Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Gobolka Daawa Oo Ku Guulaystay Tartankii Ciyaarta Laliska Ee Gobolada Iyo MM deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 10ka August 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga maalmahanba ka socaday tartanka ciyaaraha kaladuwan oo ay ku loolamayeen gobolada iyo ismaamul magaalooyinka deegaanka.

Hadaba waxaa maanta lasoo gabagabeeyay tartankii ciiyarta laliska oo ay ku tartamayeen gobolada iyo mm deegaanka islamarkaana ay  ciyaarta kaga danbaysta ah isugu yimaadeen kooxda gobolka Daawa iyo kooxda Gobolka faafan. Waxayna ciyaartu wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku raacday gobolka daawa.

Ugu danbayna waxaa tartankan ciyaarta laliska ee lasoo gabagabeeyay ka hadlay agaasinka tababarada iyo tacliinta ee xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdi Cismaan Nuur oo sheegay inay tartankan isugu yimaadeen 4 kooxood oo kala ah kooxda gobolka daawa, kooxda gobolka faafan,kooxda gobolka qoraxey iyo kooxda gobolka liibaan. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray inuu tartanku si fiican kusoo dhamaaday islamarkaana ay guusha koobku raacday gobolka daawa oo ay ka badiyeen gobolka faafan, halka kalinta 3aad ay gashay gobolka qoraxey kaalinta 4aadna ay gashay gobolka liibaan.


28 Mooto Oo Ah Nooca Loo Yaqaano ZUZUKIda Ayaa Lagu Wareejiyay Degmooyinka

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 11ka August 2017. Mashruuca ONE WASH ee xafiiska horumarinta Khayraadka biyaha DDSI ayaa 28 mooto oo nooca loo yaqaano zuzukida ku wareejiyay xafiisyada biyaha ee 28 degmo ee uu mashruucani kashaqeeyo.

Hadaba, Aagaasinka Qorshaynta, Dabagalka, Qiimaynta iyo Iskuxidka Hay’adaha ee Xafiiska Horumarinta Kharaadka Biyaha mudane Maxamed Cumar Siraad oo kahadlay mootooyinkan ayaa sheegay in mootooyinkan loogu talagalay xafiisyada biyaha ee degmooyinka uu ka hawlgalo mashruuca ONE WASH. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in mootooyinkani yihiin kuwo tayaleh oo ah nooca ZUZUKida islamarkaana ay ka qaybqaadanayaan dhanka adeeg bixinta xafiiska.

Agaasinka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in mootooyinkani ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee xafiisku kasoo gado mashruuca ONE WASH iyadoo degmooyinka uu kula dardaarmay in mootooyinkan ladaryeelo oo la ilaashado islamarkaana lagu qabto shaqooyinka loogu talagalay.

Iskusoowada duuboo, mashruucan ONE WASH ayaa ah kashaqeeya xafiisyada horumarka deegaanka islamarkaana si fiican uga qaybqaato dhinacyada horumarka iyo kaabayaasha dhaqaale.

Kulan Lagaga Hadlayay Kaalinta Ay Bangiyadu Ku Leeyihiin Hirgalinta Nidaamka Warshadaha Oo Ka Dhacay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 11ka, August, 2017. Kulan looga  hadlayay sidii  bangiyada ka hawlgala deegaanka kuwa dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyay kaalin  mug leh uga qaadan lahaayeen horumarinta nidaamka warshadaha  islamarkaana kaalin  uga gaysan lahaayeen    hirgalinta qorshayaasha kala duwan ee lagu horumarinayo qaybaha kala duwan ee  bulshada deegaanka  iyo sidii ay  bangiyadu  uga qayb  qaadan lahaayeen hirgalinta barmaamijka guriyaynta macalimiinta deegaanka ayaa ka dhacay caasimada deegaanka ee jigjiga.

Kulankaasi oo  uu soo diyaariyay xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ayaa waxaa hogaaminayay wasiir  ku xigeenka ganacsiga gaadidka iyo warshadaha DDSI mudane Ahmed Shugri, iyo wasiirku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur  iyada oo ay ka soo qaybgaleen  masuuliyiin ka socday  bangiyada  dawliga ah  iyo kuwa aan dawliga ahayn ee ka hawlgala xarunta deegaanka ee jigjiga.

Kulankan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri Cabdi oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo taaba galin-lahaa  hirgalinta  nidaamka warshadaynta  DDSI loona xalin lahaa  carqaladaha ku iman kara  nidaamka  maaliyadeed  ee lagu hirgalinayo warshadaha iyada oo la soo bandhigayo dasaaraad la sameeyay loo lagu xalinayo carqaladaha jiray  taasi oo loo baahan yahay in ay bangiyadu  dar dargaliyaan ka faa’iidaysiga  lacagaha loogu talagalay in ay uga qayb-qaataan dhinaca  horumarinta warshadaha nidamkaasi oo suurta galinaya in ay hantiilayaashu   iyo ganacsatadu ka  qaybka qaataan hirgalinta nidaamka  warshadaha wasiir ku xigeenka ayaa sheegay   si loogu guulaysto nidaamka warshadaha oo ah qorshaha deegaanka iyo dalku ku rabo in   wax soo saarka beeraha lagu-hago warshadaha taasina lagama maarmaan u tahay iskaashiga hay’adaha dawliga, hantiilayaasha, iyo bangiyada.  Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi u daray in kulankan looga hadli doono sidii ay bandhiyadu doorkooda uga qaadan lahaayeen hirgalinta guryaha loo dhisayo macalimiinta deegaanka.

Dhankiisa waxaa ka hadlay kulankan wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska waxbarashada  DDSI ugu jiro taaba galinta tayada waxbarashada iyo guulaha laga soo hooyay kor u qaaditaanka tayada waxbarashada heerarkeeda kala duwan wasir ku xigeenka ayaa sheegay in sanadkan xooga 2010TI  xooga la saarayo sidii loo daboolilahaa  baahida macalimiinta deegaanka islamarkaana ay  xukuumada DDSI qorshe ahaan u qaataday in macalimiinta deegaanka guryo loo dhiso wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in si loo suurta galiyo qorshahaasi loo baahan yahay  in ay bangiyada deegaanka ka hawlgaleen ay ka qayb-qaataan hirgalinta qorshahaasi islamarkaana  bixiyaan lacag dayn bilaa ribo ah.

Dhankooda masuuliyiin ka socday bangiyada kala duwan ee ka hawlgala deegaanla  ayaa soo dhaweeyay qorshahan loo soo bandhigay iyaga oo sheegay in ay kaalin mug leh ka  qaadan doonaan islamarkaana kala shaqayndoonaan xukuuamda DDSI hirgalinta nidaamka warshadaha iyo   horumarinta adeegyada   bulshada deegaanka.  

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Iibka iyo Shuruucdooda Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 11ka August 2017.Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI waaxdiisa iibka iyo maamulka hantida dawlada islamarkaana loo hayay xubno tiradoodu dhantahay 120 xubnood oo kakala yimid qaar kamid ah degmooyinka gobolada deegaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta yo adeega shacabka DDSI.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed  oo ka warbixiyay tababarkan ayaa sheegay in tababarkani ahaa mid lagu kabcinayo awooda fulineed kobcinta ee khabiirada iyo gadhwadeenada geedisocoyada iibka iyo maamulka hantida ee qaarkamid ah degmooyinka hoosyimaada gobolada Faafan, Siti, Jarar, Nogob iyo Erer. Wuxuuna wasiirku tilmaamay in tababarkani yahay mid kasooqaybgalayaasha lagu barayay casharo kusaabsan nidaamka iibka dawlada iyo shuruucdooda. Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in casharada iyo culuumta kaleduwan ee ay ku barteen  uu sida uu yahay  ugu shaqeeyaan islamarkaana ay ka dhaqan galiyaan degmooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Dhinaca kale, Gadh-Wadeenka  G/S  Iibka iyo Maamulka Hantida Dawlada Mudane Cabdisalaam Axmed Maxamud oo isna kahadlay ayaa sheegay in tababarkan ay kasooqaybgaleen 120 xubnood kuwaasoo isugujiara Gadhwadeenada iyo khabiirada waaxyaha iibka iyo maamulka hantida dawlada ee xafiisyada maaliyadaha degmooyinka. Wuxuuna intaa kudaray in ka waax ahaan ay qorshaha ugu jirto sanad-walba kobcinta awooda ee khabiirada iibka iyo maamulka hantida ee degmooyinka islamarkaana uu tababarkani kamid ahaa qorshayaasha lagu kobcinayo garaadka aqoonta ee shaqaalaha iibka iyo maamulka hantida.   

Ugudanbayna, dhankooda kaqaybgalayaashii tababarkni oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin casharadan muhiima ah ee ay mudada baranayeen waxaynatilmameen in ay sifiican ubarteen shuruucda iibka iyo amulka hantida iyo nidaamyadooda islamarkaana lasiiyay documentiyadoodii oo dhan.

Tababar Lagu Baranayo Xirfadaha Isku Xidhka Tuunbooyinka Casriga Ah Ee Biyaha Oo Ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), jumce, 11ka August, 2017. Tababar ku saabsan xirfadaha iyo farsamooyinka layskugu xidho islamarkaana layskugu dhalaaliyo  tuunbooyinka  biyaha casriga ah ee loo yaqaano HDP oo loo qabtay khabiirada iyo farsamo yaqaanada hawlaha biyaha ee ka shaqeeya xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI, wakaalada qodida  ceelasha biyaha DDSI iyo wakaalada dhismaha hawlaha biyaha DDSI ayaa ka dhacay jigjiga.

Tababarkan oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI iyo  shirkada tine drilling industry ayaa waxaa furitaankiisii  ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil iyo masuuliyiin ka socday shirkada tine drilling industry

Waxaana furitaankii tababarka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil oo ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay tababarkani   isaga oo sheegay in mudada uu socto  tababarkani  lagu baran doonaa cashiro ku saabsan hab isticaalka isku xidhka  tuunbooyinka casriga ee loo isticmaalo biyo galinada mashaariicaha waawayn  iyaga oo si ficil ahna loo  qaadan doona barashada  nidaamka casriga wasiir ku xigeenka ayaa ka warbixiyay dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto  ka midho dhalinta  qorsheyaasha lagu horumarinayo hirgalinta mashaariicaha biyo galinada waawayn in ay  muhiimtahay  isticmaalo tuunbooyinka casiriga ah ee biyo galinada deegaanka  

 

Tababarkan ayaa mudada uu socdo waxay  khabiirada iyo farsamo yaqaanada biyuhu ku baran-doonaa cashiro iyo farsamooyin la xidhiidha isticmaalka tuunbooyinka casriga ah iyada oo ay xusid mudan tahay in hada ka hor tuunbooyinkani casirga ah ee loo yaqaano HDP in loogu  isticmaalay mashaariicaha biyo galinada kala duwan ee deegaanka gaar ahaan mashaariicaha biyo galinta  Gunagado, Masrin Dhanaan Fiiq, Sagag Dhagaxmadaw iyo Wardheer iyada oo wakhtixaadirkana la wado in loo isticmaalo tuunbooyinkan casiga ah mashruuca biyo galinta jigjiga wajigiisa 2aad 

Dhalinyarta Sookoraysa Ee Deegaanka Oo U Ambabaxay Tartanka 5aad Ee Heer Qaran Ee Dhalinta Sookoraysa

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 12ka August 2017.  Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka ambabaxay kooxaha ciyaaraha tartamada kaladuwan ee deegaanka ee da’doodu kayartahay 17 jirka islamarkaana u dhaqaaqay dhanka xarunta caasimada deegaanka koonfureed ee Hawaasa oo lagu qabanayo tartanka 5aad ee tartamada kaladuwan ee ciyaaraha dhalinta da’doodu ka yartahay 17jir , sida ciyaarta kubada cagta, mida laliska, Tayniska orodka IWM.

Hadaba wasiir kuxigeenka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaarha DDSI mudane Cabdishakuur cismaan Khayre oo ambabixii kooxahan deegaanka ka hadlay ayaa sheegay inay kooxahan yihiin kooxo kala duwan oo ka qaybgalaya tartanka 5aad ee ciyaaraha kala duwan ee dalka ee dhalinyarada da’doodu ka hoosayso 17jirada dalka oo lagu qabanayo magaalada Hawaasa. Wuxuuna mas’uulku intaa ku daray inay kooxaha deegaanku guul ka kasoo hoyiyeen tartankii ciyaaraha kala duwan ee kilaada xooladhaqatada ah ee lagu  qabtay magaalada harar isalmarkaana ay guulo wax ku ool ah kasoo hoyin doonaan tartankan lagu qabanayo magaalada hawaasa. Sidoo kale wuxuu mas’uulku xusay inay guulahan ay soo hoyinayaan kooxaha deegaanku ay ku timid dadaalka ay xukuumadu ugashay siday dhalinta deefaanku ooga qaybgali lahaayeen guulana ooga keeni lahaayeen tartamada ciyaaraha kaladuwan ee dalka iyo kuwa heer caalamba.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay dhalinta ka qaybgalaysa tartanka ciyaaraha kaladuwan ee dhalinyarada da’doodu ka hoosayso 17jirka oo sheegay inay ka qaybgalayaan tartankan isalmarkaana ay rajaynayaan inay guul lasoo laaban doonaan.

Kooxaha Gobolka Daawa Iyo Sitti Oo Iska Xaadiriyay Wareega 4ta

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 12ka August 2017. Tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka oo maalmahanba kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa waxaa bilowday wareega 8da oo ay maanta wada ciyaareen kooxaha gobolada qoraxey, mm jigjiga, gobolka daawa iyo gobolka sitti.

Waxaana saaka aroornimadii ciyaar xiisa leh dhexmartay kooxda gobolka daawa iyo kooxada mm jigjiga ciyaartan oo tageero aad utira badan soo buux dhaiyeen garoonka ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday kooxda gobolka daawa, sidaasna ay kooxda gobolka daawa oogu gudbeen wareega 4ta.

Dhanka kale waxay galinkii danbe maanta ciyaar aad uxiisa badan oo lawada sugayay dhex maratay kooxda gobolka Sitti iyo kooxda gobolka Daawa, Ciyaartan oo ay kooxda gobolka sitti soo bandhigtay ciyaar wanaaga ayaa waxay wakhtigii loo talagalay kusoo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday kooxda gobolka Sitti islamarkaana ay iskaxaadiriyeen wareega 4ta.

Sikastaba ha ahaatee tartanka ciyaaraha kala duwan ee ka socda xarunta deegaanka ayaa maraya gabagabo meesha ciyaaraha qaar koodna ay dhamaadeen. Kuwan socdana ay sidii loogu talagalay usocdaan.

Munaasabad Ku Saabsan Yaraynta Shilalka Gawaadhida Oo Ka Qobsoontay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 12ka August 2017. Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay oo ay dulucdeedu ahayd mid lagu qorfaynayay sidii loo xakamayn lahaa loogana hortagi lahaa shilalka gawaadhida loona xoojin lahaa bad-baadada wadooyinka ayaa ka dhacday madasha shirarka ee sayid MCX ee xarunta deegaanka.

Munaasabadan oo uu soo diyaariyay xafiiska Gaadiidka Ganacsiga iyo Warshadaha DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, shaqaalaha xafiisyada heer deegaan, ciidanka baanboyda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada deegaanka ee jigjiga. Munaasabadan oo socdaal lug ah lagu soo maray qaarka mid ah wadooyinka waawayn ee caasimada deegaanka ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar oo sheegay in loo baaahan yahay in siwada jir ah looga hortaga sidii loo xakamayn lahaa shilalka gawaadhida iyada oo xooga la saarayo bad-baadada dawooyinka wuxuuna ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan cida ay sida tooska ah u khusayso in ay xooga saaraan sidii loo xakamayn lahaa shilalka gawaadhida.

Hadaba  Munaasabadan oo halku dhig looga dhigay”ka hortaga shilalka iyo bad-baadada wadooyinka ayaa ku xaqiijinaynaa dib u curashadeena” ayaa waxaa dhankiisa ka hadlay wasiir ku xigeenka ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shurgi oo sheegay in xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshaduhu dadaal xoogan ugu jiro sidii uu u xaqiijin lahaa xakamaynta ,ka hortaga shilalka iyada oo la raacayo shuruucaha deegaanka iyo dalkaba u yaala wasiir ku xigeenka ayaa ku booriyay wadayaasha gawaadhida in ay muujiyaan dadaal xoogan oo lagu xakameeyo shilalka gawaadhida iyo bad-baadada wadooyinka. Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshad ka soo qayb-gashay munaasabada ayaa sheegay in ay siwayn uga soo baxayaan kaalinta kaga aadan sidii loo yarayn lahaa shilalka gadhaadhida iyo bad-baadada wadooyinka.


Inaa-lilaah wa inaa ilayhi raajicuun

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 13ka August 2017. Inaa-lilaah wa inaa ilayhi raajicuun waxaa maanta ku geeriyooday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga allah ha u naxariistee Marxuumad Faisa Aadan Xuseen oo kasoo shaqaysay mudo warbaahinta deegaanka. Waxayna XDSHSI iyo xukuumada DDSI   tacsi tiiraanyo leh u direen ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba xukuumada DDSI iyo shacabwaynaha DDSI ee ay  ka geeriyootay marxuumada . Waxayna marxuuda illaahay uga baryeen in uu jano fardowsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhamaan umada ay ka geeriyotdayna samir iyo iimaan kasiiyo.

Kulan Balaadhan Oo Loo Qabtay Macalimiinta Xiliga Xagaaga Waxkabarata Jaamacada Jigjiga iyo Kuliyada TTC

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Axad 13ka August 2017. Kulan balaadhan oo uu sooo agaasimay xafiiska waxabartashada DDSI islamarkaana loo qabtay macalimiinta xiliga xagaaga waxkabarata jaamacada jigjiga iyo kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen ayaa si habsamileh uga qabsoomay hoolka shirarka ee isla kuliyad.

Kulankan ayaa waxaa kasooqaybgalay wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur, maareeyaha kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdi-Majiid Xuseen Mudane Kifaax Macalin, sidookale, waxa ka soo qaybgalay agaasinada xafiiska waxbarashada, ururka macalimiinta DDSI iyo masuliyin kale

Hadaba, kulankan oo uu shirgudoon ka ahaa wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxmuud Axmed Nuur (Heeryo) ayaa ugu horayn u mahadceliyay dhamaan macalimiinta iyo masuuliyiinta kasooqaybgalay shirkan. Wuxuuna sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay in macalimiinta fahan buuxa laga siiyo geedisocodka waxbarasho iyo higsiga waxbarasho islamarkaana la isla falanqeeyo Gaabka iyo dhaliilaha kajira dhanka baris barasho iyo dugsiyada ay kakala yimaadeen macalimiintani. Wuxuuna intaa kudaray in sidookale ujeedada kulankani yahay mid kor loogu qaadayo garaadka waxbarasho ee macalimiinta. Waxuuna tilmaamay in kulankan lagu soo bandhigayo qorsheyaasha xafiiska waxbarashada DDSI, yoolka lahiigsanayo, iyo waliba sidiiloo sixilahaa goldolooladii kajiray dugsiyada sanadkan 2009 T.I. iyo waliba sidii kor loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada ee guud ahaan deegaanka..

Sidookalana, Wasiir kuxigeenka  ayaa bareyaasha iyo hogaaminta waxbarashada kula dardaarmay in dugsi kasta laga furo 0 class iyadoo la dardar galinayo waxbarashada caruurta baahida gaarka ah qabta iyo waxbarashada dadka waawayn.

Dhanaca kale, shirkan ayaa waxaa iyana fariimahooda ku’aadan macalimiinta kabixinayay qaarkamid ah agaasimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI , waxaana casharada soo bandhigayay khabiiro katirsan xafiiska waxbarashada DDSI.

Ugudanbayna, kaqaybgalayaashii kulankan oo dareenkooda kahadlay ayaa si aad ah u bogaadiyay shaqooyinka wax ku oolka ah iyo guulaha waawayn ee uu xafiisku kasoo hooyiyay hawlaha baris-barasho ee sanadka 2009 T.I taasoo aan suuro gasheen hadii aysan hogaaminta sare ee xafiisku kago’naansho la iman lahayn. Waxayna  ballan qaadeen in ay si adag ugasoo bixi doonaan xilka iyo waajibaadka saaran.

 

Kooxaha Gobolka Dollo Iyo MM Wajaale Oo Ugudbay Wareega 8da

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 13ka August 2017. Tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka ee kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa waxaa bilowday wareega 8da oo ay maanta wada ciyaareen kooxaha gobolada Faafan, mm wajaale, gobolka Shabeele iyo gobolka Dollo.

Waxayna saaka aroornimadii ciyaar xiisa leh dhexmartay kooxda gobolka Faafan iyo kooxada mm wajaale ciyaartan oo tageero aad utira badan soo buux dhaiyeen garoonka ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay barbaro 1-1 waxaana loo dhigay rigoore oo ay guushu ku raacday kooxda mm wajaale , sidaasna ay kooxda mm wajaale oogu gudbeen wareega 4ta.

Dhanka kale waxay galinkii danbe maanta ciyaar aad uxiisa badan oo lawada sugayay dhexmaratay kooxda gobolka Dollo  iyo kooxda gobolka Shabeele, Ciyaartan oo ay kooxda gobolka Dollo soo bandhigtay ciyaar wanaag ayaa waxay wakhtigii loo talagalay kusoo dhamaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday kooxda gobolka Dollo islamarkaana ay iskaxaadiriyeen wareega 4ta.

Sikastaba ha ahaatee tartanka ciyaaraha kala duwan ee ka socda xarunta deegaanka ayaa maraya gabagabo meesha ciyaaraha qaar koodna ay dhamaadeen. Kuwan socdana ay sidii loogu talagalay usocdaan.

Kulan Shaqo Abuur Loogu Samaynayo Dhalinyarada MM dh/buur Oo Ka Furmay Dhagaxbuur.

$
0
0

Dhagaxbuur(cakaaranews), Isniin, 14ka August , 2017. Kulan  balaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayay dhalinyaro dhan 797 xubnood  oo ka kooban 78  iskaashato oo laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada dhagaxbuur ayaa maanta ka dhacay madasha shirarka ee mm dhagaxbuur.

Haddaba,kulankan  shaqo abuurka loogu samaynayay dhalinyarad  isugu xidhan iskaashatooyinka  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi maxamed , maareeyaha ha’yada lacagaha yar yar DDSI mudane maxamed Cabdiraxmaan, masuuliyiin kale iyo xubnaha dhalinyarada shaqo abuurka loo samaynayo.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay  kulankan wasiirka madaxtooyada DDSI mudane cabdimahad maxamed cabaase oo si qoto dheer uga warbixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee  u dajisan xukuumada DDSI ee lagu tir tirayo saboolnimada korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaana taasi oo meelaha shiishka la saarayaa tahay shaqo abuurka dhalinyarada deegaanka loona baahan yahay in dhalinyaradu noqdaan kuwa ka midho dhaliya yoolasha loo dajiyay ee la hiigsanayo. Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada kulankana tahay sidii loo dhalinyarada bilaa calamka ah loogu samayn lahaa shaqo abuur iyada la dayminayo lacaga ay ku shaqaystaan si  hirgaliyo tir tirida fikirka ma shaqayste nimada wasiirka ayaa intaa ku daray in ka hor inta aan la daymin dhalinyaradan lacagaha loo furayo tababar gaaban oo ku saabsan xirfadaha kala duwan ee ganacsiga

Dhankiisa wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi maxamed  oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in  ujeedada kulankani  qayb ka tahay   qorshayaasha ay xukuumada DDSI ku    xoojinayso   abuuritaanka bulsho ku baraarugsan iskuna sharafta shaqada  isku filnaanshaha iyo wax soo saarka kana madaxbanaan  fikirada mashaqayste nimada, shaxaadka iyo dulsaarnimada wasiirka ayaa ku booriyay dhalinyaradan iskugu xidhan iskaashatooyinka in ay xooga saaraan sidii ay u taaba galin lahaayeen meelmarinta qorshahan kana faa’iidaystaan fursadahan ay siiyay xukuumada DDSI.

Ugu danbayntii maaha markii ugu horeesay ee ay xukuumada DDSI shaqo abuur u samaysay dhalinyarada DDSI ee waxay sanadihii ugu daneeyay xooga saartay sidii loo tir tirilahaa saboolnimada iyo mashaqaysta nimada loona taaba galin lahaa gaadhida horumar waara oo joogtaysan   taasi oo kumanaan dhalinyaro ah  oo markii hore  bilaa camal ah inta la baray xirfadaha kala duwan ee ganacsiga ka dib shaqo abuur loo sameeyay.

 

 

Kulan Balaadhan Oo Shaqo Abuur Loogu Samaynayo Dhalinyarada MM Qabridahar Ayaa Ka Furmay Magaalada Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Isniin, 14ka August , 2017. Kulan  balaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayay dhalinyaro dhan 1,300  xubnood  oo ka kooban iskaashatooyin kaladuwan  islamarkaana laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada qabridahar ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee mm qabridahar.

Haddaba,kulankan  shaqo abuurka loogu samaynayay dhalinyarada  isugu xidhan iskaashatooyinka  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI Mudane Deeq Cabdulaahi Buraale, Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan, Gudoomiyaha gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo dhalinyarta shaqo abuurka loo samaynayay ee mm qabridahar.

Waxaana ugu horayntii kulankan ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale oo si faahfaahsan ooga hadlay in nidaamka iyo qorshayaasha u dajisan xukuumada uu yahay sidii loo tirtiri lahaa cadowgeena koobaad oo ah saboolnimada islamarkaana si taas loo gaadhana shiishka la saarayo  shaqo abuurka dhalinyarada deegaanka loona baahan yahay in dhalinyaradu noqdaan kuwa ka midho dhaliya yoolasha loo dajiyay ee la hiigsanayo. Wuxuuna mas’uulku intaa kudaray in ujeedada kulankan tahay sidii loo dhalinyarada bilaa calamka ah loogu samayn lahaa shaqo abuur iyada la dayminayo lacaga ay ku shaqaystaan si loo hirgaliyo tir tirida fikirka ma shaqayste nimada islamarkaana in ka hor inta aan la daymin dhalinyaradan lacagaha loo furayo tababar gaaban oo ku saabsan xirfadaha kala duwan ee ganacsiga.

Dhankiisa Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan oo kahadlay kulankan ayaa isana sheegay in  ujeedada kulankani uu qayb kayahay  qorshayaasha ay xukuumada DDSI ku    xoojinayso   abuuritaanka bulsho ku baraarugsan iskuna sharafta shaqada  isku filnaanshaha iyo wax soo saarka kana madaxbanaan  fikirka cidhiidhyoon ee mashaqayste nimada, shaxaadka iyo dulsaarnimada. Wuxuuna wasiirku ku booriyay dhalinyaradan iskugu xidhan iskaashatooyinka in ay xooga saaraan sidii ay u taaba galin lahaayeen meelmarinta qorshahan kana faa’iidaystaan fursadahan ay siiyay xukuumada DDSI.

Ugu danbayntii maaha markii ugu horeesay ee ay xukuumada DDSI shaqo abuur u samaysay dhalinyarada DDSI ee waxay sanadihii ugu danbeeyay xooga saartay sidii loo tir tirilahaa saboolnimada iyo mashaqaysta nimada loona taaba galin lahaa gaadhida horumar waara oo joogtaysan   taasi oo kumanaan dhalinyaro ah  oo markii hore  bilaa camal ahaa inta la baray xirfadaha kala duwan ee ganacsiga ka dib shaqo abuur loo sameeyay.

Wasiir Ku Xigeenka Waxbarshada DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Tayaynta Waxbarashada Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Isniin, 14ka August 1, 2017. Wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay guulaha laga soo hooyay qorshihii sanadka 2009TI ee ku salaysnaa dhinaca kor u qaaditaanka tayada waxbarashada deegaanka .

Wasiirku xigeenka ayaa sheegay in bilowgii qorshihii   sanad dugsiyeedka  2009TI uu  xafiiska waxbarshada DDSI   dajiyay  tabo iyo xeelado suurta galinaya gaadhida iyo ka midho dhalinta natiijada qorshaha taasi oo sal looga dhigay iskaashiga bahda waxbarashad iyo baw-wadaagtooda iyada oo si gaar ah diirada loo saaray iskaashiga joogtada ah ee ay leeyihiin  xafiiska waxbarashada, macalimiinta ardayda  iyo waalidiinta ardayda   taasi ayaa suurta galisay ayuu yidhi wasiir ku xigeenku in dhamaanba qaybaha kala duwan ee waxbarshada  sidii uu qorshuhu ahaa loo fuliyo lana gaadho natiijo wax ku ool ah.

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa tilmaamay in ka guul gaadhida qorshihii sanadkii 2009it ee dhinaca  tayada baris barasho ay ka  mid ahaayeen  in dhamaan dugsiyada deegaanka gaar ahaan kuwa ku yaala degmooyinka iyo  tuulooyinka DDSI ee ay wakhtiyadii hore ku yaraayeen macalimiintu in bilowgii sanadkan  la daboolay baahidii dhinaca barayaasha iskuulada iyada oo  lagu xoojiyay macalimiin tayo aqooneed leh. sidoo kale waxa xooga la saaray ayuu yidhi wasiir ku xigeenku in la soo saaro manhajka  waxbarashada  oo tiro iyo tayaba leh kaas oo kor u qaaday  tayada waxbarashad deegaanka. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray xooga la saaray laguna guulaystay  in abaartii ka dhacday   qaarka mid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka darteed uuna ardayna u joojin waxbarashada iyada oo dhamaan dugsiyad ku yaala degmooyinka abaaruhu saameeyeen laga bilaabay quudinta laguna guulaystay in uuna ardayna u joojin/ u loox-tuurin  abaarta darteed.Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku in guulaha laga gaadhay qorshihii sanadkii 2009TI   ay tahay ta ka muuqata guusha ay ardaydii  deegaanku ka soo hooyeen natiijada imtixaanaadkii heer qaran ee dugsiyada sare  oo guud ahaanba ardayda deegaanka ka soo hoysay natiijo sare.

Ugu danbayntii waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku in sanadka cusub ee 2010TI  uu xafiiska waxbarashada DDSI xooga saarayo sidii uu u xaqiijin lahaa   taamyeelida tayada waxbarashada iyada oo xooga la saarayo waxyaabaha gashiga u ah tayada waxbarashada sida in la daboolo baahida dugsiyada, tan macalimiinta oo sanadka qorshuhu yahay in dhamaan macalimiinta deegaanka la daboolo baahidooda iyada oo loo dhisayo guryo waxaa kale oo la  suurta galinayaa  sidii ardayda iyo macalimiinta looga xaqabtirilahaa helidaanka aaladaha casriga ah waxaa kale oo aan xooga saaraynaa ayuu yidhi  wasiir ku xigeenku kor u qaaditaanka ka qaybgalka waxbarashada  dumarka  iyo tayaynta indaamka baris barasho ee dugsiyada deegaanka si looga guul gaadho xaqiijinta tayada waxbarashada deegaanka.

Mashruuca Balaadhinta Biyo-xidheenka Hadhaawe Oo Meel Fiican Maraya

$
0
0

Hadhaawe(Cakaaranews) Talaado 15ka August 2017.  Xukuumada DDSI ayaa si is daba jooga guula uga gaadhaysa mashaariicaha waraabka beeraha Mudo kooban ayaa laga jooga markii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu xadhiga ka jiray 4 biyo xidheen oo kuwa waraabka beeraha ah oo laga hirgaliyay gobolada jarar iyo qoraxay Kuwaas oo wakhtigan la joogo bulshadu ka abuuratay kumanaan hictar oo dalaga kala,duwan ee beeraha ah.

Hadaba Mashruuca waraabka hadhaawe ee degmada godey ayaa waxaa ku socota balaadhin iyada oo la jeexayo kanaalo dhaadheer oo loogu talo galay in beeraha lagu waraabiyo Waxaana booqasho kormeer, qiimayn ah kusoo sameeyay qaabka dhismuhu u socdo wafti isugu jira heer deegaan, heer gobol iyo heer degmo,Kuwaas oo si qoto dheer ugu kuur galay geedi socodka shaqada iyaga oona qiimayn ku sameeyay mudada lagu soo afmeeri doono dhismahan mashruucan.

gud ku xigeenka gobolka shabeelle Mudane Nuur Xayir Qaasin, ayaa Kormeerka kadib  wuxuu warbaahinta deegaanka uga xog waramay ujeedada uu salka ku hayo kormeerkoodani islamarkaana ay u xaqiijin lahaayeen qaab dhismeedka uu usocdo mashruucan

Dhanka kale gadh wadeenka geedi socodka barnaamijka dajinta iyo wacyi galinta bulshada ee xafiiska waraabka iyo dooxooyinka DDSI mudane  Farxaan Maxamuud Aadan oo isana la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inuu u yimid biyo xidheenkan inuu xaqiijiyo heerka uu marayo dhismaha biyo xidheenkan qabalaha hadhaawe oo uu maalgaliyay dhismihiisa xafiiska waraabka iyo dooxooyin DDSI islamarkaana ay dhismihiisu gacanta ku hayso wakaalada dhismaha, iibka iyo adeega gaarka ee  poliska DDSI. Wuxuuna xusay in ay soo arkeen Biya xidheenkan oo ah kii ay fuliyeen maamulka degmada godey sanadkii hore ee 2008 TI ayaa waxaa balaandhinta lagu wado kasakaw bar bar socda in maamulka degmadu ay ku bilaabeen abuurista beer ay ugu talo galeen inay tusaale uga dhigaan shacabka.

Ugu Danbayna waxaa si kooban ooga warbixiyay biyoxidheenkan gudoomiyaha deg godey mudane Xasan Cali Cabdi oo sheegay inuu Biyo xidheenkan markuu dhamaado suurta galin doonaa sida qorshuhu yahay in looga faaiideeyo boqolaal qoys oo ku dhaqan qabalaha hadhaawe iyo guud ahaan nawaaxiga agaas.


Kulan Lagaga Hadlayay Mashruuca Dabargoynta Cudurka susanka Oo ka Furmay Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 15ka August, 2017. Waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah  ee garaad wiil-waal lagu soo dhaweeyay masuuliyiin heer faderaal ah oo ay hogaaminayso wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo horumarinta kaluunka  JDFI marwo Dr Misraq Mokonen iyada oo ay si qurux badan ugu soo dhaweeyay garoonka masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid tahay wasiir ka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud.

Soo dhawayn ka dib waftigan  heer faderaal ee ay hogaaminayo wasiirku xigeenka wasaarada xanaanada  xoolaha  iyo horumarinta  kaluumaysiga JFDI marwo Dr misraaq mokonen ayaa   ka  qaybgalay  furitaanka kulan balaadhan oo lagu qorfaynayay  waxqabadka iyo jihooyinka mashruuca dabar-gaynta cudurka suusanka / kalidii cunaha dhiiga xoolaha islamarkaana ah cudur ku dhaca xoolaha waana cudur caqabad ku keeni kara horumarinta khayraadka xoolaha. kulankan ayaa waxaa kale oo ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI oo ay ugu horayso wasiirka xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud, masuuliyiin ka socday hay’adaha bah-wadaagta la ah xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI iyo madax xafiiseedyada xafiisyada xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga ee 30 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka.

Waxaa, furitaankii kulankaasi ka hadashay wasiirka xoolaha iyo horumarinta bulshada reer guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ka warbixisay istaraatajiyadaha  jihooyinka iyo qorshayaasha lagu horumarinayo xoolaha dalka iyo khayraadkooda  gaar ahaan deegaanada xoolo dhaqatada kaasi oo uu ugu  horeeyo deegaanka somalida itoobiya oo ah deegaan hodan ku ah dhinaca khayraadka xoolaha wasiirka ayaa sheegtay in xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha bulshada bulshadeena taasi oo ay deegaanka somalida itoobiya xoolaha toos uga faa’iidaystaan  inka badan 85%. Wasiirka ayaa sheegtay in wakhtiyadii hore aan sidii loogu talagalay looga faa’iidaysan khayraadka xoolaha balse sanadihii ugu danbeeyay dalkeena itoobiya iyo deegaankuba xooga saareen sidii loo horumarin lahaa nidaamka dhaqashada xoolaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadkooda iyada oo la adeegsanayo farsamooyin kala duwan ee casriya islamarkaana xooga la saarayo sidi looga hortagilahaa cudurada faafa ee ku dhaqa xoolaha . wasiirka ayaa intaasi ku dartay in si loo xaqiijiyo tayada caafimaad qabka xoolaha ta dajiyay taba iyo xeeladu lagu dabar-goynayo cudurada ku dhaca xoolaha  kuwaasi oo ay ka mid yihiin mashruuca  dabargaynta   cudurka suusanka ee ku dhaca xoolaha gaar ahaan adhiga kulankana yahay mid lagaga hadlayo sidii loo xoojinlahaa waxqabadka mashruucan.

Dhankeeda waxaa furitaankii kulankaasi ka hadashay wasiirku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo  horumarinta kaluunka  JDFI marwo Dr Misraaq Mokonen oo sheegtay in dalkeena itoobiya ka mid yahay wadamada geeska Africa ugu xoolaha badan, deegaanka soomalida itoobiyana yahay deegaanada ugu xoolaha badan dalkeena itoobiya  sidaasi darteedna sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga gaadhay  xaqiijiyo tayada xoolaha iyo khayraadkooda   iyada oo  sameeyay qorshayaal lagu tayaynayo horumarinta xoolaha nool iyo ka faa'iidaysiga , khayraadkooda gaar ahaan suuqgayntooda.

Kulankan ayaa waxa inta u socdo lagu soo bandhigayaa daraasaad lagu sameeyay sidii loo Xaqiijin lahaa tayada xoolaha loogana hortigilahaa cudurada faafa ee ku dhaca xoolaha gaar ahaan cudurka susanka  iyo guud ahaanb jihooyinka casriga ah ee lagu horumarinayo xoolaha nool iyo khayraadkooda.

Gudoomiye Ku Xigeenka Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Belgium Oo Lagu Soo Dhaweeyay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 16ka August , 2017. Waxaa  lagu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal airport ee magaalada jigjiga gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka Belgium   ahna mulkiilaha shabakada wararka ee Raasonews mudane Maxamed Badri Macalin

waxaana, si qurux badan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin maareeyaha wakaalada Arimaha  xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Badri Yuusuf iyo maareeye ku xigeenka ururka horumarinta soomalida itoobiya mudane Cabdilaahi Maxamed Cabdi (dhagalaab).

Soo dhawayn ka dib gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka belgium mudane Maxamed Badri macalinayaa qolka nasashada ee madaarka kula hadlay warbaahinta deegaanka  isaga oo  siwayn ugu mahad celiyay soo dhawaynta meeqaamka sare ah ee ay xukuumada DDSI ugu soo dhawaysay deegaanka  wuxuuna ku amaanay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka guulaha laga soo hooyay dhinacyad horumarka nabadgalyada hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta xidhiidhka saraxka tiran ee ay xukuumada DDSI la leedahay qurba joogta DDSI. 

Ugu danbayntii gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee Belgium ahna mulkiilaha shabakada Raasonews ayaa ah  ah xubin xubin qurba joog ah fir-fircoon islamarkaana    kaalin mug leh ka qaata hirgalinta qorshayaasha horumarineed gaar ahaan dhinaca warbaahinta deegaanka,  gudbinta iyo  soo bandhiga xogaha horumarineed ee deegaanka.  

Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Ka Warbixisay Taaba Galinta Tabaca Wax Soo Saarka Beeraha.

$
0
0

jigjiga,(cakaaranews),Arbaca, 16ka August, 2017. Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo xafiiskeeda ugu waramasay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixisay guulaha waawayn ee laga soo hooyay qorshihii dhinaca wax soo saarka beeraha ee sanadkii 2009TI.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegtay in xukuumada DDSI  sanadihii ugu danbeeyay  dajisay qorsheyaal cilmiyaysan iyo  istaraatajiyado lagu gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay sidoo kalena lagu tir tirayo saboolnimada  iyo shaqo la’aanta taasi oo sal looga dhigay hirgalinta iyo xoojinta nidaamka  wax soo saarka beeraha  oo casriya  iyada oo lagu  hagayo nidaamka warshadaha oo ah tubta  lagu gaadhayo horumar waara joogtaysan oo aan soo noqod lahay, madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegtay in la xoojiyay  awooda fulineed ee geedi socodka  lagu gaadhayo natiijooyinka wax ku ool ka ah.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sharax dheerka bixisay fulinta iyo meelmarinta qorshihii u dajisnaa xafiiska beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI gaar ahaan nidaamka fidinta wax soo saarka beeraha oo ay qorshaysnayd in sanadka 2009TI  la abuuro dhul beereed dhan 801,481 hector taasi oo lagu guulaystay in la abuuro 709,977 hector taasi oo u dhiganta in qorshihii la fuliyay 88.6%.  sidoo kale waxaa la sameeyay ayay tidhi madaxwayne ku xigeenku daraasaadyo ku taxa-luqa noocyada carada deegaanka si loo xaqiijiyo nooca wax soo saarka goobkasta ku haboon deegaanka sidoo kale waxaa la qaybiyay lana gaadhsiiyay goobkasta  ayay tidhi madaxwayne ku xigeenku  noocyada kala duwan ee abuurka wax soo saarka beeraha oo tayada leh iyada oo dhinaca kale tababaro kor loogu qaadayo garaadkooda aqooneed la siiyay xirfadlayaasha fidinta beeraha dhinaca kalena  sanadkii 2009IT la soo iibiyay 5 mishiin oo ah miinada waawayn  ee casriga ah ee lagu gooyo sareenka, sinsinta, galayda iyo calafka xoolaha

Madaxwayne ku xigeenka oo sheegay in dhamaanba qorshayaashii u dajisnaa xafiiska laga soo hooyay guulo waawayn oo gashi u ah fidinta wax soo saarka beeraha. Waxayna  sheegay madaxwayne ku xigeenku  in qorshaha cusub ee 2010TI  diirada lagu saarayo xaqiijinta wax soo saar taya leh  islamarkaana gaashaan u noqda xaalada abaaraha ee keenta cunta yaraada iyada oo laga faa’iidaysanayo khayraadka deegaanku hodanka ku yahay sida ka faa’iidaysiga Wabiyada deegaanka, mashaariicaha biyo xidheenada waawayn ee ay xukuumada DDSI hirgalisay iyada oo dhinaca kalena xooga la saaraya sidii loo soo saarilahaa calafka xoolaha . madaxwayne ku xigeenka ayaa intaasi ku dartay in sanadkan la sii xoojindoona soo iibinta iyo qaybinta agabyada casirga ah ee loo adeegsado wax soo saarka beeraha oo ay ka mid yihiin cagaf-cagafyadu kuwaasi oo la gaadhsiindoono degmooyinka deegaanka.

Ugu danbayntii madaxwayne ku xigeenka DDSI ayaa fariin u dirta qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka taasi oo ah in xooga la saaro wax soo saarka beeraha islamarkaana laga faa'iidaysto khayraadka deegaankeenu hodanka ku yahay  si  uu iskaashigeenu u noqdo mid lagu hirgaliyo qorshaha ay xukuumada DDSI sanadkan dajisay ee ah waan soo ceshan karaa inku filnaanshaheenii.

Kooxda Gobolka Daawa Iyo Kooxda Gobolka Sitti Oo Ugudbay Ciyaarta Finaalka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 16ka August 2017.  Tartankii kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka  Deegaanka ee kasocday garoonka casriga ah ee xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ayaa waxaa bilowday wareega gabagabo islamarkaana ay gobolada Daawa, MM Wajaale,Dollo iyo Sitti ay iskasoo xaadiriyeen wareega 4ta ee loogu gudbayo ciyaarta kamadanbaysta ah ee finaalka.

Waxayna saaka aroornimadii ciyaar xiisa leh dhexmartay kooxda gobolka Daawa iyo kooxada mm wajaale ciyaartan oo tageero aad utira badan soo buux dhafiyeen garoonka ayaa waxay wakhtigii loogu talagalay ku dhamaatay 3-1  oo ay guushu ku raacday kooxda gobolka daawa , sidaasna ay kooxda gobolka daawa oogu gudbaan ciyaarta finaalka ee ugu danbayasa koobkan gobolada iyo mm deegaanka oo in muda kasocday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Dhanka kale waxay galinkii danbe maanta ciyaar aad uxiisa badan oo lawada sugayay dhexmartay kooxda gobolka Dollo  iyo kooxda gobolka sitti , Ciyaartan oo ay labada kooxba  soo bandhigeen ciyaar wanaag ayaa waxay wakhtigii loo talagalay kusoo dhamaatay barbaro 1-1 ah. Intaas kadibna Waxaa loo dhigay rigoore oo ay guusha ku raacday kooxda gobolka Sitti iskaxaadiriyeena ciyaarta finaalka ee ugu danbaysa koobkan gobolada iyo mm deegaanka islamarkaana ay tartankan kubada cagta ee gobolada iyo mm deegaanka ay ciyaarta ugu danbaynta fiinaalka isugu yimaadeen labada kooxood ee gobolka Daawa Iyo Gobolka Sitti.

Sikastaba ha ahaatee tartanka ciyaaraha kala duwan ee ka socda xarunta deegaanka ayaa maraya gabagabo islamarkaana ay labada kooxood ee gobolka Daawa iyo Sitti ay wada ciyaari doonaan kulanka kaga danbaysta finaalka.

Kulan Lagusoo Dhawaynayay Maareeyayaasha Cusub Ee Xarumaha Caafimaadka Gobolka Qoraxey

$
0
0

Qabridahare(cakaaranews)Khamiis 17ka August 2017. Waxaa xarunta gobolka qoraxey kaqabsoomay kulan lagusoo dhawaynayay maareeyayaasha cusub ee lagusoo qoray xarumaha caafimaadka gobolka qoraxey islamarkaana ay kasooqaybgaleen gudoomiyaha gobolka qoraxey iyo waliba gudoomiya yaasha iyo madax xafiiseedada caafimaadka degmooyinka gobolka qoraxey.

Hadaba, kulankan soodhawaynta ah ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf oo sheegay in gacmo furan ay kusoodhawaynayaan maareeyayaasha cusub ee xarumaha caafimadka gobolka qoraxey lagu soo qoray. Wuuuna intaa kudaray in maareeyayaashan lagsooqoray 14ka xarumo-caafimaad ee gobolka qoraxey. Wuxuuna xusay gudoomiyuhu in maareeye yaashani ay yihiin gabdho kuwaasoo ah xubnihii ugu kartida badnaa ee lagasoo kalaxulay dhamaan deegaanka islamarkaana tababarka hogaaminta ee xarumaha caafimaadka kusoo qaatay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Wuxuuna tilmaamay gudoomiyuhu in ka maamul ahaan ay garabtaagan yihiin dhankaata oo xaga maamulkooda ah, iyagana looga baahan yahay in xilkooda iyo waajibaadkooaba ay si toosa uga soo baxaan.

ugudanbayna, maareeyayaashii cusbaa oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in xilka waajibaadka ay usoo idmatay xukuumada DDSI ay si wadaniyad leh oo daacadnimo ku dheehanatahay uga soobaxayaan.

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


Latest Images

<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>