Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

MW CMC Oo Afur Usameeyay Maamulada Gobolada Iyo Kabineega Degmooyinka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 28ka May 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maamulada gobolada iyo degmooyinka deegaanka afur sharafeed si heer sare ah loo soo agaasimay ugu sameeyay xaafadiisa.

Afur kadib ayaa waxaa la islasoo qaaday in lasameeyo qormo larabo in afka soomaaliga laga saaro erayga ‘NAAYAA’ oo ah kalmad tilmaamaysa yasid si xun loogu adeegsado dumarka iyadoo qormadan oo laga dooday larabo in lasoo hordhigo hay’adaha sharciga.

Hadaba waxaa dhamaan dumarka sharafta leh ee soomaalida gaar ahaan dumarka DDSI  meel kasta oo ay joogaan  la ogaysiinayaa inaysan ogolaanin in lagu yidhaahdo erayga ‘NAAYAA’ maadaama uu eraygaasi yahay mid bahdil ah oo meel wayn kaga dhacaya sharaftii dumarkeenu lahaa. Sidaadarteed  Ninka xaaskiisa kuyidhaahda erayga naayaa waxaa xaqiiqa ah inuusan jeclayn oo uu yasayo, Hadii ay xaaskiisu kayeeshana ay noqonayso bacaac aan xushmad kamudnayn.

Sidoo kale, waxaa raga xaaslayda ah lagu boorinayaa inay dumarkooda u isticmaalaan erayada naxariista leh sida: Gacaliso, Xabiibti, Hani, Macaan, Indhahaygii, Nuurkaygii IWM. Ragga aan xaaska lahayna waxaa la ogaysiinayaa inay gabdhaha soomaalida ah ee sharafta leh ay u isticmaalaan erayada macaan ee ay kamidka yihiin sida: walaal, Huuno, IWM.

Iskusoo wada duuboo dumarka sharafta leh ee soomaalida ah ayaa waxaa lagu wargalinayaa inaysan marnaba aqbalin in lagu yidhaahdo kalmada ‘NAAYAA’ maadaama hadal qoraal qabyo ah oo ay xukuumadu kasoo saartay in kalmada Naayaa laga saaro afsoomaaliga laga wada hadlayo islamarkaana uu horyaalo hay’adaha sharciga.


MW CMC Oo Kulan Layeeshay Mas’uuliyiinta Heer Deegaan Iyo Odayaasha

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 13ka April 2017. Kulan balaadhan oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Qaar kamid golaha wasiirada, Wasiiro kuxigeenada, Odayaasha deegaanka, Culumo owdiinka ayaa maanta galinkii danbe ka qabsoomay hoolka shirarka qaaryaan dhoodaan.

Hadaba kulankan oo uu hogaamainayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayn sheegay inuu kulankan ujeedadiisu yahay kawar bixinta socdaalkii ay madaxwaynaha iyo waftigiisu kusoo mareen qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka islamarkaana uu ujeedada socdaalku ahaa ka jawaabida xaalada abaarta oo ay garabsocdaan xadhig kajarka mashruucyada horumarineed, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in mashruucyada xadhiga laga jarayay ay ubadnaayeen ceelal, iyo biyogalino laga sameeyay goobaha ay socdaalka ku marayeen islamarkaana ay bulshadu aad oogu farxeen mashaariicaha, Quudinta, Dawada dadka, Ta duunyada iyo calafka xoolaha ay madaxwaynaha iyo waftigiisu bulshada gaadhsiinayeen, Isagoo madaxwaynuhu xusay in mashruucyadii biyoxidheenada Baka, Goomaar, Wijiwaaji iyo maraacaato la dhamaystiray wakhti xaadirkana bixinayaan adeegoodii.

Sidoo kale madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in xaalada adage e abaarta ay qayb ka yihiin bulshada xooladhaqatada ah ee deegaanka oon nidaamka kaydsiga aqoonin xiliga roobka, Wuxuuna madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar cadeeyay in qorshihii xukuumada ee 1 ilaa 5 ay uqaadatay biyaha ay hada fahmeen bulshada deegaanku muhiimada lagalahaa Iyagoo jawaab ka noqday xaalada abaarta, Wuxuuna madaxwaynuhu u mahadceliyay dhamaan cidwalba oo ka qaybqaadatay xalaada abaarta oo ay ugu horeeyeen dawlada federalka ah, Deegaanka tiray, iyo Deegaanka axmaarda, Isagoo madaxwaynaha, Mas’uuliyiinta iyo odayaashuba baryeen allah inuu roob khayrqaba siiyo abaartana naga dulqaado.

Dhankooda mas’uuliyiinta iyo odayaasha deegaanka ayaa sheegay inaan hadal lagusoo koobi Karin sida uu madaxwaynaha iyo mas’uuliyiinta deegaankuba uga qaybqaateen xaalada abaarta iyo inay indhahooda ku arkayeen sida hagar la aanta ah ee madaxwaynuhu usoo darsayay xaalada abaarta isagoo goob goob u istaagay dhamaan goobaha ay abaartu saamaysay iyo gooba kalaba islamarkaana kala qaybqaadanayay bulshada xaalada ay ku sugan yihii, Sidoo kale waxay u mahad celiyeen dawlada federalka, Deegaanka Tigray Iyo deegaanka axmaarada oo run ahaantii kaalin lixaad leh kaqaatay xaalada abaarta, Ugu danbayna waxay baryeen allah inuu ka dulqaado abaarta roob khayrqabana nasiiyo.   

MW CMC Oo U Duulay Xarunta Dalka Ee Addisababa

$
0
0

Addisababa(Cakaaranews) Jumce 14ka April 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhanka xarunta deegaanka ooga ambabaxay dhanka xarunta dalka ee magaalada addisababa, Isagoo hawlo shaqo, Shirar iyo hawlo muhiim ah utagay xarunta dalka ee magaalada addisababa.

Degmada Hudhet Oo Lagusoo Gabagabeeyay Qalitaankii Indhaha Iyo Daawaynta Bilaashka Ahaa.

$
0
0

Hudhet(Cakaaranews) Jumce 14ka April 2017. Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay hawlihii qalniinka iyo daawaynta indhaha ee Maalmahan Kasocotay Degmada Hudhet ee gobolka Daawa halkaas oo ay dib uheleen aragoodii indhaha Bulsha dhan 1002 Waxaana daawayn lagu sameeyay Bulsho Dhan 820 Halka Qalniin Lagusameeyay Dad Dhan 182 taasoo ka dhigaysa in qorshihii loogu talagalay Degmadani Hudhet  lagu Guulaystay 100%.

Haddaba waxaa xidhitaankiisii kahadlay gudoomiyaha degmada Hudhet mudane Axmed Ibraahim Xuseen Oo tilmaamay in sidii loogu talagalay loo fuliyay adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta indhaha Ee maalmahanba kasocday Degmada Hudhet kaasoo looga faaiidaynayay Bulshada Kunool Degmada Hudhet iyo nawaaxigeeda ee Gobolka Daawa Oogana Mahadceliyay XDSHSI ee bulshadiisa Kagawarhaya Goob kasta Oo ay ku sugan yihiin lanasoo gabagabeeyay Adeegii bilaashka ahaa ee qalitaanka indhaha iyo daawaynta degmada hudhet.

Dhanka kale bulshadii looga faaiidaynayay adeegani bilaashka ah ayaa bogaadiyay waxqabadka Aan kala go’a lahayn ee ay xukuumadu lagarabtaagan tahay sidoo kalena ay kufaraxsan yihiin Aragooda indhaha ee ay dib uheleen islamarkaana ay bilaash ku heleen adeegan.

Ugudanbayn dadaaladan isdaba jooga ah ee uu XDSHSI uu kuhawlan yahay ayaa kamida mid Ay markaas ay bulshada ku gaadhsiinayso dhamaanba adeegyada ay ubaahanyihiin lagagana Jawaabayo Baahida Shacabka Deegaanka, Iyadoo maanta lasoo gabagabeeyay hawlihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee maalmahanba kasocday Degmada Hudhet Ee Gobolka Daawa, Waxayna kooxdani usii kicitimi doona Degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan.

 

Gobolka Siti Oo Bilaabay Goynta Calafka Xoolaha Oo Ay Ugu Deeqayaan Gobolada Ay Saamaysay Abaartu

$
0
0

Qabalaha Gabi(Cakaaranews)sabti 15ka Aprill 2017. Maamulka gobolka siti ayaa bilaabay Goynta Calafka xoolaha ee looyaqaano sudan Garass kaasoo mudayar kahor ay maamulada 8da degmo ee hoosyimaada gobolka siti ay si wada jir ah uga beereen Tuulada Gabi ee degmada hadhagaala.

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Siti mudane Cabdiwali Maxamed Faarax iyo waliba madaxa arrimaha siyaasada gobolka siti mudane Maxamed Cumar oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in beertani ay tahay beer ka kooban calafka xoolaha ee looyaqaano sudan grass taasoo ah 400 oo hikter oo ay maamulada 8da degmo ee gobolka siti kabaareen qabalahan Gabi ee degmada hadhagaala iyadoo degmo kastaa oo gobolka katirsani ay beertay 50 hickter. Waxayna itaa kudareen in ujeedada beertani ay tahay in lagu caawiyo gobolada ay saamaysay isbadalka cmilada aduunka ee roobyaraanta keenay.

Ugudanbayna, Mas’uuliyiinta oo hadalkooda siiwata ayaa tilmaamay in qorshuhu siduu ahaa uu u fulay islamarkaana mashiino casri ahi ay wadaan goyntii beertan iyadoo si dhakhso ahna loogu deeqayo gobolada ay saamaysay abaartu.

Tababar Kusaabsan Wacyigalinta Guurka Degdega Ah

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 15ka April 2017. Tababar ay kasoo qaybgaleen gabdhaha barayaasha ah iyo xubno ka socday maxkamadaha shareecada iyo golaha arrimaha islaamka ee gobolada qoraxey, Shabeele, Doolo iyo erer islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii bulshada looga wacyigalin lahaa guurka degdega ah ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii ka hadlay agaasinka kormeerka iyo tayada waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdixakiin Maxamed Cali ayaa sheegay inuu tababarkan idiin socday mudada 3da cisho ah uu ujeedadiisu ahayd sidii bulshada looga wacyigalin lahaa guurka degdega ah kaasoo saamayn ku keeno geedi socodka waxbarasho ee dhalinyarta deegaanka. Wuxuuna agaasinku intaa kudaray in faaiidada aad ka hesheen tababarkan loosii gudbiyo lagana hirgaliyo goobaha ay ka kala yimaadeen.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay wax badan ka faaiideen mudadii uu socday tababarkan islamarkaana ay ooga faaiidayn doonaan unasii gudbin doonaan goobihii ay kala yimaadeen.

Cuspitaalka MM Godey Oo Ay Ka Qalinjabiyeen 20 Umuliso Dhaqameed

$
0
0

Godey(Cakaaranews) Axad 16ka April 2017. Waxaa cusbitaalka MM Godey ka qalinjabiyay 20 umuliso dhaqameed oo kakala yimaaday degmooyinka qalaafe iyo mustixiil islamarkaana tababar loogu hayay hospitaalka guud ee MM godey ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada godey ee xarunta gobolka shabeele.

Munaasabadan qalinjabinta ah oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun, Mareeyaha hosbitaalka guud ee mm godey mudane Wali Cilmi Shariif iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay gudoomiyaha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun, oo sheegay inay umuliso dhaqameed yadan ku xareysnaayeen mudo 20 cisho ah hospitaalka mm godey islamarkaana fahan buuxa lagasiinayay sida oogu fiican ee hooyada looga umilyo iyo waliba inay umuliso dhaqameedyadan isku xidhaan bulshada iyo hospitaalka si ayna hooyo oogu dhalin gurigeeda.

Dhanka kale waxaa isana munaasabadan ka hadlay Mareeyaha hosbitaalka guud ee mm godey mudane Wali Cilmi Shariif  oo sheegay  inay umilso dhaqameed yadani wax wayn ka badali doonaan bulshada ay ka yimaadeen islamarkaana ay  hooyooyinka ku xidhidoonaan inay ku dhalaan hospitaalada si ayna hooyo wax unoqonin ama aysan dhiigbax u dhimanin. Sidoo kale waxaa munaasabadan qalinjabinta ah shahaadooyin lagu gudoonsiiyay umuliso dhaqameedyadii tababarkan loo hayay mudada 20ka cisho ah taasoo cadayn u ah inay tababarkan qaateen.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah umuliso dhaqameed yadii loo hayay tababarkan oo sheegay inay waxbadan oo aysan markii hore fahansanayn ka fahmeen tababarkan islamarkaana ay si hagar la aan ah oola shaqayn doonaan xarumaha caafimaadka iyagoo hooyooyinka kusoo xidhi doona xarumaha caafimaad xiliga ay dhalayaan.

MMJ iyo Kal-fadhigii 8aad Ee Golaha Xildhibaanada

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Axad 16ka April 2017. Waxaa Saaka si habsamileh uga furmay Hoolka shirarka ee Xafiiska  Arrimaha Haweenka DDSI Kalfadhigii 8aad Ee Golaha Xildhibaanada Mamulka Magaalada Jigjiga Kaasoo ay kasoo Qaybgaleen Dhamanba Xildhibaanada MMJ.

Hadaba, kalfadhigan ayaa waxaa ugu horayn furay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada  MMJ Mudane Axmed Saalax Nur oo Halkaas Ka soojeediyay ajandayaasha kalfadhigan isagoo sheegay in kalafadhigani yahay kii 8aad islamarkaana ay ajandayaashu yihiin sidan:- 1) ansixinta hadal qoraalkii kalfadhigii 7aad, 2) ansixinta warbixinta 9ka bilood ee SM 2009T.I 3)ansixinta wakaalada UPSNP ee MMJ 4)ansixinta ULGDP ee dib loo habeeyay 5) ansixinta Gudiyada Joogtada ah ee Golaha xildhibaanada MMJ. Kadibna xildhibaanada ayaa ajandayaashan  iskuwada raacay, waxaana la guda galay kahadalkii ajandayaashan iyo ansixintoodii,

Kadibna, Kusimaha Maayorka  MMJ ahna Maareeha Guud ee MMJ Mudane Fadxi Shukri Axmed ayaa halkaas kasoojeediyay  Warbixintii 9ka Bilood ee Waxqabadka SM 2009 T.I isagoo si wayn uga hadlay dhanka waxqabadka adeegyada horumarineed ee biyaha, waxbarshada, caafimaadka iyo beeraha iyo waliba adeegyada kaabayaasha dhaqaale ee uu ugu horeeyo dakhligu.

Su’aalo iyo talobixino kadib, xildhibaanada ayaa codbuuxa oo gacantaag ah ku ansixiyay warbixintan uu soo bandhigay masuulku. Iyadoo dhamaanba ajandayaashan korka ku xusan ay xildhibaanada MMJ ay codbuuxa ku ansixiyeen.

Iskusoowada duuboo, kalfadhigan ayaa kusoodhamaaday jawi wanaagsan oo farxadi kudheehan tahay.


Hogaaminta XDSHSI Ee Diri-dhabe Oo Lacag 800,000 ah Ugu Deeqay Gobolada Ay Abaartu Saamaysay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 16ka april 2017. Hogaaminta XDSHSI ee ismaamulka Diridhaba ayaa bulshada deegaanka ee ay saamaysay isnbadalka cimilada aduunka ee roobyaraanta keentay ugu deeqay deeq lacageed oo dhan 800,000 oo bir (sideed boqol oo kun oo bir) deeqdaas oo ay kasoo jareen mushaarkooda.

Hadaba, deeqdan lacageed ayaa waxaa wakiil ka ahaa madaxa arrimaha XDSHSI ee ismaamulka diridhabe mudane Suubane Cabdi Axmed ayaa uga waramay warbaahinta deegaanka isagoo sheegay in deeqdan lacageed ay kasoojaren mushaarkooda islamarkaana ay ugu deeqayaan bulshada walaalahooda ee abaartu saamaysay. Wuxuuna xusay in lacagtani ay tahay lacag 8 boqol oo kun oo birr ah islamarkaana ay balan qaadayaan inta karaankood ah in bulshadooda ay lagarab taaganyihiin hiil iyo hooba.

Sidookale, deeqdan lacageed ayaa waxaa lawareegay wasiir-kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin Cumar Maxamud oo sheegay in deeqdan lagu wareejiyay maanta ay tahay mid ay deegaanka ugu deeqeen hogaaminta Xisbiga laantiisa diridhabe. Wuxuuna xusay in deeqdan ay kasoojareen mushaarkooda islamarkaana ay ugu talagaleen bulshada ay isbadalka cimiladu saamaysay . wuxuuna usoojeediyay mahadcelin balaadhan isagoo xusay in wadaniyad iyo muwaadino ay muujiyeen hogaaminta xisbiga ee diridhabe.

Ugudanabayna, wasiir-kuxigeenka oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in lacagtani ay waxwayn u tari bulshada kudhaqaqan gobolada ay abaartu saamaysay.

  

Filtu Oo Uu Ka Bilowday Ololaha Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ah

$
0
0

Filtu(Cakaaranews) Axad 16ka April 2017.  Waxaa Maanta La Daahfuray ololihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Oo Ka Bilaabmay Hospitalka Wayn Ee Degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan Kaasoo Looga Faaiidaynayo Bulshada Kunoool 7da Degmo Ee Gobolka Liibaan Iyo Nawaaxigeda, Halkaas oo ay bulshadu soo buuxdhaafiyeen Hospitalka Degmada Filtu si ay ooga faaiidaystaan Ololahani Bilaashka Ah Ee Uu XDSHSI Oogu Talagalay bulshadiisa uu waliba oogu keenay goob kasta oo ay ku sugan yihiin bulshada.

Hadaba daahfurkan Ololaha bilaashka ah oo ay ka hadleen Gudoomiyaha Gobolka Liibaan Mudane Cabdi Xuseen iyo madaxa xafiiska caafimaadka Gobolka Liibaan mudane Maxamed Dayib Oo sheegay In ay sirasmi ah udaahfureen Ololahani Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha ee Bilaashka ah Islamarkaana Ay ka faaiidaysan doonaan bulshada kunoool guud ahaanba Gobolka Liibaan.

Geesta Kale Bulshadii Ka Faaiidaysanaysay Adeegani Bilaashka Ah Ayaa Bogaadisay Hawlahan Mutawacnimada ah ee uu Soo gaadhsiiyay XDSHSI Sidii Loogu talagalayna ay ooga faaiidaysanayaan Bulshadu.

Ugu danbayntii Ololahani Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha ayaa maalmaha soo socda kasii socon Doona Hospitalka wayn ee degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan.

 

 

 

 

 

 

Tartan Aqoomeed Loo Qabtay Ardayda Dugsiyada MMJ

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad 16ka April 2017. Tartan balaadhan oo uu soo agaasimay xafiiska waxbarashada Maamulka magaalada Jigjiga islamarkaana ay kasooqaybgaleen ardayda dugsiyada oo laga soo kala xulay 29 dugsi oo isugujira dugsiyada hoose, dugsiyada hoose/dhexe, dugsiyada sare iyo dugsiyada preparatory ga ayaa si habsamileh uga bilowday magaalada jigjiga.

Hadaba, tartankan ayaa waxaa furitaankiisii kahdlay madaxa xafiiska maayorka MMJ mudane Cabdicasiis Mahad oo sheegay in tartankan u jeedadiisu tahay mid lagu dhiirigalinayo ardayda dugsiyada maamulka magaalada jigjiga iyadoo kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada waxbarashada ee dugsiyada. Wuxuuna xusay inutartankani uu noqon doono mid ardaydu ay kaheli doonaan faa’iido badan oo dhanka culuumta sayniska ah.

Sidookale, madaxa xafiiska waxbarashada Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Cabdinaasir Cadhays oo isna furitaankii taratankan kahadlay ayaa sheegay in tartankani uu yahay mid sanadwalba xiligan oo kale ay qabtaan islamarkaana ay kutartansiiyaan aradyda dugsiyada. Wuxuuna xusay in tartankani uu socon doono mudo bil ah.

Madax xafiiseedka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tartankani uu kusalaysan yahay dhamaan casharada dugsiyada islamarkaana ardayda koobaad, labaad iyo sadexaad kalagala la abaal marindoono. Si ardayda kale iyo iyaguba ugu sii dhiiiradaan waxbarashada natiijo waxku ool ahna u keenaan.

Ugudanbayna ardayda tartamayaasha ah ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tartankan islamarkaana ay u mahadcelinayaan xafiiska waxbarashada iyo waliba dhamaan maamulka Magaalada jigjiga.

Ololihii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 2aad

$
0
0

Filtu(Cakaaranews) Isniin 17ka April 2017. Bulshada Kunool 7da Degmo Ee Gobolkani Liibaan oo Kafaaiidaysanaya adeegani qalniinka ayaa Bogaadiyay Adeegani Kaasoo Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa Waxaa maalintii 2aad galay qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmooyinka gobolka liibaan ee ay xarunta utahay degmada filtu,iyadoo maalintii shalay ahayd laga daah furay adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.

Hadaba adeegani qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha ayaa maraya hubsadashada sida uu qofwalba wax ooga qabo indhaha islamarkaana loo qali ama looga daawayn doono. Iyadoo adeegani Kasii Socondoono Hospitalka Wayn Ee Degmada Filtu Ee xarunta Gobolka Liibaan.

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Maamulka Maaliyada (PFM) Oo Loo Qabtay Xubnaha Anshaxa Degmooyinka Deegaanka.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews), talaado, 18ka April, 2017. Tababar  uu soo diyaariyay Komishinka Anshaxa iyo La Dagaalanka Musuqa DDSI oo kaashanaya Bangiga aduunta ayaa  loo qabtay xubnaha anshaxa  oo ka kala socday 54 degmo oo ka mid ah degmooyinka DDSI iyo 6 maamul magaalo ee DDSI.

Haddaba,  tababarkan  oo ah  mid la xidhiidhka nidaamka maamulka maaliyada (PFM)  ayaa waxay u  ujeedadiisu tahay sidii fahan buuxa looga siin lahaa xubnahan  nidaamka shaqo  ee la xidhiidhka anshaxa iyo sidii  kor loogu qaadilahaa nidaamka maamulka maaliyada ee barnaamiyada ay fuliyaan hay'adaha dawlada iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ee  dhinaca anshaxa 

Waxaana, furitaankii tababarkan ka hadlay   Gadhwadeenka Geedi socodka ka hortaga dan-biyada ka dhanka ah musuga ee Komishinka Anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI  mudane Daahir Cilmi Goohe  oo  sheegay in ahmiyada tababarkani tahay  sidii kor loogu qaadilahaa nidaamyada maamulka maaliyada gaar ahaan ilaalinta anshaxa maaliyada lagu fulinayo  barnaamijyada horumarineed ee hirgaliyaan hay’daha  dawlada iyo deeqbixiyayaasha caalamku. wuxuna intaasi ku daray  in mudada tababarkan socdo  xubnahan loo qabtay tababarku ku qaadan-doonaan cashiro kala duwan oo ku taxa-luqa  nidaamka maamulka maaliyadaha  gaar ahaan dhinaca anshaxa.

Tababarkan oo ah markii 2aad ee noociisan oo kale la qabto  ayaa waxa uu noqonayaa mid lagu adkaynayo  hanaanka maamulka  maaliyada (PFM) gaar ahaan  xoojinta barnaamijyada horumarineed ee ay fuliyaan hay’adaha dawlada iyo deeq- bixiyayaasha caalamku. waxaana mudada uu socdo tababarkani cashiradiisa bixin-doona khabiiro ka socda komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI

Tababar Wacyigalin Ah Oo Loo Qabtay Culumo Owdiinka MMJ

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 18ka April 2017. Tababar uu soo agaasimay xafiiska caafimaadka DDSI oo ay kaso qaybgaleen boqolaal culumo owdiinka maasaajidada 20ka xaafadood ee maamulka magaalada jigjiga islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii bulshada looga wacyigalin lahaa xanuunka shuban biyoodka ayaa ka qabsoomay magaalada jigjiga.

Haddaba kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in loo baahan yahay in bulashada lawacyi galiyo maadaama uu xanuunkani ku yimaado nadaafad daro islamarkaana ay nadaafadu tahay iimaanka badhkeed, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in loo baahanyahay sidii bulshada looga wacyi galinlahaa xanuunkan xiliyada salaada la isugu yimaado iyo inuu qof walba wacyigaliyo xaafadiisa kadibna u gudbo bulshada kale. Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in mudada uu tababarku socdo fahanbuuxa la idinka siindoono sida looga hortago xanuunkan.

Dhankooda waxaa iyana ka hadlay qaar mid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay bulshada ka wacyigalin doonaan xanuunkan islamarkaana ay usheegi doonaan inay ku dadaalaan nadaafada oo ah mida kali ah ee xanuunkan lagu afjari karo.

Tababar, Wacyigalin Iyo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsanaa Saamaynta Uu Qoxootigu Ku Reebay Bulshada.

$
0
0

Dooloadow(Cakaaranews) Khamiis 20ka April 2017. Waxaa degmada doolo adow ka qabsoomay tababar, Wacyigalin iyo aqoon iswaydaarsiga isku jira ee mashruuca (DRDIP) oo ujeedadiisu ahaa sidii bulshada fahan buuxa looga siin lahaa mashruuca cusub ee horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu, kasoo ka shaqayn doono saamaynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada iyo saamaynta uu ku reebay.

Haddaba khabiirka khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdifataax Makhtal Siraad iyo khabiirka habnololeedka  xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdi Cismaan ahna howlwadeenada mashruuca cusub ee  horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu (DRDIP) Oo ugu horayn furay tababarkan ayaa sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii bulshada fahan buuxa loogasiin lahaa mashruucan cusub  ee  horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu iyo waliba saamynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada, Waxa kaloo masuulku intaa ku daray inay bulshada looga baahan yahay inay fahmaan waxqabadka uu mashruucan ka caawin doono islamarkaana ay ka qaybqaataan howlaha shaqo uu mashruucu qabanayo kana faaiidaystaan.

Ugu danbayana waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha kulankan ayaa sheegay inuu kulankan ahaa mid muhiim ah islamarkaaana ay kaafaaidaysan doonaan mashruucan cusub, Waxayna intaa ku dareen inay sidii loogu talagalay oola shaqayn doonaan mashruucan, maadaama uu yahay mid ka jawaabaya baahida shacabka ee dhanka saamaynta uu qoxootigu ku reebay bulshada.


Adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ah Ee Gobolka Liibaan Oo Galay Maalintii 4aad

$
0
0

Filtu(Cakaaranews) Khamiis 20ka April 2017. Waxaa Maalintii 4aad Galay Ololahii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Kaasoo Kasocday Hospitalka Degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan Oo Looga Faaiidaynayay Bulshada Kunool Guud Ahaan degmooyinka uu ka koobanyahay Gobolka Liibaan.

Hadaba qalniinkan iyo daawaynta indhaha ee bilaashka ah ee kasocda xarunta gobolka liibaan ee filtu ayaa maraya maalintii 4aad iyadoo indhaha loo qalay bulsho dhan 266 halka indhaha laga daweeyay dad dhan 962 oo wadartoodu tahay 1,228 qof oo isugu jira qaliin iyo daawayn.

Hadaba qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku sugnaa goobta qalitaanku ka socday oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

Ugu danbayn adeegan qalniinka iyo daawaynta bilaashka ee ka socda degmada filtu ee xarunta gobolka liibaan ayaa maalmahan kasii socon doonaa halkaas.

 

Kulan Ku Saabsan Hirgalinta Xidhmaha Horumarinta Dhalinyarada Oo Ka Dhacay MM Wajaale

$
0
0

Wajaale(Cakaaranews) Khamiis 20ka April 2017. Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee maamulka magaalada tog wajaale kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa xidhmaha horumarinta dhalinyarada maamulka magaalada tog wajaale.

Kulankaasi oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan ururada kala duwan ee dhalinyarada maamulka magaalada tog wajaale ayaa waxaa furitaankiisii ka hadaly maayorka maamulka magaalada tog wajaale Mudane Maxamuud Cabdi Muxumed oo ka warbixiyay ahmiyada kulankan uu leeyahay wuxuuna sheegay in dhalinyaradu tahay lafdhabarta hirgalinyasa hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban loona baahan yahay in ay dhalinyaradu ka faa’iidaystaan fursadaha horumarka ee ka jira deegaanka gaar ahaan maamulka magaalada tog wajaale, Wuxuuna maayirku tilmaamay in ujeedada kulankani tahay sidii loo xoojin lahaa xidhmaha horumarka dhalinyarada iyo sidii ay dhalinyaradu uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha shaqo abuurka ee loo samaynayo islamarkaana natiijo wax ka ool ah ka keenaan.

Ololo Balaadhan Oo dhanka Nadaafada Ah Oo Kadhacday Degmada Qalaafo

$
0
0

Qalaafo(cakaaranews)khamiis 20ka April 2017.Ololo balaadhan oo ay isugu soo baxeen bulshada qaybaheeda kala duwan ee kudhaqan xaafadaha  degmada qalaafo ee gobolka shabeele islamarkaana lagu nadaafinayo magaalada ayaa maanta kabilowday magaalada qalaafo.

Hadaba, ololahan nadaafada ayaa waxaa kawarbixiyay Gudoomiyaha Degmada Qalaafo mudane Maxamed Khadar Faarax oo sheegay in saaka ololo balaadhan lagu qaaday nadaafada magaalada qalaafe iyadoo ay ololahan ay siwada jira ah uga qaybqaateen shacabka qaybahiisa  kaladuwan iyo waliba maamulka degmada oo iskuduuban. Gudoomiayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in nadaafadu ay tahay  imaanka badhkeeda isamarkaana nadaafad daradu ay keento xanuuno xunxun oo uu ugu horeeyo shubanka iyo wixii lahalmaala. Wuxuuna carabka kudhuftay in ololahani uu yahay mid joogta ah islamarkaana ay rajanayaan in uu wax-wayn katari doono dhanka kahortaga xanuunada iyo waliba bilicda magaalada qalaafo.

Ugudanbayna, dhankooda bulshadii kaqaybqaadanaysay ololahan nadaafada ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in si wada jir ah uga shaqeeyaan nadaafada magaaladooda iyo xaafadahooda islamarkaana ay si kagnaansho iyo wadaniyadi kudeehantahay ay uga qaybqaadanayaan.

 

Filtu Oo Lagusoo Gabagabeeyay Adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Gobolka Liibaan

$
0
0

Filtu(Cakaaranews) Khamiis 20ka April 2017. Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay hawlihii qalniinka iyo daawaynta indhaha ee Maalmahan Kasocotay Degmada Filtu  ee xarunta gobolka liibaan halkaas oo ay dib uheleen aragoodii indhaha Bulsha dhan 1670 Waxaana daawayn lagu sameeyay Bulsho Dhan 1360 qof Halka Qalniin Lagusameeyay Dad Dhan 1670 ruux taasoo ka dhigaysa in qorshihii loogu talagalay degmooyinka gobolka liibaan  lagu Guulaystay iyadoo degmooyin kalena hadhan yihiin.

Haddaba  xidhitaankii munasabadan oo ay kasoo qaybgaleen madaxa arrimaha xisbiga ee gobolka liibaan mudane Cabdihilaal Cabdulaahi Cabdi iyo gudoomiyaha degmada filtu marwo Khadiija Aadan Giiha ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxa arrimaha xisbiga ee gobolka liibaan mudane Cabdihilaal Cabdulaahi CabdiOo tilmaamay in sidii loogu talagalay loo fuliyay adeegii Qalniinka Iyo Daawaynta indhaha bilaashka ahaa Ee maalmahanba kasocday Degmada filtu ee xarunta gobolka liibaan kaasoo looga faaiidaynayay Bulshada Kunool dhaqmaan Degmooyinka  gobolka liibaan  Oogana Mahadceliyay XDSHSI ee bulshadiisa Kagawarhaya Goob kasta Oo ay ku sugan yihiin lanasoo gabagabeeyay Adeegii bilaashka ahaa ee qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee gobolka liibaan.

Dhanka kale bulshadii looga faaiidaynayay adeegani bilaashka ah ayaa bogaadiyay waxqabadka Aan kala go’a lahayn ee ay xukuumadu lagarabtaagan tahay sidoo kalena ay kufaraxsan yihiin Aragooda indhaha ee ay dib uheleen islamarkaana ay bilaash ku heleen adeegan.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay Dhakhaatiirtii Waday Ololahani Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Ayaa Sheegay In lasoo Gabgabeeyay Ololihii Maalmihii Udanbeeyay Kasocday Hospitalka Degmada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liiban Waxaa Kale oo ay intaa ku dareen In Ololahani Qalniinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ah Uu Todobaadyada Soosocda Uu Ka Bilaabmi Doono Degmooyinka Gurubaqasa Iyo Gurodhaamoole Ee Gobolka Liibaan.

 

 

 

 

Tababar, Wacyigalin Iyo Aqoon Iswaydaarsi Ku Saabsanaa Saamaynta Uu Qoxootigu Ku Reebay Bulshada Ayaa Ka Qabsoomay Boqolmaayo

$
0
0

Boqolmaayo(Cakaaranews) jumce 21ka April 2017. Waxaa degmada boqolmaayo ka qabsoomay tababar, Wacyigalin iyo aqoon iswaydaarsiga isku jira ee mashruuca (DRDIP) oo ujeedadiisu ahaa sidii bulshada fahan buuxa looga siin lahaa mashruuca cusub ee horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu, kasoo ka shaqayn doono saamaynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada iyo saamaynta uu ku reebay.

Haddaba khabiirka khayraadka dabiiciga ah ee xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdifataax Makhtal Siraad iyo khabiirka habnololeedka  xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga DDSI mudane Cabdi Cismaan ahna howlwadeenada mashruuca cusub ee  horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu (DRDIP) Oo ugu horayn furay tababarkan ayaa sheegay inuu tababarkan ujeedadiisu yahay sidii bulshada fahan buuxa loogasiin lahaa mashruucan cusub  ee  horumarinta iyo kajawaabida saamaynta uu bulshada ku reebay qoxootigu iyo waliba saamynta uu qoxootigu ku leeyahay bulshada, Waxa kaloo masuulku intaa ku daray inay bulshada looga baahan yahay inay fahmaan waxqabadka uu mashruucan ka caawin doono islamarkaana ay ka qaybqaataan howlaha shaqo uu mashruucu qabanayo kana faaiidaystaan.

Ugu danbayana waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha kulankan ayaa sheegay inuu kulankan ahaa mid muhiim ah islamarkaaana ay kaafaaidaysan doonaan mashruucan cusub, Waxayna intaa ku dareen inay sidii loogu talagalay oola shaqayn doonaan mashruucan, maadaama uu yahay mid ka jawaabaya baahida shacabka ee dhanka saamaynta uu qoxootigu ku reebay bulshada.

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>