Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Odayaal Dhaqameedka Deegaanka Oo Yeeshay Kulan Ay Kaga Hadlayeen Fikirada Cidhiidhyoon Ee Soomaaliwayn Iyo Arrinta Danbiile Qalbi Dhagax

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 4ta September 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka qabsoomay kulan balaadhan oo ay yeesheen odayaal dhaqameedka deegaanka oo ku saabsanaa fikirada cidhiidhyoon ee soomaali wayn iyo ahaanyashiyaha wadan ee danbiile cabdikariin sheekh muuse qalbi dhagax oo kamid ahaa kooxdii uu gabalkeedu dhacay ee UBBO  ee dhibaatooyinka kaladuwan ee dilka, kufsiga,dhaca, xasuuqa bahdilka  iyo boobka ku hayay shacabka DDSI ayaa waxay odayaal dhaqameedyada deegaanka ka hadleen in fikirada cidhiidhyoon ee maangaabnimada ah ee soomaali wayn kusalaysan iyo marin habaabinta ahaanshiyaha wadan ee danbiile cabdikariin sheekh muuse qalbi dhagax ay tahay fikirada guracan ee calooshood  ushaqaystayaasha diidan wada noolaanshaha wadamada bariga Africa.

Waxaana furitaankii kulankan ka hadlay odayaashii shirgidoonka oo sheegay inuu kulankan ku saabsan yahay hadalada dhag xumada ah ee kasoo yeedhaya bulshada soomaaliyeed ee walaaladeen ah islamarkaana ay wax kaga sheegayaan dawlada itoobiya oo ah dawladaanada, waxayna odayaal dhaqameedku ka hadleen in dulucda ujeedada kulanka uu yahay fikirada cidhiidhyoon ee Dadka aan xuduuda leenahay ee soomaaliya ee ka hadlaya arimaha itoobiya anaguna aanahay dad itoobiyaan ah Qalbi dhagaxna uu yahay nin deegaanka udhashay oo ahaa komishineerkii booliska degamada wardheer ee  ugu horeeyay  oo uu caasiyay ciidiisa islamarkaana waxyeelo ba’an ugaystay shacabka deegaanka gaar ahaan shacabka dollo. Sidoo kale waxay odayaashu xuseen inay dadka soomaaliyeed ee ka hadlaya arrimaha qalbi dhagax ay iska celiyaan ururka argagixisada ah ee al shabaab ee xasuuqa daran ku haya shacabkiina soomaaliya iyo waliba 30ka dawladood ee ajinabiga ah ee nabadiina ilaalinaya markaas kadib ayay idiin banaantahay inaad ka hadashaan arrimo dheeraad ah balse hada hadal idiin banaanayn.

Odayaasha oo hadalkoodii sii wata ayaa tilmaamay inay yihiin deegaanka soomaalida itoobiya haystaana horumar baaxad leh oo aysan haysanin shacabka soomaalida Kenya. Iyagoo intaa kudaray in ninka baarlamaanka soomaaliya ka tirsan ee la dhaho sakariya ee marwalba ka hadla afaaraha deegaankaanaga uu yahay nin al shabaab ah oo erateria joogijiray isalmarkaana ay u roontahay inuu ka hadlo danta shacabka soomaaliyeed balse uu faraha kalabaxo arrimaha deegaankanaga.

Ugu danbayna waxaa kulnka ka hadlay suldaan cabdiraxmaan suldaan duulane rafle oo ah suldaanka danbiile cabdikariin qalbi dhagax oo sheegay inuu qalbi dhagax xasuuq badan ka gaystay deegaanka gaar ahaan gobolka dollo oo uu isagu kasoo jeedo. Waxayna odayaashu hadalkooda kusoo koobeen in arinka qalbi dhagax ay utaalo dawlada itoobiya haday cafin iyo hadii kalaba balse hadalka ay dadka  soomaaliyeed isla dhex wareegayaan uusan waxba soo kordhin Karin.


MW CMC Oo Xafiiskiisa Waraysi Kusiiyay Warbaahinta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 4ta September 2017. Waraysi ay warbaahinta deegaanku la yeeelatay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo aan wax kawaydiinay arrinta ubbeyga way nee cabdikariin sheekh muuse qalbi dhagax oo deegaanka looga yaqaano qalbi dhiriq iyo dadka wada arragtiyada cidhiidhyan ee saxaafadaha ee majara habaabinaya danbaiyada uu qalbi dhagax ka galay dalka iyo deegaankuba ayaa waxa uu sheegay inuu yahay qalbi dhagax nin danbi kagalay dalka iyo deegaankuba islamarkaana arrintiisu ay utaalo tastuurka dalka.

Madaxwaynaha ayaana hadalkiisa ka bilaabay in la iswaydiiyo cida uu yahay cabdikariin isagoo sheegay inuu cabdikariin yahay nin udhasay DDSI islamarkaana ahaa booliskii ugu horeeyay ee deegaanka isagoo falal dil, dhac iyo kufsi leh sameeyay sidaasna ku galay duurka, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray inuu qalbi dhagax xasuuq ba’an ka gaystay gobolada dollo, qoraxey, jarar iyo shabeele islamarkaana ay arrintuusu u taalo tastuurka iyo mas’uuliyiinta dalka.

Dhanka kale madaxwaynaha ayaa ka hadlay dadka siyaabaha khaldan ooga hadlaya arrinka qalbi danbas isagoo sheegay inay wataan dano qarsoon oo usocda meelo kale rabaana inay soo celiyaan dhiig miiratadii UBBO iyo al shabaab, Isagoo madaxwaynuhu xusay in dadka ka hadlaya arrinta qalbi danbas meelkasta oo ay joogaan ay yihiin dad dano gaar ah leh islamarkaana doonaya inay dawlada soomaaliya mooshin ooga dhigaan arrinka qalbi danbas islamarkaana ay dadkani u ooyayaan al shabaab kana xun yihiin talaabada ay dawlada soomaaliya, ciidanka itoobiya iyo ciidamada AMISON kaga guulaysanayaan ururka al shabaab oo mudadii udanbaysay isasoo dhiibayaan mas’uuliyintii ugu saraysay.

Madaxwaynaha ayaana intaa ku daray in dadka dhahaya cabdikariin 1977EC ayuu dhaawacmay ay ooga haboontahay inay ka hadlaan kuwa maalin walba udhaawacmaya difaacida soomaaliya oo ay kamid yihiin ciidamka soomaaliya iyo ciidamada AMISON iyo waliba inay ka mudaaharaadaan waxyeelada ay ururka al shabaab ku hayaan shacabka soomaaliyeed, Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu carabka ku adkeeyay sababta ay shacabku uga mudaaharaadi waayeen dawladii adkayd ee soomaaliya ee samaysay qoraalka afka soomaaliga iyagoo leh waan soo ceshanaynaa ama may ka hadlaan sida ay isaga fasixi lahaayeen 30ka dawladood ee dul fadhiya ee AMISON una samaysan lahaayeen ciidankood ah xurmeeyaana madaxdooda iyo mas’uuliyiinta dawlada balse ma ahayn inuu arrin aan isaga khusaynin ku mashquulo.

Madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa tilmaamay sababta ay shacabku uga muadaaharaadi la yihiin tusaale ahaan ardaydii qalinjabinaysay ee ay al shabaab qarxisay, dadka musaafurka ah ee ay layaan, kuwa ay maqaaxiayaha ku qarxinayaan iyo kuwa ay misaajidada ku dilayaan maalin walba.

Madaxwaynaha ayaa ku tilmaamay dadka deegaanka soomaalida itoobiya ku tilmaamaya soomaali galbeed inay yihiin dad jooga soomaaliya gaar ahaan muqdisho balse marka Addisbaba la jooga waxaa loo yaqaanaa bariga itoobiya. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa sheegay in daris wanaaga ka dhaxeeya soomaaliya iyo itoobiya iyo waliba heshiisyo hore oo ay galeen madaxdii hore ee dawlada soomaaliya oo ay kamid ahaayeen wasiir mahad maxamed salad,wasiir mursal jaamac geele, madaxwaynihii hore ismaamul goboleedka galmudug mudane cabdikariin xuseen guuleed isalamarkaana ay labada dawladood leeyihiin xad aad udheer kalana mudan yihiin wanaag balse cay aysan marnaba meesha ku jirin labada dawladoodna leeyihiin xidhiidh iskaashi oo labada dhinac ah.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu xusay in ay shalay ahayd goortay madaxwaynaha dalka soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo raisa-wasaaraha dalka soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ay raisal-wasaaraha dalka itoobiya ka codsanayeen in lagusoo wareejiyo maxaabiis dhan 114 qof islamarkaana isugu jiray kuwo danbi kagalay dwalada soomaaliya iyo kuwo danbi kagalay dawlada itoobiya taas oo ay shacabka soomaaliya ku taageereen madaxwaynaha iyo raisal-wasaarahaba.

Ugu danbayna madaxwaynaha ayaa su aal waydiiyay xildhibaanada soomaaliya sababta ay al shabaab mooshin lagula dagaalamo loosoo saari la yahay iyo in aad ka hadashaaan dhibaatada, dawlad la aanta iyo horumar la aanta ay al shabaab ku hayso shacabka soomaaliyeed. Madaxwaynaha ayaana hadalkisii kusoo xidhay in dadka ka shaqaynaya arrimahaas ay yihiin dad dano gaar ah wata, isagoo taabtay in waxa umusha dan u ah uu ilmaha dan uyahay, sidoo kalana waxa soomaaliya dan u ah ay itoobiya dan utahay labada shacabna yihiin dad walaalo ah aflagaadaduna tahay mid aan banaanayn ninka maanta ka xun hal shaqsina haka xumaado dhibaatada maanta soomaaliya haysata.  

Wafti Ukala Baxaya Wadamada Maraykanka, Europe Iyo Carabaha

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 5ta September 2017. Waxaa 7aadka udanbeeya ee bishan September iyo 7aadka ugu horeeya ee bisha Actober ee sanadan 2017 booqasho shaqo ugu kala baxaya wadamada maraykanka Europe iyo carabaha wufuud heer deehaan ah oo ka kooban hogaaminta sare ee deegaanka.

Hadaba wufuudan ayaa wadamada kor kuxusan ugu kala baxaya sidan hoos ku cad.

A.      Wadamada carabta iyo qaar kamid ah Europe

A. 1.       Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo

B.      Wadanka maraykanka

B. 1.       Wasiirka xafiiska ganacsiga,gaadiidka iyo warshadaha ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane Khadar Cabdi Ismaaciil

2.       Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase

3.       Wasiirka xafiiska xoolaha iyo hormarinta reer guuraaga DDSI marwo maajida Maxamed Maxamuud

C.      Wadamada Europe

C. 1.       MW kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar

2.       Wasiir kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale  

Ogaysiis: Qurbo-joogta DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 6da September 2017. Ogaysiis Madaama oo ay qurba-joogta DDSI  codsatay in dib loogu dhigo xafladii ku beegnayd 2da iyo 3da bisha maskerem ee 2010EC loogu  qabnayay xarunta deegaanka  codsigoodii waa laga aqbalay waxaana  laga dhigay 10ka bisha maskerem oo ku beegan 20/09/2017 EC.

Xafladan oo ka dhaci doonta hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ayaa noqon doonta xaflad aad  balaadhan oo loo qabanayo qurba-joogta DDSI si heer sare ahna loosoo diyaariyay, iyadoo qurba-joogta kale ee ku kala sugan daafaha caalamka ay ku qabsandoonaan goobahooda islamrakaan ay xafladahoodaas hogaaminta sare ee deegaanka oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar video conference kaga qaybqaadan doonaan

Degmada Elele iyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Shabeele Oo Khibrad Wadaag U tagay

$
0
0

Elele(cakaaranews)Arbaco 6da August 2017. Ethiopia waxay kaalinta ugu horaysa kaga jirtaa qaarada Africa dhinaca koritaanka dhaqaalaha, waana dal ku hawlan sidii uu meesha uga saari lahaa shaqo la’aanta dhalin yarada. Taana waxaa gundhig u ah istaraatiijiyada qorshaha kobaca iyo isbedelka dhaqaalaha ee xukuumadu qaadatay ee wakhtixaadirkan lagujiro  wajigiisii 2aad ee qorshahaasi walaw ay sanadkan 2010ka xukuumada DDSI ay xooga saartay dhinaca naaxinta xoolaha nool maadaama deegaanku qani ku yahay dhaqashada xoolaha.

Hadaba, Degmada Elele ee katirsan Gobolka Shabeelle ayaa samaysay xero kudayasho mudan taasoo lagu quudiyo ama lagu naaxiyo 3da meesi ee xoolaha ee Adhiga, Geela iyo Lo’da. Waxaana xeradaas booqdasho khibrad wadaag ah ku tagay Gudoomiyeyaasha 10ka Degmo ee Gobolka Shabeelle kakoobanyahay. Booqasho iyo indha indhayn kadibna Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Shabeelle  Ayaa warbaahinta la wadaagay khibrada xeradan uga korodhay oo sheegay in Degmadan elele tusaale  u noqotay gobolka iyo deegaankaba dhinaca fulinta qorshahan naaxinta xoolaha.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gobolka Shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo lahadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in  maamulka degmada elele ay samaysay isxilqaan wanaagsan oo kudayasho mudan islamarkaana ay tusaale u noqotay Degmooyinka Gobolka kadib marii ay samaysay xero wayn oo naaxinta xoolaha ah siwanaagsana ay usocoto shaqadii naaxinta iyo quudinta xoolaha. Wuxuuna intaa kudary gudoomiyuhu in dhamaan Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Shabeele ay khibrad ka qaataan arrintan naaxinta xoolaha ee degmada elele.

Dhankakale, Gudoomiyaha Degmada Elele mudane Axmed Cabdi Yuusuf  ayaa sheegay in qorshahani yahay mid fudud markii loo dhaqaaqo islamarkaana aysan uusan ahayn fulinta qorshahani mid ubaahan kharashbadan. Wuxuuna xusay in qorshahan lagu sameeyay naaxinta xoolaha uu ubaahanayahay ka gonaansho. Wuxuuna kubooriyay gudoomiyayaasha in khibradan ay kaga daydaan.

Ugudanbayna, dhankooda gudoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Shabeele oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in maamulka degmada elele ay dadaal badan sameeyeen islamarkaana ay arrintani tahay mid kudayasho mudan oo ay si wanaagsan khibrad uga qaadanayaan.

 

 

 

 

 

 

 

Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Deeq Raashin Iyo Daawooyin Isugu Jira Gaadhsiiyay Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Gobolka Daawa .

$
0
0

Mubaarak(Cakaaranews) Sabti 22ka July 2017. Ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa sanadahii ugu danbeeyay ka shaqaynayay horumarka deegaanka kadib markay meel saaraan cadowgii shacabka ee nabadiidka ahaa ee UBBO islamarkaana bilaabay inay ka shaqeeyaan horumarka qaybihiisa kala duwan sida jidadka, Daawaynta xoolaha iyo qodida beeraha.

Hadaba ciidanka gaarka ah ee deegaanka oo ku guda jira socdaalkoodii ay ku qaybinayeen raashinka iyo dawooyinka ayaa deeq raashin ah oo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta xoolaha gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan degmada mubaarak eegobolka daawa. Islamarkaana xoolo tiro badan ku daawaynayay sabooyinka ceelasha..

Mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah ee liyuu boliceka ee waday deeqdan raashinka ah ayaa sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ay deeqdan raashinka ah ka qaybinayeen degmooyinka gobolka daawa sida hudhat iyo mooyaale iyo waliba kuwa liibaan islamarkaana ay deeqadn ka koobantahay raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta duunyada. Waxayna mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah deegaanka ee qaybinayay raashinkan intaa ku dareen in ay raashinka ku bixinayaan sida bulashadu u kala taagdarantaahay iyagoo mudnaanta siinaya dadka da,da ah. Sidoo kale waxay mas;uuliyiintu intaa ,u dareen inay deeqdan raashinka ah wada gaadhsiin doonaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka haawa.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka dhaawa ee la gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin deeqdan raashinka ah ee uu ciidinka liyuu boliceku soo gaadhsiiyeen,islamarkaana ay bogaadiyeen deeqdan raashinka iyo daawada isugu jira ee ciidanku deegaanku mushaarkooda kasoo jareen.

Sikastaba ha ahaatee deeqda ay ciidanka gaarka ah ee deegaanku gaadhsiiyeen bulashada deegaanka ayaan ahayn midi ugu horaysay balse marar badan kasoo qaybiyeen gobolada deegaanka uu kakoobanyahay islamarkaana ay sii gaadhsiin doonaan goobaha kale ee udhiman

 

Gudoomiyaha Dhalinyarada Jaaliyada DDSI Ee Waqooyiga America Oo Jigjiga Lagu Soo Dhaweeyay

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Axad ,23ka July, 2017. Waxaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal airport ee magaalada jigjiga gudoomiyaha ururka dhalinyarada jaaliyada waqooyiga America (ESYO) mudane Ahmed Maxamed Abiib.

Waxaana, waxaana si qurux badan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin wasiirka xoolaha iyo horumarinta Reerguuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud, wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI Mudane Baashe Cabdi Ismaaciil, maareeyaha wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdiraxmaan maxamed xasan, wasiirka ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan, wasiir ku xigeenka gaadiidka ganacsiga iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shurgi, wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane maxamuud ahmed nuur maareeyaha wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntada DDSI marwo Faysa Xasan  iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Soo dhawayn ka dib gudoomiayha ururka dhalinyarada waqooyiga america (ESYO) mudane axamed maxamed abiib ayaa qolka nasashada ee madaarka kula hadlay warbaahinta deegaanka  isaga oo  siwayn ugu mahad celiyay soo dhawaynta meeqaamka sare ah ee ay xukuumada DDSI  wuxuuna ku amaanay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka guulaha laga soo hooyay dhinacyad horumarka nabadgalyada hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta xidhiidhka saraxka tiran ee ay xukuumada DDSI la leedahay qurba joogta DDSI. 

Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Dakhliga DDSI Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah U Sameeyay Qaarka Mid ah Qurba joogta DDSI.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 23ka, July , 2017 xaflad  hadhimo sharafeed ah oo uu soo agaasimay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka maalgashiga DDSI mudane Cabdinaasir Maxamed, masuuliyiin kale iyo qurba joogta loo qabtay hadhimo sharafeedkan oo ka kala timiday wadamada demark iyo jarmalka oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalka mudane cabdirashiid shuqul,  gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka dermark mudane cabdirisaaq cabdi cumar iyo nafaan cadbiraxmaan koronto ayaa ka dhacday huteelka city crow ee caasimada deegaanka,

Haddaba xafladan ayaa waxaa ka hadlay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane cabdifataax maxmaed cabdi oo sheegay in ay tahay imaatinka qurba joogta iyo  la kulankood  mid farxadeed  oo  muhiimna u  horumarka iskaashiga  ee xukuumada DDSI iyo qurba joogta deegaanka ka wadaan deegaanka isaga oo ku amaanay qurba joogta deegaanka sida ay wakhtigan kaalin  muga leh uga qaadanayaan isbadalka horumarineed ee ka taabagalay deegaanka iyo ka qaybgalka  hirgalinta mashaariicaha  horumarineed ee heer qaran ee uu ka mid yahay mashruuca dib u curashada dalkeena ee biyo xidheenka ABAY wuxuuna ku booriyay qurba joogtan in ay sii xoojiyaan dadaalkood gaar ahaan dhinaca maalgashiga ay ka wadaan deegaanka

Dhankooda xubahan qurba joogta oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imaatinka dhulkooda hooyo ay  tahay sharaf iyo karaamo  wadaniyadeed oo ay uga mahad naqayaan xukuumada hirgalisay in si nabadgalyo iyo horumar leh loogu naaloodo guud ahaan deegaanka soomalida itoobiya waxayna ugu siwayn ugaga mahad naqeen soo dhawaynta masuuliyiinta DDSI iyo shacabkuba la garab tagan yihiin qurba joogta DDSI.

Isku soo wada doob  oo isbadalka horumarineed ee dalkeena itoobiya  ku talaabsaday tobonaankii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa qaybwayn ka ciyaarayay qurba joogta ka soo jeeda dalkeena itoobiya kuwaasi oo garab iyo gaashaan adag u ahaa muuqaalka itoobiyada cusub ee  ku dhisan isjacay iyo wax wada qabsi wadaniyadeed waxaana xusid mudan in kaalinta ka qaybgalka horumarka qurba joogta dalkeena itoobiya si wayn uga dhex muuqdeen qurba joogta deegaanka soomali itoobiya kuwaasi oo muujiyay sida maanta ay u yihiin kuwa halbaw leh u ah itoobiyada cusub.  


Masuuliyiinta MM jigjiga Oo Kulan La Yeeshay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan MM jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Isiin, 24ka, July, 2017. Masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga ayaa kulan balaadhan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga.

Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee  magaalad jigjiga ay  uga wada tashan lahaayeen hirgalinta mashruuca horumarinta magaalooyinka urban local government   development project (ULGDP) ee sanad miisaaniyeedka cusub ee 2010TI  mashruucan ayaa ah mid  diirada saara  hirgalinta horumarinta magaalooyinka kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka,  bilicda magaalada gaar ahaan dhinacyad jidadka iyo adeeg bixinta.

Waxaana hogaaminayay kulankaasi masuuliyiin ay ka mid yihiin ku simaha maayirka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane fadxi shugri, madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha mm jigjiga mudane khaalid cabdiraxmaan iyo madaxa beeraha maamulka magaalada jigjiga marwo ayaan shakuul,

furitaankii kulankaasi ka hadlay ku simaha maareeyaha maayirka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri oo ka warbixiyay dadaalka muga leh ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo sii xoojinlahaa islamarkaan kor loogu qaadilahaa kaabayaasha dhaqaalaha mm jigjiga, bilica magaalada, nadaafada iyo adeeg bixinta maamulka magaalada jigjiga taasi ay xukuumada DDSI dajisay  qorshayaal cilmiyaysan oo suurta galinaya  in magaalada jigjiga noqoto mid dhinac kalsta ka horumarsan ku simaha mayorka mm jigjiga ayaa sharax dheerka bixiyay waxqabadka mashruuca hirgalinta horumarka magaalada  ee afka qalaad loo soo gaabiyo (ULGDP) isaga oo sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii qaybaha kala duwan ee shacabku uga qaybqaatan lahaayeen hirgalinta qorshaha lagu fulinayo mashruuca ULGDP ee sanad miisaaniyeedka 2010TI talo iyo fikirana uga gaysanlahaayeen qorshaha mashruucan.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha maamulka magaalada jigjiga ayaa soo dhaweeyay qorshahan loo soo bandhigay ee lagu fulinayo qorshaha cusub ee mashruuca ULGDP waxayna soo bandhigeen qayabaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jigjiga talooyin iyo fikiro dhaxalgal ah fulinta iyo meelmarinta  qorshaha ULGDP. 

Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Kooxda Caafimaadka Wareega Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isiin, 24ka, July, 2017. Kulan lagu qiimaynayay waxqabadka kooxda caafimaadka wareega oo ah kulankii 24aad ee qiimaynta waxqabadka kooxda caafimaadka wareega  ayaa ka furmay hoolka shirarka ee huteelka Nogob ee caasimada deegaanka.

Kulkankan qiimaynta ah oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI masuuliyiin ka socday hay’adaha ay baw-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI iyo xubnaha ka socday dhamaan degmooyinka ay ka hawlgalaan kooxdan caafimaadka wareega ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay sidii loo fuliyay qorshihii ku salaysnaa dhinaca adeeg bixinta caafimaadka.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna gadhwadeenka geedi socodka qorshaynta xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle Xasan oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee  loogu jiro sidii loo dabooli lahaa baahida  bulshada ee dhinaca adeegyada caafimaadka   loona gaadhsiin lahaa meelkasta oo ay joogaan bulshadeenu  gaar ahaan bulshada reer guuraaga ah adeeg caafimaad  oo tayaysan masuulka ayaa ka warbixiyay  ujeedooyinka iyo waxqabadka  kooxdan caafimaadka ee uu sheegay in ay tahay sidii loo dabooli lahaa baahida caafimaaadka ka jirtay degmooyinka iyo goobaha ka fog xarumaha iyo rugaha caafimaadka gaar ahaan nafaqaynta caruurta, xanaaninta hooyada uurka leh, hooyada  naaska nuujisa ilmaha iyo in ay bukaanka u baahan heer cusbitaal wax ay ka qabtaan soo gudbintiisa  wuxuuna ku booriyay masuulku in ay si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh u soo bandhigaan warbixinta waxqabadkooda.

Xubnahan ka socday degmooyinka uu ka hawlgalo kooxdan caafimaadka wareega ayaa waxa mudada uu socdo kulankan qiimaynta ah ku soo bandhigayaan warbixinta waxqabadka  lixdii bilood ee ugu danbeeyay iyada oo inta uu socdo kulankan qiimaynta ah lagu ogaanayo meelaha ay guldalooladu ka jirto si loo buuxiyo qorshahan xiga.

Calafka Xoolaha Oo La gaadhsiiyay Degmoyinka Gobolka Doolo

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Isniin 24ka July 2017. Xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI ayaa calafka xoolaha gaadhsiiyay qaarkamid ah bulshada xoola dhaqatada ah ee kudhaqan degmooyinka  kala ah Donod, daratoole bookh iyo galxamur oo katirsan gobolka doolo.

Hadaba, calafkan xoolaha oo ah nooc casri ah ayaa waxaa kawarbixiyay khabiiro kasocday xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga oo sheegay in calafkani yahay calaf tayo leh islamarkaana xooluhu ay kahelaan nafaqo farabadan. Waxayna intaa kudareen in isticmaalka calafkan xoolaha ay tababaro kaladuwan kusiiyeen bulshada degmooyinkaas. Xubnahan khabiirada ah ayaa tilmaamay in xafiisku uu da’daalo balaadahan ugu jiro tayaynta xoolaha deegaanka si bulshadu uga hesho cad iyo caano fiican.

Waxayna carabka kudhufteen in calafkan xoolaha ee lasoo gaadhsiiyaybulshada uu san ahayn kii ugu horeeyay marar badan oo kaladuwana uu soo gaadhsiiyay xafiisku.

 Ugudanbayna, bulshadii lagaadhsiiyay calafkan xoolaha ee kudhaqnayd degmooyinkaas ayaa sheegay in ilaa hada ay dawladu lagarabtaaganatahay dadaalo kaladuwan oo isugujira taakulaynta dad iyo duunyaba. Waxayna xuseen in calafkan xooluhu uu waxwayn katary dhanka nafaqada xoolaha islamarkaana ay kahelaan caano badan

 

 

 

Shir Lagu Qiimaynayo Cusbitaalada Deegaanka Oo Bilawday

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado 25ka July 2017.Shir uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI oo ay kasooqaybgaleen maareyayaasha cuspitaalada deegaanka islamarkaana kusaabsan qiimayntii waxqabadka sanad miisaniyadeedka 2009TI iyo waliba u diyaargarawga fulinta qorshaha 2010 TI ayaa  ka bilaabatay magaalada jigjiga.

Hadaba, kulankan qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay kusimaha wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI ahan agaasinka qorshaynta, qiimaynta iyo dabagalka ee isla xafiiska mudane maxamed ayaanle ayaa sheegay in ujeedada tababarkani tahay  qiimayntii sanadlaha ahayd ee caadada u ahayd xafiiska . wuxuuna xusay in shirakani yahay mid lagu qiimayanayo waxqabadkii sanad miisaniyadeedka 2009 TI ee dhamaan hospitaalada deegaanka, isagoo tilmaamay kusimuhu in sidookale shirkan loogu diyaargaroobayo qorshaha waxqabadka sanadkan 2010TI, islamarkaana kasooqaybgalayaasha lagu barayo casharo kaladuwan oo kuqotama dhanka tayaynta adeeg bixinta hospitaalada iyo waliba barnaamijkan BSC.

Dhankooda, masuuliyiintii kasooqaybgalay shirkan ayaa sheegay in shirkan lagu kalaqaadanayo khibrado islamarkaana lasoo bandhigayo waxqabadka hospitaalkasta. iyadoo casharo kaladuwan oo muhiim u ahna lagu barayo.

Qadaaduma Iyo Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Wali Ku guda Jira Socdaalkoodii Ay Ku Qaybinayeen Deeq Isugu Jirta Raashin Iyo Dawooyin

$
0
0

Qadaaduma(Cakaaranews) Talaado 25ka July 2017. Ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa sanadahii ugu danbeeyay ka shaqaynayay horumarka deegaanka kadib markay meel saaraan cadowgii shacabka ee nabadiidka ahaa ee UBBO islamarkaana bilaabay inay ka shaqeeyaan horumarka qaybihiisa kala duwan sida jidadka, Daawaynta xoolaha iyo qodida beeraha.

Hadaba ciidanka gaarka ah ee deegaanka oo ku guda jira socdaalkoodii ay ku qaybinayeen raashinka iyo dawooyinka ayaa deeq raashin ah oo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta xoolaha gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan degmada qadhaadhuma ee gobolka daawa. Islamarkaana xoolo tiro badan ku daawaynayay sabooyinka ceelasha.

Mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah ee liyuu boliceka ee waday deeqdan raashinka ah ayaa sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ay deeqdan raashinka ah ka qaybinayeen degmooyinka gobolka daawa sida hudhat iyo mooyaale iyo waliba kuwa liibaan islamarkaana ay deeqadn ka koobantahay raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta duunyada. Waxayna mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah deegaanka ee qaybinayay raashinkan intaa ku dareen in ay raashinka ku bixinayaan sida bulashadu u kala taagdarantaahay iyagoo mudnaanta siinaya dadka da,da ah. Sidoo kale waxay mas;uuliyiintu intaa ,u dareen inay deeqdan raashinka ah wada gaadhsiin doonaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka daawa iyagoo hada kahorna kasoo qaybiyay degmooyinka moyaale, Hudhat iyo mubaarak iyo waliba 32 qabale ee hoosyimaada 3daas degmo.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka daawa ee la gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin deeqdan raashinka ah ee uu ciidinka liyuu boliceku soo gaadhsiiyeen,islamarkaana ay bogaadiyeen deeqdan raashinka iyo daawada isugu jira ee ciidanku deegaanku mushaarkooda kasoo jareen.

Sikastaba ha ahaatee deeqda ay ciidanka gaarka ah ee deegaanku gaadhsiiyeen bulashada deegaanka ayaan ahayn midii ugu horaysay balse marar badan kasoo qaybiyeen gobolada deegaanka uu kakoobanyahay islamarkaana ay sii gaadhsiin doonaan goobaha kale ee udhiman.

Komishineerka Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Ka hortaga Musuqa.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), Arbaca, 26ka  July, 2017. Komishineerka komishinka anshaxa iyo Ka hortaga  musuq maamuqa DDSI mudane Maxamuud Cabdiqaadir Maxamuud oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay guulaha waawayn ee sanad miisaaniyeedkii 2009TI  laga soo hooyay dhinaca ka hortaga  musuqa iyo anshaha shaqada hay’adaha dawlada.

Komishineerka ayaa sheegay in komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI  oo ka duulaya taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI uu sanad miisaaniyeedkii 2009TI uu  qabtay tababaro iyo wacyigalino ku saabsan Ka hortaga iyo cawaaqib cumada uu leeyahay musuqa, iyo waliba  tabaha iyo xeeladaha lagula dagaalamo musuqa, kuwaasi oo loo  qabtay  qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada, haweenka, culimo awdiinka, iyo odayaasha deegaanka islamarkaana fahan buuxa laga siinayay dhibaatooyinka uu leeyahay musuqu iyo sida looga hortago musuqa si  loo hirgaliyo suurta galiyo soo saarida bulsho ka madax-banaan oo aan u dulqaadan Karin  musuqa.

Komishineerka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in sidoo kale tababaro iyo wacyigalinta ku saabsan ka hortaga iyo tir-tiritaanka  musuqa  loo qabtay hogaaminta heerarkeeda kala duwan sida hogaaminta sare, hogaaminta dhexe, hogaaminta hoose iyo shaqaalaha dawlada heerarkooda kala duwan si loo hirgaliyo qorshayaasha horumarka waara nabadgalyo waarta dimuqoraadiyay iyo maamul saxar tiran waxaa kale oo tababaro lasiiyay ayuu yidhi komishineerku  sanadkan hadda dhamaatay macalimiinta iyo ardayda kuliyadaha deegaan  kuwaasi oo la siiyay cashiro ku taxaluqa la dagaalanka iyo ka hortaga musuqa.

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay  komoshineerku in sanadkan uu komishinku qaybiyay hadal-qoraalo, boostaro, nuqulo iyo  joornaalo   kuwaasi oo gudbinayo fariimo ka hadlaya dhibaatooyinka uu keeno musuqo iyo siyaabaha loola dagaalamo sidoo kalena la xoojiyay dhinaca xidhiidhka warbaahinta deegaanka iyo dalkaba sida ESTV, Jigjiga FM, EBC, iyo Radio faana kuwaasi oo bulshada looga gubiyay wacyigalin ku saabsan dhibaatooyinka uu leeyahay musuq maamuqu iyo sida looga hortaga. Komoshineerka ayaa sheegay in sanadkan komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maamuqa DDSI uu  sameeyay daraasaad ku saabsan sida loo looga hortaga musuqa islamarkaana loo ogaado gol-dalooladiisa. Komishineerka oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay  ay sanadkan soo  galeen komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maamuqa DDSI  kiisas iyo xogo ka dhan ah danbiyada musuqa kuwaasi oo la waafajiyay nidaamka sharciga.

Dhinaca kale waxa uu sheegay  komoshineerku in komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI  oo ka duulaya taaba galinta higalinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI ee ku salaysan tir tirida saboolnimada iyo taaba galinta horumar waara oo aan soo noqod lahayn  in uu sanadkan 2010TI   komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maasuqa DDSI  xooga saarayo sidii aanu sarax musuq ah ugu dhicin  fulinta qorshayaashasi iyada oo fiiro gaar ah la siinayo faldambiyeedyada ka dhanka ah musuqa.

Ugu danbayntii waxa uu komoshineerku carabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadankarayn  isku day ama ku lug-lahaansho  musuq maadaamo  oo sanadadii ugu danbeeyay lagu guda jiray tababaro  iyo wacyigalinta   ku taxauqa sidii fahan buuxa looga yeelan lahaa cawaaqib xumada uu leeyahay musuqu iyo sida looga hortago balse hadda wixii ka danbeeya aan loo dulqaadankarin cida  galasha musuq iyo cida ku garabsiisa musuqa taasi oo si deg degg ah loo marindoono sharciga iyada oo dhinaca kalena laga fashilindoona cida gasha musuqa islamarkaana laga soo dayndoono  warbaahinta deegaanka.

 

 

 

Kulan Doodcilmiyeed Oo Lagaga Hadlayay Horumarinta Khayraadka Xoolaha Ayaa Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 27ka, July, 2017. Waxaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee huteelka nogob ee magaalada jigjiga kulan dood cilmiyeed ah oo lagu qorfaynayay jihooyinka lagu sii xoojinayo horumarinta  khayraadka xoolaha suuqtayntooda iyo sidii loo qiimayn lahaa waxqabadka  sanadihii ugu danbeeyya ee mashruuca prime.

 

Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI oo kaashanaya hayadaha ay bahwadaagta yihiin ee ay ka mid yihiin USAID iyo  mercy corps ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saarayay wax-qabadka sanadihii ugu danbeeyay ee  mashruuca prime  ah mashruuc ka shaqeeya  sidii xal waara looga gaadhi lahaa  horumarinta khayraadka xoolaha iyo suuqtayntooda, sidii looga gaashaaman lahaa xaaladaha abaaraha iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa bulshada xoolo dhaqatada ah.

 

Kulankan oo ay  ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga , masuuliyiinka socday xafiisyada heer deegaan ee ay habwadaagta yihiin xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga,masuuliyiin ka socday hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ka faa'iidaysata mashruuca Prime  ayaa waxaa furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI mudane Cali Cumar oo tilmaamay in kulankan diirada lagu saarayo waxqabadkii mashruuca prime islamarkaana lagu soo bandhigidoono doodciliyeedku qotonta jihooyinka iyo istaraatajiyadaha iskaashi ee lagu xoojinayo taaba galinta horumarinta khayraadka xoolaha iyo suuqgayntooda islamarkaana kor loogu qaadilahaa bab-nololeedka bulshada xoolo dhaqatada ah

Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii kulankaasi maareeyaha mashruuca prime mudane Faysal Faarax oo sharax dheerka bixiyay guulaha waaway ee uu mashruucan Prime ka soo hooyay dhinaca horumarinta khayraadka xoolaha iyo suuqgayntooda kaasi oo ay bulshad badan sidii loogu talagalay uga faa’iidaysteen tan iyo intii uu jiray mashruucani wuxuuna maareeyuhu intaasi ku daray in mashruucani yahay mid diirada saaraya sidii xal waara loogu helilahaa  loona joogtayn lahaa horumarinta khayraadka xoolaha deegaanka gaar ahaan dhinaca suuqgaynta.

Ugu danbayntii qaybaha kala duwan ee ka faa’iidaystay marshuucan prime ayaa si qoto dheer uga hadlay faa’iidooyinka muga leh ee ay ka heleen mashruucan prime waxay siwayn ugu mahad celiyeen xukuumada DDSI iyo hayadaha iska kaashaday hirgalinta mashruucan


Wafti-Sare Oo Deeq Bixiyayaal Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 27ka July 2017. Wafti balaadhan oo kakooban deeq bixiyayaasha caalamigi ah islamarkaana ay horkacayso wakiilka guud ee qaramada madoobay u fadhida dalkeena itoobiya ahna iskuduwaha hawlaha baniaadanimada oo ay waheliyaan masuuliyiinta hay’ada OCHA, WFP iyo masuuliyiin kale ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah  ee garaad wiiwaal ee magaalada jigjiga.

waftigan ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee garaad wiilwaal kusoo dhaweeyay Wasiirka Xafiiska Kahoraga iyo U Diyaargarawga Masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan iyo Lataliyaha Madaxwaynaha DDSI ee dhinaca Xaquuqul insaanka iyo Xidhidhka Caalamiga ah ahna Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Kahortaga iyo U diyaargarawga Masiibooyinka mudane Anwar Cali. Soodhawayn kadibna, waftiga iyo masuuliyiinta ayaa nasasho gaaaban oo xogwaraysi ah kuwada qaatay guriga nasashada ee garoonka.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska kahoraga iyo U diyaargarawga Masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan oo kawarbixyay ujeedooyinka waftigan ayaa sheegay in waftigani kakoobanayhay deeqbixyayaal caalami ah islamarkaana ay horkacaysowakiilka guud ee qaramada madoobi u fadhida dalkeena itoobiya ahna iskuduwaha  hawlaha baniaadanimada marwo ahuna. Wauxuuna intaa kudaray wasiirku in ay waheliyaan masuuliyiin kasocto laamaha hayada UN oo ay kamid yihiin OCHA, WFP. Islamarkaana ujeedadoodu tahay ukuurgalida dhanka saamayntii abaarta iyo sidii looola tacaali lahaa.

Iskusoowada duuboo, waftigan ayaa lafilayaa in ay kulama kaladuwan oo kuqotama dhanka latacaalida abaaraha  laqaadan doonaan masuuliyiinta deegaanka.

Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Wali Ku Gudajira Qaybintii Deeqdii Isugu Jirtay Raashinka Iyo Dawooyinka Ee Ay U Qaybinayeen Bulshada Gobolka Daawa.

$
0
0

Qadaaduma(Cakaaranews) Khamiis 27ka July 2017. Ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa sanadahii ugu danbeeyay ka shaqaynayay horumarka deegaanka kadib markay meel saaraan cadowgii shacabka ee nabadiidka ahaa ee UBBO islamarkaana bilaabay inay ka shaqeeyaan horumarka qaybihiisa kala duwan sida jidadka, Daawaynta xoolaha iyo qodida beeraha.

Hadaba ciidanka gaarka ah ee deegaanka oo ku guda jira socdaalkoodii ay ku qaybinayeen raashinka iyo dawooyinka ayaa deeq raashin ah oo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta xoolaha gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka  ee gobolka daawa. Islamarkaana xoolo tiro badan ku daawaynayay sabooyinka ceelasha.

Mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah ee liyuu boliceka ee waday deeqdan raashinka ah ayaa sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ay deeqdan raashinka ah ka qaybinayeen degmooyinka gobolka daawa sida hudhat,mooyaale iyo mubaarak islamarkaana ay deeqadan ka koobantahay raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta duunyada. Waxayna mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah deegaanka ee qaybinayay raashinkan intaa ku dareen in ay raashinka ku bixinayaan sida bulashadu u kala taag darantahay iyagoo mudnaanta siinaya dadka da,da ah. Sidoo kale waxay mas;uuliyiintu intaa ku dareen inay deeqdan raashinka ah wada gaadhsiin doonaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka daawa iyagoo hada kahorna kasoo qaybiyay degmooyinka moyaale, Hudhat iyo mubaarak , qadaaduma iyo waliba dhamaan  qabaleeyaasha   hoosyimaada 4taas degmo.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka daawa ee la gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin deeqdan raashinka ah ee uu ciidinka liyuu boliceku soo gaadhsiiyeen,islamarkaana ay bogaadiyeen deeqdan raashinka iyo daawada isugu jira ee ciidanku deegaanku mushaarkooda kasoo jareen.

Sikastaba ha ahaatee deeqdan ay ciidanka gaarka ah ee deegaanku gaadhsiiyeen bulashada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka daawa ayaan ahayn midii ugu horaysay balse marar badan kasoo qaybiyeen gobolada deegaanka uu kakoobanyahay islamarkaana ay sii gaadhsiin doonaan goobaha kale ee udhiman.

 

 

Safiirka Dalka Spain U Fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Lagu Soo dhaweeyay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews) Jumce 28ka July 2017. Waxaa garoonka caalamiga ah ee garaad wiilwaal si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay safiirka dalka spain u dhafiya dalkeena itoobiya mudane Borche Montasena islamarkaana ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiin sare oo ay kamid yihiin madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, Wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Hadaba wafitiga iyo  mas’uuliyiintan sare ee heer deegaan ayaa soo dhawayn kadib booqday guryo wadareedka sida casriga ah loo dhisay ee xaafada dulqabow. Waxayna mas’uuliyiintan iyo waftigu usii dhaafeen tuulada hare ee degmada shabeelay islamarkaana ay si wada jir ah xadhiga ooga jareen mashruuca solar sytemka ee ku shaqeeya qoraxda laguna rakibay ceelka biyaha ee tuulada hare oo laga hirgaliyay mashruucan.

Waxaana xadhig kajarkan ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo ugu horayn u mahad celiyay hay’ada dalka spain oo fulisay mashruucan solor systemka ah oo uu ku shaqaynayo ceelkan biyaha ee ku yaala tuuladan hare, Wuxuuna wasiirku sidoo kale la hadlay bulshada ku dhaqan tuulada hare oo uu usheegay inay ka faaiidaystaan mashruucan islamarkaana ilaa shadaan.

Dhanka kale waxaa iyana geestooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan tuulada hare oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin mashruucan solor systemka ah ee ku shaqeeya qoraxda islamarkaana ay si fiican u ilaashan doonaan.

Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha MM Jigjiga Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal kor Loogu Qaadayo Bilicda MMJ

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 28ka July 2017. Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha MaamulkaMagaalada Jigjiga mudane Khaalid Cabdiraxmaan Maxamed oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in guulo mug wayn laga soo hooyiyay taaba galinta hirgalinta qorshayaashii horumarineed ee mm jigjiga u dajisnaa sanad miisaaniyeedkii 2009Ti. Kuwaasoo laga fuliyay miisaaniyado isugu jiray miisaniyada caadiga ah ee ay ka helaan qasanada heer deegaan iyo miisaaniyada world bank ee mashruuca ULDP taasoo magaalada lagaga qabtay shaqooyinkii u qorshaysnaa sanadkan dhamaaday ee 2009 T.I. islamarkaana guulo wax ku’ool ah laga soo hooyiyay.

Hadaba, madax-xafiiseedka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in shaqooyinka ugu muhiimsan ee laqabtay sanadkan ay kamid yihiin dhismaha mashruuca buundada lafa-ciise, mashruuca wayn ee dhismaha darbiga dugsiga shekh cabdisalaan, iyo waliba balaadhinta master plane, wuxuuna tilmaamay in 13 wado oo cable-stone ah ladhisay sanad miisaniyadeedkan dhamaaday ee 2009.T.I sidookalana laydhgalin loo sameeyay qaarkamid ah wadooyinka waawayn ee magaalada jigjiga, taasoo qaybwayn qaadatay bilicda magaalada jigjiga.

Ugudanbayna, masuulka ayaa carabka kudhuftay in sanad miisaaniyadeedkan 2010 T.I ay u qorshaysan tahay qorshayaal horumarineed kuwaas oo ay ugu horeeyaan kor u qaadista bilicda magaalada, biyaha magaalada jigjiga, wadooyinka, shaqo abuurka iyo waliba samaynta qorshe hagaha magaalada (master-plane) maadaama oo ay magaaladu aad u balaadhanayso dhismaha guryuhuna aad ugu badanyihiin.

Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Heer Deegaan Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 29ka July 2017. Waxaa si rasmi ah ooga furmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga  koobkii tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka deegaanka, Iyadoo mudadii udanbaysay ay gobolada deegaanku sameeyeen tartan ciyaareed ka koobnaa dhamaan degmooyinka uu gobol walba ka kooban yahay si ay ooga xushaan ciyaartooydii ooga qaybgali lahayd tartanka ciyaaraha kubada cagta ee heer deegaan.

Hadaba furitaanka tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka deegaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo heer deegaan ah oo ay ugu horeeyaan mas’uuliyiinta xafiiska maamulka DDSI, Waxaana furitaankii tartankan kubada cagta ee gobolada deegaanka ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo sheegay inuu maanta si rasmi ah u furmay tartankii ciyaaraha kubada cagta ee gobolada deegaanka oo ah mid sanad walba la qabto xiligan oo kale islamarkaana kor loogu qaadayo xirfada ciyaareed ee dhalinta deegaanka si loo helo dhalin caafimaad qabta oo tayo leh islamarkaana ka qaybqaata tartamada ciyaareed ee heer iyo heer caalamba.

Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in kooxaha goboladu si anshax leh oo quruxbadan u ciyaaraan mudada uu tartanku soco. Sikataba ha ahaatee tartankan ciyaaraha kubada cagta ee gobolada deegaanka ayaa waxaa lagu furay gobolada Daawa iyo Shiniile.  

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>