Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 31da August 2017. Sida lawada ogsoonyahay shacabka deegaanka soomaalidu wuxuu ahaa shacab marka taariikhda dib loo eego ilaa xayle salaase ay dhibaatooyin ba’an oo naf iyo maalba leh kuhayeen cadaadisyadii iyo nidaamyadii kudhisnaa boqortooyada iyo kalitalisnimada balse kadib markuu halgankii hubaysnaa ee EPRDF uu xukunka kalawareegay kaligii taliskii dhargiga deegaanada kale ee dalku way kafaaiidaysteen balse waxaa deegaankeena majarahabaabiyay ururadii nabadiidka ahaa ee kadhashay deegaanka ee UBBO iyo Al-itaxaad. Kuwaasoo kadhashay shacabka deegaanka balse shacabkii ay kadhasheen uun ugaystay dhibaatooyin ba’an oo laxaad leh oo ay kamid ahaayeen dil, dhac, boob iyo kufsi aan loo kala aabo yeelin sida dadkii masaakiinta ahaa ee ay cobole kulaayeen, Shacabkii ay kugumaadeen degmada dhagaxmadaw, Garaadadii ay hadhkoo cad kutoogteen degmada gunagado, Hooyooyinkii ay asayda usaareen iyo maxastii ay ku agoontimeeyeen degmada aware, Ragii iyo caruurtii ay hadh iyo habeenba kulaynayeen degmada dhagaxbuur iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Hadaba cabdikariin qalbi dhiriq iyo UBBO kale oo wehelinaysay waxay gobolka doolo gaar ahaan degmada wardheer, Danood, Qabalaha Waafdhuug iyo degmada lahelaw oo ah degmaduu kasoo jeedo qalbi dhiriq ay kudileen boqolaal qof oo ay kamid ahaayeen hooyooyin, Caruur, Odayaal iyo suldaamo uu kamid ahaa allah ha unaxariistee suldaan cali saafi.
Dhanka kale waxaan marnaba la ilaawi Karin gobolka qoraxey degmada dhoobawayn dadkii ay UBBO habeenimada kumireen, Odayaashii ay masaajidka ceel ogaadeen kalabaxeen, Dhacdooyinkii foosha xumaa ee lamagac baxay mooji ee habeen walba shaqsi mayd ah oo wadada yaala loo soo toosi jiray degmada qabridahar iyo jimcaalaa dilaydii dhagaxbuur, Xasuuqii habeen badhka ubbo kulakacday shacabkii qabalaha ceelxaar ee degmada qabridahar, Wiilashii iyagoo nool ay dhagaha kagureen degmada shaygoosh iyo qabalaha galadiid.
Hadii aan soo qaadano gobolka shabeele gabdhihii ay ku kufsadeen iyo ragii ay xabada kufureen iyagoo ambalaas saaran degmooyinka dhanaan, beercaano, iimay bari iyo shacabkii ay kulayeen godey maxay ahaayeen?
Dadkiise intuu Cabdikariin iskuxidh-xidhey uu nolosha kugubey duhurkii iyo kuwii ay hadh iyo habeenba ku laynayeen degmooyinka qabribayax, goljano, baabili iyo jigjiga miyaysan bini’aadam ahayn, mida kale wadooyinka iskuxidha gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka ee ay ubbo miinooyinka ku aasaysay ee ay ku rogmadeen boqolaal isugu jira culumo, waayeel, caruur iyo hooyooyinku mafataatiir social media ah bay ahaayeen.
Waxaase taas kasii daran guud ahaanba gobolada Erer iyo Nogob majirto UBBO xasuuq kabadan oo ay kagaysatay deegaanka iyagoo intay iskuxidh-xidheen dad nool kugubay, gabdho tiro badana ku kufsaday islamarkaana caruur badan waalid la aan dhigay.
Sidaa darteed Cabdikariin Qalbi dhiriq waxaa laqabtay 23/08/2017,GC. Waxaana lagu guulaystay in si nabadgalyo ah loogu keenay shacabkuu danbiga kagalay ee uu laayay cidkasta oo dil ugaysata shacabkana waxaa hubaal ah in lasoo qaban. Cabdikariina ilaahay baa kasoo qabtay shacabka oo wuxuu ahaa cadaw ilaahay soo qabtay, cidkasta oo cadaw ku ah nabadgalyada shacabka deegaanka soomaalidana mid tan la mid ah ayaa qabsan doonta oo inkaartii shacabkaa kudhici. Ilmadii shacabkuna meel cidla ah dhici mayso oo sidii Dhabuuke, sheekh deeq, Gadhcase iyo aroori indhaha loogu shiday loona qabtay iyo kuwa Nairobi ka dawarsanaya halkay mareen oo kale yaa indhaha loogu shidi loona qaban.
Hadaba 14kii urur ee qabiilka kubahoobay ee Ubbo iyo Al-itaxaad ee shacabka uqabqablaynaysay waa laga guulaystay waxaana kaguulaystay ilamadii shacabka iyo dhiigii ay daadinayeen oo kusoo aakharo toostay.
Kadib dhibaatooyinkaas uu shacabku soo maray waxay xukuumada deegaanka iyo dawlada federalku qaateen qorshihii lasameeyay 1999 ilaa 2003 Ti ee Ubbo lagaga guulaystay ee ahaa in deegaanka la gaadhsiiyo horumar iyo nabadgalyo taabagala oo gaadha heer ilaa maalqabeenada caalamku ay maalgashi uyimaadaan, Dadkeeduna ay kufaanaan dal iyo dibadba, xadkiisuna noqdo mid jira oo aan lahawaysan Karin. Waxaana ilaahay mahadii ah in lagu guulaystay yoolkii, Qorshihii iyo hadafkii la dhigtay shacabka deegaankuna uu kufaraxsanyahay nabadgalyada kahanaqaaday guud ahaan deegaanka. Waxaana qorshihii lasameeyay 1999 qodobada hoosta lagaga xariiqay kamid ahaa: in nabadiidka nabadgalyo loogu baaqo cafisna lasiiyo, cida dhaawac ama siyaabo kaladuwan lagu qabtana ay xukuumadu maskax badal kusamayso oo wax labaro iyadoo qodobka laga duulayay ee lala halgamayay uu ahaa fikir balse uusan ahayn shaqsi. Waxaana hubaal ah in xukuumada deegaanka soomaalidu aysan nabadiidka kaga guulaysanin xabad balse ay kaga guulaysatay xeelad, horumar iyo kasbashada shacabka dal iyo dibadba iyadoo xukuumadu kalaqaaday shaqsiga iyo fikirka. Sidaadarteed shacabka deegaanka gudo iyo dibadba waxaa waajib ku ah inay kahadlaan oo ay ujawaabaan budhcadan al-shabaabta ah ee udoodaysa dadkii dadkeena laayay ee uu ilaahay maanta kasoo qabtay.
Hadaba diyaaradii keentay cabdikariin waxaa kahoreeyay diyaarad qaaday 114 dhalinyaro ah oo isugu jiray kuwo danbiyo kagalay dawlada soomaaliya oo usoo baxsaday itoobiya iyo kuwo itoobiya gudaheeda danbiyo kagalay oo lagu wareejiyay dawlada soomaaliya fikir kayimid raisal-wasaaraha dalka soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre kadibna uu laqaatay madaxwaynaha dawlada soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidaasna ay uga codsadeen raisal-wasaaraha JDFI mudane Haile mariam Deselign islamarkaana uu raisal-wasaaruhu amar kubixiyay in lagu wareejiyo kadibna uu qunsulka ufadhiya soomaaliya dalkeena itoobiya uu sidaa kuyimid kuna qaaday diyaarad nooca rakaabka qaadi ah sidaa darteed iskaashigu ma aha mid hal dhinac ah ee waa mid labada dhinac ah , dawlad soomaaliya ahna maqabanin cabdikariin ee dadkuu danbiga kagalay ayaa qabtay. Waxaana kumahadsan shacabka badhaxlay oo keenay iyadoo hadii aysan odayaashooda iyo dhalintooda aysan hawshan qaban lahayn aysan marnaba suurta gasheen qabashadiisu, shacabka deegaanka soomaalida oo ay lexo jeclo kaqabaan dartii bayna usameeyeen.
Marka waxaan usheegaynaa shaqsiyaadka al-shabaabka iyo fikiradii shuuciga ahaa kaduulaya ee itoobiya wax kasheegaya inay ogaadaan inay dad soomaali itoobiyaan ah ay wax kasheegayaan waana inay si degdeg ah ay dib uga gurtaan arrintaas, waxaana Dadka soomaaliya ee qaylyaya aan usheegaynaa inay al-shabaabta udiiday nabadgalyada ee maalin walba laynaysa ee ubaahisay 30ka wadan ee kaladuwan ee dul fadhiya inay kahadlaan bay ahayd ee inay itoobiya kusoo meeraystaan ma aha.
Gabagabadiina cabdikariin deegaankiisii buu si nabadgalyo ah kujoogaa dadkuu ururkiisu xasuuqay buuna dhexjoogaa godey baana la keenay horumarkeedana wuu layaabay gudoomiyaha gobolka shabeele yaana qaabilay. Sidaadarteed, dawlada federalka ah ee itoobiya hadafkeedu wuu kawayn yahay shaqsi qorshaheeda 1aadna waa sida uga mid noqon lahayd wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.