Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Shir Lagu Taageerayey Socdaalkii Taariikhiga Ahaa ee Australia oo Ka Dhacay North America.

$
0
0

Minnesota( cakaaranews) khamiis, 30ka June, 2016 Shir ay soo diyaariyeen jaaliyada DDSI gaar kaan kuwa ka soo jeeda degmada qubi  ee gobolka Erer  ayaa ka  kadhacay gobolka Minneapolis magaalada Minnesota ee waqooyiga America.

Shirkan oo ahaa mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo  ay ka soo qaybgaleen qaybaha kala duwan  ee jaaliyada waqooyiga America  islamarkaana ay   hogaaminayay mas'uliyinta jaaliyada waqoyiga america ayaa waxay ujeedadiisu ahayd  mid si farxad leh loogu taageerayo  guushii socdaalkii taariikhiga ahaa ee   Waftigii Uu Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi  Mahamuud cumar Uu kutagey wadanka Austrailia Iyo Soo Afjaridii Hadhaadigii UBBO.

Shirkan ayaa waxa  si qoto sheer loogaga hadlay laguna  Xaqiijiyey Sidey xukuumadan uga Go'antahey Ladagaalanka Saboolnimada Iyo Hirgalinta Horumarka Cagaaran Oo ay aad uga Markhaati Kaceen Dhamaan Dadkii Ka soo qeybgaley shirkaasi

 

Waxaana shirkan intii uu socday ka hadlay qaarka mid ah hogaaminta jaaliyada waqooyiga america iyo waxgarka ka soo jeeda degmada qubi ee gobolka Erer kuwaasi oo dhamaantood si Xeel dheer uga hadalay taageerada balaadhan ee ay u hayaan xukumada DDSI gaar ahaan socdaalka guusha soo hooyey ee lagu soo afjaray hadhaagii UBBO ee ka dhaq dhaqaaqi jiray Australia.  


Madaxwayne Ku xigeenka DDSI Oo Furtay Kulan Lagaga Hadlayo Waxqabadka Mashruuca PCDP.

$
0
0

Jijiga (cakaaranews)khamiis, 30ka June 30, 2016 Waxaa ka furmay hoolka shirarka ee huteelka nogob ee xarunta deegaanka  kulan lagaga hadlayo waxqabadkii lixdii bilood ee ugu danbaysay ee  mashruuca mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqadada ah ee PCDP.

Kulankaasi oo loo qabtay hogaaminta xafiisyada horumarka degmooyinka uu ka hawlgalo mashruucani iyo shaqaalaha mashruucan ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgalay, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka  xafiiska  horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax  iyo maareeyaha mashruucan horumarinta bulshada xoolo dhaqadada ah mudane Cabdifataax Axmed Ismaaciil.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadashay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  marwo Sucaad Axmed Faarax  oo si qoto dheer uga hadashay ahmiyada uu mashruucani u leeyahay guud ahaanba horumarka deegaanka waxayna sheegtay madaxwayne ku xigeenku in uu qayb wayn ka qaaday hirgalinta hawlaha horumarka sanadihii uu jiray gaar ahaan kor u qaadida nolosha bulshada xoolo dhaqadada ee DDSI.

 

Dhankiisa waxaa ka hadlay maareeyaha mashruuca horumarinta bulsahda xoolo dhaqadada ah ee DDSI mudane cabdifataax Axmed Ismaaciil  oo sharax ka bixiyay  ujeedooyinka laga leeyahay kulanka kaasi oo sheegay in mudada uu socdo oo ah 2 maalmood lagaga hadlidoona waxqabadkii mashruuca ee 6 bilood ee ugu danbeeyay sanad miisaaniyeedka 2008TI in si qoto dheer loo falan qeeyo doorka ay xafiisyada bahwadaagta heerar kooda kala duwaani ku leeyihiin hirgalinta mashruucan iyo waliba in laysla sar gooyo jihooyin midansana laga qaato hirgalinta geedi socodka fulinta qorshaha 2009TI ee mashruucan.

Jaaliyada DDSI ee Edmonton Oo Deeq Raashin Ah Soo Gaadhsiiyay Dadka Danyar ah.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) jimce, 1da July, 2016 qaarka mid ah hogaaminta  Jaaliyada DDSI  ee ku dhaqan magaalada  Edmonton ee gobolka Alberta ee wadanka Canada ayaa deeq raashin ah u soo diray dadka dan-yarta ah  ee ay saameeyeen  daadadkii wakhti roobaadkii waxyeeleeyay xaafado ka mid ah maamulka magaalada jigjiga.

Haddaba Deeqdan  raashinka ah ayaa waxay jaaliyadu soo marisay  maamulka magaalada jigjiga si ay u gaadhsiiyaan dadka danyarta ah.   Masuuliyiinta ka socday  maamulka magaalada jigjiga ayaa deeqan raashinka ah u qaybiyay qoysaskaasi dan-yarta ah.

Qaarka mid ah masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga oo warbaahinta kula hadlay goobtii raashinka lagu qaybinayay ayaa si wayn ugu mahad celiyay jaaliyada ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan magaalada Edmonton waxayna sheegeen in ay jaaliydan Edmonton ay dadaalada dhinac kasta leh  markasta la garab taagan yihiin DDSI waxayna tilmaameen  in ay deeqdan raashinka ah ku soo beegantay  wakhti  lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Dhankooda dadkii la siiyay deeqdan raashinka ayaa u mahad celiyay hogaaminta jahliyada DDSI ee Edmonton ee soo gaadhsiiyay raashinka sidoo kale waxay u mahad celiyeen masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga ee sida wanaagsan ugu qaybiyay deeqdan.

Magayada  jaliyada DDSI Edmonton Alberta Canada ee soo diray deeqdan ayaa waxay kala yihiin:-

1.Samatar Sahal  

2.Fadumo Burle 

3 Mahamed Gedi

4.Mahamed Shaafi

5 . cabdibdisalan Rashid  

6.Foosiya  Dhambil 

7 . cabbdulahi Mohamed  

8. ciise  Yusuf   

Article: - The success is not crisis

$
0
0

jigjiga ( Cakaaranews ) Saturday jully 2, 2016. During kebri-dahar airport opening ceremony, at Arrival of federal delegates led by Dr. DebreTsion & welcoming by regional president Abdi Omar.

 In response to Mr. Olad Guled’s article The mad mullah of 21st century, Abdi Mohamed Omar, Somali Regional State President that apparently appeared on Somalilandpress.com on the eve of June 8, 2016, I felt to react in the context of the article based on genuine arguments. To express opinion contrary to the writings of another person with the aim of clarifying facts and disclosing the leadership quality of President Abdi Mohamoud Omar.

Early in this month I saw webpages posting articles that badly blaming Ethiopian Somali region President which are more biased and away from the reality but simple looks like to against the rising bright hope and prosperity of eastern region of Ethiopia so called—Ethiopian Somali region and our visionary young leader of Somali region HE President Abdi Mohamoud Omar. When you critically analysis the essence of that articles, we can be easily understood the writers of the articles are intentionally campaigning two things which are more critical to us and impossible to happen in our country.

First and foremost they want to rationalize a means that terrorist groups in the horn of Africa, can smuggle into Ethiopian Somali region across borders that we share with Somalia and possibly terrorists would have to carry out explosive terrorist missions inside Ethiopia which is not acceptable to create an opportunity that our enemy as well as global enemy can use to harm our peace loving society.

The second agenda that writers are campaigning is to have a chance that illegal outsider traders would have free illegal business movement across Somali region and the country as a whole which is totally against Ethiopia trade policy, strategies and goals that would have negative consequent to our general economic development strategies in line with Growth and Transformation Plan 2 of the country.

Referring with article posted somalilandpress.com, Ethiomedia.com on June 8 2016, by Olad Guled stated “The Somali Regional State is inhabited by all Somali Clans. Despite the fact that the Somali Regional State is inhabited by all Somali clans, the regional state is currently completely dominated by one clan (Ogaden)” in this regard, I would like to rectify—that Ethiopian Somali region is the only place where all Somalis people reside and live together without differentiating their sub-clans, so this region is Somali region which is holistic for all people residing within theregion and commonly shared its resources and administration. Whatever population density might varies but it is still Somali region—that all Somalis community belong together which has no disease so called tribe or clan like Somalia that strongly manifested clannish mentality to localize into extreme minute segments that Somali peoples are discriminated to each other based on their tribes or clans.

Ethiopian Somali region has ruling political party known as Ethiopian Somali People Democrat Party (ESPDP) which is alliance with Ethiopia Ruling Party EPRDF. So the region is self-autonomy state which has a system governing by constitution and ruling by a political party (ESPDP) –that administration is completely determined by ESPDP and tribe based power sharing system does not work in Ethiopian Somali region like that of Somalia where predominant clan has political influence for power sharing in government administration.

In our case; Ethiopian Somali region, people in the higher positions are selected based on their performance profile, educational background, political view, strength, contribution and roles that they have the ruling party. It is a system which policy oriented but clan has no weight for it. Mr. Olad and his collogues who are trying to disgrace credibility of Ethiopian Somali region should not expect this region like what happening in Somalia—that dissected into small pieces based on clan/tribe. Where administration and power shared are based 4.5 a mechanism in which tribes and clans are predominant to rule and determine government bodies and governing system.

As matter of fact, in Somalia tribe/clan has deep rooted political influences—that rendered widespread distortion of government system over past 25 years which has desperately negative impacts in political, economical and societal wellbeing and generally devastating the countrywide into further destructions, hostility, dis-integrity and lack of co-existence among Somalis community and eventually that caused Somalia to be a home of international terrorist and considered as failure state.

In fact, to overcome such tribalism and clannish mentality which is known catastrophic to societal wellbeing Ethiopian Somali region has passed very hard and challenging radical structural changes across the region’s woredas and zonal administrations so called Dib-curasho. That means people within the leadership framework no one should be administrator his/her place of origin to avoid injustice.  Because if woreda or zone administrators are from their place of origin where their families, tribes and intimate relatives are there may be possibility to manage government resources through injustice and inequitable distribution within people of some woreda.

So that woreda and zone administration people are assigned from other woreda and the people they administer no one closer than other; primary objective of such radical change is to minimize the risk of injustices & inequitable resources distribution among people of some woreda as well as to make the role of clan in governmental administration system zero tolerance.

Mr. Olad Guled stated “The Liyu Police, Special Police, which had primarily been set up to counter the armed insurgency of ONLF (Ogaden National Liberation Movement), is now used to advance one clan’s economic, political, cultural development. No Somali clan has been spared of the Liyu Police butchery.”  http://www.somalilandpress.com/ethiopiathe-mad-mullah-21st-century-abdi-mohamed-omar-somali-regional-state-president/ in this regard the reality is different what Mr. Guled citied on his article. However, for better clarification; Liyu police is Ethiopian Somali Region owned special force that—was established in 2008 G.c. in line with police proclamation per national constitution of Ethiopia.  First and foremost is to protect people and their properties of the region from any threats either internal or external, and to stabilize long-standing conflict—that impaired the region’s progress and making to be lagging behind from other regions of country for decades. Before special force was established 8 years back.

This force was born from tears, tortures, rapes and killings of civil society by ONLF and they are from people and for people of Somali region to protect the safety of their own people and security of region, and Ethiopia country at large. This police force has a mandate to protect the people of the region, secure and stabilize the aged conflict in Somali region of Ethiopia.  Special force is not a like tribal militia from any specific sub-clan in the region rather; they are holistic and governmental arms—who are screened, registered and recruited from kebeles and woredas based modality and trained standard Ethiopian military training package and armed with modern arms. Besides being regional state special forces; they are part and parcel of Ethiopian arms and they are also the products of Ethiopian military.

As a matter of fact, when it’s necessarily Ethiopian Somali region’s special force can be used to take part security operation in other parts of the country as well as, they are still part of Ethiopian arms in AMISON peacekeeping mission inside Somalia. Somali region special force is also strongly force that fights against terrorist groups in the horn of Africa like al-shabab (al-qushash) and has an excellence success record against al-shabab inside Somalia in several occasions.

I want to make clear about misunderstanding and irrelevant arguments of Mr. Olad. Addressed on his article “Most of the border districts have strong trade ties with the neighboring Somalia/Somaliland to access basic services and products. Ethiopian market is too far and expensive for the local people and regional state has closed all borders” this is the way Mr. Olad Guled is trying to justify Somali-lander illegal traders to cross our borders illegally into Ethiopian Somali region which is incredible and he undermined the right of Ethiopia to keep and monitor its borders to preclude the intrusions of illegal traders into its territory which is an international convention of sovereignty right.

On other hand; border districts are not only those of Ethiopian Somali region shares with Somalia/Somaliland, but there are many other woredas/districts that Ethiopia share borders with its neighboring countries such as Djibouti, Eretria, Kenya, South Sudan and Sudan and everywhere in Ethiopia borders are strictly monitored which is not allowed to enter into country illegal traders and immigrants.

Currently, Ethiopian Somali region has 93 woredas of which 41 of them are new woredas that regional parliament endorsed since 2013 when the first 16 new woredas and 4 city administrations have officially approved. Since President Mr. Abdi Mohamoud Omar came to the office of presidency, regional state started to ensure and exercise regional autonomy and power inherited  as per 1995 constitution of Federal Democratic Republic of Ethiopia, and It was the first time in history that regional state president was established and legitimated 16 new woredas and 4 city administrations in the region.

Later Ethiopian Somali regional state recognized system expansion to lower level is fundamental importance for service provisions, developmental infrastructure expansions and security related concerns; then in 2016 G.c. regional parliament has endorsed 25 new woreda, 2 zone and 2 city administration—that made Ethiopian Somali region to has 93 districts/woredas, 11 zone, and 6 city administration which is great achievement for people of Somali region. The ultimate aims is to expand service provision and development expansion to reach unreached peripheral & remote areas in the region including hard to reach areas due to nature of geography location and topography landscape and those areas with security strategic importance. Actually this is great achievement and success for people of Somali region and it’s not crisis and we must appreciate people behind this remarkable and historic achievements led by HE Mr. President Abdi Mohamoud and his government.

Mr. Olad Guled “Ethiopian Somali Regional state president order Liyu Police to harass other clans and making life hard for the pastoralists of other Somali clan. ” It is very disgusting to blame our president some things baseless and fabricated. How can it be possible the president of six million people to command special force to harass his people. This is not genuine argument its nonsense fabricated propaganda but so far; we are well familiar when the president subjecting commanders of Liyu Police to be and become like civil society a shoes in many stages including media TV and mass gathering events. However; our special force is reliable security force in the horn of Africa!

I would like to remind the people of horn of Africa region around world particularly; Somalis who are misconceived about Liyu Police or those of you hosting international terrorist and deliberately against Liyu police for doing good security jobs in the horn should understand this force is reliable security force in the horn of Africa region—that fighting against terrorists in the horn; who are part & parcel of Ethiopian arms.

Mr. Olad Guled’ s article was absolutely biased which cannot represent the factual status of Ethiopian Somali region in terms of political, economic, and societal concerns. It’s like a piece of writing that lost its neutrality, accuracy, and ethics of writing, and minded clannish ideology with intentions of attempting to disintegrate the solidarity of people of Ethiopian Somali region. Further; his writing seems that he is seeking tunnels that anti-peace and terrorist groups can smuggle into our country Ethiopia, and justifying to create a room that illegal traders would have an opportunity to invade into our country through border areas of Somali region“ Which unlikely to happen in our set up. 

Eventually; President of Somali Region Mr. Abdi Mohamoud Omar is most respected and genuine president ever came across Somali region of Ethiopia, he dramatically changed black history of our region and opened a new golden historic page for people of Ethiopian Somali region "The history of the world is the history of a few people who had faith in themselves." - Swami Vivekananda

President Abdi Mohamoud Omar has leadership qualities of decisiveness, strength, resolution, risk-taking, vision and imagination are differentially distributed, irrespective of wider structural circumstances. And finally I could say he is not deserve to offense his quality of leadership and political maturity to direct and lead his people for better livelihood, peace, security, stability and development. We are highly appreciated and admired his leadership strength and dedication to his people.  "Successful leaders recognize that great innovation comes from observing the same ideas as everyone else and seeing something different." - Reed Markham. Thus HE Mr. president Abdi Mohamoud Omar has such leadership quality.

Finally, I would like to click a valuable message to Somalis people around world—that we share common language, culture, belief and borders but what we differ are only country nationalities & Citizenship, and people of Somali region are Ethiopian and part of big family of Ethiopia, and Ethiopian Somali region is one of prominent pillars of Ethiopia country, therefore, if people of Somalia knew when people of Somali region of Ethiopia  were misguided 25 years back and some of them were used to make Somalia defense force, some others refugee camps in Somalia and other remaining parts Somalia were used to arm and send back their home country and open fire. Such trends have changed during last 25 years, people of the region and federal Government of Ethiopia have common goals and Mutual understanding which are principally based on Ethiopian peoples, nations, & nationalities interests at large for solidarity, integrity, Co-existence, development, peace, security & prosperity to all Ethiopian Citizens.

Ethiopian-Somali region has witnessed tremendous economic and societal transformation, which based on developmental policies and strategies of country and directed by President Abdi Mohamed Omar and his administration to attain the maximum requirements in achieving broader developmental and transformation goals. Due to security improvements, on other hands; Ethiopian Somali region has inborn obligations to curb the intrusions of terrorists and illegal traders into its territory, and there would not be a deal or negotiation to anyone against our peace, security, development, stability and legal system of our country, who wants to destabilize our region and country at large.

 Writer: Ahmed Deeq Hussein, independent analyst, if any concerns or question don’t hesitate to contact me via ahmeddek2015@gmail.com&Twitter: @AhmedDek5

 N.B. for further reading about Olad Guled article, you can find this link:

http://www.somalilandpress.com/ethiopiathe-mad-mullah-21st-century-abdi-mohamed-omar-somali-regional-state-president/

Wafti Qurba Joog Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil waal.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) sabti, 2da, July, 2016 Wafti  qurba joog ah oo uu hogaaminayay Ugaas Xasan Maxamed Cabdisalaan  ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport kuwaasi oo ka soo kicitimay wadanka UK.

Waftigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay  masuuliyiin ay  ka mid yihiin wasiir ku xigeenka xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed Cabdilaahi, wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed  Shugri iyo waliba odayaal iyo waxgarad kale.

Waftigan ayaa markii ay soo dageen waxaa qolka nasashada garoonka diyaaradaha  kula hadlay warbaahinta DDSI Ugaas Xasan  Maxamed oo ka mid ah aqoon yahan ka qurba joogta  DDSI ee wadanka UK kana qayb qaada hawlaha horumarka DDSI  ee ay qurba joogta DDSI ka wado daafaha aduunka.  wuxuuna ka  warixiyay ujeedada socdaalka waftigan isaga oo  sheegay in ay u yimaadeen ka qaybgalka kulan waynaha qurba joogta DDSI ee dhawaan ka furmaya xarunta deegaanka ee jigjia. Ugaaska ayaa tilmaamay in ay si wayn ugu faraxsan yihiin ka soo qaybgalka kulan waynahan ay xukuumada DDSI u qabanayso  qurba joogta DDSI.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka xidhiidhka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed ayaa sheegay in wafigani qayb ka yihiin waftiyaga qurba joogta ah ee hadda ku soo qul qulaya xarunta deegaanka si ay uga qaybgalaan kulan waynaha qurba joogta.

 

Sidoo kale wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane axmed shugri ayaa sheegay in  qurba joogta DDSI siwayn uga qayb qaadatay  sanadihii ugu danbeeyay hirgalinta hawlaha horumarka deegaanka maalgashi balaadhana ka samaysteen deegaanka. Wuxuuna tilmaamay wasiir ku xigeenku in  xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka qurba joogta DDSI   

MW CMC Oo Kaqaybgalay Qalinjabintii Kuliyada Xirfadaha

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Axad, 3da Jully 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka kaqaybgalay xafladii qalinjabinta kuliyada tababarada xirfadaha iyo farsamooyinka gacanta oo ay kaqalinjabisay in kabadan 304 ruux daf-cadii 15, aad. Taas oo kadhacday hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdile xasan.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay furitaankii xaflada ayaa ugu horayn u hambalyeeyay ardayda maanta qalinjabisay iyo waalidiintoodii kusoo dadaashay isagoo sheegay in tababarada xirfadaha iyo farsamooyinka gacantu ay yihiin kuwa muhiim u ah sida biyuhu muhiim uyihiin oo kale oo ay yihiin dhiig joojin islamarkaana si xukuumadu u xoojiso xirfadaha ay deegaanka kahirgalisay dhismaha 9 kuliyadood dhamaanba gobolada deegaanka. Madaxwaynaha ayaa intaa kudaray, in ardayda qalinjabisay loo samayn doono fursado shaqo loogu abuurayo oo aysan marnaba noqon doonin shaqo la’aan.

Kadibna waxaa laguda galay xafladii qalinjabinta qaybaheedii kaladuwanaa sida abaalmarinta ardaydii kaalmaha hore kagalay waxbarashada, dhinaca anshaxa iyo waliba dhinaca tababaradaba.

Wafti Qurba Joogta Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil waal.

$
0
0

Jigjga (cakaaraNews)  isniin 4ta July , 2016 Waxaa  garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport si heer sare ah loogu soo dhaweeyay wafti qurba joogta oo ka kala socday wadamada waqooyinga America iyo Scandinavian.

Waftigan ayaa waxaa garoon diyaaradaha si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo ay  ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHS mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, Wasiirka ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane maxamed daahir, maareeye ku xigeenka wakaalada qurba joogta DDSI mudane bashiir maxamed cabdilaahi, wasiirka maalgalinta DDSI mudane cabdinaasir maxamed iyo masuuliyiin kale.

Waftigan qurba joogta ah ayaa waxaa kala hogaaminayay gudoomiyaha XDSHSI ee  jaaliyada waqooyiga America mudane Maxamed Bade iyo gudoomiyaha jaaliyadaha wadamada Scandinavian mudane Cabdicasiis Seeraar Xaashi  waxayna masuuliyiintani warbaahinta kula hadleen qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha kuwaasi oo sheegay in ujeeada socdaalkoodu  yahay in ay ka soo qaybgalaan kulan waynaha tododaabka   qurba joogta ee dhawaan ka furmaya caasimada DDSI ee jigiga waxayna si wayn ugu mahad celiyeen xukuumada sida balaadhan ugu soo dhawaysay garoonka diyaaradaha kuna marti qaaday kulan waynahan.

 

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi oo la hadlay warbaahita ayaa sheegay  in  qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku sugan daafaha aduunka ay xukuumada DDSI  ay marti qaad u fididay si ay uga soo qaybgalaan kulan waynaha todobaadka qurba joogta oo ah mid lagu sii  xoojinayo isku xidhka qurba joogta iyo xukuumada DDSI.    

Tababar Ku Saabsan Dardargalinta Nidaamka Xog Uruurinta Oo Loo Bilaabay bahwadaagta HIV/AIDSka.

$
0
0

Jigjiga (Cakaaranews) isniin, 4ta July, 2016 Xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDSka ee DDSI ayaa wuxuu dadaal adag ugu jiraa sidii looga hortagilahaa loona xakamayn lahaa  khatarta iyo faafitaanka HIV/AIDSka. wuxuuna xafiiska wacgilan balaadhan ka wadaa dhamaanba degmooyinka deegaanka.

Haddaba waxa tababar loo furay  xubno ka socday xafiiska ay bahwadaagta yihiin xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ ADISKA DDSI. Tababarka oo uu isla  xafiisku soo diyaariyay ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay ku simaha wasiirka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA DDSI ahna agaasintka waaxda xisaabaadka xafiiska mudane  Mustafe Axmed Saleebaan  wuxuuna sharax dheer ka bixiyay dadaalada uu  xafiisku ugu  jiro la dagaalanka iyo xakamaynta cudurka HIV/ADISKA.

Mar uu masuulku ka waramayay   ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan ayaa waxa uu sheegay   in ay tahay sidii looga  midho dhaliyo qorshayaasha  xafiiska  ayaa waxa lagu    guulaystay in la  casriyeeyo nidaamka xog uruurinta iyo isku  gudbinta warbixinada ee heerarka kaladuwan iyada oo uu xafiisku warixinada til maamayaasha waxqabad ee bahwadaagta heerarka kala duwan ku ururiyey  nidaamka Electronic multisectoral information system(EMRI) taasi oo lagu kaydinayo  shabakada xogta ee xafiisku uu leeyahay. Tababarkana uu yahay mid xubnahan fahan buuxa laga siinayo nidaamka nidaamka casriga ah ee xog ururinta, habka galinta iyo ka saarida xogta.

Nidaamkan uu xafiiska wado ayaa ah mid  sahlaya  helitaanka xog tayo leh, goorta iyo aminta loo baahdaba si loogu adeegsado xogtan ku go’aan qaadashada jihooyinka iyo qorshayaasha xafiisku kula dagaalamayo HIV/AIDSka ee deegaankeena. Waana  nidaam  suurto galinaya  helitaanka warbixinada ee goobaha fog ee aan boostada lahayn.


Qaab-dhismeedkii Mashruuca JEG Oo La Bilaabay

$
0
0

jigjiga(Cakaaranews)isniin 4da july 2016. Shir ujeedadiisu tahay buuxinta foomka qaabdhimeedka cusub ee barnaamijka darjaynta qiimaynta shaqada ee looyaqaano JEG ayaa loo qabtay dhamaan shaqaalaha Xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI.

Hadaba shirkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankiisa kahadlay kusimaha wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ahna agaasinka qorshaynta ee isla xafiiska mudane Cabdulaahi Maxamuud Axmed wuxuuna sheegay in shirkani yahay mid shaqaalaha loogu soobandhigayo qaabdhismeedka cusub ee mashruuca JEG kaasoo waayadanba ay kujireen gudigii loo xilsaaray islamarkana ay si fiican u gabagabeeyeen iyadoo larabo in labo cisho gudahood ay shaqaaluhu ku dhamaystiraan dhanka buuxinta foomka iyo tartanka boosaska cusub.

Sidookale waxaa isna dhankiisa kahadlay Gadh/W Geedisocodka meelaynta,dalacsiinta iyo badalaada cududa shaqaalaha ee xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane maxamed cabdikariim isagoo sheegay in shirkani yahay mid shaqaaluha loogu sheegayo buuxinta foomka qaabdhismeedka cusub islamarkaana ay utaratmayaan booska uu buuxinayo iyadoo loo eegayo aqoontiisa iyo khibradiisa. Wuxuuna intaa kudaray agaasinku in qaabdhismeedkan cusub uu xafiisku u qaatay  pilot test  ahaaan islamarkaana tijaabo uu yahay kadibna loo sii gudbi xafiisyada kale ee heer deegaan.

Ogaysiis Ku Socda Qurba Joogta DDSI.

$
0
0

Jijiga (cakaaranews) talaado. 5ta July 5, 2016, Waxaa La Ogeysiisnayaa Dhamaan Qurbajoogta DDSI Ee Ku Sugan Gudaha Dalka In Ay Barito Salaada Ciida Kadib Iska Soo Diwaan Galiyaan Xafiiska Xidhiidhka Arrimaha Qurbajoogta DDSI Ee Magaalada Jigjiga.

Haddaba Sida Uu Noo Sheegay Wasiir Ku xigeenka xafiiska  Qurbajoogta DDSI Mudane bashiir maxamed cabdilaahi  ayaa waxa ay tahay is diwaan galintu in qurba joogta la siiyo kaadhka ay ku galayaan xaflada casho sharafta ah iyo kulan waynaha.

Wixii faah faahin ah kala xidhiidh xafiiska qurba joogta DDSI tilifoonada kala ah 092,901,7191 ama 0930 112171.

Qurba Joogtii ugu Tirada Badnayd oo Ka Soo Degtay Garoonka Diyaaradaha ee Daraad Wiil waal.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews)  talaado, 5ta July, 2016  qurba joogtii ugu badnayd adib oo halmar ka soo wada degta garoonka diyaardaha e garaad wiil waal ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay   garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport. Kuwaasi  oo ka kala socday wadamada Australia,  Ingariiska,  Kuwait,  Germany,  Iyo Wadamo kale.

Waftigan ayaa waxaa garoon diyaaradaha si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ay  ka mid yahay Wasiirka Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Cadaalada DDSI mudane C/jamaal Axmed Qalombi, hanti dhowraha Guud DDSI Mudane Adan Kuusow Cali, Wasiirka Haweenka carruurta iyo dhalinyarada DDSI Marwo Raxma  Sulaan Maxamuud Haybe, ku simaha xafiiska qurba joogta DDSI ahna  Ku xigeenka Qurbajoogta DDSI Mudane C/khaliif Buraale  ( dhoombe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Jarar Mudane Cabdi Cali Mataan iyo Qurbajoogta DDSI iyo Mas'uuliin kale.

Masuuliyiinta hogaaminaysa jaaliyada ayaa  Warbaahinta DDSI  kula hadleen qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha kuwaasi oo sheegay in ujeeada socdaalkoodu  yahay in ay ka soo qaybgalaan kulan waynaha tododaabka  qurba joogta ee dhawaan ka furmaya caasimada DDSI ee jigiga waxayna si wayn ugu mahad celiyeen xukuumada sida balaadhan ugu soo dhawaysay garoonka diyaaradaha kuna marti qaaday kulan waynahan.

Masuuliyiintii ku soo dhaweysay Garoonka oo la hadlay warbaahita ayaa sheegay  in  qurba joogta ka soo jeeda DDSI ee ku sugan daafaha aduunka ay xukuumada DDSI  ay marti qaad u fididay si ay uga soo qaybgalaan kulan waynaha todobaadka qurba joogta oo ah mid lagu sii xoojin doono isku xidhka qurba joogta iyo xukuumada DDSI.

MW CMC Oo Munaasabada Ciidal Fidrida Tahniyada Hanbalyo u Diray muslimiinta Caalamka.

$
0
0

Jijiga (cakaaranews) talaado, 5ta July, 2016  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tahniyada  farxada ciidul Fidriga hanbalyo u diray dhamaan muslimiinta caalamka kuwa  itoobiya  gaar ahaan DDSI.

Madaxwaynaha ayaa ugu bishaareeyay muslimiinta in ay farxad ku ciidaan isaga oo Allaah uga baryay muslimiinta oo dhan  in laga aqbalo  khayraadkii bisha barakaysan ee Ramadaanka ay cibaadaysanayeen ajri iyo xasanaadna  kala kulmiyo soonkii bishii barakaysneed ay  soomanaayeen. 

Madaxwaynaha DDSi  ayaa dhamaan muslimiinta ugu baaqay in maalinta ciida  farxada lala  wadaago dadka danyarta lana  caawiyo walaalaha muslimiinta ah qofkastana uu ka warhayo walaala muslimiinta danyarta ah ee  dariskiisa la ah.

Raisalwasaare Hailemariam Desalegn oo amaanay shacabka DDSI iyo Hogaamintiisa

$
0
0

Adhisababa (cakaaranews)Talaado 5ta July 2016. Raisal wasaaraha JDFI mudane hailemariam desalegn ayaa warbixintii sanadlaha ahayd ee uu usoo jeediyay golaha wakiilada shacabka dalka ku amaanay shacabka, DDSI iyo hogaamintaba isagoo hoosta kaxariiqay in deegaanka soomaalida itoobiya uu kajiro horumar laxaad leh oo ku yimid kago’naanshinyo ay layimaadeen bulshada deegaanka, xukuumada deegaanka iyo ta dalkaba. Waxaana tusaale loo sooqaadan karaa in sanadkan ay xukuumadu xooga saartay dhanka biyaha gaar ahaan biyo xidheenada waawayn, iyo xidhiidhka dadwaynaha dal iyo dibadba.

Raisal wasaare hailemariam ayaa sidoo kale sheegay in hogaaminta deegaanku ay usii jeedo dhanka horumarka iyo waliba inaan maanta deegaanka lagu tilmaami karin in uu kamid yahay deegaanada dib u dhacsan balse uu yahay mid dawlad deegaanada kale ee dalku ay kudaydaan oo ay khibradaha ugu badana kaqaataan gaar ahaan dhanka kashaqaysiinta xirfadlayaasha iyo islahaysiinta shaqadooda. Wuxuuna xusay in dhanka xidhiidhka dadwaynaha dal  iyo dibadba uu deeegaanku mudan yahay in lagaga daydo khibrad wayna laga qaato.

Ugudanbayna raisal wasaaraha dalka mudane hailemariam desalegn ayaa carabka ku adkeeyay in deegaanka lagaga daydo dhanka ururinta biyaha gaar ahaan biyo-xidheenada, barkadaha, qodida ceelasha dhaadheer iyo dhismayaashaba taas oo uu sabab uga dhigay interpriseyada kaladuwan ee uu deegaanku samaystay. Wuxuuna raisal wasaaruhu hadalkiisii kusoo xidhay in kadib markii deegaanku ku filaaday nabadgalyada deegaanka iyo xuduudaha dallkaba uu caawin nabadgalyo kadhalin kagaysanayo wadamada aan dariska nahay sida soomaaliya. Raisal wasaaraha ayaana magadcelin balaadhan usoo jeediyay dhamaan shacabka, xukuumada deegaanka iyo XDSHSI isagoo ku booriyay inay dadaalkooda sii laba jibaaraan.

Maanta iyo Salaadii Ciida

$
0
0

Jigjiga ( cakaaranews ) Arbaco 6da July 2016 Waxaa maanta guud ahaanba deegaanka si wayn looga damaashaaday farxada ciidul fidriga iyadoo 7,aadkii u danbeeyay bishii barakaysnayd ee soomka ay bulsho-waynta deegaanku si wayn oogu diyaar garoobayeen munaasabada ciidul fidriga.

Hadaba waxaa saaka  garoonka wayn ee ciyaaraha magaalada jigjiga buux dhaafiyay qaybaha kaladuwan ee bulshada muslimiinta ah iyo hogaaminta xukuumada DDSI oo ay horkacayaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamud Cumar, masjidul aclaha iyo golaha arimaha islaamka kuwasoo safaf aan tiradooda la koobi karin ugu tukaday halkaasi.

Waxaana salaada kahor khudbado wacyigalin iyo dhiiri galin dhanka diinta islaamka ah halkaa kasoo jeediyay ugu horayn madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, gudoomiyaha majidul aclaha mudane sheesh cabdiraxmaan iyo waliba gudoomiyaha maxkamada shareecada mudane sheekh nadiir sayid nuur.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn  khudbad kasoo jeediyay madashii salaada ciida ayaa kahadlay ahmiyada balaadhan ee ay nabadgalyadu uleedahay nolosha iyo koboca dhaqan dhaqaale ee bulshada deegaanka,dalka iyo dibadaba. Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay dhibaatooyinka ay diinta islaamka kuhayaan ururada argagixisada ah ee isku-sheegaya islaamka balse kafog islaamnimada oo gabaad kadhiganaya diinta islaamka kuwaas oo ay kamid yihiin al qushaash, daacish, shiica, al itixaad iyo wixii lamid ah.wuxuuna xusay inay bulshada deegaanku tahay bulsho ehlu suna wal jameca ah oo aysan marnaba ogalayn fikirada diinta xagjirka ah ee laga soo dhoofiyo wadamada shisheeye.

Madaxwaynaha ayaa dhanka kale sheegay sidii caadada u ahayd in cafis lasiinayo maxaabiistii u xidhnayd dambiyada kaladuwan ee  intii ay jeelka ku xidhnaayeen saxmay.

Ugudanbayna culimo-awdiinka deegaanka ayaa duco caam ah ugu duceeyay dhamaan shacabka waynaha dalka, deegaanka, xukuumada DDSI iyo ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska in ilaahay ugu sii wado horumarka iyo nabadgelyada kahanaqaaday dalka iyo deegaankaba.

Ogaysiis: Dhamaaan Qurbajoogta DDSI

$
0
0

 

Jigjiga( Cakaaranews ) Arbaco, 6da July 2016. Waxaa la ogaysiinaya dhamaan qurbajoogta DDSI ee kakala timid daafaha caalamka kuna sugan xarunta DDSI ee magaalada jigjiga si ay uga qayb galaan shirwaynaha todobaadka qurbajoogta DDSI ee 7da July ilaa 14ka July 2016 in habeen danbe  laga bilaabo 6da ama 12ka maqribnimo casho sharaf soo dhawayn ah loogu samaynayo   guriga martida ee Qaryaan Dhoodaan islamarkaana jadwalkii geedi socodka shirwaynaha oo bilaaban doona maalinta xigta lagu siin doono.  

Hadaba waxaan mar labaad ogaysiinaynaa dhamaan qurbajoogta sharafta leh ee DDSI ee kusugan xarunta  deegaanka  inay kasoo qaybgalaan munaasabada casho sharafta soo dhawaynta ah  ee loogu qabanayo Qaryaan dhoodaan. Taas oo ay kala soo qaybgali doonaan Hogaaminta  ugu saraysa xukuumada  DDSI iyo waliba kooxihii fanka iyo suugaanta DDSI.

Waa inoo habeen danbe iyo Qaryaan Dhoodaan.Lasocod iyo kasoo qaybgal wanaagsan.


Xafladii Soo Dhawaynta Casho Sharafta Qurbjoogta

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Khamiis 7da July 2016. Waxaa caawa barxada wayn ee Qaryaan Dhoodaan lagu qabtay xaflad casho sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay taasoo lagu soo dhawaynayay qurbo joogta DDSI  ee kakala timid daafaha caalamka oo ay tiradoodu kor udhaafayso 2kun  oo shaqsi.

Hadaba xafladan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwayne Cabdi maxamuud cumar, madaxwayne kuxigeenada, Golaha wasiirada, maamulada Gobolada, Hogoominta Jaaliyadaha kaladuwan ee DDSI iyo marti sharaf kale. Waxaana furitaankii xafladan ugu horayn kahadlay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar oo ay madasha kusoo dhawaysay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo sucaad axmed faarax.

Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuu cumar oo furay xafladan ayaa ugu horayn soo dhaweeyay qurbajoogta DDSI ee kakala timid daafaha kaladuwan ee caalamka. Wuxuuna uga mahadceliyay imaanshahooda isagoo ugu hambalyeeyay inay salaadii ciidul fidriga ay si nabad ah oo farxadi ku dheehan tahay ulatukadeen shacabka ku nool xarunta DDSI ee jigjiga. Taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay xukuumadu kashaqaysay ilaahayna ugu suurtagaliyay sidii qorshuhu ahaa. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in kulanwaynaha 7aadka qurbajoogta  DDSI uu si rasmi ah bari subaxa uga furmi doono Hoolka shirarka ee sayid maxamed cabdile xasan islamarkaana ay jiri doonaan tartan dhaqameedyo kaladuwan oo dhexmari doona qurbajoogta dhexdeeda iyo waliba qurbajoogta iyo qaranjoogta DDSI. Tartamadaas oo looga gonleeyahay sii xoojinta hidaha iyo dhaqanka ay umada deegaanku leedahay.

Dhanka kale wasiir-kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad ayaa faahfaahiyay noocyada tartan dhaqameedyada kaladuwan iyo geedi socodka kulanwaynaha. Wuxuuna intaa kudaray in kadib tartan dhaqmeedyada kaladuwan ay jiri doonaan abaalmarino cidii kuguulaysata taratamadaas islamarkaana abaalmarintu ay noqon doont Geel.

Kadibna Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud Cumar ayaa u furay qurbajoogta iyo heerarka kaladuwan ee marti sharfta casho sharftii loogu talagalay. Waxaana si toos ah ubilaabatay qaadashadii casha sharafta.

Ugudanbayna kooxaha kaladuwan ee fanka iyo suugaanta deegaanka iyo qurbajoogta oo iskudhafan  ayaa si wayn ushiday xaflada casho sharafta ah ee soo dhawaynta qurbajoogta DDSI iyagoo halkaa kusoo bandhigay dhaantooyinkii hidaha iyo dhaqanka ee uu deegaanku caanka ku ahaa.

 

Shirkii Golaha Kabineega DDSI

$
0
0

Jigjiga( Cakaaranews ) Jamce, 8da July 2016. Waxaa saaka hoolka shirarka ee xafiiska madaxwaynaha kafurmay shirkii golaha kabineega DDSI ee caadiga ahaa.

Hadaba shirkan golaha kabineega oo had iyo jeer lagu dajiyo qorshayaasha wax ku oolka ah ee keenay horumarkan laxaadka leh ee kahanaqaaday deegaanka islamarkaana lagu qiimeeyo fulinta qorshayaasha kusalaysan waxqabadyada kaladuwan ee xukuumada udajisnaa ee wakhtiga gaaban, dhexe iyo fogba ayaa saaka diirada lagu saaray sidii loo dar-dargalin lahaa shaqooyinka  dhinacyada horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban iyadoo si adagna loogu qiimeeyay waxqabadka qorshihii sanadkii hore iyo qorshaha sanadka cusub ee 2009TI. Waxaana gaar ahaan xooga lasaaray dhanka biyo-xidheenada.

Waxaa kale oo uu goluhu shirkan diirada kusaaray sidii loo dhisi lahaa qaab-dhismeedka gobolada, maamul magaalooyinka iyo degmooyinkii cusbaa.

Dhanka kalana, golaha ayaa codbuuxa ku ansixiyay in xafiiska horumarinta xoolaha loo dhaadhiciyo heer degmo isagoo magaca xafiiskuna noqonaya xafiiska xoolo-dhaqatada iyo iskaashatooyinka. Waxaa kale oo la israaciyay xafiiska ganacsiga iyo arimaha bulshada oo loo dhaadhiciyay degmooyinka. Kaas oo aan horay uga jirin heer degmo.

Hadaba si loo xoojiyo shaqooyinka xafiiska xoolo-dhaqatada iyo horumarinta reer guuraaga DDSI ayaa waxa uu madaxwaynuhu wasiirka xafiiskan umagacaabay mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi oo ah lataliyaha madaxwaynaha dhinaca xidhiidhka dadwaynaha ama xarunta dhexe ee XDSHSI meesha mudane Cabdinuur Colowna loo magacaabay wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI.

 Ugudanbayna, shirkii golaha kabineega ee saaka ayaa kusoo dhamaaday guul iyo shaqooyinka oo lasii laba-jibaaro.

Ogaysiis Xubnaha Xildhibaanada DDSI.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Sabti 9ka July,  2016 dhamaan xubnaha  xildhibaanada DDSI waxaa la ogaysiinayaa in ay iska soo diwaan galiyaan xafiiska golaha xildhibaanad DDSI laga bilaabo maanta oo ah sabti taariikhduna tahay 2da Hamle 2008TI.

Haddaba waxaa xubnaha golaha xildhibaanada lala socodsiinayaa in kalfadhiigii 3aad ee golaha xildhibaanada DDSI furmayo 4ta bisha Hamle 2008TI sidaasi awgeed waxaa  lagu wargalinayaa xubnaha xildhibaanada DDSI in ay iska  diwaangaliyaan xafiiska golaha xildhibaanada DDSI.   

 

 

MW CMC Oo Furay Kulan-waynihii 7, aadka Qurbajoogta DDSI

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Sabti, 9ka July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa niskii danbe ee maanta hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan si rasmi ah uga furay kulan-waynihii 7, aadka qurbajoogta DDSI oo ay kasoo qaybgaleen hogaaminta sare ee xukuumada iyo in kabadan 2kun oo qurbajoog ah oo kakala yimid dacalada kaladuwan ee dunida.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa furitaankii kulan-waynaha kaga warbixiyay sooyaalkii taariikheed ee dalka itoobiya iyo cadaadisyadii horay uga jiri jiray ee lagu hayay shacabwaynaha dalka guud ahaan gaar ahaana cadaadisyadii ay boqortooyooyinkii kaladuwanaa iyo  dhargiguba kuhayeen shacabka deegaanka. Wuxuuna xusay in itoobiyada cusub ee maanta ay kaga duwan tahay itoobiyadii hore lahaanshaha aragti shacab oo kusalaysan horumar, nabadgelyo, maamul suuban, sinaan, cadaalad iyo nidaam kudhisan dimoqraadiyad uu mideeyay dastuur mid ah.

Madaxwayne CMC ayaa dhanka kale si qoto-dheer uga faalooday sooyaalkii taariikheed ee deegaanku soo maray iyo caqabadahii xukuumadihii kaladuwanaa iyo xisbiyadii kudhisnaa aragtida qabiil iyo fikiradii cidhiidhyanaa ee soomaali wayn kuwaas oo hoos uladagay nabadgelyadii iyo horumarkii deegaanku gaadhi lahaa. Wuxuuna carabka kudhuftay in isbadalka deegaanka ee maanta uu kuyimid halgan adag oo dhinac walba ah gaar ahaan isbadalka dhanka nabadgelyada oo ururadii argagixisada ahaa sida UBBO dagaalo fool-kafool ah oo lagaga guulaystay lalagalay iyagoo dhinaca kalana lagala dagaalamay dhanka dhaqaalaha khaasatan shacabka qurbajoogta ah ee kasoo jeeda deegaanka oo ay warbixino been ah dhaqaale kaga heli jireen oo dhamaan qaaradaha caalamka ay hogaaminta XDSHSI socdaalo wadatashi ah ugu tagtay, iyo waliba hogaaminta XDSHSI oo leh aragti horumarineed islamarkaana duurka ugashay soo afjarida nabadiidka iyo darsida nolosha dhabta ah ee shacabka si qorshaha waxqabadka loogu saleeyo baahida dhabta ah ee shacabka dhakhsana looga jawaabo. Taas oo ah mida ay kutimid horumarkan laxaadka leh. Madaxwaynaha ayaa intaa kudaray in dhinaca horumarka oo ay xiligaa adkayd in lahirgaliyo dadaalo farabadan kadib lagu guulaystay in lagarab wado nabadgelyada iyadoo caqabado badan oo jirayna ugu danbayn laga gudbay.

Sidoo kale, wuxuu madaxwaynuhu kawarbixiyey kaalintii nabadgelyada iyo horumarka maanta kahanaqaaday deegaanka ay kulahaayeen qurbajoogtu isagoo uga mahadeliyay islamarkaana kubooriyay in dhanka horumarka laga filayo qurbajoogta inay dadaalo kuwii hore kabadan ay kagaystaan deegaanka sanadaha soo socda.

Ugudanbayna, qurbajoogta DDSI ayaa kamarkhaati kacday isbadalada horumarineed, nabadgelyo iyo dadaaladii cilmiyaysnaa ee dal iyo dibadba uu guulaha kakeenay XDSHSI iyagoo balanqaaday inay sii laba-jibaari doonaan dadaaladooda kaga aadan deegaanka xaga horumarka.

Kadibna, waxaa qurbajoogta DDSI wakhti loo siiyay inay kasoo doodaan isbadalka sooyaalkii taariikheed ee deegaanka iyo waliba sidii loo sii adkayn lahaa si looga midha-dhaliyo qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha wajigiisa labaad oo uu dalkuna kaga mid noqdo wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

 

Kulan lagaga Hadlayay Mashaariicaha MDG.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Axad 10ka July 10, 2016 Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay dar dargalinta mashaariicaha horumarka waara ee MDG ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.

Kulankaasi oo uu hogaaminayay wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI ahna gudoomiye ku xigeenka gudiga mashaariicaha MDG mudane Suldaan Khayre waxaana loo qaytay dhamaanba masuuliyiinta iyo shaqaalaha wakaaladaha DDSI.

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Khayre oo sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii looga wada hadli lahaa fulinta iyo dar dargalinta mashaariicaha horumarka waara MDG ee ay wakaaladaha DDSI gacanta ku yahaan fulintooda gaar ahaan mashaariicaha  sanad miisaaniyeedka 2009TI.

Waxaa kale oo uu  sheegay wasiirku  in mudada uu kulanku socdo   lagaga hadli doono fulunta  iyo hirgalinta qorshihii sanad miisaaniyeedkhii hore ee 2008TI ee ay wakaaladuhu  gacanta ku hayeen fulintooda si qorshaha 2009TI loogu darsado  hadii ay wax gol daloola ah ka jirtay fulinta qorshahaasi hore ee mashaariicaha horumarka waara.

 

  

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live