Dhagaxbuur,(cakaaranews), talaado, 1da, August, 2017. Wafti qurba joog u dhalatay deegaanka gaar ahaan gobolka jarar oo ka kala yimiday qaaradaha aduunka sida Africa, Australia, America yurub, Canada iyo Asia oo uu hogaaminayo hogaan ku xigeenka Nabadgalyada, Maamulka iyo Cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak ayaa ka anbaxaya caasimada deegaanka ee jigjiga iyaga oo u kicitimay dhianca gobolad jarar iyo qoraxay.
Waftigan ayaa ka hor intii aanay gaadhin caasimada gobolka jarar ee dhagaxbuur waxay sii booqdeen siina indho dhindheeyeen mashaariico horumarineed oo ay ka mid yihiin mashruuca wayn ee biyo galinta tuulooyinka Galiile,Cobale iyo Higlalay kaasi oo ah mid 5tii KM laga sameeyay goob biyaha lagu kaydiyo oo ay ka cabaan dadka iyo duunyadu waana mashruuca ka mid ah mashaariicaha ay xukuumada DDSI kaga jawaabtay baahidii biyo la aanta ee wakhtiyadii hore soo ragaadiyay shacabka deegaanka.
Waftigan qurba joogta ah oo tuulo, magaalo iyo mashruuc kasta oo ay gaadhaanba siwayn loogu soo dhawaynayay ayaa waxay gaadheen xarunta gobolka jarar ee dhagaxbuur halkaasi oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay waftigan ka dibna booqday mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay caasimada gobolka jarar mashaariicahaasi oo ay ka mid yihiin mashruuca laydhgalinta magaalada dhagaxbuur oo hadda meel gabagabo ah maraya, mashruuca dhismayasha kuliyada farsamada gacanta dhagaxbuur, dhismayaasha dugsiga sare oo ah mid casriya oo hadda laga hirgaliyay magaalada dhagaxbuur sidoo kale waftigan ayaa booqday mashaariicaha kala duwan ee ay leeyihiin iskaashatooyinka ka hawlgala maamulka magaalada dhagaxbuur sida iskaashada soo saarta saabuunta iyo tan naaxtinta xoolaha.
Sidoo kale waftigan qurba joogta ah ayaa maanta booqday soona kor-meeray mashaariicaha waawayn ee waraabka beeraha ee lagu xaqiijinayo gaadhida horumar waara, joogtaysan oo aan soo noqod lahayn islamarkaana lagu tir tirayo sabaalnimada, sustainable development goals (SDG) ee ay ka mid yihiin mashaariicaha waraabka beeraha ee Baka, Birqod, Goomaar iyo Wijiwaaji mashaariicahan oo dhawaan uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa ah mashaariico loogu talagalay in ay baraabiyaan dhulbeereed dhan 12,000 oo higter islamarkaana looga faa’iidaysan doono bulsho aad u tiro badan
Qaarka waftigan qurba joogta ah oo goobaha mashaariicaha laga hirgaliyay kula hadlay warbaahinta deegaanka ayaa siwayn ula dhacay hirgalinta mashaariicahan islamarkaana sheegayna in aad iyo aad ugu faraxsan yihiin mashaariicaha noocan ah muga wayn ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay deegaanka oo lafdhabar u ah ayay yidhaahdeen tiirarka guusha ee bulshada deegaanka lagaga saarayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay, kuwaasi oo xukuumada DDSI uga mahad celiyay dadaalka aan kala go’alahayn ee ay ugu jirto sidii ay shacabka deegaanka u gaadhsiin lahayd horumar waara. Waxayna hoosta ka xariiqeen in ay dhankooda ka qayb-qaadanayaan hirgalinta iyo ka faa’iidaysiga mashaariican waawayn.
Waftigan qurba joogta ah ee uu hogaaminayo hogaanka ku xigenka nabadgalyada, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane ibraahin maxamuud mubaarak ayaa sii wadidoona booqashada mashaariicaha waawayn ee laga hirgaliyay degmooyinka gobolada jarar iyo qoraxay iyaga oo dhinaca kalena u kuurgalaya koboca dhaqan dhaqaale iyo isbadalka hab-nololeedka bulshada ku dhaqan degmooyinkaasi