Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Ogaysiis Dhamaan Shacabwaynaha DDSI Meelkasta Oo Ay Joogaan

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 14ka September 2017. Waxaa dhamaan shacabwaynaha DDSI ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba la ogaysiinayaa in shaqasi wata ciwaanka President Abdi Mahomud Omer uusan ahayn madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar balse yahay shaqsi tuug ah oo samaystay page facebook ah oo u isticmaalo magaca madaxwaynaha islamarkaana qoroolo soo dhiga barta facebooga gaar ahaan xiliyada ay xaaldi ka jirto deegaanka. Sidaa darteed  waxaa dhamaan shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan la ogaysiinayaa inay ogaadaan iskana ilaaliyaan shaqsigaas magaca madaxwaynaha wata islamarkaasna aysan maqlin hadal qoraalka uu soo dhigo barta social mediaga.

Hadba shaqsigan tuuga ah ee wata magaca madaxwaynaha ayaa doonaya inuu ka faaiidaysto xasuuqii dadka shacabka soomaalida ah loogu gaystay magaalada awaday islamarkaana barta facebookga soo dhigay hadal qoraal uu isaga dhigayo inuu ku hadlayo codka madaxwaynaha balse waxaan halkan ka cadaynaynaa inuusan ahayn madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar fiira gaar ahna loo yeesho shaqsigaas .


የኢትዮጲያ ሶማሌ ክልል መንግሰት በኣወዳይ የተገደሉት ንፁሃን ዜጎች የተሰማቸውን ጥልቅ ሀዘን ገልፀዋል፡፡

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews). ሀሙስ መስከረም 4, 2010 ዓም. የኢትዮጲያ ሶማሌ ክልል መንግሰት እና የኢትዮጲያ ሶማሊ ህዝብ ዲሙክራሲ ፓርቲ ከፈተኛ አመራሩ የኢ.ሶ. ክ.መ. ፕሬዝደንት አቶ አብድ መሀሙድ ኡመር፣ የክልሉ ም/ቤት አፈጉባኤና የኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ ልቃ መንበር አቶ መሀመድ ኢሳቅ አብራህምና የክልሉ ም/ፕሬዝደንቶችም፡ የክልሉ ከፈተኛ አመራርና ካቢ አባላት በኦሮሚያ ክልል ኣወዳይ ከተማ ሆን ተብሎ የተጨፈጨፉና የተገደሉት ንፁሃን ዜጎች ለመላው የክልሉ ህዝብ የተሰማቸውን ጥልቅ ሀዘን ገልፀዋል፡፡በሌላ በኩል የክልል መንግሰት  ለሟች ቤተሰቦችና ዘመድ አዝማድ መፅናናትን ይመኛል፡፡.

በመጨረሻም የክልሉ መንግሰት “መስከረም ሁለትን የኣወዳይ ጭፈጨፋ ስያሜ” በመስጠት ከነጌ ጀምሮ ለአንድ ሳምንት ያህል የክልሉ ባንድራ ዝቅ ብሎ ይውለበለባል፡፡ ለሟች ቤተሰቦችም መንግስት ልዩ ድጋፍና እንከብኬ እንደሚደርግ የክልሉ መንግስትገልፀዋል፡፡ 

 

 

 

 

 

 

ማስታወቅያ

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) ሀሙስ መስከረም 4, 2010 ዓም.ለመላው የኢትዮጲያ ሶማሌ ክልልነዋሪዎችና ተወላጆች ከአዲስ አባባ ሲትመጡ ወይም ወደ አዲስ አባባ ሲትሄዱ በጀገጀጋ- ቱሊጉልድ- ሰመካብ- ሽኒሌ ወይም በጀገጀጋ- ቱሊጉልድ- ሰመካብ- ደምባል- ሽኒሌ- መንገድ ለጉዞ አመቺ መንገድ መኖሩን እና ክፍት መሆኑን እያሳወቀን በተላይ ደግሞ ተማሪዎች ሑጃጆች እና ነጋዴዎች በኣየር እንድትጓዙበት እያሳወቀን፡ በአየር መጓዝ አቅሙ ያልፈቀደለት ደግሞ የጀዋርና አዲሱ ረጋሳ ኦነግ መንግስት(ኦሮሚያ) እስኪ ረጋገ ከላይ በተጠቀሱት መንገዶች እንድትጓጓዙበት እናሳወቃለን፡፡ኢ.ሶ.ህ.ዴ..ፓ/X.D.Sh.S.I.

 

በኣወዳይ ጫት ላይ የወጣ አሠቹኳይ ማሳሰቢያ!!

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) ሀሙስ መስከረም 4, 2010 ዓም.በዛሬው እለት የተመረዘ አወዳይ ጫት በጅግጀጋ ከተማ ተይዞ ማንም ሳይቃሚበት ወደ ከመጣበት የኦነግ መነኻሪያ የሆነችው ኣወዳይ ተመሊሷል፡፡ በሌላ በኩል የኢትዮጲ ሶማሊ ህዝብ በመሰረቱም ነቄና የማይታለል ማህበረሰብ መሆናቸውን አይደለም የኦነግ መንግስትና ድፍን አለም ሱማሌ ብርቱና በተፈጥሮ ሀብታምና ገና ያልተነካ ለም መሬት ያለቸው መሆናቸው ያውቃል፡፡በዚህ ረገድ በአከባቢያችን የበቀሌ ምርጥ ጫት እየቃመን ራሳችን በራሳችን እንችላለን ለአንድ ደቂቃ ያህል በሁሉም የክልሉ ከተሞችም ጫት አይጠፈም፡፡

ዱሮም እኮ የኦሮሞ ጫት ለሶማሊላንድና ለጀቡቲ ነበረ አክስፖረት የሚያደርጉ፡ የኢትዮጲ ሶማሌ ብርም ጨርሶ ነበር፡፡በተጨማሪም  የተመረዞው አወዳይ  ጫት መቃም ቀርቶ ወደ ኢትዮጲ ሶማሊ ክልል መግባትም ሆነ ማለፍ አይቻልም!! ስለዚህ በቄላ ብቀሪም ፈስ ቀለለ ማላት ነው!

Magacaabis Cusub ..

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 15ka September 2017. Waxaa  loo magacaabay lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka saxaafada mudane Maxamed Bile Xasan isagoo xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha DDSI ee uu Wasiirka ka ahaa sidiisii ujooga.

Hadaba Maxamed Bile Xasan oo ah muwaadin DDSI lehna khibrad, Aqoon waaya aragnimo dheer ayaa waxaa mas’uulkan lamagacaabay loo rajaynayaa in uu si xilkasnimo leh oo daacadnimo iyo wadaniyadi ku dheehan tahay  uu uga soo baxo waajibaadka loo idmaday islamarkaana uu ugu adeego bulshada.

Notice on Awaday Khat is Poisened

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Friday 15ka September 2017. It has been reported that AwadeyKhat had poisoned because only Somalis chew this type of Khat. The reason that other types of Khat were not poisoned is behind identifying the only consumers of AwadeyKhat areSomali community butOromo people had got great conspiracy of hate rate. Inaddition to this now blood of innocent Somalis was dropped upon this Khat while other types of Khat also is planned to add a poison and toxic chemicals when they (Oromo) are importing to Somali areas. Furthermore, it has been reported that eight persons whose suffers the toxics of Khatare taken to the hospitals and several persons are died.

Poisoning the Khat, is a purpose of harming the lever and human sexual reproductive organs. Therefore, it is has been noticing to all Somalis to give up or stop chewing AwadayKhat and declare that they can be free from chewing Khat generally and AwadeyKhat Specially and also feel the conspiracy.  In the other side, it has been motivating to Somali Khat traders to stop selling poisoned Khat. Selling Khat is similarly mean of poisoning and killing to his/her Somali people.

 

 

Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Shacabkii somalida ahaa ee Lagu Xasuuqay Awaday.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 15ka September, Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa maanta aas qaran  loogu sameeyay xabaalaha gidhibka ee caasimada deegaanka jigjiga   dadkii shacabka somalida ahaa ee sida axmuqnimada  ah loogu xasuuqay hawaday ee deegaanka oromada dadkaasi oo ay tiradoodu dhantahay 40 qof ayaa maanta waxa lagu aasay xabaalaha gidhibka 18 qof.

Waxaana aaskan qaran oo aan loo kala hadhin ayaa waxa  soo  qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin, madaxwayne ku xigeenada DDSI, odayaal dhaqameedka deegaanka, hogaaminta diimaha kala duwan ee dalkeena itoobiya, iyo kumanaan qof oo ka mid ah qaybaheeda kala duwan  bulshada ku  dhaqan magaalada caasimada deegaanka ee jigjiga.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayntii dhamaan shacabwaynaha DDSI meelkasta oo ay joogaan  tacsiya tiiraanyo leh uga diray  shacabkii aan waxba galabsan ee sida akhmuqnimada ah looga xusuuqey magaalada hawadaay iyagoo waxaba galabsan guryahooda laga la soo baxay ee kaliya lagu dilay magaca somalinimada madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in goobta uu ka socday xasuuqu ay si deg deg ah u tageen  ciidmada qaranka iyo federaal booliska oo si muwaadinimo leh u soo bad baadiyey 300 oo qof oo  in la xasuuqo larabay kuwaas oo kudhex noola oromada madaxwaynaha ayaa sheegay in ay dadkan  lagu xasuuqey meel ay goob jog ka ahayeen qaabdhimeedka nabadgliyada maamul ka bariga harargee oromada balse waxaa jiray qaar kamid ah shacabka oromada oo dadka somalida ah guryahoda ku qariyey si aan loo xasuuqin inta kale. Madaxwaynaha ayaa sheegay in  loo bahan yahay in dadka aan waxba angalabsan ee inagu dhexnool in aan  waxba layeelin si aynaan u fulin ujeedadii uu cadawgu lahaa . madaxwaynaha ayaa sheegay in dadkeenii dhintay aanay soo noolaanayn  lakiin loo bahanyahay in aynu ka shaqaysano nabada iyo xasiloonida   ma aha geesinimo iyo sharaf in la laga aargoosto laakiin  geesinimo iyo sharaf tahay in aan la kala aargoosan madaxwaynaha DDSI ayaa sheegay in dadkii gaystay falkan arxan darnada ah lagaga aargoosan doono sharciga dalka ugu dambayntii waxa uu madaxwaynuhu ka warbixiyay ahmiyada iyo faa’iidooyinka ay  leedahay adkaynta nabadgalyadu islamarkaana tahay furaha horumarka ayaa ku amaanay shacabka deegaanka sida sharafnimada iyo geesinamadu ku jirto ee ay u ilaaliyeen xuquuqaha shaqsiga iyo mida qoomiyadeed.      

Dhankooda hogaamiye diimeedka kala duwan ee dalkeena ayaa si qoto dheer uga hadlay arintan foosha xun ee lagu gudaamay shacabka aan waxba galabsan iyaga oo ugu horayntii tacsi u diray  tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka somalida ee ay ka bexeen dadkan shacabka ah ee aan waxba galabsan ee lagu gumaaday magaalada hawaday iyo nawaaxigeeda waxayna tilmaameen in ay tahay xasuuq heer caalami oo aan wali lagu arag dalkeena itoobiya iyaga oo hogaamintu isku raacday in dadkii ficilkan gaystay si deg deg ah sharciga loo horkeena 

Qiimayn Loo Qabtay Maamulada 229 Dugsi Oo Ah Dugsiyada Quudinta Leh

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Sabti, 16ka September 2017. Qiimayn kusaabsan waxqabadka dugsiyada quudinta leh islamarkaana uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada DDSI oo kaashanaya hay’ada WFP ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Hadaba, qiimayntan oo ay kasooqaybgaleen maamulayaasha iyo xubno kale oo kasocday 229 ka dugsi ee quudinta leh ayaa waxaa xidhitaankeedii kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in barnaamijkan quudinta ee kajirta 229 dugsi oo kamid ah dugsiyada deegaanka ay taageero kagaysato hay’ada WFP. Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in barnaamijkan quudintu ay ardayda faaiido wayn uleedahay islamarkaana ay 100% yarayso luux tuurka ardayda ama drop-out ka. In dugsiyada quudinta leh ay dhamaan ardaydu u xaadiraan cahar qaadashada, waxayna ardayda kacaawisa dhanka koritaanka iyo waxbarashada. Wuxuuna wasiirku kuladardaarmay kaqaybgalayaasha in sifiican loo ilaaliyo habsami usocodka quudinta islamarkaana ay ilaaliyaan nidaamka quudinta iyo waliba saxada iyo caafimaadka cuntooyinka quudinta.

Ugudanbayna, maamulayashii kasooqaybgalay kulankan qiimaynta ah oo dareenkooda kahadlay ayaa tilmaamay in kulankani ahaa mid qiimayn iyo tababar isugujira islamarkaana ay balan qaadayaan in ay raacayaan shuruucda quudinta oo ay waliba ilaalinayaan wixii xadgudub ku ah nidaamka quudinta.  


MW CMC Oo U kicitimay Dhanka Xarunta Dalka..

$
0
0

Addis ababa(Cakaaranews) Sabti 16ka September 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhanka xarunta deegaanak uga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addisababa, Isagoo hawlo shaqo, Shirar iyo hawlo muhiim ah utagay xarunta dalka ee magaalada addisababa. madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan kusugan xarunta dalka ee addisababa .

MW CMC Oo Dib Ugusoo Laabtay Caasimada Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 17ka September 2017.  Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, kadib markay usoo dhamaadeen howlihii shaqo, Shirarkii iyo arrimihii muhiimka ahaa ee uu utagay xarunta dalka ee addisababa, Wuxuuna madaxwaynuhu wakhti xaadirkan ku sugan yahay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Kulan Ku Saabsan Abaabulka Waxbarashada Sanad dugsiyeedka 2010TI Oo Ka Qabsoomay MM DH/buur

$
0
0

Dhagaxbuur,(cakaaranews), axad, 17ka September, 2017, Waxaa ka dhacay madasha shirarka ee maamulka magaalada dhagaxbuur  kulan balaadhan oo lagu qorfaynayay dhinaca  abaabulka diwaangalinta waxbarashada ee sanad dugsiyeedka 2010TI.

Waxaana kulankan hogaaminayay masuuliyiinta maamulka magaalada dhagaxbuur  iyada  oo ay ka  soo qaybgaleen   qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada maamulka magaalada dhagaxbuur waxa kulankan ka hadlay maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur mudane Mahamed  Xasan Suufi   isaga oo  qaybaha kala duwan ee bulshada uga warbixiyay ahmiyada ay leedahay waxbarashada. Waxayna u sheegeen bulshada in ay keenaa dhamaanba caruurta gaadhay da’da waxbarashad goobaha waxbarashada ardaydii horena ku soo celiyaan fasalada ay u gudbeen. Waxaa kale oo ay bulshada ku booriyeen in ay ka faa’iidaystaan waxbarashada dadka waawayn.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku Dhaqan maamulka magaalada dhagaxbuur   ayaa sheegay in ay ka qayb-qadanayaan diyaarna u yihiin sidii loo keenilahaa  caruurtooda gaadhay dada waxbarashada goobaha waxbarashada kuwii hore ugu jirayna loo keenilahaa fasalada ay u gudbeen.

 

 

President CMC Returned Back To The ESRS Capital Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sunday 17th September 2017. ESRS president Mr. Abdi Mahamud Omer has Returned back to the ESRS capital Jigjiga after successfully completing the important activities and Participating meetings that he went to Addiss Ababa. Currently, the president of ESRS stays at Jigjiga city.

Kulan kusaabsan Xalinta Khilaafkii Kadhashay Xuduudka Ay Wadaagaan Soomaalida Iyo Oromada Oo Kadhacay Caasimada Adhisababa

$
0
0

Adhisababa(cakaaranews) Isniin 18ka September 2017. Kulan kusaabsan xalinta Khilaafkii kadhashay xuduuda ay wadaagaan 2da deegaan ee soomalida iyo oromada oo uu shirgudoon ka ahaa Raisal-wasaaraha JDFI mudane Haile-Mariam Desalegn oo uu waheliyo wasiirka wasaarada arrimaha federaalka iyo hor-bulshada xooladhaqatada mudane Kabade Jaana islamarkaana ay ka soo qaybgaleen Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwaynaha oromada iyo waliba odayaal dhaqameedka 2da deegaan ayaa kaqabsoomay xarunta dalka ee magaalada Adhisababa.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Raisal wasaaraha JDFI mudane Haila-mariam deselign oo ugu horayn sheegay in uu aad uga tiiraanyaysan yahay qalbijabka dhacadadii foosha xumayd ee sababatay naf iyo maalba islamarkaana tacsi tiiraanyo leh udirayo bulshadii ay soogaadhay dhibaatadaas fooshaxun ee kadhacday magaalada awaday iyo hareeraheeda.wuxuuna intaa kudaray Raisal-wasaaruhu in uu aad iyo aad u canbaaraynayo dadkii sida foosha xun ugu laayay dadka  magaalada awaday. Raisal-wasaaraha oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay in dawladu sharciga kusoodabaali islamarkaana ay nabad buuxda kadhalin doonto goobihii ay rabsahaduhu kadheceen, iyadoo ay dawalada federaalku si qoto dheer ugu kuurgali sababta arrintan fooshaxun dhalisay iyo dadkii kadanbeeyay sharcigana la horkeeni. Wuuuna carabka ku adkeeyay in sabab kasta oo ay kadhalataba dhacadadan foosha xumi ay sharci daro tahay in dad la laayo oo waliba si axmuqnimo ah loolaayo sida ugu dhakhsaha badana sharciga loo horkeeni cidkasta oo ku lug lahayd masiibadan. Wuxuuna hadalkiisii kugabagabeeyay in warbaahinada 2da dawlad deegaan ay joojiyaan waxyaanbaha kicinaya bulshada.

Ugudanbyna,  odayaal dhaqameedkii kasocotay deegaanka soomalida iyo deegaanka oromada ayaa iyana dhankooda kahadlay kulankan oo sheegay in deegaanka soomaalaida iyo deegaanka oromadu ay yihiin 2 deegaan oo daris ah oo wadaaga dhaqan, dhalasho iyo diin intaba islamarkaana ay muhiim tahay nabada iyo wada noolaanshaha 2da deegaan.

Tababar Loo Furay Macalimiinta Iyo Shaqaalaha Kuliyada Caafimaadka Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 18ka September, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI oo loo qabtay macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyada caafimaadka ee jigjiga  ayaa  furmay hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka jigjiga.

Tababarkan oo ay  ujeedadiisu tahay  kobcinta awooda tayada aqooneed ee macalimiinta kuliyadaha deegaanka , xoojinta iyo dhisida ciidan horumarineed iyo sidii macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyada fahan balaadhan loogu siin lahaa  fulinta jihooyinka iyo istaraatajiyadaha dhinaca TVETka.

Waxaana, furitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Naasir Xasan oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in uu yahay mid ka socda dalkeena oo dhan islamarkaana ka furmay maanta kuliyada deegaanka wasiirka ayaa sheegay in mudada uu tababarkani socdo si Xeel dheer loogu gorfayndoona fulinta iyo meelmarinta qorshaha 2010TI ee dhinaca sactarka TVETKA  isaga oo ku booriyay barayaashan iyo shaqaalaha kuliyada in ay si qoto dheer uga faa’iidaystaan mudada uu tababarku socdo

Dhankiisa wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ka hadlay furitaankii tababarkan ayaa sheegay ahmiyada uu tababarkani u leeyahay macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyadaha islamarkaana uu yahay mid ku taxa luqa doorka ay macalimiintu ku leeyihiin soo saarida arday tiro iyo taya leh  wasiir ku xigeenka ayaa  tilmaan dheerka bixiya istaraatajiyadaha iyo jihooyinka horumarineed uu u dajisan sactarka waxbarashada   isaga oo ku booriyay   macalimiinta iyo shaqaalaha loo furay tababarka in mudada uu  socda tababarku ka qaataan kaalin fir-fircoon si ay natiijada tababarku u noqoto mid waxwayn ka qaadata xawaaraha hirgalinta qorshayaasha horumarka. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray  in tababarkan socondoomo mudo 5 maalmood ah. 

Horumarinta Magaalooyinka Dalka iyo Dadaalada Ku Aadan

$
0
0

Adhisababa (cakaaranews) Talaado,19ka September 2017. Talaado, Kobcinta iyo horumarinta ku’aadan magaalooyinka dalka ayaa ah mid si wayn uga dhaxmuuqata qorshayaasha horumarineed ee dalka u yaala maadaama oo ay si xawli ah usocdaan koritaanka magaalooyinka dalku, si loo horumariyo dhamaan magaalooyinka dalkana, Waxaa xidhiidh lalasameeyay shirkad laga leeyahay wadanka Koonfurta kuuriya oo lagu magaacaabo JOO. taasoo la aaminsanyahay inay ku xeeldheer tahay dhanka horumarinta magaalooyinka iyo nidaamka maaraynta dhulka ee magaalooyinka, waxayna dalkeenan itoobiya ugu deeqday qalabyada casriga ah ee ku’aadan horumarinta magaalooyinka iyo maaraynta dhulka, qalabkaas oo u dhigma aduun lacageed oo dhan 1 bilion oo dolar.

Hadaba, dadaaladan kuqotama horumarinta magaalooyinka ee ay wado JDFI ayaa ah kuwa isa sootaraya waxaana kawrabixiyay mudane Salomon Kabade oo kamid ah masuuliyiinta u xilsaaran shaqooyinkan horumarinta magaalooyinka oo sheegay in dawladu wado dadaalo farabadan oo ku aadan dhanka horumarinta magaalooyinka ee ay ugu horeeyaan xogaha iyo maaraynta dhulka ee (Land information and management system). Wuxuuna xusay in qorshahan ku aadan horumarinta magaalooyinka ay hada kahorba u qorshaysnayd islamarkaana ay ahayd in mar hore lafuliyo laakiin dhanka kharashka awgii ay u taagnayd hadana sida ugu dhakhsaha badan loo hiraglainayo. Wuxuuna xusay in qorshahan hiragalintiisa aan loo kalahadhaynin islamarkaana madaxwaynayaasha deegaanadu ay kaqaybqaadanayaan hirgalinta qorshahan si wakhti gaaban loogu dhameeyo.

Sidookale, masuuliyiinta shirkadan JOO ee horumarinta dhulka ayaa iyana waxay wadaan tababaro iyo khibrad iswaydaarsiyo kaladuwan oo dhaxmaraya masuuliyiiinta iyo shaqaalaha horumarinta magaalooyinka taasoo ku'aadan xeeladaha horumarinta magalooyinka dalkeenan itoobiya.

Dhankakale, qorshahan horumarinta magalooyinka ayaa waxaa Dhawaan laga bilaabi islamarkaana si toosa looga hirgalin doonaa  11 magaalo oo ay kamid tahay caasimada dalka ee adhisababa Iyadoo dhamaadka qorshaha 5ta sano ee kobaca iyo isadalka dhaqaalaha wajigiisa 2aad lafilayo in laga hirgaliyo 91 magaalo oo kamid ah magaalooyinka dalka.

Iskusoowada duuboo, nidaamyadan lagu horumarinayo magaalooyinka dalka ay qaybka ah kamidho dhalinta qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa labaad islamarkaana dalku ku higsanayo kamid noqonshaha wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay.

 


Ogaysiis :Ganacsatada Iyo Qurba-joogta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 20ka September, 2017. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ganacsatada deegaanka iyo qurba-joogta DDSI ee ku kala sugan daafaha caalamka inay ka qaybqaataan taakulaynta eheladii iyo qaraabadii dadkii lagu xasuuqay awaday iyo dadkii soomaalida ahaa ee kasoo barakacay deegaanka oromiya islamarkaana ay dawladu ay si wadaniyad leh ugu hayso daryaal iyo daawayn gacanta ugu hayso goobo badan oo xarunta  deegaanka ah.

Sidaa darteed waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ganacsatada iyo qurba-joogta DDSI in sidii hada ka horba la idiinka bartay caawinta iyo garab istaaga bulshadiina haba ugu danbayso xiliyadii abaaraha inaad kaalintiina gargaar kaga qaybqaadataan.

FG: Waxaa xusid mudan oo aan marnaba la ilaawi Karin kaalinta lixaadka leh iyo sidii wadaniyada lahayd ee aad ugu qaybqaadteen guud ahaanba horumarka iyo nabadgalyada ka hanaqaaday deegaanka.

FG: Waxaad la idinku wargalinayaa inaad lasoo xidhiidhaan gudiga arrintan loo xilsaaray oo uu gudoomiye uyahay mudane Khadar Macalin Cali islamarkaana ay kamid yihiin xubno kamid ah jaaliyadaha .

Tababar Ku Saabsan U Adkaysiga Dhibaatooyinka Dabiiciga ah Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Arbaca, 20ka September, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI  oo kaashanaya hay'ada  FAO ayaa ka furmay magaalada jigjiga.

Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka socday xafiisyada iyo haay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga DDSI ayaa waxay ujeedadiisu tahay sidii ay xafiisyada dawlada  iyo hay’adaha aan dawliga ahayn u xoojin lahaayeen hirgalinta qorshayaasha u adkaysiga dhibaatooyinka dabiiciga ah  gaar ahaan sida looga gaashaanto xaaladaha abaaraha soo noq-noqda iyo adkaynta xidhiidhka iskaashi ee xafiisyada dawlada iyo haay'adaha aan dawliga ahayn.

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga DDSI mudane Cali Cumar oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in uu yahay mid ku salaysan sidii fahan buuxa oo midaysan looga qaadan lahaa isku xidhka arimaha bini-aadantinimada iyo horumarka bulshada deegaanka ,  sidii  gaashaan adag looga samaysan lahaa khataraha masiibooyinka dabiiciga ah taasi oo suurta galinaysa in ay bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kuwa xoolo dhaqato beeralayda ah ugu adkaysanlahaayeen dhibaatooyinka dabiiciga ah ee  ka yimaada cimilada isbedasha oo keena  xaaladaha abaarta wasiir ku xigeenka ayaa ku booriyay xubanahan tababarka  loo furay in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan mudada uu socda si looga midho dhaliyo ujeedooyinka tababarkan.

 

Qaarka mid ah masuuliyiintii ka socday ha’yadaha oo ka hadlay furitaankii tababarkan ayaa sheegay in ay tahay mid loo baahan yahay sii xoojinta xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya haa’yadaha dawlada iyo kuwa aan dawliga ahayn si looga midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed ee u dajisan dalka iyo deegaanka iyo si looga gaashaanto dhibaatooyinka ay keento cimilada isbadashay oo ay ka mid tahay xaaladaha abaarta oo saamayn xoog leh u gaysta bulshada xoolo dhaqatada iyo xoolo dhaqato beeralayda. Tababarkan ayaa socondoona mudo 3 maalmood ah.

Qalabka 'ICT'ga Oo Lagaadhsiiyay Qaarkamid Ah Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka DDSI

$
0
0

Qabridahar(cakaarnews)Arbaco, 20ka September 2017. Sida lawada ogsoon yahay shaqo abuurka bulshada loo samaynayo gaar ahaan dhalinyarada ayaa ah xeeladaha uu dalku u qaatay tirtirida saboolnimada maadaama oo cadawga koobaad ee dakeenu leeyahay ay tahay saboolnimada. si taasi loo afjaro ayaa waxaa xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI oo kaduulaya qorshayaashiisa uu dhankiisa gaadhsiiyay Qalabka ICTga  qaarkamid ah Maamul magaalooyinka iyo degmooyinka DDS.

Hadaba, Gadh-Wadeenka G/S Horumarinta Isgaadhsiinta iyo xogaha casriga ah (ICT) ee Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI  mudane Cabdikhadar Caaqil Oo sheegay in qalabka ICTga oo ka kooban computerada desktopka ah, photo-copy, scaneers printers, kuraastii, miisaskii iyo qalabkale ay gaadhsiiyeen magaalooyinka Dhagaxbuur, Qabridahar iyo Godey iyo waliba degmooyinka kal ah Shiniile, Mooyaale, Jarati, Doolo-cado iyo Wardheer. Wuxuuna intaas kudaray agaasinku in ujeedada qalabani yahay in ururada dhalinyarta ah shaqo abuur loogu samaynayo iyadoo loo samaynayo goobaha ictga ee looyaqaano (community centers) kuwaasoo ah goobo lagu barto cilmiga ICT oo ay dhalinyartu iska leedahay. Wuxuuna tilmaamay in ay faa’iido badan kahelayaan oo isugujirta cilmi iyo waxsoosaar labada. Wuxuuna kula dardaarmay dhalinyarta in qalbkan ay ilaashadaan islamarkaan sida loogu talagalay u isticmaalaan.

Dhankakale, Madaxa Xafiiska Arrimaha Haweenka Caruurta iyo Dhalinyarada MM Qabridahar marwo Sucaad Khadar oo dhankeeda kahadashay ayaa sheegtay in qalabkani yahay mid aad faaiido ugu leh dhalinyarta magaalada qabridahar islamarkaana ay ilaashanayaan oo ay u isticamaalayaan sidii loogu talagalay.

Iskusoowada duuboo, qalabkan ICT ga ee dhalinyarta shaqo abuurka loogu samynayo ayaan ahayn markii ugu horaysay ee lagaadhsiiyo degmooyinka iyo maamul magaalooyinka iyadoo wakhtiyo kale oo kaladuwan lagaadhsiiyay qaar kamid ah degmooyinka iyo Maamul magaalooyinka deegaanka.

 

Wasiirka Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDSI Oo Ka Warbixiyay Qorshaaal Kor Loogu Qaadayo Dhaqanka Iyo Dalxiiska Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 20ka September, 2017. Wasiirka  Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI mudane Baashe Cabdi Ismaaciil oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay qorshayaal kor loog u qaadayo dhaqanka iyo dalxiiska deegaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada DDSI sanadihii ugu dambeeyay xooga saartay sidii kor loogu soo qaadilahaa dhaqanka iyo hidaha deegaanka loona gaadhsiin lahaa dalkeena iyo caalamkaba    isaga oo sheegay in ay bulsho jiri karto oo kaliya  inta dhaqankeeda  jiro dhaqanka  waxa uu  mideeyaa bulshada Sida bulshooyinka aduunka ay kula muuqaal gadisan yihiin yaa waxaa u kala gadisan luqadohooda dhaqankooda, labiskooda iyo caadooyinkooda. Dhaqan iyo luqad kasta wuxuu xambaarsan yahay cilmi iyo aqoon ku dhisan degaanka, sida cilmiga dalaga beeraha, daawo dhireedka, cimilada, farshaxanka, taariikhda iyo xirfadaha nolosha, dhaqan kasta wuxuu ku soo kordhiyaa aduunka horumar, ilbaxnimo, aqoon iyo waayo aragnimo ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo  ka warbixinayay waxqabadka xafiiska dhaqanka iyo dalxiisa ee sanadkan ugu dambeeyay ayaa  tilmaamay in guulo waawayn laga gaadhay kor u qaaditaanka  dhaqankeena iyo hidaha  la gaadhsiiyay tiyaatarada dalkeena itoobiya islamarkaana la gaashsiindoono tiyaatarada dhaqanka caalamka  wasiirka ayaa sheegay in dhinaca kale guulo waawayn laga gaadhay kor u qaaditaanka goobaha taariikhiga ah ee dalxiiska deegaanka si ay u soo jiitaan indhaha dalxiisayaasha loogana helo ilo horumarineed oo mug leh isaga oo sheegay goobaha dalxiisa ee uu deegaankiinu hodanka ku yahay wasiirka oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay qorshayaasha u dajisan xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska lagaga midho dhalinayo dhaqanka,  hidaha iyo dalxiiska.

Ugu  dambayntii wasiirka ayaa ku booriyay  guud ahaanba bulshada in ay ka qayb-qaataan qorshayaasha kor loogu qaadayo hidaha dhaqanka iyo goobaha dalkiisa qofwalibana uu ku faano la isku sharfo karaameeyo dhaqankeena wanaagsan.  

MW CMC Oo U Ambabaxay Dhanka Dhulka Ciid

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 21ka September 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaanminaya wafti balaadhan  ayaa dhanka xarunta deegaanak uga ambabaxay dhanka dhulka ciid , Si uu xadhiga ugasoo jaro ceelasha dhaadheer ee laga qoday dhulka ciida  ee uu joogoodu sareeyo iyo biyo galinta dheer ee laga sameeyay in kabadan 160 km ee mashruuca biyogalinta  2aad ee Birqod gunagado, marsin danood, banka xaguuga iyo gaashaamo.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>