Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 21ka April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib ugusoo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga, kadib markay usoo dhamaadeen howlihii shaqo, Shirarkii iyo arrimihii muhiimka ahaa ee uu utagay xarunta dalka ee addisabab, Wuxuuna madaxwaynuhu wakhti xaadirkan ku sugan yahay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.
MW CMC Oo Kusoo Laabtay Caasimada Deegaanka.
MW CMC Oo Faahfaahiyay Heshiiskii Soohdinta Labada Shacab
Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 21ka April 2017. Sida lawada ogsoonyahay waxaa jiray khilaafaadyo dhanka soohdinta udhexeysa labada shacab ee kasoo jeeda dawlad deegaanada soomaalida iyo oromada balse haatan laga gaadhay heshiis kama danbays ah oo xal waara unoqonaya shacabka walaalaha ah ee labada dhinac ee uu daris wanaagu kadhexeeyo.
Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo faahfaahiyay heshiiskan labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskan uu waxtar balaadhan uleeyahay shacabka walaalaha ah ee labada dhinac marka dhinac walba laga eego isagoo xaqiijiyay in lakala xadeeyay 147 qabalee oo wax hadhsan uusan jirin maadaama ay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay gudi technical ah oo kakooban maamulada qabaleeyada ee labada dhinac, Maamulada degmooyinka ee labada dhinac, Odayaasha iyo shacabka labada dhinac iyo wakiilo kasocday wasaarada arimaha federalka ee JDFI, ciidanka federal policeka iyo ciidanka difaaca qaranka ay hoos ugu dhaadhaceen goob walba iyagoo tagay gaar ahaan tuulooyinka iyo degmooyinka uu khilaafku kajiray eegayayna sida uu dhulku yahay iyo sida loo kala xadaynayo islamarkaana kagaadhay guulo laxaad leh oo midho-dhalay.
Dhanka kale, mas'uuliyiinta labada deegaan oo ay kala hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha DDO mudane Lema Magarsa ayaa iyana dhankooda mudadii 3da bilood ahayd ee lasoo dhaafay kawada hadlayay sidii xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka xuduudaha labada deegaan iyagoo wada hadal dheer kadibna xalwaara kagaadhay islamarkaana qalinka kuduugay dhaqan-galinta heshiiskan maadaama ay gaar ahaan shacabka dagan tuulooyinka iyo degmooyinka xuduudaha ah ay yihiin dad dhaqan iyo diin wadaaga oo isdhalay ama wiil iyo abtigii ah iyadoo heshiiskana lagu gaadhay laguna faahfaahiyay meel ay labada deegaan iyo xukuumada federalka ahiba wada joogeen laguna cadeeyay qabalee kasta iyo degmo kasta oo iskuxiga xuduudooda islamarkaana loo dhigay si cad iyadoo uu heshiiskanina wakhti dheer qaatay.
Waxaa kale oo uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar sheegay in maadaama oo heshiiskan lagaadhay uu yahay mid sharci ah islamarkaana waxtar uleh nabadgalyo kuwada noolaanshaha iyo horumarka shacabka walaalaha ah looga baahan yahay dhamaan heerarka kaladuwan ee maamulada tuulooyinka, degmooyinka, Gobolada iyo waliba shacabkuba inay dhaqangaliyaan. Wuxuuna madaxwaynuhu kadigay in cid kasta oo iskudayda inay carqalad kadhex abuurto shacabka walaalaha ah ee labada dhinac talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono iyadoo waliba lagala xisaabtami doono arintan heerarka kaladuwan ee maamulada.
Ugudanbayna madaxwaynaha ayaa carabka ku adkeeyay in sharciga lahorkeeni doono cid kasta oo iskuday samaysa gaar ahaan heerarka kaladuwan ee maamulada qabaleeyada, degmooyinka, Malayshiyaadka iyo waliba shacabka iskudaya inay carqaladeeyaan heshiiskan sharciga ah ee lagaadhay oo ay sharciga dhadhamin doonaan .
Garoonka Caalamiga Ah Ee Sida Casriga ah Loo Dhisayo Oo Si Habsamileh Usocda
Jigjiga(cakaaranews) Sabti 22ka April 2017. Garoonka caalamiga ah ee sida casriga ah loo dhisayo islamarkaana ay siwada jir ah shaqada dhismihiisa ay ufulinayaan wakaalada dhismaha iyo adeegyada gaarka ah ee booliska, shirkada dhismaha hawlaha biyaha iyo waliba shirkada xaawo aadan ayaa meel fiican maraysaa shaqadiisu.
Hadaba, garoonkan casriga ah oo kufadhiya dhul dhan 6 KM islamarkaana awood uleh inuu qaado dad kor u dhaafaya 60,000 oo shaqsi, shaqadiisuna kasocto xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga gaar ahaan dhinaca koonfureed ee magaalada ayaa waxaa miisaaniyadiisa fulinaya Xukuumada DDSI. Dhismaha Garoonkan ayaa waxaa warbaahinta deegaanka uga waramay Agaasinka mashruucan dhismaha garoonka casriga ah oo katirsan shaqaalaha wakaalada dhismaha, iibka iyo adeegyada gaarka ah ee booliska mudane Cabdinaasir Huruufe oo sheegay in mashruucan garoonka caalamiga ah ee sida casriga ah loo dhisayo ay meel fiican maraysao shaqadiisu. Wuxuuna xusay in dhismaha mashruucan ay siwada jir ah shaqada dhismihiisa u fulinayaan wakaalada dhismaha iyo adeegyada gaarka ah ee booliska, shirkada dhismaha hawlaha biyaha iyo waliba shirkada xaawo aadan. Agaasinka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmamaay in shaqaalaha mashruucu ay uqaybsan yihiin sadex qaybood islamarkaana ay kutartamayaan maadaama uu yahay garoonkani kii ugu horeeyay oo casri ah ee deegaanka laga dhiso. Wuxuuna sheegay in ay balanqaadayaan in habeen iyo maalin maskax iyo muruqba ay kashaqaysiinayaan.
Dhankakale agaasinaka ayaa tilmaamay in dhismaha garoonku uu marayo wajigiisii 1aad oo ah qodista iyo xaadhista iyadoo hooslooqadayo 9miter. Wuxuuna carabka kudhuftay in dhalinyar badan oo deegaanka u dhashay ay shaqo abuur kaheleen.
Iskusoowada duuboo waxaa xusud mudan in wakhtiyar kahor ay mashruuca garoonkan caalamiga ah ee sida casriga ah loodhisayo ay siwada jir ah u dhagax dhigeen madaxwaynaha JDFI mudane Mulato Toshome iyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar
MW CMC Oo Kahadlay Hirgalinta Heshiiska iyo Digniin kuwajahan
Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 22ka April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa guud ahaanba dawlada federalka ah oo uu ugu horeeyo ra'isa l wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalgn ku amaanay sida daacadnimada leh ee ay uga shaqeeyeen heshiiskan iyo sida wadaniyada iyo xilkasnimada leh ee ay wakhtigooda qaaliga ah mudada dheer ugu hureen isusoo dhawaynta labada shacab.
Sidoo kale, wuxuu madaxwaynuhu wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolo-dhaqatada ee JDFI oo uu ugu horeeyo mudane Kasa Tekle Berhan iyo heerarka kaladuwan ee shaqaalaha wasaaradaba uga mahadceliyay kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay kaqaateen heshiiskan isagoo hogaaminta DDO oo ugu horeeyo madaxwaynaha mudane Lema Megarsa ku amaanay sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen taabagalinta heshiiskan.
Madaxwayne CMC ayaa si gaar ah ugu amaanay hay'adaha amniga iyo ciidamada difaaca qaranka kaalinta libaax ee ay kaqaateen walaalaynta iyo isusoo dhawaynta labada shacab.
Hadaba madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo heshiiskan kutilmaamay mid waxtar balaadhan uyeelan doona labada shacab ee kasoo jeeda deegaanada soomaalida iyo oromada ayaa fariin udiray dhamaan shacabka iyo maamulada kuteedsan xadka deegaanka oromiya iyo cid kasta oo kamid ah deegaanka soomaalida oo sharci-daro samaysa ama xabbad rida iyo cid kastoo kaqaybqaadata ficilada sharci-darada ah in loo aqoonsan doono inay kasoo horjeedo heshiiskan sharciga ah ama ay fulinayso falal nabadiid oo dhan ka ah walaalnimada labada shacab islamarkaana ay sharciga dhadhamin doonto.
Tababar Uu Soo Agaasimay Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga Ah DDSI Oo Loo Qabtay Xirfadlayaasha Iibka Iyo Xisaabaadka PSNP
Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 22ka April 2017. Tababar kor loogu qaadayay garaadka aqooneed ee kuwajahan bayaanka, Nidaamka iyo hagaha iibka mashruuca PSNP islamarkaana ay kasoo qaybgaleen dhamaan xirfadlayaasha iibka iyo xisaabaadka heer deegaan ee 31 degmo uu ka howlgalo mashruucu ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI.
Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasinka daamaanad qaadka cuntada ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI ahna kusimaha Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Lubi Axmed Kaariye oo sheegay inuu tababarkan yahay mid kor loogu qaadayay garaadka aqooneed ee kuwajahan bayaanka, Nidaamka iyo hagaha iibka ee xirfadlayaasha iibka iyo xisaabaadka heer deegaan ee mashruuca PSNP islamarkaana ay tababarkan casharadiisa bixinayaan xirfadlayaal ka socday wasaarada beeeraha JDFI iyo bangiga aduunka. Wuxuuna agaasinku intaa ku daray in tababarkan loogu talagalay in lagaga gudbo caqabadaha la xidhiidha aqoonta xirfadeed ee ay shaqaalahani uleeyihiiin iibka mashruuca.
Ugudanbayna wuxuu masuulku xusay in tababarkani socondoono mudo 4 cisho ah islamarkaana loo baahan yahay in sidii loogu talagalay uqaadataan cashirka mudada uu tababarku socdo maadaama uu tababarkani yahay mid muhiim ah oo wax kabadli doona garaadka aqooneed eed uleedihiin nidaamka hagaha iibka ee mashruuca shabakada badbaadada waxsoosaarka PSNP.
Xuska Maalinta Cidhibtirka Gudniinka Fir-cooniga Ah Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Xusya jigjiga.
Jigjiga,(cakaaranews),sabti, 22ka April, 2017. Waxaa, maanta si heer qaran ah loogu xusay caasimada DDSI ee jigjiga Munaasabada xuska maalinta cidhibtirka gudniinka fir-cooniga ah.
Munaasabadan oo sanadba deegaan lagu xuso oo ay sanadkan marti galisay caasimada DDSI ee jigjiga oo si meeqaam sare ah loogu xusay madasha shirarka ee SMCX ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday heer fadaraal oo ay hogaaminasay wasiiru dawlaha wasaarada arimaha haweenka iyo caruurta JDFI marwo Businash Masarat, masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid tahay wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta ee DDSI marwo Raxma Suuldaan Maxamuud Haybe, wasiirada xafiisyada arimaha haweenka iyo caruurta ee deegaanada Ganbeela, Binushaangul, Canfarta Hararida iyo ismaamulka magaalada deridhawa,, odayaasha, culimo awdiinka deegaanka iyo marti sharaf kale.
Waxaana furitaankii munaasabadan ka hadashay wasiirka arimaha haweenka iyo caruurta DDSI marwo Raxma Suuldaan Maxamuud Haybe oo ka warbixisay ahmiyada ay leedahay munaasabadan xuska maalinta cidhibtirka gudniinka fircooniga oo si heer qaran ah maanta loogu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga . wasiirka ayaa tilmaantay in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga soo hooyay cidhibtirka gudniinka fir-cooniga iyo guurka deg-dega ah ee hablaha, waxayna intaasi ku dartay wasiiradu in xuska maalintan tahay mid lagu soo bandhigo khibrad wadaag iyo aqoon iswaydaarsi ay deegaanadu ku lafa gurayaan sidii loo cidhibtirilahaa gudniinka fircooniga ah iyo guurka deg dega ah si loogu guulaysta yoolka ah in dhamaan deegaanada dalka laga cidhibtiro gudniinka fircooniga ah oo dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah ku hay jiray hablaha.
Sidoo kale Waxaa dhankeeda ka hadashay munaasabadan wasiiru dawlaha wasaarada arimaha haweenka iyo caruurta JDFI marwo businash masarat oo ugu horayntii u mahad celisay xukuumada DDSI gaar ahaan xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI ee suurta galiyay in munaasabadan si qurux badan loogu qabto caasimada DDSI. wasiiru dawlaha ayaa si qoto dheer uga warbixisay dadaalada dalka iyo deegaanadu ugu jiraan sidii loo cidhibtirilahaa gudniinka fircooniga. Waxayna sheegay wasiirku in guud ahaanba sanadihii ugu danbeeyay guulo wax ku ool ah laga soo hooyay cidhibtirkiisa.
Intii ay munaasabadani socoday ayaa waxay ardayda waxka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga iyo kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ku soo bandhigayeen riwaayado iyo heeso ka turjimaya dhibaatooyinka ay hablaha u gaysto gudniinka fir-cooniga ah.
Shirwaynihii 7Aad Ee Tayada Waxbarashada Jaamacadaha Dalka Oo Ka furmay jigjiga.
Jigjiga,(cakaaranews), sabti, 22ka April, 2017. waxaa ka furmay caasimada DDSI ee magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan shirwaynihii 7aad ee tayada iyo horumarinta waxbarashada jaamacadaha dalka.
Shirwaynahan waxbarashada jaamacada dalka oo ay sanadba marti galiso mid ka mid ah jaamacadaha dalka ayaa waxa sanadkan marigalisay jaamacada jigjiga waxaana ka soo qaybgalay dhamaan madaxwayneyaasha jaamacadaha dalka, oo uu ka mid yahay madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr cabdicasiis ibraahin, masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada JDFI, masuuliyiinta xafiisyada waxbarashada deegaanada dalka oo uu ka mid yahay wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah ee bah-wadaagta la ah wasaarada waxbarashada JDFI iyo xafiisyada waxbarashada deegaanada dalka.
Waxaana, furitaankii shirkan ka hadlay madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahin oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada uu shirkani leeyahay isaga oo sheegay in uu shirkani yahay kii 7aad oo sanadba ay martigaliso mid ka mid ah jaamacadaha dalka kaasi oo lagaga hadlo sidii loo xoojin lahaa loona horumarin lahaa tayada waxbarashada jaamacadaha dalka. madaxwaynaha jaamacada jigjiga ayaa intaasi ku daray in sanadihii ugu danbeeyay guulo waawayn laga gaadhay dhinaca tayada waxbarashada jaamacadaha dalka isaga oo gaar ahaan ka warbixiyay in jaamacadada jigjiga ay deegaanka soomalida itoobiya gobolkasta iyo degmooyinka ay gaadhsiiyay tayada waxbarashada jaamacada jigjiga.
Shirwaynahan 7aad ee tayada iyo horumarinta waxbarashada jaamacadaha dalka oo muddo 2maalmood ah ka sii socondoona hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan ayaa waxa lagu soo bandhigidoonaa daraasaad iyo cilmibaadhis ay sameeyeen jaamacadaha dalku oo ku saabsan hirgalinta iyo ka midho dhalinta yoolasha iyo istaraatajiyadaha waxbarashada jaamacadaha dalka.
Jaamacada Qabridahar Oo Dhismaheedu Meel Fiican Marayo
Qabridahar(cakaaranews) Isniin 24ka April 2017. Bulshada shaqo abuurka kaheshay dhismaha jaamacada qabridahar ayaa aad u bogaadiyay iyadoo Jaamacada qabridahara ay tahay jaamacdii labaad ee deegaanka soomaalida itoobiya islamarkaana uu dhismaheedu marayo 54%.
Hadaba, kasakow horumarka balaadhan ee lagafilayo jaamacada qabridahar ayaa hadana waxaa shaqo abuur kahelay dhalinyar badan oo ah iskaashatooyin kakalshaqeeya dhismaha qaybahooda kaladuwan iyo adeegyada kale ee dhismaha. Sidaas darted qaarkamid ah bulshada shaqo abuurka ka helay oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin jaamacada qabridahar islamarkaana ay kaheleen shaqooyin kaladuwan. Waxayna tilmaameen in caruurtooda iyo bulshadooduba ay u tahay horumar balaadhan oo u soo hooyday dhamaan deegaanka soomaalida itoobiya.
Sikastaba ha ahaatee, jaamacadan qabridahar ayaa hada wajiga hore dhismaheedu ka koobanyahay 21 block oo ah guryihii ardayda iyo kalasyadii waxlagubaranayay. Waxaana lafilayaa in ay waxbarashada baajka 1aad ay bilaabi doonta sanadkan fooda inagu soohaya ee 2010 T.I.
Tababar Ku Saabsan Isticmaalka Aalada Computerka Oo Loo Furay Maareeyayaasha Tuulooyinka
Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 25ka, April, 2017. Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud ayaa maanta tababar u furtay 24 xubnood oo ah maareeyayaasha tuulooyin ka tirsan 10 degmo oo hoos yimaada Gobolada Faafan, Jarar, Shabeele iyo Afdheer.
Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa waxay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa kartida iyo xirfada maareeyayaasha tuulooyinka uu ka dhaqan galay mashruuca taageerada gaarka ah siiya deegaanada soo koraya ee loo yaqaano (DRS) kaasi oo xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ka taageera adkaynta, kor u qaadida iyo dhaadhicinta maamulka suuban.
Waxaana, furitaankii tababarkaasi ka hadashay wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed maxamuud oo sharax dheer ka bixisay ujeedooyinka iyo ahmiyada tababarkan leeyahay waxayna sheegtay in uu yahay mid kor loogu qaadayo xirfada aqooneed ee maareeyayaasha tuulooyinka gaar ahaan xirfada aas aasiga ah ee barashada isticmaalka aalada computerka si ay xogaha tuulooyinka ugu kaydiyaan aalada computerka. Wasiirka ayaa kula dar-daaran tahay maareeyayaashan tababarka loo fumray in ay si qoto dheer uga faa’iidaystaan cashirada lagu siinayo mudada uu tababarkani socdo si ay ujeedada laga leeyahay tababarkan looga fuliyaan tuulooyinka ay ka socdaan.
Tababarkan oo socon doona muddo 24 maalmood ah ayaa waxaa cashiradiisa bixindoona khabiiro ka socda xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI.
Senterka Daarusalaam Iyo Deeq Raashin Ah Oo La Gaadhsiiyay
Daarusalaam(cakaaranews)Talaado 25ka April 2017. Wafti uu horkacayo wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) ayaa Deeq raashin ah oo isugujirta Bariis, Qamandi, Boorash iyo waliba bustaal u qaybiyay bulshad kudhaqan centerka daarusalaam ee hoosyimaada degmada garbo ee gobolka nogob.
Hadaba, wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in bulshada kudhaqan senterka daarausalaam ee ay saamaysay isbadalka cimilada aduunku ee roob yaraanta keenay ay maanta gaadhsiiyeen raashin isugu jira bariis, qamandi boorash iyo waliba bustayaal. Wuxuuna wasiirkuxigeenku intaa kudaray in deeqdan ay maanta gaadhsiiyeen ay kamidtahay dadaalada ay xukuumada DDSI kula tacaalayso bulshada xoolodhaqatada ah ee ay saamaysay abaartu.
Sidookale, Gudoomiyaha Gobolka Nogob mudane Axmed Xaaji Aadan oo isna goobjoog ahaa ayaa sheegay in sifiican oo wadaniyad leh loo soo gaadhsiiyay deeq raashin ah oo kaladuwan iyo waiba bustayaal. Wuxuuna mahad celin u soojeediyay dhamaan xuuumada DDSI ee marwalba bulshadeeda lagarabtaagan taageeraha aan kalago’a lahayn.
Ugudanbayna bulshadii lagaadhsiiyay deeqdan raashinka ah ayaa bogaadiyay oo mahad celin iyo waliba Duco balaadhan u soojeediyay xukuumada islamarkaana sheegay in deeqdani aytahay mid ay aad ugu baahnaayee.
MW CMC Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Magaalada Dire Dawa
Diredawa(Cakaaranews) Talaado 25ka April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafiti balaadhan oo isugu jira odayaasha deegaanka, Gudoomiyaasha gobolada, Gudoomiyaasha degmooyinka ee xadadka deegaanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhinaca xarunta deegaanka ooga ambabaxay dhinaca ismaamulka magaalada dire dawa Halkaas oo ay kaga qaybgali doonaan kulankii xuduudaha deegaanada dalka oo ka qabsoomi doona magaalada dire dawa, Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu wakhti xaadirkan ku suganyihiin magaalada dire dawa.
Kulan Lagu Daahfurayay Mashruuca (DRDIP) Oo Ka Qabsoomay Magaalada Qabribayax
Qabribayax(Cakaaranews) Talaado 25ka April 2017. Kulan lagu daahfurayay mashruuca (DRDIP) oo ujeedadiisu ahaa sidii bulshada fahan buuxa looga siin lahaa mashruuca cusub ee horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu, kasoo ka shaqayn doono saamaynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada iyo saamaynta uu ku reebay ayaa ka qabsoomay magaalada qabribayax.
Hadaba kulankan ayaa waxaa ugu horayn furay gudoomiyaha Degmada qabribayax Marwo Luula Yuusuf Rooble oo sheegtay inuu mashruucani yahay mid muhiim u ah bulshada islamarkaana goobo badan oo caalamka iyo deegaano kamid ah dalkeena ka shaqeeyo, isagoo waliba 4 degmo oo deegaankeena ahna ka howlgali doona, Waxayna gudoomiyhu intaa ku dartay in loo baahan yahay in laga faaiidaysto mashruucan.
Dhanka kale khabiirka khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdifataax Makhtal Siraad iyo khabiirka habnololeedka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdi Cismaan ahna howlwadeenada mashruuca cusub ee horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu (DRDIP) Oo kawar bixiyaya tababarkan ayaa sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii bulshada fahan buuxa loogasiin lahaa mashruucan cusub ee horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu iyo waliba saamynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada, Waxa kaloo masuulku intaa ku daray inay bulshada looga baahan yahay inay fahmaan waxqabadka uu mashruucan ka caawin doono islamarkaana ay ka qaybqaataan howlaha shaqo uu mashruucu qabanayo kana faaiidaystaan.
Ugu danbayana waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha kulankan ayaa sheegay inuu kulankan ahaa mid muhiim ah islamarkaaana ay kaafaaidaysan doonaan mashruucan cusub, Waxayna intaa ku dareen inay sidii loogu talagalay oola shaqayn doonaan mashruucan, maadaama uu yahay mid ka jawaabaya baahida shacabka ee dhanka saamaynta uu qoxootigu ku reebay bulshada.
Kulan hoos loogu Dhaadhicinayay Hirgalinta Heshiiskii Labada Deegaan Oo ka Dhacay Deridhawa.
Diridhawa,(cakaaranews) Arbaca, 26ka April, 2017. Dhawaan ayay ahayd markii heshiis laga gaadhay soo afjarida khilaafkii hore uga jirayay xuduuda u dhaxaysa deegaanka soomalida itoobiya iyo deegaanka oromiya.
Haddaba, waxaa maanta ka furmay magaalada diridhawa kulan balaadhan oo ay ujeedadiisu tahay sidii loo dhaadhicin lahaa ilaa heer tuulo hirgalinta heshiiskaasi dhawaan lagu saxeexay caasimada dalka ee Adisababa. Waxaana ka soo qaybgalay kulankaasi masuuliyiinta ugu saraysa labada deegaan oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane Lemma Megersa, odayaal dhaqameedka labada deegaan masuuliyiin ka socday wasaarada arimaha faderaalka, saraakiil ka socotay hay’adaha amniga dalka, iyo saraakiil ka socotay hay’adaha amniga labada deegaan.
Kulankaasi oo lagu soo bandhigayay nuruxka heshiiskii ay dhawaan saxeexeen labada madaxwayne iyo meelmarintiis ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka hadlay kulankaasi waxa uu sheegay in uu heshiiskani yahay mid waxtar wayn u leh labada shacab ee walaalaha ah, nabad kuwada noolaanshaha labada deegaan , Iskaashiga iyo wada shaqaynta labada deegaan islamarkaana uu kulankani yahay mid hoos loogu dhaadhicinayo taaba galinta iyo meel-marinta heshiiska ilaa heer tuulo.
Dhinaca kale madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane Lemma Megesra oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in heshiiskani yahay mid soo afjaray dhibaatooyinkii hore uga taagnaa xuduuda labada deegaan iyo shacabka walaalaha ah ee wada daga xuduuda dheer ee u dhaxaysa labada deegaan isaga oo ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu leeyahay hirgalinta heshiiskani iyo sidii siwada jir ah loo meelmarin lahaa
Dhankooda odayaal dhaqameedkii ka socday labada deegaan ayaa si qoto dheer u soo dhaweeyay heshiiskan taariikhiga ah ee xalka waara lagaga gaadhay dhibaatooyinkii hore uga dhexeeyay shacabka walaalaha ah waxayna sheegeen in ay si mug leh u xoojinayaan dhaadhicinta iyo hirgalinta heshiiskan. Odayaasha labada deegaan ayaa si qoto dheer ugu mahad celiyay dawlada faderaalka iyo hogaaminta deegaanka somalida iyo oromada gaar ahaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha deegaanka oromiya mudane lemma ee saxeexay heshiiskan dhaxal galka ah.
Ciidanka Difaaca Qaranka Dalkeena Qaybtiisa Qoraxay Oo Deeq Raashin iyo Booyado Biyo Ah Gaadhsiiyay Senterka Ceelbakool
Qabridahar(cakaaranews)Arbaco 26ka April 2017. Ciidanka difaaca qaranka ee fadhigiisu yahay magaalada q/dahar ee gobolka qoraxay ee kiflidoorka 2aad ayaa deeq raashin ah iyo booyado biyo ah gaadhsiiyay bulshada kudhaqan senterka ceel bakool ee hoosyimaada degmada qabridahar.
Hadaba, deeqdan raashinka ah oo isugujirta bariis, sonkor iyo boorash iyo waliba booyado biyaha ayaa ah mid ay ciidanku kasoo jareen mushaarkooda bilaha ah islamarkaana ay kaga qaybqaadanayaan dadaalada balaadhan ee aan lookala hadhin ee kuwajahan samatobixinta bulshada deegaanka ee ay samaysay isbadalka cimilada aduunka ee roobyaraanta keenay.
Sikastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha Gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo bulshadii deeqdan lagaadhsiiyay ayaa uga mahadceliyay sida quruxda badan ee deeqdan u soogaadhsiiyeen ciidamada difaaca qaranku islamarkaana ay ugu qaybiyeen. Waxayna tilmaameen in ay mararkale oo kalduwana ay ciidamadu soogaadhsiiyaan deeqo raashin ah.
Tababar kusaabsan kafaaiidaysiga waxsoosaarka calafka iyo dalagyada kaladuwan
Jigjiga(cakaaranews) Khamiis 27ka April 2017. Tababar ujeedaiisu tahay kafaa’iidaysiga waxsoosaarka calafka, waxsoosaarka dalagyada kaladuwan iyo dhinaca kafaaidaysiga waraabka iyo habkaydsiga casriga ah islamarkaana ay fulintiisa iska kaashanayeen machadka cilmibaadhista DDSI iyo xafiiska cilmibaadhista JDFI ayaa kaqabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.
Hadaba, tababarkan oo ay kasooqaybgaleen 45 xubnood oo kakalasocda xarumaha cilmibaadhista deegaanka ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay maareeye kuxigeenka machadka cilmibaadhista DDSI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Aadan oo sheegay in tabaarkan ujeedadiisutahay sidii loo horumarinkahaa waxsoosaarka calafka, waxsoosaarka dalagyada kaladuwan iyo waliba sidii fahanbuuxa looga qaadanlahaa cayayaanada waxyeeleeya dalagyada. Wuxuuna maareeye kuxigeenku kuladradaarmay kaqaybgalayaasha in intuu casharku socdo sifiican looga faaiidaysto.
Ugudanbayna kaqaybgalayaashii kasoo qaybgalay tababarkan ayaa sheegay in tabarakani yahay mid aad muhiim ugu ah islamarkaana ay casharo kaladuwan oo cilmi ah kubaranayaan. Waxayna uga mahadceliyeen machadka cilmibaadhista DDSI iyo waliba xafiiska cilmibaadhista JDFI.
Kulan Lagaga Hadlayay dar-dargalinta Adeegyada Caafimaadka.
Jigjiga(cakaaranews), Khamiis, 27ka April , 2017.Kulan uu hogaaminayay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin sare oo ka socotay hay’adaha ay xafiiska caafimaadka DDSI bah-wadaagta yihiin gaar ahaan haay’adaha kala ah UNICEF, WFP, OCHA, WHO, MSF iyo masuuliyiin ka socday xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI ayaa ka dhacay xafiiska wasiirka caafimaadka DDSI.
Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid ku saabsan xoojinta iyo dar-dargalin guud ahaan adeegyada caafimaadka, sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa, gaar ahaan sidii looga hortagilahaa loona xakamayn lahaa cudurka shuban biyoodka, kor u qaaditaanka fayadhawrka caafimaadka iyo sidii loo adkayn lahaa dhinaca wacyigalinta bulshada.
Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto kor u qaadida tayada adeegyada caafimaadka, wasiirka ayaa sheegay in xukuumada DDSI ay xooga saartay sidii loo xakamayn lahaa loogana hortagi lahaa cudurka shuban biyoodka islamarkaana laga gaadhay guulo waawayn xakamaynta iyo ka hortaga cudurkaasi wasiirka ayaa u mahad celiyay hay’adahan ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI sida balaadhan ee ay uga qayb-qaateen adeegyada caafimaada isaga oo intaa ku daray in loo baahan yahay in iyada oo la iskaashanayo la sii xoojiyo dar-dargalinta tayada adeegyada caafimaadka.
Dhankooda masuuliyiintii ka socotay hay’ada ay bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI ayaa sheegay in ay si mug leh u garab taagan yihiin dadaalka balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto xoojinta tayada adeegyada caafimaadka waxayna intaasi ku dareen in ay dhankooda adkaynayaan fulinta qorshayaasha lagaga midho dhalinayo xaqiijinta tayada adeegyada caafimaadka DDSI.
Gudi Ka Socday Golaha Wakiilada Shacabka JDFI Oo Kulan La Yeeshay Ganacsatada DDSI.
Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 27ka April 2017. Xubno ka socday golaha wakiilada shacabka JDFI gaar ahaan gudiga qiimaynta iyo dabagalka ganacsiga dalka ee golaha wakiilada shacabka JDFI ayaa kulan la yeeshay qaarka mid ah ganacsatada DDSI.
Hadaba kulankaasi oo ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii ay gudigan ka socda golaha wakiilada shacabka JDFI iyo ganacsatadani iskaga xogwaraysan lahaayeen heerka uu marayo ganacsiga deegaanku ,sida loo hirgaliyay sharciyada iyo bayaanada ku salaysan dhinaca ganacsiga dalka iyo sida ay ganacsatadu uga foojigan yihiin ganacsiga sharcidarnada ah.
Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane Ibraahin Maxamed Muxumed oo ka warbixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankan isaga oo sheegay in uu yahay mid ku salaysan xog ururin ay guud ahaan dalka ka samaynayaan gudiga qiimaynta iyo dabagalka ganacsiga dalka ee golaha wakiilada shacabka JDFI si loo xoojiyo guud ahaanba ganacsiga dalka loona gufeeyo haddii ay jiraan gol-daloolo ka jirta dhinaca ganacsiga.
Qaarka mid ah gudigan qiimaynta iyo dabagalka ganacsiga dalka oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in deegaanka soomalida itoobiya sanadihii ugu danbeeyay ka guul gaadhay kor u qaaditaanka ganacsiga deegaanka hirgalinta ganacsiga sharciga ah iyo la dagaalanka ganacsiga sharcidarnada ah waxayna sheegeen in isabalka balaadhan ee dhinaca horumarinta ganacsiga ee deegaanku ku yimiday dadaal ay sameeyeen xukuumada DDSI iyo ganacsadada deegaanku loona baahan yahay in dadaalkaasi la sii xoojiya waxayna intaasi ku dareen in mudada ay joogaan deegaanka u kuurgalayaan geedi socodka ganacsiga deegaanka gaar ahaan ganacsiga ganacsatada ka hawlgala dhoofinta, soo dajinta iyo ganacsiga cashuur dhaafka ah.
Tababar Ku Saabsan Maaraynta Cudurada Dilaaca Oo La Soo Gabagabeeyay.
Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 28ka April 2017. Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI lagu soo gabagabeeyay tababar muddo 15 maalmood ah u socday xubno ka socday cusbitaalada, qaarka mid ah xarumaha caafimaadka, rugaha caafimaadka iyo macahadyada waxbarashada caafimaadka ee deegaanka.Tababarkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii xubnahan fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka maaraynta iyo ka hortaga cudurada dilaaca gaar ahaan cudurka shuban biyoodka soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka iyo masuuliyiinka socday hayada ay bahwadaagta yihiin xafiiska.
Hadaba xidhitaankii tababarkan ayaa waxaana ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka warbixiayay ahmiyada iyo ujeedooyinkii tababarka isaga oo sheegay in uu qayb ka yahay dadaalka loogu jira kor u qaaditaanka iyo xaqiijinta tayada adeegyada caafimaadka gaar ahaan xoojinta dhinaca maaraynta iyo ka hortaga cudurada dilaaca wuxuuna kula dar-daarmay tababartayaashan in ay sidii loogu talagalay u hirgaliyaan kana hirgaliyaan cusbitaalada, xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimaadka ee ay ka socdaan.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka fahmeen mudadii uu tababarkani socday islamarkaana ay sidii loogu talagalay uga hirgalin doonaan cusbitaaladii iyo rugihii caafimaad ay ka socdeen.
Tababar Loo Qabtay Kabineega Iyo Hormuudka Golaha Horumarinta ee Tuulooyinka Degmada Qalaafe
Qalaafo(cakaaranews) Jumce 28ka April 2017. Tababar uu so agaasimay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI islamarkaaana ujeedadiisu tahay kor u qaadida garaadka aqoomeed ee maamulada iyo xubnaha golaha horumarinta senterada hoosyimaada degmada qalaafo, laguna barayay casharo laxidhiidha nuqulada, xilka iyo waajibaadka, nidaamka maamulka suuban, ciidanka horumarka iyo xog kaydinta xafiisyada tuulooyinka ayaa lagu soo gabagabeeyay degmada qalaafo ee gobolka shabeele.
Hadaba tababarkan ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay madaxa kooxda tababarka bixinaysay ahna khabiir katirsan xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cudada shaqaalaha DDSI ayaa sheegay In tababarkan ay kasooqaybgaleen maamulada iyo Golayaasha Horumarka ee 16 Senter oo hoostimaada degmadan qalaafe ee gobolka shabeele.
Wuxuuna intaa kudaray madax kooxeedku in tababarkan lagu barayo xubnaha casharo aad muhiim ugu ah islamarkaana loobahanyahay inay sifiican uga faaiidaystaan kadibna ay kadhaqan galiyaan seneteradii ay kakalyimaadeen.
Ugudanbayna kaqaybgalayaashi oo dareenkooda ka ahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tababarkan uu usoo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha. Waxayna tilmaamay in ay balan qaadayaan in ay ka dhaqan galiyaan goobihii iyo xafiisyadii ay kakalyimaadeen.
Wafti Ka Socday Mashruuca DRSLP Oo Kulan La Yeeshay Mas’uuliyiinta Xukuumada DDSI.
Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 29ka April 2017. Masuuliyiin sare oo ka socday mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah ee dhinaca u adkaysiga abaarta oo ah mashruuc uu maalgaliyo bangiga Africa afka qalaadna loo yaqaano the Drought Resilience Sustainable Livelihoods Program( DRSLP) ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta xukuumada DDSI.
Hadaba kulankan ay waftigu la yeesheen mas’uuliyiinta xukuumada oo ay ujeedadiisu ahayd sidii diirada loo saarilahaa waxqabadka mashrucan ee sanadkan ugu danbeeyay oo ka dhacay hoolka shirarka ee xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga DDSI ayaa waxaa hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar iyo wasiirka xoolaha iyo horumarinta reer guuraaga DDSI marwo Faaduma Cabdilaahi Takhal.
Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadaly madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo ugu horayntii masuuliyiintan ku soo dhaweeyay deegaanka wuxuuna ka warbixiayay waxqabadka mashruucan oo dalkeena itoobiya ka hawlgala deegaanada xoolo dhaqatada ah waxbadana ka qabtay dhinaca habnololeedka bulshada xoolo dhaqatada ah loona baahan yahay in la sii xoojiyo mashaariicaha uu fuliyo mashruucani.
Dhankooda mas’uuliyiintan ka socotay mashruuca DRSLP ayaa sheegay in guulo waawayn laga soo hooyay mashaariicaha uu mashruucani ka hirgaliyo deegaanka soomalida itoobiya, waxayna tilmaameen in la sii xoojindoona hirgalinta mashaariicaha uu ka fuliyo deegaanka gaar ahaan kuwa waxka badalayo habnololeedka bulshada xoolo dhaqatada ah.