Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Wafti Qurba Joog Ah Oo Socdaal Booqasho Ah Ku Maraya Qaarka Mid Ah Degmooyinka Gobolada Jarar Iyo Qoraxay.

$
0
0

Dhagaxbuur,(cakaaranews), talaado, 1da, August, 2017. Wafti qurba joog u dhalatay deegaanka gaar ahaan gobolka jarar oo ka kala yimiday qaaradaha aduunka sida Africa, Australia, America yurub, Canada iyo Asia  oo uu hogaaminayo hogaan ku xigeenka Nabadgalyada, Maamulka iyo Cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak ayaa ka anbaxaya caasimada deegaanka ee jigjiga iyaga oo u kicitimay dhianca gobolad jarar iyo qoraxay.

Waftigan ayaa ka hor intii aanay gaadhin caasimada gobolka jarar ee dhagaxbuur waxay sii booqdeen siina indho dhindheeyeen  mashaariico horumarineed oo ay ka mid yihiin mashruuca wayn ee biyo galinta tuulooyinka Galiile,Cobale  iyo Higlalay kaasi oo ah mid 5tii KM laga sameeyay goob biyaha lagu kaydiyo oo ay ka   cabaan dadka iyo duunyadu waana mashruuca ka mid ah mashaariicaha ay xukuumada DDSI kaga jawaabtay baahidii biyo la aanta ee wakhtiyadii hore soo ragaadiyay shacabka deegaanka.

Waftigan qurba joogta ah oo tuulo, magaalo iyo mashruuc kasta oo ay gaadhaanba siwayn loogu soo dhawaynayay ayaa waxay gaadheen xarunta gobolka jarar ee dhagaxbuur halkaasi oo si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay waftigan ka dibna booqday mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay caasimada gobolka jarar mashaariicahaasi oo ay ka mid yihiin mashruuca laydhgalinta magaalada dhagaxbuur oo hadda meel gabagabo ah maraya, mashruuca dhismayasha kuliyada farsamada gacanta dhagaxbuur, dhismayaasha dugsiga sare oo ah mid casriya oo hadda laga hirgaliyay magaalada dhagaxbuur    sidoo kale waftigan ayaa booqday mashaariicaha kala duwan ee ay leeyihiin iskaashatooyinka ka hawlgala maamulka magaalada dhagaxbuur sida iskaashada soo saarta saabuunta iyo tan naaxtinta xoolaha.

Sidoo kale waftigan qurba joogta ah ayaa maanta booqday soona kor-meeray  mashaariicaha waawayn ee waraabka beeraha  ee lagu xaqiijinayo gaadhida horumar waara, joogtaysan oo aan soo noqod lahayn  islamarkaana  lagu tir tirayo sabaalnimada, sustainable development goals (SDG) ee ay ka mid yihiin mashaariicaha waraabka beeraha ee Baka, Birqod, Goomaar iyo Wijiwaaji mashaariicahan oo dhawaan uu xadhiga ka jaray madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa ah mashaariico loogu talagalay in ay baraabiyaan dhulbeereed dhan 12,000 oo higter islamarkaana looga  faa’iidaysan doono bulsho aad u tiro badan

Qaarka waftigan qurba joogta ah oo goobaha mashaariicaha laga hirgaliyay kula hadlay warbaahinta  deegaanka ayaa siwayn ula dhacay hirgalinta mashaariicahan islamarkaana  sheegayna in aad iyo aad ugu faraxsan yihiin mashaariicaha noocan ah  muga wayn ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay deegaanka oo lafdhabar u ah ayay yidhaahdeen  tiirarka guusha ee bulshada deegaanka lagaga saarayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay, kuwaasi oo xukuumada DDSI uga mahad celiyay dadaalka aan kala go’alahayn ee ay ugu jirto sidii ay shacabka deegaanka u gaadhsiin lahayd horumar waara. Waxayna   hoosta ka xariiqeen in  ay dhankooda ka  qayb-qaadanayaan  hirgalinta iyo ka faa’iidaysiga mashaariican waawayn.

Waftigan qurba joogta ah ee uu hogaaminayo hogaanka ku xigenka nabadgalyada, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane ibraahin maxamuud mubaarak ayaa sii wadidoona booqashada mashaariicaha waawayn ee laga hirgaliyay degmooyinka gobolada jarar iyo qoraxay iyaga oo dhinaca kalena u kuurgalaya koboca dhaqan dhaqaale iyo isbadalka  hab-nololeedka bulshada ku dhaqan degmooyinkaasi

 

 


Ogaysiis: Shaqaalaysiin Cusub

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 2da August 2017. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan ardayda deegaanka ee haysata shahaadooyinka sharciga ah ee ay kaqaateen kuliyadaha iyo jaamacadaha dalka iyo deegaanka ee la aqoonsan yahay inay dukumiintigooda keenaan kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI laga bilaabo maalinta bari ah aroortii oo ay taariikhdu tahay 27/11/2009TI si loo diwaangaliyo islamarkaana loo shaqaalaysiiyo. Waxayna keenayaan documentigooda oo ORIGINAL ah iyo isagoo Copy ah labadaba si loo xaqiijiyo documentiga copyguna uhadho.

FG: Waxaa la ogaysiinayaa ardayda diplomka ah inay documentigooda soo raaciyaan warqada xaqiijinta tayada waxbarashada ee COCga.

 

Maareeyaha Wakaalada Dhismaha, Iibka Iyo Adeega Gaarka Ah Ee Booliska DDSI Oo Kawarbixiyay Mashaariicaha Ay Wakaaladu Wado

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 2da August 2017. Wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee booliska DDSI ayaa wada dadaalo horumarineed oo kala duwan islamarkaana dadaal ugu jirta siday ooga midha dhalin lahaayeen qorshaha yoolka horumarineed ee u yaala dalka iyo deegaanka.

Hadaba maareeyaha wakaalada dhismaha, Iibka iyo adeega gaarka ah ee booliska DDSI mudane Axmed Maki Cabdulaahi  oo shabakada wararka ee Cakaaranews ooga warbixiyay waxqabadka wakaalada ayaa sheegay in dhamaan mashaariicihii ay waday wakaaladu meel fiican marayaan iyadoo qaarna ay gabagabo marayaan. Wuxuuna maareeyuhu xusay in mashaariicaha waawayn ee ay wakaaladu wado ee gabagabada maraya ay kamid yihiin wadada wayn ee qoraxey street oo ah wada afar haad ah islamarkaana kamid ah wadooyinka halbowlaha magaalda ah. Iyadoo 90% ay dhamaatay mudo 20 cisho gudaheed ahna lagusoo dhaymayn doono.

Sidoo kale wuxuu maareeyaha oo hadalkiisii sii wata sheegay in jiirtii dheereyd ee wadada fiiq iyo mayu maluuqo ee kabaalqabad la badalay maadaama ay caqabad ku ahayd bulshada xoolaha wata islamarkaana lagu badalay jiirta ulaag oon iyadu wax caqabad ah ku keeni doonin bulshada iyo xoolaha ay wataanba waxayna isku badalka labadaas jiirood qaateen 12km lana dhamaystiray. Wuxuuna maareeyuhu intaa ku daray in garoonka wayn ee caalamiga ee kubada cagta  ee magaalada jigjiga uu marayo 10%.

Ugu danbayna wuxuu maareeyugu xusay inay wadooyinka isku xidha waangay iyo lagahida iyadana la dhameeyay halka wadada iskuxidha geeldoox iyo lagahida ay bilow tahay. Isagoo maareeyugu hadalkiisii kusoo afmeeray in dhamaan mashaaricihii ay wakaaladu waday sidii loogu talagalay u socdaan islamarkaana halkaas lagasii xoojin doono si loo gaadho yoolasha uu dalka iyo deegaankuba hiigsanayaan.  

Maareeyaha Wakaalada dakhliga DDSI oo Ka Warbixiyay guulaha Laga Gaadhay Dhinaca kor u qaadida Dakhliga Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),khamiis, 3da August, 2017. Maareeyaha  guud ee wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan  oo warbaahinta deegaanka iyo ta dalka ugu waramayay xafiiskiisa ayaa sheegay in guulo waawayn uu mug leh laga gaadhay fulinta qorshihii dakhliga deegaanka ee sanad miisaaniyeedka 2009TI

Maareeyaha ayaa sheegay in xukuumada DDSI oo ka duulaysa taaba galinta xaqiijinta  horumar  waara oo joogtaysan  in ahmiyad gaar ah la siiyo dajinta xeelado lagu gaadhi karo natiijooyin wax-ku-ool ah, taasi oo ay  gaadhida istaraatajiyadaha iyo yoolashaasi lafdhabar u tahay in kor loo qaado nidaamka dakhliga deegaanka  in la xoojiiyo tayada    ilaha laga maalgalinayo horumarka korna loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka  taasina waxay u baahan tahay xooga la saaro  sidii kor loogu qaadilahaa  nidaamka  dakhliga deegaanka 

Maareeyaha ayaa tilmaamay in ka dib markii ay xukuumada DDSI xooga saaray sidii qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI fahan buuxa looga siin lahaa in nidaamka dakhli ururinta iyo xadaynta dakhligu    laf-dhabar u tahay in ay bushadu hesho horumar, nabadgalyo iyo maamul suuban  islamarkaana ay  suurta galinayso  in nolosha bulshadu heer sare noqoto lana  tir tiro dulsaarnimada iyo saboolnimada ayaa waxay bulshadu ku dhiiratay in ay bixiyaan cashruuraha ku waajibka ah waxaana lagu guulaystay in dakhligii qorshaysnaa sidii loogu talagalay iyo si ka fiican loo soo xereeyo  islamarkaana la  suurta galisay in sanadihii ugu danbeeyay si xawliya  kor loogu qaado  dakhliga deegaanka .

Maareeyaha ayaa sheegay in sanad miisaaniyeedkii 2009TI  ay ahaa qorshaha u dajisan  DDSI in la soo ururiyo dakhli dhan 2.2 Billyan balse lagu guulaystay in la soo ururiyo dakhli dhan 2,Bilyan 324,124,020.16   oo laga soo kala xereeyay dakhliga heer deegaan, heer degmo iyo heer maamul magaalo dhinaca kale waxaa qorshaysnaa ayuu yidhi maareeyuhu sanadka 2009TI la  diwaan galiyo 6,498 cashuur bixiyeyaal waxaana lagu guulaystay in la diwaan galiyo 9,747 oo cashuur bixiyayaal heerkoodu kala duwan yahay, lana siiyay shahaadada lambarka cashuur bixiyaha (TINka), waxaa tababaro iyo wacyigalino la siiyay ayuu yidhi masuulku 98,168 oo ah shaqaalaha dawaalada dakhliga ee heerarkooda kala duwan iyada oo dhinaca kale  xooga la saaray sidii loo gufaynlahaa meelaha gol-dalooladu ka imankarta

dhinaca kale  maareeyuhu  mar uu ka waramayay qorsha wakaalada dakhliga DDSI sanadka 2010 ayaa waxa uu sheegay in uu yahay in la soo xereeyo dhakhli dhan 3 billyan dakhligan ayaa waxaa lagu hirgaliyay adeegayada aas aasiga ah ee bulshada iyo kor u qaaditaanka kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee ka jawaabaya baahida shacabka deegaanka

 

 

Maanta iyo Ciyaarihii Kubada Cagta Ee DDSI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 3da August 2017.tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka oo maalmahanba kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa Waxaa maanta ciyaaro aad u xiiso badani dhaxmareen  kooxaha kawada tirsan group C ee  Gobolka Doolo iyo Gobolka Afdheer iyo waliba kooxaha kubadada cagta ee Gobolka Shabeele iyo Maamulka Magaalada Wajaale. Sidookalana, galinkii danbe ee maanta ayaa iyana waxaa wada ciyaaray kooxaha kawada tiran Group D ee kala ah xulka kubada cagta ee Gobolka Nogob iyo Maamulka Magaalada Dhagaxbuur.

Hadaba, ciyaarahan oo ah  isku aadkii 2aad ayaa waxaa maanta galinkii hore wada ciyaaray xulka kubada cagta ee kawada tirsan group C ee kala ah Gobolka doolo iyo Gobolka Afdheer halkaas oo ay garoonka ku dhaxmartay ciyaar aad u quruxbadan islamarkaana ay guushu kuraacday gobolka doolo kadib markii ay kaga adkaadeen 4 goal iyo hal goal xulka kubada cagta ee gobolka afdheer.

Dhanka kale, waxaa iyana maanta wada ciyaaray kooxaha kubada cagta ee gobolka shabeele iyo maamulka magaalada togwajaale halkaas oo labada kooxoodba ay kusoo bandhigeen ciyaar wanaag aad u quruxbadan oo soo jiidatay taageerayaasha labada kooxood, waxayna ciyaartu wakhtigii loogu talagalay kudhamaatay barbaro 1 iyo 1

Sidookale waxaa iyana maanta galinkii danbe ay ciyaar aad u xiiso badani dhaxmartay labada kooxoo ee kawada tirsan Group D waa xulka kubada cagta ee Gobolka Nogob iyo Maamuka Magaalada Dhagaxbuur. Ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u xiiso badan oo siwayn loo sugayay ayaa  waxay ciyaartu wakhtigii loogu talagalay kusoo dhamaatay 3 goal iyo halgool. Halkaas oo ay guushu kuraacday xulka kubada cagta ee MM Dhagaxbuur oo kaga adkaaday  3 goal iyo 1 Goal.

Iskusoo wada duuboo, ciyaarahan maanta socday ayaa  u muuqday ciyaaro aad u xiiso badan kadib markii ay taageerayaasha kooxuhu soo buux dhaafiyeen garoonka kubada cagta ee magaalada jigjiga.

Ol-ole Nadaafadeed Oo Balaadhan Iyo Dhir Beeris Ka Qabsoontay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 3da August 2017.  Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka qabsoomay ol-ole balaadhan oo nadaafadeed iyo dhir beerid  kor loogu qaadayo faya dhawarka, ilaalinta deegaanka iyo bilicda caasimada jigjiga.

Hadaba ol-olahan balaadhan ee nadaafadeed ee ka qabsoomay magaalada jigjiga ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo kaabanee ah, Shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, MM jigjiga iyo ardayda jaamacadaha iyo kuliyadaha dalka ka yimid ee ku jira fasaxa ee udhalatay deegaanka. Iyadoo mas’uuliyiintii kasoo qaybgalay ol-olahan balaadhan ee nadaafadeed ay sheegeen inay ol-olahan iska kaashadeen Xarunta dhexe ee XDSHSI iyo xafiiska waxbarashada DDSI islamarkaana uu yahay mid kor loogu qaadayo nadaafada, ilaalinta deegaanka iyo bilicda magaalada jigjiga. Waxayna intaa ku dareen inay diyaar u yihiin sii xoojinta  wax walba oo kor uqaadaya horumarka deegaanka.

Dhankooda waxaa iyana ka hadlay qaar kamid ah ardayda deegaanka ee ku jira fasaxa xagaaga ee ka kala yimid jaamacadaha dalka iyo kuliyadaha dalka iyo deegaanka oo sheegay inay maanta usoo baxeen inay muraqooda ku nadaafiyaan kuna soo saaraan bilicda magaalada jigjiga islamarkaana ay ka go’antahay siday ooga qaybqaadan lahaayeen horumarka deegaanka.

Ugu danbayna ol-olahan balaadhan ee ay wadeen mas’uuliyiinta deegaanka, shaqaalaha iyo dhalinyarada fasaxa ah ee ka yamid jaamacadaha iyo kuliyadaha dalka iyo deegaanka ayaa si wada jir ah u beeray dhir aad utira badan islamarkaana wax ka badali doonta bilicda magaalada.

Shir Lagu Qiimaynayay Barnaamijka Dajinta Oo Kaqabsoomay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 4ta August 2017. Waxaa si habsami leh uga fumay hoolka shirarka ee xafiiska beeraha iyo horumarinta khay-dabiiciga ah ee DDSI Shir lagu qiimaynayay waxqabadkii 9ka bilood ee barnaamijka dajinta islamarkaana lagu soo bandhigayay sida ay xafiisyada horumarka ee Biyaha, Waxabarashada, Caafimaadaka, Beeraha, Xoolaha, Adeega shacabka iyo Horumarinta Cududa ShaqaaluhA DDSI ay uga qaybqaateen doorkoodii kaga aadanaa bulshada dajinta loo sameeyay.

Hadaba, Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta xafiisyada horumarka, agaasimayaal iyo waliba xubno kasocday wasaaradaha bahwadaagta la’ ah ee heer-federal  ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Kusimaha Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka iyo Dooxooyinka DDSI ahna G/wadeenka G/socodka Dajinta ee isla xafiiska mudane Farxaan Maxamed Aadan  oo ugu horayn u mahadceliayay sida quruxda badan ee ay masuuliyiintu uga soo qaybgashay shirkan. Wuxuuna intaa kudaray in shirkani yahay mid lagu eegayo waxqabadkii 9 ka bilood ee dajinta iyo waliba sidii ay uga qaybqaateen xafiisyada horumarku. Wuxuuna tilmaamay kusimuhu in shirkani  yahay mid loogu diyaar garoobayo fulinta qorshaha 2010 T.i islamarkaana ay xafiisyada bixiya adeegyada aasaasiga ah ugu sii diyaargaroobaan doorkooda kaga aadan. Maadaama oo sanadkan qorshuhu yahay in la dajiyo qoysas tiaradoodu kor u dhaafayso 15000.

Sidookale, shirkan ayaa waxaa si wayn uga dooday talo bixinana kasoojeediyay masuuliyiintii kasooqaybgashay

Iskusoowada duuboo, waxaa xusid mudan in taniyo intii labilaaay barnaamijkan dajinta ay kafiideen bulsho aad u farabadan oo  aan helijirin nacfi beero iyo waliba adeegyadii aasaasiga ahaa ee aadamuhu ubaahnaa sida  waxbarashada caafimaadka, iyo biyo nadiif ah. Wakhtixaadirkana ay aad ugu diirsadeen bulshadu.

 

Waftigii Qurba joogta Ka Soo jeeday Gobolka Jarar Oo Booqday Mashaariico Horumarineed.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 4ta August 2017. Waftigii qurba joogta u dhalatay DDSI ee ka soo jeeday gobolka jarar ee uu hogaaminayay hogaan ku xigeenka nabadgalayda maamulka iyo cadaalada DDSI mudane ibraahin maxamuud mubaarak ee socdaalka booqashada  ku marayay qaarka mid ah degmooyinka gobolka jarar iyo qoraxay ayaa sii wata socdaalkii ay ku soo indha indhaynayeen mashaaricaha horumarineed ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay qaar ka mid ah  degmooyinka hoos yimaada  gobolada Jarar iyo Qoraxay

Waftigan ayaa waxay socdaalkoodii ku gaadheen degmada gunagado halkaasi oo qaybaha kala duwan ee bulshadu si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeysay, waxay booqdeen mashaariicaha waawayn ee ay xukuumada DDSI ka hirgalisay magaalada gunagado ee ay ka mid yihiin mashruuca ceelka biyaha looga galiyay magaalada gunagado oo ah ceel si casriya loogu sameeyay mishiin biyaha macaaneeya.

Hadaba, waftigan qurba joogta ah ayaa waxaa kale oo ka mid ahaa degmooyinka, tuulooyinka iyo mashaariicaha ay booqdeen ee sida balaadhan  loogu soo dhaweeyay xarunta wayn ee qaybisa biyaha mashruuca biyo-galinta  Birqod, Gunagada, Marsin, Dig ilaa Gaashaamo. Xaruntaasi  oo ku taala tuulada kontondheer. Waxaa kale oo ay booqdeen degmada Yoocaale, mashruuca biyaha looga galiyay degmada yoocaale ee ku taala dooxada Dhiya. sidoo kale  waftigan ayaa gaadhay magaalada awaare ee xarunta degmada awaare waxay booqdeen  soona indha indheeyeen mashaariicaha ay ka mid ka yihiin xarunta caafimaadka ee magaalada awaare, biyo xidhiceenka laga hirgaliyay isla degmada awaare oo ay wakhti-xaadirkan qaybaha kala duwan ee bulshadu uga faa’iidaysanayaan dhinaca wax soo saarka beeraha, waxaa kale oo ay booqdeen ceelbiyoodka (riiga)oo ay wakhgigii abaaraha xukuumada DDSI xadhiga ka jartay kaasi oo daboolay baahidii dhinaca biyaha xiligii abaarta jirtay. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa tuulooyinka ay ka  booqdeen tuulada bugdhaba, gurdumi iyo guracan iyo mashaariicaha laga hirgaliyay tuulooyinkaasI.

Intaasi ka dib, waftigan ayaa gaadhay xarunta degmada dig ee magaalada dig halkaasi oo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dig iyo maamulka degmada dig kusoo dhaweeyeen, waxaana halkaasi kula hadlay bulshada Hogaan-kuxigeenka nabadgalyada maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak oo sheegay in dadaalkii dheeraa ee ay xukuumada DDSI u gashay sidii loo hirgalin lahaa xidhiidh saxar tiran oo ka dhexeeya qurba joogta DDSI iyo xukuumada DDSI tahay tan maanta keentay in ay qurba joogta u dhalatay gobolka jarar ee ka kala timiday qaaradaha aduunku in ay indha-hooda ku soo arkaan isbadalka nolosha bulshadooda islamarkaana soo booqdaan mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay degmooyinka gobolka jarar.

Dhankooda, qaarka mid ah waftigan qurba joogta ah oo ka hadlay goobtaasi ayaa ugu horayntii u mahad celinayay qaybaha kala duwan ee bulshada ee goobta ay gaadhaanba sida muga leh  ugu soo dhawaynayaan, waxayna sheegeen in ay soo arkeen isbadal horumarineed ee nolosha bulshada ay gaadhay sanadihii ugu danbeeyay iyaga oo sheegay in ay arkeen bulsho noqotay xoolo dhaqato beeralay taasina ay kor u qaaday nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah iyo kuwa xoolo dhaqato beeralayda ah.

Sikastaba ha ahaatee, waftigan ayaa si toos ah bulshada uga warbixinayay mashaariicaha waawayn ee laga hirgaliyay deegaanka taasi oo ay si wayn ugu mahad celinayaan xukuumada hirgalisay mashaariicahan. Waxayna is barbar dhigeen farqiga u dhexeeya nolosha ay ku nooloyd bulshadu 10 sano ka hor, xiligaasi oo ay shacabka dhiiga ka jaqayeen hadhaagii UBBO iyo nolosha horumarineed iyo nabadgalyo ee ay maanta ku nool yihiin bulshada ku dhaqan degmooyinkan ay booqanayeen waftigu.

 


Dufcadii 1aad Ee Heerka Degree 1aad Oo Ka Qalinjabiyay Kuliyada Maaraynta Iyo Adeega Shacabka DDSI.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Sabti,  5ta, August, 2017.  Waxaa ka qabsoomay madasha shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI xaflad ay ku qalinjabiyeen dufcadii 1aad  ku qalinjabisa waxbarashada heerka  degreega 1aad oo ay tiradoodu dhan tahay 189 arday  iyo dufcadii 12aad ee ku qalin jabisa shahaadada diplomada  ee waxka baray kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Xafladan qalinjabista oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga DDSI marwo sucaad Axmed Faarax, wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane axmed maxamed koore, wasiirka xafiiska  haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma  Suuldaan Maxamuud Haybe, wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Deeq Cabdilaahi Buraale, maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane Cabdirashiid Sheekh cumar  masuuliyiin kale, qurba joog,  ardayda galinjabinaysay iyo waalidiinta ardayda galinjabinaysay.

xafladan qalinjabinta ayaa  waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayntii ugu hambalyaysay ardaydan maanta qalinjabisay guusha ay ka gaadheen waxbarashadii ay mudada soo wateen waxayna tilmaantay madaxwayne ku xigeenku in hirgalinta istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee u dajisan deegaanka ay lafdhabar in la helo cudud waxbaratay oo ka midho dhalisa gaadhida yoolashaasi horumarineed ee la hiigsanayo madaxwayne ku xigeenka ayaa ku boorisay ardaydan maanta ka qalinjabisay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI in ay culuuntii ay barteen sanadihii ay waxbarashada ku jireen ugu adeegaan bulshadooda islamarkaana sii wataan waxbarashadooda.

Wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore oo ka hadlay xafladan qalin jabinta oo ugu horayntii u hambalyeeyay ardaydan maanta qalinjabisay ayaa sheegay in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii kor loogu qaadilahaa cudud waxbaratay oo xoog fulineed u noqota taaba galinta qorshayaasha horumarineed ardaydan maanta qalin jabisayna ka mid yihiin cududa waxbaratay ee hirgalinaysa qorshayaasha horumarineed uu u dajisan deegaanka.

Dhankiisa maareeyaha kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI mudane Cabdirashiid Sheekh Cumar oo ka hadlay xafladan qalinjabinta ayaa hambalyo ka dib tilmaan dheerka bixiyay geedi socodka ay soo martay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI isaga oo sheegay ay ku guulaysatay in ay maanta ka qalinjabiyaan dufcadii 1aad ee heerka waxbarashad degreega 1aad arday tiradood dhan tahay 189 arday oo bartay culuunta waxbarashada noocyadeeda kala duwan iyo dufcadii 12aad oo ay ku qalinjabiyeen arday 342  arday  heerka diplomada taasi oo ay iskugaynta maanta qalin jabisay yihiin arday dhan  532. Maareeyuhu ayaa sheegay  in ay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI soo soorta cudud waxbaratay oo hirgalisa qorshayaasha horumarka deegaanka islamarkaana sii xoojinayso dadaalka ay ugu jirto soo saarida cudud waxbaratay 

Gabagabadii xaflada waxaa abaalmarino kala duwan la  gudoonsiiyay ardaydii gashay kaalmaha hore dhinaca dhibcaha 

Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo MM Deegaanka Oo Meel Fiican Maraya

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 5ta August 2017. tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka oo maalmahanba kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa Waxaa maanta ciyaaro aad u xiiso badani dhaxmareen  kooxaha kawada tirsan group A ee  Gobolka Sitti  iyo MM Godey iyo waliba kooxaha kubadada cagta ee Gobolka Daawa iyo gobolka Jarar. Sidookalana, galinkii danbe ee maanta ayaa iyana waxaa wada ciyaaray kooxaha kawada tiran Group B ee kala ah xulka kubada cagta ee GobolkaErer  iyo Maamulka Magaalada Jigjiga.

Hadaba, ciyaartan dhexmartay 2dan kooxood oo ay koox waliba ku doonaysay inay oogu gudubto wareega 8da  ayaa waxaa maanta galinkii hore wada ciyaaray xulka kubada cagta ee gobolka sitti iyo mm godey oo ay  halkaas  ku dhaxmartay ciyaar aad u quruxbadan islamarkaana ay guushu kuraacday gobolka sitti kadib markii ay kaga adkaadeen 2 gool iyo 0 islamarkaana ay ciyaartu ku dhamaatay sidaas.

Dhanka kale, waxaa iyana   wada ciyaaray kooxaha kubada cagta ee gobolka daawa iyo  gobolka Jarar halkaas oo labada kooxoodba ay kusoo bandhigeen ciyaar wanaag aad u quruxbadan oo soo jiidatay taageerayaasha labada kooxood, waxayna ciyaartu wakhtigii loogu talagalay kudhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday gobolka daawa. Iyadoo gobolka daawa iyo gobolka sitti lee yihiin mid 7da dhibcood.

Sidookale waxaa iyana maanta galinkii danbe ay ciyaar aad u xiiso badani dhexmartay labada kooxoo ee kawada tirsan Group B waa xulka kubada cagta ee Gobolka Erer iyo Maamuka Magaalada Jigjiga. Ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u xiiso badan oo  ay koox waliba ku doonaysay inay oogu gudubta wareega 3aad ayaa  waxay ciyaartu wakhtigii loogu talagalay kusoo dhamaatay 6 goal iyo 2. Halkaas oo ay guushu ku raacday xulka kubada cagta ee MM Jigjiga oo kaga adkaaday  6 goal iyo 2 Goal.

Iskusoo wada duuboo, ciyaarahan maanta socday ayaa  u muuqday ciyaaro aad u xiiso badan kadib markii ay taageerayaasha kooxuhu soo buux dhaafiyeen garoonka kubada cagta ee magaalada jigjiga.

MW CMC OO TACSI UDIRAY SHACABKA DEEGAANKA

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Axad, 6da August 2017. Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, Waxaa magaalada adhisababa ee xarunta dalkeena kugeeriyooday Allah ha unaxariistee marxuum Sheekh Cabdulaahi Sheekh Xasan oo kamid ahaa culimo-awdiinka caanka ah ee deegaankeena. Waxaana maydka sheekha halkaa kasoo sagootiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI mudane Axmed Shide oo uu weheliyo wasiirka wasaarada shaqaalaha iyo arimaha bulshada JDFI mudane Cabdifataax Sheekh C/laahi oo tababar ugu xaraysan magaalada dhisababa. Waxaana allah ha unaxariistee marxuumka aas qaran loogu sameeyay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI mudane Axmed Shide ayaa tacsi tiiraanyo leh udiraya guud ahaan shacabwaynaha deegaanka gaar ahaana qoyskii, qaraabadii iyo eheladii uu kabaxay marxuumku. Waxayna ilaahay uga baryayaan marxuumka inuu kitaabkiisa midigta kasiiyo janatul fardawsana geeyo iyagoo dhanka kalana uga tacsiyayna shacabka deegaanka iyo qoyskii uu marxuumku kabaxayba in ilaahay samir iyo iimaan kasiiyo.

Inaa-lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Allah Ha U Naxariistee Waxaa Aas Qaran Loogu Sameeyay jigjiga Marxuun Sheekh Cabdilaahi Xasan.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaraNews), Axad, 6da, August, 2017.  Inaa-lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Allah ha u naxariistee waxaa maanta aas qaran loogu sameeyay caasimada deegaanka ee  jigjiga gaar ahaan xabaalaha gidhibka  marxuum sheekh  Cabdilaahi xasan  oo ka mid ahaa culimo awdiinka ugu caasan degaanka oo xalay ku geeriyooday caasimada dalka ee Adis-ababa.

Waxaana aaskan qaran ee loo sameeyay allah ha u naxariistee marxuum sheekh cabdilaahi xasan ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah  oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska madaxtooyada DDSI mudan cabdimahad maxamed cabaase masuuliyiin heer faderaal ah, Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuunku iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jigjiga.

Hadaba Wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase  ayaa ugu horayntii tacsi tiiraanyo leh u diray ehelkii, Qaraabadii, xukuumada DDSI iyo guud ahaanba  shacabwaynaha DDSI ee uu ka geeriyooday allah ha u naxariisteen marxuun sheekh cabdilaahi xasan   wasiirka ayaana marxuumka illaahay uga baryay in uu jano fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan umada uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaanka siiyo wasiirka ayaa ka warbixiyay in uu marxuunku ahaa culimada ugu caansan deegaanka .

Wasiirka cadaalada iyo xeer ilaalinta guud ee DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi  ayaa  tacsi u diray tiiraanyo leh u diray  ehelkii, qaraabadii iyo xukuumada DDSI ee uu ka geeriyooday marxuun sheekh cabdilaahi xasan oo ka warbixiyay  taariikhda marxuunka isaga oo sheegay in uu ka mid ahaa culimada sida wayn looga yaqaano deegaanka . Qaybaha kale duwan ee bulshada iyo shaqaalaha dawlada ayaa si qoto dheer uga warbixiyay  taariikhda iyo shaqsiyadii marxuum sheekh cabdilaahi xasan

Ugu danbayna culimo aw diinka deegaanka marxuunka ugu duceeyay in illahay janadii fardawsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii, xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI ee uu ja geeriyooday marxuunku samir iyo iimaanka siiyo  

Tartankii Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo MM Deegaanka Oo Loo Gudbayo Wareega 8da

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 6da August 2017. tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka oo maalmahanba kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa Waxaa maanta ciyaaro aad u xiiso badani dhaxmareen  kooxaha kawada tirsan group B ee  Gobolka Qoraxey  iyo MM Qabridahar iyo waliba kooxaha kubadada cagta ee Gobolka faafan iyo gobolka Afdheer. Sidookalana, galinkii danbe ee maanta ayaa iyana waxaa wada ciyaaray kooxaha kawada tiran Group B ee kala ah xulka kubada cagta ee GobolkaErer  iyo Maamulka Magaalada Jigjiga.

Hadaba, ciyaartan dhexmartay 2dan kooxood oo ay dhexmartay ciyaar aad uqurbadan  ayaa waxaa maanta galinkii hore wada ciyaaray xulka kubada cagta ee gobolka Qoraxey iyo mm Qabridahar oo ay  halkaas  ku dhaxmartay ciyaar aad u quruxbadan islamarkaana ay guushu kuraacday gobolka Qoraxey kadib markii ay kaga adkaadeen 4 gool iyo 2 islamarkaana ay ciyaartu ku dhamaatay sidaas.

Dhanka kale, waxaa iyana   wada ciyaaray kooxaha kubada cagta ee gobolka Faafan iyo  gobolka Afdheer halkaas oo labada kooxoodba ay kusoo bandhigeen ciyaar wanaag aad u quruxbadan oo soo jiidatay taageerayaasha labada kooxood, waxayna ciyaartu wakhtigii loogu talagalay kudhamaatay 3-0 oo ay guushu ku raacday gobolka Faafan. Iyadoo gobolka faafan sidaas oogu gudbay wareega 8da.

Sidookale waxaa iyana maanta galinkii danbe ay ciyaar aad u xiiso badani dhexmartay labada kooxood waa xulka kubada cagta ee Gobolka Doolo iyo Maamuka Magaalada Qabribayax. Ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u xiiso badan oo  ay koox waliba ku doonaysay inay oogu gudubta wareega 8da ayaa  waxay ciyaartu wakhtigii loogu talagalay kusoo dhamaatay barbaro min3-3 ah. Waxaana wareega sideeda iska xaadiriyay gobolka doolo.

Iskusoo wada duuboo, ciyaarahan maanta socday ayaa  u muuqday ciyaaro aad u xiiso badan kadib markii ay taageerayaasha kooxuhu soo buux dhaafiyeen garoonka kubada cagta ee magaalada jigjiga

Mas’uuliyiinta Xafiiska Golaha Sare Ee Arrimaha Islaamka DDSI Oo Kulan dardaaran Ah La yeeshay Xujaajta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 7da August 2017. Mas’uuliyiinta xafiiska golaha sare ee arrimaha islaamka DDSI ayaa kulan dardaraan ah la yeeshay xujaajta deegaanka ee soo gudanaysa waajibaadka xajka islamarkaana oogu diyaargaroobi lahaayeen.

Hadaba xooghayaha xafiiska golaha sare ee arrimaha islaamka mudane Sheekh maxamed  sheekh cumar khaliif iyo hogaanka xajka iyo cimrada golaha sare ee arrimaha islaamka mudane Sheekh Faarax Cabdi ayaa sheegay in dhamaan xujaajta deegaanka loo baahan yahay inay iska xaadiriyaan xarunta dalka ee magaalada addisababa si ay ooga amba baxaan islmarkaana ooga qaataan passaportigii oo fiisaysan, waxayna mas’uuliyiintu intaa ku dareen inay toos utagi doonaan wasaarada golaha sare ee arrimaha islaamka JDFI. Sidoo kale waxay mas’uuliyiintu xuseen inay shuruudaha loo baahan yahay in lagu guto xajka la idiin akhrin doono habeen walba Addis ababa ilaa xajka.

Ugu danbayna waxaa dareen kooda ka hadlay qaar kamid ah xujaajta deegaanka oo sheegay inay aad oogu faraxsan yihiin  kulankan ay yeesheen xujaajta deegaanka iyo xafiiska golaha sare ee islaamka ee DDSI islamrakaana ay sidii loogu talagalay uqaadan doonaan dardaarnka lasiiyay.

Tababar kusaabsan kaqaybgalinta bulshada ee dhinaca qorshe-samaynta ayaa ka furmay magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Talaado 8da August 2017. Tababar kusaabsan nidaamka kaqaybgalina bulshada ee qorshayaasha horumarineed islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaar kamid ah khabiirada iyo hawlwadeenada qorshaynta ee xafiisyada maaliyadaha  10 degmo oo laga xushay degmooyinka aan lahayn barnaamijka DRS ka ayaa ka bilowday magaalada jigjiga.

Hadaba, Iskuduwaha Qaybta Hay’adaha Caalamiga ah Ee Xafiiska Maaliyada iyo Hor-Dhaqaalaha DDSI mudane Xuseen Cabdulaahi Cumar oo kamid ahaa macalimiintii casharada bixinaysay ayaa sheegay in tababarkan ujeedadiisu tahay  kusalaynta qorshaha baahida bulshada iyadoo laga qaybgalinayo bulshada islamarkaana tashiyo kaladuwan lala samaynayo. Si qorshuhu u noqdo mid taabo gal ah baahidii bulshadana kajawaabaya.

Wuxuuna intaasi kudaray in tababarkan gaaban ay kasooqaybgaleen khabiirada iyo hawlwadeenada qorshaynta ee xafiiska maaliyadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee 10 degmo oo kamid ah degmooyinka aan lahayn barnaamijka DRS ka.

Iskusoowada duuboo, tababarkan ayaa  kaqaybgalayaasha lasiinayay casharo kuqotama noocyada qorshayaasha wanaagsan ee dhaxalagal ah, qiimaynta iyo dabagalka kaasoo casharaduna ahaayeen mid qoraala iyo kuwo practical ah.


Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo mm Deegaanka Oo Loo Gudbay Wareega 8da

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 8da August 2017. Tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka oo maalmahanba kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa Waxaa maanta ciyaaro aad u xiiso badani dhaxmareen  kooxaha kawada tirsan group A ee  Gobolka Sitti  iyo Gobolka Liibaan iyo waliba kooxaha kubada cagta ee Gobolka Daawa iyo MM Godey.

Hadaba ciyaartan dhexmartay labadan kooxeed ee gobolka sitti iyo gobolka liibaan oo ahayd ciyaarta loogu gudbayay wareega 8da ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday gobolka sitti islamarkaana iska xaadiriyay wareega 8da.

Dhanka kale waxaa iyaga wada ciyaaray labada kooxood ee xulka kubda cagta ee gobolka daawa iyo xulka kubada cagta ee mm godey oo ay ciyaar aad uxiisa badan ku dhexmartay halkaas. Iyadoo labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar wanaag balse waxaa ciyaarta ku gacab sareeyay gobolka Daawa islamarkaana 4-2 ku karbaashay kooxda kubada cagta ee mm godey. Wuxuuna gobolka daawa iska xaadiriyay wareega 8da.

Ugu danbayna kooxaha iskasoo xaadiriyay wareega 8da ayaa waxa ay iskugu aadi doonaan sidan hoos ku qoron.

Shaqaalaysiinta Ardayda Soo Qalinjabisay Oo Documenti Xarayntoodu Si Habsamileh U Socoto

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 9ka August 2017.Si loo sii adkeeyo horumarka iyo maamulka suuban islamarkaana loo taam yeelo dhanka cududa shaqaalaha ayaa waxaa si habsamileh uga socda kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI diwaanagalinta iyo documenti xaraynta  Ardayda deegaanka u dhalatay ee kasooqalinjabisay jaamacadaha kaladuwan ee dalka iyo waliba kuliyadaha.

Hadaba,  Agaasinka Waaxda Xidhiidhka Jaamacadaha ee XDSHSI mudane Mustafe Isaaq Aadan ayaa sheegay in si wanaagsan ay u socoto diwaagalinta iyo hubinta shahaadooyinka ardayda deegaanka u dhalatay ee kasoo qalinjabisay jaamacadaha dalka iyo kuliyadaha. Wuxuuna intaa kudaray in xarunta dhaxe ee XDSHSI oo kaashanaysa xukuumada DDSI iyo xafiiska adeegashacabka iyo horumarinta cududa shaqaaluhu ay si wada jir ah u wadaan shaqadan ardayda iyadoo markay dhamaato diwaangalintanina ardayda lagu kala meelayn doono boosas waafaqsan cilmiga ama xirfada ay soobarteen islamarkaana lagu kala qori doono dhamaan heer deegaan ilaa iyo heer tuulo.

Wuxuuna tilmaamay in ardaydan loo meelayndoono sidii cadaalad ahayd ee loomeelayay ardaydii sanadkii hore islamarkaana ay noqon doonto gacantaada isku meelee isagoo arday kasta oo nasiibka meesha lagu qorayo uu gacantiisa ku qaadan doono.

Ugudanbayna ardaydii ladiwangalinayay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin nidaamkan looga  hubiyay documentiyada islamarkaana loodiwaangaliyay. Waxayna xuseen in ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI ee uu hogaanka u hayo Madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar..  

WAR DEG-DEG AH

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 9ka August 2017. Waxaa maanta duhurkii saacadu markay ahayd 2dii duhurnimo meesha layidhaahdo geeska cobolay indhaha loogu shiday ubboy aroori. Waxaa kale oo laqabtay nin kale oo sheegay xogo kale oo muhiim ah.

Hadaba xogtan oo ah mid si dhab ah loo xaqiijiyay faah-faahinteeda kalasoco www.cakaaranews.com

Kulan Lagu Ansixinayay Miisaaniyada Mashruuca PCDP Oo Ka Qabsoomay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada jigjiga.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Arbaco 9ka August 2017. Kulan lagu ansixinayay miisaaniyada cusub ee sanad miisaaniyeedka 2010TI  ee mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada (PCDP) islamarkaana lagu dhagaysanayay warbixinta waxqabadka mashruuca Horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah ee sanadkii 2009TI ayaa ka qabsoomay caasimada deegaanka ee jigjiga.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiisyada gudiga ka ah mashruucan oo ay ka mid yihiin xafiiska maamulka DDSI, xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga DDSI, xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI, xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI, caafimaadka, waxbarashada, xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI iyo wakaalada horumarinta iskaashatooyinka DDSI.

Hadaba,  kulankan Waxaa furitaankiisii ka hadashay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Khay-Biyaha ahna Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI marwo Fartuun Cabdi Mahdi oo halkaas ku soo bandhigtay  anjandayaasha  kulankan oo ay ka mid yihiin ansixinta miisaaniyada cusub ee sanadka 2010 ee mashruuca PCDP  oo dhan 893,450,000 (sideed boqol sagaashan iyo sadex millyan, afartan iyo shankun oo birr )taasi oo lagu fulinayo mashaariicaha u qorshaysan mashruuca sanadka cusub. Sidookalena  kulankan ayaa waxaa lagu dhagaystay warbixinta waxqabadka sanadkii 2009TI ee u qorshaysnaa mashruuca.

Dhankakale, maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ee DDSI mudane Cabdifataax Axmed Ismaaciil ayaa soo jeediyay warbixinta waxqabadkii sanadkii 2009TI warbixintaasi oo ku salaysnayd guulaha laga gaadhay fulinta qorshihii u yaalay mashruuca, maareeyaha ayaa sheegay in uu mashruucu ka hawlgalo 54 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka. wuxuuna sheegay in sanadkii 2009TI uu hirgaliyay  mashruuca PCDP mashaariico dhan   531 mashruuc kuwaasi oo ah mashaariico kor u qaadaya nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah. Maareeyaha  ayaa intaa ku daray in mashruucu kor u qaado kobcinta awooda fulineed ee degmooyinka uu ka halwgalo xoogana saaro xoojinta awooda iskaashatooyinka.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa laysla qaatay sidii loo sii xoojin lahaa fulinta qorshayaasha mashaariicaha iyada oo dhinaca kale si wayn loo amaanay fulinta qorshihii waxqabadka sanadkan 2009TI waxaana u qorshaysan mashruuca in sanadkan 2010TI  uu fuliyo mashaariico horumarineed oo dhan 497 mashruuc.

 

Kulan Kusaabsan Habraaca Maaraynta Kiisaska Caruurta Oo Kadhacay Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta DDSI

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)khamiis 10ka August 2017. Kulan ay si wada jir ah u soo agaasimeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI, wasaarada arrimaha haweenka iyo hay’ada UNICEF islamarkaana kusaabsan Habraaca Maaraynta Kiisaska Caruurta ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadalay Wasiirka Xafiiska Arrimaha Haweenk iyo Caruurta DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe oo sheegtay in shirkani yahay mid lagaga hadlayo islamarkaana lagu lafa gurayo habaraaca maaraynta kiisaska caruurta. Waxayna wasiiradau intaas kudartay in kulankan ay ka sooqaybgaleen khabiiro kasocday xafiisyada bahwadaagta la,ah xafiiska. Waxayna tilmaamntay in shirkan ay kasoobaxayaa qoraalo muhiim ah oo lagu diyaariyo habraaca maaraynta caruurta.

Sidookale, Agaasinka Waaxda Daryeelka Ilaalinta iyo Horumarinta Caruurta ee xafiiska arrimaha haweenka iyo  caruurta DDSI mudane mursal maxamed oo isna dhaniciisa kahadlay ayaa sheegay in shirkani yahay mid si balaadhan loogu falanqaynayo sidii loo soo saari lahaa habraac kaasoo lagu maareeyo kiisaska caruurta iyo waliba sidii jawaabcelin kuhaboon looga bixin lahaa dhamaan baahiyaha iyo dhibaatooyinka soo food saara caruurta.

ugudanabyna, Dhankooda qaarkamid ah xubnihii kasooqaybgalay shirkan ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin kasooqaybgalka shirkan islamarkaana ujeedooyinka iyo casharada shirka kasocdana ay yihiin kuwo aad muhiim u ah loona baahanayahay in xal waara laga gaadho.

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>