Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Gudoomiyaha Dhalinyarada Jaaliyada DDSI Ee Waqooyiga America Oo Jigjiga Lagu Soo Dhaweeyay

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Axad ,23ka July, 2017. Waxaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal airport ee magaalada jigjiga gudoomiyaha ururka dhalinyarada jaaliyada waqooyiga America (ESYO) mudane Ahmed Maxamed Abiib.

Waxaana, waxaana si qurux badan ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada DDSI oo ay ka mid yihiin wasiirka xoolaha iyo horumarinta Reerguuraaga DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud, wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska DDSI Mudane Baashe Cabdi Ismaaciil, maareeyaha wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdiraxmaan maxamed xasan, wasiirka ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan, wasiir ku xigeenka gaadiidka ganacsiga iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shurgi, wasiir ku xigeenka waxbarashada DDSI mudane maxamuud ahmed nuur maareeyaha wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntada DDSI marwo Faysa Xasan  iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Soo dhawayn ka dib gudoomiayha ururka dhalinyarada waqooyiga america (ESYO) mudane axamed maxamed abiib ayaa qolka nasashada ee madaarka kula hadlay warbaahinta deegaanka  isaga oo  siwayn ugu mahad celiyay soo dhawaynta meeqaamka sare ah ee ay xukuumada DDSI  wuxuuna ku amaanay xukuumada DDSI iyo shacabka deegaanka guulaha laga soo hooyay dhinacyad horumarka nabadgalyada hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta xidhiidhka saraxka tiran ee ay xukuumada DDSI la leedahay qurba joogta DDSI. 


Maareeye Ku Xigeenka Wakaalada Dakhliga DDSI Oo Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah U Sameeyay Qaarka Mid ah Qurba joogta DDSI.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Axad, 23ka, July , 2017 xaflad  hadhimo sharafeed ah oo uu soo agaasimay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka maalgashiga DDSI mudane Cabdinaasir Maxamed, masuuliyiin kale iyo qurba joogta loo qabtay hadhimo sharafeedkan oo ka kala timiday wadamada demark iyo jarmalka oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha jaaliyada DDSI ee wadanka jarmalka mudane cabdirashiid shuqul,  gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee wadanka dermark mudane cabdirisaaq cabdi cumar iyo nafaan cadbiraxmaan koronto ayaa ka dhacday huteelka city crow ee caasimada deegaanka,

Haddaba xafladan ayaa waxaa ka hadlay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane cabdifataax maxmaed cabdi oo sheegay in ay tahay imaatinka qurba joogta iyo  la kulankood  mid farxadeed  oo  muhiimna u  horumarka iskaashiga  ee xukuumada DDSI iyo qurba joogta deegaanka ka wadaan deegaanka isaga oo ku amaanay qurba joogta deegaanka sida ay wakhtigan kaalin  muga leh uga qaadanayaan isbadalka horumarineed ee ka taabagalay deegaanka iyo ka qaybgalka  hirgalinta mashaariicaha  horumarineed ee heer qaran ee uu ka mid yahay mashruuca dib u curashada dalkeena ee biyo xidheenka ABAY wuxuuna ku booriyay qurba joogtan in ay sii xoojiyaan dadaalkood gaar ahaan dhinaca maalgashiga ay ka wadaan deegaanka

Dhankooda xubahan qurba joogta oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imaatinka dhulkooda hooyo ay  tahay sharaf iyo karaamo  wadaniyadeed oo ay uga mahad naqayaan xukuumada hirgalisay in si nabadgalyo iyo horumar leh loogu naaloodo guud ahaan deegaanka soomalida itoobiya waxayna ugu siwayn ugaga mahad naqeen soo dhawaynta masuuliyiinta DDSI iyo shacabkuba la garab tagan yihiin qurba joogta DDSI.

Isku soo wada doob  oo isbadalka horumarineed ee dalkeena itoobiya  ku talaabsaday tobonaankii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa qaybwayn ka ciyaarayay qurba joogta ka soo jeeda dalkeena itoobiya kuwaasi oo garab iyo gaashaan adag u ahaa muuqaalka itoobiyada cusub ee  ku dhisan isjacay iyo wax wada qabsi wadaniyadeed waxaana xusid mudan in kaalinta ka qaybgalka horumarka qurba joogta dalkeena itoobiya si wayn uga dhex muuqdeen qurba joogta deegaanka soomali itoobiya kuwaasi oo muujiyay sida maanta ay u yihiin kuwa halbaw leh u ah itoobiyada cusub.  

Masuuliyiinta MM jigjiga Oo Kulan La Yeeshay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan MM jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),Isiin, 24ka, July, 2017. Masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga ayaa kulan balaadhan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee caasimada deegaanka ee magaalada jigjiga.

Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee  magaalad jigjiga ay  uga wada tashan lahaayeen hirgalinta mashruuca horumarinta magaalooyinka urban local government   development project (ULGDP) ee sanad miisaaniyeedka cusub ee 2010TI  mashruucan ayaa ah mid  diirada saara  hirgalinta horumarinta magaalooyinka kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka,  bilicda magaalada gaar ahaan dhinacyad jidadka iyo adeeg bixinta.

Waxaana hogaaminayay kulankaasi masuuliyiin ay ka mid yihiin ku simaha maayirka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha maamulka magaalada jigjiga mudane fadxi shugri, madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha mm jigjiga mudane khaalid cabdiraxmaan iyo madaxa beeraha maamulka magaalada jigjiga marwo ayaan shakuul,

furitaankii kulankaasi ka hadlay ku simaha maareeyaha maayirka maamulka magaalada jigjiga ahna maareeyaha magaalada jigjiga mudane Fadxi Shugri oo ka warbixiyay dadaalka muga leh ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo sii xoojinlahaa islamarkaan kor loogu qaadilahaa kaabayaasha dhaqaalaha mm jigjiga, bilica magaalada, nadaafada iyo adeeg bixinta maamulka magaalada jigjiga taasi ay xukuumada DDSI dajisay  qorshayaal cilmiyaysan oo suurta galinaya  in magaalada jigjiga noqoto mid dhinac kalsta ka horumarsan ku simaha mayorka mm jigjiga ayaa sharax dheerka bixiyay waxqabadka mashruuca hirgalinta horumarka magaalada  ee afka qalaad loo soo gaabiyo (ULGDP) isaga oo sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii qaybaha kala duwan ee shacabku uga qaybqaatan lahaayeen hirgalinta qorshaha lagu fulinayo mashruuca ULGDP ee sanad miisaaniyeedka 2010TI talo iyo fikirana uga gaysanlahaayeen qorshaha mashruucan.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan xaafadaha maamulka magaalada jigjiga ayaa soo dhaweeyay qorshahan loo soo bandhigay ee lagu fulinayo qorshaha cusub ee mashruuca ULGDP waxayna soo bandhigeen qayabaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada jigjiga talooyin iyo fikiro dhaxalgal ah fulinta iyo meelmarinta  qorshaha ULGDP. 

Kulan Lagu Qiimaynayay Waxqabadka Kooxda Caafimaadka Wareega Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isiin, 24ka, July, 2017. Kulan lagu qiimaynayay waxqabadka kooxda caafimaadka wareega oo ah kulankii 24aad ee qiimaynta waxqabadka kooxda caafimaadka wareega  ayaa ka furmay hoolka shirarka ee huteelka Nogob ee caasimada deegaanka.

Kulkankan qiimaynta ah oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska caafimaadka DDSI masuuliyiin ka socday hay’adaha ay baw-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI iyo xubnaha ka socday dhamaan degmooyinka ay ka hawlgalaan kooxdan caafimaadka wareega ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxqabadka 6dii bilood ee la soo dhaafay sidii loo fuliyay qorshihii ku salaysnaa dhinaca adeeg bixinta caafimaadka.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay ku simaha wasiirka caafimaadka DDSI ahna gadhwadeenka geedi socodka qorshaynta xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle Xasan oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee  loogu jiro sidii loo dabooli lahaa baahida  bulshada ee dhinaca adeegyada caafimaadka   loona gaadhsiin lahaa meelkasta oo ay joogaan bulshadeenu  gaar ahaan bulshada reer guuraaga ah adeeg caafimaad  oo tayaysan masuulka ayaa ka warbixiyay  ujeedooyinka iyo waxqabadka  kooxdan caafimaadka ee uu sheegay in ay tahay sidii loo dabooli lahaa baahida caafimaaadka ka jirtay degmooyinka iyo goobaha ka fog xarumaha iyo rugaha caafimaadka gaar ahaan nafaqaynta caruurta, xanaaninta hooyada uurka leh, hooyada  naaska nuujisa ilmaha iyo in ay bukaanka u baahan heer cusbitaal wax ay ka qabtaan soo gudbintiisa  wuxuuna ku booriyay masuulku in ay si cad-cadaan iyo isla xisaabtan leh u soo bandhigaan warbixinta waxqabadkooda.

Xubnahan ka socday degmooyinka uu ka hawlgalo kooxdan caafimaadka wareega ayaa waxa mudada uu socdo kulankan qiimaynta ah ku soo bandhigayaan warbixinta waxqabadka  lixdii bilood ee ugu danbeeyay iyada oo inta uu socdo kulankan qiimaynta ah lagu ogaanayo meelaha ay guldalooladu ka jirto si loo buuxiyo qorshahan xiga.

Calafka Xoolaha Oo La gaadhsiiyay Degmoyinka Gobolka Doolo

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Isniin 24ka July 2017. Xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI ayaa calafka xoolaha gaadhsiiyay qaarkamid ah bulshada xoola dhaqatada ah ee kudhaqan degmooyinka  kala ah Donod, daratoole bookh iyo galxamur oo katirsan gobolka doolo.

Hadaba, calafkan xoolaha oo ah nooc casri ah ayaa waxaa kawarbixiyay khabiiro kasocday xafiiska xoolaha iyo horumarinta reerguuraaga oo sheegay in calafkani yahay calaf tayo leh islamarkaana xooluhu ay kahelaan nafaqo farabadan. Waxayna intaa kudareen in isticmaalka calafkan xoolaha ay tababaro kaladuwan kusiiyeen bulshada degmooyinkaas. Xubnahan khabiirada ah ayaa tilmaamay in xafiisku uu da’daalo balaadahan ugu jiro tayaynta xoolaha deegaanka si bulshadu uga hesho cad iyo caano fiican.

Waxayna carabka kudhufteen in calafkan xoolaha ee lasoo gaadhsiiyaybulshada uu san ahayn kii ugu horeeyay marar badan oo kaladuwana uu soo gaadhsiiyay xafiisku.

 Ugudanbayna, bulshadii lagaadhsiiyay calafkan xoolaha ee kudhaqnayd degmooyinkaas ayaa sheegay in ilaa hada ay dawladu lagarabtaaganatahay dadaalo kaladuwan oo isugujira taakulaynta dad iyo duunyaba. Waxayna xuseen in calafkan xooluhu uu waxwayn katary dhanka nafaqada xoolaha islamarkaana ay kahelaan caano badan

 

 

 

Shir Lagu Qiimaynayo Cusbitaalada Deegaanka Oo Bilawday

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Talaado 25ka July 2017.Shir uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI oo ay kasooqaybgaleen maareyayaasha cuspitaalada deegaanka islamarkaana kusaabsan qiimayntii waxqabadka sanad miisaniyadeedka 2009TI iyo waliba u diyaargarawga fulinta qorshaha 2010 TI ayaa  ka bilaabatay magaalada jigjiga.

Hadaba, kulankan qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay kusimaha wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI ahan agaasinka qorshaynta, qiimaynta iyo dabagalka ee isla xafiiska mudane maxamed ayaanle ayaa sheegay in ujeedada tababarkani tahay  qiimayntii sanadlaha ahayd ee caadada u ahayd xafiiska . wuxuuna xusay in shirakani yahay mid lagu qiimayanayo waxqabadkii sanad miisaniyadeedka 2009 TI ee dhamaan hospitaalada deegaanka, isagoo tilmaamay kusimuhu in sidookale shirkan loogu diyaargaroobayo qorshaha waxqabadka sanadkan 2010TI, islamarkaana kasooqaybgalayaasha lagu barayo casharo kaladuwan oo kuqotama dhanka tayaynta adeeg bixinta hospitaalada iyo waliba barnaamijkan BSC.

Dhankooda, masuuliyiintii kasooqaybgalay shirkan ayaa sheegay in shirkan lagu kalaqaadanayo khibrado islamarkaana lasoo bandhigayo waxqabadka hospitaalkasta. iyadoo casharo kaladuwan oo muhiim u ahna lagu barayo.

Qadaaduma Iyo Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Wali Ku guda Jira Socdaalkoodii Ay Ku Qaybinayeen Deeq Isugu Jirta Raashin Iyo Dawooyin

$
0
0

Qadaaduma(Cakaaranews) Talaado 25ka July 2017. Ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa sanadahii ugu danbeeyay ka shaqaynayay horumarka deegaanka kadib markay meel saaraan cadowgii shacabka ee nabadiidka ahaa ee UBBO islamarkaana bilaabay inay ka shaqeeyaan horumarka qaybihiisa kala duwan sida jidadka, Daawaynta xoolaha iyo qodida beeraha.

Hadaba ciidanka gaarka ah ee deegaanka oo ku guda jira socdaalkoodii ay ku qaybinayeen raashinka iyo dawooyinka ayaa deeq raashin ah oo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta xoolaha gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan degmada qadhaadhuma ee gobolka daawa. Islamarkaana xoolo tiro badan ku daawaynayay sabooyinka ceelasha.

Mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah ee liyuu boliceka ee waday deeqdan raashinka ah ayaa sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ay deeqdan raashinka ah ka qaybinayeen degmooyinka gobolka daawa sida hudhat iyo mooyaale iyo waliba kuwa liibaan islamarkaana ay deeqadn ka koobantahay raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta duunyada. Waxayna mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah deegaanka ee qaybinayay raashinkan intaa ku dareen in ay raashinka ku bixinayaan sida bulashadu u kala taagdarantaahay iyagoo mudnaanta siinaya dadka da,da ah. Sidoo kale waxay mas;uuliyiintu intaa ,u dareen inay deeqdan raashinka ah wada gaadhsiin doonaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka daawa iyagoo hada kahorna kasoo qaybiyay degmooyinka moyaale, Hudhat iyo mubaarak iyo waliba 32 qabale ee hoosyimaada 3daas degmo.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka daawa ee la gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin deeqdan raashinka ah ee uu ciidinka liyuu boliceku soo gaadhsiiyeen,islamarkaana ay bogaadiyeen deeqdan raashinka iyo daawada isugu jira ee ciidanku deegaanku mushaarkooda kasoo jareen.

Sikastaba ha ahaatee deeqda ay ciidanka gaarka ah ee deegaanku gaadhsiiyeen bulashada deegaanka ayaan ahayn midii ugu horaysay balse marar badan kasoo qaybiyeen gobolada deegaanka uu kakoobanyahay islamarkaana ay sii gaadhsiin doonaan goobaha kale ee udhiman.

Komishineerka Komishinka Anshaxa Iyo Ka Hortaga Musuqa DDSI Oo Ka Warbixiyay Guulaha Laga Gaadhay Ka hortaga Musuqa.

$
0
0

Jigjiga, (cakaaranews), Arbaca, 26ka  July, 2017. Komishineerka komishinka anshaxa iyo Ka hortaga  musuq maamuqa DDSI mudane Maxamuud Cabdiqaadir Maxamuud oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay guulaha waawayn ee sanad miisaaniyeedkii 2009TI  laga soo hooyay dhinaca ka hortaga  musuqa iyo anshaha shaqada hay’adaha dawlada.

Komishineerka ayaa sheegay in komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI  oo ka duulaya taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI uu sanad miisaaniyeedkii 2009TI uu  qabtay tababaro iyo wacyigalino ku saabsan Ka hortaga iyo cawaaqib cumada uu leeyahay musuqa, iyo waliba  tabaha iyo xeeladaha lagula dagaalamo musuqa, kuwaasi oo loo  qabtay  qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada, haweenka, culimo awdiinka, iyo odayaasha deegaanka islamarkaana fahan buuxa laga siinayay dhibaatooyinka uu leeyahay musuqu iyo sida looga hortago musuqa si  loo hirgaliyo suurta galiyo soo saarida bulsho ka madax-banaan oo aan u dulqaadan Karin  musuqa.

Komishineerka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in sidoo kale tababaro iyo wacyigalinta ku saabsan ka hortaga iyo tir-tiritaanka  musuqa  loo qabtay hogaaminta heerarkeeda kala duwan sida hogaaminta sare, hogaaminta dhexe, hogaaminta hoose iyo shaqaalaha dawlada heerarkooda kala duwan si loo hirgaliyo qorshayaasha horumarka waara nabadgalyo waarta dimuqoraadiyay iyo maamul saxar tiran waxaa kale oo tababaro lasiiyay ayuu yidhi komishineerku  sanadkan hadda dhamaatay macalimiinta iyo ardayda kuliyadaha deegaan  kuwaasi oo la siiyay cashiro ku taxaluqa la dagaalanka iyo ka hortaga musuqa.

Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay  komoshineerku in sanadkan uu komishinku qaybiyay hadal-qoraalo, boostaro, nuqulo iyo  joornaalo   kuwaasi oo gudbinayo fariimo ka hadlaya dhibaatooyinka uu keeno musuqo iyo siyaabaha loola dagaalamo sidoo kalena la xoojiyay dhinaca xidhiidhka warbaahinta deegaanka iyo dalkaba sida ESTV, Jigjiga FM, EBC, iyo Radio faana kuwaasi oo bulshada looga gubiyay wacyigalin ku saabsan dhibaatooyinka uu leeyahay musuq maamuqu iyo sida looga hortaga. Komoshineerka ayaa sheegay in sanadkan komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maamuqa DDSI uu  sameeyay daraasaad ku saabsan sida loo looga hortaga musuqa islamarkaana loo ogaado gol-dalooladiisa. Komishineerka oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay  ay sanadkan soo  galeen komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maamuqa DDSI  kiisas iyo xogo ka dhan ah danbiyada musuqa kuwaasi oo la waafajiyay nidaamka sharciga.

Dhinaca kale waxa uu sheegay  komoshineerku in komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI  oo ka duulaya taaba galinta higalinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI ee ku salaysan tir tirida saboolnimada iyo taaba galinta horumar waara oo aan soo noqod lahayn  in uu sanadkan 2010TI   komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maasuqa DDSI  xooga saarayo sidii aanu sarax musuq ah ugu dhicin  fulinta qorshayaashasi iyada oo fiiro gaar ah la siinayo faldambiyeedyada ka dhanka ah musuqa.

Ugu danbayntii waxa uu komoshineerku carabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadankarayn  isku day ama ku lug-lahaansho  musuq maadaamo  oo sanadadii ugu danbeeyay lagu guda jiray tababaro  iyo wacyigalinta   ku taxauqa sidii fahan buuxa looga yeelan lahaa cawaaqib xumada uu leeyahay musuqu iyo sida looga hortago balse hadda wixii ka danbeeya aan loo dulqaadankarin cida  galasha musuq iyo cida ku garabsiisa musuqa taasi oo si deg degg ah loo marindoono sharciga iyada oo dhinaca kalena laga fashilindoona cida gasha musuqa islamarkaana laga soo dayndoono  warbaahinta deegaanka.

 

 

 


Kulan Doodcilmiyeed Oo Lagaga Hadlayay Horumarinta Khayraadka Xoolaha Ayaa Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), khamiis, 27ka, July, 2017. Waxaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee huteelka nogob ee magaalada jigjiga kulan dood cilmiyeed ah oo lagu qorfaynayay jihooyinka lagu sii xoojinayo horumarinta  khayraadka xoolaha suuqtayntooda iyo sidii loo qiimayn lahaa waxqabadka  sanadihii ugu danbeeyya ee mashruuca prime.

 

Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI oo kaashanaya hayadaha ay bahwadaagta yihiin ee ay ka mid yihiin USAID iyo  mercy corps ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saarayay wax-qabadka sanadihii ugu danbeeyay ee  mashruuca prime  ah mashruuc ka shaqeeya  sidii xal waara looga gaadhi lahaa  horumarinta khayraadka xoolaha iyo suuqtayntooda, sidii looga gaashaaman lahaa xaaladaha abaaraha iyo sidii shaqo abuur loogu samayn lahaa bulshada xoolo dhaqatada ah.

 

Kulankan oo ay  ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga , masuuliyiinka socday xafiisyada heer deegaan ee ay habwadaagta yihiin xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga,masuuliyiin ka socday hay’adaha ay bah-wadaagta yihiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ka faa'iidaysata mashruuca Prime  ayaa waxaa furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiir ku xigeenka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI mudane Cali Cumar oo tilmaamay in kulankan diirada lagu saarayo waxqabadkii mashruuca prime islamarkaana lagu soo bandhigidoono doodciliyeedku qotonta jihooyinka iyo istaraatajiyadaha iskaashi ee lagu xoojinayo taaba galinta horumarinta khayraadka xoolaha iyo suuqgayntooda islamarkaana kor loogu qaadilahaa bab-nololeedka bulshada xoolo dhaqatada ah

Dhankiisa waxaa ka hadlay furitaankii kulankaasi maareeyaha mashruuca prime mudane Faysal Faarax oo sharax dheerka bixiyay guulaha waaway ee uu mashruucan Prime ka soo hooyay dhinaca horumarinta khayraadka xoolaha iyo suuqgayntooda kaasi oo ay bulshad badan sidii loogu talagalay uga faa’iidaysteen tan iyo intii uu jiray mashruucani wuxuuna maareeyuhu intaasi ku daray in mashruucani yahay mid diirada saaraya sidii xal waara loogu helilahaa  loona joogtayn lahaa horumarinta khayraadka xoolaha deegaanka gaar ahaan dhinaca suuqgaynta.

Ugu danbayntii qaybaha kala duwan ee ka faa’iidaystay marshuucan prime ayaa si qoto dheer uga hadlay faa’iidooyinka muga leh ee ay ka heleen mashruucan prime waxay siwayn ugu mahad celiyeen xukuumada DDSI iyo hayadaha iska kaashaday hirgalinta mashruucan

Wafti-Sare Oo Deeq Bixiyayaal Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 27ka July 2017. Wafti balaadhan oo kakooban deeq bixiyayaasha caalamigi ah islamarkaana ay horkacayso wakiilka guud ee qaramada madoobay u fadhida dalkeena itoobiya ahna iskuduwaha hawlaha baniaadanimada oo ay waheliyaan masuuliyiinta hay’ada OCHA, WFP iyo masuuliyiin kale ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah  ee garaad wiiwaal ee magaalada jigjiga.

waftigan ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee garaad wiilwaal kusoo dhaweeyay Wasiirka Xafiiska Kahoraga iyo U Diyaargarawga Masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan iyo Lataliyaha Madaxwaynaha DDSI ee dhinaca Xaquuqul insaanka iyo Xidhidhka Caalamiga ah ahna Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Kahortaga iyo U diyaargarawga Masiibooyinka mudane Anwar Cali. Soodhawayn kadibna, waftiga iyo masuuliyiinta ayaa nasasho gaaaban oo xogwaraysi ah kuwada qaatay guriga nasashada ee garoonka.

Hadaba, Wasiirka Xafiiska kahoraga iyo U diyaargarawga Masiibooyinka DDSI mudane Xuseen Maxamed Xasan oo kawarbixyay ujeedooyinka waftigan ayaa sheegay in waftigani kakoobanayhay deeqbixyayaal caalami ah islamarkaana ay horkacaysowakiilka guud ee qaramada madoobi u fadhida dalkeena itoobiya ahna iskuduwaha  hawlaha baniaadanimada marwo ahuna. Wauxuuna intaa kudaray wasiirku in ay waheliyaan masuuliyiin kasocto laamaha hayada UN oo ay kamid yihiin OCHA, WFP. Islamarkaana ujeedadoodu tahay ukuurgalida dhanka saamayntii abaarta iyo sidii looola tacaali lahaa.

Iskusoowada duuboo, waftigan ayaa lafilayaa in ay kulama kaladuwan oo kuqotama dhanka latacaalida abaaraha  laqaadan doonaan masuuliyiinta deegaanka.

Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Oo Wali Ku Gudajira Qaybintii Deeqdii Isugu Jirtay Raashinka Iyo Dawooyinka Ee Ay U Qaybinayeen Bulshada Gobolka Daawa.

$
0
0

Qadaaduma(Cakaaranews) Khamiis 27ka July 2017. Ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa sanadahii ugu danbeeyay ka shaqaynayay horumarka deegaanka kadib markay meel saaraan cadowgii shacabka ee nabadiidka ahaa ee UBBO islamarkaana bilaabay inay ka shaqeeyaan horumarka qaybihiisa kala duwan sida jidadka, Daawaynta xoolaha iyo qodida beeraha.

Hadaba ciidanka gaarka ah ee deegaanka oo ku guda jira socdaalkoodii ay ku qaybinayeen raashinka iyo dawooyinka ayaa deeq raashin ah oo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta xoolaha gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka  ee gobolka daawa. Islamarkaana xoolo tiro badan ku daawaynayay sabooyinka ceelasha.

Mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah ee liyuu boliceka ee waday deeqdan raashinka ah ayaa sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ay deeqdan raashinka ah ka qaybinayeen degmooyinka gobolka daawa sida hudhat,mooyaale iyo mubaarak islamarkaana ay deeqadan ka koobantahay raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta duunyada. Waxayna mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah deegaanka ee qaybinayay raashinkan intaa ku dareen in ay raashinka ku bixinayaan sida bulashadu u kala taag darantahay iyagoo mudnaanta siinaya dadka da,da ah. Sidoo kale waxay mas;uuliyiintu intaa ku dareen inay deeqdan raashinka ah wada gaadhsiin doonaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka daawa iyagoo hada kahorna kasoo qaybiyay degmooyinka moyaale, Hudhat iyo mubaarak , qadaaduma iyo waliba dhamaan  qabaleeyaasha   hoosyimaada 4taas degmo.

Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka daawa ee la gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin deeqdan raashinka ah ee uu ciidinka liyuu boliceku soo gaadhsiiyeen,islamarkaana ay bogaadiyeen deeqdan raashinka iyo daawada isugu jira ee ciidanku deegaanku mushaarkooda kasoo jareen.

Sikastaba ha ahaatee deeqdan ay ciidanka gaarka ah ee deegaanku gaadhsiiyeen bulashada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka daawa ayaan ahayn midii ugu horaysay balse marar badan kasoo qaybiyeen gobolada deegaanka uu kakoobanyahay islamarkaana ay sii gaadhsiin doonaan goobaha kale ee udhiman.

 

 

Safiirka Dalka Spain U Fadhiya Dalkeena Itoobiya Oo Lagu Soo dhaweeyay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews) Jumce 28ka July 2017. Waxaa garoonka caalamiga ah ee garaad wiilwaal si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay safiirka dalka spain u dhafiya dalkeena itoobiya mudane Borche Montasena islamarkaana ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiin sare oo ay kamid yihiin madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, Wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Hadaba wafitiga iyo  mas’uuliyiintan sare ee heer deegaan ayaa soo dhawayn kadib booqday guryo wadareedka sida casriga ah loo dhisay ee xaafada dulqabow. Waxayna mas’uuliyiintan iyo waftigu usii dhaafeen tuulada hare ee degmada shabeelay islamarkaana ay si wada jir ah xadhiga ooga jareen mashruuca solar sytemka ee ku shaqeeya qoraxda laguna rakibay ceelka biyaha ee tuulada hare oo laga hirgaliyay mashruucan.

Waxaana xadhig kajarkan ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo ugu horayn u mahad celiyay hay’ada dalka spain oo fulisay mashruucan solor systemka ah oo uu ku shaqaynayo ceelkan biyaha ee ku yaala tuuladan hare, Wuxuuna wasiirku sidoo kale la hadlay bulshada ku dhaqan tuulada hare oo uu usheegay inay ka faaiidaystaan mashruucan islamarkaana ilaa shadaan.

Dhanka kale waxaa iyana geestooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan tuulada hare oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin mashruucan solor systemka ah ee ku shaqeeya qoraxda islamarkaana ay si fiican u ilaashan doonaan.

Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha MM Jigjiga Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal kor Loogu Qaadayo Bilicda MMJ

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Jumce 28ka July 2017. Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha MaamulkaMagaalada Jigjiga mudane Khaalid Cabdiraxmaan Maxamed oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in guulo mug wayn laga soo hooyiyay taaba galinta hirgalinta qorshayaashii horumarineed ee mm jigjiga u dajisnaa sanad miisaaniyeedkii 2009Ti. Kuwaasoo laga fuliyay miisaaniyado isugu jiray miisaniyada caadiga ah ee ay ka helaan qasanada heer deegaan iyo miisaaniyada world bank ee mashruuca ULDP taasoo magaalada lagaga qabtay shaqooyinkii u qorshaysnaa sanadkan dhamaaday ee 2009 T.I. islamarkaana guulo wax ku’ool ah laga soo hooyiyay.

Hadaba, madax-xafiiseedka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in shaqooyinka ugu muhiimsan ee laqabtay sanadkan ay kamid yihiin dhismaha mashruuca buundada lafa-ciise, mashruuca wayn ee dhismaha darbiga dugsiga shekh cabdisalaan, iyo waliba balaadhinta master plane, wuxuuna tilmaamay in 13 wado oo cable-stone ah ladhisay sanad miisaniyadeedkan dhamaaday ee 2009.T.I sidookalana laydhgalin loo sameeyay qaarkamid ah wadooyinka waawayn ee magaalada jigjiga, taasoo qaybwayn qaadatay bilicda magaalada jigjiga.

Ugudanbayna, masuulka ayaa carabka kudhuftay in sanad miisaaniyadeedkan 2010 T.I ay u qorshaysan tahay qorshayaal horumarineed kuwaas oo ay ugu horeeyaan kor u qaadista bilicda magaalada, biyaha magaalada jigjiga, wadooyinka, shaqo abuurka iyo waliba samaynta qorshe hagaha magaalada (master-plane) maadaama oo ay magaaladu aad u balaadhanayso dhismaha guryuhuna aad ugu badanyihiin.

Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Heer Deegaan Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 29ka July 2017. Waxaa si rasmi ah ooga furmay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga  koobkii tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka deegaanka, Iyadoo mudadii udanbaysay ay gobolada deegaanku sameeyeen tartan ciyaareed ka koobnaa dhamaan degmooyinka uu gobol walba ka kooban yahay si ay ooga xushaan ciyaartooydii ooga qaybgali lahayd tartanka ciyaaraha kubada cagta ee heer deegaan.

Hadaba furitaanka tartanka ciyaaraha kubada cagta ee gobolada iyo maamul magaalooyinka deegaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo heer deegaan ah oo ay ugu horeeyaan mas’uuliyiinta xafiiska maamulka DDSI, Waxaana furitaankii tartankan kubada cagta ee gobolada deegaanka ugu horayn ka hadlay Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo sheegay inuu maanta si rasmi ah u furmay tartankii ciyaaraha kubada cagta ee gobolada deegaanka oo ah mid sanad walba la qabto xiligan oo kale islamarkaana kor loogu qaadayo xirfada ciyaareed ee dhalinta deegaanka si loo helo dhalin caafimaad qabta oo tayo leh islamarkaana ka qaybqaata tartamada ciyaareed ee heer iyo heer caalamba.

Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in kooxaha goboladu si anshax leh oo quruxbadan u ciyaaraan mudada uu tartanku soco. Sikataba ha ahaatee tartankan ciyaaraha kubada cagta ee gobolada deegaanka ayaa waxaa lagu furay gobolada Daawa iyo Shiniile.  

Daahfurka Ol,olaha Talaalka Cudurka Jadeecada Iyo Adeegyada Gaarka ah ee Sahanka Cabirka Nafaqo- darada Oo Kafurmay Magaalada jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Sabti 29ka July 2017. Waxaa maanta magaalada jigjiga ee xarunta DDSI kafurmay Shir lagu daahfurayay ololaha talaalka iskudhafka ah ee kahortaga cudurka jadeecada iyo waliba sahanka cabirka nafaqo darada kaasoo lagu talaalayo caruurta da’adoodu u dhaxayso 6 bilood ilaa iyo 15 sano.

Hadaba, daahfurkan ololaha talaalka ayaa waxaa kasooqaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, qaarkamid ah masuuliyiinta maamulka magaalada, culimo awdiin, hooyooyinka xaafadaha magaalada Jigjiga. Waxaana ugu horayntii kahadlay kusimaha wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI ahna Gadh/w G/S Qorshaynta Qiimaynta iyo Dabagalkan ee isla xafiiska mudane Maxamed Ayaanle oo sheegay in shirkan ujeedadiisu tahay daahfurka ololaha talaalka iskudhafka ah ee kahortaga cudurka jadeecada iyo adeegyada gaarka ah ee sahanka cabirka nafaqodarada. Wuxuuna intaa kudaray in talaalkan loogu talagalay caruurta da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa iyo 15 sano islamarkaana laga fulinayo 62 degmo oo deegaanka ah oo kakala tirsan 7 Gobol.

Sidookale, ololahan daahfurka ayaa waxaa isna kahadlay madaxa xafiiska maayorka MMJ mudane Cabdicasiis Maxamed oo sheegay in ololahani uu socon doono mudo 7 cisho ah. Wuxuuna kuladadaarmay dhamaan hooyooyinka caruurta ee xafadaha magaalada jigjiga in ay talaalka siiyaan caruurtooda.

Dhanka kale, culimo awdiinkii kasooqaybgalay ayaa iyguna sheegay in waalidku caruurtooda masuulka yihin islamarkaana ay caruurtooda geeyaan goobaha uu talaalku kasocdo.

Iskusoowada duuboo,  ololahan talaalka oo kasocda 7 gobol oo deeganka ah ayaa lafilayaa in latalaalo caruur tirdoodu dhantahay 2 milion oo ilmood oo kunool DDSI.


Tartankii Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Gobolada Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Si Habsami Leh U Socda

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 30ka July 2017. Tartankii 6aad ee ciyaaraha kala gadisan ee ay ku taratamayaan gobolada iyo maamul magaalooyinka deegaanka  ayaa si habsamileh u socda iyadoo oo ay maantana wada ciyaareen kooxaha kala ah gobolka liiban iyo maamulka magaalada goday, oo group A kawada tirsan. Sidookalana  Gobolka Erer iyo MM Q/dahar oo kawada tirsan group B iyo waliba kooxaha kasocday gobolka qoraxey iyo MM jigjiga oo maanta galinkii danbe wada ciyaaray.

Hadaba, ciyaarahan oo ahaa ciyaaro aad u xiiso badan islamarkaana ay garoonka soo  buux dhaafiyeen taageerayaasha kaladuwan ee kooxaha ayaa u dhacday sidan:-  Gobolka liiban iyo Maamulka Magaalada Goday oo maanta wada ciyaaray ayaa waxay ciyaartu kudhamaatay 1 iyo 0 waxayn guushu ku raacday gobolka liibaan oo sadexdii dhibcood halakaas ku qaatay.

Dhanka kale, waxaa iyana wada ciyaaray kooxaha Gobolka Erer iyo MM Q/dahar oo kawada tirsan group B islamarkaana ay ciyaar aad u xiiso badani dhaxmartay,  waxayna ciyaartu wakhtigii loogutalagalay kusoo dhamaatay barbaro 2 iyo 2

Sidookalana, waxaa iyana galinkii danbe ee maanta ay ciyaar aad u quruxbadani dhaxmaratay Gobolka qoraxey iyo mm jigjiga  oo kawada tirsan group B waxayna ciyaartani wakhtigii loogu talagalay kusoo dhamaatay barbaro 0 iyo 0

Sikastaba ha ahaatee, Group B oo ay kawada tirsan yihiin kooxaha kala ah Gobolka Erer , MM Q/dahar, Gobolka Qoraxey Iyo MM jigjiga ayaa leh min hal dhibic 

Mashaariico Dhinaca Dalxiiska Ah Oo Laga Dhisayo Masaajidka Taariikhiga ah Axmed Najaad

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews),Axad, 30ka July, 2017. Dalkeena itoobiya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii kor loogu qaadilahaa dhinaca dalxiiska iyada oo xooga la saarayo sidii goobaha taariikhada ah ee dalxiiska looga dhigilahaa kuwo siwayn u soo jiita dhinaca dalxiisa yaasha caalamka.

Haddaba deegaanka tigreega ayaa xooga saaray sidii uu kor ugu qaadilahaa meeqaamka dalxiis ee masaajidka taariikhga ah ee ahmed najaad kaasi oo laga hirgalinayo dhulka ku dhaw masaajidkan oo dhan 18 higtar mashaariico dhismayaal dhan 5000kun oo qol oo ay ku baxayso aduun lacageed oo dhan 150 millyan oo doolar taasi oo qaybwayn ka qaadanaysa kor u qaaditaanka dalxiiska masaajidkan taariikhiga ah islamarkaana ka mid ah goobaha ugu taariikhda wayn dalkeena itoobiya. Waxaana mashruuca dhismahan wayn ee dalxiiska maalgashi ku samaynaya maal qabeen udhashay dalka Nigeria.

Isku soo wadaduub oo dalkeena itoobiya ayaa guulo waawayn ka soo hooyay dhinaca kor u qaaditaanka goobaha dalxiiska taasi oo ay xusid mudan tahay in 10kii bilood ee ugu danbeeyay laga soo hiyay dhinaca dalxiiska aduun lacageed oo dhan 3.3 billyan birr sida ay sheegtay wasaarada dalxiiska dalkeena itoobiya.

Tababar Ku Saabsan Ka Hortaga Musuqa Oo loo qabtay barayaasha Deegaanka Ayaa Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 31ka, July, 2017.  Tababar ku saabsan  tababa iyo xeelahada looga hortaga loogana foojignaado dhibaatooyinka uu leeyahay musuqa oo ay iska  kaashadeen kuliyada macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen iyo  komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maamuqa DDSI  ayaa ka furmay hoolka shirarka ee isla kuliyada macalinta Dr cabdimajiid xuseen.

Tababarkan oo loo qabtay dhamaan barayaasha   dugsiyada kala duwan ee degmooyinka deegaanka  ee xiliga xagaaga wax ka barta  kuliyada macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen ayaa waxaa furitaankii ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI iyo masuuliyiin ka socday kuliyada macalimiinta ee Dr cabdimajiid xuseen.

Waxaana furitaankii tababarkan  ka hadlay komoshineerka komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI mudane maxamuud Cabdiqaadir Maxamuud  oo sheegay in  sanadihii ugu danbeeyay xukuumada DDSI xooga saartay sidii  looga hortagilahaa dhibaatooyinka uu leeyahay musuqu ee xagal daacin ku keenikara xawaaraha horumarineed ee deegaanka taasina guulo laga gaadhay iyada oo intaasi la waday tababaro iyo wacyigalino ku saabsan sida looga hortaga musuqa komoshineerka ayaa sheegay in barayaashuna  yihiin furaha lagula dagaalamayo musuqa isaga oo sharax dheerka bixiyay dhinaca waxbarashada meelaha u nugu musuqa sida in muusuq lagaliyo saacadaha  ardayda wax la barilahaa ,manhajka iyo  qishka komishineerka ayaa ku booriyay in ay barayaashu  noqdaan kuwa sii xoojiya isloamarkaana kaalin mug leh ka qaata jihooyinka looga hortagayo musuqa.

maareeyahay kuliyada macalimiinta Dr cabdimajiid xuseen ee DDSI mudane Kifaax Cabdilaahi Macalin oo ka hadlay furitaankii tababarkan ayaa sheegay in uu tababarkani muhiim u yahay barayaasha dugsiyada  degmooyinka deegaanka loogana baahan yahay in soo saaraan jiil ku gaashaaman aqoon, akhlaaqad iyo anshaxwanaag islamarkaana ay ilaaliyaan saacadaha shaqada ee waxbarashada la siinayo ardayda si aan loo arag arday ay ka baaqaday maadadii loo dhigayay, maareeyaha ayaa ku booriyay macalimiintan maanta loo furay tababarka in ay sidii loogu talagalay uga faa-iidaystaan cashirada lagu bixinayo mudada uu socdo tababarkani si loo gaadho ujeedooyinka laga laga lahaa tababarka.

Tababarkan halku dhig looga dhigay "jooji musuqa ha noqon maxbuus meel mugdiya ku xidhan, Jooji shaxaadka ha noqon mashaqayste aan u fiicnayn mustaqbalka nafdiisa"   ayaa waxa cashiro ka bixinaya mudada uu socdo khabiiro ka socda komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI waxaana ka mid ah cashirada lagu baranayo  mincaha musuqa, asbaabaha keena musuqa, siyaabaha looga hortago musuqa, shariciga iyo shuruucaha u dajisan ee lagu qaadayo qofka cida gasha musuqa. 

Qurba joog U Dhalatay DDSI Oo Siwayn loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Deegaanka ee Jigjiga.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 1da August, 2017. Waxaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee garaad wiil waal Airport, qurba joog u dhalatay DDSI gaar ahaana ka soo jeeda Gobolka Doolo kuwaasi oo ka kala yimiday   wadamada maraykanka iyo Canada.

Waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal masuuliyiin heer deegaan ah oo ugu horeeyay maareeyaha  wakaalada xidhiidhka arrimaha qurba-joogta DDSI mudane Badri Yuusuf oo soo dhawayntii ka dib la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa  sheegay in dadaal kii dheeraa ee ay xukuumada DDSI ugashay sidii loo hirgalinlahaa xidhiidh sarax tiran oo ka dhexeeya xukuumada DDSI iyo qurba joogta DDSI tahay tan keentay maanta in qurba joogta DDSI ee ku nool qaaradaha kala duwan ee aduunku ay si istaba joog ah ugu soo qul qulaan dalkooda hooyo islamarkaana ay ka samaystaan maalgashi , maareeyaha ayaa ku amaanay qurba joogta DDSI  sida muga leh ee ay uga qayb-qaataan taaba galina qorshayaasha horumarka iyo nabadgalyada deegaanka iyo dalkaba maareeyaha ayaa sheegay in ay maanta sharaf u tahay in uu deegaankooda hooyo ku soo dhaweeyo qurba joogtan tirada badan.

 

Dhankooda qaarka mid ah qurba joogta lagu soo dhaweeyay deegaanka oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa siwayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta xukuumada DDSI ee sida meeqaamka sare ah ugu soo dhaweeyay deegaankooda waxayna   ka warbixiyeen qurba joogtani sida ay ugu faraxsan yihiin hawlaha horumarka nabadgalyada ee sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka kuwaasi oo  sheegeen in ay soo xoojinayaan dhankooda ka qaybqaadashada hawlaha lagu sii xoojinayo horumarka iyo nabadgalyada islamarkaana ay si mug leh u maalgashanayaan deegaankooda hooyo.

Wafti Ka Socday Qaramada Midoobay Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Wardheer.

$
0
0

Wardheer(Cakaaranews) Talaado 1da August 2017. Waxaa si meeqaam sare loogu soo dhaweeyay magaalada wardheer ee xarunta gobolka doolo wafti ka socday qaramada midoobay islamarkaana ay mas'uuliyiin heer deegaan iyo heer gobol isugujira halkaas  kusoo dhaweeyeen .

Hadaba waftigan ka socday qaramada midoobay ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamed Cabdi Bare, wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha ee DDSI mudane Cabdixaliim Axmed, Wasiir kuxigeenka xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali. ayaa waxaa ujeedada socdaalka waftigan sheegay gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamed Cabdi Bare inuu yahay sida loo dajiyay 100kii qoys ee loogu talagalay inay degmo walba dajisay islamarkaana sidii loogu talagalay loo dajiyay.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha ee DDSI mudane Cabdixaliin Axmed oo sheegay inay soo kormeereen bulshada ku sugan cusbitaalka magaalada wardheer iyo senterka walaal islamarkaana ay waxwalba sidii loogu talgalay usocdaan.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>