Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Sheekh Deeq Iyo Dhabuuke Yaa Arkay Tolow Oo Meel Uun Ku Sheegi???

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) isniin 18ka July , 2016. Ciidamada sida raha ubooda ee liyuu booliska DDSI ee kadhashay ilmadii shacabka deegaanka soomaalida itoobiya gaar ahaan waaxda boolis maraajaa kifilka (BMK) ayaa qorshe ay dabasocdeen mudo 1sano iyo 8bilood ah oo hogaaminta UBBO la isu ilbalaclaynayay taas oo kadhigan in sirdoonka BMK uu xidhiidh lasameeyay qayb kamid ah hogaaminta ubbo oo tababar ku qaadanaysay muqdisho iyo hogaamin katirsan ubbo oo aan u mahadcelinayno balse wakhti xaadirkan aanaan sheegaynin oo ay garan doonto boqol guyaal kadib ayaa shir degdeg ah oo ay maanta yeesheen hogaaminta DDSI waxay kuxaqiijiyeen in hawlgalkan 100/200(boqolkiiba laba boqol)lagu guulaystay islamarkaana gacanta lagu hayo 1. Axmed dheere ama axmed cismaan ama gadhcase siday ubbodu utaqaano 2. Axmed maxamed colaw (beergeel) oo reer garbo ah 3. iyo Cabdirisaaq Shugri oo istaafkii sheekh deeq ah. Waxaana indhaha loo shiday: maxamed oo ku magacdheer gantaal iyo cabdiqaadir suldaan(BBC)

Hadaba, shaalaqe haadka laba-liqe iyo shaalaqe Awliyo oo kamid ah ciidanka hawlgalkan kujira ayaa waxay leeyihiin: GOOGAA! ! UBBOY, nin muraayado xidhan oo cas oo dhuuban iyo nin aad ufool-xun oo aan soomaali u ekayn oo FARJANO aroos ku ah car sheega?


Boardga kililada Taageerada Gaarka ah Lasiiyo oo Furay qiimayntii waxqabadka sanadka 2008TI.

$
0
0

Addis-Ababa(cakaaranews) isniin, 18da July 18, 2016 Boardga dawlad deegaanada taageerada gaarka ah lasiiyo ee uu hogaamiyo Raisal wasaare ku xigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokenin ayaa furay qiimayntii warbixinta waxqabadka sanadka 2008TI.

Waxaana qiimaynta dawlad deegaanadan ka soo qaybgalay hogaaminta 4ta dawlad deegaan ee taageerada gaarka ah lasiiyo ee kala ah: dawlada deegaanka soomaalida, canfarta, gambellaha iyo benshangul iyadoo ay deegaankeena uga qaybgaleen wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ka mid yihiin : madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir Xasan, wasiirka xafiiska horumarinta xoolodhaqatada ahna lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xidhiidhka dadwaynaha mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, wasiirka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha, macdanta iyo tamarta DDSI  marwo Fartuun Cabdi mahdi, wasiirka xafiiska horumarinta dooxooyinka iyo waraabka mudane Suldaan khayre iyo masuuliyiin kale.

Haddaba Raisal wasaare ku xigeenka dalka mudane Dhamaqe Mokenin oo ah gudoomiyaha boardgan oo uu weheliyo wasiirka wasaarada arimaha federalka iyo horumarinta xoolodhaqatada iyo kaluumaysiga JDFI mudane Kassa Tekleberhan oo furay shirkan ayaa sheegay in dawlad deegaanadu soo jeediyaan warbixinadii waxqabadka sanad miisaaniyeedka 2008Ti iyaga oo xooga saaraya dhinacyada horumarka gaar ahaan biyaha, beeraha, kafaaiidaysiga Dooxooyinka iyo wabiyada, dib udajinta, jidadka khaasatan buundooyinka, waxbarashada iyo caafimaadka.

Waxaana ugu horayn warbixinta laga dhagaystay dawlada deegaanka soomaalida itoobiya oo si qiimo leh usoo dhigtay warbixin maqal iyo muuqaal ah dhinac kasta oo uu guriga iyo gudiguba ubogay islamarkaana uu boardgu uga markhaati kacay dhamaan waxqabadyada lasoo dhigay inay goobjoog ahaayeen. Wuxuuna boardgu amaan iyo bogaadin sare usoo jeediyay hogaaminta deegaanka ee aragtida horumarineed iyo kago'naanshaha leh. Waxayna hoosta kaxariiqeen in waxqabadka lagaga daydo hogaaminta deegaanta soomaalida.

Sidoo kale, waxaa ladhagaystay warbixinadii waxqabadka deegaanada kale oo iyana si habsami leh usoo dhigay waxqabadyadoodii.

Ugudanbayna, raisal wasaare kuxigeenka dalka mudane Dhamaqe Mokenin ayaa carabka kudhuftay isbadalada laxaadka leh ee lasameeyay isagoo soo dhigay dhinacyadii adkaa iyo dhinacyadii jilicsanaa ee waxqabadyada kaladuwan islamarkaana sheegay in si kor loogu qaado dhinacyada jilicsan khibrad laga qaato deegaanka soomaalida iyo in lasii xoojiyo dhinacyadii adkaa.

War Degdeg ah: Dhabuuke Oo Gacanta Lagu Dhigay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado, 19ka July 2016. Sidaad warkii hore kulasocoteen waxaa jirtay in 8 xubnood oo ay kamid ahaayeen sheekh deeq iyo dhabuuke uu sirdoonka BMK dabasocday maalmahanba iyagoo ugudanbayna uu ciidanka sida raha ubooda ee liyuu boolisku dagaal fool-kafool ah oo uu lagalay indhaha ugu shiday ubboygii sheekh deeq ay ubbodu utaqaanay balse deegaanka looga yiqiinay shaydaan deeq islamarkaana lagu soo qabqabtay xaabadii lasocotay.

Kadibna, raadqaad ay saaka ciidanku sameeyeen ayaa firxadkii cararay wuxuu lagalay degmo kamid ah degmooyinka soomaaliya ee matamaan. Waxaana halkaa si lama filaan ah isagoo baraad la’ gacanta loogu dhigay Dhabuuke oo wakhti xaadirkan kujira gacanta ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska..

Waxaana halkaa kusoo gabagaboobay hawlgalkii cilmiyaysnaa ee soomaaliya gaar ahaan qaybta alshabaabtu maamusho.

Mw Cmc Iyo Wafti heer Faderaal ah oo Lagu Soo dhaweeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Arbaca, 20ka July, 2016 Waxaa maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil-waal international Airport  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku  weheliliyaan  wafti heer fadaraal ah  oo ay hogaaminayaan afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI mudane Abadhula Gemedhe iyo afhayeenka golaha fadereeshinka JDFI mudane Yaalow Abate.

Madaxwaynaha DDSI iyo waftigan ayaa saaka ka soo kicitimay caasimada dalka ee Adisababa,  waxana si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay   garoonka diyaaradaha ee xarunta deegaanka masuuliyiinta xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid isaaq, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka Dabiiciga marwo sucaad Axmed faarax, masuuliyiin kale iyo kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI.

Waftigan heer faderaal ayaa waxa ujeedada socdaalkoodu tahay  in ay  ka soo qaybgalaan kulan waynaha 2aad  ee madasha wadatashiga afhayeenada golayaasha heer faderaal, deegaanada iyo 2 ismaamul magaalo oo maalinta barito ah ka furmaya xarunta deegaanka ee jigjiga. 

 

 

Mw Cmc Oo Furay Shirwaynaha Wadatashiga Afhayeenada Golayaasha.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 21ka, July, 2016 Waxaa maanta ka furmay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan shirwaynihii wadatashiga heer qaran ee golayaasha fadaraalka, deegaanada dalka iyo 2da  ismaamul magaalo  kaasi oo sanadkan lagu qabtay xarunta deegaanka ee jigjiga.

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI mudane Abadhula Gemedhe ,afhayeenka golaha fadareeshinka JDFI mudane Yaalow Abate , afhayeen ku xigeenada golaha wakiilada shacabka iyo golaha fadareeshinka,  afhayeenada iyo ku xigeenada golaha xildhibaanada deegaanada iyo ismaamulada magaalooyinka dalka, madax xafiiseedyada xafiisyada baarlamaanada deeegaanada dalka  iyo gudoomiyayaasha gudiyada joogtada ah ee golayaasha heer fadaraal iyo golayaasha  xildhibaanada deegaanada dalka.

Waxaana shirkan furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar  oo ugu horayntii soo dhaweeyay shirwaynaha wadatashiga ee lagu qabtay xarunta deegaanka. Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay ahmiyada balaadhan ee uu shirkani u leeyahay hirgalinta hawlaha horumarka dalka iyo  deegaanada dalka. madaxwaynaha DDSI ayaa  sheegay in golaha xildhibaanada DDSI  guulo waawayn oo ku dayasho mudan ka soo  hooyay fulinta hawlaha horumarka  gaar ahaan xoojinta isku xidhka hayadaha dawlada ee sharci dajinta, fulinta iyo garsoorka, dabagalka, dardargalinta iyo qiimaynta mashaariicaha horumarka deegaanka. 

Shirwaynahan wadatashiga  ayaa ah mid sanadkiiba 2jeer la qabto iyada oo si wareeg ah hadba deegaan loogu qabto. waana markii 2aad ee uu martigaliyo DDSI waxaana inta uu socdo lagu qorfayndoonaa, Kobcinta iyo xoojinta jawi ay golayaashani kaalin fir-fircoon kaga qaybqaadan karaan doorka iyo kaalinta ay ku leeyihiin dadaalka loogu jiro dhismaha nidaamka demoqraadiyadeed, maamul suuban iyo xoojinta xasiloonida deegaanka iyo dalkaba, Abuurida iyo xoojinta  jawi haboon oo ka turjimaya  gudashada masuuliyada wakiilnimo ee shacabka iyadoo la sahlayo nidaamka wadatashi iyo waayo-aragnimo korodhsiga ee la xidhiidha dhinacyada hanaanka shaqo, xeeladaha kormeerka iyo dabaagalka masuuliyadaha ay u idman yihiin iyada oo  la isa soo  gaadhsiiyo faraqa u dhexeyaa dhinacyada heer xil gudasho ee golayasha.

 

  

MW CMC Oo Qaabilay Wafti kasocday Australia

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)khamiis 21 July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud Cumar oo ay weheliso madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo sucaad axmed faarax iyo masuuliyiin kale ayaa saaka hoolka shirarka ee xafiiskiisa si heer sare ah ugu qaabilay wafti kasocday dawlada Australia  oo uu hogaaminayay  madaxwaynaha golaha  xildhibaanada Victoria ee xisbiga liberalka  mudane Bruce Atkinson.

Kulankan qaabilaada ah oo uu furay madaxawaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa waftiga uga xog waramay xaalada guud ee horumarka deegaanka gaar ahaa dhinacyada dib udajinta, kafaaiidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka, muhiimada balaadhan ee deegaanku siiyay baahida biyaha, isbadalka waxbarashada iyo caafimaadka, nidaamka federalismka ah ee dalka iyo degaankaba kaqaybgalinta dumarka dhinaca hogaaminta deegaanka iyo golayaasha wakiilada shacabka dalka iyo deegaankaba, iyo waliba kor uqaadida xidhiidhka dadwaynaha oo 5ta qaaradood ee dunida iyo gudaha deegaankaba socdaalo lagu maray.

Kadibna waftiga ayaa bogaadiyay qaabilaada sare iyo soo dhawaynta madaxwaynaha. Waxayna sheegeen inay si aad ah ula dhaceen horumarka deegaanku gaadhay iyagoo suaalo ay madaxwaynaha kawaydiiyeen dhinaca dib u dajinta iyo kafaaiidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka iyo waliba kaalinta nidaamka federalismka ah ee deegaanka oo uu madaxwaynuhu sifiican oo ay u riyaaqeen ugu jawaab-celiyay.

Hadaba waftiga ayaa u aqoonsaday madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar aabaha helay furaha horumarka deegaanka. Waxayna gudoonsiiyeen hadyad qaali ah oo ay sheegeen in lasiiyo oo kaliya shaqsiyaadka caanka ah.

Ugudanbayna madaxwayanha ayaa  waftiga iyo dawlada Australiaba ugu mahadceliyay kaalinta horumarineed, iskaashiga siyaasadeed  iyo kadhaqan-dhaale ee ay dalka laleeyihiin.

Waftigii Australia Oo Lagudoonsiiyay Hadiyado

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 21ka July, 2016. Kadib qaabilaadii iyo soo dhawayntii waftiga Australia oo booqasho kuyimid deegaanka ayuu madaxwaynuhu uhogaamiyay dhanka hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan oo uu kasocday kulanwaynaha wadatashiga afhayeenada iyo afhayeen-kuxigeenada golaha wakiilada shacabka iyo golaha federeshinka ee dawlad deegaanada iyo ismaamulada dalka halkaas oo uu hogaamiyaha waftigu mudane Bruce hadalo muhiim ah kasoo jeediyay.

Kadibna waftiga ayaa booqday hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada, jaamacada jigjiga iyo hospitalka wayn ee Meles Memorial Referral Hospital iyagoo kadibna wakhtigooda qaaliga ah siiyay inay ladhaanteeyaan kooxaha fanka iyo dhaqanka deegaanka.

Ugudanbayna, madaxwanaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar ayaa waftiga gudoonsiiyay hadiyad dhaqameedyo qaali ah oo rag iyo dumar isugu jira. Kadibna waftiga ayaa kamahad-celiyay hadiyadaha lasiiyay iyo sida quruxda badan ee loo soo dhaweeyay. Waxayna halkaas uga socdaaleen xarunta dalka ee adhisababa.

Casho-sharaf Soo Dhawayn ah Oo Martida Kulan-waynuhu Usocdo Loo Sameeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis,21ka July 2016. Waxaa barxada wayn ee guriga martida qaryaan dhoodaan caawa kabilawday casho-sharaf si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo sameeyay martida uu kulan-waynaha wadatashiga afhayeenada iyo afhayeen kuxigeenada golaha wakiilada shacabka iyo golaha federeshinka dawlad deegaanada iyo ismaamulada dalku uga socdo xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Casho-sharaftan soo dhawaynta ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan afhayeenada iyo afhayeen kuxigeenada golaha wakiilada shacabka iyo golaha federeshinka dawlad deegaanada iyo ismaamulada dalku kakooban yahay oo ay ugu horeeyaan afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI mudane Abadula Gemeda iyo afhayeenka golaha federeshinka JDFI mudane Yallaw Abate iyo waliba mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaana xafladan casho-sharafta ah si wada jir ah u furay afhayeenka golaha wakililada shacabka dalka, afhayeenka golaha federeshinka JDFI iyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Casho kadibna, waxaa barxada wayn gilgilay oo hal meel ah isugu keenay dhamaan kasoo qaybgalayaasha xafladan kooxaha madadaalada fanka iyo dhaqanka ee deegaanka.

Hadaba, xafladan ayaa udhacday si heer sare ah iyadoo martida kaladuwan ee heer qaran, heer dawlad deegaan iyo heer ismaamulba ay aad ugu bogeen dhaqanka marti soorka ah ee ay bulshada soomaalida itoobiya kucaanka tahay.


MW CMC Oo Hadiyado Gudoonsiiyay Martidii Kulan-waynuhu Usocday

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jamce, 22ka July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka kaqaybgalay gabagabadii kulanwaynaha wadatashiga afhayeenada iyo afhayeen kuxigeenada golayaasha wakiilada shacabka iyo kuwa federeshinka dawlad deegaanada iyo ismaamulada dalku kakooban yahay oo mudo laba maalmood ah xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga kasocday.

Waxaana kahor soo xidhitaankii kulanwaynaha afhayeenada iyo afhayeen kuxigeenada golayaasha tababar kusaabsan ilaalinta deegaanka siiyay wasiirka wasaarada ilaalinta deegaanka, horumarinta kaymaha iyo isbadalka cimilada JDFI Dr. Shiferaw Teklemariam.

Kadibna, waxaa kulanwaynaha soo xidhay afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI mudane Abadula Gemeda oo uu weheliyo afhayeenka golaha federeshinka dalka mudane Yallaw Abate oo wakiilada golayaasha kuladardaarmay inay sii laba-jibaaraan dadaaladii dabagalada, kobcinta iyo qiimaynta qorshayaasha waxqabadka hay’adaha dawliga ah. Waxayna si balaadhan uga mahadceliyeen soo dhawayntii diiranayd ee loo soo sameeyay oo ay kutilmaameen mid kutusinaysa inuu horumar deegaanka kahanaqaaday islamarkaana shacabka deegaanku yahay mid kutashaday horumar oo ay kago’an tahay wadaniyadu kuna caan baxay martigalinta. Waxaa intaa dheer oo mas’uuliyiintu carabka kudhufteen iyagoo tusaale usoo qaatay warbixintii uu raisal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn uu kasoo jeediyay kalfadhigii golaha xildhibaanada dalka ee udanbeeyay ee gaar ahaan taabanaysay horumarka deegaanka inuu yahay markhaati madoonto oo ay indhahooda kuxaqiijiyeen.  

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa martidii kulanwaynaha gudoonsiiyay hadiyado katurjumaya dhaqanka soo jireenka ah ee qaab labiska shacab-waynaha deegaanka rag iyo dumar isagoo faah-faahin kabixiyay labiska dumarka oo ah xijaab balse aanaan dhaqan ulahayn naqaamka.

Ugudanbayna, afhayeenada iyo afhayeen kuxigeenada golayaasha oo dareenka shucuurtooda kahadlay ayaa sheegay inay ubogeen dhaqanka marti soorka iyo soo dhawaynta diiran leh ee shacabka deegaanka soomaalida iyagoo si wayn uga mahadceliyay islamarkaana qiray horumarka bilicdasan ee deegaanka kahirgalay oo ay sheegeen inuusan 8sano kahor kajirin.

Martidii Kulanwaynaha Heer Qaran Oo Dhirayn Samaysay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jamce, 22ka July 2016. Kadib soo xidhitaankii kulanwaynaha ayaa waxay afhayeenada iyo afhayeen kuxigeenada golayaasha dalka, dawlad deegaanada iyo ismaamulada oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar niskii danbe ee maanta  udhaqaaqeen dhanka Gidhibka wayn ee Meles Park ee magaalada jigjiga halkaas oo ay kasameeyeen dhirayn geedo kaladuwan ah oo kabadan 1,000 geed isagoo shakhsi kasta uu beeray  5 geed.

Dhirayn kadib ayaa waxaa goobtaa kahadlay afhayeenka golaha wakiilada shacabka JDFI mudane Abadula Gemeda, Wasiirka Wasaarada Ilaalinta deegaanka, horumarinta kaymaha iyo isbadalka cimilada Dr. Shiferaw Teklemariam iyo waliba Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo dhamaantood qeexay muhiimada ay dhireyntu uleedahay bilicda deegaanka iyo bulshadaba.

Ugudanbayna, Afhayeenada iyo afhayeen kuxigeenada golayaasha heer qaran, heer dawlad deegaan iyo heer ismaamul ayaa u ambabaxay dhanka gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Jigjjiga Garaad Wiil-waal international airport iyagoo booqasho indha-indhayn ah kusii maray dhismayaasha kaladuwan ee xarunta madaxtooyada oo runtii noqotay mid kayaabisay islamarkaana ay ladhaygageen mudada gaaban ee lagu dhisay, qaabdhismeedka casriga ah ee loo dhisay, bilicda iyo tayada ay leeyihiin intuba.

Xalay Iyo Damaashaadkii Guusha Ciidanka Ee Qabridahar

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Jamce, 22ka July 2016. Qaar kamid ah ciidanka liyuu booliska oo kasoo laabtay hawlgalkii soomaaliya ee ay kusoo afjareen hadhaagii UBBO ayuu shacabka magaalada qabridahar farxad darteed kaga hortagay wadooyinka iyagoo ululaya caleemo qoyan oo udabaaldagaya guusha uu ciidanku soo hoyiyay islamarkaana ciidanka  oo farxada kala qayb-qaadanaya shacabkooda ayaa si damaashaad ah kor uridayay hubka noocyadiisa kalagadisan.

Waxayna farxada guushani ahayd mid ay wada dareemayeen dhamaan shacab-waynaha deegaanka dhalinyaro iyo waayeel dal iyo dibadba.

Hadaba, shabakada cakaaranews oo waraysatay hooyo kamid ah hooyooyinka damaashaadka usoo baxay oo lagu magacaabo Hibo Cabdulaahi Cumar ayaa sheegtay in maqalka damaashaadka hubka kaladuwan marka laridayo dhagaysigiisu uu aad u macaanaa.  Waxayna intaa kudartay inay boqolkiiba laba boqol kufaraxsan tahay gunaanadka UBBO. Hadalkeedii ugu danbeeyay ayaana ahaa, ‘‘waa ilaahay mahadii mar hadii aan UBBO danbe lamaqlaynin oo maanta lasoo afjaray’’

Guusha ciidanka, damaashaadka xabad ridka iyo dabaaldaga shacabkuna ma ahayn maanta oo kali ah ee waa mid caado u ah ciidanka iyo shacabkaba mar walba oo ay kaguulaystaan cadawgii dhibaataynayay shacabkooda ee ahaa UBBO.

Taariikh Xumadii Sheekh Deeq Oo Uu Nooga Warbixiyay Mudane Badawi

$
0
0

Qabridahar(Cakaaranews) Sabti, 23ka July 2016. In maydka sheekh deeq lawadho banaanada mudo 7 bari ah waa arin diini ah oo banaan maadaama uu ahaa qaadicu dariiq, dil, dhac, kufsi iyo boob uusan ukala aaba-yeelin oo aan tiro lagu soo koobi karin uu kagaysatay guud ahaan deegaanka balse iyadoo la eegayo bini’aadamnimada ayaa saacado gaaban gudahood lagu aasay maydkiisii.

In kastoo aan lakoobi karin falalka uu gaystay, Waxaa markhaati madoonto ah inuu Sheekh deeq kucaan baxay daadinta iyo kaganacsiga dhiiga shacabka oo uusan geed ugu soo gaban jirin. Waxaana taa cadayn u ah in isagoo udhashay degmada garbo uu hal maalin ah 4 oday oo qoyskiisa xigtada ah oo ay kamid ahaayeen: Maxamed Mukhtaar, Caligaab, Yuusuf Qabaase iyo Maxamed Cabdixaaashi uu gacantiisa kudilay.

Wuxuu sanadkii 2010ka qabalaha Cayuun intuu iskuxidhay 8 oday oo uu kamid ahaa: Cabdisagal hadhkoo cad uu nolosha kugubay. Waxaa taa kadarayd, 80kii qof ee Cobole ee iyagoo jiifa uu habeen badhkii kufuray baaska islamarkaana uusan hal ruux kabixin. Waxaaban afka lasoo marin karin ugaasyadii iyo suldaamadii uu kudal-dalay danood.

Sidoo kale, waxaan marnaba la iloobi karin ambalaastii dhagaxmadaw ee ay hooyooyinka uurka leh saaraayeen ee uusan mid kareebin, gabadhii uurka sideeda bilood ah lahayd ee degmada sagag uu kutoogtay ee la odhan jiray Cibaado Maxamed Axmed iyadoo ay dhaqankeena ceeb katahay dilka dumarku.

Qabaleeyada Bashuuro, dudumo-cad, Gafuuro-xun ee katirsan degmada Fiiqna wuxuu kulaayay waalidiin ay kamid ahaayeen: Dhagacade Maxamed Cumar, Ibraahin Xukun, Khaalid Nuur, Khaliil Sheekh Maxamed, Cabdimahdi Cabdulaahi, Saxane dhagoole iyo Xasan Sheekh Qaasin iyo kuwo kale meesha shariifkii xamaro, engineerkii buundada daakhato, engineerkii hufferdamkii xamarana uu si ulakac ah ugu dilay degmada xamaro. Waxaanan marnaba tiro lagu koobi karin agoonta uu waalidkood kudilay xasuuqyadii degmooyinka Dhoobawayn, Garbo, Gunagada, Lahelaw iyo Wardheer intaba.

Hadaba, waraysi aan layeelanay madaxa arimaha xisbiga gobolka qoraxey mudane Axmed Yaasiin oo kumagac-dheer Badawi oo reaction kabixiyay maydka sheekh deeq ayaa kawarbixiyay xasuuqyadii uu sheekh deeq kagaystay deegaanka gaar ahaan gobolka nogob. Mudane Badawi ayaana ahaa shaqsi had iyo jeer kasoo horjeeday talaabooyinka foosha xun ee ururkii la odhan jiray UBBO islamarkaana kujiray liiska shaqsiyaadka dilka ugu xukunaa.

Si kastaba ha ahaatee, mudane Axmed Yaasiin(Badawi) iyo marwo Sucaad Khadar Buurane ayaa qabtay shaqo fiican. Waxaana shaqa adaygooda daliil u ah inay UBBOda isticmaasha baraha bulshada oo dhan ay kacabaadiyeen islamarkaana ay tusaale uyihiin nidaamka dib u curashada. Waana xubno xisbi oo leh aragti shacab, karti, ficil, wadaniyad iyo kago’naansho horumarka iyo nabadgelyada deegaanka ah.

Iskusoo wada duuboo, UBBO af iyo adin toona waxba kumayeeli karto mas’uuliyiinta ficilka kamuujisay maydka sheekh.  

Wafti Qurba joog ah oo Booqday Gobolka Erer.

$
0
0

Fiiq( cakaaranews) sabti, 23ka July, 2016 Ka dib markii la soo gabagabeeyay kulanwaynihii todobaadka qurba joogta ayaa waxay qurba joogtii ka soo qaybgashay kulanwaynahaasi qaarkood   booqdeen gobolada iyo degmooyinka deegaanka kuwaasi oo soo indha indhaynaya mashaariicaha horumarineed ee ka hirgalay deegaanka sanadihii ugu danbeeyay.

Haddaba waftigan  oo uu horkacayay gudoomiyaha gobolka Erer  mudane Axmed xaaji ayaa waxa hogaaminayay qurba joogtan ugaas Xasan Maxamed Cabdisalaan iyo gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI  wadanka Australia mudane Sheikh Xasan.

Wafigan oo ay ujeedata socdaalkoodu ahayd in ay booqdaan mashaariicaha horumarineed ka jira gobolka Erer ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeeyay tuulada dun-dumaca ee degmad fiiq. Waxayna booqdeen mashruuc dhinaca biyo galinta ah oo laga hirgaliyay tuulada dundumacad. Wafigan oo uu wada socdaalkan  booqashada ah ayaa waxaa kale oo siwayn loogu soo dhaweeyay magaalada fiiq ee xarunta gobolka Erer halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen maasulka gobolka, maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada fiiq.

 

Waftigan qurba joogta ah oo la hadlay bulshadii soo dhawaysay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin horumarkan wayn ee ka hirgalay deegaanka ee ay indhahooda  ku soo arkeen waxayna sheegeen in dhankooda kaalin balaadhan ka qaadanayaan horumarkan oo ay maalgashi ku samaynayaan deegaanka  gaar ahaan xarunta gobolka Erer ee fiiq.

Golaha Kabineega DDSI Oo Kulan Layeeshay Wafti Heer Federal ah

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad, 24ka July 2016. Golaha kabineega DDSI oo uu hogaaminayo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha kulan kulayeeshay wafti heer federal ah oo ay hogaaminayaan wasiirka wasaarada horumarinta warshadaha JDFI mudane Axmed  Abite, wasiiru dawlaha wasaarada horumarinta warshadaha JDFI mudane Tadese Haile, wasiirka horumarinta shirkadaha yaryar iyo kuwa dhex-dhexaadka ah ee JDFI mudane Asfew Abebe iyo waliba madaxwayne kuxigeenka bangiga horumarinta warshadaha.

Waxaana kulankan furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn isbaray waftiga heer federal iyo golaha. Kadibna, guriga usoo dhigay ujeedada socdaalka waftigan oo ahaa in deegaanka laga hirgalinayo qaabdhismeedka heerarka kaladuwan ee warshadaha islamarkaana wuxuu hadalka kuwareejiyay wasiirka wasaarada horumarinta warshadaha dalka mudane Axmed Abite iyo xubnaha kale ee wehelinayay.

Hadaba, wasiirka wasaarada horumarinta warshadaha mudane Axmed oo ay wehelinayeen wasiiru dawlaha wasaarada iyo dhamaan maamulayaasha heerarka kaladuwan ee warshadaha dalka oo kahadlay kulanka ayaa soo dhigay qorshe 4ta dawlad deegaan ee taageerada gaarka ah lasiiyo lagaga hirgalinayo qaabdhismeed buuxa oo heerarka kaladuwan ee warshadaha ah gaar ahaan warshadaha yaryar, kuwa dhexe iyo kuwa sare intaba. Wuxuuna carabka kudhuftay inay qorshe ahaan xusheen 12 magaalo oo kamid ah 4ta dawlad deegaan islamarkaana looga baahan yahay deeegaanka dhulkii laga samayn lahaa warshadaha iyo maalgaliyeyaashii. Waxayna sheegeen in bangiga horumarinta warshadaha laga furayo 5 magaalo oo deegaankeena ah oo kala ah: jigjiga, qabridahar, dhagaxbuur, godey iyo doolo-cado.

Kadibna, golaha ayaa waftiga waydiiyay su’aalo dhinacyo badan taabanayay iyo talooyin gashi unoqonaya hirgalinta aas-aaska warshadaha iyagoo si wayn ugala hadlay arinta ribada iyo in shaqaalaha warshaduhu noqdaan kuwo deeegaanka ah.

Ugudanbayna, waftiga ayaa booqasho kutagay warshada caanaha ee deegaanka iyo warshada hilibka oo ay runtii aad ubogaadiyeen iyagoo balanqaaday inay suuqyo caalami ah usamaynayaan. Waxayna deegaankeena ku amaaneen horumarka kajira iyo khayraadka kaladuwan ee dhirta iyo xoolaha sida: macdanta, fooxa, xabagta, malabka iyo anfaca xoolaha kuwaas oo ubaahan in looga faaiidaysto dhanka warshadaha si waxsoosaarka dhoofinta dalkeenu sare ugu koco islamarkaana aan bulshadeena uga saaro saboolnimada, ugana midha dhalino wareega 2, aad ee qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha dalka. Kadibna aan garab kanoqono wadamada uu dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay. waxaa kale oo ay aad ubogaadiyeen hanaanka looga guuray xoolo-dhaqatonimadii habka casriga ah ee xoolodhaqato beeralay.

Tababar Loo Xidhay Xirfadlayaal Caafimaad.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) axad 24da July, 2016, Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa  maanta tababar u soo xidhay  xirfadlayaal caafimaad oo muddo 12 maal mood ah tababar uga soday hoolka shirarka  Meles Memorial Refferal Hospital ee magaalada Jigjiga.

Xirfadlayaashan  tababarka  loo xidhay oo laga   soo xulay xarumaha caafimaadka ee gobolada Faafan, Qoraxay iyo Afdheer gaar ahaan xarumaha caafimaadka uu caawiyo mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka ee RIF ayaa waxay  mudadii uu socday qaadanayeen  12ka  cidho Qorshaha Qoyska "Comprehensive long acting Family Planning.

Soo xidhitaankii tababarkaasi ayaa waxaa ka hadlay maareeyaha guud ee mashruuca dhimista dhimashada hooyada iyo dhalaanka RIF mudane Shaafici Daahir Muuse oo ka warbixiyay ujeedooyinka guud ee laga lahaa tababarkan wuxuuna sheegay  in uu yahay mid lagu xoojinayo qorshaha ah in   laga helo xarun caafimaad kasta ugu yaraan hal xirfadle caafimaad oo awooda inuu bixiyo adeega caafimaadka ee Qorshaha qoyska mudada dheer ah   (long acting FP). Wuxuuna tababartayaashan u sheegay doorka ay ku leeyihiin hirgalinta qorshahan lagana  sugayo kor u qaadida hal'beega.

 

Dhankooda tababartayaasha qaatay tababarkan oo la hadlay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in cimigan caafimaadka ah ee ay mudada baranayeen sidii loogu talagalay u hirgalinayaan ugana faa’iidaynayaa bulshada 


Hantidhawraha Guud ee DDSI Oo Ka Warbixiyay Qorshaha Hantidhawr Ee Xafiiska.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) axad 24ka July, 2016  Hantidhawraha guud ee DDSI mudane Aadan Kuusow Cali oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay qorshaha hantidhawr ee xafiiska kuwa fog, dhexeba iyo kuwa dhaw.

Hantidhawraha guud ayaa sheegay in guulo waawayn laga soo hooyay qorshihii hantidhawrka ee sanad miisaaniyeedka 2008TI qorshahaasi oo ahaa  in la dabagalo habsami u fulinta qorsheyaasha  xafiisyada dawlada heerarkooda  kala duwan, in la xaqiijiyo miisaaniyadaha loo shubay xafiisyada lagu fuliyey qorsheyaashii horumarineed ee loogu talagalay, in looga faa’iideeyo bulshada ku dhaqan deegaankeena iyo waliba in mashaariicaha lafuliyey ay bulshada u bixyaan adeegyadii horumarineed ee loogu talogalay.

Hantidhawraga guud ayaa tilmaamay in sanadihii ugu danbeeyay kor loo qaaday awooda  iyo garaadka xirfadeed ee hantidhawrayaasha, taasi oo   xoojisay  hantidhawrka waxqabadka (Performance Audit)  nidaamka loo hantidhawro mashaariicaha dhismayaasha,Nidaamka dhawrida iibka hantida (procurement audit) xaqiijinta iyo dabagalka Qulqulka Miisaaniyada. kor uqaadida Xirfada iyo Tabaha Aqooneed ee Hanti-dhawrada Deegaanka taasi oo suurta galisay  ayuu yidhi  hantidhawruhu  kor u qaadida iyo xoojinta koboca dhaqaalaha deegaanka.

Gabagabadii hantidhawraha guud ayaa sheegay in xafiisku sii laba jibaaray tiirarka iyo halbeegyada lagu fulinayo qorshaha hantidhawrka ee sanadlaha ah iyo kuwa qorshaha fog kuwaasi oo si dhaw u suurta galinaya gaadhida horumar waaro oo dhinac kasta leh.

 

 

Kal-fadhigii 7aad Ee Golaha Baarlamaanka MMJ

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)Axad 24ta July 2016. Waxaa saaka hoolka shiraraka ee mm jigaga ka furmay kal fadhigii 7aad ee golaha xildhibaanada maamulka magaalada jigjiga.

Hadaba Afhayeenka Baarlamaanka Maamulka Magaalda jigjiga mudane Axmed Saalax Nuur oo ugu horayn cadeeyay in uu buuxo coromku islamarkaana furay kal-fadhiga ayaa soo bandhigay ajandayaasha ay kamidka yihiin:- dhagaysiga warbixintii waxqabadka 12ka bilood ee 2008TI, Dhagaysiga sanad miisaaniyadeedka 2009TI iyo ansixinteeda, iyo  waliba Ansixinta  bayaanka waaxda Sargaalka dhismaha (hinsashoom) 

Dhinacakale, Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga mudane Axmed Maxamuud Axmed ayaa golaha u soojeediyay dhamaan warbixinta waxqabadkii sanad miisaaniyadeedka 2008 TI   isagoo mid mid ugu soo bandhigay dhamaan qorshayaashii u qorshaysnaa m.magaalada iyo siday u fuleen. Kadibna Xildhibaanada ayaa codbuuxa ku ansixiyay warbixintii waxqabadka MMJ ee sanadmiisaaniyadeedka 2008TI.

Sidookale Madaxa maaliyada maamulka magalada jigjiga mudane  Axmed saalax  xuseen ayaa isna dhankiisa soojeediyay  miisaaniyada 2009TI ee looqoondeeyay maamulka magaalada jigjiga iyo waliba sida loogu jajabiyay xafiisyada MMJ miisaaniyadaasoo cadakeedu yahay 190,32,977.00 (boqol iyo sagaashan milyan sodan iyo labo kun sagaalboqol todoobaatan iyo todobo birr)

Ugudanbayna xildhibaanada maamamulka magaalada jigjiga oo dood iyo falaqayn badan kasameeyay dhamaan ajandayaasha ayaa cod buuxa ku wada ansixiyay dhamaan ajandayashi lasoo hordhigay.

 

Wafti Qurba Joog Ah oo Booqday Degmooyinka Waangay iyo Xamaro.

$
0
0

Waangay (cakaaranews) Insiin, 25ka July, 2016  Wafti Qurba joog ah oo maalmahan socdaal booqasha ah ku  joogay gobolka Erer  ayaa  gaadhay  Degmooyinka  Xamaro iyo Degmada Cusub waangey. Wafdigan qurba joogta ah ayaa  waxa   hogaaminayeen  Ugaas xasan maxamed  iyo gudoomiye ku xigeenka jaaliyada DDSI ee  Australia  mudane  Sheekh Xasan.

Waftigan ayaa waxaa dhinaca deegaanka horkacayay masuuliyiinta gobolka Erer oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Erer mudane  Axmed xaaji. Waxaana siwayn loogu   soo dhaweeyay   Degmada Xamaro intii ay joogeen degmadaasi waxay la kulmeen qaybaha kala duwan ee shacabka waxaa kale oo ay booqteen mashaariicaha horumarineed ee laga fulinayo degmadaasi gaar ahaan  Ceel-biyood  Xafiiska Kheyraadka Biyaha uu ka fuliyay degmada xamaro taasi oo  shacabka Degmada oo aad ugu diirsadeen kana raysteen biyo la aan tii hore uga jiraysay degmada.

Waftigan  oo socdaalkooda sii watay  ayaa gaadhay degmada cusub ee  Waangey waxayna  Booqdeen Mashruuca  weyn buundada waangay waxaana uga warbixiyay dhismaha buundadan Engineerka  dhismaha mashruucan fuliyay kuwaasi oo sheegay in dhismahaan Buuntada uu yahay Buundoonyinka Casriga ah.

 

Ugu dambeyntii Qurbajoogta ayaa soo dhaweeyay Mashaaricyada ay Xukuumadda dawlad deegaanka somalida itoobiya ka hirgalisay Gobolka Erer dhankoodana waxay sheegeen in ay sii xoojinayaan ka qaybqaadashada hirgalint mashaariicaha horumarineed.

Tababar Kusaabsan Daryeelka Caruurta Xiliga Emergenciga

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews)Isnin 25ka July 2016. Waxaa saaka hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI  ka furmay tababar kusaabsan daryeelka caruurta islamarkaana ay iska kaashadeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruuta iyo haayada UNICEF. Kaasoo ay kasoo qaybgaleen xubno tiradoodu kor udhaafayso 47 xubnood oo isugu jira shaqaalaha mashruuca daryeelka caruurta xiliga amergencyga iyo waliba qaar kamid ah shaqaalaha xafiisyada bahwadaata la ah.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisii kahadlay wasiirkuxigeenka xafiiska arrimaha haweenka iyo caruuuta mudane Cabdifataax Axmed Gamaadiid isagoo sheegay in tababarkani yahay mid lagu baranayo daryeelka caruurta xiliga amergesiga. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in haayada UNICEF iyo xafiisku ay kawad shaqeeyaan taageerida bulshadii aysaamaysay abaartu ee kudhaqan gobolka siti iyadoo loo aasaasay mashruuca daryeelka caruurta xiliga emergency taasoo loo sameeyay shaqaale kahawlgala mashruuca.

Wuxunna hadalkiisii ku gabagabeeyay in mashruucu uu kahawlgalo 10 center oo kala hoosyimaada 4 degmo oo katirsan Gobolka Siti islamarkaana ah degmooyinkii ay abaartu saamaysay. Waxaana laga aasaasay 10 xarumood oo ah goobaha caruurata lagu xanaaneeyo lagunasiiyo adeegyada caruurtu u baahantahay.

sikastaba ha ahaatee xukuumada DDSI oo dadaal badan ka gaysatay bulshadii abaartu saamaysay ee gobolka siti ayaa sidookale iyana dadaal kagaysateen mashruuca iskudhafka ah ee ay iska kaashadeen xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta  Iyo haayada UNICEF  kaasoo bil kahora taageero isugujirta  lacag iyo agab gaadhsiiyay inkabadan 200 oo qoys.

Munaasabada Gabagabadii Iyo Gunaanadkii Udenbeeyay ee UBBO

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)isniin 25ka July 2016. Munaasabad balaadhan oo loogu magacdaray gabagabadii iyo gunaanadkii UBBO laguna soo dhawaynayay guusha wayn ee uu ciidanka liyuu boolisku kasoo hoyiyay hawlgalkii soomaaliya ee lagaga talaabo qaaday sheekh deeq laguna soo qaqabtay dhabuuke, gadhcase, beergeel iyo gantaal ayaa niskii danbe ee maanta kadhacday hoolka shirarka Kali ee xarunta madaxtooyada DDSI.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne kuxigeenada, Golaha wasiirada, shaqaalaha qaybahooda kaladuwan, culimo-awdiin, odayaal dhaqameedyo, hooyooyin iyo waliba marti sharaf kale.

Waxaana munaasabadan  ugu horayn furay hogaan kuxigeenka xafiiska nabadgalyada, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak oo kawarbixiyay guulihii isdabajooga ahaa ee tan iyo intii la aas aasay ay soo hoyiyeen ciidamada liyuu boolisku oo ay ugu danbaysay hawlgalkii soomaaliya  ee lagu soo gunaanaday hadhaagii UBBO. Wuxuuna intaa kudaray in xaalada nabadgalyada ee maanta deegaanku kusugun yahay ay tahay 100/200 islamarkaana uu horumarka deegaanku gaadhay meel aad usaraysa. Sidoo kale wuxuu hogaan kuxigeenku soo dhigay geedi-socodka munaasabada.

Kadibna waxaa xigay riwaayad xiiso leh oo ay soo bandhigeen kooxaha fanka iyo suugaanta deeganku islamarkaana katurjumaysay sida uu udhacay hawlgalkii lagu soo gunaanaday UBBO iyagoo kooxuhu masraxa kamuujiyay wacdaro aad u soo jiidatay kasoo qaybgalayaasha

Dhinaca kale waxaa madasha lagu soo dhaweeyay madaxyo-wayntii UBBO  oo ay kamid ahaayeen: mahad cismaan ceelaabe(dhabuuke), axmed cismaan (gadhcase ama axmed-dheere) iyo beergeel kuwaasoo gumaadyo iyo xasuuqyo ba’an ugaystay shacabwaynaha deegaanka guud ahaan. Waxayna kawarbixiyeen fikirkii xumaa ee ay aaminsanaayeen, xaaladii fool-xumada lahayd ee ay dadka kula dhaqmi jireen islamarkaana waxay cafis waydiisteen xukuumada DDSI iyo shacabka deegaankaba.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay munaasabadan ayaa bulshada usheegay in nimankani ay yihiin gabagabadii iyo gunaanadkii hadhaagii yaraa ee UBBO oo uusan maanta wax hadhay jirin isagoo kafaalooday in waxa lala dagaalamayay uu ahaa fikirka balse uu san ahayn magaca. Iyo in muhiimadu ay tahay in hadii qofku uu nolol helo uusan fikir xun qaadanaynin. Wuxuuna madaxwaynuhu ku amaanay ciidanka liyuu booliska tabta, muwaafaqada iyo kaladanbaynta cilmiyaysan ee ay had iyo jeer kugalaan hawlgalada taasoo ah mida kadanbaysa guulaha isdabajooga ah. Madaxwaynaha ayaana maxaabiista usheegay inaysan cidna waxyeelaynin oo ay gacanta dawlada kujiraan islamarkaana lacafiyayo. Wuxuuna ilaahay uga mahadceliyay sida uu ugu suurta galiyay xukuumada iyo shacabkaba dhamaan isbadalada deegaanka kahanaqaaday ee dhinacyada Horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Ugudanbayna waxaa dhankooda kahadlay culimo-awdiinka, odayaal-dhaqameedyada, iyo hooyooyinka oo dhamaantood sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin gabagabada iyo gunaanadka UBBO islamarkaana u mahadceliyay ciidamada gaarka ah ee liyuu booliska, xukuumada iyo xisbigaba waxayna cadeeyeen in cafiska ay waydiisteen maxaabiista lasoo qabtay ay ka aqbaleen.

 

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>