Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Wafti Ukala Baxaya Wadamada Maraykanka, Europe Iyo Carabaha

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 5ta September 2017. Waxaa 7aadka udanbeeya ee bishan September iyo 7aadka ugu horeeya ee bisha Actober ee sanadan 2017 booqasho shaqo ugu kala baxaya wadamada maraykanka Europe iyo carabaha wufuud heer deehaan ah oo ka kooban hogaaminta sare ee deegaanka.

Hadaba wufuudan ayaa wadamada kor kuxusan ugu kala baxaya sidan hoos ku cad.

A.      Wadamada carabta iyo qaar kamid ah Europe

A. 1.       Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo

B.      Wadanka maraykanka

B. 1.       Wasiirka xafiiska ganacsiga,gaadiidka iyo warshadaha ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi Ismaaciil

2.       Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase

3.       Wasiirka xafiiska xoolaha iyo hormarinta reer guuraaga DDSI marwo maajida Maxamed Maxamuud

C.      Wadamada Europe

C. 1.       MW kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar

2.       Wasiir kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale  


Ogaysiis: Qurbo-joogta DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 6da September 2017. Ogaysiis Madaama oo ay qurba-joogta DDSI  codsatay in dib loogu dhigo xafladii ku beegnayd 2da iyo 3da bisha maskerem ee 2010EC loogu  qabnayay xarunta deegaanka  codsigoodii waa laga aqbalay waxaana  laga dhigay 10ka bisha maskerem oo ku beegan 20/09/2017 EC.

Xafladan oo ka dhaci doonta hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ayaa noqon doonta xaflad aad  balaadhan oo loo qabanayo qurba-joogta DDSI si heer sare ahna loosoo diyaariyay, iyadoo qurba-joogta kale ee ku kala sugan daafaha caalamka ay ku qabsandoonaan goobahooda islamrakaan ay xafladahoodaas hogaaminta sare ee deegaanka oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar video conference kaga qaybqaadan doonaan

Degmada Elele iyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Shabeele Oo Khibrad Wadaag U tagay

$
0
0

Elele(cakaaranews)Arbaco 6da August 2017. Ethiopia waxay kaalinta ugu horaysa kaga jirtaa qaarada Africa dhinaca koritaanka dhaqaalaha, waana dal ku hawlan sidii uu meesha uga saari lahaa shaqo la’aanta dhalin yarada. Taana waxaa gundhig u ah istaraatiijiyada qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha ee xukuumadu qaadatay ee wakhtixaadirkan lagujiro  wajigiisii 2aad ee qorshahaasi walaw ay sanadkan 2010ka xukuumada DDSI ay xooga saartay dhinaca naaxinta xoolaha nool maadaama deegaanku qani ku yahay dhaqashada xoolaha.

Hadaba, Degmada Elele ee katirsan Gobolka Shabeelle ayaa samaysay xero kudayasho mudan taasoo lagu quudiyo ama lagu naaxiyo 3da meesi ee xoolaha ee Adhiga, Geela iyo Lo’da. Waxaana xeradaas booqdasho khibrad wadaag ah ku tagay Gudoomiyeyaasha 10ka Degmo ee Gobolka Shabeelle kakoobanyahay. Booqasho iyo indha indhayn kadibna Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Shabeelle  Ayaa warbaahinta la wadaagay khibrada xeradan uga korodhay oo sheegay in Degmadan elele tusaale  u noqotay gobolka iyo deegaankaba dhinaca fulinta qorshahan naaxinta xoolaha.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo lahadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in  maamulka degmada elele ay samaysay isxilqaan wanaagsan oo kudayasho mudan islamarkaana ay tusaale u noqotay Degmooyinka Gobolka kadib marii ay samaysay xero wayn oo naaxinta xoolaha ah siwanaagsana ay usocoto shaqadii naaxinta iyo quudinta xoolaha. Wuxuuna intaa kudary gudoomiyuhu in dhamaan Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Shabeele ay khibrad ka qaataan arrintan naaxinta xoolaha ee degmada elele.

Dhankakale, Gudoomiyaha Degmada Elele mudane Axmed Cabdi Yuusuf  ayaa sheegay in qorshahani yahay mid fudud markii loo dhaqaaqo islamarkaana aysan uusan ahayn fulinta qorshahani mid ubaahan kharashbadan. Wuxuuna xusay in qorshahan lagu sameeyay naaxinta xoolaha uu ubaahanayahay ka gonaansho. Wuxuuna kubooriyay gudoomiyayaasha in khibradan ay kaga daydaan.

Ugudanbayna, dhankooda gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Shabeele oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in maamulka degmada elele ay dadaal badan sameeyeen islamarkaana ay arrintani tahay mid kudayasho mudan oo ay si wanaagsan khibrad uga qaadanayaan.

 

 

 

 

 

 

 

Shir Lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Hawlaha Horumarka Iyo Nabadgalyada Oo Ka Dhacay Filtu

$
0
0

Filtu (Cakaaranews), Khamiis 7da September, 2017. Waxaa ka qabsoomy madasha shirarka ee magaalad fiiltu ee xarunta gobolk liibaan shir si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta 2da gobol ee walaalaha ah, dariskana  ah oo kala ah gobolka liibaan oo ka tirsn gobolada deegaanka soomalida itoobiya iyo gobolka Bale zone oo ka tirsan deegaanka oromada iyo walib masuuliyiin ka kala socotay qaarka mid ah degmooyinka hoos yimada labadaasi gobol khaasatan kuw ku yaala xuduuda labada gobol.

Shirkan oo ay ujeedadiisu ahayd mid lagu sii xoojinayay hirgalinta qorshayaasha horumarka kawada shaqaynta iyo iskaashiga arimaha nabadgalayda gaar ahaan taaba galinta iyo meel marinta heshiisyadii xalka waara lagaga gaadhay xalinta arimaha xuduuda labada deegaan ee walaalaha ah, ka hortaga shaqsiyaadka ay soo adeegsadaan ururada nabadiidka ah isdhexgalka wadanoolaanshaha iyo iskaashiga labada shacab ee kuwad nool gobolada iyo degmooyinkaasi iyo guud ahaanba sidii siwada jir ah looga wada shaqayn lahaa ka ka midho dhalinta istaraatajiyadaha iyo jihooyinka horumrineed ee dalka iyo deegaanada u dajisan.

Hadaba Shirkan ayaa waxaa si wada jir ah u hogaaminayay gudoomiyaha gobolk liibaan mudane Cabdi Xuseen Cali iyo dhigiisa gudoomiyaha gobolka Bale zone kuwaasi oo sharax dheerka bixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankaasi waxayna sheegeen in masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmooyinka hoos yimada labada gobol looga baahan yahay sidii ay uga shaqayn lahaayeen sii xoojinta qorshayaasha horumarineed iyo taaba galinta adkaynta arimaha nabadgalyada iyo ka wada shaqaynta arimaha daris wanaaga iskaashiga maamulada gobolada iyo degmooyinka dariska ah iyo waliba iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah iyada oo la meel marinayo adkaynta iyo fulinta heshiisyadii hore looga gaadhay xuduudaha labada deegaan ee walaalaha ah.

Tababar Kusaabsan Nidaamka Hantidhawrka Oo Loo Qabtay Hanti-Dhawrayaasha

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 7da September 2017. Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen khabiirada hanti-dhawrayaasha ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqalaha DDSI iyo waliba qaarkamid ah xafiisyada bahwadaata la ah xafiiska ayaa si habsamileh loogu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa xidhitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in sanadkasta bilowgiisa baarlaamnka DDSI uu ansixiyo miisaaniyada deegaanka. taas oo ay hay’adkasta oo dawli ahi kumeelmariso qorshaheeda sanadka. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in miisaaniydaasi sanadka dhamaadkiisa ay noqonayso documenti kaasoo ah raadkii miisaaniyadaas oo cadaynaya riyaalkasta meeshuu maray. Wuxuuna tilmaamay in kaqaybgalaayshani yihiin hanti-dhawayaashii fulin lahaa nidaamka iyo baadhista shuruucada hantidii la isticmaalay 4ta rubuc ee sanadka.

Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa hantidhawrayaasha kuladardaarmay in ay sifiican ugu dhaqmaan casharadan ay barteen ee lagu kobcinayo garaadkooda aqoomeed islamarkaasna ay adkeeyaan shuruucda iyo nidaamka hantidhawrnimo

Ugudanbayna, dhankooda kaqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlaya ayaa sheegay in tababarkani uu ahaa mid aad uheersareeya islamarkaasna aqoonbadan ay kaheleen. Waxayna balan qaadeen in ay ilaalinayan nidaamka iyo shuruucda hantidhawrnimo.

 

MW CMC Oo U Kicitimay Dhanka Xarunta Dalka

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Jumce 8da September 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhanka xarunta deegaanak uga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addisababa, Isagoo hawlo shaqo, Shirar iyo hawlo muhiim ah utagay xarunta dalka ee magaalada addisababa. madaxwaynaha ayaana wakhti xaadirkan kusugan xarunta dalka ee addisababa .

Maamulka Degmada Qalaafo Iyo Bulshada Kudhaqan Degmada Oo Si Wada Jir ah Uga Shaqaynaya u Diyaargarawga Beerashada Casriga ah

$
0
0

Qalaafo (cakaaranews)Jumce 8da September 2017. Kadib markii maamulka degmada qalaafo  uu  sameeyay wacyigalin balaadhan oo kusaabsan kafaa’iidaysiga dhulka iyo in dhamaan bulshada degmada qalaafo ay kufoorarsato dhulka islamarkaana ay samayso waxsoosaar balaadhan si ay u noqdaan bulsho iskufilan, loona hirgaliyo qorshayaasha DDSI ee kuqotama barnaamijka beerashada casriga ah ee ah ‘’Iskufilaanshaheenii Waan Sooceshan Karaa ‘’ iyo waliba ‘’Waan Haysanaaye Allaw Nagaransii’’ ayaa Bulshada kudhaqan degmada qalaafo oo ay horkacayaan Maamulka degmada qalaafo ay si wada jir ah u bilaabeen shaqooyinkii u diyaargarawga beerashada casriga ah.

Hadaba, maamulka degmada qalaafo oo arrintan abaabulka beerashada carsriga ah kahadlay ayaa sheegay in maamulka degmadu uu wacyi galin balaadhan sameeyay islamarkaana maamulka iyo bulshada degmada qalaafo ay si wada jir ah u bilaabeen qardaynta dhulbeereedka  sheikh cali barakaale ee degmada qalaafo oo ah dhul aad ugu haboon waxsoosaarka dalagyada kaladuwan ee beeraha. Waxayna xuseen in dhulkani uu hada kahor ahaan jiray dhul waxsoosaar aad u badan uu kabixijiray. Hadana ay kusamaynayaan beerashada casriga ah.

Ugudanbayna, bulshadii kasooqaybgashay qardaynta iyo u diyaargarawga dhulbeereedkan sheikh cali barakaale oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugufaraxsanyihiin abaabulkan balaadhan ee uu maamulka degmadu bulshada qalaafe kusameeyay. Waxayna xuseen in ay balanqaadayaan in ay si fiican uga faaiidaysanayaan dhulkooda.

Dufcadii 22aad Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Macalimiinta Dr cabdinajiib Xuseen.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Sabti, 9ka, September, 2017. Xaflad   si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen dufcadii 22aad ee waxbarashada xiliga  xagaaga (Summer)  waxku baran jiray kuliyada macalimiinta Dr cabdijamiid xuseen   oo ay tiradoodu dhantahay 1492 arday    ayaa  maanta  ka qabsoontay magaalada jigjiga.

xafladan qalinjabinta dufcadii 22aaad ee  ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta sar sare oo ka tirsan xukuuamda DDSI   oo ay  ugu horayso madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiir beeraha iyo horumarinta Khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo sucaad axmed faarax, wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibaahin Aadan mahad, madaxa arimaha siyaasada xarunta dhexe ee XDSHSI  mudane Cumar Maxamuud, maareeyaha kuliyada macalimiinta Dr cabdinajiib  xuseen mudane kifaax cabdilaahi macalin  iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Waxaana, xafladan qalinjabinta ah  ugu horayntii ka hadshay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiir beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax   oo ugu horayn u hambalyaysay  ardaydan qalinjabisay maanta islamarkaana u mahad celisay  dadaalka ay wado kuliyada macalimiinta Dr cabdinajiid xuseen ee ay ku soo saarayso cudud waxbaratay oo ku gaashaaman aqoon kuwaasi oo ka qayb-qaadanaya hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka gaar dhinaca soo saarida macalimiin tayale. Waxayna madaxwayne ku xigeenku la dar-daaran tahay ardaydan maanta qalinjabisay iin ay ka soo dhalaalaan meelmarinta culuuntii ay barteen ugu adeegaan bulshadood gaar ahaan dhinaca tayaynta waxbarashada.

Dhnakiisa waxaa ka hadlay xafladan qalin jabinta wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo ugu horayntii u hambalyeeyay ardaydan qalin jabinaysa maanta ayaa  ka warbixiyay dadaalada loogu jiro taaba galinta tayada waxbarshada dalka iyo deegaanka wasiirka ayaa ka warbixiyay guulaha laga soo hooyay sanadihii ugu dambeeyay dhinaca waxbarashada deegaanka isaga oo ku booriyay ardaydan maanta ka qalin jabisay kuliyada macalimiinta ee waxbarshada xiliga xagaagu in ay taaba galiyaan culuumtii ay barteen xilwayna iska saaraan kaalin ka gaysashada dadaalka loogu jiro tayaynta waxbarshada deegaanka.

Maareeyaha kuliyada macalimiinta Dr cabdinajiid xuseen ee DDSI mudane kifaax cabdilaahi macalin oo ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee kuliyada macalimiinta iyo isbadaladii ay soo martay kuliyadu isaga oo sheegay in xafladan maanta ay ku qalinjabinayaan dufcadii 22ad ee waxbarshada xiliga xagaaga oo ay tiradoodu dhantahay 1492 arday kuwaasi oo barty culuumta kala duwan ee dhinaca macalimiinta wuxuuna ku baariyay in ay noqdaan kuwa ka midho dhaliya aqoonta ay barteen.

Gabagabadii munaasabadan qalinjabinta waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii gashay kaalmaha hore dhinaca dhibcaha waxbarashada.

 


Tartanka Kubada-cagta Ee Hay’adaha Dawliga Ah DDSI Oo Furmay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 9ka September 2017.  Tartanka kubada cagta oo ay ku loolamayaan hay’adaha dawliga ah oo loogu magacdaray ‘’Iskufilaanshaheenii Waan Soo Ceshan Karaa’’  kana sooqaybgaleen 60 kooxood oo kakala socda xafiisyada, wakaaladaha, kulyadaha iyo komishinada heer deegaan ayaa si habsamileh uga furmay garoonka kubada cagta ee magaalada jigjiga.

tartankan ayaa waxaa iyadna kasooqaybgalay masuuliyiin heerdeegaan ah oo ay horkacayeen madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalaooyinka iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, dhamaan mauuliyiinta hayadaha dawliga ah, kooxihii kubada iyo waliba taageerayaasha.

Hadaba, tartankan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta magaalaooyinka iyo warshadaha DDSI mudane cabdixakiin cigaal, oo sheegay in xukuumada DDSI ay wado qorshayaal kor loogu qaadayo ciyaaraha dhalinyarada. Wuxuuna xusay mw-kuxxigeenku in tartankan loogu magacdaray’’ iskufilaanshaheenii waan soo ceshankaraa’’   kuna loolamayaan 60 kooxood oo kakala tirsan 13 group islamarkaana ciyaarahani ay socon doonaan mudo 5 bilood ah oo ay kooxuhu ciyaari doonaan 2da maalmood ee shaqada laga nasto ee sabtida iyo axada. Wuxuuna tilamaamay in tartankani uu yeelan doono abaalmarino badan oo kala duwan.

Sidookale, madaxa xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Maxamed Bile Xasan  oo sheegay in taratankani leeyahay 2 ujeedo oo kala ah in dhalinyaradu noqoto dhalinyar fifircawn oo caafimaad qabta iyo waiba in dhalinyaro hal abuur leh oo u jajaban horumarka iyo kamidho dhalinta qorshayaasha deegaanka u yaala lahelo, maadaama tartanka magaciisu yahay iskufilaanshaheenii waan sooceshan karaa.

Dhankakale, tartankan kubada-cagta ayaa waxaa ciyaarta lagu furay 2da kooxood ee kala ah xafiiska  Horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI iyo xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaasna halakaas kusoo bandhigay ciyaar quruxbadan oo aad loo jeclaystay, waxayna wakhtgi loogu talagalay ciyaartu kudhamaatay 5-0 oo ay guushu kuraacday xafiiska Hor- beeraha iyo Khay-dabiiciga ah DDSI

Iskusoowada duuboo, tartankan ayaa iyana waxaa dareenkooda kahadalay kooxihii kasooqaybgalay oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tartankan kubada cagta eeay ku loolamayaan 60ka kooxood. Wxayna xuseen in tartankani faaiido badan u leeyahay dhalinyarta maadaama oo ay ciyaaruhu yihiin caafimaad.

የኢ.ሶ.ክ.መ. ውሃን እንደፓትሮሊየም መቆጠሩ ምን ይመስላል!!

$
0
0

አብዛኛው የክልሉ አከባቢዎች ቆላማና በረሃማ እንደመሆናቸው ዝናብ መጠበቅ የህዝቡ የህልውና ጉዳይ ነው፡፡

የኢትዮጵያ የሶማሊ ህዝብ በሀገሪቱ ስልጣን ላይ ከነበሩት የቀድሞ ንግስት ነጋስትና አንባገነኑ ወታደራዊ መንግስታት አይደለም መስረተ ልማትና ምንም አይነት  ጥቅም ሳያገኝ የቆየ ማህበረሰብ ቢሆንም፡ ባሳለፍናቸው 10 አመታት የክልሉ የገጠሩ አርብቶ አደርና ከፊል አርአደሩ ማህበረሰብና እንደሁም የከተሞች ነዋሪዎች የውሃ ፍላጎትና ጥያቄ በኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓ እና በአቶ አብድ መሀሙድ ኡመር መንግስት በተሰጠው እሊህ አስጨራሽ የወሃ ዝርግታና ፈጣን ምላሽ የክልሉ ህዝብ ከዳር እስከ ዳር እንድረጋጋና በውሃ፡በሳርና በግጦሽ ፈለጋ ከቦታ ወደ ቦታ ሲንቀሳቀስ የነበረውን ማህበረሰብ ሁሉም ባሉበት አከባቢ በቋሚነት እንድረጋጉ አደርጓል፡፡

ዱሮ ግን ከክልሉ ዋና ከተማ ከጅግጅጋ በሁሉም ሲትጓዝ በቅርቡ ውሃን የሚተታገኘው ቢያንሲ ከ180ኪሜ ተቋርጠህ በደጋህቡር በዋርዴር ቀ/ደሀር ወይም በድሬደዋ መሀከል ምንም አይነት ውሃ የሚባል ነገር እንዳል ነበረ ይታወቃል፡፡

በዚህ መሰረት በኢ.ሶ.ህ.ዴ.ፓርት የሚመራውን የክልሉ መንግስት ልዩ ስተራቴጂ በመንደፍ የንጹህ መጠጥ ውሃ አቅርቦት ከ1ኛ እስከ 4ኛ ደረጃ ቅድሚያ ሰጥቶ እየሰራ ከመሆኑ ባሻገር ለሌሎች የኢትዮጲያ ክልሎች ተምሳሌት በመሆኑ ከማንም ያልተሰወረ ጉዳይ ነው፡፡

በሌላ በኩል የክልሉ ውሃ ሀብት ቢሮና የውሃ ስራዎች ግንባታ ድርጅት ከክልሉ ዲዛይንና ቁጥጥር ኢንተርፐራይዝ  ጋር በመተባበር በርካታ የውሃ አከባቢዎችን በማጥናት የከርሰ ምድር ውሃ ቁፋሮ የውሃ ማጣሪያ ማሽኖች ከውጭ በማስገባት የዝናብ ውሃ ማቆሪያ ግድቦች በተለያዩ ወረዳዎችና ቀበልዎች በመገንባትና በወንዞች አከባቢ የሚኖሩ ማህበረሰብ የተፋሰስ ውሃና መስኖ ተጠቃሚ እንዲሆኑ ማድረጉ የማይረሳ ታሪካዊ አሻራ ሆኗል፡፡

በዚህ ረገድ የክልሉ መንግስትም ከ1200 ሜትር በላይ ጥልቀት የከርስ ምድር ውሃ ማውጣት የሚችሉ፡ ጥልቅ ውሃ ጉድጓዶች መቆፈሪያ ማሽኖችን ከውጭ በመግዛትና አገልግሎት ላይ በማዋል አመርቂ  ውጤቶችን ለማስመዝገብ ችሏል፡፡

በሌላ በኩል የኢትዮጲያ ሶማሊ ክልል መንግስት በዞንና በወረዳ ደረጃ 180 መካከለኛ የውሃ ማቆሪያ ግድቦች ግንባታ የተከናወነ ሲሆን  ግድቦቹ 873,019 851 ሜትር ኪዮቢክ ውሃ መያዝና የማጠራቀም አቅም ያላቸው ናቸው፡፡

በተመሳሳይም መሆኑም ከዛሬ 10 አመታት በፊት የነበረው የውሀ ቢርካዎች ቁጥር ከ320 ወደ 3900 ለማሳደግ ተችሏል፡፡ በዚህ መሰረት  በኢትዮጲያ ሶማሊ ክልል አከባቢ የተለያዩ የአገራችን የግልና የመንግሰት ሚዲያ ባላሙያዎች እንደ EBC ሶማለኛና አማረኛ ፖሮግራሞች ዋልታ ፡EBSTV፡ ኢትዮጲያ ፐሬስ አጄንሲ፡ ኢ.ዜ.አ፡ ዛሚ ኤፍ ኤም፡ESTVና  የመሳሰሉት ሚዲያዎች በክልሉ እየተከናወኑ ላሉ ዘርፈ ብዙ ልማትን በተለያዩ ወረዳዎች በተዘዋወሩና በተላይ ውሃን አስመልኪቶ በጎበኙበት ወቅት በፋፈን በቸረርና ቆረሄይ ዞኖች ላይ የተሰሩ የዘላቂ ልማት ሜጋ ፖሮጀክቶች እንደ በካ- ቢርቆት:የሻይኮሽ ጎማር ወቺዋችና እንድሁም የመረኣቶ የመስኖ ሀፈር ዳሞች ለክልሉ ህዝብ ውሃና ገብሪና ፈላጎት ዘላቂ መፍትሄ መሆናቸው አስመስክሯል፡፡እንደዚሁም የውሃ ቢርካዎችሁ የክልሉ ህብረተሰብ የውሃ ፍላጎት ለመሸፈን ከፍተኛ አስተዋፅኦ ያደረጉ መሆናቸውም አስረድቷል፡

በተመሳሳይም በፋፋን እና ጀረር ወንዞች በከረምት ወቅት የሚፈሰውን የጎርፍ ውሃ 18ሺ ሄክታር መሬት ላይ ለማልማት በመሮዓቶ፣ በካ ፣ቢርቆት፣ጎማርና ወቺዋች የተገነቡ ዘመናዊ የመስኖ ፕሮጅክቶች ግንባታ ሙሉ በሙሉ ተጠናቅቆ በአከባቢው  ህዝቢና መንግስት  እታረሱ ሲሆን እነዚህ ፕሮጅክቶች በቅርቡ በ100 ሺህዎች የሚቆጠሩ ነዋሪዎች ከውሃ አልፎ በምግብ ዋስትናና ሰብል ራሳቸውን እንዲችሉና ተጠቃሚ እንድሆኑ ያደርጋሉ፡፡በሌላ በኩል  ከላይ የተጠቀሱት ወረዳዎች ውስ፡በመጨረሻውን  ዓመታት የነበረባቸው የውሃ ችግር ከተቃለለላቸው አከባቢዎች መካከል አራርሶ፣ በለፋእሳ፣ደኖት፡ገላዲ ሐሮራይስ፣ መጋለአድ፣ ዱማሌ ፣ ዱዱሞአድ፣ ጎግቲ ላሰአኖድ ፡ ሌሄለው፡ ቦህ፡ጉናገዶ፡ቱሉጉሌድ፣ ጌድሉጋስ (ሚኤይስ)ሽላቦ አዋሬና አሌን ተጠቃሽ ናቸው፡፡በተመሳሳይም በካሃ ቀ/በየህ ሀርተሼክ ዱርዋሌ የውሃ ዝርጋታ ፖሮጀክትና ሙግወይን ፊቅ ሀመሮ ገሳንገስና የገሊል ኦበሌ ጌዲ ህግለሌይ ደ/ቡር የሰውና የእንስሳት ንፁህ የመጠጥ ውሃ ፖሮጀክቶች ሙሉ በሙሉ ተጠናቅቆ የአከባቢው ህዝብ ተጠቃሚ አደርጓል::

በመቀጠልም በፋፈን፡ቸረር፡ቆረሔይና በዶሎ ዞኖች ላይ   ከአሁን በፊት በርካታ የውጭና በአገር አቃፍ ድርጅቶች ተጠንቶ ውሃ የለም የተባሉት አከባቢዎች በክልሉ አቅም ተጠንቶ በተላይ  በለሄለው፡በዋርዴር፡በደኖት፡መርሲን ጉናገዶ ዲግ፡ሀርሽን፡ ጋሻሞ  ወረዳዎች ላይ ከቢርቆት ተነስቶ 170ኪ.ሜ በማቋረጥ በቀይ አፈር ላይ የተቆፈሩ የሰውና የእንስሳት ንፁህ የመጠጥ ውሃ ጉድጓዶች ለህዘቡ ምላሽ ከመሆናቸው ባሻገር እንደ “ፓትሮሊየም” መሆናቸው ተረጋግጧል፡፡  በአጠቃላይ እንዴ የክልሉ ውሃ ሀብት ቢሮ ሪፖርት   የክልሉ ንፁህ የመጠጥ ውሃ ለሁት ሲንካፈል፡  የከተሞች ንጹህ የመጠጥ ውሃ አቅርቦት ሽፋን ከአቶ አብድ መሀሙድ ኡመር መንግስት በፊት በአማካኝ 10 በመቶ የነበረ ሲሆን በአሁኑ ወቅት 70 በመቶ ደርሷል ፡፡የክልሉ ከተማ መስተዳደሮች እየአንዳንዱ 5ኪሜ የዉሃ ጣቢያዎች ተተኬሎ እየሰራህ ይገኛል፡፡

የገጠር ንጹህ የመጠጥ ውሃ  ሽፋን ከጥቅት አመታት በፊት 8 በመቶ የነበሬ ሲሆን በአሁኑ ወቅት ወደ 59 በመቶ ሽፋን እንዲያደግ ተደርጓል፡፡

የክልሉ መንግስት በአጠቃላይ በክልሉ ያለውን የውሃ ሀብት በማጥናትና ከሁሉም ዘርፍ የተለየ ትኩረት በመስጠት በገጠርና በከተሞች ንጹህ የመጠጥ ውሃ ስራ በጥቅሉ ከ10 አመት በፊት 278የነበሩ ጥልቅ የውሃ ጉድጓዶችን ወደ 670ለማሳደግ ችሏል፡፡ የእጅ ውሃ ጉድጓዶች ከከጥቅት (10) አመታት በፊት 320 የነበሩ ሲሆን በአሁኑ ወቅት 2, 934 መድረሱ የማይካድ ሀቅ ነው፡፡

 ዘጋቢ:- አብዱረዛቅ ካፊ

Kulan Waynihii 9aad Ee Waxabarashada Deegaanka Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 10ka September 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka furmay shirwaynihii 9aad ee waxbarashada deegaanka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin sare oo ay kamid yihiin Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad, Gudoomiye gobolada deegaanka, Maamul magaalooyinka, gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo madaxafiiseedyada waxbarashada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka.

Hadaba kulan waynahan 9aad ee waxbarashada deegaanka ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo sheegay inuu kulankan yahay mid la qabto sanad walba xiligan islamarkaana ay dhamaan dawlad deegaanada dalku qabsadaan sanad walba si loo hormariyo tayada waxbarashada iyadoo lagu salaynayo qorshaha kobaca dhaqaale ee la hiigsanayo, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in qorshaha hawleedka waxbarasho ee xiligana tahay mid xooga lasaarayo sidii dugsiyada loo keeni lahaa caruurta da’doodu gaadhay heerka waxbarasho. Iyo waliba sidii kor loogusii qaadi lahaa tayada waxbarasho ee deegaanka sanadan cusub ee 2010TI.

Dhanka kale waxaa isna ka hadlay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in kulan waynahan yahay mid ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin heer deegaan, heer gobol iyo heer degmoba leh islamarkaana lagaga wada hadlayo qorshihii waxqabadka sanadii 2008TI sida loo hirgaliyay iyo in laga wada hadlo caqabadaha waxbarasho ee ka horyimid 2009. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in sidoo kale laga wada hadlayo qorshaha waxbarashada sanadan 2010 TI si loo gaadho yoolasha la hiigsanayo.

Xafiiska Adeega Shacabka Iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Oo Agabka Aaladaha Casriga ah u Raray Qaarka Mid ah Degmooyinka..

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),axad, 10ka, September, 2017. Xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa maanta u daabulay agabka adeega  aaladaha casriga ee xafiisyada qaarka mid ah degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka.

Agabkan oo maanta laga Raray xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa waxaa goobtii laga Rarayay agabkan kula hadlay warbaahinta deegaanka wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore  oo sheegay in xafiisku dadaal xoogan ugu jiro sidii dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka loo gaadhsiin lahaa  agabka adeega aaladaha casriga ah kaasi oo sahlaya awooda fulineed ee geedi socodka shaqada iyo kaydinta xogaha. Wasiirka ayaa sheegay in agabkan maanta la rarayo oo la gaadhsiinayo maamulada magaalooyink ay ka mid yihin maamulka magaalada dhagaxbuur, qabridahar iyo degmooyinka jarati iyo doolo cadaw wasiirka ayaa sheegay in agabkan aaladaha casriga ah loogu talagalay in ururada dhalinyarada, haweenka iyo ururada xoolo dhaqatada ah ee shaqo abuurka loo samaynayo.

 

Dhankiisa gadhwadeenka geedi socodka isgaadhsiinta iyo xogaha casriga ah (ICT) ee xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Cabdiqaadir Caaqil Colaad (Qurux) ayaa ka warbixiyay noocyada qalabkan maanta la rarayo iyo faa’iidooyinka uu leeyahay isaga oo sheegay in uu agabkani ka kooban yahay dhamaan noocyada aaladaha casriga ah sida computerro, photo copyo, iskaanaro, kuraas iyo miisas kuwaasi oo loogu talagalay in ay ururada dhalinyarada, ururada haweenka iyo ururada xoolo dhaqatadu ku shaqaystaan.

MW CMC Oo Dib Ugusoo Laabtay Xarunta Deegaanka.,

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 10ka September, 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, kadib markay usoo dhamaadeen howlihii shaqo, Shirarkii iyo arrimihii muhiimka ahaa ee uu utagay xarunta dalka ee addisababa, Wuxuuna madaxwaynuhu wakhti xaadirkan ku sugan yahay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Xirfadlayaasha Caafimaadka Xoolaha Oo Talaalka Xoolaha Kafulisay Duleedka Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Isniin 11ka September 2017.Xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga  DDSI ayaa talaalka kahortaga  cudurka kaligii cunaha ee afka qalaad loogu yeedho PPR islamarkaana kudhaca xoolaha  ka fuliyay tuulada ceelbaxay ee duleedka magaalada jigjiga kadib markii lagu arkay qaarkamid ah xoolaha gaar ahaan adhiga oo uu kudhacay cudurkaasi.

Hadaba, Gadh-wadeenka G/S shaybaadhka caafimadka ee xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga Dr yaxye maydhane oo sheegay in xukuumadu dadaal balaadhan ugujirto waxsoosaarka xoolaha taasoo ah dhaqashadooda, ilaalinta caafimaadkooda iyo waliba suuq u helidooda. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in qabaleegan ceelbaxay lagu arkay cudurka kaligii cunaha ee afka qalaad lagu dhaho PPR. Kaasoo  xoolaha khatar ku ah islamarkaana ah cudur kuwada faafi hadaan laga gaadhin oo aan latalaalin. Wuxuuna tilmaamay in dhakhaatiirta iyo xirfadlyaasha caafimaadka xoolaha ee xafiisku ay kuhawlanyihin talaalka xoolaha islamarkaasna ay kafulinyaan dhamaan goobta lagu arkay iyo waliba tuuloooyinka u dhaw.   

Ugudanbayna bulshada xoolo dhaqatada ee kudhaqan qabalaha ceelbaxay ayaa sheegay in aad ugu mahadcelinayaan xirfadlayaashan caafimaadka xoolaha ee xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga, maadaama oo ay sifiican ugu talaaleen dhamaan xoolahoodii.

MW CMC Oo Sheegay In Sanadkii Tagay Lagu Sagootiyay Horumar Sanadka Cusubna Lagu Soo Dhawaynayo Horumar

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews),isniin, 11ka September, 2017.  Waxaa xalay  ka qabsoontay barxada wayn ee madasha shirarka qaryaan dhoodaan ee caasimada deegaanka xaflad   si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay sanadkii tagay ee 2009TI laguna soo dhawaynayay sanadka cusub ee 2010TI.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cuamar, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin, madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI shaqaalaha dawlada qurba joogt u dhalatay deegaanka ee ku sugan caasimada DDSI, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo marti sharaf kale.

Waxaana, ka hadlay xafladan  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii shacabwaynaha itoobiya khaasatan shacabka deegaanka ugu hambalyay sanadka cusub ee 2010IT ka dibna  jeediyay  khudbad dheer oo dhinacyo taban taabanaysa  taasi oo ku qotontay guulaha laga gaadhay hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee sanadkii tagay  madaxwaynaha ayaa sheegay in sanadkii   2009TI  uu ahaa sanad horumarineed islamarkaana deegaanka laga hirgaliyay mashaariico waawayn oo dhinaca horumarka ah kuwaasi oo gashi horumarineed u noqday bulshada deegaanka wakhtixaadirkana ay ka faa’iidaysanayso bulshada deegaanku  madaxwaynaha ayaa sheegay in sanadka cusub ee 2010TI  lagu soo dhawaynayo horumar iyada oo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimadii sanadkii tagay  xooga la saaridoono sidii loo sii xoojin lahaa taaba galinta istaraatajiyadaha lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay madaxwaynaha ayaa intaasi ku daray in sanadkan 2010TI xooga la saaridoona ka faa’iidaysiga dhaqashada xoolaha oo casriya iyo ka faa’iidaysiga wax soo saarka beeraha oo casriya kuwaasi oo ka mid ah istaraatajiyadaha lagu gaadhayo horumar waara oo joogtaysan laguna tir tirayo saboolnimada.

Dhankooda kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ayaa ku soo bandhiy xafladan heeso iyo madadaalooyin ay ugu talagaleen soo dhawaynta sanadka cusub, heesahaasi oo siwayn u soo jeeday ka soo qaybgalayaashii xafladan.


Shirwaynihii 9aad Ee Waxbarashada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Talaado, 12ka, September 2017. Waxaa si rasmi ah loo soogabagabeeyay Shirwaynihi 9aad ee waxabarshada Deegaanka oo mudo 3 cisho ah kasocday xarunta deegaanka islamarkaana  lagagawada hadlayay waxqabadkii waxbarashada ee sanadka 2009 iyo sidii loosixi lahaa turunturooyinkii dhanka waxabarashada ee fulinta qorshihii sanadkan dhamaaday iyo waliba abaabulka waxbarashada ee sanad dugsiyeedkan 2010 T.I  

Shirwayanahan oo ay kasooqaybgaleen masuuliyiin heer deegaan ah, masuukliyiinta gobolada degmooyinka iyo maamulmagaalyinka deegaanka iyo waliba dhamaan madax xafiiseedyada waxbarashada  

Hadaba, shirwaynahan ayaa waxaa xidhitaankiisii shirwayahan khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kasoojeediyay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in ay lagama maarmaantahay in kor looqaado tayada waxbarashada islamarkaana taasi ay kuxidhantahay insidiisii loo hirgaliyo qorshaha waxabarashada ee deegaanka u yaala sanadkan 2010. Waxuuna intaa kudaray in heerka waxbarasho ee deegaanku maanta taaganayahay ay atahay meel fiican islamarkaana loo baahanyahay in kor looga sii wado meesha lataagan yahay, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in la diwaangaliyo dhamaan caruurta da’doodu gaadhay waxbarashada,  iyo waliba in iyana sidookale ladiwaangalaiyo dhamaan caruurta baahida gaarka ah qabta. Wuxuuna wasiirku carabka ku adkeeyay in ayana qodobada ugumuhiimsan ay tahay kor uqaadista xadiga waxbarashada ee barbaarinta islamarkaana dhamaan dugsiyada hoose ee aan lahayn Fasalka eber(0)  ama 0 Callas ay kafuraan dugsiyadooda maamulada gobalada iyo degmooyinkuna  kudabagalaan hirgalintiisa.

Dhankakale, gabagabadii shirwaynahan ayaa waxaa shahaado sharaf lagudoonsiiyay degmooyinkii guulaha kakeenay dhanka kor uqaadista waxbarashada.

Ugudanbayna, qaarkamid ah masuuliyiintii kasoooqaybgashay shirwaynahan ee lagudoonsiiyay shahaadooyinkan oo dareenkooda kahadolay ayaa sheegay in ay aad ugu farxsanyihiin shirwaynahan waxbarashada iyo waliba shahaadooyinkan lagudoonsiiyay oo tilmaamaysa dadaalkii ay kagaysteen dhanka kor uqaadista waxabarashada degmadooda. Waxayna xuseen inay balan qaadanayaan in ay sii wadayaan dadaalkooda ku aadan tayaynta iyo taabo-galinta waxabarashada deegaanka.

Darawalada iyo Mulkiilayaasha Gaadiidka Yaryar Ee MM Dh/buur iyo MM Q/Dahar Oo Soo Dhaweeyay Bixinta Taarikada Cusub Ee lasoo Gaadhsiiyay

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Arbaco, 13ka September 2017. Darawalada iyo mulkiilayaasha gaadiidka yaryar ee kakalashaqeeya xaafadaha magaalooyinka dhagaxbuur iyo qabridahar ayaa soo dhaweeyay bixinta taarikada cusub ee uu soogaadhsiiyay Xafiiska Gaadiidka, Ganacsiga iyo Warshadaha DDSI.

Hadaba, Kusimaha Xafiiska Gaadiidka iyo Ganacsiga ahna Madaxa Xafiiska Maayorka MM Dhagaxbuur mudane Xuseen Cabdi Nuur oo kahadlay taarikadan la soogaadhsiiyay gaadiidka yaryar ee magalada ayaa sheegay in bajaajta magaalada dhagaxbuur ay adeeg aad ufiican uhayso bulshada islamarkaana ay ka kalashaqayso xaafadaha magaalada dhagaxbuur. Wuxuuna intaa kudaray in ay horumar wayn tahay in xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ay soogaadhsiyaan taarikada cusub ee gaadiidka yarar kaasoo ah adeeg muhiim ah oo ay u baahnaayeen mulkiilayaasha iyo darawalada gaadiidka yaryar.

Sidookale, mudane Cabdifataax Xirsi Carte oo ah khabiir katirsan xafiiska gaadiidka ganacsiga iyo warshadaha DDSI islamarkaana kamid ah kooxdan adeegan taarikada gaadhsiiyay maamul magaalyinka qabridahar iyo dhagaxbuur ayaa sheegay in xafiisku uu hada kahor qorshe u qaatay in dhamaan gobolada, maamul-magaalyinka iyo degmooyinka deegaankaba uu gaadhsiiyo adeegyada ay ubaahan yihiin gaadiidlaydu. Wuxuuna intaa kudaray in shaqaalaha xafiisku uu wareego islamarkaana uugaadhsiiyo adeegyada gaadiidka ee sida boolooyinka, taarikada iyo adeegyada kale ee muhiimk ah.

Dhanka kale, mudane Cabdinaasir Muxumed oo ah khabiir katirsan xafiiska gaadiidka, ganacsiga iyo warshadaha MM Qabridahar oo isna dhankisa kahadlay ayaa sheegay in maanta ay qaybiyeen ama ay sameeyeen taarikaynta gaadiidka yarayar ee  Magaalada qabridahar kaasoo ah adeeg aad ay ugu baahnaayeen gaadiidlayda yaryar ee mm q/dahar. wuxuuna mahadcelin u soojeediyay kooxdan soogaadhsiisay adeegan taarikada e kasocotay xafiiska gaadiidka, ganacsiga iyo warshadaha DDSI.

Ugudanbayna, mulkiilayaasha iyo wadayaasha gaadiidka yaryar ee looyaqaano bajaajta iyo Forsida ayaa bogaadiyay adeegan taarikada ee uu soogaadhsiiyay xafiiska gaadiidka, ganacsiga iyo warshadaha DDSI. Waxayna xuseen in ay u mahadcelinayaan shaqaalaha xafiiska iyo masuuliyiintiisaba.

OGAYSIIS :

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 14ka September 2017. Waxaa dhamaan shacabwaynaha la ogaysiinayaa in bulshada aadaysa ama ka imanaysa Addisababa ay maraan wadada Jigjiga,Tuli guuleed, Samakaab, shiniile ama Jigjiga, Tuli guuleed, samakaab, dhambal, Shiniile. Waxaana gaar ahaan ardayda, xujayda iyo ganacsatada la ogaysiinayaa inay isticmaalaan diyaarad inta ay xaaladu ka dagayso cida aysan diyaarad usuuroobaynina inay maraan wadadan.

Xukuumada Oo Tacsi Tiiraanyo Leh Udiraysa Shacabwaynaha Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 14ka September 2017. Waxay hogaaminta sare XDSHSI iyo Xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka golaha xildhibaanada mudane maxamedrashiid Isaaq, Madaxwayne kuxigeenada DDSI Kaabaneega deegaanka, Golaha wasiirada iyo dhamaan heerarka kala duwan ee hogaaminta deegaanka ay tacsi tiiraanyo leh udirayaan dhamaanba shacabwaynaha deegaanka gaar ahaan qoysaskii,eheladii iyo qaraabadii ay sida gardarada ah dadkooda u xasuuqday oromadu iyagoo ilaahay ugu baryay inuu janatul fardawsa kawaraabiyo.

Hadaba xukuumada DDSI ayaa 2da meskerem u aqoonsatay maalinta xasuuqa awaday . Waxaana maalinta bari ah laga bilaabo hoos loo dhigi doonaa calanka deegaanka, Iyadoo dhanka kale xukuumadu sheegatay in la caawin doono ehelada dadkii la xasuuqay  

 

 

 

Jaadka Awadayga Ah Oo La Sheegay In La Suneeyay Oo Ay Dad Ku Dhinteen Qaarna Hospitaalada Uyaalaan

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 14ka September 2017. Jaadka awadayga ah aya la sheegay in la suneeyay maadaama oo ay soomaalida kali ah cunaan Sababta aysan jaadadka kale usunaynina ay tahay maadaama oo aysan soomaalidu ku badnayn isticmaalkiisa waxaase kasii daran in dhiig dad shacab soomaali ah lagu daadiyay jaadka awadayga ah iyadoo la sheegayo in jaadadka kale  laftooda la suneeyo marka soomaalida loo soo dirayo. Waxaana ugu yaraan hosbitaalada uyaala ilaa 8 ruux halka dad kalena lagusoo waramayo inay udhinteen.

Hadaba sunaytan jaadka awadayga ah lagu sameeyay ayaa ah mid wax yeelaynaysa beerka iyo habdhiska taranka ee aadamaha. Sidaa darteed waxaa dadka soomaalida ah ee isticmaala jaadka loogu baaqayaa inay muujiyaan inay ka maarmi karaan jaadkaba guud ahaan oo aysan la aantii udhimanaynin waxaana looga digayaa dadka soomaalida ah isticmaalka jaadka gaar ahaan jaadka awadayga ah cunistiisa inay ka tanaasulaan 100% maadaama oo la suneeyay.

Dhanka kale waxaa lagu boorinayaa dadka ka ganacsada jaadka inay iska ilaaliyaan ka ganacsiga jaadka la suneeyay oo ka ganacsigiisu ay ka dhigan tahay in ganacsadahaas uu oogu talagalay inuu soomaalida laayo.   

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>