Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

MW kuxigeenka Oo Kawrbixiyay Imtixaanka Fasalka 12aad

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) 10ka july 2016. Mw kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan oo kawrbixiyay imtaxaanka fasalka 12aad ee heer qaran ayaa sheegay in imtixaanka loo soo diyaariyay si aad ufiican islamarkaanauu bari si rasmi ah uga bilaaban doono dhamaan dalka deegaanadiisa kaladuwan. Wuxuuna intaa kudaray in ay been iyo propgaando tahay waxyaabaha social media ah lasoo galiyay islamarkaana ay beentaas fidinayaan dad qawlaystayaal ah oo ka xun horumarka waxbarashada dalka.

Ugudanabayna wuxuu xusay madaxwayne kuxigeenku in imtaxaanku uu bari ka bilaaban doono 74 goobood oo katirsan DDSI  islamarkaana ay  imtaxaanka u fadhiisan doonaan arday tiradoodu kor u dhaafayso 8284.


Imtixaanaadkii Fasalka 12aad Oo Si Rasmi ah U Bilowday

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews)isniin 11ka july 2016. Waxaa maanta si heer sare ah uga bilowday dhamaan dalka JDFI imtaxaanka u diyaargarawga jaamacadaha heer qaran ee fasalka 12aad, kaasoo DDSI si rasmi ah uga bilowday 74 goobood.

Hadaba Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka Waxbarasada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo  u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imtaxaankii fasalka 12aad uu maanta ka bilowday dhamaan goobihii loogu talagaly oo tiradoodu dhantahay 74 goobood. Wuxuuna intaa kudaray in ay kormeer ku soo mareen dugsiyadii ay imtixaamaadku ka socdeen sida magaalada jigjiga iyo waliba degmada tuliguleed. Wuxuuna tilmaamay in ka deegaan ahaan ay imtixaanka u fadhiisteen maanta arday tiradoodu kor u dhaafayso 8254.

Ugudanbayna wuxuu xusay madaxwayne kuxigeenku in imtaxaanku uu socon doono mudo 3 cisho ah. Wuxuuna kula dardaarmay ardayda in imtaxaanka ay sifiican uga shaqeeyaan maadaama oo sifiican wax loosoobaray ardayda islamarkaana ay ilaaliyaan nidaamka iyo anshaxa imtaxaanka noqdaana kuwo ku guulaysta jaamacadaha dalka.

 

Kulan Loogu Diyaar Garoobayo Xuska 16aad Ee Maalinta Xoolo Dhaqatada dalka oo ka dhacay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) talaado,  12ka July, 2016  Waxaa maanta  kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee XDSHSI  gudiga sare ee  qaban qaabada munaasabada  xuska 16aad ee  maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya oo  sanadkan lagu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga.

Gudigan qaban qaabada munaasabada xuska  maalinta xoolo dhaqatada oo ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenada DDSI  ayaa ah gudi isku dhafka oo iskugu jira heer deegaan iyo heer fadaraal.  waxaana kulankaasi ay yeesheen maanta hogaaminayay gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI  mudane maxamedrashiid isaaq.

Kulankan ayaa waxaa lagu kala qaadanayay  qorshe hawleedka loogu diyaar  garoobayo  munaasabada  16aad ee  xuska maalinta xoolo dhaqatada dalka itoobiya taasi oo ah munaasabad 2dii sano halmar lagu xuso mid ka mid ah deegaanada xoolo dhaqatada ah ee ay ka mid ka yihiin deegaanka somalida itoobiya, canfarta, oromada iyo deegaanka shucuubta koonfurta itoobiya. Waxaana  xuskan kii ka horeeyay ee 15aad ayaa waxaa martigaliyey deegaanka canfarta halka sanadkana xuska 16aad  uu marigalinayo deegaanka soomalida itoobiya.

Gudigan ayaa markii ay kulanka dhamaysteen waxay soo kormeereen garoonka cusub ee ciyaaraha oo  laga hirgaliyay caasimada DDSI kaasi oo ah mid ka lagu qaban doomo munaasabada 16aad ee maalinta xuska xoolo dhaqadada dalka. gudigan ka socday heer fadaraal ayaa siwayn ugu bogay diyaar garowga bilowga fiican ah ee ay muujisay xukuumada DDSI.     

 

 

Kulan Waynihii Todobaadka Qurba joogta DDSI oo galay maalintii 3aad.

$
0
0

Jijiga(cakaaranews) talaado, 12ka, July, 2016 Waxaa maalintii 3aad  ka socda madasha shirarka  ee qaryaan dhoodaan kulan waynihii todobaadka qurba joogta DDSI.   waxaana kulankaasi maanta   hogaaminayay masuuliyiin ay ka mid yihiin madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka  beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudan Khadar Cabdi Ismaaciil iyo wasiirku xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Ibraahim Mahad (sacab).

Haddaba kulan waynahan todobaadka qurba joogta DDSI oo si qoto dheer looga hadlay isbadaladii iyo   soonyaalka  taariikh ee uu soo maray  deegaanka ayaa dhankooda qurba joogta DDSI Goupyo u soo jeediyeen warbixino ku qotoma dhibaatooyinkii hore u soo daashaday deegaanka iyo dalka iyo waliba jihooyinkii looga soo gudbay dhibaatooyinkaasi 

Waxaa kale oo ay qurba joogtani ka warbixiyeen guulaha waawayn ee dhinacyada horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ay xukuumada DDSI u soo hoysay bulshada DDSI iyo guulaha laga gaadhay dhinaca xidhiidhka qurba joogta DDSI.    

 

 

Kulankii 17, aad Ee Golaha Kabineega Oo Bilaabmay

$
0
0

jigjiga( Cakaaranews ) Talaado, 12ka July, 2016. Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha kabilaabmay Kulankii 17, aad ee golaha kabineega DDSI ee caadiga ahaa.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa soo hordhigay golaha kabineega ajandayaasha kulankan 17, aad oo ay kamid ahaayeen: soo jeedinta warbixinta xukuumada DDSI, ansixinta bayaanka miisaaniyada 2009 T.I, ansixinta bayaanka wakaalada kiraynta mashiinada waawayn iyo dayactirka gaadiidka, iyo ansixinta xeernidaamka hanaanka isticmaalka daawooyinka farmasiyada iyo xarumaha caafimaadka. 

Kadibna waxaa ladhagaystay warbixintii waxqabadka xukuumada sanadka 2008 T.I. iyadoo gurigu si balaadhan u falanqeeyay warbixinta lasoo jeediyay islamarkaana si dhab ah uga maragkacay in warbixintani kusalaysan tahay qorshihii ay xukuumadu dhigatay oo ay fulinteedana goobjoog iyo qayba ka ahaayeen. Wuxuuna goluhu cadeeyay inay guulo laxaadleh kasoo hoyiyeen dhinacyada horumarka gaar ahaan ‘’biyaha’’ mashaariicihii waa waynaa ee biyo xidheenada, jidadka, dhismayaasha iyo waliba dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo horumarinta xirfadaha iyo farsamooyinka. Taas oo kutimid kago’naanshaha hogaaminta iyo shacabka oo hal meel ah uwada jeedsaday sida uu rasial wasaaruhuba cadeeyay. Guriga ayaana cod wadajir ah ku ansixiyay inay warbixintani tahay xaqiiqada midhihii qorshaha sanadka 2008 TI.

Waxaa kale oo uu goluhu codbuuxa ku ansixiyay dhamaan ajandayaasha sare ku cad iyo waliba in xafiiska ganacsiga, gaadiidka  iyo Arimaha-bulshada laga dhigo hal xafiis oo ka shaqeeya heer degmo meesha heer deegaan ay labo xafiis kala ahaanayaan degmooyinkana uu noqonayo xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo arrimaha bulshada. waxaa iyana la ansixiyay xafiiska shaqada iyo shaqaalaha (CPA) iyo xafiiska kobcinta oo laga dhigay hal xafiis ilaa heer degmo.

Ugudanbayna shirkan golaha kabineega oo la iskulaqaatay qodobadan korka ku xusan ayaa jawi wanaagsan kusoo dhamaaday.         

                                                                                                                                                                             

Kulankii Caadiga ahaa Ee Gudiga Fulinta Oo Furmay

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews)Talaado 12ka July 2016. Gudiga fulinta XDSHSI ayuu saaka kulankoodii caadiga ahaa si rasmi ah uga furmay hoolka shirarka khaaska ah ee xarunta madaxtooyada.

Kulankan oo uu  hogaaminayeen gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa wuxuu ugu horayn soo hordhigay gudiga ajandayaasha kulankan oo ah: soo jeedinta iyo qiimaynta warbixinta XDSHSI iyo waliba warbixinta xukuumada DDSI ee sanadka 2008TI.

Kadibna, waxaa si faahsan warbixintii waxqabadka  xukuumada DDSI ee sanadka 2008TI usoo jeediyay madaxawynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ahna gudoomiye kuxigeenka XDSHSI iyadoo warbixintii waxqabadka XDSHSI ee sanadka 2008TI si fiican looga dhagaystay madaxa arimaha siyaasada ee xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cumar maxamed cabdi.

Hadaba gudiga ayaa si qoto dheer u qiimeeyay hawlaha horumarka gaar ahaan dhinacyada biyaha, jidadka, dib-udajinta, waraabka iyo dooxooyinka, caafimaadka, waxbarashada iyo beeraha iyagoo dhinaca nabadgalyadana diirada kusaaray xaaladaha Ururada argagixisada ah sida UBBO, Al-itaxaad, Alqushaash iwm. Waxayna dhamaan xubnaha gudiga iyo hogaaminta sare gaar ahaan madaxwayne kuxigeenada ay hoosta kaxariiqeen inay sii xoojinayaan ladagaalanka ururada xagjirka ah.

Dhanka kale, gudiga fulinta ayaa warbixitii uu raisal wasaare hailemariam kajeediyay guriga ugu sareeya xukuumada federalka ee Golaha wakiilada shacabka JDFI kutaageeray in qorshaha lagula dagaalamayo dhimida saboolnimda iyo ladagaalanka xagjirnimada ay sii laba jibaarayaan oo ay hadh iyo habeenba u soo jeedayaan.

Sidoo kale waxay gudiga-fulintu islaqaateen in uu xawli ku dhaqaaqay horumarka deegaanka iyo fulinta awoodeed ee hogaamintuba kadib shirwaynihii XDSHSI ee kal hore kadhacay magaalada Fiiq ee la iskaga sifeeyay qashinkii tareenka horumarka laxaadka kusocda hareeraha haystay. Waxayna gudigu kutilmaameen matoorka dhaqaajiyay horumarka baaxadaa leh inuu yahay hogaamin maskax-caafimaad  qabta, dareen wadaninimo, kago’naanshiyo, aragti shacab,  iyo mid horumarineedba leh Iyagoo shaqooyinkii nabadgalyadana ku amaanay ciidanka gaarka ah ee Liyuu-boolisku sida ay uga midha dhaliyeen.

Waxayna Hogaaminta sare ee gudiga iyo xubnaha oo kahadlay kulankan oo ay kamid ahaayeen: marwo Sucaad Axmed Faarax, mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, mudane Mawliid Haayir Xasan, mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, mudane Jamaal Axmed Qaloonbi, mudane Maxamed Daahir, mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, mudane Cabdi Cali Mataan iyo dhamaanba kunuux-nuuxsadeen islamarkaana si adag carabka ugu dhufteen inay xagjirnimadu tahay cadawga kali ah ee caqabada ku ah horumarka gaar ahaan Al-itaxaad oo ah kadhalay dhamaan argagixisada sida alqushaash, Ubbo, buku-xaaraam, daacish iwm.

Sikastaba ha ahaatee madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hoosta ka xariiqay in qorshaha lagu tirtirayo saboolnimada, xagjirnimada iyo ladagaalanka dulsaarnimada oo lasii labo jibaaro ay yihiin tabta kali ah ee lagaga guulaysan karo dhibaatooyinka cadawga saboolnimada iyo argagixisadaba.

Ugudanbayna gudoomiyaha XDSHSI ahna afhayeenka golaha xildhibaanada mudane maxamedrashiid Isaaq  oo ladardaarmay xubnaha gudiga fulinta ayaa xagjirnimada ku tilmaamay inay caqabad kutahay dhaman dunida islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loola halgamo iyo waliba in lasii xoojiyo lagana midho dhaliyo qorshayaasha horumarineed ee sanadaha inagu soo aadan si dalkeenu uga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

 

Kalfadhigii 3aad Ee Golaha Xildhibaanada DDSI Oo Si Rasmi ah Ufurmay.

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews)Talaado 12ka July 2016. Waxaa maanta  galinkii danbe si rasmi ah uga furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan kalfadhigii 3aad ee golaha wakiilada shacabka  DDSI.

Hadaba, kalfadhigan ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq. Wuxuuna  sheegay ka hor inta aan la furin kalfadhigan in la xaqiijiyo  tirada kooramka xidhibaanada. Tirada xildhibaanada DDSI oo ka kooban 269 xildhibaan ayaa waxaa soo xaadiray 245 xildhibaan sidaasi ayuu kooramku ku buuxsamay.

Kalfadhigan ayaa waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah oo uu soo jeediyay sheikh kamid ah xubnaha xildhibaanada DDSI 

kadibna Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDSI mudane maxamedrashiid isaaq ayaa si rasmi ah ufuray kalfadhigan. Wuxuuna  soo jeediyay anjandayaasha iyo bayaanada horyaala kalfadhigan oo kala ahaa:  ansaxinta hadal qoraalkii kalfadhigii 2aad ee golaha xildhibaanada DDSI, ansaxinta warbixinta xafiiska golaha baarlamaanka DDSI, ansaxinta warbixinta xukuumada DDSI ee sanad miisaaniyeedkii 2008TI, ansaxinta warbixinta maxkamada guud ee DDSI iyo ansaxinta warbixinta hantidhawrka guud ee DDSI. Sidoo kale wuxuu afhayeenku soo dhigay bayaanada lagu ansaxinayo kalfadhigan oo kala ahaa bayaanka aas aaska wakaalada maamulka mishiinada waawayn iyo dayactirka gaadiidka DDSI, bayaanka ansaxinta miisaaniyada dheeriga ah ee lasoo saaray sanad miisaaniyeedka 2008TI, iyo bayaanka  ansaxinta miisaaniyada 2009TI.

Kadibna waxaa sidaas kufurmay kalfadhigii 3aad ee golaha xildhibaanada isago maalmaha xigana halkaas kasiisocon doona

 

Maanta Iyo Kal-fadhigii Golaha Xildhibaanada

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 13kii July 2016. Waxaa maalintii 2, aad si qurux badan uga socda madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan kalfadhigii 3, aad ee golaha xidhibaanada DDSI.

Kalfadhigan  oo ay golaha horyaaleen ansixinta bayaano iyo anjandandayaal door ah sidaan kusheegnay warkii hore ayaa wuxuu afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq soo hordhigay golaha in ladhagaysto warbixinada waxqabadka sanadka 2008TI si looga doodo kadibna loo ansixiyo.

Hadaba waxaa maanta galinkii hore uu goluhu  si buuxda u dhagaystay warbixinta waxqabadka xafiiska golaha baarlamaanka iyo warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee sanadka 2008TI.

Waxaana ugu horayn warbixinta waxqabadka xukuumada DDSI ee sanad  miisaaniyeedka 2008TI soo jeediyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo kusargooyay warbixinta qorshayaashii xukuumada udhignaa sanadkan oo sidii loogu talagalay looga midho dhaliyay.

Madaxwaynaha ayaa iyadoon lasoo koobi Karin dhamaan waxqabadyadii kaladuwanaa ee xukuumada si qotodheer uga warbixiyay guulaha laga soo hoyiyay qorsheyaashii sanadkan ee dhinacyada horumarka gaar ahaan biyaha isagoo kafaalooday biyo-xidheenada waawayn, ceelasha dhaadheer, kuwa gaagaaban, biyo-galinta magaalooyinka, ceel gacmeedyada iyo barkadaha intaba. Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu warbixintiisa carabka ku adkeeyay guulaha waawayn ee laga soo hoyiyay dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha, jidadka khaasatan buundooyinka, soo iibintii mashiinada waawayn, wabiyada iyo dooxooyinka, dib udajinta iyo horumarinta xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta, kajawaabida abaarihii saameeyay gobolka sitti iyo waliba shaqaalayntii arday tiradoodu dhan tahay 7kun oo arday. Wuxuuna intaa kudaray in kor loo qaaday dhanka xidhiidhka dadwaynaha gaar ahaan dhanka kaqaybgalinta bulshada oo laba jeer sanadkan wadatashi xukuumadu lasamaysay shacabwaynaha deegaanka isagoo sheegay socdaaladii lagu soo gaalaa bixiyay gobolka doolo, socdaalkii cagaaraa iyo socdaalkii lagu gaadhay qurbajoogta qaarada Australia ee hadhaagii Ubbo lagu soo afjaray.

 Kadib markii uu goluhu dhagaystay warbixintan xukuumada DDSI sanadka 2008TI si wayna uga dooday ayuu gurigu codbuuxda oo gacan taag ah ku ansixiyay waxqabadka xukuumada DDSI ee sanad miisaaniyeedkii 2008TI.

Sidoo kale wuxuu goluhu dhagaystay warbixintii waxqabadka xafiiska golaha xildhibaanada ee sanadka 2008TI isagoo qeexay waxqabadyadii kaladuwanaa ee dhinacyada dabagalka mashaariicaha, gudiyadii joogtada ahaa, tababaradii golaha, khibrad wadaagii, diyaarinta turjumida dastuurka iyo bayaanada luuqadaha kaladuwan, qabashada kalfadhiyadii sanadkan iwm.

Dhagaysasho kadibna, wuxuu goluhu dood dheer kadib cod aqlabiyad ah oo aan cidina kahadhin ku ansixiyay warbixintii waxqabadka xafiiska golaha wakiilada shacabka ee sanadka 2008TI iyagoo goluhu kutilmaamay in uu xafiiskani si buuxda ugutay waajibaadkii iyo shaqooyinkii loo idmaday.

Ugudanbayna, wuxuu afhayeenka golaha wakiilada shacabka DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq usheegay golaha in niska danbe la isugu soo noqdo madasha shirka oo uu halkaa kasii socon doono.


Golaha Xildhibaanada Oo Ansixiyay Miisaaniyadii Sanadka 2009TI

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Arbaco, 13ka July 2016. Kadib Kal-fadhigii niskii hore ee maanta ee uu goluhu ku dhagaystay dood kabacdina ku ansixiyay warbixinadii waxqabadka xafiiska golaha xildhibaanada iyo tii xukuumada DDSI ee sanadkii 2008TI ayaa niskii danbe ee maanta la isugu soo laabtay ansixinta bayaanadii iyo qodobadii hadhay.

Hadaba afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa guriga soo hordhigay in ladhagaysto bayaanka qorshaha jajabinta miisaaniyada sanadka 2009TI kadibna laga doodo.

Waxaana  bayaanka jajabinta qorshaha sanad miisaaniyeedka 2009TI oo isugu jira  mushaar, hawlfulin, mashaariic dhamaan xafiisyada heer deegaan, heer gobol, heer mamul-magaalo iyo heer degmaba soo jeediyay wasiirka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane axmed cabdi maxamed oo ugu horayn usoo dhigay golaha in wadarta guud ee miisaaniyada sanadka 2009TI  ay tahay 10,218,987,291(toban bilyan, laba boqol toban iyo sideed milyan, sagaal boqol iyo sideed iyo tobon kun, laba boqol iyo sagaashan iyo kow bir). Kadibna wuxuu wasiirku si cadcadaani ku dheehan tahay u qeexay bardaloolka ay hay’ad kasta oo dawli ahi helayso.

Dhagaysasho kadibna wuxuu goluhu falanqayn dheer iyo dood kayeeshay qorshaha jajabinta miisaaniyada sanadka 2009TI ee lasoo dhigay. Wuxuuna gurigu islaqaatay in miisaaniyada oo yar marka labarbardhigo baahida balaadhan ee deegaanka uu xafiiska maaliyada iyo Horumarinta dhaqaaluhu sidii kuhaboonayd ujajabiyay miisaaniyada isagoo kusaleeyay sida ay baahiyuhu ukala muhiimsan yihiin. Waxayna goluhu uga mahadceliyeen kooxdii soo diyaarisay iyo dhamaan xafiiska maaliyada isku- fadhiisinta baahida iyo miisaaniyada. Sidaasdarteed, ayuu goluhu codbuuxa oo gacantaag ah ku ansixiyay bayaanka sanad-miisaaniyadeedka 2009TI iyo waliba ansixinta miisaaniyadii dheeriga ahayd ee sanadkii 2008TI.

Dhinaca kale, afhayeenka ayaa soo dhigay in laga doodo ajandihii xigay oo ahaa ansixinta bayaanka aasaasida wakaalada Kiraynta Mashiinada waawayn iyo dayactirka gaadiidka.

Waxaana muhiimada ay wakaaladani uleedahay deegaanka iyo baahida loo qababa usoo jeediyay golaha xildhibaanada wasiirka xafiiska xeer-ilaalinta iyo cadaalada guud ee DDSI mudane Jamaal Axmed Qaloonbi.

Kadibna, wuxuu gurigu si buuxda ugu codeeyay aasaasida wakaaladan isagoo goluhu si faah-faahsan uga dooday dhibaatadii deegaanka kahaysatay dhanka kiraynta mashiinada waawaayn iyo dayactirkoodaba.

Ugudanbayna, guriga ayaa ajandayaasha hadhay udhigtay in halkaa lagasii wadi doono subaxnimada maalinta bari ah.

 

 

Mashiinada Beeraha Lagu Gooyo ’’Compain Harvest’’ Oo si tijaabo ah Loo gaadhsiiyay Beeralayda Lafo-Ciise

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 14ka July 2016. Xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah oo u taagaan sidii looga midho dhalin lahaa waxsoosaarka beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ayaa u soo iibiyay beeralayda deegaanka Mushiinada looyaqaano compain harvest oo loogu talagalay in lagu jaro islamarkaana lagu kalahaadiyo dalgyada qamandida iyo bariiska.ayaa maanta tijaabo loo geeyay beeraha lafa ciise si loogala wareego qandaraaslihii soo iibiyay qalabkan loona ogaado tayadooda iyo qaab shaqeedkooda waxayna qalabkan ka shaqayn doonaan dhamaan beeraha deegaanka

Hadaba kusimaha G/Wadeenka G/socodka Fidinta Beeraha iyo Farsamooyinka Casriga ah ahna iskuduwaha waaxda ee xafiiska horumarinta Beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah DDSI  mudane Abshir Cilmi Shariif oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay  in mashiinadan uu soo iibiyay xafiisku islamarkaana loogu talagalay in looga faiidaysto gooynta, jarida kalahaadinta dalagyada beeraha ee bariiska iyo qamandida. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in mashiinadani ay yihiin kuwa ushaqaynaya si warshad ahaan islamarkaana ay goynayaan oo ay kalahaadinayaan dalaga.

Ugudanabayna wuxuu xusay in mashiinadan casriga ah ee looyaqaano Combain Harvest ay tiradoodu dhantahay 6 mashiin oo dhamaystiran. Wuxuuna carabka ku dhuftay in ay yihiin mashiino aad muhiim ugu ah beeralayda beerata bariiska iyo qamandida kuwaas oo uu waxtarbalaadhan uyeelan doona islamarkaana ay kaga baxayaan baahidii kahaysatay dhanka mashiinada noocan ah.

MW CMC Oo Kulan Layeeshay Wafti Kasocday Somaliland

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 14ka July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehelinayeen afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan iyo mas’uuliyiinta kaladuwan ee hay’adaha amniga iyo cadaalada DDSIayaa maanta kulan layeeshay wafti kasocday somaliland oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada somaliland mudane Sacad Cali Shire oo ay kuwehelinayeen wasiirka arimaha gudaha ee somaliland mudane Cali Maxamed  Warancade, Agaasimayaal iyo xubno kale.

Hadabaujeedada kulankan ayaa ahayd mid lagaga wada hadlayay sidii loo sii adkayn lahaa xaalada amniga xuduudaha labada dhinac. Taas oo ay dawlada federalka ah ee itoobiya iyo somaliland horay heshiis uga wadagaleen.

Waxaana ugu horayn furitaankii kulankan kahadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn si xurmo leh u qaabilay una soo dhaweeyay waftigan islamarkaana kalahadlay sidii labada dhinac ay usii wada xoojin lahaayeen heshiiskii ay wadagaleen dawlada federalka itoobiya iyo somaliland oo ahaa nabadgelyo kuwada noolaanshaha, daris-wanaaga, adkaynta amniga xuduudaha, is-jacaylka iyo wadashaqaynta bulshada walaalaha ah ee labada dhinac. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in dawlada itoobiya iyo somaliland gaar ahaan DDSI iy Somaliland ay yihiin dad iskudan ah oo aan marnaba kala maarmin islamarkaana cidkasta oo iskudayda inay dhibaato kadhex abuurto dariska isjecel ee walaalaha ah aysan marnaba usuurtagalaynin oo ay hal meel ah uga soo wada jeedsanayaan Isagoo uga mahadceliyay dhaqan-galinta heshiiskii hore iyo kudhiiranaanta hirgalinta iyo wadashaqaynta tooska ah islamarkaana ku amaanay nabad jacaylka iyo walaalnimada reer somaliland. Ugudanbayna, madaxwayne CMC ayaa salaan u diray madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo dhamaan shacabka reer somaliland.

Dhanka kale wasiirka arimaha dibada somaliland mudane sacad cali shire oo kahadlay kulankan ayaa ugu horayn bogaadiyay horumarka baaxada leh ee kajira deegaanka isagoo kutilmaamay mid kudayasho iyo in khibrad laga qaato mudan. Wuxuuna kamahadceliyay qaabilaadii iyo soo dhawayntii madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar isagoo sheegay inay dhaqan-galiyeen heshiiskii hore walina ay u taagan yihiin sii adkaynta nabadgalyada, dariswanaaga iyo is-jacaylka labada dhinac.

Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha somaliland mudane Cali Maxamed Warancade ayaa bogaadiyay kulankan. Wuxuuna sheegay in cadawga itoobiya uu yahay cadawga somaliland islamarkaana cadawga somaliland uu yahay cadawga itoobiya. Wuxuuna balan qaaday in dhankooda uusan marnaba cadaw uga soo galaynin itoobiya sidii horay ay ugu taagnaayeen nabad kuwada noolaanshaha shacabka labada dhinacna ay usii xoojinayaan. Wuxuuna intaa kudaray in lagu sharfay siidaynta wariyihii HCTV ee Gobolka Gabiley mudane mukhtaar nuux oo iyaga lala sugayay.

Ugudanbayna kulankan ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo labada dhinacba ay balan qaadeen kawada-shaqaynta nabadgelyada, daris-wanaaga, is-jacaylka iyo walaalnimada shacabka walalaha ah ee itoobiya iyo Somaliland.

Kal-fadhigii Golaha Xildhibaanada Oo Galay Maalintii 3, aad

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Khamiis 14ka July 2016. Kal-fadhigii golaha xildhibaanada oo mudo 2 maalmood ah  si habsami leh ugasoo socday madashada shirarka ee qaryaan dhoodaan ayaa galay maalintiisii 3, aad.

Wuxuuna goluhu niskii hore ee maanta dhagaystay kadibna kadooday warixintii waxqabadka xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee sanadka 2008TI isagoo codbuuxa oo gacan taag ahna ku ansixiyay.

Kadibna, golaha ayaa niskii danbe isugu soo laabtay ajandihii xigay oo ahaa dhagaysiga ansixinta warbixinta waxqabadka maxkamada guud ee sanadka 2008TI. Waxaana soo jeedin, dhagaysasho iyo dood dheer kadib uu goluhu cod dhamaystiran ugacan taagay inay warbixinta maxkamadu tahay mid ansax ah.

Hadaba afhayeenka Golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq ayaa usoo dhigay golaha ansixinta 2 madaxwayne kuxigeen oo ay yeelanayso maxkamada Guud. Wuxuuna afhayeenku kacodsaday madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar inuu golaha soo hordhigo cidii loo malmalay madaxwayne kuxigeenada maxkamada si loo ansixiyo.

Kadibna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa golaha soo hordhigay xubnihii loo soo xulay labada boos ee kala ah: madaxwayne kuxigeenka maxkamada guud ee qaybta ciqaabta iyo madaxwayne kuxigeenka maxkamada guud ee qaybta madaniga. Wuxuuna madaxwaynuhu soo dhigay in mudane Xasan-nuur Haybe Axmed loo soo xulay inuu noqdo madaxwayne kuxigeenka maxkamada guud ee qaybta ciqaabta meesha marwo Samsam Xaaji Maxamed loo soo xulay inay noqoto madaxwayne kuxigeenka maxkamada Guud ee qaybta madaniga. Wuxuuna madaxwaynuhu faahfaahiyay in xubnahani ay buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahnaa boosaska loo soo xulay  islamarkaana ay leeyihiin aqoon heer master ah, karti, khibrad-dheer iyo bisayl hogaamineedba.

Kadibna golaha ayaa codbuuxa ku ansixiyay inay labada masuulba buuxiyeen shuruudihii loo baahnaa oo ay si buuxda uga soo bixi karaan xilka loo idmaday.

Waxaana madaxwayne-kuxigeenadan maxkamada ee la ansixiyay golaha hortooda kudhaariyay madaxwaynaha maxakamada guud ee DDSI mudane cabdulaahi maxamuud Cabdi(Ugaas) iyadoo uu madaxwaynaha DDSI mudanecabdi maxamuud cumar uu kula dardaaramay  mas’uuliyiinta cusub iyo kuwii hore ee maxkamada guudba inay sii dardargaliyaan shaqooyinka oo ay waliba dabagal adag ku sameeyaan qaabsocodka maxkamadaha degmooyinka, Gobolada, maamul-magaalooyinka  iyo tuulooyinkaba, Iyo sidoo kale in gudiga garsoorku uu si joogta ah u shiro una qiimeeyo geedi socodka shaqooyinka guud ahaan.

Ugudanabayna afhayeenka Golaha xildhibaanada ahna  gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq ayaa halkaa ku sooxidhay kalfadhigii 3aad ee golaha xildhibaanada  sanadka 2008 TI isagoo golaha kuladardaarmay in lasii labo jibaaro shaqooyinka dhanka horumarka si jigjiga loogadhigo Honkong.

Ogaysiis Dhamaan Qurbajoogta

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Khamiis 14ka July 2016. Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan qurbajoogta kakalatimid qaaradaha aduunka ee kusugan xarunta DDSI ee magaalada jigjiga in habeen danbe lagabilaabo 12:00 ka ama 6:00 makhribnimo casho sharaf sagootin ah loogu samaynayo  guriga martida ee qaryaan dhoodaan.

Sidaas iyo kasoo qaybgal wanaagsan

Umiliso Dhaqameedyo 102 Ah Oo Ka Qalinjabiyay Hospitalka Godey

$
0
0

Godey ( cakaaranews ) Jumce 15ka July 2016 Xaflada qalinjabinta Umulisa dhaqamedyadan oo laga soo xareeyay 9ka degmo ee Gobalka shabeele oo ay tiradooduna ahayd 102 umiliso dhaqameed ayaa si heersare ah ooga qabsoomay cusbitaalka wayn ee magaalada godey waxaana xalfadan kasoo qayb galay masuuliyiin kaladuwan oo ugu horeeyo madaxa cadaalada gobolka shabeele ahana kusimaha gudoomiyaha gobolka mudane Shugri Bariste Xasan,mareeyaha guud ee hospitalka godey mudane Wali Cilmi Shariif madaxafiiseedyada caafimaadka iyo marti sharaf kale.

 

Waxaana ugu horayn xafladan ka hadlay maareeyaha guud ee hospitalka godey mudane wali cilmi shariif oo sheegay in Umuliso dhaqameed yadan ay halkan ku xaraysnaayeen mudo 40 cisho ah islamarkaana ay ku qaadanayeen cashirada,waxa uuna maareeyuhu sheegay in ujeedada loo tababarayay umiliso dhaqameed yadan ahayd in la abuuro jawi wada shaqayneed oo ka dhaxeeya xirfadlayaasha caafimaadka, shaqaalaha fidinta caafiimaadka iyo umuliso dhaqameedyada waayo aragnimada leh ee ka jira xaafadaha, In shaqaalaha fidinta caafimaadka Reer guuraagu kor u qaado adkeeyana talooyinka, wacyigalinta caafimaadka, kuna dhiiri galiyaan in ay hooyooyinku tagaan xarumaha caafimaadka.

 

Ugu danbayna Wuxuu maareeyuhu intaa kusii daray In hawlaha abaabulka bulshada fiiro gaar ah lagusiiyo looguna sheego hooyooyinka uurayda ah inay ku dhalaan xarumaha caafimaadka, iyadoo hooyooyinka uurka leh la diiwaan galinayo Lana abaabulayo. In ay umuliso dhaqamedyadu iyagoo ka fogaanaya khatarta caafimaad iyo dhimashada ku iman karta hooyada uurka leh markay kaga umuliso guriga waxaa looga baahanyahay in ay iyagoo kaashanaya xirfadlayaasha fidinta caafimaadka reer guuraaga ay u diraan xarumaha caafimaadka.

In xirfadlayaasha caafiimaadku iyagoo taageeraya xirfadlayaasha fidinta caafiimaadka ay uga

umuliyaan hooyada si anshax wanaag & hagarlaan ah.

 

Dhanka kale qaar kamid ah umuliso dhaqameedyad dhameeyay tababarka ayaa iyana bogaadiyay waxbarashada ay ka faa iideen tababarka iyagoo sheegay inay la shaqayn doonaan goobaha caafimaadka kunasoo xidhi doonaan hoyooyinka uurka leh

Xaflad Casho Sharaf ah Oo Ka Dhacday Barxada Qaryaan Dhoodaan.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) sabti, 16ka July, 2016 Xaflad balaadhan oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday barxada wayn ee qaryaan dhoodaan ee xarunta deegaanka. Xafladan casho sharafta ah oo ahayd mid laba  geesood ah ayaa waxa loogu talagalay in lagu soo xidho kalfadhigii 3aad ee golaha xildhibaanada DDSI islamarkaana lagu sagootiyo qurba joogta DDSI ee ka soo qaybgashay kulan waynihii todobaadka qurba joogta DDSI.

Xafladan casho sharafta ah ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinti xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenada DDSI, afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, golaha kabineega DDSI, xildhibaanada DDSI, qurba joogtan la sagootinayay, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo waliba marti sharaf kale.

Haddaba xafladan oo ay kooxaha fanka iyo suugaantu ku soo bandhigayeen heeso  iyo dhaantooyin aad loola dhacay ayaa waxaa ugu horayntii lagu soo bandhigay dhukumantiri filim la hadlayay sidii ay ku aas aasantay kooxa alqushaash dhibaatooyinka ay ku hayaan bulshada iyo waliba sida ay uga been abuurayaan  diinta islaamka dhukumantari filimkan ayaa  si wayn uga qiiraysiiyay  dadwaynihii ka soo qaybgalay xafladan. Dhanka kale intii ay  xafladu socotay  waxaa lagu soo bandhigay  riwaayad kooban oo ka turjimaysa macnaha  kooxdii gabalkeedu dhacay ee SSI iyo dabeecadihii ay la haayeen.

madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan  ayaa makarafoonka ku soo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ka soo jeediyay khudbad uu kaga hadlay ujeedooyinka xafladan casha sharafta ah iyo dadaalada  balaadhan ee ay qurba joogta DDSI ka wadaan dhamaanba qaaradaha aduunka. wuxuuna sheegay madaxwayne  in day kaalin miisaan culus ku leeyihiin qurba joogta DDSI hirgalinta hawlaha horumarka iyo  nabadgalyada ka hirgalay deegaanka.

 

Gabagabadii  xafladan ayaa  shahaadooyin sharaf  la gudoonsiiyay qurba joogta ka kala socotay qaaradaha aduuna  waxana  gudiinsiiyay  madaxwayna DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  waxaa kaalinta 1aad galay qurba joogt DDSI ee waqooyiga America, kaalinta 2aad waxaa galay jaaliyada  Australia halka ay kaalinta 3aad gashay qurba jaaliyada DDSI ee UK

 


Wafti Iskudhaf ah Oo Booqday Degmada Awbare.

$
0
0

Lafa-ciise (cakaaranews) sabti, 16ka July, 2016 Wafti iskugu jira masuuliyiin heer deegaan ah   iyo qurba joogta ka soo jeeda DDSI ayaa booqqay mashaariico horumarineed oo ah  dhinaca wax soo saarka  beeraha  oo laga hirgaliyay degmada awbare gaar ahaan qabalaha lafa-ciise.

Haddaba waftigan oo ay Hogaaminayaan wasiirka Maalgalinta DDSI Mudane Cabdinaasir Maxamed iyo wasiir kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Bashiir  maxamed  ayna ku wehelinayaan  Masuuliyiinta Jaaliyadda DDSI Ee UK iyo  masuuliyiinta degmada awbare  ayaa soo kormeeray mashaariicahan horumarineed oo uu hirgaliyay muwaadin qurba joog ah.

Qurbajoogta DDSI ayaa waxay Qayb-weyn ka Qaataan Dhanka Maalgalinta deegaanka waxaana mashruucan dhinaca wax soo saarka beeraha maalgaliyay  mudane  Ismaaciil Cismaan oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Jaaliyadda DDSI ee UK.

Waxaa halkaasi Warbaahinta kula hadlay Wasiirka Maalgalinta DDSI Mudane Cabdinaasir Maxamed oo Sheegay in uu aad ugu farxsan yahay in jaaliyadda DDSI Ee UK ay dadaal balaadhan ay sameeyeen dhanka maalgalinta iyo wacyogalinta Nabadgalyada iyo maamulka Suuban mashruucana uu yahay mid ku dayasho mudan oo kaalin wayn ka qaadanaya tir tirid saboolnimada.

 Waxaa kale oo ka hadlay  Wasiir Kuxigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane Bashiir maxamed  oo ka warbixiyay  Qurbajoogta u dhalatay Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya  kaalinta miisaanka culus leh ee ay ka  qaateen dhinacyada horumarka iyo xasiloonida DDSI.

Ugu Dambeyntii Gudoomiyha Jaaliyadda DDSI Ee UK Mudane Cali takhqal ayaa sheegay in uu  aad ugu Farax san Sida jaaliyadda DDSI ee UK sida ay  Markasta  uga qayb-qaadato hawlaha  Hormuudka dawlad deegaanka Somalida Itoobiya una mahad celiyay guud ahaanba xukuumada DDSI sida ay markasta u xoojiso xidhiidhka qurba joogta DDSI

 

 

Kulankii 18, aad Ee Golaha Kabineega DDSI

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 16ka July 2016. Waxaa saaka hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha kafurmay kulankii 18, aad ee golaha kabineega DDSI ee caadiga ahaa.

Waxaana  kulankan furay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga  DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax  islamarkaana Golaha soo hordhigtay  si looga doodo loona ansixiyo ajandayaasha Kulankan oo ahaa: ansixinta bayaanka habraaca meelaynta shaqaalaha dawlada, ansixinta halbeega waxqabadka isu-dheelitiran (BSC) iyo ansixinta bayaanka dib u habaynta hanaanka cafiska ee DDSI.

Waxayna madaxwayne ku xigeenku faah-faahisay  habraaca meelaynta shaqaalaha dawlada oo ah qaab-dhismeed   midaynaya dhamaan shaqaalaha deegaanada dalka islamarkaana si cadaalad ah usimaya shaqada uu qofku qabto iyo mushaarkiisa. Madaxwayne ku xigeenka ayaa intaa kudaray  in halbeega waxqabadka isu dheelitiran uu yahay barnaamij wax wayn kataraya nidaamka shaqada iyo shaqaalaha labadaba  islamarkaana cabiraya waxqabadka shaqada uu qof waliba qabto isagoo islahaysiinaya shaqada laqabanayo iyo kharashka kubaxaya, meesha uu bayaanka  dib uhabaynta hanaanka cafiskuna yahay bayaan horay ujiray balse dib uhabayn lagu sameeyay oo labalaadhiyay gudigiisii.

Kadibna wuxuu gurigu kadooday dhamaan ajandayaasha lasoo dhigay iyagoo ku salaynaya muhiimada balaadhan ee uu ajande kasta leeyahay. Waxayna dood iyo falanqayn dheer kadib goluhu codbuuxa ku ansixiyeen dhaqan-galinta dhamaan ajandayaasha sare ku xusan.

Ugudanbayna madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga  DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax  ayaa kulankii 18, aad ee Golaha Kabineega DDSI  ee caadiga ahaa halkaa kusoo afmeeray.

MW CMC Oo Ka Caga-dhigtay Bole international air port

$
0
0

Adhisababa(cakaaranews)Axad 17ka July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ay weheliyaan madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mowliid haayir xasan iyo masuuliyiin kale oo heerdeegan ah  islamarkaana kasoo anbabaxay xarunta DDSI ee magaalada jigjiga ayaa wakhti xaadirkan kadagay Bole International Airport ee xarunta dalka ee magaalada adhisababa.

Hadaba ujeedada socdaalkan ayaa ah kaqaybgalka shirka warbixinta iyo qiimaynta waxqabadka deegaamada taageerada gaarka ah lasiiyo kaasoo lafilayo inuu bilawdo maalmaha inagu soo aadan.

Faah faahintana  kalasoco wararkayaga danbe www.cakaaranews.com

Magacaabis Cusub.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) axad, 17ka, July, 2016  Waxaa maanta hogaan ku xigeenka xafiiska nabadgelyada, maamulka iyo cadaalada DDSI ee qaybta maamulka iyo cadaalada loo magacaabay mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak oo ah muwaadin udhashay deegaanka islamarkaana ah aqoonyahan, khibrad dheer, bisayl siyaasadeed iyo mid hogaamineedba leh.

Haddaba mudane ibraahin maxamuud  oo xilkan ku xigeen ka  xafiiska loo magacaabay ayaa  Waxaa hoos imanaya booliska DDSI  iyo Asluubta.

Waxaana xilka iyo waajibaadkiisa shaqo kamid ah: sugida iyo xaqiijinta saraynta sharciga, dabagalka iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo waliba hirgalinta Guud ahaan shaqooyinka maamulka iyo dhaqan galinta iyo ku dhaqanka saraynta sharciga.

Sidaadarteed, mudane Ibraahin ayaa waxaa loo rajaynayaa inuu si xilkasnimo leh uga soo bixi doono shaqada iyo  waajibaadka loo idmaday

MW CMC Oo Qaabilay Odayaal Kasocday Jaamac-dubad

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews Axad 17ka July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay weheliyaan afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq iyo wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada mudane Axmed Koore ayaa saaka xafiiska madaxwaynaha kuqaabilay odayaal kasocday degmada gaashaamo iyo qabaleeyadeeda gaar ahaan qabalaha jaamac dubad.

Odayaashan oo isugu jiray ugaasyo, suldaamo iyo caaqilo ayaa waxaa hogaaminayay ugaaska guud ee beesha habaryoonis Ugaas Xuseen Xaaji Geele.iyadoo ay kuwehelinayeen suldaan maxamad xaaji cabdilaahi xirsi, suldaan maxamed yuusuf xaaji faarax, jiif caaqil cali axmed maxamuud iyo jiif caaqil baashe muuse dhiif

Waxayna odayaasha iyo xukuumadu kawada hadleen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa arinta xuduuda gaashaamo iyo shacabka dagan islamarkaana xal waara looga gaadhi lahaa arimaha kontarabanka ama ganacsiga sharci darada ah ee salka u ah dhibaatooyinka xududaha.

Dhanka kale, odayaasha ayaa cadeeyay inaysan hada jirin wax dhibaato ah oo shacabku si nabadgelyo ah kuwa dagan yahay. Iyo in cida keentay dhibaatadii hore ay ahaayeen dad aan deegaanka udhalanin balse gabbaad kadhigtay shacabka deegaankaas. Odayaasha ayaana intaa kudaray in xal kagaadhida arintaasina ay utaalo xukuumada DDSI iyo shacabkeeda oo kali ah balse aysan waxba kagalin warxumo tabiye aan deegaanka ahayn.

Ugudanbayna waxay xukuumada iyo odayaashu isku afgarteen inay jiridoonaan shirar wada-tashi ah oo xarunta deegaanka iyo gaashaamaba ka dhici doona

 

 

 

 

 

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>