Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 29ka April 2017. Maalqabeenka wayn ee dalkeena itoobiya mudane Sheekh Maxamed Xuseen Cali Alaamudiin ayaa deegaanka soo gaadhsiiyay deeq iskugu jirta raashin iyo calafka xoolaha oo uu ugu deeqay bulshada abaaruhu saameeyeen ee DDSI.
Haddaba. Deeqdan oo lagu wareejiyay masuuliyiinta xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI ayaa waxaa goobtii lagula kala wareegayay goob joog ka haa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si wayn ugu mahad celiyay Sheekh Maxamed Xuseen Cali Alaamudiin madaxwaynaha ayaana sheegay in uu kaalin lama ilaawaanka ka gaystay sheekhu gar-gaarka la gaadhsiinayo bulshada abaaruhu saameeyeen ee DDSI, Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in deeqdan uu sheekhu ugu deeqay shacabka abaaruhu saameeyeen ee DDSI ay timaaday xili aad loogu baahan yahay madaxwaynaha DDSI ayaa tilmaamay in ay shacabka DDSI iyo xukuuamda DDSI si wayn ugu mahad celinayaan sheekh maxamed xuseen cali alaamudiin.
Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu xusay in deeqdan maanta uu keenay sheekhu iskugu jirto 10,000 oo kiintaal oo bariis ah, 10,000 oo kiintaal oo galay ah iyo 10,000 oo kiintaal oo calafka xoolaha ah nooca loo yaqaano alfa-alfa. Dhankiisa wakiilka ka socday shirada alaamudiin mudane Asiyaas Kabadhe ayaa sheegay in shirkada alaamudiin ugu deeqday deeqdan shacabka deegaanka soomalida itoobiya ee ay abaaruhu saameeyeen isaga oo sheegay in deeqdan oo ay sidaan 49gaadhi shirkadu gaadhsiinayo goobta loogu talagalay ee ay ku dhaqan yihiin shacabka abaaruhu saameeyeen.
Dhankooda odayaasha deegaanka oo ka hadlay goobtii lagula kala wareegayay deeqdan ayaa siwayn u soo dhaweeyay deeqdan isugu jirta raashinka iyo calafka xoolaha kuwaasi oo si mug leh ugu mahad celiyay sheekh maxamed xuseen cali alaamudiin