Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Tababar kusaabsan kaqaybgalinta bulshada ee dhinaca qorshe-samaynta ayaa ka furmay magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Talaado 8da August 2017. Tababar kusaabsan nidaamka kaqaybgalina bulshada ee qorshayaasha horumarineed islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaar kamid ah khabiirada iyo hawlwadeenada qorshaynta ee xafiisyada maaliyadaha  10 degmo oo laga xushay degmooyinka aan lahayn barnaamijka DRS ka ayaa ka bilowday magaalada jigjiga.

Hadaba, Iskuduwaha Qaybta Hay’adaha Caalamiga ah Ee Xafiiska Maaliyada iyo Hor-Dhaqaalaha DDSI mudane Xuseen Cabdulaahi Cumar oo kamid ahaa macalimiintii casharada bixinaysay ayaa sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay  kusalaynta qorshaha baahida bulshada iyadoo laga qaybgalinayo bulshada islamarkaana tashiyo kaladuwan lala samaynayo. Si qorshuhu u noqdo mid taabo gal ah baahidii bulshadana kajawaabaya.

Wuxuuna intaasi kudaray in tababarkan gaaban ay kasooqaybgaleen khabiirada iyo hawlwadeenada qorshaynta ee xafiiska maaliyadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee 10 degmo oo kamid ah degmooyinka aan lahayn barnaamijka DRS ka.

Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa  kaqaybgalayaasha lasiinayay casharo kuqotama noocyada qorshayaasha wanaagsan ee dhaxalagal ah, qiimaynta iyo dabagalka kaasoo casharaduna ahaayeen mid qoraala iyo kuwo practical ah.


Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo mm Deegaanka Oo Loo Gudbay Wareega 8da

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 8da August 2017. Tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka oo maalmahanba kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa Waxaa maanta ciyaaro aad u xiiso badani dhaxmareen  kooxaha kawada tirsan group A ee  Gobolka Sitti  iyo Gobolka Liibaan iyo waliba kooxaha kubada cagta ee Gobolka Daawa iyo MM Godey.

Hadaba ciyaartan dhexmartay labadan kooxeed ee gobolka sitti iyo gobolka liibaan oo ahayd ciyaarta loogu gudbayay wareega 8da ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday gobolka sitti islamarkaana iska xaadiriyay wareega 8da.

Dhanka kale waxaa iyaga wada ciyaaray labada kooxood ee xulka kubda cagta ee gobolka daawa iyo xulka kubada cagta ee mm godey oo ay ciyaar aad uxiisa badan ku dhexmartay halkaas. Iyadoo labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar wanaag balse waxaa ciyaarta ku gacab sareeyay gobolka Daawa islamarkaana 4-2 ku karbaashay kooxda kubada cagta ee mm godey. Wuxuuna gobolka daawa iska xaadiriyay wareega 8da.

Ugu danbayna kooxaha iskasoo xaadiriyay wareega 8da ayaa waxa ay iskugu aadi doonaan sidan hoos ku qoron.

Shaqaalaysiinta Ardayda Soo Qalinjabisay Oo Documenti Xarayntoodu Si Habsamileh U Socoto

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 9ka August 2017.Si loo sii adkeeyo horumarka iyo maamulka suuban islamarkaana loo taam yeelo dhanka cududa shaqaalaha ayaa waxaa si habsamileh uga socda kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI diwaanagalinta iyo documenti xaraynta  Ardayda deegaanka u dhalatay ee kasooqalinjabisay jaamacadaha kaladuwan ee dalka iyo waliba kuliyadaha.

Hadaba,  Agaasinka Waaxda Xidhiidhka Jaamacadaha ee XDSHSI mudane Mustafe Isaaq Aadan ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto diwaagalinta iyo hubinta shahaadooyinka ardayda deegaanka u dhalatay ee kasoo qalinjabisay jaamacadaha dalka iyo kuliyadaha. Wuxuuna intaa kudaray in xarunta dhaxe ee XDSHSI oo kaashanaysa xukuumada DDSI iyo xafiiska adeegashacabka iyo horumarinta cududa shaqaaluhu ay si wada jir ah u wadaan shaqadan ardayda iyadoo markay dhamaato diwaangalintanina ardayda lagu kala meelayn doono boosas waafaqsan cilmiga ama xirfada ay soobarteen islamarkaana lagu kala qori doono dhamaan heer deegaan ilaa iyo heer tuulo.

Wuxuuna tilmaamay in ardaydan loo meelayndoono sidii cadaalad ahayd ee loomeelayay ardaydii sanadkii hore islamarkaana ay noqon doonto gacantaada isku meelee isagoo arday kasta oo nasiibka meesha lagu qorayo uu gacantiisa ku qaadan doono.

Ugudanbayna ardaydii ladiwangalinayay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin nidaamkan looga  hubiyay documentiyada islamarkaana loodiwaangaliyay. Waxayna xuseen in ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI ee uu hogaanka u hayo Madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar..  

WAR DEG-DEG AH

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 9ka August 2017. Waxaa maanta duhurkii saacadu markay ahayd 2dii duhurnimo meesha layidhaahdo geeska cobolay indhaha loogu shiday ubboy aroori. Waxaa kale oo laqabtay nin kale oo sheegay xogo kale oo muhiim ah.

Hadaba xogtan oo ah mid si dhab ah loo xaqiijiyay faah-faahinteeda kalasoco www.cakaaranews.com

Kulan Lagu Ansixinayay Miisaaniyada Mashruuca PCDP Oo Ka Qabsoomay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada jigjiga.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco 9ka August 2017. Kulan lagu ansixinayay miisaaniyada cusub ee sanad miisaaniyeedka 2010TI  ee mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada (PCDP) islamarkaana lagu dhagaysanayay warbixinta waxqabadka mashruuca Horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah ee sanadkii 2009TI ayaa ka qabsoomay caasimada deegaanka ee jigjiga.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiisyada gudiga ka ah mashruucan oo ay ka mid yihiin xafiiska maamulka DDSI, xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga DDSI, xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI, xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI, caafimaadka, waxbarashada, xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI iyo wakaalada horumarinta iskaashatooyinka DDSI.

Hadaba,  kulankan Waxaa furitaankiisii ka hadashay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Khay-Biyaha ahna Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo halkaas ku soo bandhigtay  anjandayaasha  kulankan oo ay ka mid yihiin ansixinta miisaaniyada cusub ee sanadka 2010 ee mashruuca PCDP  oo dhan 893,450,000 (sideed boqol sagaashan iyo sadex millyan, afartan iyo shankun oo birr )taasi oo lagu fulinayo mashaariicaha u qorshaysan mashruuca sanadka cusub. Sidookalena  kulankan ayaa waxaa lagu dhagaystay warbixinta waxqabadka sanadkii 2009TI ee u qorshaysnaa mashruuca.

Dhankakale, maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ee DDSI mudane Cabdifataax Axmed Ismaaciil ayaa soo jeediyay warbixinta waxqabadkii sanadkii 2009TI warbixintaasi oo ku salaysnayd guulaha laga gaadhay fulinta qorshihii u yaalay mashruuca, maareeyaha ayaa sheegay in uu mashruucu ka hawlgalo 54 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka. wuxuuna sheegay in sanadkii 2009TI uu hirgaliyay  mashruuca PCDP mashaariico dhan   531 mashruuc kuwaasi oo ah mashaariico kor u qaadaya nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah. Maareeyaha  ayaa intaa ku daray in mashruucu kor u qaado kobcinta awooda fulineed ee degmooyinka uu ka halwgalo xoogana saaro xoojinta awooda iskaashatooyinka.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa laysla qaatay sidii loo sii xoojin lahaa fulinta qorshayaasha mashaariicaha iyada oo dhinaca kale si wayn loo amaanay fulinta qorshihii waxqabadka sanadkan 2009TI waxaana u qorshaysan mashruuca in sanadkan 2010TI  uu fuliyo mashaariico horumarineed oo dhan 497 mashruuc.

 

Kulan Kusaabsan Habraaca Maaraynta Kiisaska Caruurta Oo Kadhacay Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)khamiis 10ka August 2017. Kulan ay si wada jir ah u soo agaasimeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI, wasaarada arrimaha haweenka iyo hay’ada UNICEF islamarkaana kusaabsan Habraaca Maaraynta Kiisaska Caruurta ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadalay Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenk iyo Caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo sheegtay in shirkani yahay mid lagaga hadlayo islamarkaana lagu lafa gurayo habaraaca maaraynta kiisaska caruurta. Waxayna wasiiradau intaas kudartay in kulankan ay ka sooqaybgaleen khabiiro kasocday xafiisyada bahwadaagta la,ah xafiiska. Waxayna tilmaamntay in shirkan ay kasoobaxayaa qoraalo muhiim ah oo lagu diyaariyo habraaca maaraynta caruurta.

Sidookale, Agaasinka Waaxda Daryeelka Ilaalinta iyo Horumarinta Caruurta ee xafiiska arrimaha haweenka iyo  caruurta DDSI mudane mursal maxamed oo isna dhaniciisa kahadlay ayaa sheegay in shirkani yahay mid si balaadhan loogu falanqaynayo sidii loo soo saari lahaa habraac kaasoo lagu maareeyo kiisaska caruurta iyo waliba sidii jawaabcelin kuhaboon looga bixin lahaa dhamaan baahiyaha iyo dhibaatooyinka soo food saara caruurta.

ugudanabyna, Dhankooda qaarkamid ah xubnihii kasooqaybgalay shirkan ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin kasooqaybgalka shirkan islamarkaana ujeedooyinka iyo casharada shirka kasocdana ay yihiin kuwo aad muhiim u ah loona baahanayahay in xal waara laga gaadho.

 

Gobolka Daawa Oo Ku Guulaystay Tartankii Ciyaarta Laliska Ee Gobolada Iyo MM deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 10ka August 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga maalmahanba ka socaday tartanka ciyaaraha kaladuwan oo ay ku loolamayeen gobolada iyo ismaamul magaalooyinka deegaanka.

Hadaba waxaa maanta lasoo gabagabeeyay tartankii ciiyarta laliska oo ay ku tartamayeen gobolada iyo mm deegaanka islamarkaana ay  ciyaarta kaga danbaysta ah isugu yimaadeen kooxda gobolka Daawa iyo kooxda Gobolka faafan. Waxayna ciyaartu wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday gobolka daawa.

Ugu danbayna waxaa tartankan ciyaarta laliska ee lasoo gabagabeeyay ka hadlay agaasinka tababarada iyo tacliinta ee xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdi Cismaan Nuur oo sheegay inay tartankan isugu yimaadeen 4 kooxood oo kala ah kooxda gobolka daawa, kooxda gobolka faafan,kooxda gobolka qoraxey iyo kooxda gobolka liibaan. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray inuu tartanku si fiican kusoo dhamaaday islamarkaana ay guusha koobku raacday gobolka daawa oo ay ka badiyeen gobolka faafan, halka kalinta 3aad ay gashay gobolka qoraxey kaalinta 4aadna ay gashay gobolka liibaan.

28 Mooto Oo Ah Nooca Loo Yaqaano ZUZUKIda Ayaa Lagu Wareejiyay Degmooyinka

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 11ka August 2017. Mashruuca ONE WASH ee xafiiska horumarinta Khayraadka biyaha DDSI ayaa 28 mooto oo nooca loo yaqaano zuzukida ku wareejiyay xafiisyada biyaha ee 28 degmo ee uu mashruucani kashaqeeyo.

Hadaba, Aagaasinka Qorshaynta, Dabagalka, Qiimaynta iyo Iskuxidka Hay’adaha ee Xafiiska Horumarinta Kharaadka Biyaha mudane Maxamed Cumar Siraad oo kahadlay mootooyinkan ayaa sheegay in mootooyinkan loogu talagalay xafiisyada biyaha ee degmooyinka uu ka hawlgalo mashruuca ONE WASH. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in mootooyinkani yihiin kuwo tayaleh oo ah nooca ZUZUKida islamarkaana ay ka qaybqaadanayaan dhanka adeeg bixinta xafiiska.

Agaasinka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in mootooyinkani ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee xafiisku kasoo gado mashruuca ONE WASH iyadoo degmooyinka uu kula dardaarmay in mootooyinkan ladaryeelo oo la ilaashado islamarkaana lagu qabto shaqooyinka loogu talagalay.

Iskusoowada duuboo, mashruucan ONE WASH ayaa ah kashaqeeya xafiisyada horumarka deegaanka islamarkaana si fiican uga qaybqaato dhinacyada horumarka iyo kaabayaasha dhaqaale.


Kulan Lagaga Hadlayay Kaalinta Ay Bangiyadu Ku Leeyihiin Hirgalinta Nidaamka Warshadaha Oo Ka Dhacay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 11ka, August, 2017. Kulan looga  hadlayay sidii  bangiyada ka hawlgala deegaanka kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyay kaalin  mug leh uga qaadan lahaayeen horumarinta nidaamka warshadaha  islamarkaana kaalin  uga gaysan lahaayeen    hirgalinta qorshayaasha kala duwan ee lagu horumarinayo qaybaha kala duwan ee  bulshada deegaanka  iyo sidii ay  bangiyadu  uga qayb  qaadan lahaayeen hirgalinta barmaamijka guriyaynta macalimiinta deegaanka ayaa ka dhacay caasimada deegaanka ee jigjiga.

Kulankaasi oo  uu soo diyaariyay xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ayaa waxaa hogaaminayay wasiir  ku xigeenka ganacsiga gaadidka iyo warshadaha DDSI mudane Ahmed Shugri, iyo wasiirku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur  iyada oo ay ka soo qaybgaleen  masuuliyiin ka socday  bangiyada  dawliga ah  iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka hawlgala xarunta deegaanka ee jigjiga.

Kulankan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri Cabdi oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo taaba galin-lahaa  hirgalinta  nidaamka warshadaynta  DDSI loona xalin lahaa  carqaladaha ku iman kara  nidaamka  maaliyadeed  ee lagu hirgalinayo warshadaha iyada oo la soo bandhigayo dasaaraad la sameeyay loo lagu xalinayo carqaladaha jiray  taasi oo loo baahan yahay in ay bangiyadu  dar dargaliyaan ka faa’iidaysiga  lacagaha loogu talagalay in ay uga qayb-qaataan dhinaca  horumarinta warshadaha nidamkaasi oo suurta galinaya in ay hantiilayaashu   iyo ganacsatadu ka  qaybka qaataan hirgalinta nidaamka  warshadaha wasiir ku xigeenka ayaa sheegay   si loogu guulaysto nidaamka warshadaha oo ah qorshaha deegaanka iyo dalku ku rabo in   wax soo saarka beeraha lagu-hago warshadaha taasina lagama maarmaan u tahay iskaashiga hay’adaha dawliga, hantiilayaasha, iyo bangiyada.  Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi u daray in kulankan looga hadli doono sidii ay bandhiyadu doorkooda uga qaadan lahaayeen hirgalinta guryaha loo dhisayo macalimiinta deegaanka.

Dhankiisa waxaa ka hadlay kulankan wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska waxbarashada  DDSI ugu jiro taaba galinta tayada waxbarashada iyo guulaha laga soo hooyay kor u qaaditaanka tayada waxbarashada heerarkeeda kala duwan wasir ku xigeenka ayaa sheegay in sanadkan xooga 2010TI  xooga la saarayo sidii loo daboolilahaa  baahida macalimiinta deegaanka islamarkaana ay  xukuumada DDSI qorshe ahaan u qaataday in macalimiinta deegaanka guryo loo dhiso wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in si loo suurta galiyo qorshahaasi loo baahan yahay  in ay bangiyada deegaanka ka hawlgaleen ay ka qayb-qaataan hirgalinta qorshahaasi islamarkaana  bixiyaan lacag dayn bilaa ribo ah.

Dhankooda masuuliyiin ka socday bangiyada kala duwan ee ka hawlgala deegaanla  ayaa soo dhaweeyay qorshahan loo soo bandhigay iyaga oo sheegay in ay kaalin mug leh ka  qaadan doonaan islamarkaana kala shaqayndoonaan xukuuamda DDSI hirgalinta nidaamka warshadaha iyo   horumarinta adeegyada   bulshada deegaanka.  

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Iibka iyo Shuruucdooda Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 11ka August 2017.Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI waaxdiisa iibka iyo maamulka hantida dawlada islamarkaana loo hayay xubno tiradoodu dhantahay 120 xubnood oo kakala yimid qaar kamid ah degmooyinka gobolada deegaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta yo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed  oo ka warbixiyay tababarkan ayaa sheegay in tababarkani ahaa mid lagu kabcinayo awooda fulineed kobcinta ee khabiirada iyo gadhwadeenada geedisocoyada iibka iyo maamulka hantida ee qaarkamid ah degmooyinka hoosyimaada gobolada Faafan, Siti, Jarar, Nogob iyo Erer. Wuxuuna wasiirku tilmaamay in tababarkani yahay mid kasooqaybgalayaasha lagu barayay casharo kusaabsan nidaamka iibka dawlada iyo shuruucdooda. Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in casharada iyo culuumta kaleduwan ee ay ku barteen  uu sida uu yahay  ugu shaqeeyaan islamarkaana ay ka dhaqan galiyaan degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Dhinaca kale, Gadh-Wadeenka  G/S  Iibka iyo Maamulka Hantida Dawlada Mudane Cabdisalaam Axmed Maxamud oo isna kahadlay ayaa sheegay in tababarkan ay kasooqaybgaleen 120 xubnood kuwaasoo isugujiara Gadhwadeenada iyo khabiirada waaxyaha iibka iyo maamulka hantida dawlada ee xafiisyada maaliyadaha degmooyinka. Wuxuuna intaa kudaray in ka waax ahaan ay qorshaha ugu jirto sanad-walba kobcinta awooda ee khabiirada iibka iyo maamulka hantida ee degmooyinka islamarkaana uu tababarkani kamid ahaa qorshayaasha lagu kobcinayo garaadka aqoonta ee shaqaalaha iibka iyo maamulka hantida.   

Ugudanbayna, dhankooda kaqaybgalayaashii tababarkni oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin casharadan muhiima ah ee ay mudada baranayeen waxaynatilmameen in ay sifiican ubarteen shuruucda iibka iyo amulka hantida iyo nidaamyadooda islamarkaana lasiiyay documentiyadoodii oo dhan.

Tababar Lagu Baranayo Xirfadaha Isku Xidhka Tuunbooyinka Casriga Ah Ee Biyaha Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), jumce, 11ka August, 2017. Tababar ku saabsan xirfadaha iyo farsamooyinka layskugu xidho islamarkaana layskugu dhalaaliyo  tuunbooyinka  biyaha casriga ah ee loo yaqaano HDP oo loo qabtay khabiirada iyo farsamo yaqaanada hawlaha biyaha ee ka shaqeeya xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, wakaalada qodida  ceelasha biyaha DDSI iyo wakaalada dhismaha hawlaha biyaha DDSI ayaa ka dhacay jigjiga.

Tababarkan oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI iyo  shirkada tine drilling industry ayaa waxaa furitaankiisii  ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil iyo masuuliyiin ka socday shirkada tine drilling industry

Waxaana furitaankii tababarka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkani   isaga oo sheegay in mudada uu socto  tababarkani  lagu baran doonaa cashiro ku saabsan hab isticaalka isku xidhka  tuunbooyinka casriga ee loo isticmaalo biyo galinada mashaariicaha waawayn  iyaga oo si ficil ahna loo  qaadan doona barashada  nidaamka casriga wasiir ku xigeenka ayaa ka warbixiyay dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto  ka midho dhalinta  qorsheyaasha lagu horumarinayo hirgalinta mashaariicaha biyo galinada waawayn in ay  muhiimtahay  isticmaalo tuunbooyinka casiriga ah ee biyo galinada deegaanka  

 

Tababarkan ayaa mudada uu socdo waxay  khabiirada iyo farsamo yaqaanada biyuhu ku baran-doonaa cashiro iyo farsamooyin la xidhiidha isticmaalka tuunbooyinka casriga ah iyada oo ay xusid mudan tahay in hada ka hor tuunbooyinkani casirga ah ee loo yaqaano HDP in loogu  isticmaalay mashaariicaha biyo galinada kala duwan ee deegaanka gaar ahaan mashaariicaha biyo galinta  Gunagado, Masrin Dhanaan Fiiq, Sagag Dhagaxmadaw iyo Wardheer iyada oo wakhtixaadirkana la wado in loo isticmaalo tuunbooyinkan casiga ah mashruuca biyo galinta jigjiga wajigiisa 2aad 

Dhalinyarta Sookoraysa Ee Deegaanka Oo U Ambabaxay Tartanka 5aad Ee Heer Qaran Ee Dhalinta Sookoraysa

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 12ka August 2017.  Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka ambabaxay kooxaha ciyaaraha tartamada kaladuwan ee deegaanka ee da’doodu kayartahay 17 jirka islamarkaana u dhaqaaqay dhanka xarunta caasimada deegaanka koonfureed ee Hawaasa oo lagu qabanayo tartanka 5aad ee tartamada kaladuwan ee ciyaaraha dhalinta da’doodu ka yartahay 17jir , sida ciyaarta kubada cagta, mida laliska, Tayniska orodka IWM.

Hadaba wasiir kuxigeenka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaarha DDSI mudane Cabdishakuur cismaan Khayre oo ambabixii kooxahan deegaanka ka hadlay ayaa sheegay inay kooxahan yihiin kooxo kala duwan oo ka qaybgalaya tartanka 5aad ee ciyaaraha kala duwan ee dalka ee dhalinyarada da’doodu ka hoosayso 17jirada dalka oo lagu qabanayo magaalada Hawaasa. Wuxuuna mas’uulku intaa ku daray inay kooxaha deegaanku guul ka kasoo hoyiyeen tartankii ciyaaraha kala duwan ee kilaada xooladhaqatada ah ee lagu  qabtay magaalada harar isalmarkaana ay guulo wax ku ool ah kasoo hoyin doonaan tartankan lagu qabanayo magaalada hawaasa. Sidoo kale wuxuu mas’uulku xusay inay guulahan ay soo hoyinayaan kooxaha deegaanku ay ku timid dadaalka ay xukuumadu ugashay siday dhalinta deefaanku ooga qaybgali lahaayeen guulana ooga keeni lahaayeen tartamada ciyaaraha kaladuwan ee dalka iyo kuwa heer caalamba.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay dhalinta ka qaybgalaysa tartanka ciyaaraha kaladuwan ee dhalinyarada da’doodu ka hoosayso 17jirka oo sheegay inay ka qaybgalayaan tartankan isalmarkaana ay rajaynayaan inay guul lasoo laaban doonaan.

Kooxaha Gobolka Daawa Iyo Sitti Oo Iska Xaadiriyay Wareega 4ta

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 12ka August 2017. Tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka oo maalmahanba kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa waxaa bilowday wareega 8da oo ay maanta wada ciyaareen kooxaha gobolada qoraxey, mm jigjiga, gobolka daawa iyo gobolka sitti.

Waxaana saaka aroornimadii ciyaar xiisa leh dhexmartay kooxda gobolka daawa iyo kooxada mm jigjiga ciyaartan oo tageero aad utira badan soo buux dhaiyeen garoonka ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda gobolka daawa, sidaasna ay kooxda gobolka daawa oogu gudbeen wareega 4ta.

Dhanka kale waxay galinkii danbe maanta ciyaar aad uxiisa badan oo lawada sugayay dhex maratay kooxda gobolka Sitti iyo kooxda gobolka Daawa, Ciyaartan oo ay kooxda gobolka sitti soo bandhigtay ciyaar wanaaga ayaa waxay wakhtigii loo talagalay kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda gobolka Sitti islamarkaana ay iskaxaadiriyeen wareega 4ta.

Sikastaba ha ahaatee tartanka ciyaaraha kala duwan ee ka socda xarunta deegaanka ayaa maraya gabagabo meesha ciyaaraha qaar koodna ay dhamaadeen. Kuwan socdana ay sidii loogu talagalay usocdaan.

Munaasabad Ku Saabsan Yaraynta Shilalka Gawaadhida Oo Ka Qobsoontay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 12ka August 2017. Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay oo ay dulucdeedu ahayd mid lagu qorfaynayay sidii loo xakamayn lahaa loogana hortagi lahaa shilalka gawaadhida loona xoojin lahaa bad-baadada wadooyinka ayaa ka dhacday madasha shirarka ee sayid MCX ee xarunta deegaanka.

Munaasabadan oo uu soo diyaariyay xafiiska Gaadiidka Ganacsiga iyo Warshadaha DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, ciidanka baanboyda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada deegaanka ee jigjiga. Munaasabadan oo socdaal lug ah lagu soo maray qaarka mid ah wadooyinka waawayn ee caasimada deegaanka ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar oo sheegay in loo baaahan yahay in siwada jir ah looga hortaga sidii loo xakamayn lahaa shilalka gawaadhida iyada oo xooga la saarayo bad-baadada dawooyinka wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan cida ay sida tooska ah u khusayso in ay xooga saaraan sidii loo xakamayn lahaa shilalka gawaadhida.

Hadaba  Munaasabadan oo halku dhig looga dhigay”ka hortaga shilalka iyo bad-baadada wadooyinka ayaa ku xaqiijinaynaa dib u curashadeena” ayaa waxaa dhankiisa ka hadlay wasiir ku xigeenka ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shurgi oo sheegay in xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshaduhu dadaal xoogan ugu jiro sidii uu u xaqiijin lahaa xakamaynta ,ka hortaga shilalka iyada oo la raacayo shuruucaha deegaanka iyo dalkaba u yaala wasiir ku xigeenka ayaa ku booriyay wadayaasha gawaadhida in ay muujiyaan dadaal xoogan oo lagu xakameeyo shilalka gawaadhida iyo bad-baadada wadooyinka. Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshad ka soo qayb-gashay munaasabada ayaa sheegay in ay siwayn uga soo baxayaan kaalinta kaga aadan sidii loo yarayn lahaa shilalka gadhaadhida iyo bad-baadada wadooyinka.

Inaa-lilaah wa inaa ilayhi raajicuun

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 13ka August 2017. Inaa-lilaah wa inaa ilayhi raajicuun waxaa maanta ku geeriyooday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga allah ha u naxariistee Marxuumad Faisa Aadan Xuseen oo kasoo shaqaysay mudo warbaahinta deegaanka. Waxayna XDSHSI iyo xukuumada DDSI   tacsi tiiraanyo leh u direen ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI ee ay  ka geeriyootay marxuumada . Waxayna marxuuda illaahay uga baryeen in uu jano fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan umada ay ka geeriyotdayna samir iyo iimaan kasiiyo.


Kulan Balaadhan Oo Loo Qabtay Macalimiinta Xiliga Xagaaga Waxkabarata Jaamacada Jigjiga iyo Kuliyada TTC

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Axad 13ka August 2017. Kulan balaadhan oo uu sooo agaasimay xafiiska waxabartashada DDSI islamarkaana loo qabtay macalimiinta xiliga xagaaga waxkabarata jaamacada jigjiga iyo kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen ayaa si habsamileh uga qabsoomay hoolka shirarka ee isla kuliyad.

Kulankan ayaa waxaa kasooqaybgalay wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur, maareeyaha kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdi-Majiid Xuseen Mudane Kifaax Macalin, sidookale, waxa ka soo qaybgalay agaasinada xafiiska waxbarashada, ururka macalimiinta DDSI iyo masuliyin kale

Hadaba, kulankan oo uu shirgudoon ka ahaa wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxmuud Axmed Nuur (Heeryo) ayaa ugu horayn u mahadceliyay dhamaan macalimiinta iyo masuuliyiinta kasooqaybgalay shirkan. Wuxuuna sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay in macalimiinta fahan buuxa laga siiyo geedisocodka waxbarasho iyo higsiga waxbarasho islamarkaana la isla falanqeeyo Gaabka iyo dhaliilaha kajira dhanka baris barasho iyo dugsiyada ay kakala yimaadeen macalimiintani. Wuxuuna intaa kudaray in sidookale ujeedada kulankani yahay mid kor loogu qaadayo garaadka waxbarasho ee macalimiinta. Waxuuna tilmaamay in kulankan lagu soo bandhigayo qorsheyaasha xafiiska waxbarashada DDSI, yoolka lahiigsanayo, iyo waliba sidiiloo sixilahaa goldolooladii kajiray dugsiyada sanadkan 2009 T.I. iyo waliba sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada ee guud ahaan deegaanka..

Sidookalana, Wasiir kuxigeenka  ayaa bareyaasha iyo hogaaminta waxbarashada kula dardaarmay in dugsi kasta laga furo 0 class iyadoo la dardar galinayo waxbarashada caruurta baahida gaarka ah qabta iyo waxbarashada dadka waawayn.

Dhanaca kale, shirkan ayaa waxaa iyana fariimahooda ku’aadan macalimiinta kabixinayay qaarkamid ah agaasimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI , waxaana casharada soo bandhigayay khabiiro katirsan xafiiska waxbarashada DDSI.

Ugudanbayna, kaqaybgalayaashii kulankan oo dareenkooda kahadlay ayaa si aad ah u bogaadiyay shaqooyinka wax ku oolka ah iyo guulaha waawayn ee uu xafiisku kasoo hooyiyay hawlaha baris-barasho ee sanadka 2009 T.I taasoo aan suuro gasheen hadii aysan hogaaminta sare ee xafiisku kago’naansho la iman lahayn. Waxayna  ballan qaadeen in ay si adag ugasoo bixi doonaan xilka iyo waajibaadka saaran.

 

Kooxaha Gobolka Dollo Iyo MM Wajaale Oo Ugudbay Wareega 8da

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 13ka August 2017. Tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka ee kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa waxaa bilowday wareega 8da oo ay maanta wada ciyaareen kooxaha gobolada Faafan, mm wajaale, gobolka Shabeele iyo gobolka Dollo.

Waxayna saaka aroornimadii ciyaar xiisa leh dhexmartay kooxda gobolka Faafan iyo kooxada mm wajaale ciyaartan oo tageero aad utira badan soo buux dhaiyeen garoonka ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbaro 1-1 waxaana loo dhigay rigoore oo ay guushu ku raacday kooxda mm wajaale , sidaasna ay kooxda mm wajaale oogu gudbeen wareega 4ta.

Dhanka kale waxay galinkii danbe maanta ciyaar aad uxiisa badan oo lawada sugayay dhexmaratay kooxda gobolka Dollo  iyo kooxda gobolka Shabeele, Ciyaartan oo ay kooxda gobolka Dollo soo bandhigtay ciyaar wanaag ayaa waxay wakhtigii loo talagalay kusoo dhamaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday kooxda gobolka Dollo islamarkaana ay iskaxaadiriyeen wareega 4ta.

Sikastaba ha ahaatee tartanka ciyaaraha kala duwan ee ka socda xarunta deegaanka ayaa maraya gabagabo meesha ciyaaraha qaar koodna ay dhamaadeen. Kuwan socdana ay sidii loogu talagalay usocdaan.

Kulan Shaqo Abuur Loogu Samaynayo Dhalinyarada MM dh/buur Oo Ka Furmay Dhagaxbuur.

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews), Isniin, 14ka August , 2017. Kulan  balaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayay dhalinyaro dhan 797 xubnood  oo ka kooban 78  iskaashato oo laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada dhagaxbuur ayaa maanta ka dhacay madasha shirarka ee mm dhagaxbuur.

Haddaba,kulankan  shaqo abuurka loogu samaynayay dhalinyarad  isugu xidhan iskaashatooyinka  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi maxamed , maareeyaha ha’yada lacagaha yar yar DDSI mudane maxamed Cabdiraxmaan, masuuliyiin kale iyo xubnaha dhalinyarada shaqo abuurka loo samaynayo.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay  kulankan wasiirka madaxtooyada DDSI mudane cabdimahad maxamed cabaase oo si qoto dheer uga warbixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee  u dajisan xukuumada DDSI ee lagu tir tirayo saboolnimada korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaana taasi oo meelaha shiishka la saarayaa tahay shaqo abuurka dhalinyarada deegaanka loona baahan yahay in dhalinyaradu noqdaan kuwa ka midho dhaliya yoolasha loo dajiyay ee la hiigsanayo. Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada kulankana tahay sidii loo dhalinyarada bilaa calamka ah loogu samayn lahaa shaqo abuur iyada la dayminayo lacaga ay ku shaqaystaan si  hirgaliyo tir tirida fikirka ma shaqayste nimada wasiirka ayaa intaa ku daray in ka hor inta aan la daymin dhalinyaradan lacagaha loo furayo tababar gaaban oo ku saabsan xirfadaha kala duwan ee ganacsiga

Dhankiisa wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi maxamed  oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in  ujeedada kulankani  qayb ka tahay   qorshayaasha ay xukuumada DDSI ku    xoojinayso   abuuritaanka bulsho ku baraarugsan iskuna sharafta shaqada  isku filnaanshaha iyo wax soo saarka kana madaxbanaan  fikirada mashaqayste nimada, shaxaadka iyo dulsaarnimada wasiirka ayaa ku booriyay dhalinyaradan iskugu xidhan iskaashatooyinka in ay xooga saaraan sidii ay u taaba galin lahaayeen meelmarinta qorshahan kana faa’iidaystaan fursadahan ay siiyay xukuumada DDSI.

Ugu danbayntii maaha markii ugu horeesay ee ay xukuumada DDSI shaqo abuur u samaysay dhalinyarada DDSI ee waxay sanadihii ugu daneeyay xooga saartay sidii loo tir tirilahaa saboolnimada iyo mashaqaysta nimada loona taaba galin lahaa gaadhida horumar waara oo joogtaysan   taasi oo kumanaan dhalinyaro ah  oo markii hore  bilaa camal ah inta la baray xirfadaha kala duwan ee ganacsiga ka dib shaqo abuur loo sameeyay.

 

 

Kulan Balaadhan Oo Shaqo Abuur Loogu Samaynayo Dhalinyarada MM Qabridahar Ayaa Ka Furmay Magaalada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Isniin, 14ka August , 2017. Kulan  balaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayay dhalinyaro dhan 1,300  xubnood  oo ka kooban iskaashatooyin kaladuwan  islamarkaana laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada qabridahar ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee mm qabridahar.

Haddaba,kulankan  shaqo abuurka loogu samaynayay dhalinyarada  isugu xidhan iskaashatooyinka  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI Mudane Deeq Cabdulaahi Buraale, Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan, Gudoomiyaha gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo dhalinyarta shaqo abuurka loo samaynayay ee mm qabridahar.

Waxaana ugu horayntii kulankan ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale oo si faahfaahsan ooga hadlay in nidaamka iyo qorshayaasha u dajisan xukuumada uu yahay sidii loo tirtiri lahaa cadowgeena koobaad oo ah saboolnimada islamarkaana si taas loo gaadhana shiishka la saarayo  shaqo abuurka dhalinyarada deegaanka loona baahan yahay in dhalinyaradu noqdaan kuwa ka midho dhaliya yoolasha loo dajiyay ee la hiigsanayo. Wuxuuna mas’uulku intaa kudaray in ujeedada kulankan tahay sidii loo dhalinyarada bilaa calamka ah loogu samayn lahaa shaqo abuur iyada la dayminayo lacaga ay ku shaqaystaan si loo hirgaliyo tir tirida fikirka ma shaqayste nimada islamarkaana in ka hor inta aan la daymin dhalinyaradan lacagaha loo furayo tababar gaaban oo ku saabsan xirfadaha kala duwan ee ganacsiga.

Dhankiisa Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan oo kahadlay kulankan ayaa isana sheegay in  ujeedada kulankani uu qayb kayahay  qorshayaasha ay xukuumada DDSI ku    xoojinayso   abuuritaanka bulsho ku baraarugsan iskuna sharafta shaqada  isku filnaanshaha iyo wax soo saarka kana madaxbanaan  fikirka cidhiidhyoon ee mashaqayste nimada, shaxaadka iyo dulsaarnimada. Wuxuuna wasiirku ku booriyay dhalinyaradan iskugu xidhan iskaashatooyinka in ay xooga saaraan sidii ay u taaba galin lahaayeen meelmarinta qorshahan kana faa’iidaystaan fursadahan ay siiyay xukuumada DDSI.

Ugu danbayntii maaha markii ugu horeesay ee ay xukuumada DDSI shaqo abuur u samaysay dhalinyarada DDSI ee waxay sanadihii ugu danbeeyay xooga saartay sidii loo tir tirilahaa saboolnimada iyo mashaqaysta nimada loona taaba galin lahaa gaadhida horumar waara oo joogtaysan   taasi oo kumanaan dhalinyaro ah  oo markii hore  bilaa camal ahaa inta la baray xirfadaha kala duwan ee ganacsiga ka dib shaqo abuur loo sameeyay.

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarshada DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Tayaynta Waxbarashada Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Isniin, 14ka August 1, 2017. Wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay guulaha laga soo hooyay qorshihii sanadka 2009TI ee ku salaysnaa dhinaca kor u qaaditaanka tayada waxbarashada deegaanka .

Wasiirku xigeenka ayaa sheegay in bilowgii qorshihii   sanad dugsiyeedka  2009TI uu  xafiiska waxbarshada DDSI   dajiyay  tabo iyo xeelado suurta galinaya gaadhida iyo ka midho dhalinta natiijada qorshaha taasi oo sal looga dhigay iskaashiga bahda waxbarashad iyo baw-wadaagtooda iyada oo si gaar ah diirada loo saaray iskaashiga joogtada ah ee ay leeyihiin  xafiiska waxbarashada, macalimiinta ardayda  iyo waalidiinta ardayda   taasi ayaa suurta galisay ayuu yidhi wasiir ku xigeenku in dhamaanba qaybaha kala duwan ee waxbarshada  sidii uu qorshuhu ahaa loo fuliyo lana gaadho natiijo wax ku ool ah.

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in ka guul gaadhida qorshihii sanadkii 2009it ee dhinaca  tayada baris barasho ay ka  mid ahaayeen  in dhamaan dugsiyada deegaanka gaar ahaan kuwa ku yaala degmooyinka iyo  tuulooyinka DDSI ee ay wakhtiyadii hore ku yaraayeen macalimiintu in bilowgii sanadkan  la daboolay baahidii dhinaca barayaasha iskuulada iyada oo  lagu xoojiyay macalimiin tayo aqooneed leh. sidoo kale waxa xooga la saaray ayuu yidhi wasiir ku xigeenku in la soo saaro manhajka  waxbarashada  oo tiro iyo tayaba leh kaas oo kor u qaaday  tayada waxbarashad deegaanka. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray xooga la saaray laguna guulaystay  in abaartii ka dhacday   qaarka mid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka darteed uuna ardayna u joojin waxbarashada iyada oo dhamaan dugsiyad ku yaala degmooyinka abaaruhu saameeyeen laga bilaabay quudinta laguna guulaystay in uuna ardayna u joojin/ u loox-tuurin  abaarta darteed.Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku in guulaha laga gaadhay qorshihii sanadkii 2009TI   ay tahay ta ka muuqata guusha ay ardaydii  deegaanku ka soo hooyeen natiijada imtixaanaadkii heer qaran ee dugsiyada sare  oo guud ahaanba ardayda deegaanka ka soo hoysay natiijo sare.

Ugu danbayntii waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku in sanadka cusub ee 2010TI  uu xafiiska waxbarashada DDSI xooga saarayo sidii uu u xaqiijin lahaa   taamyeelida tayada waxbarashada iyada oo xooga la saarayo waxyaabaha gashiga u ah tayada waxbarashada sida in la daboolo baahida dugsiyada, tan macalimiinta oo sanadka qorshuhu yahay in dhamaan macalimiinta deegaanka la daboolo baahidooda iyada oo loo dhisayo guryo waxaa kale oo la  suurta galinayaa  sidii ardayda iyo macalimiinta looga xaqabtirilahaa helidaanka aaladaha casriga ah waxaa kale oo aan xooga saaraynaa ayuu yidhi  wasiir ku xigeenku kor u qaaditaanka ka qaybgalka waxbarashada  dumarka  iyo tayaynta indaamka baris barasho ee dugsiyada deegaanka si looga guul gaadho xaqiijinta tayada waxbarashada deegaanka.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>