyada oo la sii dhexmarinayo deegaanka soomalida itoobiya si looga bixiyo magaalada tog-wajaale ka dibna marka la  soo sarifo  si sharcidaro ah loogu soo celiyo dalka.

Lacagtan bilaa sharciga ah  ee sida sharcidarnada ah lagaga saarayay  dalka  ayaa waxaa waday oo lagu qab-tay gaadhi laga leeyay magaalada Addiis-ababa noociisuna yahay baska loo yaqaano kastarka taari-kadiisuna tahay koodh 3aad AA 29,482. gaadhigan ayaa  waxa waday wadaha magaciisa la yidhaahdo Tadhiyas Wandhe iyada oo  lagu kala  qabtay lacagahana magaalada baabili iyo tog wajaale.

Haddaba, waxaa ka  warbixiyay noocyada lacagta iyo qiimaha ay dhantahay lacagtu  maareeye ku xigeenka laanta jibriga DDSI mudane Axmed Ugaas oo sheegay  in wakaalada jibriga  oo kaashanaysa hay’adaha amniga ay soo qabatay lacago sharci-darno ah islamarkaana si sharcidarna ah kaga baxayay dalka  wuxuuna sheegay in magaalada tog-wajaale lagu qabtay lacag dhan $31,664 doolar, halka magaalada baabili lagu qabtay lacag dhan $1,722,652. doolar. sidookalana 580,509 Riyaal oo ah lacagta dalka sucuudi carabiya iyo 32,750 oo ah lacagta iimaraadka carabta iyo waliba 1851 oo ah lacagta wadanka qadar. Maareeya ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in lacagtaasi lagu xereeyay bangiga  ganacsiga dalka itoobiya laantiisa jigjiga  halka gaadhigii, shaqsigii watay lacagta iyo wadihii gaadhiga ay kusoocto baadhitaankii islamarkaana gacantana lagu hayo.


Gobolka Erer Iyo Kooxda Taakulaynta Iyo Taageeraha Xarumaha Caafimaadka Oo Kulan Layeeshay Bulshada Kudhaqan Degmada Fiiq

$
0
0

Fiiq(cakaaranews)Axad 22ka October 2017. Dhawaan ayay ahayd markii xafiiska caafimaadka DDSI uu kooxaha taageerada iyo taakulaynta xarumaha caafimaadka u diray dhamaan Gobolada deegaanka iyadoo kooxahanina ay yihiin kuwo si toosa usoo kormeeraya dhamaan xarumaha iyo goobaha caafimaadka ee kajira gobolka islamarkaana kasaxaya wixii dhaliil ah ee kajira. Iyadoo ay kooxda taakulaynta iyo tageerida xarumaha caafimaadka ee gobolka Erer ay kulan balaadhan layeesheen bulshada kudhaqan degmada fiiq kadib markii ay soo dhameeyeen shaqooyinkoodii taakulaynta ee dhamaan degmoyinka gobolkaasi.

Hadaba, kulankan balaadhan ee ay qabteen kooxda taakulaynta iyo taageerida xarumaha caafimaadka ayaa waxaa kasooqaybgalay masuuliyiinta gobolka Erer, maareeyaha Hospitaalka fiiq iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan. Iyadoo kulankan uu ugu horayn kahadlay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Erer mudane Dayib Axmed Nuur oo sheegay in kulankan ujeedadiisu tahay wacyigalin islamarkaana bulshada la isugu yeedhay si ay uga hadlaan dhanka adeegbixinta cuspitaalka magaalada fiiq iyo sida ay ugu xidhanyihiin ugana faa’iidaystaan, islamarkaana katalo bixiyaan.

Sidookale, bulshada kulankan kasooqaybgashay oo kahadlay kulankan ayaa sheegay in cusbitaalka magaalada fiiq uu yahay hospital sidii loogu talagalay ugu adeega bulshada islamarkaana shaqeeya 24 saac. Waxayna inta kudareen in si wanaagsan ay uga faa’iidaystaan.

Dhankakale, xumno kamid ah kooxda taakulaynta iyo dabagalka arrimaha caafimaadka ee shaqada kawaday gobolka oodhankooda kahadalay ayaa sheegay in Shaqooyinka taakulaynta iyo taageerida ay kasoosameeyeen dhamaan xarumaha caafimaadka ee gobolka islamarkaana ay soomareen 8da degmo ee uu kakoobanyahay gobolka erer. Waxayna xuseen khabiiradu in mudo bill ah ay kujireen shaqooyinkaas. Iyadoo ujeedadooduna tahay kor uqaadista nidaamka adeegbixinta xarumaha, iskuxidhka bulshada iyo xarumaha caafimaadka, iyo waliba in bulshadu sidii looga talagalay uga faaiidaysato xarumaha iyo goobaha caafimaadka.

Iskusoowada duuboo, kooxahan taakulaynta iyo taageerida xarumaha caafimaadka ayaa hawlaha taakulaynta kawada dhamaan gobolada deegaanka.

 

 

Illegal Hard Currency Seized

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sunday, 22, October 2017. Federal revenues and customs authority of Jigjiga branch with collaboration of security agencies seized an illegal foreign currency which is from the capital city of the country Addis Ababa. This contraband hard currency is supposed to pass illegally through Ethio-Somali region to Wajale town of Somalia republic being intended to return back illegally again to the country in an illegal circulation.

This illegal hard currency was seized at Babile town being transported illegally by a caster bus which its plate number is code (3) A29482 A.A with a driver called Tadious Walde and also at wajale town with a different car.

According to Mr. Ahmed Ugas, deputy manager of revenues and customs authority at Jigjiga branch said, "the amount of this seized illegal hard currency at Babile is US Dollar 1,722,652, Saudi Riyal 580,509, UAE Dirham 32,750, and Qatar Riyal 1,851 whereas at Wajale towna sum of 31,664 USD was captured". He also added that all of those illegal currencies held were kept or deposited in national commercial bank of Jigjiga branch. Besides that, the driver of the vehicle and the owners of the currency are now in the hands of police going under investigation. 

 

 

 

በህገ ወጥ መንገድ ሲጓጓዝ የነበረ ገንዘብ ተያዘ

$
0
0

ጅግጅጋ (Cakaaranews) ሰኞ,ጥቅምት 13 2010,.ም በባቢሌ ከተማ አከባቢ በህገ ወጥ መንገድ ሲጓጓዝ የነበረ አንድ ሚልየን 753 ሺህ 652 የአሜሪካ ዶላር ጨምሮ የተለያየ ሀገራት የመገበያየ ገንዘብ የመያዙን የፌዴራል ገቢዎችና ጉምሩክ ባለስልጣን የጅግጅጋ ቅርንጫፍ / ቤት አስታወቀ፡፡

የተያዘው ገንዘብ ከአዲስ አበባ ወደ ቶግውጫሌ በካስተር መኪና ሲጓጓዝ በጥቅምት ሥምንት 2010 ከቀኑ 10 ሰዓት ተኩል በፌዴራል ፖሊስ የኮትሮባንድ ንግድ መከላከል ግብር ሀይል አባላት መያዙን የገቢዎችና ጉምሩክ ባለስልጣን የጅግጅጋ ቅርንጫፍ ጽህፈት የህገ ማስከበር ጉዳዮች ምክትል ስራ ኢስኪያጅ አቶ አህመድ መሀመድ ተናግረዋል፡፡

በህገ ወጥ መንገድ ሲጓጓዝ የተያዘው ገንዘብ ውስጥ 1 ሚልየን 753 ሺህ 652 የአሜሪካ ዶላር  580 ሺህ 509 የሰኡዲ ሪያል 32 ሺህ 750 የተባበሩት አረብ ኢሜሪት ድርሃም 1 ሺህ 851 የኮታር ገንዘብ ይገኝበታል፡፡

በህገ ወጥ መንገድ ሲጓጓዝ የተያዙ የመገበያየ ገንዘብ በኢትዮጵያ ብር አሁን ባለው ምንዛሬ 44 ሚልየን 718 ሺህ 091 ብር 30 ሣንቲም ዋጋ ያላቸው ናቸው ብለዋል፡፡

በህግ ወጥ መንገድ የመገበያያ ገንዘቡን ሲያጓጓዙ የተያዙት  ግለሰቦች ጉዳይ በህግ እየተጣራ መሆኑን ምክትል ስራ አስኪያጁ ጨምረው ተናግረዋል፡፡

Degmada Dhagaxbuur Iyo Shirwaynihii Waxbarashada Oo ka Bilawday

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews)Isniin, 23ka, October 2017. Waxaa degmada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar kabilawday Shirwaynihii 9aad ee waxbarashada islamarkaana ay kasooqaybgaleen masuuliyiin heergobol ah maamulka degmada dhagaxbuur qaarkamid ah bulshada kudhaqan degmada iyo martisharafkale

Hadaba, shirwaynahan waxbarashada ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Degmada Dhagaxbuur marwo Aniiso Mukhtaar Xasan oo sheegtay in shirkani yahay shirwaynihii 9aad ee waxbarashada ee degmada dhagaxbuur islamarkaana ujeedadiisu tahay kor uqaadista waxbarashada iyo waliba sidii loo tayayn lahaa nidaamka baris barasho ee dugsiyada degmada dhagaxbuur. Waxayna Intaa kudartay in shirkani yahay mid lagu dardargalinayo qorshaha waxabarsho ee uyaala degmada dhagaxbuur sanadkan 2010 T.i. islamarkaana halkudhag looga dhigay ‘’Jiil Aqoon Lagu barbaarshaa Saboolnimada lagagabaxaa’’.

Sidookale, shirkana ayaa isna waxaa kahadlay Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobolka Jarar mudane Shugri Xasan Khaliif iyo waliba Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Dhagaxbuur mudane Maxamed Ilyaas Sarhaye oo sheegay in shirwaynahani yahay mid lagu lafagurayo sidii lootayayn lahaa waxbarashada degmada si carurtu u noqoto arday kadhisan dhanka waxabarashada islamarkaana ay unoqdaan kuwo natiijo keena oo lajaanqaadikara ama kasaraynkaraba ardayda kale ee deegaanada dalka.

Ugudanbayna, Dhankooda kaqaybgalayaashii shirwayanahan ayaa sheegay in tayaynta waxbarashada ee heererka kaladuwan ee dugsiyada degmada dhagaxbuur ay doorkooda kaga aadan kaqaadanayaan.

Maamulka Gobolka Jarar Oo kulamo Kaladuwan Layeeshay Bulshada Kudhaqan 3 Degmo Oo Kamid ah Gobolka.

$
0
0

Daroor(cakaaranews)Isniin, 23ka, October 2017. Maamulka Gobolka jarar oo uu horkacayo gudoomiyaha Gobolka jarar mudane cabdi cali mataan ayaa kulamo kaladuwan layeeshay bulshada qaybaheeda kaladuan ee kudhaqan degmooyinka Awaare, Daroor iyo Gaashaamo. Iyadoo shirarkaasina ay kuqotameen sidii looga midho dhalin lahaa qorshaha 2010 T.I ee Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad (BBC) islamarkaana bulshadu unoqoto bulsho dagan oo dhulkooda iyo xoolahooda kafiidaysta iyo waliba adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Hadaba,Gudoomiyaha Gobolka Jarar mudana Cabdi Cali Mataan oo shirarkan kasoojeediyay hadalo wax ku ool ah oo kuaadan hirgainta qorshaha BBC ee ay xukuumada DDSI qaadatay sanadkan 2010T.I wuxuuna sheegay in kulamadani ay kusaabsanaayeen wadtashiyo iyo wacyigalin taasoo bulshada lagala tashanayay dajinta xoolodhaqatada iyo sidii ay uga faaiidaysan lahayeen waxsoosaarka si ay iyaga iyo xooluhuba ugu manaafacaadaan loogana gaashaanto abaaraha. Wuxuuna sheegay in dhamaan degmooyinka Gobolka jarar ay kawadaan abaabulada kuaadan bulshada ee lagu dajinayo islamarkaana lagaga dhigayo xoolodhaqato casriyaysan oo manaafaacad kahela xoolahooda islamarkaana wajiga koobaad degmo kasta ladajinayo 60 qoys.

Sidookale, kulamadan ayaa waxaa iyaguna dhankooda kahadlay Gudoomiyaha degmada daroor mudane Abshir cali xirsi iyo waliba gudoomiyaha degmada aware mudane isaaq cabdulaahi qayliye iyagoo sheegay in kamaamul ahaan ay sitoosa uqaateen fulinta qorshahan oo ay wadaan abaabulkii iyo shaqooyinkii ku’aadanaa dajinta xoolo dhaqato si ay unoqdaan xoolodhaqato beeralay.

 

Ugudanabayna bulshadii kaladuwanayda ee kulamada lalayeeshay ayaa soodhaweeyay kulamadan islamarkaana u riyaaqay waxayna sheegeen in nidaamkani yahay nidaam lagagabaxayo saboolnimada 

Xukuumada DDSI Oo Gargaar Raashin Ah Gaadhsiisay Bulshada Kasoo Barakacday Deegaanka Oromada

$
0
0

Salaxaad(cakaaranews)Talaado, 24ka October 2017.Xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya ayaa qaybokamid ah raashinka iyo saliida gaadhsiisay bulshada soomaalida ah ee kasoobarakacday deegaanka oramada ee ladajiyay degmooyinka Salaxaad iyo Lagahida.

Hadaba, qaarkamid ah bulshadaas barakacayaasha ah ee lagaadhsiiyay gargaarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin taakulayntan iyo caawimadan ay soogaadhsiiyaysay xukuumada DDSI. Waxayna xuseen in ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI iyo waliba maamulka iyo shaqaalaha dawlada ee degmooyinka salaxaad iyo lagahida oo dajinta barakacayaasha iyo caawimaadaba qaybntooda kaqaatay.

 

Ugudanbayna, maareeyaha kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin oo kusugan goobtaas caawimaadu kasocoto islamarkaana warbaahinta u waramay ayaa sheegay in bulshada kasoobarakacday deegaanka oramada ee ladajiyay degmada salaxaad iyo lagahida ay xukuumadu gaadhsiisay taageero kaladuwan oo isugujira raashin, saliid iyo waliba agab kaladuwan oo ay kamid yihiin qalabka cuntada lagu karsado iyo shiraacyada.

Kulan Lagu Qiimaynayo Wax-qabadka Xarumaha Caafimaadka Gaarka Loo Leeyahay Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 24ka , October, 2017. Waxaa ka qabsoomay madasha shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI kulan lagu qiimayay waxqabadka xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay oo ay soo diyaarisay wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntooyinka DDSI.

Haddaba, Furitaankii  kulankan qiimaynta ah waxa ka  hadlay wasiirka caafimadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan isaga oo sheegay in uu yahay kulan diirada lagu saarayo waxqabadka xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay tayada adeegyada ay bixiyaan iyo sidii loo sii dar-dargalinlahaa adeegyada caafimaadka ee ay bixiyaan xarumaha gaarka loo leeyahay wasiirka ayaa ku booriyay in masuuliyiinta ka socday xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyay in ay la jaan qaadaan dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirta taaba galinta tayada adeegyada caafimaadka la gaadhsiinayo bulshada deegaanka.

Waxaa kale oo ka hadashay furitaankii kulankan maareeyahay wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntooyinka DDSI marwo faysa xasan oo sharax dheerka bixisay tayada adeega caafimaad ee loo baahan yahay in ay bixiyaan xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo in ay bixiyaan adeeg caafimaad oo deg deg ah islamarkaana taya leh waxayna mareeyuhu kula dar-daarantay masuuliyiinta xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay in ay soo bandhigaa warbixinta waxqabadkooda si diirada loogu saaro heerka waxqabadka xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay islamarkaana loo buuxiyo meelaha ay ka jirto gul-dalooladu

 

 


Tababar Kusaabsanaa Gurmadka Saamaynta Waxbarasho Xiliyada Abaarta Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 25ka October 2017. Tababar loo qabtay xubno ka socday xafiisyada waxbarashada degmooyinka dhanaan, marsin, dhagaxmadaw, yoocaale iyo daraatoole, hay’adaha bah-wadaagta la ah xafiiska waxbarashada DDSI, qaar kamid ah shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee Xamda Hotel.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kasoo qaybgalay agaasinka Dabagalka (Inspection) ee Xafiiska waxbarashada DDSI ahna kusiisimaha wasiirka xafiiska waxbarashada  mudane Muxiyadiin Sheekh Cabdiraxmaan iyo Agaasinka taageerada Qorsheynta Maaliyada Dabagalka iyo Abaabulka Khayraadka Hay’adaha xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdiraxmaan Axmed Raabi oo sheegay in tababarkan mudada 3 maalmood ah socday ee ujeedadiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa awooda gurmadka xiliyada abaaraha iyo daadka islamarkaana aysan saamayn oogu yeelanin nidaamka waxbarasho ee dugsiyadaas, Wuxuuna mas’uulku intaa ku daray in fahanka buuxa ee xubnahan laga siiyay tababarkan ay dhaqan galiyaan oogana faaideeyaan xubnaha kale uu sugan goobihii waxbarasho ee ay ka kala yimaadeen.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha tababarkan oo sheegay inay mudadii uu tababarkan socday ay waxbadan ka faaiideen islamarkaana ay oogasii faaiidayn doonaan xubanaha kale ee ku sugan goobihii ay ka kala yimaadeen.

WadadaTareenka Ee Isku Xidha Dalkeenan Itoobiya Iyo Dalka Jabuuti Oo Lasheegay In Dhawaan Adeegii Loogu Talagalay Ay Bixindoonto.

$
0
0

Adhisababa(cakaaranews)Arbaco, 25ka October 2017. Dhismaha wadada tareenka ee iskuxidha dalkeena itoobiya iyo dalka jabuuti ayaa ah wado tareen oo si casri ah loodhisay islamarkaana ladhamaystiray halsano kahor kadibna xadhiga laga jaray, waxaana lawaday mudo halsano ahba tijaabada wadada iyadoo la aasaasay shirkada tareenka, dhamaystirka xirfadlayaasha wadada, shaqaalaha iyo waliba waciyigalinta bulshada meelaha uu maro tareenku, waxaana wakhti xaadirkan la shaaciyay in asbuuca soosocda uu tareenku si rasmi ah ubilaabi doono shaqadiisa.

Hadaba, Madaxa Xidhiidhka Dadwaynaha ee wakaalda Tareemada Dalka mudane  Daraje Tafare oo kawrbixiyay dhismaha wadadan tareenka ee isku xidha dalkeenan Ethiopia iyo dalka jabuuti ayaa sheegay in wadadan si buuxda loodhamaystiray halsano kahor islamarkaana xadhiga lagajaray  ayaa tijaabinteedeena ladhamaystiray hadaytahay xirfadlayaasha wadada iyo tababarida shaqaalaha kaladuwan ee shirkada tareenka. Wuxuuna tilamaamay in tareenku uu si rasmi ah shaqada ubilaabi doono todobaadkan fooda inagu soohaya

 

Sikastaba ha haatee, wadadan tareenka oo dheerarkeedu dhan yahay 650 KM islamrkaana ah wado si casri ah loodhisay, kuna baxday aduun lacageed kabadan 3.4 bilion oo doolar. iyadoo kharashka kubaxay dhismaha wadadana 70% lagahelay bangi laga leeyahay dalka shiinaha meesha inta hadhay ee ah 30% uu daboolay dalkeenan itoobiya. Waxaan xusid mudan in tareenkani yahay mid kushaqaynaya quwada korontada islamarkaana qayb libaaxa kaqaadan doona kobaca dhaqaalaha dalkeenan itoobiya. 

President CMC Traveled to Eid (Ciid) Area

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Thursday 21th September 2017. ESRS President Mr. Abdi Mohamoud Omar leading high delegation officials travelled from capital city Jigjiga to Ciid area to officially lunch for service the newly constructed (drilled) deep wells and Water Supply Projects. Mr President Abdi will open several (boreholes) deep drilled Wells and water supply projects which was implemented In the region especially the area that was not ever got opportunity to drink clean water and the Birkot -danot water Supply Project cover a distance of 160 KM of high elevation level area of the Somali region. This water supply project is giving clean water service for Birqod, gunagado, marsin danood waredas and also there is another project which will give service for banka xaguugo and gaashaamo.

Therefore, President and his delegations will continue their trip to Ciid area for opening newly constructed deep wells (Boreholes) and water supply projects

በኢትዮጵያ ሶማሌ ክልላዊ መንግስት ፕሬዝደንት የሚመራ የክልሉ ከፈተኛ አመራር ልዑካን ቡዱን ወደ ቀይ አፈር የተቆፈሩት የውሃ ፖሮጀክቶች አመሩ፡፡

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) ሀሙስ መስከረም 11, 2010 ዓም.  በዛሬ እለት የኢትዮጵያ ሶማሌ ክልል መንግስት ፕሬዝደንት ክቡር አቶ አብድ መሀሙድ ኡመር የሚመራ የክልሉ ከፈተኛ አመራር ልዑካን ቡዱን ከጅግጅጋ በመነሳት 160..የክልሉ ከፍተኛ የመሬት አቀማመጥ ባላቸው የቀይ አፈርና አሸዋማ አከባቢዎች ላይ 2 ዙር የተቆፈሩት ጥልቅ የውሃ ጉድጓዶች ፖሮጀክት ለማስመረቅ አቀኑ፡፡ይህ የክልሉ አመራር ልዑካን ቡዱን በቢርቆት፡ጉናገዶ፡መርሲን፡ዳኖት በንሀቡባና ጋሻሞ ወረዳዎች የተሠሩ የውሃ ዝርጋታ ፖሮጀክት ያስመሪቃሉ ተብሎ ይጠበቃል፡ በመጨረሻም ለዘመናት የቆየውን የውሃ ችግርን ዘላቂ መፍትሔ ሲሆን 154 አባ-እማ ወራዎችና በርካታ የአከባቢው እንስሳትም ተጠቃሚ ያደርጋል፡፡

Kulan Lagaga Hadlayay Fulinta Qorshayaasha Gar-gaarka Bini-aadantinimada Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 22ka , September, 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay  caasimada deegaanka ee  jigjiga gaar ahaan madasha shirarka ee huteelka xamda kulan  ku  saabsanaa  sidii loo fulinta qorshaha hawlaha gar-gaarka  bini-aadanimo ee sadexda bilood ee soo socda iyada oo dhinaca kalena dib loogu eegayay fulinta qorshihii dhinaca gar-gaarka  bini-aadanimada ee 6dii bilood ee la soo dhaafay.

Kulankaasi  oo uu soo agaasimay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI oo kaashanaya hayada OCHA ayaa waxa loo hayay masuuliyiin ka socday xafiisyada heer deegaan oo ay ka mid yihiin xafiiska Horumarinta khayraadka biyaha DDSI, waxbarashada, caafimaadka , beeraha, xoolaha, xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta maaliyada iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska u diyaar garowga iyo  hortaga masiibooyinka  DDSI

Waxaana, soo xidhitaankii kulankaasi ka hadlay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudan Xuseen Maxamed Xasan   oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka laga lahaa kulankan   isaga oo  sheegay in  ujeedada ugu wayn kulankani ahayd  sidii loo gorfayn lahaa fulinta qorshaha iskaashi ee dhinaca gar-gaarka  bini-aadanimada ee 3 bilood ee soo socda islamarkaana  dib loogu eegilahaa meelmarinta qorshihii gar-gaarka bini-aadanimo ee 6 dii bilood ee la soo faadhay iyada oo laga waayo aragnimo qaadanayo qorshaasi la soo faadhay si loo buuxiyo meelaha ay gol-dalooladu ka jirtay. Wasiirka ayaa ku booriyay masuuliyiinka ka qab-galay kulankan in ay sidii loogu talagalay u meelmariyaan fulinta jihooyinka layskula qaatay mudadii uu socday kulankani si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga lahaa kulankan

Dhankooda masuuliyiintii ka soo qayb-gashay kulankaasi ayaa sheegay in mudadii uu kulanku socday lagu lafa-guray jihooyinka iyo istaraatajiyadaha lagu fulinayo qorshaha hawlaha gar-gaarka bini-aadanimada waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay u meelmarinayaan fulinta qorshahaasi si loo gaadho natiijada ujeedada.

Socdaalkii Lamagacbaxay BBC Iyo MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashruuca Biyo-galinta Wajiga 2aad Ee Birqod, Gunagado, Dig, Marsin, Danood Iyo Gashaamo

$
0
0

Dig(Cakaaranews) Jumce 22ka September 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo kuguda jira socdaalkii lamagac baxay BBC oo lagasoo gaabiyay (biyo, baad, beer, cilmi iyo  caafimaad ) oo xalay uhoyday degmada gunagado ayaa saaka uga kalahay dhanka wajiga 2aad ee mashruuca biyo-galinta dhul daaqsimeedka birqod-gunagado-marsin-danood-gaashaamo oo uu wajigiisii 1aad uu ku ekaa xarunta demada gunagado islamarkaana horay xadhiga looga jaray.

Iyadoo wajiga 2aad ee mashruucan biyogalinta dhul daaqsimeedka uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar  xadhiga kaga jaray qabalaha dhurwaalayawga kayd biyood  qaadaya 500m3 oo biyo ah. Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu sii indha-indheeyeen biyo-galinta tuulada cadaadlayawga oo qayb ka ah wajiga 2aad ee mashruuca. Kadibna wuxuu waftigu kuleexday qabalaha bali-sareedo oo uusan mashruucani marin balse laga qodayo biyo-xidheen balaadhan oo qaadaya 120 milyan  oo m3 iyadoo qaab-shaqeedka biyo-xidheenkan uu waftigu ubogay.

Sidoo kale, madaxwaynaha iyo waftiguu hogaaminayay ayaa kulan layeeshay shacabka qabalaha wargaadsan oo kalahadlay dhanka kaqaybqaadashada horumarka iyo nabadgelyada iyadoo ay dhamaan shacabka tuulooyinkaasi ay madaxwaynaha iyo waftigiisa si diiran ugu soo dhawaynayeen caleemo-qoyan islamarkaana kulamo lalayeelanayay.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftiguu hogaaminayay oo wali kuguda jira socdaalkoodii BBC ayaa sii indha-indheeyay biyo-galinta laga sameeyay qabalaha lisinmalay oo qayb ka ah mashruucani balaadhan ee biyo galinta dhul-daaqsimeedka Birqod, Gunagado, Dig, Marsin,  Danoodiyo Gaashaamo. Wuxuuna waftigu ku dheelmaday xarunta degmada dig.

Iskusoo wada duuboo, mashruucan oo maraya degmooyin iyo tuulooyin tiro badan oo hoos yimada gobolada jarar, qoraxay iyo doolo ayaa waxaa kafaaiidaysan doona dad kabadan 154 kun oo qoys iyo xoolo  ka badan hal milyan oo neef .waxuuna mashruucu leeyahay 36 goob biyood iyo 13 kayd biyood Wuxuuna mashruucani marayaa dhul ay baaxadiisu kabadan tahay 250km marka lagu daro leex leexadyada iyadoo miisaaniyada kubaxdayna ay gaadhayso 390 milyan oo birr. Waxaana mashruucan balaadhan lagusoo dhameeyay muda dhan 1 sano iyo badh wallow oo wax yar oo xaal xaal ah hadhanyihiin.

BBC Journey and President CMC Launching 2nd Round Water Supply Project at Birqod, Gunagado, Dig, Marsin, Danood and Gashaamo.

$
0
0

Dig (Cakaaranews) Friday 22nd September 2017. His excellence President of ESRS Mr. CMC leading  a broad delegation who last night slept Gunagado Woreda are continuing their journey named by BBC (abbreviated from biyo, baad, beer, cilmi iyo caafimaad in Somali language) and this morning left from the first round range land water supply project of Birqod, Gunagado, Marsin, Danod &  Gashamo which some of them is just before launched.

Besides that, the President Abdi Mohamoud Omar launched water reservoir at Dhurwaalayawga kebele. This water reservoir has the capacity to reserve 500 M3 of water, and it’s constructed under second round range land water supply project. Again the President and his delegation observed the water construction activities implemented at Cadaadleyawga kebele which is also part of second round range land water supply project. After that the delegation turned to Bali Sareedo kebele which was excluded from this water supply project but it has being constructed a large dam with a capacity of 120 million M3 of water. And also they have observed water supply works constructed at Lisinmalay kebele which is included in second round rangeland water supply project. At last to night the delegation rested at Dig woreda.

During this journey the president and his delegation conducted community sessions in each kebele and discussed issues like infrastructural development and security with the community; while the community warmly welcomed the delegation.

However, this water supply project is implemented at kebeles and districts under three zones namely Jarar, Doolo, and Korahay respectively. This project covers an area of 250 KM square and it has been built 36 water points and 13 water reservoirs. Accordingly 154 households and more than one million livestock will benefit this project. In addition to this, it has been successfully completed most of the tasks of this large project within one and half year while the remaining is expected to complete as soon as possible.

 


Tababar Ku Saabsan Ka Hortaga Iyo Maaraynta Cudurka jadeecada Oo Lagu Soo Gabagabeeyay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Sabti, 23ka, September, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo loo qabtay xirfadlayaasha caafimaadka ee dhamaan xarumaha caafimaadka iyo cusbitaalada deegaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay caasimada deegaanka ee jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee nogob huteel.

Tababarkaasi oo ay ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa xirfadlayaasha caafimaadka ee  xarumaha iyo cusbitaalada deegaanka ka hortaga, tir tirida, xakamaynta iyo daawaynta cudurka jadeecada/duumada  ayaa waxaa soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudana Xasan Ismaaciil Cali oo ka warbixiyay tabaha iyo xeeladaha lagu tir tiro cudurka jadeecada/duumada  iyo waliba dadaalka ay xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska caafimaadku ugu jiro sidii loo tir-tirilahaa cudurka jadeecada wasiirka ayaa sheegay qorshaha la qaatay dalkeena iyo deegaankuba yahay in guud ahaanba dalka lagaga  tir tiro  cudurka duumada/jadeecada taasi oo guulo waawayn laga gaadhay balse loo baahan yahay in la sii xoojiyo qorshayaasha lagaga hortagayo laguna tir-tirayo cudurka jadeecada wasiirka yaa ku booriyay xirfadlayaasha caafimaadka ee loo soo xidhay tababarka in sidii loogu talagalay uga midho dhaliyaan fahankii ay ka qaateen cashiradii ay barteen mudadii uu socday tababarku,

 

Dhankooda qaarka mid ah xirfadlayaashii caafimaad ee qaatay tababarkan ayaa sheegay in mudadii uu socday tababarku fahan buuxa ka qaateen  istaraatajiyadaha , tabaha iyo xeeladaha looga hortaga laguna tir tiro iyo sida adeeg deg deg oo daawayn ah loo siiyo qofka uu ku dhacdo jadeecadu . waxayna hoosta ka xariiqeen in marka ay ku noqdaan goobtii shaqada ay sidii loogu talagalay u meelmarinayaan ujeedooyinkii laga lahaa tababarkan si loo gaadho natiijada lagu tir tirayo jadeecada. Tababarkan ayaa socday muddo 4 maalmood ah waxaana cashiridiisa bixinayay khabiiro ka socday xafiiska caafimaadka DDSI. 

Socdaalkii BBC Iyo MW CMC Oo Xadhiga Kajaray Mashruuca Biyo Galinta Masaafada-Dheer wajigiisa 2aad Ee Birqod, Gunagado, Danood, Dig, Marsin iyo Gaashaamo

$
0
0

Marsin(cakaaranews)Sabti 23 September 2017.Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay ee maalmahanba kugudajiray socdaalkii lamagacbaxay Biyo, Baad, Beer Cilmi iyo Caafimaad (BBC) oo habeenimadii xalay ahayd u hooyday degmada Dig ee Gobolka Jarar ayaa saaka si rasmi ah xadhiga uga jaray  mashruuca wayn ee biyo-galinta masaafada-dheer wajigiisa 2aad ee laga hirgaliyay dhul-daaqsimeedka degmooyinka Birqod, Gunagado, Danood, Dig , Marsin iyo Gaashaamo, kaasoo ah mashruucii ugu horeeyay oo noocan ah oo laga hirgaliyo deegaanka.

Hadaba, Mashruucan ayaa waxa uu kufadhiyaa dhul dheerarkiisu dhanyahay 160 km iyadoo marka lagudaro leexleexadka meelaha ay marayaan tuumbooyinka biyaha ee mashruucu ay masaafo ahaan noqonayso 215km2 taasoo u dhaxaysa degmooyinka kala ah Birqod, Gunagado, Danood, Dig , Marsin iyo Gaashaamo islamarkaana ay kawada faa'iidaysanayaan

Sidookale mashruucan biyogalinta wajiga 2aad ayaa waxuu leeyahay 36 water point, 24 dararka xooluha kacabaan ah iyo wliba 13 kayd-biyood islamarkaana ay kafaaiidaysanayaan bulsho kabadan 154 kun oo qoys  iyo waliba xoolo kabadan halmilyan iyo badh

Dhanka kale, mashruucan ayaa waxaa iskudar kubaxday aduun lacageed oo dhan 390 milion oo bir waxaana xusid mudan in tuumbooyinka mashruucan loo isticmaalay dhanka biyogalinta  ay yihiin nooc casri ah oo tayo oo ah nooca looyaqaano HDPE.

Iskusoowada duuboo, waftigan Balaadhan ee uu Hogaaminayo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa caawa KU dheelmaday Degmada Marsin ee Gobolka Qoraxey iyadoo bulshada kudhaqan tuulooyinka iyo degmooyinka uu mashruucani maro ay aad u bogaadiyeen islamarkaana qaadan waa kunoqtay biyaha laga keenay degmada Birqod ee ay kacabayaan dadka iyo duunyada kunool degmooyinka Gunagado, Dig, Danood, Marsin iyo Gaashaamo. Waxayna mahadcelin balaadhan u soojeediyeen xukuumada DDSI iyo XDSHSI ee uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Dhamaan Gobolada Deegaanka U kala diray Kooxaha Abaabulka iyo Diwaangalinta Caruurta Da’da Waxbarashada Gaadhay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 24ka September 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI oo kaduulaya qorshayaasha u yaala ayaa dhamaan gobolada, degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka deegaanka udiray kooxo loogu talagalay hirglinta qorshaha abaabulka iyo wacyigalinta diwaangalinta ardyda ee sanad dugsiyeedkan 2010 T.I.

Hadaba, wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in xafiisku uu dadaal ugujiro kamidho dhalinta qorshayaasha uyaala bahda waxbarashada deegaanka islamarkaana uu kooxo iskudhaf ah u diray dhamaan gobolada deegaanka kuwaasoo ujeedadoodu tahay abaabulka diwaangalinta iyo wacyigalinta dhamaan caruurta da’da waxabarashada gaadhay, diwaangalinta waxbarashada dadka waawayn iyo waliba diwaangalinta dadka waxbarashada baahida gaarka ah qaba. Wuxuuna tilmaamay in kooxahani sidookale ay u kuurgalayaan caqabadihii dhanka waxbarashada ee sanadkii dhamaaday si ayna mardanbe u dhicin

Ugudanbayna wasiirka ayaa dardaaran u soojeediyay kooxaha shaqadan abaabulka baxaya, dhamaan maamulada heerarkooda kaladuwan iyo waliba waalidiinta caruurta, isagoo sheegay in sifiican oo iskuduubni ah looga qaybqaato wacyigalinta iyo abaabulka waxbarashada ee sanad dugsiyeedkan 2010 T.I si deegaanku uga baxo jahliga yo saboolnimada.

 

 

 

MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Ee Kujiray Socdaalkii BBC Oo Xadhiga Kajaray Ceelasha Dhaadheer Ee Laga Fuliyay Dhulka Ciid

$
0
0

Danood(Cakaaranews) Axad 24ka September 2017. Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ku guda jira socdaalkii BBC ee xadhiga lagaga jarayay mashruuca balaadhan ee biyo-galinta wajiga labaad ee Birqod, Gunagado, Dig,Marsin,Danood iyo gaashaamo oo xalay uhoyday degmada marsin ayaa kasakow xadhig kajarka biyo-galinta mashaariicahaas sidoo kale maanta xadhiga kajaray 3 ceel oo ah ceelasha dhaadheer ee laga qodey dhulka ciid ee uu joogoodu sareeyo oo ay kamid yihiin ceelka laga qodey degmada marsin oo kamid gobolka qoraxey, ceelka laga qodeyTuulada Ceel baxay ee degmada gaashaamo oo ay ku baxday miisaaniyad dhan 11 milyan oo birr iyo ceelka laga fuliyay degmada gaashaamo ee gobolka jarar. Mashaariicaha Ceelashan dhaadheer  ee laga fuliyay dhulka ciid ayaa ah taariikhda abid markii ugu horaysay ee ceealal noocan ah laga fuliyay dhulka ciid.

Hadaba madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa sidoo kale dhagax dhigay mashruuca biyo-galinta banka dheer ee xaguuga oo ah biyo-galinta ceelbaxay,gaashaamo balijano oo ay ku baxayso aduun lacageed oodhan 200 oo milyan oo soconaya masaafo dhan 150 km islamarkaana lagusoo gabagabayn doono in kayar 2 sano. Dhagaxdhig kadibna Waxay waftigu usoo hoydeen degmada danood ee gobolka Dollo. Iyagoo halkaas maalinta bari ah xadhiga lagaga jari doono ceel dheerarkiisu dhanyahay 600m.

Faahfaahinta warkan kalasoco www.cakaaranews.com

Xubno laga Soo Kala Xulay 93 Degmo Oo Tababar ’TOT’ah Loogu Soo Gabagabeeyay Kuliyada Xirfadaha iyo Tababarada Ee Magaalada Godey

$
0
0

Godey(cakaaranews)Axad 24ka September 2017.Tababarka tababarayaasha ee afka qalaad lagu yidhaahdo (TOT) kuna qotama culuumta kaladuwan ee waxsoosaarka xoolaha iyo beeraha  islamarkaana ay kasooqaybgaleen xubno laga soo kala xulay 93 degmo oo deegaanka ah ayaa si habsami leh loogu soo gabagabeeyay kuliyada xirfadaha iyo tababarada ee magalada godey.

Hadaba, tababarkan TOT ah ayaa waxaa xidhitaankiis kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun  oo sheegay in ujeedada tababrkani yahay mid kamid ah talaabooyinka lagu fulinayo qorshaha 2010 ee ah ‘’Iskufilaan sheheenii Waan Soo ceshan karaa’’ islamarkaana lagaga baxayo saboolnimada. iyadoo Kaqaygalayaashanina ay yihiin dadkii bartay culuumta beeraha iyo xoolaha lagana soo kala xulay dhamaan degmooyinka deegaanka loona baahanyahay in degmooyinkii ay kakala yimaadeen ay uga faaiideeyaan si tacabka iyo wasoosaarkeenu u noqda mid wax ku’ool ah. Wuxuuna gudoomiyuhu kula dardaarmay in si wanaagsan  ay u sii gaadhsiiyaan degmooyinkii ay kakala ymaadeen.

Sidookale, Kusimaha Maareeyaha Kuliyada Xirfadaha iyo Tababarada ee Magaalada Godey mudane Cabdiqaadir Maxamed Cali  oo isna dhankiisa kahadlay xidhitaankii tababarkan ayaa sheegay in xukuumada deegaanku ay xooga saartay horumarinta Waxsoosarrka xoolaha  iyo beeraha maadaama oo ay arintaasina tahay tubta ugu toosan ee saboolnimada lagaga baxayo islamrkaana lagu xaqiijinayo dabaanada cunada ee deegaankeena. Wuxuuna intaa kudaray in deegaanku u guntaday sidii si toos ah loogaga faaiidaysan lahaa khayraadka dhulkeena iyo xoolaheena ee uu ilaahay kumanaastay. Wuxuuna kuladardaarmay kasooqaybgalayaashii in casharadan ay barteen ay si daacad ah oo wadaniyadi kudheehan tahay uga faa’iideeyeen bulshadii ay kakala yimaadeen islamarkaana uusan qofna kagaabinin.

Dhankakale kaooqaybgalyaashii oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin tababarkan TOT ah islamarkaana ay balanqaadayaan in sida ugu wanaagsan ay uga faa’iidanayaan bulshadii iyo degmooyinkii ay kakala yimaadeen xoolo dhaqatada iyo beeralayda labada

Iskusoowada duuboo, tababarkan TOT ah oo socday mudo 21 maalmood ah ayaa ahaa mid kaqaybgalaaysha lagu barayay waxsoosaarka noocyada kaladuwan ee beeraha iyo waliba waxsoosaarka xoolaha oo ay kamidyihiin Geela, Lo’ada, Adhiga, Digaagaiyo waliba dhaqashada Shinida, waxaana laga filayaa in natiijo wax ku ool ahi kasoobaxdo kadib markay kulaabtaan degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>