Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Koobka 15 Jirada Dalka Ee COCACOLA CUP Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 27ka August 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si rasmi ah ooga furmay koobkii dhalinyarada 15da ah ee dalka ee  COCACOLA CUP.

Hadaba koobkan dhaliyaradad 15da ah ee dawlad deegaanada dalka iyo ismaamul magalooyinka  oo ay deegaan walba  ku tartamayaan 22 kooxood oo ka kooban wiilal iyo gabdhaba ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed  Dalmar oo sheegay inuu tartankan yay mid muhiim ah islamarkaana keenaya is dhexgal dhalinyarada dalka ah .

Dhanka kale waxaa isanan dhankisa ka hadlay Wasiirka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan khayre oo sheegay inuu koobkan yahay koobkii dhalinyarata 15tan jirada ah ee DDSI islamarkaana ay ku tartamayaan 22 kooxood. Wuxuuna mas’uulku kula dardaarmay inay dhalintu ilaaliyaan anshaxa ciyaarta mudada uu socdo koobku.

Ugu danbayna waxaa koobkan 15 jirada dalka lagu furay labada kooxood ee kooxda 15 jirada DDSI iyo kooxda 15 jirada Deegaanka oromiya waxayna 6-0 guushu ku raacday kooxda 15 jirada DDSI.


Tababar Loo Qabtay Hay’adaha Cadaalada Ee Gobolka Afdheer

$
0
0

Hargeele(Cakaaranews) Isniin 28ka August 2017. tababar ku saaban sidii kor loogu qaadilahaa kobcinta awooda fulineed ee  hay’adaha cadaalada iyo  sidii loo xoojin lahaa   ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta ee uu siiyay dastuurku dalkeenu iyo kan deegaanku oo loo qabtay  degmooyinka gobolka afdheer ayaa ka qabsoomtay magaalada hargeele ee xarunta gobolka afdheer.

Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay maxkamada guud ee DDSI ayaa waxaa furitaankiisii  ka hadalay kusimaha gudoomiyaha gobolka afdheer ahna madaxa arrimaha xisbiga ee gobolka afdheer mudane Cabdulaahi Maxamed Xuseen iyo Madaxa xafiiska maamulka garsoorka maxkamada guud ee DDSI mudane Axmednuur Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarku  iyaga oo sheegay   in uu yahay tababar loo qabtay hay'adaha cadaalada  sida garsoorka, xeer ilaalinta, booliska iyo shareecada ee degmooyinka gobolka afdheer kaasi oo ay  ujeedadiisu  tahay sidii kor loogu qaadilahaa awooda fulineed ee hay'adaha  cadaalada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka si loo xoojiyo  ilaalinta xuquuqaha  sharciga caruurta uu siiyay dastuurkeenu.

Waxayna mas’uuliyiintu intaa kudareen  in guulo waawayn deegaankeenu ka gaadhay taamyeelida ilaalinta  xuquuqaha aadamaha iyada oo   ahmiyada gaar aha la siiyay ilaalinta xuquuqaha  haweenka iyo caruurta. Iyagoo tababar qaatyaasha   ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan cashirada la dhigayo mudada uu tababarku socdo si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan.

Tababar Ku Saabsan Xirfadaha Dhiig Joojinta Saboolnimada Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), Isniin, 28ka August, 2017. Tababar ku saabsan barashada xirfadaha dhiig joojinta soboolnimada oo ay soo diyaarisay kuliyada  farsamada gacanta  iyo xirfadaha  jigjiga  ayaa ka furmay caasimada deegaanka ee jigjiga.

Tababarkan oo  loo furay dhalinyaro  shaqo abuur loo samaynayo  oo laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada jigjiga ayaa waxaa  furitaankiisii ka hadlay maareeyaha kuliyada farsamada gacanta iyo xirfadaha jigjiga  mudane Farxaan Maxamed Cali oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarkan isaga oo sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii loo tir tirilahaa saboolnimada  iyo  mashaqaynte nimada loona hirgalinlahaa qorshayaasha horumarka waara iyo isku filnaansho maareeyaha ayaa sheegay in dhalinyarada maanta loo furay tababarkan oo laga soo kala xulay xaafadaha magaalada jigjiga oo ah dhalinyaro isugu xidhan iskaashatooyin la siin doono tababaro gaa gaaban oo ku saabsan xirfadaha dhiig joojnta saboolnimada kuwaasi oo marka ay dhamaystaan tababarka ku shaqaysan doona xirfadaha ay tababarkan ka barteen wuxuuna maareeyuh intaasi ku daray in uu tababarkani socondoona mudo 45 maalmood ah isaga oo  ku booriyay dhalinyaradan in ay ka faa’iidaystaan cashirada mudada uu tababarku u socdo.

 

Dhalinyaradan maanta loo furay tababarkan ayaa waxa la baridoonaa xirfadaha dhiig joojinta saboolnimada ee ay ka mid yihiin laydh-galinta guryaha, biyo galinta guryaha, qurxinta guryaha, Nijaarnimada, faarada alxanka Ranjiga, samaynta Jaajuurka iyo xirfado kale oo ka mid ah dhiig joojinta saboolnimada.  

Tababar Kuqotama Barnaamijka JEG Oo kafurmay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) Isniin 28ka August 2017. Si kor loogu qaado tayada shaqada iyo shaqaalaha ayaa Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI uu wadaa dadaalo ku’aadan hirgalinta iyo kamidho dhalinta barnaamijyada shaqada iyo shaqaaaha dawlada iyadoo uu tababar kuqotama barnaamijka qiimaynta iyo darajosiinta shaqaalaha ee loo yaqano (JEG) u bilaabay xumno laga soo kala xulay qaarkamid ah xafiisyada iyo wakaaladaha heerdeegaan ee aan horay u qaadanin tababarka dib u meelaynta shaqaalaha.

Hadaba,tababarkan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore oo sheegay in ujeedada tababarkani yahay mid kuqotama barnaamijka Qiimaynta iyo Darajo siinta shaqada islamarkaana uu yahay tababarkani mid ay kaqaybgalayaashu ku baranayaan  nidaamka dib u meelaynta. Wuxuuna xusay wasiirku in barnaamijkani uu yahay barnaamij aad muhiim u ah islamarkaana  dalka oo dhan ay kasocoto hirgalintiisu iyadoo hawlaha barnaamijkanina uu soomaray wajiyo farabadan hadana uu marayo meel gabgabo ah. Wuxuuna kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in inta uu socdo tababarku sifiican looqaato casharada kadibna ay ugu shaqeeyan sidii loogu talagalay iygoo ka fogaanaya ninjeclaysi iyo qabyaalad islamarkaana xafidaya shuruucda dib umeelaynta.

Sidookale,  khabiirka Barnaamijka JEG ee xafiiska adeega-shacaka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Khadra Bashiir oo dhankeeda kahadshay ayaa sheegtay in ay kaqaybgalayaashani ay yihiin kuwo masuuliyad wayn qaadaya islamarkaana qaban doona shaqooyinka  ay kamid ka yihiin shaqo qeexida (Job-Description)kadibna samayn doona dib u meelaynta xafiisyadii ay ka kalyimaadeen.

Ugudanbayna, kaqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in sifiican ay uga faaiidaysan doonaan tababarkan islamarkaana ay si cadaalada ugu shaqayn doonaan.

Filtu Iyo Tababar Loo Qabtay Hay’adaha Cadaalada

$
0
0

Filtu(Cakaaranews) Talaado 29ka August 2017. Tababar ku saaban sidii kor loogu qaadilahaa kobcinta awooda fulineed ee hay’adaha cadaalada iyo  sidii loo xoojin lahaa   ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta ee uu siiyay dastuurku dalkeenu iyo kan deegaanku oo loo qabtay  degmooyinka gobolka liibaan ayaa ka qabsoomtay degmada filtu ee xarunta gobolka liibaan.

Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay maxkamada guud ee DDSI ayaa waxaa furitaankiisii  ka hadalay gudoomiyaha gobolka Liibaan mudane Cabdi Xuseen iyo Madaxa xafiiska maamulka garsoorka maxkamada guud ee DDSI mudane Axmednuur Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada uu leeyahay tababarku  iyaga oo sheegay   in uu yahay tababar loo qabtay hay'adaha cadaalada  sida garsoorka, xeer ilaalinta, booliska iyo shareecada ee degmooyinka gobolka liibaan kaasi oo ay  ujeedadiisu  tahay sidii kor loogu qaadilahaa awooda fulineed ee hay'adaha  cadaalada qaarka mid ah degmooyinka deegaanka si loo xoojiyo  ilaalinta xuquuqaha  sharciga caruurta uu siiyay dastuurkeenu.

Waxayna mas’uuliyiintu intaa kudareen  in guulo waawayn deegaankeenu ka gaadhay taamyeelida ilaalinta  xuquuqaha aadamaha iyada oo   ahmiyada gaar aha la siiyay ilaalinta xuquuqaha  haweenka iyo caruurta. Iyagoo tababar qaatyaasha   ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan cashirada la dhigayo mudada uu tababarku socdo si looga midho dhaliyo ujeedooyinka laga leeyahay tababarkan.

Sikastaba ha ahaatee tababarkan ku saabsan sidii loosii xoojin lahaa   ilaalinta xuquuqaha sharciga caruurta ee uu siiyay dastuurku dalkeenu ayaa ah mid ka socda dhamaan gobolada deegaanku uu ka kooban yahay.

Xafiiska Waxbarshada DDSI Oo Shaaciyay Natiijayada Imtixaanka fasalka 8aadka

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 30ka, August, 2017.  Wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarshada  DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo xafiiskiisa shir jaraa-id ugu qabtay warbaahinta deegaanka iyo ta dalka  ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka fasalka 8aad isaga oo  sheegay wasiir ku xigeenku in  Xafiiska waxbarshada DDSI  sanadkan 2009TI  dadaal balaadhan u galay taaabo galinta horumarinta tayaynta waxbarshada taasi  uu  qaatay  xafiisku talaabooyink isku dhaf ah oo lagu rabo in heerarka kala duwan ee waxbarashada  laga gaadho natiijo wax ku ool ah iyada oo xooga la  saaray sidii ardayda deegaanku guulo wax ku ool ah uga soo hoyn lahaayeen   imtixaanaadka shahaadiga ah ee  fasalka 8aad, 10aad iyo  12aad  kuwaasi oo dhamaantood guulo mug leh laga soo hooyay sanadkan

Wasiir ku xigeenka ayaa  sheegay  in dadaalkii iskaashigii muga lahaa ee ay sanadkan sameeyeen xafiiska waxbarashada bah-wadaagta waxbarshada, macalimiinta deegaanka iyo  gudiyada   waalidiinta  tahay tan keentay in  guulo waawayn laga gaadho natijooyinka imtixaanaadka dugsiyada sare ee deegaanka . isaga oo sheegay wasiir ku xigeenku in sanadkan  iyada oo lala jaan qaadayo nidaamka casriga ah ee waxbarashada lagu guulaystay in lagu shaaciyo imtixaanka fasalka 8aadka  aalada internetka taasi oo uu xafiiska waxbarashada DDSI sameeyay shabakad (website) laga daalacan karo natiiyada imtixaanaadka fasalka 8aad ardaykastaana uu ka eegan karo moobilkiisa shabakadaasi oo ah www.esrs-edu.gov.et   waana markii ugu horaysan ee lagu shaaciyo natiijada imtixaanka 8aadka aalada internetka iyada oo dhinaca kale ay noqonayso deegaankii ugu horeeyay  ee deegaanada dalka ku shaaciyay najiiyada imtixaanka safalka 8aadka aalada internetka. Wasiir ku xigeenka oo sii wada hadalkiisa ayaa sheegay  in natiijada imtixaanaadka fasalka 8aad ee sanadkan tahay in aad u saraysa marka loo eego sanadkii hore ee 2008TI.

Ugu danbayntii waxa uu wasiirku xigeenku ku booriyay dhamaan baw-wadaagta xafiiska waxbarshada DDSI, macalamiinta deegaanka, waalidiinta  iyo ardayda deegaanku in ay u diyaar garoobaan diwaangalinta waxbarashada sanadka cusub ee 2010TI si looga midho dhaliyo jihooyinka iyo istaraatajiyadaha tayaynta waxbarshada deegaanka.

Xasuus gaar ah waxay ardayda deegaanku meelkasta oo ay joogaan ka eegankaraan natiijada  imtixaanaadka fasalka 8aad www.esrs-edu.gov.et  

Qawlaysatada UBBO Ee Diasporaha Oo SHeegay Inay Xaalada Qalbi-dhiriq Maliiqnayd

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 30ka August 2017. Qawlaysatada ubbo ee diasporaha ayaa waxay isladhexmarayaan marxalado dhawr ah oo ay kusheegayaan inay xaalada cabdikariin qalbi-dhiriq ay maliiqnayd.

Qaar baa waxay leeyihiin qalbi-dhiriq lama qabanin ee isagaa iskii isudhiibay. Waxayna daliishanayaan inuu qalbi-dhiriq ahaa nin lagu darsaday nidaamkii ubbo lagu burburiyay sidii rag horaba looga bartay oo uu si isu ekaysiin ah uxarooday isagoo waji qarsasho samaynaya si aysan unoqonin ninkii wuu isdhiibay balse ay ugu ekaato in laqabtay. Waxayna arintaas cadayn uga dhigayaan sawirkan qalbi-dhiriq oo ay leeyihiin sawirkani uma eka sawir nin laqabtay waayo farxad ayaaba kamuuqata iyo xaaladiisii badhaxlay hada kahorba waa la ogaa meesha qawlaysatada qaarna ay kudoodayaan cid soo dhiibtay iyo cid loo dhiibay midna majirto ee sidii ragii hore oo kale ayuu umaliiqan yahay.

Qawlaysatada ubbo ee diasporaha qaarkoodna waxay leeyihiin Qalbi-dhiriq mashaqaynaynine Wada hadal buu lagalay oo odayaal-dhaqameed reerkooda ah ayaa kashaqeeyay oo waa qorshe ay odayaashu maliiqeen.

Dhanka Kale, ina maahday ayaa cadaani ruqiyo dhuubo ku eedeeyay inuu cunay lacagtii lagu furfuri lahaa Qalbi-dhiriq intuu joogay badhaxlay balse taas wuxuu ina ruqiyo dhuubo kaga jawaabay ''manin sii socdaan lacag ugu dari lahaa horay baan usheegay inuu ninkani kamid ahaa qorshihii la inagu tirtiray. Wuxuuna cadaani intaa kudaray inuu helay cadaymo muujinaya inuu Qalbi-dhiriq maliiqan yahay.

Geesta Kale, odayaasha iyo suldaamada badhaxlay ayaa sheegay inuu ninkani waa Qalbi-dhiriqe uu hada kahorba mudo daganaa badhaxlay oo aysan wax dhibaato ah ku imanin balse ay arkeen isagoo kasoo guuray meeshuu daganaa oo dagaya guri dhinaca kuhaya saldhiga badhaxlay isagoo ay alaabta lararayaan 3 oday oo uu kamid ahaa nin ay muuqaalkiisa kutilmaameen oday dheer oo gadhcas oo xoog leh midabkiisuna maariin yahay. Odayaasha badhaxlay ayaana sheegay inay umaleeyeen nimankaaas adeeradii. Waxayna intaa kudareen odayaashu inay 3 cisho kadib maqleen in ninkii laqabtay.

Iskusoo wada duuboo, odayaasha badhaxlay waxay dheheen "waxba eed yaan nala saarin ninkani isagaa maliiqnaa oo maalintii udanbaysay raysle galay mise rayslihii uxiiray baa reer badhaxlay ahaa baad nagu haysataan?"

Dhibaatadii Ay Nabadiidka UBBO Ugaysatay Shacabka Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Nabadiidka UBBO waxay shacabwaynaha deegaanka ugaysatay dhibaatooyin ba'an oo aan marnaba tiro lagu soo koobi karin. Dhibabkaas oo ay kamid ahaayeen dil, kufsi, dhac, boob IWM. Waxayna agoontimeeyeen tobanaan kun oo caruur ah oo ay si ulakac ah oo aysan geedna ugu gabanin hadhkoo cad iyo habeenba udileen waalidiintii ubadka tiradaas dhan. Waxaana dadka amaradaas dilka, dhaca, boobka iyo kufsiga bixiyay kamid ahaa Cabdikariin qalbi-dhiriq oo ay maanta dad uusan dil iyo kufsi toona uusan ugaysanin ay uhadlayaan. Runtii, dhibaatada uu gaystay waa mid kamuuqata guud ahaanba deegaanka soomaalida gaar ahaan gobolka doolo oo uu kagaystay xasuuq ba'an. Waxaana xaqiiqo ah inay dadkii dhibaatadaas gaystay ay aduunka dushiisa kuheleen cawaaqibtay gaysteen iyadoo aakhirana sugayso.

Hadaba dhamaan shacabka deegaanka, hogaaminta iyo xubnaha xisbiga, qurbajoogta deegaanka ee dunida oo idil kubaahsan ee caqliga, garashada iyo cilmiga leh waxaa la idinka baahan yahay in qorshihii cilmiyaysnaa ee aad idinku lafdhabarta u ahaydeen ee deegaanka lagu gaadhsiiyay horumarka, nabadgelyada, maamulka suuban iyo xidhiidhka dadwaynaha inaad si wadajir iyo iskaashi ah aad kusii laba-jibaartaan iyo inaad cidkasta oo cadaw ku ah horumarka iyo nabadgelyada deegaanka dal iyo dibadba islamarkaana xaqiiqda dhabta ah ee uu deegaanku soo maray been kasheegaysa kuna tiiqtiiqsanaysa agoontii waalidkood ay Ubbo laysay inaad halgan adag lagashaan oo aydaan ka ogolaanin dafiraada xaqiiqda sooyaalka deegaankeena.

Gabagabadii, waxaan umahadcelinaynaa guud ahaan xubnaha sida dhabta ah uga halgama social mediaha gaar ahaana xubnaha sida dhabta ah usoo dhigay dhibaatadii uu nabadiidku ugaystay shacabka deegaanka iyo sida ay ugu faanayaan muwaadinimada soomaali itoobiyaanimadooda iyo sida ay soomaalida kale ugu muujiyeen inay yihiin dad kala dal ah oo xad iyo xuduud wadaaga


MW CMC Iyo Mas’uuliyiin Heer Deegaan Ah Oo Kusoo Laabtay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin sare oo heer deegaanka ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kadib marku usoo dhamaaday tababarkii hogaaminta sare oo ay meles Academy ku qaadanayeen mudo 45 maalmood ah xarunta dalka ee magaalada addisababa.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sidaaduu garoonka ugasoo dagay booqday guriga tusaale unoqonaya dadka danyarta ah qiimo jabanna lagu dhisay tayana leh oo laga dhisay xarunta madaxtooyada iyo goobta naaxinta xoolaha. Wuxuuna wakhti xaadirkan madaxwaynuhu ku suganyahay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

MW CMC Oo Hambalyeeyay Dhamaan Muslimiinta Caalamka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka ugu hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidul-adxa isagoo ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa kugaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn.

Wuxuuna madaxwaynuhu kubooriyay dadka wax haysta inay caawiyaan walaalahooda aan waxba haysanin islamarkaana ay udhuun duleelaan gaar ahaan walaalahooda tabaalaysan ee aan baahidooda sheegan Karin.

Ugu danbayna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa salaam diiran udiray dhamaan qurba-joogta DDSI gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanka. Wuxuuna madaxwaynuhu xusay in ay ciidan kusoo aaday xili uu deegaanku ku talaabsaday horumar nabadiina la saxartiray islamarkaana ay mas’uuliyiinta deegaanka kasoo qalin jabiyeen tababarkii 3aad ee hogaaminta sare ee dalka.  

 

Wafti Balaadhan Oo Heer Caalami Ah Oo Lagu Soodhaweeyay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 31da August 2017.Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagu soodhaweeyay wafti balaadhan oo heer caalami ah oo ay hogaaminayso Danjiraha wadanka Canada u fadhiya hay’ada UN ahna gudoomiyaha gudiga hay’ada UNHCR marwo Rosy Mary iyo waliba safiirka wadanka Canada ufadhiya wadankeenan Ethiopia mudane fillip parker. Waxaana  sidiiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin heer deegaan ah oo ay horkacayso Madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Beeraha iyo khayraadka Dabiiciga ah DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ay waheliyaan Madaxa arrimaha siyaasada XDSHSI mudane Cumar Maxamed, wasiirka xafiiska kahortaga iyo u diiyaraagarawga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed  iyo waliba masuuiyiin kale oo heer deegaan ah.

Hadaba, Soodhawayn kadib ayaa waftiga iyo masuuliyiintu ay kulan kuwada qaateen qolka nasashada ee garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal, kulankaasi oo ay kaga wad hadlayeen ujeedada socdaalka oo ahaa in waftigu soo kormeero xeriyaha qaxootiga ee degmada qabribayax iyo shaydheer. Kadibna waftiga ayaa gudoonsiiyay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayaadka dabiicigaah DDSI marwo Sucaad xmed Faarax hadyad ay ugu talagaleen islamarkaana halkaasi kaga gudoontay.

Ugudanbayna, waftiga ayaa u kicitimay xeryaha qaxootiga ee qabribayax iyo shaydheer si ay usoo indho indheeyaan xaalada nololeed ee qaxootiga

Oohintiisa Oohin baa Kahoraysay, Diyaaradii Keentay Cabdikariina Waxaa Ka Horaysay Diyaaradii Qaaday 114ka Qof

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Sida lawada ogsoonyahay shacabka deegaanka soomaalidu wuxuu ahaa shacab marka taariikhda dib loo eego ilaa xayle salaase ay dhibaatooyin ba’an oo naf iyo maalba leh kuhayeen cadaadisyadii iyo nidaamyadii kudhisnaa boqortooyada iyo kalitalisnimada balse kadib markuu halgankii hubaysnaa ee EPRDF uu xukunka kalawareegay kaligii taliskii dhargiga deegaanada kale ee dalku way kafaaiidaysteen balse waxaa deegaankeena majarahabaabiyay ururadii nabadiidka ahaa ee kadhashay deegaanka ee UBBO iyo Al-itaxaad. Kuwaasoo kadhashay shacabka deegaanka balse shacabkii ay kadhasheen uun ugaystay dhibaatooyin ba’an oo laxaad leh oo ay kamid ahaayeen dil, dhac, boob iyo kufsi aan loo kala aabo yeelin sida dadkii masaakiinta ahaa ee ay cobole kulaayeen, Shacabkii ay kugumaadeen degmada dhagaxmadaw, Garaadadii ay hadhkoo cad kutoogteen degmada gunagado, Hooyooyinkii ay asayda usaareen iyo maxastii ay ku agoontimeeyeen degmada aware, Ragii iyo caruurtii ay hadh iyo habeenba kulaynayeen degmada dhagaxbuur iyo tuulooyinka hoos yimaada.

 Hadaba  cabdikariin qalbi dhiriq iyo UBBO kale oo wehelinaysay waxay gobolka doolo gaar ahaan degmada wardheer, Danood, Qabalaha Waafdhuug iyo degmada lahelaw oo ah degmaduu kasoo jeedo qalbi dhiriq ay kudileen boqolaal qof oo ay kamid ahaayeen hooyooyin, Caruur, Odayaal iyo suldaamo uu kamid ahaa allah ha unaxariistee suldaan cali saafi.

Dhanka kale waxaan marnaba la ilaawi Karin gobolka qoraxey degmada dhoobawayn dadkii ay UBBO habeenimada kumireen, Odayaashii ay masaajidka ceel ogaadeen kalabaxeen, Dhacdooyinkii foosha xumaa ee lamagac baxay mooji ee habeen walba shaqsi mayd ah oo wadada yaala loo soo toosi jiray degmada qabridahar iyo jimcaalaa dilaydii dhagaxbuur, Xasuuqii habeen badhka ubbo kulakacday shacabkii qabalaha ceelxaar ee degmada qabridahar, Wiilashii iyagoo nool ay dhagaha kagureen degmada shaygoosh iyo qabalaha galadiid.

Hadii aan soo qaadano gobolka shabeele gabdhihii ay ku kufsadeen iyo ragii ay xabada kufureen iyagoo ambalaas saaran degmooyinka dhanaan, beercaano, iimay bari iyo shacabkii ay kulayeen godey maxay ahaayeen?

Dadkiise intuu Cabdikariin iskuxidh-xidhey uu nolosha kugubey duhurkii iyo kuwii ay hadh iyo habeenba ku laynayeen  degmooyinka qabribayax, goljano, baabili iyo jigjiga miyaysan bini’aadam ahayn, mida kale wadooyinka iskuxidha gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka ee ay ubbo miinooyinka ku aasaysay ee ay ku rogmadeen boqolaal isugu jira culumo, waayeel, caruur iyo hooyooyinku mafataatiir social media ah bay ahaayeen.

Waxaase taas kasii daran guud ahaanba gobolada Erer iyo Nogob majirto UBBO xasuuq kabadan oo ay kagaysatay deegaanka iyagoo intay iskuxidh-xidheen dad nool kugubay, gabdho tiro badana ku kufsaday islamarkaana caruur badan waalid la aan dhigay.

 Sidaa darteed Cabdikariin Qalbi dhiriq waxaa laqabtay 23/08/2017,GC. Waxaana lagu guulaystay in si nabadgalyo ah loogu keenay shacabkuu danbiga kagalay ee uu laayay cidkasta oo dil ugaysata shacabkana waxaa hubaal ah in lasoo qaban. Cabdikariina ilaahay baa kasoo qabtay shacabka oo wuxuu ahaa cadaw ilaahay soo qabtay, cidkasta oo cadaw ku ah nabadgalyada shacabka deegaanka soomaalidana mid tan la mid ah ayaa qabsan doonta oo inkaartii shacabkaa kudhici. Ilmadii shacabkuna meel cidla ah dhici mayso oo sidii Dhabuuke, sheekh deeq, Gadhcase iyo aroori indhaha loogu shiday loona qabtay iyo kuwa Nairobi ka dawarsanaya halkay mareen oo kale yaa indhaha loogu shidi loona qaban.

Hadaba 14kii urur ee qabiilka kubahoobay ee Ubbo iyo Al-itaxaad ee shacabka uqabqablaynaysay waa laga guulaystay waxaana kaguulaystay ilamadii shacabka iyo dhiigii ay daadinayeen oo kusoo aakharo toostay.

Kadib dhibaatooyinkaas uu shacabku soo maray waxay xukuumada deegaanka iyo dawlada federalku qaateen qorshihii lasameeyay 1999 ilaa 2003 Ti ee Ubbo lagaga guulaystay ee ahaa in deegaanka la gaadhsiiyo horumar iyo nabadgalyo taabagala oo gaadha heer ilaa maalqabeenada caalamku ay maalgashi uyimaadaan, Dadkeeduna ay kufaanaan dal iyo dibadba, xadkiisuna noqdo mid jira oo aan lahawaysan Karin. Waxaana ilaahay mahadii ah in lagu guulaystay yoolkii, Qorshihii iyo hadafkii la dhigtay shacabka deegaankuna uu kufaraxsanyahay nabadgalyada kahanaqaaday guud ahaan deegaanka. Waxaana qorshihii lasameeyay 1999 qodobada hoosta lagaga xariiqay kamid ahaa: in nabadiidka nabadgalyo loogu baaqo cafisna lasiiyo, cida dhaawac ama siyaabo kaladuwan lagu qabtana ay xukuumadu maskax badal kusamayso oo wax labaro iyadoo qodobka laga duulayay ee lala halgamayay uu ahaa fikir balse uusan ahayn shaqsi. Waxaana hubaal ah in xukuumada deegaanka soomaalidu aysan nabadiidka kaga guulaysanin xabad balse ay kaga guulaysatay xeelad, horumar iyo kasbashada shacabka dal iyo dibadba iyadoo xukuumadu kalaqaaday shaqsiga iyo fikirka. Sidaadarteed shacabka deegaanka gudo iyo dibadba waxaa waajib ku ah inay kahadlaan oo ay ujawaabaan budhcadan al-shabaabta ah ee udoodaysa dadkii dadkeena laayay ee uu ilaahay maanta kasoo qabtay.

Hadaba diyaaradii keentay cabdikariin waxaa kahoreeyay diyaarad qaaday 114 dhalinyaro ah oo isugu jiray kuwo danbiyo kagalay dawlada soomaaliya oo usoo baxsaday itoobiya iyo kuwo itoobiya gudaheeda danbiyo kagalay oo lagu wareejiyay dawlada soomaaliya fikir kayimid raisal-wasaaraha dalka soomaaliya mudane Xasan Cali  Khayre kadibna uu laqaatay madaxwaynaha dawlada soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidaasna ay uga codsadeen raisal-wasaaraha JDFI mudane Haile mariam Deselign islamarkaana uu raisal-wasaaruhu amar kubixiyay in lagu wareejiyo kadibna uu qunsulka ufadhiya soomaaliya dalkeena itoobiya uu sidaa kuyimid kuna qaaday diyaarad nooca rakaabka qaadi ah sidaa darteed iskaashigu ma aha mid hal dhinac ah ee waa mid labada dhinac ah , dawlad soomaaliya ahna maqabanin cabdikariin ee dadkuu danbiga kagalay ayaa qabtay. Waxaana kumahadsan shacabka badhaxlay  oo keenay iyadoo hadii aysan odayaashooda iyo dhalintooda aysan hawshan qaban lahayn aysan marnaba suurta gasheen qabashadiisu, shacabka deegaanka soomaalida oo ay lexo jeclo kaqabaan dartii bayna usameeyeen.

Marka waxaan usheegaynaa shaqsiyaadka al-shabaabka iyo fikiradii shuuciga ahaa kaduulaya ee itoobiya wax kasheegaya inay ogaadaan inay dad soomaali itoobiyaan ah ay wax kasheegayaan waana inay si degdeg ah ay dib uga gurtaan arrintaas, waxaana  Dadka soomaaliya ee qaylyaya aan usheegaynaa inay al-shabaabta udiiday nabadgalyada ee maalin walba laynaysa ee ubaahisay 30ka wadan ee kaladuwan ee dul fadhiya inay kahadlaan bay ahayd ee inay itoobiya kusoo meeraystaan ma aha.

Gabagabadiina cabdikariin deegaankiisii buu si nabadgalyo ah kujoogaa dadkuu ururkiisu xasuuqay buuna dhexjoogaa godey baana la keenay horumarkeedana wuu layaabay gudoomiyaha gobolka shabeele yaana qaabilay. Sidaadarteed, dawlada federalka ah ee itoobiya hadafkeedu wuu kawayn yahay shaqsi qorshaheeda 1aadna waa sida uga mid noqon lahayd wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

Raisal-Wasaaraha JDFI Oo Soo Xidhay Tababarkii Hogaaminta Sare

$
0
0

Addisababa (Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Raisal-wasaaraha JDFI mudane Haile mariam Desalegn ayaa soo xidhay tababarkii hogaaminta sare ee meles Academy uga socday xarunta dalka ee magaalada addisababa kulana dardaarmay inay tababarkan uga faaiideeyaan heerarka kaladuwan ee hogaaminta deegaanada iyo ismaamulada dalka. Wuxuuna raisal-wasaaruhu si cilmiyaysan usoo koobay maadooyinkii tababarka ee ay muadad 47 bari ah hogaaminta sare uga socday xarunta dalka, isagoo si qiiro leh oo cadcadaani ku dheehantahay usoo dhigay.

Dhanka kale raisal-wasaaraha ayaa si qoto dheer uga  hadlay (rent seeking) ama xoolo cirdoonimada wuxuuna sheegay inuu ogyahay dadka xoolo cirdoonka ah lagana talaaba qaadi doono. Waxaa kale oo uu raisal-wasaaruhu ka hadlay hirgalinta qorshaha GPT2.

Waxaa kale oo uu raisal-wasaaruhu ka hadlay arrimaha ku saabsan Erateria isagoo sheegay inay meesha ka baxeen ururadii nabadiidka ahaa ee uu soo hubayn jirtay erateria oo uu ku tilmaamay qorshaheeda hal bacaad lagu lisay , Isagoo tusaale usoo qaatay UBBO oo awr kiraale u ahayd erateria oo uu sheegay in waxa kali ah ee lagaga guulaystay ay tahay hirgalinta qorshaha horumarka iyo nabadgalyada oo uu deegaanku siday ahayd u hirgaliyay.

Wuxuuna raisal-wasaaruhu amaanay qorshihii nabadgalyada ee ay dajiyeen dawlada federalka ah, xukuumada deegaanka iyo shacabka DDSI oo meesha lagaga saaray nabadiidka isagoo intaa raaciyay in qorshahani yahay mid tusaale loogusoo qaadan doono deegaanada kale ee dalka sida deegaanka Gambeele oo ay markasta qabiilo kagasoo duulaan dhanka koonfurta sudan oo caruurta ka laayaan qaarna qafaashaan.

Dhanka kale raisal-wasaaraha dalka ayaa tusaale usoo qaatay sheeko dhexmartay isaga iyo madaxa hay’ada USAID mudane Mark Green oo raisal-wasaaraha uga sheekeeyay sheeko dhexmartay islaan udhalatay DDSI kadib booqashadiisii magaalada jigjiga islaantaas oo ku tidhi mr Mark Green meesha aad qamandiga nagasiinaysaan naga caawiya inaan anagu lasoo baxno waxsoosaarkaanaga, Naga caawiya dhanka waraabka iyo beerashada wuxuuna ninkani sheegay inay arrintani qalbigiisa taabatay islamarkaana ay tahay fariinta uu kula laaban doono Washington DC . Arrintan oo ku tusinaysay heerka garaadka aadka ukordhay ee shacabka deegaanka soomaalida oo shalay ahaa deegaanada dib udhacsan waxayna arrintan noqotay mid ay shalay ka doodeen dhamaan hogaaminta sare ee dalkeena itoobiya ee uu tababarka usoo xidhmay, Sidaa darted waxaa hogaaminta DDSI looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan ka midha dhalinta qorshayaasha horumarineed.    

Munaasabada Salaada ciidul Adxa oo si meeqaam sare ah loogu tukaday Garoonka Caasimada Deegaanka ee Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),jumce,1da September, 2017. Waxaa maanta si balaadhan oo farxadi ku dheehan tahay looga ciiday guud ahaanba caalamka islaamka dalkeena itoobiya gaar ahaan  deegaanka soomaalida itoobiya ciida barakaysan ee ciidul adxa ,  iyadoo boqolaal kun oo ku nool caasimada deegaanka ee  jigjiga ay si wada jir ah ugu tukadeen barxada wayn ee garoonka ciyaaraha kaladuwan ee magaalada jigjiga halkaas oo mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu  ku wehelinayaan afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq, golaha wasiirada DDSI  iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan ay kulatagadeen shacabwaynaha caasimada DDSI ee  jigjiga.

Haddaba, ka hor intaan salaada lagalin ayuu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  halkaa ka soo jeediyay hadalo muhiim ah isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta caalamka ee nabada jecel gaar ahaan muslimiinta reer itoobiya khaasatan shacabwaynaha deegaanka uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidal adxa   islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn. Madaxwaynaha ayaa sheegay in cadawga 1aad ee deegaanku yahay saboolnimada taasi oo ay xukuumada DDSI dajisay qorshayaashi lagu tir tirilahaa saboolnimada laguna midho dhalinayo  horumar waara oo joogtaysan iyo isku filnaansho dhinac kasta leh madaxwaynuhu sheegay in xukuumada DDSI munaasabada barakysan ee ciidal adxa ay cafis u fidinayso maxaabiista badan  kuwaasi oo u badnaan doona dumar iyo dadka waaway iyada oo hada ka dib maxaabiista loo samayn doona shaqo abuur iyada oo la barayo xirfadaha kala duwan  oo  ay ka shaqaystaan iyaga oo maxaabiis ah.

Dhankiisa waxaa ka hadlay munaasabadan salaada ciidal adxa gudoomiyaha golaha sare ee arimaha islaamka DDSI mudane sheekh Cabdiraxmaan Xasan Xuseen  oo ka warbixiyay ahmiyada  iyo  fadaa-isha ay leedahay munaasabadan ciidal adxa  isaga sheegay in xujaajdii sanadka gudatay waajibaadka xajma ee ka tagay DDSI ay nabad qab ku gudanayaan waajibaadkooda xajmka .

Tukashadii salaada ciida ka dib waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo masuuliyiintii kale ayaa mafaaso dheer la lugeeyay shacabwaynaha ka qaybtalay musasabada salaada ciidal adxa..Ugudanbayna, shacabwaynihii salaada ciida isugu yimid oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in nabad  iyo horumar  ku ciidaan.

 

 

Gobolka Liibaan Oo Munaasabada Salaada Ciidul Adxa Si Balaadhan Looga tukaday.

$
0
0

Fiiltu,(cakaaranews), jumce, 1da, September, 2017. Munaasabada salaada ciidul adxa ayaa siwayn  oo farxadi iyo rayn-rayn  ku dheehan tahay looga ciiday islamarkaana   loogu tukaday  salaada ciidal adxa xarunta gobolka liibaan ee filtu  iyada oo ay  siwada jir ah ugu  tukadeen barxada wayn ee magaalada filtu shacabwayne  aad u tiro badan iyo masuuliyiinta maamulka gobolka iyo kuwa degmada filtu oo ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka liibaan mudane Cabdi Xuseen Cali.

Munaasabadan salaada ciidal adxa oo jawi aad u qurux badan u dhacday ayaa waxaa ka hor intaan la tukan salaada ciidul adxa waxaa  la hadlay shacabwaynaha gudoomiyaha gobolka liibaan mudane Cabdi Xuseen Cali oo isagoo hambalyo udiray dhamaan muslimiinta reer itoobiya gaar ahaan bulshada DDSI  khaasatan shacabwaynaha gobolka lilbaan  uguna hambalyeeyay farxada ciida barakaysan ee ciidal adxa   islamarkaana ilaahay uga baryay inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo, farxad iyo rayn-rayn gudoomiyaha ayaa ka warbixiyay istaraatajiyadaha iyo jiyooyinka horumarineed ee ay xukuumada DDSI ku tir tiraysa saboolnimada kuna gaadhayso wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay isaga oo sharax dheerka bixiyay qorshayaasha  xooga saarayo  sanadka 2010TI kuwaasi oo ka jawaabaya daboolida baahiyaha bulshada iyo kor u qaaditaanka koboca dhaqaalaha gudoomiyaha ayaa si gaar ah uga warbixiyay qorshaha ah isku filnaanshaheena waan soo ceshankarnaa oo ah qorshe lagu tir tirayo saboolnimada.

Sidoo kale waxaa maanta siwayn oo farax leh looga ciiday dhamaan degmooyinka hoos yimaada gobolka liibaan taasi oo ay siwada jir ah ugu tukadeen barxadaha xarumaha degmooyinka gobolka libaan shacabwaynaha iyo masuuliyiinta maamulada degmooyinka gobolka liibaan.

 

 


Qurba-joog U Dhalatay Deegaanka Oo Soo Kormeertay Mashaariicaha Degmada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(cakaaranews)Sabti 2da Sepember 2017. qurbejoog u dhalatay deegaanka gaar ahaan gobolka qoraxey ayaa kormeer indho-indhayn ah kusoomaray qaarkamid ah mashaariicaha waawayn ee laga hirgaliyay degmada qabridahar. Iyadoo Qurbe joogtana ay horkacayeen maareeyaha kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajid xuseen mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin iyo waliba gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf.

Qurbejoogtan ayaa ujeedadoodu ahayd sidii ay u soo indho indhayn lahaayeen mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay degmada waxayna kormeerkooda kutageen mashaariicaha kala ah Garoonka diyaaradaha ee sida casriga ah loodhisay, jaamacada qabridahar, mashruuca waraabka ee maraacato iyo mashaariici kale oo kaladuwan.

Hadaba, maareeyaha kuliyada macalimiinta ee Dr cabdi majiid xuseen mudane kifaax cadulaahi macalin oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in qurbejoogtan u dhalatay gobolka qoraxey ay booqdeen garoonka casriga ah ee magaalada qabridahar, jaamacada qabridahar iyo waliba mashruuca wayn ee biyo xidheenka ee maraacato islamarkaana goobkasta ay kasiinayeen sharaxaado ku aadaan. Isagoo xusay in mashriicuhu aysan ahayn oo kali ah inta aybooqdeen balse ayjiraan masharrico kale.

Dhankakale, gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane yuusuf aadan yuusuf oo kulan layeeshay qurbejoogta ayaa siwayn uga warbixiyay qurbejoogta dhinacyada horumarka iyo maamulka suuban wuxuuna  xusay in ka dawlad ahaan ay sitoosa uga soobaxeen doorkoodii islamarkaana aysan kadaalaynin qorshayaasha udajisan ee dhinacyada horumarka iyo maamulka suuban, iyagana looga baahanyahay in ay doorkooda kaqaataan.

Ugudanbayna, dhankooda qurbejoogtii booqatay mashaariicahan oo dareenkooda kahadlay ayaa aad ubogaadiyay xukuumada Deegaanka oo sheegay in xukuumadani tahay mid ka go’naansho leh islamarkaana dadaal balaadhan samaysay. Waxayna xuseen in ka qurbejoog ahaan ay doorkooda kaga aadan dhinaca horumarka ay kaqaadanayaan

Ogaysiis: Qurba-joogta DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 2da September 2017. Waxaa la ogaysiinayaa qurba-joogta DDSI in la qabanayo xaflada qurba-joogta DDSI oo si heer sare ah loo agaasimayo sanadka cusub ee 2da iyo 3da bisha meskaram ee sanadka cusub 2010EC sidaas owgeed waxaa lagu wargalinayaa inay qurba-joogta ku sugan DDSI ay sidaas ula socdaan.

Dufcadii 8aad Ee Waxbarashada Xiliyada Xagaaga Jaamacada jigjiga Oo Maanta Qalin Jabisay

$
0
0

Jigjiga.(cakaaranews),Axad, 3da September,2017.  Xaflad   si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen dufcadii 8aad xiliyada xagaaga (Summer), looxjiidka iyo ardayda fagoonta (distance) waxku baran jiray jaamacada jigjiga oo ay tiradoodu dhantahay 822 arday    ayaa  maanta  ka qabsoontay hoolka  shirarka ee Sayid,MCX.

xafladan qalinjabinta dufcadii 8aaad ee ardayda jaamacada Jigjiga ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta sar sare oo ka tirsan xukuuamda DDSI   oo ay  ugu horayso madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo sucaad axmed faarax, masuuliyiinta jaamacada jigjiga oo ugu horeeyay madaxwayne ku xigeenka jaamacada jigjiga mudane Ilyaas Cumar,  waalidiinta ardayda qalinjabinaysa, kooxaha fanka iyo sugaanta ee deegaanka iyo marti sharaf kale.

Waxaana munaasabadan ugu horayntii ka hadshay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax  oo ugu horayn u hambalyaysay  ardaydan qalinjabisay maanta islamarkaana u mahad celisay  dadaalka ay wado jaamacada jigjiga ee suurta galisay in ay gaadhsiiso waxbarashad heer jaamacadeed dhamaan gobolad deegaanka oo ay maanta qaybtii ugu horaysay ee waxbarashada fogaanta wax ku baranjiray ee iyaga oo gobolada jooga waxbaran jiray maanta ay qalinjabiyaan  madaxwayne kuxigeenka  ayaa sheegtay in isbadalka horumarineed ee ka jira dalkeena itoobiya ay suurta galiyeen aqoon yahanada  kala duwan ee ka soo qalinjabiyay jaamacadaha kala duwan ee dalka madaxwayne ku xigeenka ayaa ku boorisay  ardaydan maanta qalin jabisay in ay ka midho dhaliyaan aqoonta ay sanadaha badan  baranayeen. Madaxwayne ku xigeenka  ayaa  sigaar ah ugu mahad naqday  shaqalaha dawlada ee iyaga oo waajibaadkoodii shaqo gudanaya   maanta qalinjabinay

Dhankiisa madaxwayne ku xigeenka jaamacada jigjiga mudane Ilyaas Cumar  oo ka hadlay munaasabadan ayaa bogaadinta iyo hambalyada uu u jeedayay ardaydan ka dib ka warbixiyay dadaalada iskaashi ee ay dawlada JDFI  iyo dawlada deegaanku ugu jiraan kor u qaaditaanka tayada waxbarashada dalka gaar ahaan deegaanka somalida itoobiya  si loo soo saaro cudud aqoon yahan oo ku gaashaaman aqoon iyo xirfado ay ugu adeeegaan shacabkooda isaga oo tilmaamay in ay maalinba maalinta ka danbaysa kor u sii kacayso heerka aqooneed ee ay jaamacada jigjiga bixiso madaxwayne ku xigeenka jaamacada ayaa sheegay in ardaydan maanta qalinjabisaysa oo ay tiradoodu dhantahay 822 arday isugu jiraan ardaydii wax baran jirtay xiliga xagaaga, kuwa looxjiidka ah iyo kuwa fogaanka waxku baray oo ay maanta tahay markii ugu horaysay ee ku jiran qalin jabinta ardayda wax ku baran jigay gobolad deegaanka sida qoraxay, jarar, shabeele,afdheer liibaan iyo siti taasi oo ay jaamacada jigjiga suurta galiyay in ay gaadhsiiso waxbarshada gobolada deegaanka   madaxwaynaha jaamacada ayaa sidoo kale sheegay in ay jaamacadu dadaal balaadhan ugu jirto sidii ay kaalin wayn uga qaatan lahayd wax ka qabashada dadaalada lagu horumarinayo bulshada deegaanka.

Ardaydan maanta qalinjabisay oo ay tiradoodu dhan tahay 822 arday isugu ,heerka  koowaad  degreega  iyo heerka diplomaha . waxaana xusid mudan in dufcadan maanta qalijnabisay  dufcadii ay tahay markii  ee ay ku jiraan ardayda waxka bartay waxbarshada jaamacada jigjiga ay ku bixiso gobolada deegaanka.

Gabagabadii munaasabadan qalinjabinta waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii gashay kaalmaha hore dhinaca dhibcaha waxbarashada.

 

 

525 Macalin Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Macalimiinta Ee Magaalada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar (cakaaranews)Axad 3da September 2017. Xaflad qalinjabin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kuqalinjabinayeen macalimiin tiradoodu dhantahay 525 macalin oo ah heerka macalinimo ee 10+1 ee loo yaqaano TTI, iyadoo xafladana ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta ugusaraysa gobolka qoraxey, masuuliyiinta kuliyada, masuuliyiinta maamulka magaalada qabridahar iyo waliba martisharfkale oo kaladuwan.

Hadaba, xafladan qalinjabinta ah ayaa waxaa ugu horayn kahadlay gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane yuusuf aadan yuusuf oo sheegay in kuliyadaha deegaanku ay yihiin kuwo kamid ah tiirasha horumarineed ee deegaanka islamarkaana ay xukuumadu siisay tixgalin gaar ah. Wuxuuna intaa kudaray in macalintan maanta kuqalinjabisay ay yihiin. Wuxuuna intaa kudaray in waxbarshadu ay atahay hawlaha muhiimka ah ee dawlau xoogu saaratay islamarkaana galaska 1aad ilaa heer jamacadeed oo ah PHD aytahay lacag la’aan. Wuxuuna kuladardaarmay macalimiinta in ay waajibaadkooda macalinimo sidii loogutalagalay ugu adeegaan dugsiyada hoose.

Sidookale, waxaa isna xafladan khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa  kasoojeediyay maareeyaha kuliyada waxbarashada macalimiinta ee magalaada qabridahar mudane Maxamuud Cabdiqani Axmed oo sheegay in maanta macaliiintan qalinjabisay ay dhanyihiin 525 macalin kuwaasoo lootababaray inay waxkabaraan dugsiyada hoose ee gobolada kala ah  doolo, afdheer, qoraxey, liibaan iyo shabeele. Wuxuuna maareeyuhu kuladardaarmay macalimiintan inay noqdaan kuwo kor uqaada tayada waxbarashada dugsiyada hoose ee goobaha lagu qoro.

Dhankale, kusimaha maayorka ahna hogaanka nabadgalayada MM Qabridahar mudane fadxi maxamud oo isna dhankiisa hanbalyo iyo dardaaran wax ku ool ah usoojeediyay macalimiintan kaqalinjabisay kuliyada.

Ugudanbayna, qaarkamid ah macalimiinta qalinjabisay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin qalinjabintan ay kuqalinjabiyeen macalinimada heerkaTTI ama 10+1. Waxayna balanqaadeen in si daacad ah oo wadaniyad leh uga shaqayn doonaan goobaha lagu qoro ee ah dugsiyada hoose dhexe ee tuulooyinka iyo degmooyinka deegaanka.

600 Oo Maxbuus Oo Xukuumadu Cafis U Fidisay Fadliga Ciidul-Adxa

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Axad 3da September 2017. Sida lawada ogsoonyahayba waxaa xukuumada DDSI caada u ah in sanadkasta 2 jeer  ay cafis u fidiso maxaabiista iyadoo labaadas jeera ay kala yihiin 2da ciidood ee barakaysan ee  kala ah Ciidul Fidri iyo Ciidul Adxa Islamarkaana maanta fadliga ciida barakaysan ee ciidul adxa cafis lagU siidaayay 600 oo maxbuus oo dhaqan celis ugu jiray xarumaha dhaqancelinta deegaanka. Kadaib markii uu Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu cafiskan kasheegay munaasabadii Ciidul adxaha.

Hadaba, maxaabiistan lasaamaxay ayaa intii ay xarumaha dhaqan celinta kujireen lagu siyay waxbarashada heerarkeeda kaladuwan iyo waliba xirfado ay kushaqaystaan islamarkana noqday kuwo saxmay oo kawaantoobay danbiyadii ay horay ugaleen.

Ugudanbayna, maxaabiistii lasoodaayay oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin cafiskan uu ufidiyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar. Waxayna tilmaameen in intii ay dhaqan celinta kujireen ay barteen cilmi badan islamarkaana ay shahaadooyinkii wataan. Waxayna balanqaadeen in danbi danbe aan lagu maqali donin oo ay u hogaansamayaan sharciga iyo nidaamka dalka iyo deegaankaba.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>