Jigjiga,(cakaaranews),khamiis, 21ka, September, 2017. Munaasabada si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay ka qabsoontay dhamaanba qaaradaha aduunka munaasabadahaasi oo lagu taageerayo hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa waxay munaasabada ugu wayn fadhigeeda lagu maamuusayay xarunta deegaanka ee jigjiga gaar ahaan barxada wayn ee qaryaan dhoodaan
Waxaana ka soo qaybgalay munaasabadaasi masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin, madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI, qurba joogta DDSI ee ku sugan xarunta deegaanka ee jigjiga, shaqaalaha xafiisyada heer deegaan iyo marti sharaf kale.
Munaasabadan waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii shacabka deegaanka dalka iyo dibadaba uga tacsiyadeeyay shacabkii soomalida ahaa ee sida arxandarada ah loogu gumaaday hawaday madaxwaynaha ayaa intaasi ka dib u mahad naqay qurba joogta ka soo qaybgashay munasabadan iyo kuwa daafaha caalamka ka xusayay munaasabadan. Madaxwaynaha DDSI ayaa ka warbixiyay qorshayaasha horumarineed, nabadgalyo iyo maamul wanaaga ay xukuumada DDSI ka wado guud ahaanba deegaanka madaxwaynaha ayaa sheegay in xukuuamda DDSI awooda saartay sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha aas aasiga ah ee bulshada oo ay ka mid yihiin helitaanka biyaha nadiifta ah, daryeelka adeega caafimaad, kor u qaaditaanka tayaynta waxbarashada iyo isku xidhka gobolada iyo degmooyinka deegaanka, madaxwaynaha oo ka hadlayay qorshayaasha ay xukuumada DDSI xooga saarayso ayaa sheegay in ay yihiin kuwa lagu tir tirayo saboolnimada iyada oo xooga la saarayo wax soo saarka beeraha oo ah mid casriya iyo dhaqashada xoolaha oo ah nidaam casriya. Madaxwaynaha DDSI ayaa guud ahaanba qurba joogta deegaanka ku aamanay sida muga leh ee ay kaalinta muuqada uga qaadanayaan isbadalada horumarka , nabadgalyada, maalgashiga iyo taageerada ay ka gaystaan markasta xaaladaha soo wajaha bulshadooda oo ay ka mid tahay xaaladihii ugu dambeeyay ee abaartii saamaysay qaarka mid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka . madaxwaynaha ayaa ku booriyay qurba joogta DDSI in ay sii xoojiyaan nidaamka faderaaliisamka dalkeena itoobiya meelna uga soo wada jeedsadaan cidkasta oo carqalad ku ah horumarka sida xawliga leh uga socda deegaanka iyo dalka.
Dhankiisa gudoomiyaha arimaha XDSHSI ee jaaliyada Australia cabdiqani faarax yuusuf oo ku hadlayay magaca jaaliyadaha qurba joogta ee qaaradaha aduunka ayaa ugu horayntii tacsi u diray shacabka deegaanka meelkasta oo ay joogaan dadkii sida arxandarada loogu gumaaday hawaday wuxuuna sheegay in ay qurba joogta DDSI sii dar-dargalinayo ka qayb-qaadashada hirgalinta qorshayaasha horumarineed nabadgalyo ee sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka, isaga oo ku amaanay xukuumada DDSI dadaalka xoogan ee ay ku hirgalisay qorshayaasha horumarineed kor loogu qaadayo nolosha bulshada deegaanka isaga oo gudoonsiiyay madaxa arimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI mudane cumar maxamuud aduun lacageed oo dhan 1 millyan oo birr oo ay jaaliyada DDSI ee Australia ugu talagalay in la gaadhsiiyo shacabkii ka soo barakacay deegaanka oromada.
Sidoo kale intii ay munaasabadani socotay waxaa aaladaha ismaqal araga (video call ) kaga qaybqaadanayay qaarka mid ah qurba joogta DDSI ee ku sugan dacalada aduunka